Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Secretariat of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has lauded the China-built International Free Trade Zone (DIFTZ) in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopia has formally submitted a request to the United Nations to lift a decade-old sanctions imposed on Eritrea. Source: Hiiraan Online
  3. The World Bank announced new support for Djibouti’s goal of reversing and ultimately eliminating childhood stunting with a US$15 million credit from IDA, the World Bank’s fund for the poorest countries. Source: Hiiraan Online
  4. The World Bank announced new support for Djibouti’s goal of reversing and ultimately eliminating childhood stunting with a US$15 million credit from IDA, the World Bank’s fund for the poorest countries. Source: Hiiraan Online
  5. She’s won every boxing title there is to win in this country. And now Ramla Ali, who left her native Somalia as a child and came to England, is inspiring female athletes - Muslim and otherwise - to follow their dreams. And she’s got her eyes on the biggest prize of all: becoming the first boxer - male or female - to represent Somalia at the 2020 Olympics. Source: Hiiraan Online
  6. The U.N. Security Council on Tuesday welcomed warming ties between Eritrea and Ethiopia, but diplomats said it stopped short of pledging that it could review sanctions on Eritrea after the United States, China, Britain, France and Ivory Coast raised concerns. Source: Hiiraan Online
  7. Somalian government officials met recently with officials from the World Bank, USAID, and other development partners to discuss the progress of the Somali National Identity Program. Source: Hiiraan Online
  8. Taking time out from their studies, a group of young student volunteers in Somalia's capital are providing free education to children uprooted from their homes by war and famine. Source: Hiiraan Online
  9. The EU, together with Somali authorities and international key partners, is engaged in Somalia through an integrated approach based on active diplomacy, support for political change, improving security, development assistance and humanitarian aid Source: Hiiraan Online
  10. Kenyan security officers early Tuesday thwarted al-Shabab attack on a police camp in Liboi border town in northeast Kenya. Source: Hiiraan Online
  11. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka Opride.com oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Ethiopia, ayaa faahfaahin iyo xog aad u dheer ka qoray qaabkii Colonel Gebregziabher Alemseged ama Jeneral Gebre looga ceyriyey Soomaaliya. Website-ka ayaa sheegay in magacaabistii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaraaha Ethiopia ay billow u ahayd inuu soo dhammaado waqtigii Gebre ee galaangalka siyaasadda Soomaaliya. Abiy Ahmed ayaa u dhaqaaqay inuu shaqada ka ceyriyo saraakiil badan oo musuq maasuq iyo xadgudubyo kale lagu tuhmayey, ayada oo ay jirto Gebre lagu eedeeyey inuu xasuuq ka gaystay Soomaaliya. Dadka shaqada laga ceyriyey waxaa ka mid ahaa General Samora Younis, oo ay aad isugu dhowaayeen Gebre, kana soo wada shaqeeyeen dagaalkii Soomaaliya lagu qaaday 2006. Sida wargeysku leeyahay, booqashadii Abiy Ahmed uu 16-kii June ku tagey Muqdisho, kulana kulmay Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku yeelatay in Gebre meesha laga saaro. In kasta oo aysan caddeyn, haddii Farmaajo si rasmi ah Abiy u weydiistay in Gebre la cayriyo, haddana website-ka wuxuu leeyahay, Farmaajo ma uusan qarin sida uu u neceb yahay