-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dowladda dhexe ay aqbashay in maamulkaasi laga caawiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo in la furo waddooyinka u xiran ururkaasi. Cali C/laahi Guudlaawe oo ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle oo soo gabagabeeyey safar uu ku yimid Muqdisho ayaa Jowhar ka sheegay in la qaado doono howlgallo dheeraad ah oo maamulkoodu horkacayo dowladana ay qeyb ka tahay. Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab laga saari doono dhammaan deegaannada Hirshabelle, howlgalladaasina qaarkood ka bilowdeen deegaanno ka mid ah Hirshabelle. “Dowladda waxaa isku soo afgarannay in dadkaan dhibaatada haysata ee amni wax laga qabto, annagane aan horkacno dedaalkaasi lagu xoreynayo, dowladdana wey nala qaadatay” ayuu yiri Guudlaawe. Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ku bogaadiyey shacabka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal sida ay ugu istaageen iney la dagaallamaan Al-shabaab, isaga oo sheegay in Hirshabelle shacabka is abaabulay gacan siin doonto. Deegaanno ka mid ah gobollada Hirshabelle waxaa ka socda dagaallo ka dhan ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamulka K/galbeed ayaa waxa ay u suurtagashay iney la wareegaan deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Deegaankan waxaa maalin kahor qabsaday dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo halkaasi isaga soo baxeen ciidanka xoogga dalka. Wararka waxa ay sheegayaan in ciidan badan oo DFS iyo kuwa K/galbeed ah ay gabaladhacii shalay gudaha u galeen deegankan. Waxaa jirtay dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay, iyadoo ugu dambeyn Al-shabaab isaga baxeen deegaanka Goofgaduud Buurey. Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka deegaankan ayaa sheegay in xaaladda ay maanta tahay mid deggan, islamarkaana ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed sugayaan ammaanka deegaankaasi./ Deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa maalmahan dambe u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose saakay oo Khamiis ah, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanno kale oo deegaankaasi hoostaga. Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka ay ku faafeen deegaannadan, kadib markii shalay iyo xalay halkaasi ciidanka DFS lagula eegtay qaraxyo. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan oo aynu xiriir la sameennay waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahiyaan howlgallada ay wadaan, welina lama oga in ay dad kusoo qabteen iyo in kale. Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada dalka ee amni darrada ay ka jirto, waxaana ka dagaallama deegaanno ka mid ah gobolkaasi Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha iskaashiga dowla dowlad goboleedyada ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan qoraal uu dhowaan aqalka sare kasoo saaray khilaafka ka taagan Galmudug. Goluhu wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay qoraalkaasi oo ay sheegeen inuu hareer maray qodobka 3.9 ee war-murtiyeedkii uu golahan kasoo saaray khilaafka Galmudug iyo sidoo kale wadatashi la’aan. Waxay aqalka sare oo metala dowlad goboleedyada ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan xal u helista waxa taagan iyo sidoo kale matalaad dhab ah oo dowlad goboleedyada. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
South African schools will teach Swahili alongside other non-African languages such as Mandarin, French and German. Proponents hope it may one day become a lingua franca for the African continent. Source: Hiiraan Online
-
The trial of 189 suspected Islamist militants began in Mozambique on Wednesday, with the accused allegedly involved in attacks against police and civilians in the northern province of Cabo Delgado. Source: Hiiraan Online
-
Ogaden is a 327,000 square kilometer territory located in eastern Ethiopia and on the border with Somalia. The region was once part of the Somali Ifat Sultanate before it was handed back and forth from one European colonial ruler to another, with both Italy and Britain laying claims over the land during the previous century. Source: Hiiraan Online
-
