-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Recent arrests of high-level public officials in Somalia over graft amid tough anti-corruption talk by the country’s Prime Minister Hassan Ali Khayre have left many observers wondering how far the purge would go and whether the momentum would continue. Source: Hiiraan Online
-
Despite having one of the lowest immunization rates in the world, Somalia has made great strides in increasing immunization coverage in recent years with support from the World Health Organization (WHO) and other health system strengthening partners. To enhance coverage even more, in early August 2018, WHO Somalia brought together all the major organizations and institutions involved in immunization to lay the foundation for better coordinated immunization efforts in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa sii karaar qaadanaya la dagaalanka ‘musuqmaasuqa ‘ ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyada oo ay sii kordhayaan dadka loo xirayo eedeymo musuqmaasuq. Wixii ugu dambeeyay ee dhacay waxa ay ahaayeen in shalay xabsiga loo taxaabay illaa 10 mas’uul oo ka hawlgalayay laanta canshuuraha furdada ee dekada weyn ee Muqdisho, lana magacaabay agaasime kumeel gaar ah oo qaabilsan canshuurdaha furdada. Sideey ku bilaabaatay arrintan? La dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu markasta qeyb ka ahaa qorshaha dowlad kasta oo timaado, balse waa markii koowaad oo dad xilka looga qaaday, dacwadna lagu soo oogay sababo la xiriira qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Weli ma jirto cid ay maxkamaddi ku xukuntay in lagu heley hawlo musuqmaasuq, waxaana weli socota baarista lagu hayo dadka la tuhunsanyahay, sidaas darted illaa ay ‘maxkamad xukunto, dadka la xirey waxaa loo filan karaa in ay dambi la’aan yihiin’ sida uu qabo caalamiga ah iyo kan Soomaaliyaba. Hase yeeshee xaqiiqda ah in dowladda tallaabo u qaadan dhanka la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ah arrin ugub oo soo korortay, keentayna hadal haynta ugu badan ee bulshada dhexdeeda. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilihii lasoo dhaafay meelo kale duwan oo fagaare dadweyne ah ka sheegey sida ay uga go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo isla xisaabtanka, “Waxa aan maanta ka hadlayno waa isla xisaabtan, haddii aanan musuqmaasuqa lala dagaalamin hormar gaari mayno, Alshabaab kama adkaan karno, Caddaalad heli mayno, dumarka Soomaaliyeed xaqooda heli maayaan, dhallinyarada xooqooda heli maayaan haddii aanan musuqa lala dagaalamin, haddii aanan musuqa lala dagaalamin ammaanada ay ganacsatada canshuurta ku bixiso heli mayno, hadafyadii waaweynaa ee ay adduunyada noogu soo jeedsatay gaari mayno” ayuu yiri Kheyre oo mar sii horeysay meel fagaaro ah ka hadlay. Balse weli ma kala cadda halka laga bilaabayo la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo illaa heerka uu soconayo. Sida laga soo xigtay Hanti Dhawraha guud Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, baaritaanka musuqmaasuqa waxa uu gaari doonaa illaa heerka ugu sareeya ee dowladda, wuxuuna yiri ” Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Dadka qaar ayaase su’aal ka qaba illaa heerka madaxbanaanida hanti dhawrka guud, iyo sida loo kala sooci karo waxa ku saabsan xurgufta siyaasadeed iyo la dagaalanka musuqa ah ee dhabta ah. Falanqeeye xagga dhaqaalaha ah Cabdixaliim Ibraahim Xasan oo BBC-da la hadlay mar sii horeysay “Siyaasadaha dhaqaale ee ay dowladda federaalka la timaado markasta caqabada ugu weyn ee soo foodsaarto waxa ay tahay, marka ay noqoto hirgalinteeda, dadkii loo igmaday ayaa ka jiifta, ama caqabada waxa ay ka timaadaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda”. Dowladda xirxiraysaa hawlwadeenada dowladda ee lagu tuhmay musuqa, sida uu sheegayo Hanti Dhawraha Guud “Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musuqmaasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. Hadalkan waxa uu Maxamed Afgooye u sheegay wakaaladda wararka ee SONNA. Dadka la xirey ama xilka laga qaaday waxaa ka mid ah xubno ka tirsan xukuumadda federaalka iyo agaasimeyaal, tirada dadkana waxa ay kusii dhawaanaysaa illaa 20 qof oo xilal kala duwan hayay. Balse taas waa dhibic bad ku dhacday, sida ay qabto hay’adda Transparency Internaional oo qiimeyn ku samaysan heerarka kala duwan ee musqa ay ka joogaan dalalka adduunka, Soomaaliya markasta liiska waa tan ugu hooseysa, waxaa lagu sheegay in ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Dhacdooyinka is daba joogga ah Dhacdooyinka arrintan la xiriira waxa ay ku socdaan si xawli ah, waxaanaa maalmihii lasoo dhaafay dhacayay waxyaabo is daba-joog ah. Waxaase ugu xiisaha badan in hawsha la dagaalanka musuqmaasuqa uu faraha soo galiyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka federaalka, kaas oo kulan uu la yeeshay hanti dhawraha guud Maxamed Maxamuud Afgooye kaga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay wax marayaan. Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee SONNA, guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamed Aadan Macalin ayaa yiri ” Aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. Tani waxa ay muujinaysaa saansaan ah in hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ay arrimahan quseysaayaan in ay ka wada shaqaynayaan, waxaana ku wada lug leh xafiiska hanti dhawrka guud, xeer illaalinta, iyo booliiska qeybtiisa baaritaanada ee CIA-da, halkaas oo ah meesha ay yaalaan galalka dacwadda. Maxay dowladda ka faa’iidey? Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo mar sii horeysay BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ay tahay in lasoo celiyo kalsoonidii shacabka ee ay canshuuraha bixiya iyo beesha caalamka oo deeqaha bixiya, deymahana qafiifiya, wuxuuna yiri “Intaa waxaan ka shaqaynayno waxay yihiin in adduunka na aamino, waxaan ka hadlaynana ay run noqoto, waxay naga caawinaysaa in wixii xun oo dhan aanan kaalinta koowaad kaga jirin, wixii wanaagsana aanan ugu hooseynin”. Warbixin uu dhawaan soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqa. Bangiga waxa uu sheegay in xisaabka dowladda ay muujinayaan in boqolkiiba 5% illaa 7% uu kordhay dakhliga gudaha. “Joogtaynta uruurinta canshuuraha gudaha ayaa muhiim weyn u ah in dowladda ay meelmariso qorshaha dhaqaalaha qaran, dowladda Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay u abuuri lahayd habraaca farsamo iyo sharci ee canshuuraha lagu uruurin lahaa si hufan” ayuu yiri Hugh Riddel oo bangiga u qaabilsan Soomaaliya sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Bangiga Adduunka. Waxaa kale oo dhacday in dakhliga dowladda uu uu gaaray $43 milyan muddo saddex bilood ah gudahood, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay tallaabooyinka la xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa. Malaha faa’iidada ugu muhiimsan waxa ay noqon kartaa tan kalsoonida shacabka oo aysan hadda jirin hal-beeg la’isla ogyahay oo lagu qiyaasi karo, balse waxa ay wax kasta ku xirnaan doonaan sida dowladda usoo bandhigto caddeymo lagu qanci karo oo ka dhan ah dadka musuqa loo haysto, iyo sida dadkaas ku helaan maxkamaddeyn caddaalad iyo hufnaan ku salaysan, taas oo warbaahinta loo ogolaado dhagaysigeeda. ISHA BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. “Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo. “Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa, waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.
-
Addis Ababa (HOL) - Ethiopia’s Communication Minister and newly minted chairman of the Somali state’s People Democratic Party in Ethiopia, Ahmed Shide, has announced that three senior members of his party have been removed from the executive committee for their role in inciting ethnic violence in the region during a power struggle earlier this month between the federal government and the regional government. Source: Hiiraan Online
-
As the international community marked the World Humanitarian Day today, a senior United Nations official warned of the grave threats faced by aid workers in Somalia, where they continue to be targets of armed groups which often abduct and detain them and steal desperately needed relief supplies. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Rajib Dayib Ordogan, iyagoona ka wada hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo horumarin lahaa iskaashiga ku aaddan dhammaan dhinacyada horumarka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa dalka Turkiga waxaa lagu maamuusay in uu ka qeyb-galo Shirka 6-aad ee Xisbiga talada haya dalka Turkiga (AKP). Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee lagu marti qaaday shirweynaha xisibigan. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda uu la kulmay, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo dadaallada haatan socda ee ku qotoma dib-u-kabashada dalka. Dhankooda, Madaxa dalalka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo dhaweeyey hor-u-socodka ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona bogaadiyey xiriirka iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay kulankii Farmaajo iyo Ordugan? appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasmada Online) – Somali army forces, along with African Union peacekeeping troops launched an operation in Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. The joint operation was conducted in the town that has been one of the strongholds of AlShabaab, according to Somali military. The outgoing Deputy Army Chief, Gen. Abdullahi Ali Aanod, commended his troops for endurance, selfless service and determination exhibited in the operation. “If we continue the operation as we have done, we shall be able to free Somalia from Al-Shabaab,” he said. He says dozens of people had been arrested in suspecion of being members of Al-Shabaab. The operation comes after Somali army forces re-captured on Sunday Marka town from Al Qaeda linked Al Shabaab. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo weli ku howlan la xisaabtanka Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa amar duldhigay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Ra’isul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amnig Ducaale ayaa faray in si dhaqsi ah uu kusoo wareejiyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee looga shakisan yahay musuqa. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Wasiirka u faramuuqay dhowr Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo horay dacwadooda musuq loogu gudbiyay Kheyre. Waxa uu Ra’isul wasaaruhu faray Wasiirka inuu la imaado qorshooyin cad oo lagu ciribtiraayo Saraakiisha musuqa ku haya Hubka iyo xuquuqda ciidanka dowlada. Sidoo kale, Kheyre waxa uu Wasiirka ku adkeeyay in la-tashiyo degdeg ah uu la sameeyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ee sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Saraakiisha ku kaca musuqa. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Ducaale ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Hay’adaha amaanka kuwaa oo qaarkood is dabamariyay Hubka iyo mushaaraadka ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hanjabaado dagaal oo kaga imaaday maamulka Puntland, kadib shir Jaraa’id oo ay yeeshen guddiga difaaca Puntland. Qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca maamulka Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu aqbalay waan waantii ay waday Beesha Caalamka balse ay jabineyso Puntland. Waxaa qoraalka lagu sheegay in madaxda Puntland ay doonayaan wakhti kororsi sidaa aawgeed ay mar waliba ku goodinayaan weerar iyo dagaalo ka dhaca Gobolka Sool maadaama uu waqtigooda dhamaaady. Somaliland waxa ay sheegtay inay dhowreyso shacabka ku dhaqan Gobolka Sool, hase yeeshee uusan jirin cabsi kale oo maamulka kaga imaanaya dagaalka Puntland. Sidoo kale, waxa uu maamulka ku celcelshay in Gobolka Sool ka tirsan tahay Somaliland, isla markaana aanu xiligaan u baahneyn muran.