Gebre. Markii la doortay bishii Febraayo ee 2017, ayaa wixii ugu horreeyey ee uu sameeyey Farmaajo waxay ahayd inuu Gebre ka mamnuuco inuu cag soo dhigo Soomaaliya, sida uu qorayo Opride.com. Ayada oo taas uu ku guuleystay Farmaajo, ayaa hadda website-ka wuxuu leeyahay, kuma qanacsaneyn in xitaa Gebre uu kasii shaqeeyo IGAD. Kulankii IGAD ee 21-kii June ka dhacay Addis-Ababa, oo Farmaajo uu ka qeyb-galay, islamarkaana Gebre uusan cag soo dhigin, ayaa sii kordhisay shakiga ku saabsan in Farmaajo dalbaday xil ka qaadista Gebre, ayuu leeyahay website-ka. In xilka laga qaaday ka sokow, in Gebre lagu soo dabaacay qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation, ayaa muujineysa in hadda iyo waqti ugu soo dhow uusan kusoo laaban doonin siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolkaba. Warbixinta wargeyska Opride.com oo dheer halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waa Magaalo madaxda Dalka, waxey marti gelisay xaalado kala duwan waxaana soo maray dowlado u roon wixii ka horeeyay 20-kii sano ee la soo dhaafay, wixii intaas ka dambeeyay burbur ayey gashay. Dhamaan dowladihii soo maray waxba kama aysan qaban dhibaatooyinka ragaadiyay Magaalada sida dagaalada, dilalka, dhaca, boobka, qaraxyada iyo dhamaan nuucyada kala duwan ee fal-dambiyeedyada oo dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto Shacabka Muqdisho ku nool. Magaalada wey kooban tahay marka loo eego cirfyada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ,waana la xakameyn karaa, waxaana ku baahsan ciidamo farabadan oo u shaqeeya dowladda waxeyna ka kooban yihiin nuucyo kala duwan, sida Boolis, Militry, Nabad Sugid, iyo kuwo kale oo shaar dowladeed magacyo kala duwan loogu bixiyay. Markii ugu fiicneyd Muqdisho waxey aheyd xiligii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga 2006-kii oo muddo lix bil ah xasilooni iyo nabad ka dhigay Magaalada Muqdisho, waxaana la soo afjaray dhamaan nuucyada kala duwan ee fal-dambiyeedyada sida dilalka, dhaca, boobka, dagaalada iyo qaraxyada , xitaa heer waxeey gaartay labadii qof ee is feerta in maxkamad looga yeero. Hadda waxaa dhisan dowlad Federal ah oo leh awood ay kaga hortagto wax waliba oo ay dooneyso balse aan u soo jeedin iney si dhab ah ula falgasho Muqdisho oo xaalad dhiig ah kujirta oo maalin waliba waxaa lagu dilaa dadkeedii iyadoo Xukuumadda Ra’isul wasaare Khayere aysan waxbo ka qaban. Majiro qorshe u dagsan dowladda si Magaalada loo nabadeeyo, Dagmo walbo waxey leedahay gudoomiye iyo ciidamo kala duwan oo hoos yimaada, maxaa diiday in sidii Maxaakiimta oo kale loo xaqiijiyo ilaalinta nabad-galyada iyo nolosha shacabka Muqdisho, maxaa yeelay waxey heystaan fursadii maxaakiimta mid ka sii wanaagsan. Hadii dagmo waliba ciidamo ku filan lagu baahiyo dhamaan xaafadaha hoos yimaada, suuqyada, isgoysyada, jid-cadayaasha- xaafad walbana laga furo dhowr xarumo ciidan (Stations) isla markaana dabagal iyo xisaabtan lagu sameeyo ciidankaas, waxey ka hortagi karaan dilalka Muqdisho ka dhaca amaba dilka ka dib waxeey qaban karaan dambiilaha, midaas waa iska cadahay, laakiin madaxda dowladda cidna kama joogto Muqdisho kulli dibadaha ayeey ku nool yihiin qoysaskooda ha ahaado; Madaxweyne, Ra’isul Wasaare, Xildhibaan , Gudoomiyaha gobalka Banaadir ama Wasiir iyo IWM. Dilalka hadda ka dhaca Muqdisho ayaa isdaba joog ah waxaana wax dila kooxo Argagixiso ah, sida Al Shabaab iyo daacish, koox u hubeysan qaab beeleed, kuwo dhar cas ah oo qofkey rabaan iska dila una shaqeeya dowladda iyo dad shacab ah oo isku dilaya arimo ay isku hayaan,. Dhamaan