Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland Special Force Duq degmada Gaalkacyo,Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa sheegay in ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen nin xalay Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay laba ruux oo shacab ah. Tumay ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu qabay cudurka Neerfaha,islamarkaana dhowaan laga ruqseeyay ciidamada oo uu horay uga tirsanaa,kadib markii la xaqiijiyay in cudurkaasi uu qabo. Labada ruux ee ku dhintay gacanta ninka ayaa la sheegay in ay ahaayeen wiil iyo aabihiis. Duqa Gaalkacyo Maxamuud Tumay ayaa dhinaca kale caddeeyay in ay baarayaan cidda leh qoriga uu ninkaasi wax ku dilay. PUNTLAND POST The post Nin dad ku dilay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay. appeared first on Puntland Post.
  2. Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka ‘Puntland’ ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso. Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan kadib ay xoogaga Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Deegaanka Balli Khadar oo uu kuyiillay saldhig Melleteri. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhigga ayna qaatay dhammaan wixii hub iyo gaadiid ahaa oo ciidamada Puntland ku heysteen saldhigga Balli Khadar sida ay hadalka u dhigeen. Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarka ayaa lagu sheegay in ay u dhaxeyso 5 askari illaa 7 askari oo dhimasho ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen gaadiid gubanaya. Shabaab waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaari oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaari Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis sida ay iyaga sheegteen. 17,Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay maanta oo kale ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Al Shabaab weerareen saldhig melleteri oo kuyiillay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari halkaas oo Puntland looga dilay ku dhowaad 100 Askari sida ay sheegatay Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The Ugandan government today donated foodstuff to flood-affected families in Golwayn, in Somalia’s Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka ka dhaxeeyo madaxda Galmudug ayaa waxaa soo baxayo xog cusub oo ku aadan cidda ka dambeyso inuu bilowdo khilaafkaan cusub. Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in Xisbiga Daljir uu yahay cidda dib usoo celisay Khilaafkii ka dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso maamulka Galmudug. Inkastoo aan loo ogeyn ujeedka rasmiga ah oo uu xisbigaan ka leeyahay Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa haddana wararka soo baxayo waxay tilmaamayaan inuu xisbigaan adeegsanayo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Warar hordhac ah ayaa sheegayo inuu xisbigaan doonayo inuu Galmudug madaxweyne ka noqdo shakhsiga xisbiga hoos tago si ay mustaqbalka uga soo dagaalamaan marka la gaaro doorashada 2020. Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu dambeysay, wuxuuna maamulka u kala qeybsamay laba qeyb, madaxweynaha iyo Ahlu Sunna ayaa saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay dageen magaalada Cadaado inkastoo uu khilaaf ka jiro inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada kadib markii ay hor imaadeen wasiiro taagersan Xaaf oo u dhashay magaalada Cadaado. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar qarsoodi ah ku jooga magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo socdaalkiisa uu ahaa mid aan laga war heyn. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Madaxtooyada Garowe, waxaana labada Madaxweyne ay yeesheen wada hadalo ku saabsan khilaafka Galmudug iyo arrimo kale. Wariyeyaasha Garowe ku sugan ayaa sheegaya in aanay waxba laga ogeyn waxa uu salka ku haayo safarka Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay aheyd arrin lama filaan ku noqotay safarka Xaaf, iyadoo aanay warbaahinta ogeyn. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay wadaan dadaal ay ku xalinayaan khilaafka, iyadoo uu dhowaan baaqday shir ay dowladda Soomaaliya ku dhex dhexaadin laheyd labada dhinac ee Galmudug, kaddib markii uu diiday Madaxweyne Xaaf inuu Muqdisho tago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nin taajir ah oo u dhashay dalka Maraykanka kaas oo gurigiisa hoostiisa ka qodayay god weyn oo uu ka galo haddii uu dhoco weerar Niyuukleer ayaa lagu furay dacwo dil ah, kadib markii uu dhintay ninkii uu usoo kireystay in uu godkaas u qodo. Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa qodayay godkan cabsi uu ka qabo weerarka Niyuukleer ah oo adduunka ka dhaca awgiis, balse ninkii godka u qodayay Askia Kafta oo 21 jir ayaa ku dhintay kadib markii uu gudaha godka dab ka kacay. Booliiska ayaa Daniel ku eedeeyay dacayaad iyo beylah uu ku sameeyay nafta bini’aadamka. Godka oo guntiisa dhanayn 60 mitir ayaa hoos u qodkaa illaa 20 fiit , kana hoos qodkaa guriga ninkan oo ku yaala magaalada Washington. Waxa ay booliiska sheegeen in markii dabka kacay uu ninkan guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka degdega ah uu u sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay. Waxaa kale oo la sheegay in Mr. Daniels uu sameeyay isku day kasta oo suurtogal ah oo ninka dhintay ee u shaqayn jiray uuga kaga habaabinayo in uu aqoonsado halka uu guriga ku yaalo, isaga oo saacado gaariga ku marin jiray waddooyinka, kadibna guriga ka galin jiray meel uusan fahmi karin. Dhimasha ayaa dhacday sanadkii 2017-kii, balse hadda ayaa baaritaanka lasoo gabogabeeyay, waxaana la sheegay in maalmo dhan uu ninka dhintay ka shaqayn jiray gudaha godka, halkaas oo uu wax ku cuni jiray, suulina ka gali jiray isaga oo aanan banaanka usoo bixin sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Waxaa jira dad badan oo Amerikan ah, oo uu ka midyahay madaxweynaha dalkaas oo guryahooda ka qotay godad ay ka galaan haddii uu dhoco weerar hubka Niyuukleerka. Isha: BBC Somali
  6. Iyado xalay kooxda hubaysan ee Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraha calmadow ee gobalada Bari iyo Sanaag ay weerar ku qaaday degaanka lagu magacaabo Bali Khadar oo u dhow degaanka buuralayda ee Gal-gala ayaa waxaa soo baxaaya khasaarihii ka dhashay weerarkaas. Kooxda Al-shabaab ayaa markii hore ciidanka ku garaacay qoriga loo yaqaan hoobiyaha sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST iyadoo markii danbana kusoo qaaday weerar toosa oo ah labba jiho ah. Ciidanka ay kooxdani weerartay oo ahaa ciidan cusub oo dhawaan tababar loo xiray kana tirsan ciidamada badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa iska caabiyey weerarka kooxdan, waxaana la sheegay inay ciidamada Puntland ka geeriyoodeen 5-askari, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay. Waxaa halkaas ay kooxda Al-shabaab ku gubtay 4-gaari oo ay ciidamadu lahaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray dhinaca Al-shabaab walow ay iyagu soo qaadeen weerarkan ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah. Dawlada Puntland ayaan wax wara kasoo saarin weerarkan, dhanka Al-shabaab ayaase sheegtay inay iyagu ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada Badda Puntland. PUNTLAND POST The post Faah-faahin:- Khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degaanka Bali Khadar appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii May ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada. Dilalka bishii May ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab iyo Daacish oo qeyb ka ah dhinacyada ku loolamaaya dhiiga shacabka. Dilalka bishii May ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 39 dil, waxaana xusid mudan inay jiraan kiisas dilal ah oo aan weli la helin raadraacooda. Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Xamarweyne iyo Wada jir , Dharkiinleey, Boondheere iyo Degmooyin kale. HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII MAY 2018 1-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsan Dowlada ku dilay Koontarool ciidan oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. 2-May, 1, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada xasilinta Muqdisho, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 3-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa Suuqa-bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku dilay Gabar u shaqeyn jirtay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, oo lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud. 4- May, 2, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado kana tirsanaa al-shabaab ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda xili uu ku sugnaa Isgooska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. 5- May, 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney iibin jirtay qaad, oo ku ganacsan jirtay Isgooska Baar Ubax. 6- May, 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa eeryada Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho ku toogtay Dable Axmed Jimcaale oo ka tirsanaa ciidamada Militeriga. 7- May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Boondheere ee Gobolka ku toogtay wiil lagu magacaabo Cabdullahi xili uu horfadhiyay Maqaaxi ka soo horjeeda Isbitaalka lagu Magacaabo Kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere. 8-May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna Bastoolado ayaa eeryada Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ilaalada Xarunta Degmada, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 9-May 5, 2018, Ruux ku hubeysnaa qori AK47 ayaa Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe. 10-May 5, 2018,Nin madaxa looga jiray oo ku hubeysnaa qori ayaa toogasho ku dilay ruux laga magacaabo Maxamed Tuur-yare oo kamid ahaa dadka Degmada Wadajir. 11-May 5, 2018, Ruux hubeysnaa ayaa xaafada sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir ku dilay Xaawo Maxamuud Caddaan. 12-May 5, 2018, Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir lagu dilay C/llaahi Maxamed Yalaxow oo kamid ahaa dadka deeganka, waxaana dilay ruux ku hubeysnaa qori. 13- May 7, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku dilay nin ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaas, waxaana lagu magacaabi jiray Shooble kana ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle. 14- May 10, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada NISA xili ay weerar ku qaaden Hooygiisa. 15- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa Degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘’Waji-duubta’’ xili uu ku guda jiray fasax shaqo. 16- May 10, 2018, Maleeshiyada al-shabaab ayaa weerar gaadma ah oo ka dhacay xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dishay Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka xili uu ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala isla Xaafada. 17- May 10, 2018, Weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden xaafada Seybiyaano ee Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada NISA ee loo yaqaan Alpha Group. 18- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ka shaqeynayay Maqaaxi kadib markii uu diiday Mobil laga dhacaayay. 19- May 12, 2018, Rag ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafadda Suuqyaraha, waxa uuna dilka wiilkaasi dhacay kadib markii uu diiday in laga qaato Moobil uu watay. 20- May 14, 2018, Ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada ayaa ruux Mooto Bajaajle ah ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib goobta si xarago leh uga baxsaday Gaariga uu la socday Askariga dilka Geystay oo ahaa Cabdi Bile. 21- May 14, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Cabdul Shideeye ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu Naafo ka ahaa Gacanta, waxaana dilkiisa kadib ay maleeshiyaadka ka qaateen Muuqaal. 22- May 17, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi, kadib markii marxuumada iyo Haween kale oo la socday ay ka dul dhaceen Hooy uu ilaalo ka ahaa Askariga. 23- May 18, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel aan ka fogeyn Isgooska Shibis ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska kaa oo lagu magacaabi jiray Qataatow. 24- May 19, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ku dilay Ganacsade Sarifle ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aw Aadan, waxa uuna kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaanada BFS. 25- May 20, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku dilay mid ka mid ah maamulka Shirkada dhismaha Kulmiye, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyaadka. 26- May 20, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia, kaa oo magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdi Cumar oo uu dilkiisa ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon. 27- May 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Dabaqeynka ku dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub oo Kaabe u ahaa dadka loo yaqaano Dalaaleyda. 28- May 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysnaa oo ka tirsan Daacishta Somalia ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada xili uu ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha qaybta xigta dhanka Degmada Hodan. 29- May 24, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Ceelasha-Biyaha ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka. 30- May 26, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa bakaaraha, gaar ahaan eeryada Masjidka Shuhadada ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa kaa oo aan la cadeyn waxa uu ahaa. 31- May 26, 2018, Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafada suuq Boocle ku toogtay Sarifle lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Xariir. 32-May 27, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari naaniistiisa lagu sheegay Caana boore oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga. 33-May 27, 2018, Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa waaxda Saddexaad ee Xaafada dabaqeynka degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku diley Nabadoon Caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Saleemaan Abiikar Fooldheere. 34- May 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgosyka Maana booliyo ee degmada Shibis ee gobolkan Banaadir ku toogtay nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada. 35- May 28, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waaxda Horseed degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay Cumar Dhalaxow Muudeey oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka, waxaana lagu rasaaseeyay gaarigiisa. 36- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Finish ku dilay Muxudiin Cosoble oo kamid ahaa Ganacsada Hilibka. 37- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Macalin Dugsi qur’aan oo loogu dhex galay hooygiisa. 38- May 29, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Ansalooti ku toogtay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. 39- May 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) Marxuum C/weli Ahmed Mohamed. Dowlada Somalia ayaa mar waliba ku goodisa inay ka jawaab celineyso dilalkaasi, hase ahaatee waxa ay Hanjabaadaha dowlada u muuqdaan kuwo sii kordhinaaya daadashada dhiiga shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Attacks by young Islamist militants in northern Mozambique are fuelled by a mix of poverty and corruption, writes Joseph Hanlon. Source: Hiiraan Online
