Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha saddexaad ee hoggaanka iyo hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada. Khayre ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro. “Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa inaan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad aqoon leh. Waa inaan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon lahayd,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Waa in sare loo qaado Aqoonta Dhallinyarada si ay u Horuariyaan Dalka appeared first on Puntland Post.
  2. urkish authorities ordered the dismissal of more than 18,500 state employees including police officers, soldiers and academics, in a decree published on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Abiy Ahmed Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey caasimada Asmara ee dalka Eritrea. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxayna ka wada hadli dooonaa sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa. Labada dal ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaanno ka tirsan soohdinta ay wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobay ay deegaannadaasi u xukuntay Eritrea, walow ay Itoobiya diiday go’aankaasi. Eritrea iyo Itoobiya ayaa sanadii 1998 waxaa dhexmaray dagaal kharaar oo ay ku dhinteen kumanaan qof, kaas oo socday ilaa iyoo 2000, kadib dhexdhexaadintii sanadkii 2002 ma jirin wax xiriir ah oo ay la haayeen labada dal. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa bishii hore aqbalay heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey soohdintii lagu muransanaa ee labada dal, waxaana Addis Ababa booqday wafdi ka socday Eritrea. Waa raii’sul wasaarihii ugu horeeyay oo ka socda Itoobiya oo tago dalka Eritrea muddo 20 sano ah. PUNTLAND POST The post Abiy oo ka degay Asmara appeared first on Puntland Post.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliiska ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii aragagaxisadu ay la beegsadeen xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa. “Maanta waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi’iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo. Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Ciidamadu waa dadaaleen bilihii lasoo dhaafay hadana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka lasii wadi doono. Dawladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethio­pian Prime Minister Abiy Ahmed traveled Sunday to Eritrea, once a bitter rival, for an unprecedented summit with its longtime leader, Isaias Afwerki. State Eritrean television showed an Ethio­pian Airlines plane landing at the sparse airport in the Eritrean capital of Asmara, where a brass band was drawn up to greet the prime minister for the first such visit in two decades. The two Horn of Africa neighbors have been sworn enemies for the past 20 years since fighting a brutal ground war from 1998 to 2000 that saw at least 70,000 killed. In the intervening years, the two sides have clashed repeatedly and supported rival rebel movements. Abiy was hugged by Isaias himself at the airport, and they occasionally smiled and laughed together as they strode past the uniformed band and honor guard — a marked contrast to the Eritrean president’s normally stone-faced public appearances. The two men were welcomed by rows of officials and women in traditional dress waving palm fronds before they retired to the airport VIP lounge, where they sat and sipped juice beneath portraits of themselves. Before leaving the airport, Abiy waded into the crowd of welcoming women and exchanged hugs. As the convoy of vehicles carrying Abiy passed through downtown Asmara, crowds lined the street and cheered loudly, spilling into the road and slowing the cars to a crawl. The change in relations between the two countries has stunned observers. For the first time in decades, Ethio­pian flags adorned the streets of Asmara and other cities in preparation for Abiy’s visit, according to photos tweetedby Natalie Brown, the U.S. chief of mission in Asmara. The rumored visit was confirmed by Abiy’s chief of staff, Fitsum Arega, on Sunday morning. “Abiy Ahmed has left to Eritrea, Asmara today to further deepen efforts to bring about lasting peace between the people of Ethiopia & Eritrea,” he tweeted. “Our two nations share a history & bond like no other. We can now overcome two decades of mistrust and move in a new direction.” Nearly 30 years ago, the future leaders of the two countries were comrades in the struggle against Ethiopia’s communist dictatorship. But after its overthrow and Eritrea’s declaration of independence, relations soured despite close cultural and linguistic ties. Ethi­o­pia’s new reformist prime minister, Abiy, broke the deadlock between the two countries on June 5 by accepting the 2000 peace agreement that ended the war, which would involve ceding territory still held by Ethi­o­pia. Events moved quickly after