dilalkaas dowladda uu Hogaamiye Madaxweyen Farmaajo iyo Xukuumadda Ra’isul wasaare kheyre weey ka warqabaan har iyo habeen iyagoo awood u leh iney ka hortagaan, balse dusha sare ayey ka daawanayaan waxaana ay isku ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo gawaari aysan xabaddu karin. Qof kasta oo Muqdisho ku nool ee qof dila dad baa yaqaan wuxuu doono ha ahaadee, maxaa diiday in la soo qabto, mase la dabagalay horta. Dilalka qaar waxeey ka dhacaan meel ciidan iyo shacab dhooban yihiin, cid la hadasha majirto kooxaha wax dila marka ay qof dilayaan, waxaa intaas kaaga sii daran ciidamada ma qabtaan ragaas mana daba galaan, waxaaba moodaa iney wada shaqeyn leeyihiin. Iskaba daa in kooxo hubeysan laga hortago waxey dowladani ku fashilnatay in ciidamaeeda shacabka laaya tiirka cadaaladda la geeyo oo dil lagu fuliyo, waxaa ugu yaraan hoos u dhici laheyd shacabka ay dilaan ciidamada, waxba la dhaho, kaaga sii darane meeshii uu wax ku dilay ayuu taaganyahay iyadoo cid walbo u jeedo in qof shacab ah uu dilay, waa fashil weyn oo dowladda heysto. Magaalooyinka kale ee dalka cidna laguma qarxiyo waxna laguma dilo, hadii ay dhacdana waa dhif iyo naadir, sababta waa dad is yaqaan oo isku qabiil ah maamulkoodana si dhab ah ayuu ula falgalaa markey dhibaato ka dhacdo. Qof waliba oo falanqeyntan akrhristay wuxuu aaminsanyahay in Muqdisho nabad laga dhigi karo xitaa iyadoo qabiilo badan iyo dad aan is aqoon ku nool yihiin, balse dowladda diyaar uma aha iney qabsato shaqadeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka DDSI. Amarka lagu xiraayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xiritaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga. Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xiraa tuhmanayaal iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF. Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, waxa uuna ka digay in burburinta qololka Xabsiyada iyo guud ahaan dhismaha laga dib dhigo xiliga loogu tallo galay. Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada. Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waa meelaha ugu muhiimsan ee dal laga qiimeeyo sidoo kalena uu ka xasilo marka si hufan oo cadaalad ah ay u shaqeynayaan hay’adaha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqsiga. Dacwado farabadan ayaa yaala maxkamadaha dalka, qaarkood sanado ka hor ayaa loo gudbiyay xaakimyada iyo dadka ku shaqada leh dacwad qaadista, walina lama furin, sababo la xiriira lacago laaluush ah oo dacwad walbo lagu furo, iyo qaar waxaa jira aan la qaban amaba aan la furin hadii qofka ama hay’dda dacwadda laga gudbiyay ay bixiso l laaluush ah oo ay qaadanayaan madaxda hay’adaha garsoorka iyo Xaakimyada maxkamadaha heer gobol iyo heer dagmaba. Cabasho badan ayeey shacaku ka gudbiyeen hay’daha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka , dad badan ayaa lala wareegay hanti ay lahaayeen si aan xaq aheyn amaba lagu xukumay sanado badan oo xabsi ah waxeyna u xeran yihiin si sharci darro ah, qaarna xabsiyada ayaa laga sii daayay iyagoo dambi leh balse laaluush laga qaatay, kuwo kalena cafis ayey maxkamaduhu u fidisaa marka laaluush ay dhibaan. Qof si sharci darro ah lagu xeray oo dadkii soo xeray ay lacag laaluush ah xabsiga ugu taxaabeen oo Caasimadda Online wareysatay ayaa inoo sheegay in lagu waayay wax dambe ah markii baaris lagu sameeyay laakiin 3,000 oo doller ay uga baxday inuu xuriyadiisa dib u helo sidaasna waxaa ku wargelisay maxkamadda. Dadka laga tirada badan yahay, kuwa aan dhaqaalaha badan heysan iyo dadka dacwadda