  9. Years after George W. Bush created a secret “kill list” of alleged terrorism suspects, it remains murky how one gets on the list, and just as complicated to try to get off it, as Marjorie Cohn explains. Source: Hiiraan Online
  10. Istanbul, Turkey - When President Recep Tayyip Erdogan called snap elections last month, he cited foreign policy concerns as the principal reason behind his decision. Source: Hiiraan Online
  11. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has started mobilising the youth through soccer as a unifying factor among the warring clans. Source: Hiiraan Online
  12. Two women have been fined Sh30 million each or serve 30 years in jail by a Mandera court after pleading guilty to human trafficking charge. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU, June 1 (Xinhua) -- A prominent youth leader was shot dead on Thursday evening by suspected Somali militant group al-Shabab as he walked home after evening prayers in Mogadishu, police said. Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kulan aan horay loo shaacin ku yeeshen Magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ oo socdaalkiisa magaalada Garoowe u kireystay diyarad gaara ayaa ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano. Kulanka oo si gaara ugu dhexeeyay Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen degnaanshiyaha laga dareemayo magaalada Gaalkacyo, Nabadda iyo Daris wanaaga ka dhexeeya labada maamul. C/weli Gaas iyo Xaaf ayaa isla soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda oo mas’uuliyada koowaad ay ka saran tahay xalinteeda. C/weli Gaas oo casuumaada u sameeyay Xaaf, ayaa sheegay in Puntland ay daris la tahay Galmudug, sidaa aawgeed ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxda Galmudug. Illo wareedyo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Xaaf uu xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiye Gaas iyo Xaaf ay isla fahmeen in kulamo gaara lala qaato Madaxda Galmudug ee iminka carada la fadhiya magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudu, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in si dhaqsi ah lagu qaboojiyo khilafka. Dhinaca kale, Xaaf ayaa safarkiisa Garoowe loo badinayaa inuu la xariiro sidii Puntland fara galin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. In less than two weeks, thirty-two national teams from around the world will begin the month-long soccer pageant known as the FIFA World Cup. Astonishing athletic feats will be performed by astonishingly wealthy players—Messi, Ronaldo, Neymar. There will be showboating and fakery. (Ronaldo again, almost certainly.) There will be a golden trophy, millions of dollars in sponsorship and advertising revenue, and the vague scent of corruption that follows FIFA everywhere. And, of course, there won’t be any Americans this time around, the men’s national team having bombed out in qualifiers. Source: Hiiraan Online
  16. Garissa county commissioner Joshua Chepchieng has said the government is not out to harass and intimidate residents. Source: Hiiraan Online
  17. The U.N. refugee agency says more than a dozen Africans who were held captive by human traffickers in Libya have been killed and many others wounded while trying to escape.The UNHCR says victims were among a group of some 200 Eritrean, Ethiopian and Somali migrants and refugees. Source: Hiiraan Online
  18. The Pentagon has told Congress that the US military killed almost 500 civilians and injured a further 169 in 2017. The civilians were killed in operations around the world, from Somalia to Yemen to Syria. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - At least twelve Al-Shabaab militants have been killed in U.S. airstrike outside Somali capital, Mogadishu, U.S. forces confirmed on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. The sport is also used to make the youth busy and discourage them from joining the al Shabaab militants who have continued to recruit young people to fight against the peace keeping forces. Source: Hiiraan Online
  21. A new video released by Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, details one of the jihadist group’s hit squads. The unit, dubbed the Muhammad bin Maslamah Battalion, appears to mainly operate within Somalia’s capital Mogadishu and in the Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  22. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga baxay heshiiskii shirkadda DP World ee Imaaraadka ee dekadda Dooraaleh. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu yiri “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan” Hadalka madaxweyne Geelle, waxa uu shaaca ka qaaday arrimaha soo socda:- 1 – In heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Soomaaliya, sida Berbera iyo Boosaaso ay yihiin kuwa marnaba ujeedkoodu uusan ahayn in dekedahaas lagu hormariyo, balse ay yihiin kuwa lagu wiiqayo inay iskood ama dal kale hormariyo, si dekedda Jabal Cali ee Dubai usii ahaato tan ugu xooggan gobolka. 2 – In Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku saxneyd inay iska diido heshiiska dekedahaas iyo inay Imaaraadka kala safato Qatar, waayo waxaa cad in Imaaraadku ay Soomaaliya u joogaan kaliya inay wiiqaan Soomaaliya, balse aysan marnaba dan ka lahayn inay Soomaaliya ka caawiyaan inay cagaheedi isku taagto. 