that, with Isaias accepting the overtures as a “positive” move and sending a delegation led by his foreign minister to Addis Ababa a week later. Now there has been talk of reopening long-closed air links between the two countries this year. The summit will probably involve negotiations on how to begin the complex process of returning territories to each other and separating populations as well as restoring ties. Under Abiy, Ethi­o­pia appears to be embarking on a new path of reform, but Eritrea has been characterized as one of the most authoritarian states in Africa. For much of the past 20 years, Eritrea has been focused on its conflict with Ethi­o­pia, with substantial spending on its military and indefinite mandatory military service that has led hundreds of thousands of Eritreans to try to immigrate to Europe. The meeting “heralds a new era of peace & cooperation,” Eritrean Information Minister Yemane Meskel tweeted Sunday. In interviews broadcast live on Eritrean state television, people praised the visit and welcomed peace between the two countries. “Peace is everything,” said an elderly man wearing a turban and sunglasses. Washington Post
  6. At the opening ceremony of a 370-million, 240-hectare international free trade zone in Djibouti, Thursday, Presidents, prominent African, Asian business leaders, and representatives of UN, AU and other international organizations attended. Abdirashid Duale, Dahabshiil Group CEO, was among the luminaries who graced the Djibouti International Free Trade Zone launching event, and the Africa-China Economic Forum and Exhibition which followed on Friday. Amina Hersi Moghe, an East African business mogul, was another. Mr. Duale spoke to the press on site and, later, to the BBC Somali Service about the events. “Availing this crucial facility to Africa is yet another portal connecting African business not only to China but, potentially, to international trade volumes,” he said, adding that Djibouti is strategically located at a command point to benefit from a number of trade routes traversing the area – land and sea. Duale believes that without the sound vision of the Djibouti government and its leaders, Djibouti would not have turned the epicenter hub of trade it has become now. The Djibouti International Trade Free Zone (DITFZ) was yet another manifestation of how important this tiny African country was becoming to Africa and the outside world, commanding attention. “The DITFZ would bring the world to Africa, as it will market Africa products and services to the outside world – providing a two-way channel,” he said. “I am happy to see an end to the difficulties the bulk of African business concerns and smaller firms/enterprises encountered in order to directly deal with big markets like that of China, and vice versa,” Mr. Duale said. He pointed out that, with the recent inauguration of railway facilities with landlocked Ethiopia and the network of land, air and sea facilities currently in place in Djibouti, supplying the rest of the continent and, in a similar fashion, accommodating goods African manufacturers and service providers are exporting, is much boosted by the DIFTZ vision, connecting Africa to global trade routes. Mr. Duale reaffirmed that Dahabshiil Group of companies, and, specifically, its East African Bank and Dahabshiil money transfer network, available in Djibouti, would further extend their services to facilitate trade among partners – large or small. “Dahabshiil is poised as a strategic financial services provider that can facilitate easy communication and money flow among business partners using its extensive experience and steadfast networking,” he stated. The DIFTZ would eventually spend some 3.5 billion US Dollars to extend facilities begun to cover 4800 hectares seeking to turn Djibouti to host Africa’s ‘biggest trade zone”. Djibouti seeks to capitalize on its strategic position along one of the world’s busiest trade routes in order to further ‘consolidate its place in international trade and commerce’, as President Ismail Omar Ghuelleh put it, opening Friday’s Africa-China Economic Infrastructure Cooperation Forum and exhibition which closely followed on the heels of the DIFTZ event. Mr. Tegegnework Gettu, United Nations Under-Secretary-General and UNDP Associate Administrator, had a message for the Africa-China Sustainable Cooperation on Economic Structural Transformation, speaking at Thursday’s opening ceremony, officiated by Hon. Mustaa Kamil, the Djibouti Prima Minister. “Structural transformation and diversification is also crucial to build resilience to shocks, be it those driven by commodity price volatility, by natural hazards like droughts, conflict and instability, or epidemics such as Ebola. Diversification away from agriculture and from primary commodities is a buffer against these shocks and an effective way of mitigating these risks,” he said. Mr. Gettu further hoped that economic structural