ka gudbiya shaqsiyaad magac leh, waa kuwo ugu daran ee la kulma cadaalad darrada xita qareenka ay qabsadaan laaluush ayaa lagu aamusiyaa. Si lamid ah xabsiyada, musqmaasuqa wuxuu ka bilowdaa marka qofka xabsiga lagu xerayo, qol fiican in laguugu xero hadii aad rabto waxaa kaa xiga cadadka lacagta aad bixiso, askariga qoraya Obiga wuxuu kaa rabaa lacag, wax walba oo u baahato intaad ku jirto xasbiga waxaad ku heli kartaa inaa laaluush bixiso si laguugu keeno,-sidoo kale hadii maxkamad laguu gudbinaya waa sidaas oo kale lacag farabadan ayaad shubeysaa. Dadka maal qabeenada ah ama xigtada ay yihiin kuwo wax kala garsooraya aad ayaa loogu fududeeyaa marka dacwad ay gudbisanayaan, waana loo soo dhiciyaa wixii ay cabsho ka yihiin, waxaana dhif iyo naadir ah hadii mas’uul dowladeed uu dambi galo in dacwadiisa maxkamadda qabato, laakiin dadka danta yar ee cabashada qaba ee aada Maxkamadaha dhag jalaq looma siiyo. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu horay u balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono adeegga garsoorka iyo Maxkamadaha dalka oo cadaalad darro badani ay ka jirto, oo wali wax isbadal ah aan lagu sameynin. Sababaha ugu weyn ee keentay cadaalad darrada baahsan ayaa ah in shaqsiyaad aan aqoon u laheyn arimaha dacwadaha iyo maxkamadaha oo howsha iska heysta iyadoo aan lala xisaabtamin xitaa lagama war qabo , iyagoo sideey doonaan wax u dhiga kaliya qiimeeya cadadka lacag ee dacwad walba wadato, waana masiibo u baahan in si deg deh ah wax looga qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Engineer. Feysal Cali Waraabi ayaa daboolka ka qaaday inay adkaan doonto in Somaliland ay dib ula midowdo Somalia inteeda kale. Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in Somaliland ay ka niyad goosatay Somalia, sidaa aawgeed aysan waxba u arag wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Waxa uu tilmaamay Feysal Cali Waraabe in la midoobida Somalia ay ka doorbidayaan la midoobida dalalka kale ee xaduuda kala dhexeysa Somaliland. “Adeer wey nooga dhamaatay Xamar waxaanu ka doorbideynaa inaan la midowno wadamada kale aanu xadka wadaagno”. “Somaliland wakhtiga ayey reer xamarku ka dhuminayaan anaguna waxbaa noo cad dooni meyno inaan wadahadal danbe la galno Somalia”. Feysal ayaa sheegay in carruurta Somaliland xitaa aysan wali ilaabin dhibaato uu carab ***** inay kala kulmeen Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka hortaagan tahay ictiraafka. “Somalia inaan la midowno iskaba daaye carruurteena ayaanba ilaawin waxa naga dhexeeya waxaan xamar ugu baaqeynaa inay tashato anaga noo ogolaato xoriyadeena” Sidoo kale, Feysal Cali ayaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee la shaqeeya dowlada Somalia uga digay inay faragishtaan howlaha aan khuseyn maadaama aysan xamar u dhalan, isla markaana ka carareen Somaliland. Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu sii hurinaayo khilaafka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Sida Taarikhdu Tibaaxayso Dhul Balaadhsiga Oramadu Wuxuu Soo Bilowday Qarnigii 16aad, waxaana Sabab U ahaa Dhawr arimood oo ay kamid ahaayeen Hanaankii iyo Xeer dhaqameedkii GADA SYSTEM oo inta Badan Bulshada Nolosheeda Gacanta Ku Hayay Sidoo kale Waxaa Loo Sababeeyaa Koriinka iyo Taranka Bulshada Oo Xawli ku socday islamarkaana Sababtay inay Dad Badani Guryo Deganaansho Waayaan. Dhulkii u horeeyay ee Oromo qabsato wuxuu bilawday 1530 Kadib markii Boranadu Qabsatay #Bali, Sidoo kale intii udhaxaysay 1530-1538 Waxay Oramadu Qabsatay #WABI. Intii Udhaxaysay 1562-79 Oromada oo