The disaster in Somalia offered America a glimpse of the future of warfare. No one listened. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aad u bah-dilay boqorka dalka Sacuudiga Salmana Bin Cabdulcasiis, isaga oo ka dhigay qof aan isku filneyn oo Mareykanka la’aantiis aan xukun hayn lahayn. Trump ayaa adeegsaday hadal aan diblomaasi ahayn ku weeraray Sucuudiga, oo ay saaxiibo dhaw yihiin, waxaana uu sheegay in uu u digay Boqor Salmaan kuna war-geliyey in uusan xukunka laba toddobaad haysan karin taageerada ciidamada Militari ee Mareykanka la’aantood. “Waan difaacnaa Sucuudi Careebiya. Miyaad leedihiin waa qani. Waan jeclahay boqorka. Laakiin waxaa dhahay ‘Boqor waan ku difaaceynaa – halkan ma aadan sii joogeyn laba toddobaad anaga la’aanteen – waa in aad bixisaa lacagta Militarigaaga,” ayuu Trump ka sheegay fagaare ku yaal Southaven ee gobolka Mississippi. Trump ma sheegin xilligii uu hadaladdaas ku yiri boqorka Sucuudiga. Marka laga yimaado hadaladdaas adag, maamulka Trump waxa uu xiriir dhaw la leeyahay Sucuudi Careebiya oo uu arko awood uu uga hor tago himilada Iran ee gobolka, iyo fulinta siyaasadaha lagu taageerayo Yahuudda. Trump waxa uu Sucuudiga ku tagay safarkiisii dibadda ee ugu horreeyey sanadkii hore markii loo doortay Madaxweynaha Mareykanka. Waxaa xusid mudan, in markii Trump uu booqday Sucuudiga ay abuurmay khilaafka wadamadda Khaliijka oo dhabbaha u xaaray in la go’doomiyo Qadar. Ayada oo Trump sidoo kale marar badan hadallo bah-dilaad ugu yiri amiirada Sacuudiga, haddana weli waa ay ku daba-feelan yihiin, waxayna taageereen qorshaha Trump ee ah in magaalada Qudus ay noqoto magaalo Yahuuddu leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowan Muqdisho lagu shaaciyey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud hogaamiye KMG ah looga dhigay xisbiga cusub oo la filayo in maanta oo khamiis ah si rasmi ah loo shaaciyo. Xisbigan oo loo bixiyey Xisbga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxaa ku midoobay Daljir, Daamujadiid iyo kudladda Horuosocd. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa beesha Daarood ku metelaya Xisbigan? Xisbiga cusub ee UPD waxaa beesha Daarood ilaa iyo hadda sida muuqata ku metelaya Cabdikariin Xassan Jaamac oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta xukumaddii Shiekh Shariif Shikeh Axmed, hadana ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, iyo Cabdirashiid Xaashi oo ah madaxa machadka Heritage. Cabdikariin Xassan Jaamac waxa uu ka soo jeedaa beelweynta Harti Darood, gaar ahaa Sool clan, halka Cabdirashiid Xaashi uu ka soo jeedo beesha Leylkase. Labadan siyaasi ayaa ka mid ahaanshaha xisbiga ka sokow rajo ka leh xilal sare haddii Xasan Sheekh kusoo baxo doorashada 2021. Jaamacadda City iyo Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage waxaa leh ganacsato iyo siyaasiyiin ku boohoobay xisbigii Dajir ee ku biiray Dhaamujadiid, sidaas darteed layaab ma lahan in Cabdikariin iyo Cabdirashiid, labada xubno ka yihiin xisbiga. Waxaa xusid mudan uu Cabdi Caynte hore masraxa siyaasadda ka soo fuulay Machadka Heritage oo uu ka ahaa gudoomiye kahor inta aan dowladdii Xassa Shiekh Maxamuud loo magacaabin Wasiirkii Qorsheynta, waxaana hadda muuqataa in Cabdirashiid uu waddadaas ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka galay. Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladaas Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen kulamo ay toddobaadkan la yeesheen wakiilka Somaliland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay isugu keenaan labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya] wareeg kale oo wada hadalada ah.” Sidaas waxa tidhi Safiirka Denmarka Mette Knudsen, waxaanay intaas raacisay “Nabadgelyada, degenaanshaha iyo dib u soo kabasho waa in la gaadhsiiyaa gobalka Geeska Afrika, waxa muhiim ah in dhammaan colaadaha la dhammeeyo oo ay ku jirto ta’ u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.” Ergayga dalka Holland u qaabilsan Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa isna yidhi “Waa muhiim in wada jir loo shaqeeyo. Idinka [Somaliland iyo Soomaaliya] waxaad haysataan taageeradayada si loo xaqiijiyo dhiirigelinta nabadda.” Warbaahinta Kenya ee warkan baahisay ayaa sheegtay inay suurtogal tahay inay beesha caalamku madaxda Somaliland iyo Soomaaliya kulansiiso, iyadoo goobta ugu haboon ee ay ku kulmi karaana ku tilmaantay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Kulan loo qorsheeyay inuu bishii March Djibouti ku qabsoomo oo la filayay inay ku kulmaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa baaqday ka dib markii ay dawladda Soomaaliya si adag uga hortimid maalgashiga ay DP world ku samaysay dekedda Berbera iyo saldhiga UAE laga siiyay Berbera. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Saadiq Eenow, oo u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa qishay in Puntland nidaamka ka jira ee uu waqtiga ka dhammaaday uu qorsheenayo dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Dr Saadiq oo shalay ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ee uu ugu taagan yahay doorashada xilka Madaxweyne ee bisha Janaayo 2019 dhaceysa, ayaa qaba in dagaalku ujeedkiisu yahay sidii loogu baajin lahaa doorashada, waqtigana ku kororsan lahaa Gaas. “Intii yareed ee aan joogay waxaan maqlayey dagaal ayaan dhacaya, dagaal dhici maayo oo doorashada wey dhici doontaa,” Waxaa sidaas yiri Dr. Saadiw Eenow. Ma aha sheeko cusub in Cabdiweli Cali Gaas uu uga dan leeyahay dagaalka Somaliland sidii uu ku dheeresan lahaa waqtiga, hase ahaatee waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa musharaxiinta Puntland ee kula loolamaya doorashada. Sidoo kale waxa uu culeys ka saaran yahay beesha caalamka iyo dhinaca Villa Somalia maadama Madaxweyne Farmaajo ka digay collaad la dhex dhigo dad Soomaaliyeed oo walaalo ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu badan dadka ku nool deegaanada Maamulka Puntland ayaa noqotay Canshuurtii lagu soo rogay Nimanka furayo xaasaskooda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ka hadlayey Munaasabad lagu daah furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka ayaa halkaas kaga dhawaaqay in canshuur lagu soo rogay ragga furayo xaasaskooda sabab kasta uu furriinka ku imaado. Lacagta Canshuurta ah ee laga rabo ninka naagtiisa furayo ayaa lagu sheegay inay tahay $20 Dolllar, inkastoo ay tahay lacag aan sidaas u badneyn haddana waxay noqotay mid ku cusub dadka reer Puntland. Ninka Xaaskiisa furayo ayaa lagu amray inuu waraaqda furriinka soo raaciyo lacagtaas inkastoo aan si cad loo sheegin halka lacagtaas lagu shubayo iyo cidda maamuleyso. Sharcigaan ayaa xafladda daahfurka looga dhawaaqay inuu hirgalay uuna ka dhaqan geli doono dhammaan deegaanada Maamulka Puntland. Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sicir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jirto. Waa maamulkii ugu horreeyey ee sharci noocaan oo kale ah hirgeliyo, waxayna dadka qaar aaminsan yihiin in sharcigaan lagu yareenayo furitaanka badan inkastoo lacagtaan ay tahay mid yar oo dad badan ay awoodaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiirka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/codka-wasiirka-maaliyada-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa qaadacay qorsho lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada Canada. Bin Salman, ayaa diiday in dowladiisa ay miiska wadahadalka la fadhiisato Canada, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay doorbidayaan calaaqada labada dal oo sii fogaata. Waxa uu bin Salman sheegay inay adkaan doonto in dowlada Canada ay kala hadlaan arrimo ku saleysan faragalinta ay ku hayaan maxaabiis u xiran, isagoo carab ***** in xukunka iyo sharciga dalkooda ay u madaxbanaan yihiin. Dowladaha Britain iyo Mareykanka oo dalbaday xalinta khilaafka labada dal ayaa waxaa qaaday dalabkaasi bin Salman oo ku jawaabay in Sacuudiga uu garanayo cida uu dagaalka kala dhexeeyo iyo sida loola hadlo. Bin Salman oo doonaya inuu sii fogeeyo khilaafka Boqortooyada iyo Canada ayaa dalbaday in Britain iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan khilaafka labada dal. Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhawaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay. Goor sii horeysay dowladda Sacuudiga ayaa go’aansatay inay xakameyso dhammaan ganacsiga iyo maalgashiga cusub ee u dhaxeeya Boqortooyada iyo Canada. Si kastaba ha ahaatee, reer galbeedka ayaa u muuqanaya kuwo xal u waayay khilaafka labada dal, inkastoo ay jiraan isku dayo kala duwan oo aan wali miro dhalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka garabka mucaarada ay sabab u noqdan in Kenya ay Saldhig u noqoto sharci daro. Uhurro Kenyatta oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Madaxtooyada ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay ka shaqeynayaan in dalka uu galo xaalad adag. Kenyatta, waxa uu tilmaamay in aysan muhiim aheyn in xiligan lagu doodo in afti loo qaado dastuurka kenya oo bilihii la soo dhaafay waxka badalkiisa ay isku uruursanayeen Xildhibaanada mucaaradka. Kenyatta waxa uu halkaa ka sheegay in Kenya aysan xamili Karin in xiligan la faragaliyo arrimaha Dastuurka, balse waxa uu carab ***** inay jiri doonto xili ay munaasib tahay in si wada jira looga doodo afti ama bedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka. “Cidna ma aqbali doonto in Kenya ay saldhig u