transformation and industrializationbe a “key to bring people out, and to keep them out, of poverty”. The DIFTZ launch event was attended by president Paul Kagame, president of Rwanda and, presently, the Chairperson of the African Union; Omar Hassan El Basher, the president of Sudan; Mohamed Abdillahi Mohamed Farmajo, the president of Federal Somalia; Abiy Ahmed, the prime minister of Ethiopia; and Moussa Fakki Mahamat, the Chairperson of the African Union Commission. The African leaders all heartily welcomed the DIFTZ promising to stand by it in every which required to make it a success. The DIFTZ was made possible by Djibouti, the majority shareholder, along with three Chinese companies: the China Merchants Group, Dalian Port Authority and Chinese big data company IZP. https://www.youtube.com/watch?v=UEOS6_knqLo
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya xogo muujinaaya in Qaraxyada ugu badan ee kadhaca magaalada Muqdisho fulintooda aysan ku ekeen keliya maleeshiyaadka Al-Shabaab. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Qaraxyadaasi fulintooda ay kaalin mug leh ka qaatan Siyaasiyiin aad uga soo horjeeda Siyaasada dowlada Somalia iyo Nabadgalyada ka jirta dalka. Siyaasiyiinta looga shakisan yahay inay ka qeybqaatan Qarxyada iyo amni darada ka jira dalka ayaa ka shidaal qaata dowlada aadka uga soo horjeeda isbedelada xiligaani ka jira Somalia. Ahmiyada Siyaasiyiintan ayaa ah in magaalada Muqdisho ay saaxiib u noqoto amni darro, waxaana xusid mudan in dhaqaale xoogan ay ku qaatan qalqalka amni ee magaalada Muqdisho. Dowladaha gadaal ka riixaya Siyaasiyiinta fududeeya Qaraxyada Siyaasadeed ee ka dhaca dalka ayaa waxaa kamid ah Imaaraadka, Sacuudiga iyo Kenya oo iyadu sal balaarsi ku heysa deegaanada ku yaalla xadka kala dhexeeya Somalia. Dhaqaale ka duwan kan mushaarka u ah Siyaasiyiinta ayaa ku baxa fududeynta iyo isku xirka shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan Qaraxyada kuwaa oo dhaqaale ka abuurta dhiiga shacabka. Siyaasiyiinta ugu badan ee farta ay ku godan tahay ayaa ah kuwa inta badan dowlada Somalia ku dhaliila adkeynta amniga caasimada,waxa ayna aad u doon-doonaan in dhagahooda ay ku dhacdo Qaraxyo ka dhaca magaalada Muqdisho. Qaababka ay Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiinta uga qeybqaatan amni darada iyo Qaraxyada ka dhaca dalka ayaa ah:- 1-Dowlada Somalia oo lagu dhaliilo adkeynta Amniga. 2-Mucaaradka oo Howlgalada joogtada ah u rogo mid lagu u gaarsanaayo shaqsiyaad gaara. 3-Taageerida dhinacyada lidka ku ah amniga iyo iyaga oo ka dhex macaasha amni darada sida Qaraxyo dhaca iyo dilalka oo bata. 4-Wax ka sheegida guulaha dowlad iyo in la niyad jabiyo madaxda si ay u kordhaan cadowda dowlada sida Al-Shabaab. 5-Madaxda dowlada oo laga dhigo kuwo ka weecday wadada, iyagoo ujeedka mucaaradka uu yahay in magaalada Muqdisho ay kuwada noolaadan Al-Shabaab iyo Dowlada, si aysan horay ugu socon dowlada. Sidoo kale, Mucaaradka Dowlada oo doonaaya inay dhabarka jabshaan dowlada iyo midnimada ayaa Al-Shabaabka geysta dilalka iyo Qaraxyada uga dabataga Xabsiyada, iyagoo kusoo daaya damaanad. Si kastaba ha ahaatee, kaalinta ay mucaaradka ku leeyihiin amni darada ka jirta dalka waxa aad ka dheehan kartaa khudbadahooda oo inta badan lagu cambaareeyo nabadda ka jirta dalka iyo talaabooyinka ay dowlada ku adkeyneyso amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethio­pian Prime Minister Abiy Ahmed traveled Sunday to Eritrea, once a bitter rival, for an unprecedented summit with its longtime leader, Isaias Afwerki. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada ku yaala magaalada Muqdisho ee la dhigay dhawacyada shaqaalaha Wasaarada arrimaha gudaha ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay. Ra’isul wasaare Kheyre oo mid mid u booqday dhaawacyada ayaa aad ula yaabay dhalinyarada la dhigay isbitaalada kadib markii ay dhamaantooda ahaayen kuwo qaba hal dhaawac. Dhawacyo kabadan Sagaal ayaa qabay dhaawaca hal nooc, waxa ayna dhamaantooda ahaayen kuwo ka wada jabay lugaha iyo gacmaha. Dhakhaatiirta oo sharaxaad ka bixinaayay kiisaska dhaawacyada ay qabteen ayey Ra’isul wasaare Xasan Kheyre u sheegen in kuwa ugu badan ay yihiin kuwo qaba dhaawacyo fudud oo Jabiin ah. Kheyre oo weydiiyay bukaanada waxa sababay jabniinka ayaa waxa ay qireen in dhamaantooda ay ahaayen kuwo kasoo booday dhismaha Wasaarada iyaga oo ka cararaayay in maleeshiyada ay ugu galaan xafiisyada. Mid kamid ah bukaanada ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ku yiri “Sababta aan isaga soo tuuray dhismaha waxa ay aheyd inaan is arag Al-Shabaabka nagu soo weeraray xarunta waayo haddii ay kugu soo galaan qololka waxa ay kuula dhaqmayaan si ka fog islaanimada” “Waxaan doorbiday inaan iska tuuro dhismaha oo aan ku dhinto si sharaf leh, waayo dhibka ugu badan ee isoo gaaraya waxa uu noqon karaa jab” Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawacyada daran u ballanqaaday inuu geyn doono caafimaad dibadda ah.