-
The Day of Arafat coincides with the second day of the annual Hajj pilgrimage to Mecca and is on the the day before the beginning of Eid ul-Adha, a Muslim celebration commemorating Ibraham’s devotion to Allah. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu furmaayo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya. Waxaa qoraal maanta oo isniin ah ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu si rasmi ah u furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota. Qoraalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,”. Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku maqnaa fasax dhan saddex bilood, balse hadda uu dhamaaday fasaxaasi. Docda kale, Intiii Xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxa ayaa waxaa dalka ka dhacay isbedelo kala duwan, gaar ahaan xubnaha Golaha Wasiirada oo isbedelo kala duwan lagu sameeyay qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha Dunida ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay baaritaanno ku sameyso taciyada laga geystay dowlad-deegaanka Soomalida Itoobiya intii uu ka talinayya maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ugu yeereen [Cabdi Ileey]. Haddaba, Qoraalka kasoo baxay Hay’adda HRW oo lagu xuay in tacdiyo ay ka mid yihiin; kufsi,dhac, dil iyo dhibaatooyin kale laga geystay gobolkaas muddadii sanadaha ahayd ee ka talinayay maamulkii la bedelay, wuxuuna qoraalku ku billowday sidan; Waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya inay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale. Cabdi Maxamuud Cumar (oo sidoo kale loo yaqaan Cabdi Iley) ayaa 6-dii Agoosto xilka ka degay, ka dib rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga oo ciidanka Liyu booliska iyo dhalinyaro daacad u ah Cabdi Iley ay ku weerarreen dadka deegaanka isla markaana ay gubeen hanti. “Si looga gudbo wixii dhacay, waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya xaqiijinta in cadaalad loo helo tacaddiyada argagaxa leh ee mudada ka badan tobanka sano ka dhacayay deegaanka Soomaalida,” ayay tiri Maria Burnett oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee Bariga iyo Geeska Afrika, oo intaa ku dartay, “Waa in ajendayaasha isbedelka ah ee Ra’iisal Wasaare Abiy ay ka mid noqdaan in dadka mas’uulka ka ah tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, si kasta oo ay u awood badan yihiin, ay cadaaladdu qabato.” Deegaanka Soomaalida, oo ku yaal meel muhiim ah isla markaana dhaca soohdinta kala qeybisa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa waxaa muddo ka badan toban sano ka dhacayay tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo xooggaga Liyu boolis. Tan iyo sanadkii 2007, waxaa aad loo xaddiday baaritaannada ku aaddan waxa ka socda gobolka. Waxaa la xayiray galaangalka ay weriyayaasha, hay’adaha gargaarka, kuwa xuquuqda aadanaha iyo kormeerayaasha madaxa bannaan u leeyihiin deegaanka. Tacaddiyada ayaa si gaar ah usii batay tan iyo sanadkii 2007, xilligaas oo dagaalkii u dhexeeyay jabhadda ONLF iyo ciidamada difaaca Itoobiya uu sare u kacay. Dowladda Itoobiya ayaa samaysay ciidanka Liyu boolis (oo luuqada Amxaariga loola jeedo “mid gaar ah”) kaasoo sanadkii 2008 noqday mid si ballaaran loogula dagaallamay jabhadda isla markaana ka amar qaadanayay Cabdi Iley oo xilligaasi ahaa madaxa ammaanka ee deegaanka, ka dibna muddo sideed sano ah hayay xilka madaxweynaha dowlad deegaanka. Warbixin ay Human Rights Watch baahisay 2008 ayay ku ogaatay in xooggaga ammaanka ee Itoobiya iyo jabhadda la dagaallamaysay ay dembiyo dagaal geysteen intii u dhaxaysay bartamihii 2007 ilaa horraantii 2008, iyo in ciidamada Itoobiya ay mas’uul ka ahaayeen dembiyo ka dhan ah aadanaha marka la eego dilalka, jirdilka, kufsiga iyo barakicinta qasabka ah ee la diiwaangeliyay. Human Rights Watch ayaa ogaatay in ciidamada Itoobiya ay si xoog ah ku barakiciyeen bulshooyin dhan oo reer miyi ah, ay gubeen oo ay burburiyeen tobanaan tuulo, ayna dil bareer ah u geysteen in ka badan 150 qof, kuwaasoo qaarkood meelo fagaara ah lagu toogtay si loo argagax geliyo bulshada deegaanka. Xooggaga ammaanka ayaa sidoo kale qaab sharci darro ah ku xiray boqolaal qof oo rayid ah, kuwaasoo badankood la jirdilay, garaacay, kufsaday ama loo geystay xadgudubyo kale oo galmo ah. Human Rights Watch ayaa marar badan u ololeysay sidii baaritaan madax bannaan loogu samayn lahaa dembiyadda xilligaas dhacay. Sanadkii 2008, Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Itoobiya ayaa bilowday baaritaan ay uga jawaabayso warbixinta Human Rights Watch, balse qaabka loo sameeyay ayaan ahayn mid madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo, waxaana uu meesha ka saaray xaqiiqda ah in dowladda ay door ku lahayd tacaddiyadaasi. Waxaa loo baahan yahay baaritaan cusub kaasoo ay tahay in lagu eego kaalinta iyo mas’uuliyadda ay leeyihiin askarta milateriga Itoobiya ee amartay ama ka qeyb qaadatay weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah xilliga ay meesha xun maraysay colaadda, ayay tiri Human Rights Watch. Waxaa intaa dheer in saraakiisha milateriga iyo kuwa rayidka ah ee ka warqabay ama ay ahayd inay ogaadaan dembiyada noocaasi ah balse aan wax tallaaba ah ka qaadin ay dembiga wax ku yeelan karaan marka la eego mas’uuliyadda taliska. Inkastoo uu milateriga Itoobiya sanadahan dambe yareeyay dowrka muuqda ee uu ku leeyahay