3 – In hoggaamiyayaasha maamullada Soomaaliya, si gaar ah Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi ay yihiin khaa’inu waddaniyiin aan wax dan ah ka lahayn dalka, una muuqdo kaliya dollar-ka Imaaraadkaa Carabta, sababtoo ah ayaga oo og hagar-daamada Imaaraadka, ayay haddana weli heshiis kula yihiin inay Soomaaliya dhibaateyso, una saxiixeen heshiisyo 30 sano ah, oo cawaaqibkooda aan laga soo kaban doonin muddo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Riyadh (Caasimada Online) – Saudi Arabia ayaa ku hajnabtay tallaabo miltari oo ka dhan ah Qatar, haddii dalkaas uu soo iibsado barnaamijka difaaca gantaalaha ee S-400, oo Ruushka uu sameeyo, sida uu daabacay wargeyska Le Monde ee dalka France. Warqad uu u diray madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa boqor Salman waxa uu walaac kaga muujiyey wada-hadallo u socda Moscow iyo Doha, oo ku saabsan iibka barnaamijka difaaca ee horumarsan. Dowladda Sacuudiga oo ka codsatay France, inay cadaadiso Qatar, ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto cawaaqibka ka iman kara haddii Qatar ay hesho barnaamijkan, ayna halis gelin karto amniga Sacuudiga. “Haddii tani ay dhacdo boqortooyada waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah, si meesha looga saaro habkan difaaca gantaalaha, waxaana ku jira tallaabo milatari” ayuu boqor Salman ku yiri warqaddii uu u qoray Macron, oo uu helay wargeyska Le Monde. Bishii Janaayo, ayaa safiirka Qatar ee Ruushka uu sheegay in wada-hadallada ay kusoo iibsanayaan barnaamijkan ay gebo gebo yihiin. Labada dal ayaa bishii October ee 2017 kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn milatari iyo mid farsamo iyo inay kasii shaqeeyaan habka difaaca, intii uu wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu booqashada ku joogay dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
  24. Garoowe (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ee ku yaalla degaanka Bali Qadar ee Gobolka Bari. Weerarka oo aad u xooganaa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Saldhiga ka weerartay dhowr Jiho waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada maamulka, gaar ahaan kuwa degan Saldhiga. Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana lasoo sheegayaa in khasaraha ugu badan uu gaaray ciidamada Puntland oo looga hormaray weerarka. Inta la ogyahay ilaa Lix qof ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Maleeshiyada al-Shabaab oo dagaalkaan kasoo saaray warbixino kooban ayaa sheegay inay ka gaareen dantii ay ka lahaayen weerarka, isla markaana ay cagta mariyeen Saldhiggii ciidamada Puntland ee degaanka Balli qadar, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, Maamulka iyo Saraakiisha Puntland ayaan weli ka hadal weerarka inkastoo ay ku howlan yihiin weerar rogaal celis ah. Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha asbuucii tagay ay al-Shabaab soo bandhigeen sida ay unugyadooda ku sugan Gobolka Bari u noolyihiin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeen hore baahiyey muuqaallo ay ka duubeen dadka shacabka ah iyo kwa kale ee ay ku dilaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Wuxuu ahaa muuqaal aad u argagax badan. Dad badan oo Soomaali ah oo ka daawaday inta badan facebook, ayaa aad uga carrooday, oo dareenkooda muujiyey, waase sida ay Shabaab rabaan in dadka ka hadlaan ayaga, kadibna iska iloobaan oo aan waxba laga qaban karin. Markaan eegnay muuqaalka waxaa inooga baxay shanta arrin: 1 – In Al-Shabaab ay fahantay in hal qarax oo ay fuliso uu uga sahlan yahay inay 20 weerar oo dilal qorsheysan ah geysato. Xusuusnow, kooxdan waxay dooneysaa kaliya inay shacab disho, kalamana jeclo qaaabka ay u disho. Sidaas darted waxay garowsato in waqti iyo qarash badan ay u baahan tahay in qarax la fuliyo, lagana yaabo inaysan dad badan ku dhiman, waxayna u weecatay inay dadka hal hal u disho. Ramadaanka sidii u billowday waxay dileen ku dhowaad 60 qof. 2 – In Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo, hay’adaha amniguna u miuuqdaan kuwa aan ka damqaneyn waxa socda, ama haddii dareen dhibayo uu jiro, aysna lahayn awood ay wax uga qabtaan dhibaatada socota. Sidaas darteed, isha un ayay ka daawanayaan. 3 – In Al-Shabaab ay maalinba maalinta ka dambeysa sii haleyso kalsooni xad dhaaf ah, oo maanta awooddoodu mareyso heer qof kasta oo ay dilayaan ay muuqaal kasoo duubaan, halka waagii hore ay orod inta wax ku dilaan carari jireen. 4 – In Al-Shabaab, oo sid ay sheegto dooneysa inay dalka qabsato maamusha, aysan wax rajo dambe ah ka lahayn inay taageero ka hesho shacabka. Xusuusnow waxaa jirtay waqti kooxdan dad badan taageeri jireen, hase yeeshee maanta xitaa haddii aan dhahno waxaa taageero 95% shacabka, waxay u badan tahay inaan been sheegeyno. Sababtoo ah, haddii ay shacab rajo ka leedahay, sidaan uma gumaadeen. 5 – In Kooxdan tahay koox arxan darran, oo aan diin Islaam wax shaqo ah ku lahayn, hadafkooduna yahay inaysan dowlad la dagaalamin, balse ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com