uu hogaaminayo HARMUFA GADA Waxay Weeraro is Daba jooga ku Qaaday Goobaha ay kamid ahayeen #Angot #Amhara iyo #Bagamender . Waxay Taarikhdu Xusaysaa in Dhul balaadhsigii Oromadu Ku Hungoobeen Soomalida islamarkaana iska Caabin Badan kala kulmeen Maamulkii #Adal Balse Qoomiyadaha #Tigreega Iyo #Amxaaradu waxay Lumiyeen islamarkaana Lagala Wareegay Dhulalka #Shewa iyo #Dawaro( Arsi). Hadaba Sida Aan Ka Milicsan Karno Taarikhdii Hore Oromadu Waligoood ba Waxay Ahaayeen Qoomiyad u hanwayn inay Qabsadaan Dhul Balaadhan islamarkaana Isku balaadhiyaan, Waxaanan Odhan karnaa Qorshihii Hore ee In xoog lagu Qabsado wuxuu ka hirgalay Guud ahaan Itoobiya, Qoomiyad kastana waxay Duudsiiyeen Xaqoodii iyagoo Garab ka Helayay Maamuladii kala Gadisnaa Ee Soo Maray Gaar ahaan (Haile Selase iyo Menelik). Kadib Markii Uu Dhicisooobey islamarkaana laga Hungoobey in Soomalida Dhulkeeda Boqol kiiba Boqol gacanta lagu Dhigo waxay Oromadu La Timid Xeelad Cusub oo Aad looga soo Shaqeeyay islamarkaana Si Casriyaysan Qorshihii Hore lagu Soo Gunaanado . Waxaana Tusaale cad kuugu Filan Oromadu Waxay sheegataa ilaa Ber-Bera, Hargeysa,Xamar iyo waliba ilaa Buurta #Dumeera Ee Jabuuti, Taasina Waxay ku Tusaysaa Damaca iyo Hungiriga Aan loo Meel Dayin Ee Maamulkooda, Aqoonyahankooda iyo Culimadoodu Wadaaagaan. DHUL BALAADHSIGA CASRIYAYSAN EE QARNIGAN Sida Aan wada Ogsoonahay Qarnigan waa Qarnigii Maskaxda iyo Aqoonta Lagu Maamulalay Caalamka, Maadama Xoogii Dagaalkii Oromo 50% Qorshaheedii ugu Qabsoomay Waxaa Si Cilmiyaysan Layskula Qaatay In Dhamayatirka Qorshihii Qabyada ahaa Lagu Gunaanado Istraatijiyad Casriyaysan Oo Dhinacyo Badan Looga Meel Dayay. Hadaba Qorshahan oo Aad ubalaadhan ayaan Idin La wadaagayaa Qayb Kamida Siyaabaha Casriyaysan Ee Lagu Qabsanayo Dhulka Soomalida . #QODOBADA 1. In Soomalida lagu Dhex Milmo Dhanka dhaqanka iyo Diiinta 2. In Soomalida La Baro Luuqadaha Afka Oromada 3. In Soomalida Dhalan Rogota Loo Adeegsado kuwa Kale Sida Hada ka Taagan Goobo Badan( Soomali Soomali Dilaya) 4. In Dhanka Siyaasada Had iyo Jeer Xilka Loogu Dhiibo Soomali Caade Qaata Oo Fuliya Rabitaankooda. 5. In Dhaqaalaha Deeganka lala Qaybaso Laguna Dhex Daraado #Sirdoon Sida Jaariyadaha Guryaha Ka shaqeeya Isku soo wada Duuboo Waxaa Marag Ma Doona in Yoolashii laga Lahaa Inta Badan laga midho dhaliyay islamarkaana lagu Guulaystay. Walow Qormadan Aan Si Qoto Dheer ugu Lafa guri Doono Qaybta labaad Hadanaa waxaa Tusaale cad kuugu Filan Magaalada #DireDawa Oo Taliska Cusub ee hada ku tilmaameen Mid Oromo leedahay islamarkaana Aqoonyahan koodu ku doodayaan in la tirtiro hanaanka Kuraaasta loo Qaybasado Ee 40-40-20 Oo ka dhigan Afartan Oromo, Afartan Soomali iyo Labaatan Qowmiyadaha Kale iyagoo ku Andacoonaya islamarkankaana Ku Talinaya in Soomalida #Garaha xilka Magaalada Raysal wasaruhu udhibo Maadama 90% Ku Hadlaan Afka Oromada. Waxaan Si Kooban uga Dheehan Karnaa Hamiga oromada Khariirada Hooose W/Q Mahamud Sigad
  17. Just a few months ago, Ethiopia — a vast country of 100 million people — was still mired in dictatorship and war. But dramatic shifts are taking hold and they appear to be moving the country in the right direction: toward freedom. Source: Hiiraan Online