noqoto sharci la’aan, Xildhibaanada mucaaradka waxan ka dalbaneynaa inay dib dhigtaan dalabkooda afti iyo qodobo laga saaro Dastuurka” Madaxweyne Uhurro, waxa uu sheegay in Xildhibaanada Kenya uu uga digaayo inay kusii fogaadan qodobada xiisada u abuureysa Kenya, waxa uuna sidoo kale cadeeyay inaan loo dulqaan doonin is uruursiga Mucaaradka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mucaaradka usoo jeediyay in arrimaha Dastuurka ay kala doodan Madaxa golaha aqlabiyada barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari kenya Mr Aden bare ducaale. Haddalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xili 29 Sep 2018 uu Aden bare ducaale is hortaag ku sameeyay afti ay mucaaradka dalbadeen in loo qaado Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saareen golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ku gacan seeray islamarkaana wax aysan aqbali karin ku sheegay war-murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray xiisadda iyo khilaafka siyaasadeed ee maamulka GalMudug. Warsaxaafadeedka ay maanta oo Arbaco ah soo saareen dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku sheegeen in Aqalka Sare ay hareermareen qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo, si gaar ah qodobkiisa 3.9, kaasoo shaacinaya faragelinta dowladda ku heyso dowlad Goboleedyada. Ugu dambeyntii war saxaafadeedkan ayaa waxaa ay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu baaqeen Aqalka Sare inay qadariyaan Mowqifka Dowlad Goboleedyada ee shirkii Kismaayo, islamarkaana aysan faro-gelin ku sameyn arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada. Halkan hoose ka Aqriso War-Saxaafadeedka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa heshiis lagu hormarinayo gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Duulista Hawada la gashay dowlada Sacuudiga. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, oo haatan booqasho ku jooga Magalada Riyad ee dalka Sacuudiga, halka dhanka Sacuudiga uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka dalkaasi Cabdi Xakiin Bin Maxamed Altamiimi. Heshiiska labada dal ayaa dhigaya in si wada jir ah looga wada shaqeeyo arrimaha Duulista Hawada, waxa ayna Sacuudiga ballanqaaday inay dhaqan galin doonto Heshiiska. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale lagu xoojinayaa wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya. Dowlada Somalia ayaa Heshiiskani u leh ahmiyad weyn oo ku aadan horumarinta iyo iskaashiga dhanka duulimaadka, waxa uuna sahlayaa in labada Wasaaradood ay is weydaarsadan duulimaadyada. Sidoo kale, heshiiskaas waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa siihaya Safaarada Soomaaliya ee wadanka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji,iyada oo dhinaca Sacuudiga ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Gaadiidka boqortooyada. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Somalia ay bilahaani xooga saareyso dhanka duulimaadyada Somalia iyo wadamada hormarsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soldiers at Fort Drum and veterans of the battle depicted in the film "Blackhawk Down" are commemorating the engagement's 25th anniversary. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kooban oo si wada jira ay usoo saaren machadka Hilaal Institute oo xarun ku leh Somalia iyo machadka nabadda ee Yurub ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Kooxda xagjirka ah ee Daacishta Somalia. Warbixintan oo kooban ayaa waxaa lagu muujiyay cadadka Daacishta Somalia iyo weerarada khasaaraha nafeed geystay oo ay ka geysteen Somalia. Weerarada sida gaarka ah looga hadlay ayaa waxa ay ka kala dheceen deegaano hoostaga Puntland, Muqdisho iyo Gobolo kel. Macadyadan oo si qoto dheer baaritaan ugu sameeyay dhaqdhaqaaqa iyo cadadka Daacishta Somalia ayaa waxa ay ku sheegtay in tirro ahaan ay dhanyihiin Daacishta 300 dagaalyahano oo ay ku jiraan danbiilayaal. Warbixinada macadyada waxaa looga digay in Daacishta Somalia ee Saldhigyada ugu badan ku leh buuraha Galgala ay mustaqbalka dhaw halis ku yihiin Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Daacish aysan laheyn awood ciidan oo la yaqaano, islamarkaana laga cabsado, balse ay leedahay fursad ay ku balaaran karto. Dhaqaale xoogan ayaa sidoo kale la sheegay inay kusoo xiro galiso dhalinyarada bilaa camalka ah, kuwaa oo si sahlan ugu gacangala Daacish. Sidoo kale, fursadaha ay ku balaaran karto kooxda Daacish ayay hay’adaha warbixinta soo saaray waxa ay ku sheegeen inay ka faa’ideystaan burbur ku yimaada Al Shabaab. Daacish oo geysata dhacdooyin aad u fool xun ayaa Puntland ka joogta dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogan. Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Daacish ay ka halis badan tahay Al-Shabaab maadaama ay heysato dhaqaale xoogan. Waxa uu intaa ku daray in Daacish ay Puntland ka joogan dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogaan. Si kastaba ha ahaatee, Daacish oo kusoo aaday xili dowlada Somalia ay Hub ka heshay dowladaha ay saaxiibada la tahay ayaa ka hor istaagtay in Daacish ay Saldhigyo ka hirgaliso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku heysa website lagu sameystay magaca Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Website-kan ayaa cinwaankiisu yahay: hassankheire2020.com, waxaana laga hadal hayey baraha bulshada, iyadoo warbaahinta qaarkood ay u fasireen olole doorasho iyo khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa soo baxday inuu yahay mid ay sameysteen kooxo dagaal siyaasadeed kula jira Kheyre iyo Farmaajo. Diiwaangelinta iyo sameyntawebiste-kan ee xilligan ayaa loo fahmay mid kusaabsan ololaha doorashada ee 2020 lagu wado in ay kadhacdo Soomaaliya, balse madax kamid ah xukuumadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ololaha doorashada ee xukuumadda iyo xisbigeeduba aanay ahayn wax qarsoodi ah balse aan weli la gaarin xilli olole iyo doorasho midna. Dadka siyaasadda Soomaaliya iyo dad faallo kabixiyey website-ka cusub ayaa sheegay in ay suuragal tahay in arrikani muujinayo olole la soo hormariyey iyo xurguf siyaasadeed oo jirta, balse cid madax bannaan iyo xukuumadda Soomaaliya midkoodna ma sheegin warkaas. Hosting-ka webka waxa laga diiwaangeliyey shirkadda adeegga Website-ka ee Amazon Web service oo fadhigeedu yahay Jarmalka, waxaana suuragal ah in haddii aan diiwangelinta webkan ee Raisalwasaare Kheyre aanay xaqiiqo ahayn in dhinacyo kale oo tartan iyo xurguf siyaasadeed kala dhexeyso ay sameysteen webkan iyaga oo adeegsanay magaca Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre . Wararka ayaa sheegaya in Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay wado baaritaanka lagu bilaabay cidda ka danbeysa sameynta website-kan oo la sheegay in qofka sameystay uu is qariyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ururin ay Soomaaliya ka sameeyeen cilmi baareyaal ka tirsan Kooxda Farsight Africa oo ku takhasusay xaaladaha khilaafaadka dalalka Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaadday kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka uu u shaqeeyo xafiiska Qaramada Midobey ee Soomaaliya (UNSOM). Ku dhawaad 1500 oo Soomaali ah, kuna kala nool magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Cadaado, Beladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo ayaa la weydiiyey suaalo la xiriira shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan sannadkii ugu danbeeyey Danjirihii hore Michael Keating. Natiijada xog ururinta la soo bandhigay ayaa muujinaysay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan UNSOM ay gaartay heerkii ugu hooseeyey tan iyo markii la asaasay xafiiskan Bishii June ee sannadkii 2013kii. Boqolkiiba 52 qof oo ka mid ah dadka aragtidan laga soo ururiyey ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn hoggaanka iyo shaqada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan laba jibaar tiradii sannadkii hore ee 2017kii xilligaas oo boqolkii qof oo Soomaali ah 27-ka mid ah oo kaliya aysan la dhacsanayn shaqada UNSOM. Sababaha ugu waaweyn ee arrinkan loo aanayn karo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay cabsida shacabka Soomaaliyeed ay ka qabeen afmaroojinta joogtada ahayd ee Danjire Michael Keating uu ku haystay go’aanka Dowladda Goboleedyada dalka iyo sida uu u hurin jiray khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah. Soo bandhiggadda Xog ururintan ayaa ku soo beegmatay xilli uu Maanta soo gaaray dalka Ergayga Cusub ee ay Qaramada Midoobey u soo dirtay Soomaaliya Nicholas Haysom. Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay inay sharaf iyo mudnaan gaar ah u tahay inuu labada sano ee soo socota joogo Soomaaliya. Nicholas Haysom ayaa u dhashay Dalka South Africa waxana uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo caalamka ah. Ergeygan cusub ee Qaramada Midoobaya ayaa mudada uu wakiilka ugaga yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ay tahay labo sano,waxana uu ku soo beegmayaa imaanshihiisa iyadoo khilaaf weyn uu ka dhex jiro madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com