  10. Elite divers on Sunday began the extremely dangerous operation to extract 12 boys and their football coach who have been trapped in a flooded cave complex in northern Thailand for more than two weeks, as looming monsoon rains threatened the rescue effort. Source: Hiiraan Online
  11. The board of Mozambique's Lam Airlines has been sacked after the country's prime minister and other passengers were left stranded when a plane ran out of fuel. Source: Hiiraan Online
  12. Turkey's ruling Justice and Development (AK) Party on Saturday nominated Prime Minister Binali Yildirim as parliament speaker. Source: Hiiraan Online
  13. A US soldier has been killed and two others wounded in an "apparent insider attack" in southern Afghanistan, according to NATO. Source: Hiiraan Online
  14. Turkey on Saturday condemned the terrorist attack in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. Former Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC) chair Issack Hassan is in trouble over transactions worth millions of shillings allegedly carried out on behalf of a law firm he had sold. Source: Hiiraan Online
  16. According to several unconfirmed reports on social media, Ethiopian reformist Prime Minister Abiy Ahmed is expected to visit Eritrea as soon as Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen xarun ay wada deganaaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana hallkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah kuwaa oo kasoo koray isgooska Sayidka laba jiho, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee ka howlgala isgooska Sayidka ee uu ka dhacay weerarka. Gaariga koowaad oo noociisa uu ahaa Parado ayaa isgooska Sayidka kasoo koray dhanka xarunta baarlamaanka gaar ahaan laamiga ka imaada bakaaraha waxa uuna ku dhuftay ilinka laga galo Wasaarada. Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in laba ruux oo dhar shacab wata uu ku dajiyay halka la dhigo gaadiidka Hoteel Sayid oo ku yaala isla isgooska waxaana xigay Qaraxa oo ahaa mid ay maleeshiyada ku furaneysay bartakoontarool ee laga galo Wasaarada. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqaan Saaruf cuu ka imaaday dhanka Isgooska Dabka waxa uuna daba socday gaari nooca dagaalka ee looyaqaan Cabdi-bilaha kaa oo lagu qarxiyay afafka hore ee Hoteel Sayid, iyadoo ay khasaaro kasoo gaartay ciidamadii la socday gaariga dagaal oo qabar moog ahaa. Gaariga labaad ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Howlwadaag, sida ay xogta sheegeyso waxaa gaarigaasi waday dhagarqabe da’diisa lagu sheegay ilaa 25 jir. Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay sii hayeen xogta weerarka hase yeeshee aanu jirin xili rasmi ah oo la filankaray weerarka. Ciidamada amaanka ayaa ku dhawaad Seddex bil ku jiray heegan si looga hortago Qaraxyada iyo dilalka ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, hase yeeshaa weerarada ayaa inta badan dhaca xiliyada kala wareega ciidamada amaanka. Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo weerarka oo u muuqda mid la hagaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga. Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaareyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla. Lacagtan ayaa ah mid aad u yar marka loo eego maqaamka madaxweyne Erdogan, lalana barbardhigo madaxda kale ee dunida. Waxaa kaloo la sheegay in madaxweyne Erdogan uu Dhul beereed ku leeyahay Gobolka Riza ee dalka Turkiga, kasoo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 2600 oo doolar, iyo Guri uu ku leeyahay magaalada Istanbuul oo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 200-kun oo Doolar. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa hantidiisa ka mida Gaari nooca AUDI A8 oo qiimihiisu yahay 50,000 doolar, waxaana xusid mudan in wargeyska dowladda Turkiga uu sheegay in Madaxweynaha Turkiga lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan 420-kun oo Doolar, waxaana lacagtaasi ku leh ganacsadaha Mohame d Gour. Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa hore u baahisay in madaxweyne Erdogan uu yahay hantiile lacagtiisu gaareyso 58 Milyan oo Doolar, waxaana la tilmaamay Qasriga ugu weyn White Palace ee uu dhisay Erdogan. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortagaan falal amni darro ka badan hal iyo laba Qarax. Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid leysku haleynkaro, waxa uuna cadeeyay in dhinacyo gaara ay ka faa’iideysanayaan dhibaatooyinka ku dhaca shacabka. Wasiir Ducaalle, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ka dhici jireen weeraro badan, balse hadda laga hortagay wixii badnaa. “Muqdisho lama dhihi karo amni darro ayaa ka jirta maaha in la eego hal Qarax oo dhaca waa in dib loo eegaa tirada badan ee la fashiliyay” “Muqdisho waxa ay adduunka kala mid tahay dhibta Qaraxyada, balse waxaa mas’uuliyad naga saran sida aan ku adkeyn laheen amniga”. Wasiir Ducaalle waxa uu tilmaamay in ka hortaga musiibooyinka Al-Shabaab ay mas’uuliyad ka saran tahay cid waliba oo ay ku jirto wadaniyad, waxa uuna ku baaqay in dowlada lagala shaqeeyo wixii amni ah. Sidoo kale, dhinacyada nabadiidka ayuu ugu goodiyay inay ka dabagali doonaan god waliba oo ay galaan, waxa uuna carab ***** in amniga Muqdisho uusan ku burburi doonin af iyo Qarax, hase yeeshee ay ilaalsan doonaan shacabka. Waxa uu cadeeyay in amni darada ka jirta dalka ay horseed u yihiin shaqsiyaad u saaxiib ah carqaladeynta xasiloonida a jirta dalka, kuwaa oo uu sheegay inay u baahan yihiin in si wada jira looga hortago. Hadalka Ducaale ayaa dad badan ka yaabiyey isaga oo xilli dadweynaha doonayeen inay ogaadaan sababta qaraxii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha uu ku jawaabay “Waxaa ka badan qaraxyada aan ka hortgano” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay 16 xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso 16 wadan oo Afrikaan ah saddexda sannadood ee soo socda. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Kenya furanayso 16 xafiis diblomaasiyadeed oo mid ka mid ah ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland. Magaalooyinka Afrika ee ay xafiisyada ka furanayso ayaa waxa gobalka Geeska Afrika ku yaala saddexda magaalo ee kala ah Hargeysa, Djibouti iyo Kismaayo. Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma oo ka hadlaysa sababta ay Kenya xafiisyada u furanayso waxay tidhi “Diblumaasiyaddayadu waxa ay ka shaqaynaysaa dedaalka aanu ku xoojinayno aqoonsigayaga / ahaanshiyahayaga gaarka ah, higsigayaga qaran iyo qarannimadayada, kagana ilaalinayno faragelinta shisheeye ee iman karta. Halka aanu dhinaca kalana ka dhisayno kana xoojinayno awooddayada tartan.” Ganacsatada Qaadka Miirooga ee Kenya ayaa dhawr goor dawladooda ugu baaqay inay xidhiidh diblomaasiyadeed oo aqoonsi gaadhsiisan la samayso maamulka Somaliland, si ay Hargeysa ugu iib keenaan qaadka oo ay sheegeen inay ku soo arkeen suuq dihin, balse u baahan tartan lala galo qaadka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Naiorbi Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo xukuumadda Federalka Soomaaliya ay dhistay ayaa si weyn uga howlgalaya Magaalada Muqdisho afartii bil ee la soo dhaafay, waxaana amniga ay ku xaqiijinayeen qaabab kala duwan oo aan horay loo arkin sida in dhamaan wadooyinka isgoysyada Magaalada Muqdisho ciidamo la dhigo (Check Point), in jid-cadayaasha xaafadaha gabi ahaanba lagu xeray caro iyo dhagxaan. Waxaa intaasi dheer in ciidamada ay si aad ah u baarayaan gawaarida iyo dadka shacabka ah, waxaana sidaas si ka duwan loo adkeeyaa wadooyinka farasmagaalaha sida jidka Makka-Al Mukaramma oo dadka u shaqeeya dowladda si aad ah u istcimaalaan, gaar ahaan agagaarka sayidka oo kaliya ay isticmaalaan gawaarida dowladda iyo mas’uuliyiita kala duwan ee la shaqeeya, waxaana ay aad ugu dhawdahay dhismaha Otto Otto oo ah halka weerarka lagu qaaday ee xarumaha dowladeed. Waxaa muhiim ah inaad ogaato in aysan jirin joogteynta shaqada ugu adag ee dalka oo ah sugidda Amniga, waxaana xili walbo jirta habacsanaan dhanka amaanka ah oo sabab u ah wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta qeybaha kala duwan ee hay’adaha amaanka iyo isla-xisaabtan la’aan. Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo ay xigeen rag hubeysan waxa ay la eegteen xarumaha wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga oo shacab iyo mas’uuliyiin dowladeed ay ku wax yeeloobeen, waxaana xarumahani ay u dhaw yihiin dhismaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, su’aalo badan la iska weydiinayaa sida sahlan ee weerarka lagu fuliyay, iyadoo la ogyahay in si weyn loo adkeeyo Amniga xarumaha dowladda ku holwgasho. Waxaad xisaabta ku darsataa in weerarada nuucaan oo kale ah ee lagu qaado xarumaha dowladda iney yihiin kuwo si aad ah looga soo shaqeeyo waxaana Al Shabaab ay kala kaa shadaan saraakiil katirsan dowladda Federalka Soomaaliya, mana jirto wax dabagal iyo baaritaan ah oo lagu sameeyo sida dhacdayba dhowr jeer oo hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Burburkii dawladnimo ee dalkeena ka dhacay 1991, ee sababay in ay dhacdo maqnaansho dawladeed,taasoo qarankay ku dhacdaa galo fawdo iyo burbur iyo xasilooni daro joogta ah. ayaa keentay in dalkeenii noqdo mid aan lahayn dawlad ilaalisa xuduudihiisa,bad iyo bari iyo cirba. waxaa lumay oo burburay hay adihii dawliga ahaa oo dhan,sharcigii iyo kala danbayntii.meel laciir sado iyo cid loo dacwoodo iyo cid masuul ah ayaa lawaayay. Arimahani waxay sababeen in dalkeenii uu is dhibyar uuga faa iidaysto cadawgeenii shisheeye oo kaa shanaya dad soomaaliyeed oo ah dawladiid daba dhilif ah oo ka xun cadawga shisheeye. Maxaa yeelay cadawga shisheeye waa la fahmi karaa oo dadka iyo dalka malaha waa horar gumaysi doon ah,laakiin ninkii u dhashay dalka oo ah soomaali hadana doonaya in dalkaan lagumaysto oo lawaayo jiritaan iyo magac soomaaliyeed,oo dhaaf sanaya dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisaba shiliman kani waa kaxun yahay cadawgaa shisheeye oo kuu soo bareeray. Waxaa sideedaba daliil kuugu ah kitaabkeena iyo diinteenu siday inoo cadaysay oo allahaah yiri kaafirka iyo munaafaqa waxaa cadaabta xataa kolkii lagaliyo meesha u hoosaysa la dhigaa MUNAAFAQA. ninka dalkeena iyo dadkeena iyo diinteena khiyaamaa oo inooga baxaa arintaa inaga dhaxaysaa waa MUNAAFAQ gaalkaa dhaama waxbadan. Hadaba cadawgii shisheeye ee inagu soo qamaamay,kolkay arkeen in aan dawladeenii inagoo soomaali ah iska duminay,oo wiilasheenii iyo dadkeenii dalka difaaci lahaa xasuuqnay,oo dayacanay kuwa markiiba inoo yimid waxaa u horeeyay TIGREEGII aynu shalay markaynu dawlada ahayn abaal u galay. hayeeshee noqday kuwa uugu cadawsan taariikhda wax la soo darsa umada soomaaliyeed oo uga yimaada dhanka ethiopia. Tigreega oo lashaqaysanaya dawlado shisheeye oo reer galbeed ah iyo kuwo carab ah oo intuba yihiin xulufo,ayaa haystay qandaraaska ah dhismaha urur cadaw ah oo loo soo galiyay shaadh xarako diineed in ay yihiin oo iska dhigaya in ay dalka diin ku xukumayaan.kuwan oo gobolada waqooyi laga soo galiyay dalka soomaaliya oo la keenay koonfur.kama sheekayn karo halaaga ay u gayseen dadkeenii iyo dalkeenii. Waligaa xasuusnoow,dawlad xumi oo dikteeytar ah ayaa ka khayr badan maqnaansho dawladeed oo ah in meeshaba ay kabaxdo dawladnimadu.Halkan waxaad ka garanaysaa qiimaha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay DAWLADNIMADU.dhibka waxa inabaday wax kale maha waa dawlad la aanta.garo markaa macaanka iyo karaamada ay leedahay dawladnimadu iyo in aadamuhu noolaaan karayn dawlad la aan,yeelanaynina sharaf dadnimo iyo xornimo midna. Tigreegii cadawga ahaa wuxuu ku yeeshay caasimadeenii,kooxo dawlad diid ah iyo siyaasiyiin daba dhilif ah,waxa uu la wareegay ciidankii sirdoonka soomaaliya oo gacan ku dhigay,waxa uu kala qaybiyay beelihii.wuxuu taageeraa dawladiid shabaab iyo cadawga soomaaliyeed si aan dawlad u dhalan. SOOMAALILAND waxa uu ka dhigtay xoruntiisa uugu wayn ee uu ka dumiyo soomaaliya,waxa uu garab istaagay daba dhilifyadii soomaaray ee uugu khidmaynaayay,in dadka soomaaliyeed lakala gooyo lagana hor istaago in ay dawlad noqdaan helaan nolal iyo nabad iyo karaamo dawladnimo. beelaha waqooyi dhexdooda wuu kala dilay oo waxaa la caburiyay dadka raba dawladnimo iyo soomaalinimo,loogamana adkaan beel ahaan ee waxaa loo adeegsaday kaarayaal iyo ciidamo tigree ah. qofkii soomaalinimo laga maqlaa waa laxiri jiray beeshiisa kama daba iman karto waayo waxaa hortaagan tigree garab siinaya beelaha uu u dhiibay xukunka faasidka ah ee aan xaqa ku imaan ahayna. TIGREE OO LIBAAX KUSOO BAXAY Aduunkaan illaah ayaa maamusha,nin