  18. Faransiiska dabaal degyo lagu taagerayo xulka Xulka kubbada cagta dalka Faransiiska ayaa markii saddexaad taariikhda gaaray kama dambeynta (Final) dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka. Xulka Faransiiska ayaa wareegii afar dhammaadka ee tartankan 1-0 uga adkaaday xulka Biljimka oo ahaa xul la yaabka ka sameeyay koobka adduunka ee sanadkan 2018. Samuel Umtiti, dhaliyihii goolka Faransiiska Labada xul qaran oo mid walba uu u qalmay guul ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso badan, balse difaaca dhexe ee kooxda Faransiiska Samuel Umtiti ayaa xulkiisa gaarsiiyay kama dambeynta koobka adduunka ee 2018, markii uu gool madax ah dhaliyay daqiiqadii 51-aad qeybtii dambe ee ciyaarta. Xulka Biljimka ayaa isku dayay in uu la yimaado goosha barbaraha, balse uma suurto galin, waxayna ugu dambeyn ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raaacday Faransiiska oo gaaray kama dambeynta koobka adduunka ee sanadkan 2018 ee lagu hayo Ruushka. Faransiiska ayaa ciyaarta kama dambeynta (Final) la ciyaari doona midkood xulalka Ingriiska iyo Kurawaatiya oo habeen dambe ku balansan afar dhammaadka tartanka. Faransiiska ayaa markii ugu horeysay koobka adduunka ku guuleystay sanadkii 1998 waxaana markii labaad 2006, ka qaatay Talyaaniga, tanina waa markiisii saddexaad oo uu gaaro kama dambeynta. Dalka Faransiiska waxaa ka socda dabaal dagyo lagu taageerayo guusha uu gaaray xulkoodu, madaxweyne Macron na waxa uu goob joog ka ahaa guusha xulkiisu gaaray. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo gaaray kama dambeynta koobka adduunka 2018 appeared first on Puntland Post.
  19. Samuel Umtiti headed France into the World Cup final in Saint Petersburg on Tuesday with a 1-0 win, consigning Belgium's 'golden generation' to another bitter disappointment. Source: Hiiraan Online
  20. Ankara (Caasimadda Online) – Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo is arag ah oo labada Madaxweyne ay yeesheen, tan iyo markii 16 bishii February ee sanadkii hore ay xilka isku wareejiyeen. Labada Madaxweyne ayaa kulanka xaalada uu dalku marayo, caqabadaha siyaasadeed ee dalka iyo inay iska yeeshaan mustaqbalka iyo horumarka dalka. Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Page-kiisa Facebook ayaa lagu yiri. “Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna”. Wararka la helayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeyn arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Arimo kale.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xoogan ayaa ka taagan sidii xajka Soomaaliya lagu aadi lahaa kadib markii shaqsiyaad awood leh oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay billaabeen olole wax looga beddelayo shirkadihii dadka xajka u qaadi jiray. Dowladda Soomaaliya oo fulineysa codsiga shaqsiyaadkan ayaa codsi u dirtay dowladda Sacuudiga, ayada oo doonaysa in ruqsad ogolaasho ah la siiyo shirkada Ocean oo dhowaan la aaas-aasay, meeshana looga saaro shirkadihii hore sida Jubba Airways iyo Daallo. Shirkaddan ayaa waxaa saami ku leh rag aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Siyaad Maxamuud Shire, Cabdi Shakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan iyo Cabairizaaq Shoole, oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada. Dowlada Sacuudi ayaa diiday inay ruqsad siiyo shirkadaha ay wataan raggan, waxeyna ku soo jawaabtay in dowladda Sacuudiga ay ogashahay kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo, oo muddo waday howshan. Arrintan ayaa sidoo kale saameysay wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta oo shaqadiisa ku waayey, kadib markii uu ka horyimid qorshaha ka dhanka ah shirkadaha Jubba iyo Daallo. Tallaabadan ayaa loo arkay mid magaca ka dhaawaceysa dowladda, ayada oo u kala xaglineysa laba ganacsi oo ay kala leyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, balse qabiil lagu kala doorbiday.