deegaanka Soomaalida, ayaa haddana ciidanka Liyu boolis ee ka amar qaadanayay Cabdi Iley waxa uu sameeyay tallaabooyin xadgudub ah oo uu ku beegsanayay dadka looga shakiyo inay taageeraan jabhadda ONLF. Ciidankan ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa marar badan lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dilal sharciga khilaafsan, jirdil, kufsi, rabshado ka dhan ah dadka deegaanka Soomaalida iyo weliba weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah beelaha deegaanka. Waxaa sidoo kale jira cadeymo muujinaya weerarro ay Liyu booliska ku qaadeen dad degan meelo ka baxsan deegaanka Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Oromiya oo ay weerarayeen tan iyo dabayaaqadii Disembar 2016, taasoo dhalisay dhimashada boqolaal qof iyo barakac baahsan. Waxa ay sidoo kale weerarro ka geysteen gudaha dalka deriska la ah ee Soomaaliya. Warbixin ay Human Rights Watch baahisay bishii July 2018 ayaa lagu diiwaangeliyay jirdil arxan darro ah oo loo geystay maxaabiista xabsiga dhexe ee deegaanka oo loo yaqaan Jeel Ogaadeen, kaasoo ay inta badan maamulaan Liyu booliska. Maxaabiis soo martay xabsigaasi ayaa qeexay tacaddiyo aan dhammaan lahayn iyo jirdil, ayagoo inta badan aan heli jirin daryeel caafimaad, ka warqabka qoysaskooda, qareennadooda ama xitaa mararka qaar cunno. Waa in la baaro mas’uuliyiinta, oo kuwa ay si lagu kalsoonaan karo ku cadaato inay ka dambeeyeen tacaddiyada ka dhanka ah maxaabiista lagu qaado dacwad dembiyeed ayaga oo aan loo eegeyn darajadooda, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in si gaar ah loo baaro mas’uuliyiinta sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida sida Cabdi Iley iyo Cabdiraxmaan Cabdillahi Burale oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxmaan Labagole. Marka la eego sharciga caalamiga ah, Itoobiya waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay baarto oo ay maxkamadeyso dadka geysta dembiyada dagaalka, oo ay ka mid yihiin ciidamadeeda. Ma aha in cafis loo fidiyo dadka geysta dembiyada ka dhanka ah aadanaha ama tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha. Dowladda ayaa tallaabooyin aargoosi ah kula kacday dadka ka hadla tacaddiyada deegaanka ka dhaca. Tusaale ahaan, dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2016 waxa ay xirtay tobanaan ka mid ah ehelada dad Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaatay mudaharaad ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia kaasoo looga soo horjeeday maamulka Jigjiga. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa bilooyin xirnaa si loogu ciqaabo falkaasi. Hawl-gal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan oo lagu sameeyo tacaddiyada iyo jebinta shuruucda dagaalka ee ka dhacay deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ayaa waxa uu qeyb muhiim ah ka qaadan doonaa ajendaha isbedelka ku salaysan ee Ra’iisal Wasaare Abiy, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ee doonaya inay taageeraan isbedellada ballaaran ee socda ay taageero farsamo u fidiyaan dadaalkaasi. Si loo xaqiijiyo kalsoonida, waa in la shaaciyaa waxyaabaha lagu ogaaday baaritaanka ayadoo laga faa’iideysanayo khubarada caalamiga ah. Ugu dambeyn, “Ma aha in Dowladda Federaalka Itoobiya ay qariso tacdiyada xajmigaas iyo noocaasi leh ayadoo eegaysa dano siyaasadeed,” ayay tiri Burnett oo intaa ku dartay, “Hadda waxaa la joogaa goortii lasoo afjari lahaa ku lug-lahaanshaha dowladda federaalka ee tacaddiyada ka dhaca deegaanka Soomaalida, iyo xilligii uu billaaban lahaa isla xisaabtanka.” PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay in baaris ay ku sameyso Tacddiyadii laga Geystay DDSI appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmi doono kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia oo dhawaanahan fasax ku jiray. Qoraal kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu sheegay in kalfadhiga afaraad ee Golaha shacabka uu Furmi doono 10-ka bisha September ee foolka nagu soo haysa, iyadoo baarlamaanka ay horyaallaan hidise-sharciyeedyo muhiim ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa xlidhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan ku wargeliyay inay ugu dambeyn 05-ta September ay dib dalka ugu soo laabtaan, si ay uga qaybqaataan furitaanka kafadlhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka. “Furitaanka kal-fadhiga afaraad ee baarlmaanka waxaa loo Qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaa awgeed waxaa xildhibaanada oo dhan laga codsanayaa inay dalka soo galaan ugu dambeyn 05-ta bisha soo socota, diyaarna u noqdaan xil-gudashadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Mursal soo saaray. Ugu dambyen, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxay ku jireen fasax saddex bilood ah oo bishan ku eg, iyadoo intii ay fasaxa ku jireen ay dhaceen isbedello badan oo dhanka maamulka dowladda ah, taas oo la doonayo inay meel-mariyaan. Haddaba, Halkan ka AKHRISO Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Mursal; PUNTLAND POST The post Xilliga uu billaabanayo Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamanka Soomaaliya oo la Shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) – The government of Ethiopia should commit to an in-depth, independent fact-finding mission into many years of rights abuses and violations of the laws of