kii dulmi iyo kibir ku fogaadana waa laqaban.nimankii dalkeena iyo ethiopia shucuubteedaba gumaadaayay ee kala qaybinaayay maanta indho qurxoon kama muuqdaan.inagu marnaba isuma dhiibayno ehtiopia isbadalkasta oo dhaca,waayo waxaa ina dhexyaal arin aad ufog oo u baahan in labada dhinac ehtiopia iyo soomaaliya is hor fariistaan oo bud dhigaan heshiis ku salaysan xaqa,taasoo keenaysa in labada dalba helaan is amaan buuxa nabad iyo nolol sidaa hada ka dhacday eretariya iyo ethiopia. Inagoo taa maanka ku hayna ayaan hadana soo dhawaynaynaa isbadalka dhacay ee badalaaya talo xumadii tigreega.waxaan durba aragnaa in culaysku yimid TIGREEGII oo ay kabaxeen meelihii ay haysteen dalka soomaaliya,iyo ismaamulka soomaalidaba. maamulka hargaysa iyo somaaliland tigreegaa buun buunin jiray oo u adeegsan jiray soomaaliya in aan dawladi ka dhalan. hada sidii hore maha,beelaha halkaa wada dagan waa is yaqaaniin waana heshiinayaan dhabtii ayaa timid ileen majiro tigreegii laysu soo kaxaysan jiray ee. Tigreegii ismaamulka soomaalida waa ka baxay oo cabdi ilay hada nin soomaali ah oo caadi ah ayuu noqday waayo majiro ninkii uu dadka usoo kaxaysan jiray ee soo diri jiray.markaa daadkaa qaaday noocyadan oo dhan. Mogdisho ciidamadii uu tigreegu samaystay,waa sii gabaabsi,siyaasiyiintii u shaqaynaysay tigreega intii qaylinaysay ee dhagarta waday iyo intii aamusnayd waa garab la aan maanta oo meel ay kubaxsan karaan ayaan jirin.fool xumadaas ayuu ku danbeeyaa ninkii khiyaama dalkiisa ee shisheeye raacaa. shabaabkii iyo nimankii afka duubnaa malaha meel ay ka helaan hub,iyo dhaqaale waayo TIGREEGII waa baxay.hada waa naf la caari oo dhagarihii u danbeeyay ayay wadaan waana jabeen mana jirayaanba. waxa hada ka dhacaya caasimadeena ee ismiidaaminta ah waa dabar gu iyii iyo dhamaadkii shabaab iyo dawladiid iyo daba dhilif TIGREE inagu dhex hayay weeye. waxaa guusha leh wadaniga soomaaliyeed shacabka soomaaliyeed ee raba dawladnimada nidaamka iyo kala danbaynta. waxaa guusha leh dawladeena soomaaliyeed ee qiimaha badan. TIGREE waa jabay daba dhilifkii uu ku lahaa soomaaliyana wuu jabay. soomaalina waa guulaysatay,dawladeenuna waa dhaqaaqday dadkeenuna waa baraarugay oo gartay cadawgiisa. xaragada QALBI DHAGAX waxay muujinaysaa guusha dawlada soomaaliyeed iyo jabaka TIGREEGA. Shacabka soomaaliyeed waa in ay u kacaan in la ugaarsado la dabar gooyo kuwii u shaqaynaayay TIGREEGA. waa in la far fiiqaa lasoo sheegaa la tilmaamaa,daba dhilifka rufyaanka ahaa si loo tirtiro.maha in aan ka reebno mid kamid ah kuwaas.siyaasiyiinta u adeegaya gumasystaha waa in sharciga lamariyaa.dalkeena waa lagalay markaa waa in aan iska qaadnaa heer yada guumaysiga. si aan gumaysiga isaga celino waa in aan tirtiraa kuwa raacsan waayo diintaa qabta sidan in munaafaqa horta la sugo. dhalin yarada soomaaliyeed waa in ay qotaan ciidamada oo u dhintaan dalkooda. Walaalayaal soomaaliyeey dal iyo dibadba aan u huro nafteena dalkeena difaaciisa aan xajisano dawladnimadeena aan la dagaalano qabyaalada cadawgeenu inooga faa iidaysto aan qirano soomaalinimadeena kuna kalsoonaano waxkalana iska tuuro.dalka inagaa leh aan ilaashano sideen u ilaalinaynaa? waxaan u illaalinaynaa DAWLADNIMO ayaan xajisanaynaa oo adkaysanaynaa,dawladnimo ayaa dal lagu illaashadaa. Waxaan xusayaa sidoo kale in Tigreegu isticmaalay oo dadku yeeshay PUNTLAND iyo JUBALAND iyo KOONFUR GALBEED iyo GALMUDUG iyo HIRSHABEELE haba ku kala xooganaadeen ee. tan macnaheedu waxaa weeye Tigreegu meela inooma dhaafin si xun buu inoo kala qaybiyay dadkeeniina u isticmaalay. marka waxaan rabnaa in aan xorawno waxaynu nahay kuligeen soomaali isku diin isku dad isku dal isku diir isku isir laynama kala qaybin karin laynama guumaysan karo hadaynu fahano wadaniyada iyo soomaalinimada. dad wanaagsan weeye soomaali laakiin waa caasinay dalkii iyo diinteenii iyo soomaalinimadii war aan is daba qabano waxba makala nihin ee walaalayaal. W/Q: Yuusuf Omar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Eritrea maalmo uun ka dib markii labada dal wadahadallo ay ku soo af jarayaan colaaddii labaataneeyaha sanadood ka taagnayd soohdinta u dhaxaysa ay bilaabeen. Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa. Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay. Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin. Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof. Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono. Source: BBC