  22. Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo. Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis. Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga. Hadalkii la qoonsaday? Xil ka tagistiisa ma ahayn mid kadis ku dhacday, waxayse ahayd arrin la filan karay kadib markii hadalo siyaabo kala duwan loo fasirtay uu warbaahinta ka sheegay Cabdicasiis Xildhibaan. Isaga oo meel fagaaro ka hadlayay, lana hadlayay dhalinyaro caasimadda ku sugan, ayuu Cabdicasiis su’aal galiyay sida dowladda uga go’antahay sugista amniga “Sidee suurtogal ku noqotey in baabuurkaasi meesha soo gaaro?, la isma weeydiinayo” ayuu yiri Cabdicasiis oo ka hadlayay qarixii ka dhacay xarunta Otto Otto ee ay dadka ku dhinteen. Halkaasi kuma uusan sii ekeyn hadalka, waa uu sii waday, wuxuuna yiri “Waxaan ka imid goob ka xasiloon, goob ka gaadiid qurxoon, ma rumeynaysaan afhayeenkii wasaaradda amniga ayaan ahay, 11 bilood wax mushaar ah maanan qaadanin, waxaan u shaqaynayaa, nafteydana u hurayaa in ay dadkayga badbaadaan”. Biilka Boqoradda Ingiriiska Cabdicasiis Xildhibaan waxa uu heystaa dhalashada dalka Ingiriiska, halkaas oo uu u degenyahay reerkiisa, wuxuuna yiri “Waxaan ahay aabbe, 10 carruur ah ayaa ii joogta, midka ugu yarna uu labo jir yahay, waxaan rabaa in ay ogaadaan asalkayga meesha uu kasoo jeedo, dal in ay leeyihiin, maanta uma baahna Soomaaliya, haddii aan dhinto xitaa boqorada (Ingiriiska) ayaa bixinaysa biilma ilmahayga”. Hadal loo fasirtay in uu ugu duurxulayay mas’uuliyiintadowladda federaalka ayaa ahaa “Tuugo boorsooyin wata haddii aad doorataan maalin kasta oo idinka adeeganaysa, canshuurta idinka qaadaysa, uusana jirin wax adeeg dadweyne ah 30 sano ee lasoo dhaafay, aniga afhayeenka amniga ayaan ahay, ima weeydiinaysaan sida uu qaraxa ku dhacay, aniga subax kasta waan idin soo hortaagnahay, hoggaamiye kii xishoodo waaye, haddii ay guuldaro timaado waa in uu yiraahdaa hawshii aan ummadda u hayay waan ka tagay, weli ma aragteen mid is casilaya”. Cabdicasiis Xildhibaan aragti ayuu ka qabaa mas’uuliyiinta uu isaga ka midka yahay ee baasaboorada ajniga heysta, ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri “Aniga qabiil ma ahi, beri haddii ay xabad dhacdo garoonka ayaan ka baxayaa, baasaboor ayaan wataa, adiga ma dhoofi kartaa?, marka nin baasaboor kale wata ha yeelina in uu idin soo hor istaago, maslaxada ummaddani kuma jirto”. Madaxda ugu saraysa dowladda oo ay ka midyihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa haysta baasabooro dalal kale ah. Lama oga in hadalkaasi qayaxan ee Afhayeenka la qoonsaday iyo in kale , sidaasina xilka looga qaaday, mise ahan afhayeenkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado. Ninkii xilkaas kaga horeeyay Axmed Carab ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii uu u dulqaadan waayay xil gudasho la’aanta laamaha amniga, balse wasaaradda amniga ayaa xilligaas sheegtay in ay xilkii ka qaadday Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab). Amniga Caasimadda Xil ka tagista afhayeenka, ahaana la taliyaha wasaaradda ayaa waxa ay toosh ku ifinaysaa amniga caasimadda, halkaas oo dowladda federaalka la tacaalayso sidii ay u joojin lahayn falal amni daro oo soo noqnoqday, kana midyihiin qaraxyada ismiidaaminta ah oo kii ugu dambeeyay uu dhacay maalmo ka hor. Waxaa magaalada ka hawlgala ciidamo lagu magacaabo xasilinta caasimadda, waxaana madax ka ah Prof Yaxye Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed, waxaana loo xil saaray in magaalada Muqdisho ay kusoo celiyaan amniga iyo kala dambeynta. Inkasta oo lagu amaanay in ay qabteen hawlo badan, qaraxyadiina hoos u dhaceen, haddane weli si dhab ah looguma guuleysan in si rasmi ah loo joojiyo, waxaana dhaca falal amni daro iyada oo weliba ay shacabka ka cabanayaan waddooyin laga xiray, kuwaas oo ay dowladda ku fasirtay in arrimo amni sugis dartood loo xiray. Xigasho: BBC Somali
