-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somaila, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalin ka hor booqday Kenya ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in kooxda Al-shababa aysan ahayn cadowga Somalia oo keliya, balse ay yihiin cadow ay leeyihiin dadyowga ku nool Bariga Afrika. Farmaajo ayaa sheegay in kooxdan ay si aan kala sooc lahayn u laynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee gobolka, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay sheegashadooda ah inay u dagaalamayaan diinta Islaamka. “Al-shabaab oo ka mid ah kooxaha argagaxisada ah waxay wadaan dagaallo ay si aan kala-sooc lahayn ugu laayaan dad aan waxba galabsan. Waxayna weerarradooda naxariis-darrada ah ka fuliyaan Somalia iyo dalalka gobolka oo ay ku jirto Kenya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa in kooxdan ay cadow ku tahay gabi ahaan dadka nabadda jecel ee ku nool Soomaaliya iyo Waddamada kale ee gobolka Bariga Afrika. “Puntland ayaa ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatada iyo cabsida ku haya shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool,” ayuu mar kale yiri Farmaajo. Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa ku daray inay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii dalka uu nabad ku noqon lahaa, isagoo intaas ku daray in xasilinta Somalia ay gacan weyn ka geysanayaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya. “Askarta ka socda Waddamada Soomaaliya la jaarka ah waxay dalkeenna ku bixinayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u nabadeeyaan dalkeenna, waana mid aan uga mahad-celinayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo. Ugu dambeyn, Madaxweynaha DF ayaa sheegay inay ballanqaadayaan inay Somalia nabad kusoo celiyaan, isla markaana ay cagta marin doonaan kuwa cadowga ku ah nabadda iyo xasilloonida Somalia iyo dalalka kale ee gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Al-shabaab Cadow kuma aha Shacabka Sooamaliyeed oo keliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan. Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan. Caruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan daryeel sidan ka wacan, waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa oo siinaa mudnaanta ay leeyihiin, maalmihii u danbeeyey waxaan booqanayay xarumaha ciyaalka agoonta si aan u ogaano daryeelkooda. Mamulka Gobolka Banaadirna wuxuu siin doonaa daryeelka ay mudan yihiin, si dhowna ayaana ula socon doonaa xaaladahooda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post DUQA MUQDISHO: Waxaan Mudnaan Siinayaan Gacan Qabashada Agoonta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Ilhan Omar, the public organizer and social activist, who made history in 2016 when she became the first Somali-American Muslim legislator in the United States is on a fight to end child marriages in her state of Minnesota. Source: Hiiraan Online
-
The top need for immigrants residing in Seattle and King County is access to affordable housing, a city of Seattle survey has found. English-language proficiency and the availability of media in their native languages may boost political participation and engagement in their new communities. Source: Hiiraan Online
-
The World Food Program is calling for stronger international support for hundreds of thousands of Somalis impacted by some of the heaviest rains to hit their country in three decades. The rainfall that began last month has caused widespread flooding and damage in central, south and north Somalia. Source: Hiiraan Online
-
When Norwegian journalist Asne Seierstad began reporting on the Juma family she was told that their daughters had left for Syria to join ISIS, but were "desperate to come home." That's what their father, Sadiq, told her as he attempted to bring them back home. Source: Hiiraan Online
-
Visiting Somali President Mohammed Farmaajo was admirably blunt in his criticism of the terrorist group in his country that has caused untold suffering both at home and in the region. He didn’t mince his words, mentioning Al-Shabaab by name and casting doubt on its claim to be based on religion. Source: Hiiraan Online
-
Somalia backs Kenya’s bid to sit on the UN Security Council