  24. Guddiga doorashooyinka Qaranka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaya marka la gaaro 2020-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne oo labo nuuc midkood noqon doonta balse wali aan go’aan laga gaarin. In go’aan laga gaaro nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto 2020-ka waxey u baahantahay marka hore in la soo dhameystiro sharciga doorashada oo wali guddiga doorashooyinka oo kaa shanaya hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn ay ku howlanyihiin. Labo Nuuc oo doorasho ayaa la filayaa in ay dalka ka dhacdo kuwaa oo kala ah (Proportional Representation) nidaamka Isku dheelatiran iyo (Majoritian) oo ah aqlibiyad cod dheer . Nidaamka Doorasho ayey u badantahay inuu noqon doono nidaam xisbi ah waana doorashada isku dheelitiran oo qof iyo cod ah sidoo kale waana nidaamka la filayo in 2020-ka wax lagu doorto waxaana lagu maamulaa dalal badan sida Turkiga, Ciraaq Brazil, Jarmalka, South Africa, Angolo iyo dalal kale. Weey fududahay in la hubiyo tusaale ahaan Saami qeybsiga, matalaada dadka laga tirade badan yahay, kootada haweenka, xuduudeynta marka la joogo nidaamka doorasho ee isku dheelatirsan waxaase adag in la ogaado marka ay doorashadu tahay aqlibiyad cod dheer. Sidoo kale waxyaabaha uu ku xunyahay waxaa kamid ah matalaada Juquraafiga, isla xisaabtanka iyo awood badan oo xisbiyada la siiyo. 15 Xisibi ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan geliyay walina lama dhameystirin sharciyadda waxaana harsan waqti kooban iyadoo la tabayo howlo badan oo ku saabsan in dalka loo diyaaro doorasho qof iyo cod ah, balse wali lagu howlanyahay. Bishii Maarso Sanadii 1969-kii oo laga joogo 50 sano ayaa Soomaaliya ugu dambeysay doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doortay Mudanayaal shacabka matalaya (90 mudane gobaladii koofur iyo 33 Mudane Gobaladii Waqooyi) waxaana ay ku timid tirakoob la sameeyay xiligii gobonimada oo dhamaan lagu sameeyay deegaan doorasho 8-dii Gobal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Marka la eego baaxada ay leedahay in laga gudbo hanaanka 4.5 iyo caqabadaha waa weyn ee ku xeeran waxeey u baahnatahay mas’uuliyad wadareed labada Aqal ee dowladda, xukuumadda, Guddiga doorashooyinka, Guddiga madaxa banana iyo shacabka. Howlo badan ayaa horyaala dowladda gaar ahaa guddiga doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqeeyo waxaana sidoo kale muhiim ah in ay xoogga saaraan dariiqooyinka ugu haboon ee dadweynaha lagu gaarsiin karo laguna fahansiin karo sharciga doorashooiyinka si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo dalka uu galo iyagoo tagaya deegaano kala duwan oo katirsan Gobalada dalka.
  25. Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa xabsi dhigtay arday la sheegay inuu Jaceyl u qaaday haweeney ka tirsan Xubnaha Barlamaanka dalkaasi. Ardaygan oo lagu magacaabo Brian Isiko ayaa lagu xukumay xabsi laba sano ah, waxa uuna maxkamada ka hor qirtay in jaceylka uu u qaaday haweeneydaas uu sababay in interneedka uu u mariyo hanjabaad ka dhalatay Jaceylka. Qoraalka hanjabaada oo lahorgeeyay Maxkamada ayaa waxaa ka muuqday erayo adag oo lagu soo celcelshay kuwaa oo qalqal amni galiyay haweeneyda laga soo doortay degmada kabalore Sylvia kwabwoogo. Waxa ay iyana haweeneydan maxkamada ka hor sheegtay in ay markii hore qiyaali la aheyd sheegashada ah in wiilkasi uu u qabo jaceyl, hase yeeshee markii danbe ay rumeysatay kadib markii ay kala kulantay hanjabaad xunbaarsan jaceyl. Sidoo kale, waxa ay maxkamada ka hor cadeysay in ay seexan weyday markii ay aragtay fariin ah in uu u dhimanayo jaceylka uu u qaaday hadii ay diidana uu dili doono. Kiiskan jaceylka iyo hanjabaada u dhexeeya ayaa dalka Ugandha ka noqday mid hadal heyntiisu badan tahay, waana kiis ay ku wareertay maxkamada. Dhinaca kale, Maxkamada oo xadgudub siyaasi u aragta kiiska ayaa xukun laba sano ah ku riday ardaygan lagu magacaabo. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com