war in eastern Ethiopia’s Somali region, Human Rights Watch said today. This should include specific investigations into the responsibility of senior Somali region officials, including the former regional president, Abdi Mohamoud Omar, and the current head of the region’s paramilitary Liyu police force, Abdirahman Abdillahi Burale. On August 6, 2018, after the Somali region’s notorious Liyu police and a youth group loyal to Abdi Mohamoud Omar (known as “Abdi Illey”) attacked residents and burned property, in Jigjiga, Abdi Illey resigned. “To break with the past, Ethiopia’s government needs to ensure justice for more than a decade of horrific abuses in the Somali region,” said Maria Burnett, East and Horn of Africa director at Human Rights Watch. “Prime Minister Abiy Ahmed’s reform agenda should include that those responsible for serious human rights violations, however powerful, no longer avoid justice.” The Somali region, a strategically important border area between Somalia and Ethiopia, has been the site of over a decade of widespread abuses against civilians, both by the Ethiopian army and by the Liyu police force. Scrutiny of developments in the region has been severely limited since 2007. Access for journalists, aid organizations, human rights groups, and other independent monitors is restricted. The abuses have been particularly egregious since 2007, when armed conflict between the insurgent Ogaden National Liberation Front (ONLF) and Ethiopia’s Defense Force escalated. Ethiopian authorities created the Liyu (“special” in Amharic) police, which by 2008 had become a prominent counterinsurgency force reporting to Abdi Illey, the regional security chief at that time, who went on to serve as the regional president for eight years. In a 2008 report, Human Rights Watch found that Ethiopian security forces and the insurgent group had committed war crimes between mid-2007 and early 2008, and that the Ethiopian armed forces were responsible for crimes against humanity based on the patterns of executions, torture, rape, and forced displacement documented. Human Rights Watch found that Ethiopian troops forcibly displaced entire rural communities, destroyed and burned dozens of villages, and summarily executed more than 150 people, some publicly to terrorize the local community. Security forces also unlawfully detained hundreds of civilians, many of whom were tortured, beaten, raped, or otherwise sexually abused. Human Rights Watch has repeatedly pressed for an independent investigation into the crimes committed in this period. In 2008, Ethiopia’s Foreign Affairs Ministry initiated an inquiry in response to the Human Rights Watch report, but that exercise lacked both credibility and independence and primarily whitewashed the truth about the government’s role. A new investigation is needed and should look into the roles and responsibilities of Ethiopian military personnel who ordered or participated in attacks on civilians at the height of the conflict, Human Rights Watch said. In addition, senior military and civilian officials who knew or should have known of such crimes but took no action may be criminally liable as a matter of command responsibility. While the military has in recent years taken a less active role in the region, the Liyu Police force, under Abdi Illey’s control, has pursued an abusive counter-insurgency campaign against suspected ONLF sympathizers. The force has over the last decade frequently been implicated in extrajudicial killings, torture, rape, and violence against people in the Somali region, as well as in retaliatory attacks against local communities. There is also evidence of attacks and violent clashes by the group against communities outside of the Somali region, including in the Oromia region since late December 2016, which resulted in hundreds dead and significant displacement, and in neighboring Somalia. In a July 2018 report, Human Rights Watch documented brutal torture of prisoners in the region’s central prison – known as Jail Ogaden – which is largely controlled by the Liyu police. Former prisoners described unending abuse and torture, with no access to adequate medical care, family, lawyers, or even, at times, food. Officials credibly implicated in serious violations against prisoners, regardless of rank, should be investigated and those responsible should face criminal charges, Human Rights Watch said. This should include specific investigations into senior Somali region officials such as Abdi Illey and Abdirahman Abdillahi Burale, also known as Abdirahman Labagole. Under international law, Ethiopia has an obligation to investigate and prosecute those responsible for war crimes, including members of its armed forces. Anyone responsible for crimes against humanity or other serious violations of human rights should not be granted amnesty. The government has also carried out reprisals against those speaking out about abuses in the region. In 2016, in one example, the Ethiopian government arrested and detained dozens of relatives of Ethiopians who participated in a Melbourne, Australia protest and held some for months as punishment. An in-depth, independent fact-finding mission into rights abuses and violations of the laws of war in eastern Ethiopia’s Somali region would be an important part of Abiy’s ongoing reform agenda, Human Rights Watch said. Ethiopia’s international partners, looking to support the many ongoing reforms, should offer technical assistance to such an effort. To help ensure its credibility, the investigation should publish detailed findings and draw on international expertise. “The federal government should not sweep abuses of such a scale and nature under the carpet in the name of political expediency,” Burnett said. “Now is the time for the federal government’s long involvement and complicity in widespread abuses in the Somali region to end and for accountability to begin.” Sources: HRW