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya–President Uhuru Kenyatta today held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. Source: Hiiraan Online -
Ethiopia’s ruling coalition started talks with opposition groups on amending provisions of an anti-terrorism law critics say has criminalised dissent, state-affiliated media said. Source: Hiiraan Online
-
JOHANNESBURG – A devastated cyclone-hit community in Somaliland is to receive $3-million (R37.5-million) from the UN Assistant Mission in Somalia (UNSOM). Source: Hiiraan Online
-
Al Shabaab terror group on Monday executed two Kenyans it accused of spying for Somalia and Kenyan intelligence services. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, ayaa markii u horaysay si faahfaahsan uga hadlay khilaafka wadankiisa iyo shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP world, waxaanu eeddo culus u jeediyay shirkadda DP world, isagoo sheegay inay DP world doonaysay inay wiiqdo horumarka dekedaha Djibouti, waxaanu sheegay inay ficilkan oo kale ku sameeyeen dalka Yemen, kuna samayn doonaan dekedda Berbera ee Somaliland. Madaxweyne Geele oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, wuxuu kaloo soo bandhigay lacagta uu dalalka shisheeye kaga kireeyay saldhigyada ay ku leeyihiin Djibouti oo uu sheegay inaanay 10% ka ahayn miisaaniyadda dalkiisa. Madaxweyne Geele wuxuu kaloo sheegay inuu qaato mushahar ka yar midka ay qaataan wasiiradiisu. Wargeysku, wuxuu Madaxweynaha weydiiyay khilaafka dalkiisa iyo shirkadda DP world, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele yidhi “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan. Sidaas oo kale ayaa ay ku sameeyeen dekedda Cadan, kuna samayn doonaan dekedda Berbera iyo meelaha kalaba. Waa horumar dhaqaale oo iyaga oo keli ahi ay ka faa’iidayaan. Ma’ yeelayno arrintaas.” Madaxweyne Geele isagoo ka hadlaya xidhiidho uu la sameeyay madaxda dalka Imaaraadka Carabta si xal looga gaadho khilaafka Djibouti iyo DP world, wuxuuse sheegay inaanay madaxda u saraysa Imaaraadka Carabtu u soo jawaabin, waxaanu yidhi “Shirkadda DP World waxaay dacwad cusub u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garnaqista ee fadhigeedu yahay London oo hore u soo saartay xukun iyada u dan ah. Waxaay ka faa’iidaysteen xaqiiqda ah in heshiiska naga dhexeeya lagu dabaqayo xeerarka Ingiriiska oo aan aqoonsanayn wadaagista masuuliyadaha ka dhasha heshiisyada. Tanina waxaay ka mid tahay khaladaadka aanu galnay. Balse halka ay doonaan ayay aadi karaan, anaga nama cabsi gelin doonto. Waxaanu samaynay wax kasta si aanu u gaadhno xal labada dhinacba u dan ah; sanadihii 2016 iyo 2017 waxaan waraaqo u qoray Raysal Wasaaraha Imaaraadka, Sheekh Maxamed Ibnu Rashiid iyo Wasiirka Imaaraadka u qaabilsan Arimaha Debedda Cabdalah Ibnu Zaayid, iyo sidoo kale amiirka dhaxalka boqortoyooda leh Maxamed Ibnu Zaayid, si aanu dareenkooda ugu soo jeedino xal in la gaadho. Midkoodna wax jawaab ah ima siin! Maanta DP World waxaay ku hanjabaysaa inay dacwad ku oogayso dhamaan shirkadaha dekedaha maamula ee doonaya inay maal gashi ku sameeyaan dhulka Jamhuuriyadda, ha noqoto Dooraale ama meel kale ba. Tani waxaay muujinaysaa ilaa xadka uu heshiiskani khatar ku ahaa madax-banaanidayada. Waa dirqin (blackmail). Isuma dhiibi doono.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu wargeysku weydiiyay inuu soo bandhigo lacagta uu saldhigyada milatari ee shisheeye uu kaga kireeyay Djibouti, waxaanu ku jawaabay “Waan ku siinayaa. 58 Million oo dollar sannadkii waa Maraykanka, 30 milyan oo euro waa Faransiiska, 20 milyan waa Shiinaha, 3.5 million waa Japaanka. Marka la isku daro xataa 10% kama aha miisaaniyadayda.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Geele, wuxuuna intaas raaciyay inaanay Djibouti cashuur ka qaadin waxyaabaha ay wadamadani kala soo degaan aagga cashuuraha ka caagan ee dekedaha Djibouti, alaabtaas oo uu sheegay in haddii ay Djibouti cashuuri lahayd ay tobanaan goor ka badan lahayd lacagta saldhigayada lagaga kireeyay. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa la weydiiyay mushaharka ay wasiiradiisu qaataan, waxaanu ku jawaabay “Wuxuu qaataa 400,000 (Afar boqol oo kun oo Faranka Djibouti ah ) oo u dhiganta 2,248.00 US Dollar. Waxa haddana Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele la weydiiyay bal mushaharka uu isna qaato ka madaxweyne ahaan, waxaanu isagoo qoslaya yidhi “Waxaan qaataa 359,000 (Saddex boqol iyo sagaal iyo konton kun oo faranka Djibouti ah) oo u dhiganta 2017.58 US Dollar. Waa mushahar ka yar midka wasiiradayda..” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mu’asasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horeeysay baahisay filim cusub oo ay kusoo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda loo yaqaan amniyaadka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose. Filimkaan ayaa lagu soo gudbiyay howlgallada ay fuliyeen Guutada Amniyaadka ee Al-Shabaab ay ku magacaawday Maxamed Bin Maslama oo ay sheegtay inay beegsadaan saraakiisha iyo madaxda dowladda Federalka. Filimka ayaa waxaa kasoo muuqanayay marka ugu horeysa dagaalyahanada dilalka fuliya oo tababar ku qaadanaya xero gaar ah oo aanan la ogeyn halka ay ku taalo kadibna waxaa muuqaalka filimka lagu soo bandhigayaa howlgallo dilal qosheysan ah oo dagaalamayaasha ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku beegsanayaan Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka Somalia. Filimka waxaa lagu soo bandhigay qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsaneyso ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee kusugan dalka oo qaar kamid ah gaadiidkooda la qarxinayo. Muuqaalka waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya qarixii bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose kaasoo lagu dilay xildhibaanadii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo lagu magacaabi jiray C/Qaadir Baraf oo ahaa wasiiru dowlihii amniga ee koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabi jiray Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle.
-
Hargeysa (Caasimadda Online)– Xubno isbiirsaday oo u badan aqoonyahanka kasoo jeeda Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa dhismaha Taallo Hargeysa looga taagayo Hoggaamiyihii halgankii gumaysi-diidka Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo si weyn ugu soo horjeeday gumeystihii Ingiriiska. Kooxdan aqoonyahanka ah ee isku xilsaaray hirgalinta Taaladan ayaa waxa hormood ka ah Cabdiwahaab Suldaan Cumar Xaaji Daahir “Canule” iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi “Wayrax”, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ku guda jiray qorshan ay taalada ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Qorshahan muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ku hawlan yihiin ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo si si dhaqso ah. Dhinaca kale muwaadiniinta hawshani wada ayaa waxa ay baaq u direen madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan Ujeedada Taaladan Muwaadiniintani uga dhisayaan Sayid Maxamed Cabdule Xasan magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen si loogu xasuusto isla markaasina aanay u lumin taariikhdii halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Mujaahidiintii Daraawiistu lagaleen Gumaystihii Ingiriiska. Magaalada Jigjiga ee caasimada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa horay looga taagay taallo lagu weyneynaayo halgankii Sayidka, waxaana la ogsoon yahay taariikhda inuu dagaal la galay xabashadii. Dhinaca kale Hirgalinta taaladan ayaa hadii lagu guulaysto waxa ay kaalin weyn ka qaadan doontaa inay meesha ka baxdo dacaayadaha been abuurka ah ee Bulshada reer Somaliland laga faafiyey taasoo ah inay kasoo horjeedaan isla markaasina aanay jeclayn Taariikhda iyo Halgankii Mujaahid Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagalay gumaysiga. Sidoo kale Hirgalinta Taaladani waxa ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u cadayn doontaa in aan nacayb iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa,isla markaan waxa ay cadaydoobtaa in Bulshada Somaliland qirsan tahay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo ummadda in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay. Isku soo wada duuboo waxa laga dhur-sugayaa qaabka iyo hanaanka Kooxdan Aqoonyahanka ahi u hirgaliso Taaladan oo noqondoonta mid saamayn badan oo dhinacyo badan leh
-