  23. Ankara (Caasimada Online) – Dhaarinta Madaxwene Recep Tayyip Erdogan kadib, dalka Turkiga waxaa uu galay marxalad cusub, waxaa uu noqday Nidaam Madaxweyne, waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017. Dhaarinta kadib, Madaxwene Recep Tayyip Erdogan waxaa uu magacaabay xubnaha cusub ee golihiisa fulinta. Liiska Waaxda Fulinta: Madaxweyne ku-xigeenka: Fuat Oktay Wasiirka Cadaaladda: Abdülhamit Gül Wasiirka arrimaha dibadda: Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirka arrimaha gudaha: Süleyman Soylu Wasiirka Difaaca: Hulusi Akar Wasiirka Maaliyadda: Berat Albayrak Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka: Fatih Dönmez Wasiirka Warshadaha: Mustafa Varank Wasiirka Ganacsiga: Ruhsar Pekcan Wasiirka Deegaanka: Murat Kurum Wasiirka Waxbarashada: Ziya Selçuk Wasiirka Caafimaadka: Fahrettin Koca Wasiirka Gaadiidka: Cahit Turan Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska: Mehmet Ersoy Wasiirka shaqda iyo Qoyska: Zehra Zümrüt Selçuk Wasiirka Beeraha: Bekir Pakdemirli Wasiirka Dhalinyrada iyo Sportiga: Mehmet Muharrem Kasapoğlu Liiskan cusub ee Wasiirrada waxaa ay xilka la wareegi-doonaan July 10., 2018. 3 Arrin Oo Laga Wal-wal Qabo: Madaxwene Recep Tayyip Erdogan, keliya awoodihiisa kuma koobna fulinta ee waxaa ay u gudbayaan sharci-dejinta iyo garsoorka, taasi oo keeni karta inuu isticmaalo awoodo saa’id ah. Madaxwernaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu xilka la wareegay iyada oo shaqada laga ceyriyay 18,600 qof oo shaqaalaha dowladda ah Dadka shaqada laga diray waxaa kale oo ku jira, 9,000 oo Booliis ah, 6,000 oo ciidamada qalabka sida ah, waxaa kale oo la xiray 3 waregeys, hal Telefeshin iyo 12 jamciyad. Waxa kale oo su’aalo badan laga keenay magacaabista uu wiil sodihiisa ah uu u mgacaabay wasiirka maliyadda.
  24. JIGJIGA– According to reports coming from Jigjiga, the capital of Somali state in Ethiopia confirm that on that inmates were released from the notorious Jail Ogaden. Those released from prison include politicians and former police officers. Relatives of those who were in the jail showed up to set an eye to their beloved ones who were in detention for many years. The Human Rights Watch just a couple of days issued a report describing how inmates were tortured during detention.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf, ayaa markuu ugu horeysay diray hanjabaad ku aadan la dagaalanka shaqsiyaadka ku howlan falalka la xiriira musuqa. Guddoomiye Baashe Yuusuf waxa uu sheegay in musuqa jira aawgii ay sameynayaan galal cusub waxa uuna ka digay in awooda Garsoorka loo adeegsado dadka shacabka ah. Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay ku kordheyso dacwado lid ku ah Garsoorayaasha waxa uuna cadeeyay in mararka qaar loo soo gudbiyo shacab badan Garsoorayaal uu qariyay magacooda. Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka aysan aheyn goobo dhaqaalo loo soo doonto cid alaala iyo cidii ku fikireysana uu kula talinayo in ay shaqada isaga tagto oo ay Shaqooyin kale ka raadsato, sida uu hadalka u dhigay. “Nidaamka maaha inaan ku dhabar jabino shacabkena cidii ka tirsan Garsoorka ee aan ku helnaa kiis laga abuurayo dhaqaale waxa ay muteysan doonta in la horgeeyo sharciga” Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan halkaan u nimid in aan ugu adeegno Shacabka Soomaaliyeed si cadaalada ah balse umaanan imaan in aan dhaqaale ka tacbano ummada Soomaaliyed ee tabaaleysan sidaasi darteed cid alaala cidii Garsoorka dalka u timid in ay dhaqaalo ka sameysato, ha isaga tagto ee Ganacsi ama sahqooyin kale ha abuurato”. Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in lagu kala bixi doono sharciga, isla markaana aysan dooneynin inay ku xadgudbaan shaqsiyaad gaar ah. Haddalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid lagu doonaayo in mugdiga looga saaro musuqa baahsan ee ka dhex jira Hay’adaha Garsoorka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com