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf adag uu ka taagan yahay magacaabida tiro Safaarado oo dib loo dhigay xili la sugaayay in Safiiro cusub loo magacaabo. Khilaafka ka dhashay Safaaradaha ayaa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad. Safaaradaha ay magacaabidooda khilaafka ka taagan yahay ayaa kala ah Safaarada Somalia ee Kuwait, Sacuudiga, Masar iyo Pakistaan oo Safiirada fadhiya dib loo bedelayo, marka laga soo tago tan Sacuudiga oo aan Safiir laheyn. Khilaafka ayaa salka ku haya awood qeybsi waxa uuna soo ifbaxay kadib markii Ra’isul wasaare Kheyre uu Wasiirka ku cadaadiyay in laba kamid ah Safaaradahaasi loo magacaabo shaqsiyaad uu isaga wato, sida aan xogta ku heleyno. Kheyre ayaa sidoo kale doonaya in Safaarada Pakistaan aan lagu sameyn isbedel, halka Wasiir Cawad uu doonayo in isbedelka socda uu saameeyo maamulka Safaarada Pakistaan oo kol hore la hadal hayay in la bedelaayo maamulka Safaarada. Khilaafka oo gaaray meel xun aawgii waxaa lasoo sheegayaa in si KMG ah loo sii hakiyay magacaabida Safiirada Somalia u matali lahaa Safaaradahaasi, waxaana suuragal ah in xal laga gaaro khilaafka oo u muuqda mid wax lagu saxaayo. Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa Safiirada Somalia u fadhiya Safaaradaha dibadda u maareysa hanaanka awood qeybsiga 4.5 oo ku dhisan nidaamka dalka. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ahmiyad gaara u aragto Safaaradaha aan kor kusoo xusnay oo tan iyo xiligii burburka Somalia shaqeynaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
It's a widely known trouble that the trouble with Somalia is, first and foremost, a troubled justice system. This basic fact proved troublesome for past and present Somali leaders as it's the primary reason for their inability to muster the true yearning and trust of the Somali people. Such trust for leaders could be said to be present when the people of Somalia start to make an initiative to tell on the enemy in their midst. It's trouble beacuse no leader will ever earn the trust of the Somalis as long as the leaders don't seize the opportunity to make concrete steps in reforming, overhauling the justice system beyond their usual rumblings and rhetoric. For such steps to begin to earn trust of the public for the leaders, justice must start with the process itself, which must be and should be seen to be open, participatory, inclusive and transparent every step of the way. Source: Hiiraan Online
-
Nairob (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay ciidamadeeda kala bixi doonto Somalia. Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya laga billaabo Bisha July ee Sanadka soo socda. Go’aanka la bixitaanka ciidamada ayaa dhashay kadib markii dowladda Kenya ay QM weydisatay magdhowga Askarta uga dhintay Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee Koofurta Somalia. Warbixin Maaliyadeed ay baahisay Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa muujineysa in Hay’ada QM ay Kenya ku wargelisay in la dhimayo qiimaha Magdhowga Askarta Kenya ee Somalia lagu dilay. Dowlada kenya ayaa lacagta ay ka dooneyso QM waxaa ay gaareysaa Sh8.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah, taa oo bixitaankeeda uu ku wada adkaan doono QM. Dhinaca kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ayey ku sheegtay in Kenya ay siineyso Sh6.1Bilyan shilinka Kenya ah sanadkan,labada sano ee soo socotana lacagtaas la dhimayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa dhawaan loo magacaabay agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee (NISA), ku xigeenimadiia waxaa loo arkaa iney ka xoog badan tahay kuwii ka horreeyay, dadka qaar waxey qabaan inuu isaga yahay qofka ugu sarreeya NISA waxaana la is weydiinayaa waxa isbadali doona. Mudooyinkii lasoo dhaafay NISA waxey laheyd dul-duleelo badan waxaana hadda loo fadhiyaa inuu FAHAD daboolo godadka hay’adda, arrimaha aadka loo hadal hayo ee la is leeyahay wax ayuu ka badali doonaa waxaa ka mid ah: 1-Dilalka Sharci darrada ah: Waxa dhawr jeer dhacday in ciidamada NISA ay si sharci darro ah u dileen dad shacab ah, wax badan lagama qaban arrintaan waxaana looga fadhiyaa inuu Fahad arrintaan soo afjaro. 2-Laaluushka: Hay’adda NISA waxaa lagu eedeeyaa in ciidamadeeda jooga wadooyinka iney qaataan lacago laaluush ah kadibna ay fasaxaan gaadiidka sida qaraxyada taasoo u baahan in lasoo afjaro. 3-Xariga Sharci darrada ah: Hay’adda nabad sugidda soomaaliya waxaa la sheegaa iney u xiran yahiin dad badan oo shacab ah kuwaas oo laga doonayo madax furasho hadii ay dhiibi waayanna dusha loo saaro dambiyo aaney laheyn, taasoo u baahan in lasoo afjaro. 