Jig-Jiga (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada. Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafad oo ku yaalla degmada Chinaksen ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri. Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dil ku fulisay laba ruux oo u dhalatay dalka Kenya oo ay ku eedeeysay inay basaasiin ahaayeen sirdoonka Somalia iyo Kenya. Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in maleeshiyada Al-Shabaab oo isticmaalaya Seef ay dil magaalada Fino ee gobolka Shabeellaha Hoose, kula fuliyeen Shukri Cali oo ahayd 22 sano jir kana soo jeeda magaalada Gaarisa iyo Faarax Godane oo kasoo jeeda magaalada Lamu. Al-Shabaab ayaa inta badan dadka ay eedeeyan ku dila rasaas, qoor goyn iyo dhagax. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku qasbay inay kasoo qeyb galaan dilka isla markaana ay daawadaan dilalka foosha xun si qof walba uu u cabsado isla markaana u sameynin waxyaabo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ilo kale ayaa xaqiijiyay in habeenkii kale, 5 ruux oo Kenyan ah iyo laba ruux oo u dhalatay dalka Tanzania oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish lagu jir dilay xerada. Ilaha ayaa intaa ku daray in kooxda la jir dilay lagu helay iyagoo Internetka ka aqrinaya qoraalada kooxda Daacish taasoo keentay in taliyaha xerada uu xubnahaas la xiriiriyo kooxda Daacish/ ISIS. Hogaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Abuu Cubeydah ayaa 20-kii bishii May soo duubay fariin cod ahayd oo uu ku xaqiijinayo sida kooxda Al-Shabaab ay daacad ugu tahay Al-Qaacida.
-
Washington (Caasimada Online) – Midowga yurub, Canada iyo Mexico ayaa sheegay iney ka aarsanayaan Mareykanka canshuurta uu ku soo rogay biraha iyo alumuniumka waddamadaa laga soo geliyo. Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington. Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico. Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa’ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey. Wadahadallada dib looga eegayo canshuuraadka la xidhiidha Canada, Mexico iyo Waqooyiga Mareykanka wuxuu qaatay “wakhti ka badan intii looga tala galay”, sidaa darteed Washington waxay go’aansatay ayuu yiri iney joojiso canshuur dhaafka ay waddamadaasi u sameyn jirtay. Britain ayaa waxay sheegtay iney go’aanka Mareyknaka uu qaatay ay “aad uga niyad jabsan tahay” kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac. Ra’isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa wuxuu canshuurta uu soo rogay Mareykanku uu ku tilmaamay “mid aad u xun” taasoo waxyeelleyneyso xiriirrka dheeraa ee u dhaxeeyey Canada iyo Mareykanka, gaar ahaanna kumannaanka askari ee u dhashay dalka Canada ee ka garab dhintay iyaga ka garab dagaallamaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan. Wasiirka dhaqaalaha ee Mexico yaa wuxuu dhankiisa ka sheegay iney qorsheeynayaan waajibaadki canshuurta ee ay marin lahaayeen biraha, lugaha doofaarka, tufaaxa, canabka iyo blueberries (midho canab u eg) iyo chiiska ee ay mreykanka ka soo galo sidi ay yeeli lahayeen. Madaxweynaha Mareykanka Donald trump bishi March ayuu ku dhawaaqay qorshahiisa ku aaddan in canshuur lagu soo rogi doono biraha iyo alumuniumka (jaandiga) dalka laga soo geliyo dibadaha. Go’aanka Mareykank ayaa la filayaa inuu dagaal ganacsi oo hor leh uu ka dhex abuuro Waddamada Midowga Yurub, Canada iyo Mexico.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ay dileen Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda ee Gobolkan Banaadir, C/weli Ahmed Mohamed. Dilka ayaa la sheegay inay fuliyeen laba Maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay. Rasaasta ugu badan ayaa Guddoomiyaha kaga dhacday qeybaha sare ee jirka, iyadoo aanu naf la gaarin dhulka, sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal xiligaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/weli Ahmed Mohamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon Muqdisho, gaar ahaan Degmada Wartanabada, hase ahaatee waxa uu Caawa ku baxay gacanta Maleeshiyaad Hubeysnaa. Sidoo kale, Maamulka degmada Wartanabada ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta dilka uu ka dhacay gaaray. Dilka C/weli Ahmed Mohamed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay marti galineyso dilal kala duwan oo lala eeganaayo shaqaalaha Dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com