4-Amarada is barbar yaaca ah: Hay’adda NISA waxey leedahay hogaan la yaqaan, hadana sidaas oo ay tahay waxaa jira wiilal yaryar oo dhibaato ku haya shacabka isla markaana mid walba iska gaaro go’aanka uu doono iyo amar ku taagleyn guud oo shacabka dhexdiisa ah taasoo abuurtay jahawareer ku saabsan cidda hagta NISA. 5-Caburinta Siyaasiyiinta: Hay’ada NISA waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay loo isticmaalay caburinta siyaasiyiin iyo dad ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, sida la xasuusan yahay Soomaalida waxey ku heshiisay inaan ciidanku ku dhex milmin isqab-qabsiga siyaasiyiinta, sidaas darteed FAHAD waxaa laga rabaa iney NISA noqoto mid ka madax banaan raga siyaasadda isku haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntland ayaa 18 Augsto 2018 u gudbisay Gollaha Baarlamanka gal dacwadeed ka dhan ah Hay,adda biyaha iyo Tamarta ee PSAWEN ka dib markey sheegtay inay si sharci daro ah faraha ula soo gashay mashaariicda iyo hawlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaraddu. Waxaa lagu xusay qoraal madaxda Wasaaraddu u gudbisay Baarlamanka mudadii ay jirtey Hay,adda PSAWEN inaysan habayaraatee wax door ah iyo kaalin ka geysan arrimaha la xiriira hakinta,leexinta iyo ka faa,iideysiga biyaha roobka oo sanad kasta in ka badan labaatan trillion mitir kuyuubic ay ku dhamaadaan badda Islamarkaana qulqulka ay samaynayaan dhibaato u geysan jiray dhirta iyo ciida nafaqada leh ka dib markey dhulka u keeneen nabaad guur tiro badan. Warbaahinta PUNTLAND POST oo samaysay baaritaan kooban ka dib markii uu soo shaac baxay maalmo ka hor khilaaf cusub oo u dhaxeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN waxaa lagu ogaadey baaritaanka xogo la xidhiidha in loo weeciyay dhinaca arrimaha bulshada Gaar ahaan ka faa,iideysiga daadka roobka iyo ka hortaga nabaad guurka deeqda mashruuc balaaran oo horey qorshuhu u ahaa inay uga faa,iideysato Puntland dayactirka jidka laamiga burbursan ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Mashruucaan oo markii la shaaciyay sanado badan laga joogo, kana mid ahaa mashaariicdii Xukuumadda Cabdiweli Gaas ka dhaxashay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ma jirto natiijo laga gaarey hadafkii loogu deeqay asalkiisii horre oo ahaa dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana hakad galiyay fulintiisa eedeymo soo noqnoqday oo la xidhiidha musuq maasuq iyo hanaankiisa oo ay hareeyeen caqabado iyo dhaliilo sababay mudadii loogu talagalay mashruuca inaan looga faa,iideysan. Akhri Dacwadda Wasaaradda Deegaanka Hay,adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka oo kaalin weyn ka ah dalalkii bixiyay deeqda mashruuca ayaa wararku sheegayaan inay mar kale isu diyaarinayso fursad ay boorka uga jafeyso sidii mashruucaas loogu weecin lahaa dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan ka faa,iideysiga biyaha roobka iyo ka hortaga nabaadguurka deegaanka. Sarkaal ka tirsan GIZ iyo Wasiiro PL Xogta PUNTLAND POST ku heshay baaritaanka waxay tilmaamaysa talaabaddan dib usoo nooleynta mashruuca inay ka dambeysay ka dib markey ku qanceen madaxda hay,addu,talo bixin dhexmartey hay,addaha UN-ka iyo nidaam xisaabeedka iyo daahfurnaanta ka jirta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntand. Hadafka mashruucani xambaarsan yahay oo ku qotomo siduu ula hawlgali lahaa wasaarad ama xafiis ka hufan musuq maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa si looga miro dhaliyo amase loo gaaro ujeedada la xidhiidha in Puntland lagu tijaabiyo mashaariic waaweyn si la mid ah maamulka Somaliland,waxay tani ka dhigan tahay fursad markii 2aad muddo tar oo kooban gudaheed soo garaacda albaabka. Dacwada Wasaaradda Deegaanka Puntland maalmo ka hor ay u gudbisay Baarlamanka Puntland oo xilligaan ku guddo jira kalfadhigoodii u dambeeyay ayaa iyana xambaarsan fariin cabsi leh oo tilmaamaysa jiritaanka weerar durba uga yimid gudaha dowladda hirgalinta iyo ka miro dhalinta mashruucaas, waxaana lagu xusay qoraalka Wasaaradda hawlihii loo igmadey inay weerar qaawan kusoo qaaday Hay,adda PSAWEN oo haatan ka dhursugaysa fulinta shaqooyin aan horey loogu baran, sida dhisida dhaamamka ka faa,iideysiga biyaha roobka, kuwaas oo sida la ogyahay 7-kii sano ee lasoo dhaafey waxqabad la taaban karo ay ka samaysay Wasaaradda Deegaanka Puntland oo la asaasay sanadkii 2009-kii. Sidoo kale intii uu socdey Baaritaanka PUNTLAND POST waxaa lagu helay nuqul qoraaleedyo kasoo baxay sanadihii 2013 iyo 2017 xafiiska Madaxweynihii horre Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (FAROOLE) iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo lagu wargaliyay hay,addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka gaar ahaan mashaariicda quseysa ka faa,iideysiga biyaha roobka,biyo xireenadda,ka hortaga nabaad guurka,ilaalinta duurjoogta IWM inay kala shaqeyn karaan oo kaliya Wasaaradda Deegaanka Puntland. Dhinaca kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya isbedel mowqifeed oo burinaya digreetadii kal horre Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ku taageeray masuuliyadda shaqada Wasaaradda Deegaanka,ka dib markey gollihiisa xukuumaddu ku dhaqaaqeen todobaadkii lasoo dhaafey talaabo loogu ansixiyay Hay,adda PSAWEN inay wakiil uga noqonayso mashaariicda usoo socota Arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda. Horey uma jirin door ama kaalin ay ku lahayd PSAWEN hawlahaan ku taxaluuqa faa,iideysiga biyaha roobka iyo dhismaha biyo xireenadda laga soo bilaabo tan markii la asaasay 17 sano ka hor ilaa 2018,Iyadoona inta badan hawsheedu ahaan jidhey qandaraasyadda lku saabsan qodida ceelasha dhaadheer ee Riigaga. Qaar ka mid ah dadka la socda khilaafkan, waxay ku fasireen walaaca Wasaaradda Deegaanku qabto mid u gogol xaaraya sidii dhabaha looga leexin lahaa mashaariic waaweyn oo ka taabagashay dalka, waxayna ku sifeeyeen hanaankii uu ku bilowday Asaaskii wakaaladda biyaha,tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland inuu ahaa. “Hay,addaan waxaa la asaasay sanadkii 2000,waxayna la midowday dhaxalkii hantidii qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan mashruucii xooga korontada ee la oran jirey EENEEYE oo ka shaqo bilaabay degmooyinka Bosaso iyo Qardho dabayaaqadii 1980-kii, waxaana Maareeye looga dhigay A.U.N Abshir Muuse” Ayuu yiri Injineer Mowliid Khaliif oo ah khabiir horey uga soo shaqeeyay dhismaha mashaariicda dhaamamka iyo biyo xireenada laga sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolladda Puntland. Balse sida ku cad nidaamka shaqada PSAWEN waxaa la asaasay sanadkii 2001, waxayna golloyaasha dowladdu meelmariyeen shuruucda iyo siyaasada ay ku shaqeyso sanadkii 2007,Iyadoona lagu qeexay ujeedada ama hadafka loo abuurey horumarinta biyaha iyo korontada oo dhamaan gacanta ugu jirta shirkaddo gaar loo leeyahay oo ka madax banaan dowladda , mana cada ilaa iyo hadda inay guulo ka gaadhey hawlihii loo igmadey iyo in kale. Mareeyihii horre ee mashruucii Eeneeye Marxuum Abshir Muuse ayaa fursad u helay mar kale inuu madax ka noqdo markii la bilaabay PSAWEN, wallow muddo dheer ka dib uu digreeto ku bedelay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, balse laguma guulaysan buuq badan oo ka dhashay bedelka A.U.N Abshir Muuse inuu kala lug baxo PSAWEN oo uu hadda madax ka yahay wiil uu dhalay marxuumku. Inta badan shacabka iyo Warbaahinta si daahfurnaan ah looguma soo gudbiyo qaababka ay isu bedelaan Madaxda sarre ee Xafiiska PSAWEN, waxaana jira shaki weyn oo ku xeeran mudadii dheerayd oo Marxuum Abshir Muuse madaxda ka ahaa xafiiskaas iyo sida wiilkiisu ku yimid shaqada oo aan faahfaahin laga hayn. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Deegaanka Puntland oo qarka u saaran in laga xoogo mashaariic muhiim ah appeared first on Puntland Post.
-
Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in dalka Giriigga uu ku guulaystay in uu ka soo baxo barnaamijkii samatabixinta dhaqaalaha oo socday muddo saddex sano ah si uu dalkaasi uga soo kabto dhibaatadii dhanka deymaha ee haysatay. Mashruuca lacagaha uu Midowga Yurub ugu talagalay xasilinta dhaqaalaha dalalka isticmaala lacagta Yuuro ayaa waxa uu samatabixinta dhaqaalaha Giriigga u qoondeeyeen 61.9 bilyan oo Yuuro oo dowladda dalkaasi looga taageerayay dhaqaalaha dalkeed uu u soo kaban lahaa. Tan iyo markii dhibaatooyinka dhaqaale ay ku habsadeen Giriiga sanadkii 2010, Giriiga ayaa waxaa soo gaaray samatabixintii ugu weyneyd ee dhaqaalaha taariikhda, balse xuriyada maamul ee dhaqaalahiisa gaarka ayaa yareyn doonto kormeerida adag ee gudiga Yurub. Si dalalkaasi u xaqiijiyaan in Athens aysan ka bixin heshiisyadii ay isku afgarteen dalalka lacagaha amaahiyay, si ugu dambeyntii Giriigu u bixiyo amaahdaasi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Gariiga oo ka soo kabtay dhibaatadii dhaqaale ee mudada dheer haysatay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kaas oo waqti kooban haya xilka madaxweynanimada Hirshabeelle. Guux xoogan ayaa ka jira gudaha xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, sidey wararka sheegayaan waxaa jira mudanayaal badan oo masuugsan qaabka uu u shaqeeyo madaxweyne waare, waxeyna ka fakarayaan iney badalaan. Ilaa hadda 34 mudane ayaa la sheegayaa iney saxiixeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, sida uu dhigaayo sharciga Hirshabeelle mooshinka madaxweynaha waxaa soo jeedin kara 33 mudane, waxaana xilka ka qaadi kara 66 mudane. Si dhab ah looma hubo cidda ka dambeysa mooshinkaan cusub ee ka dhanka ah madaxweyne Waare, laakiin wararka qaar waxey sheegayaan iney ka dambeeyaan siyaasiyiintii la tartantay Maxamed Cabdi Waare oo ay ka mid yahiin Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo aan la xiriirnayaa si aan uga wareysano arrinta mooshinka wuxuu inoo sheegay inuu maqlay inuu jiro mooshinkaas balse uusan isagu saxiixin, wuxuuna intaas ku daray inuu masuugsan yahay shaqada madaxweynaha. Xildhibaanada mooshinka wada ee Hirshabeelle qaarkood waxey u sababeynayaan arrintaan inuu madaxweynuhu sameeyay musuq-maasuq iyo inaan wax laga qaban amniga oo ay sheegeen in loo helay lacag hal malyan ah. Lama yaqaanno goorta la keeni doono mooshinka ay diyaarinayaan xildhibaanada, laakiin mar walba waxaa ku biiraya xildhibaano cusub sidaan xogta ku helnay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho [Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu dalka kaga maqnaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku tagay wadamada Jabuuti iyo Turkiga, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dowladahaa, oo ay kawada hadleen arrimaha ka dhaxeeya. Wadada isku xirta madaxtooyada ilaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la xiray, xilligiii uu madaxweynuhu uu soo gaarayay caasimadda. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.