-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa shir isu’gu yeertay suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland,gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Garoowe. Qoraal ka soo baxay,Xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taariikhaysan 6 bishan October ee ku beegan Sabtida maanta ah, ayaa lagu wargeliyay suxufiyiinta in ay soo xaadiran shirka ay iclaamisay wasaaraddu,balse qoraalka laguma xusin ajandaha shirkaasi. “Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan weriyaasha ka hawlgala degaannada Puntland gaar ahaan caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, in ay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland” ayaa lagu yidhi qoraalka. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in shirka lagu qabanayo xarunta wasaaradda Warfaafinta ee Garoowe,maalinta berri ah oo ku beegan,Axad 7 October 2018,saacaddu marka ay tahay 9:00am subaxnimo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo shir isu’gu yeertay suxufiyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Somaliland,Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) ayaa Sabtida maanta ah sheegay, in ciidamo hubaysan ay ka hor istaageen xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbiga Kulmiye ayaa maalmo ka hor shaaciyay,in ay xilka qaadis ku sameeyeen Jaaamac Shabeel,islamarkaana ay ka saareen xubinnimadii Xisbiga,sida ay hadalka u dhigeen. Hase yeeshee , Jaamac Shabeel ayaa gebi ahaanba ka horyimid go’aanka xubnahaasi,waxaana uu golaha dhexe ee xisbiga ku wargeliyay in ay kulan deg deg ah isu’gu yimaadan lixda bishan October oo maanta ku beegan. Haddaba Jaamac Shabeel oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa,ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay u diideen in uu galo xarunta xisbiga,sidoo kalena la xidhay weriyaal isaga la socday . halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jaamac Shabeel oo loo diiday xarunta xisbiga Kulmiye appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]-Shir si heer sare ah loosoo qaban-qaabiyey ayaa maanta uga furmay Hotel Buutaan ee magaalada Bosaso; dhaqanka, culimadda, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo waxgrad-ka beelaha xuseen Talareer(Siwaakhroon). Shirkaan ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin(Beeldaaje Calbari), Shirkaan ayaa ujeedadiisu aheyd katashiga iyo meelmarinta xubnaha Golaha Shacabka Puntland -2019, u meteli doona beesha siwaakhroon. Furintaankii shirka ayaa Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin u sheegay guurtidii iyo waxgaradkii beesha siwaakhroon in ujeedada shirkaani tahay in ismada iyo waxgrad-ka beeshu si mug leh uga tashadaan soo xulidda xubnaha beesha uga mid noqonaya Golaha Shacabka Puntlanad 2019, beeldaajaha ayaa dardaaran dheer u jeediyey isimada iyo wax-gradka shirka in ay soo xulaan xubno ku sifoobay xilkasnimo, aqoon iyo hufnaan isla markaan loo tixgeliyey wax-qeybsiga beesha dhexdeeda. Waxa sidoo kale beeldaajuhu sheegay in cidda howshaani u taalo ay tahay nabadoonada iyo wax-gradka isna uu la ogaanayo waxa ay ku heshiiyaan. Shirkaan ayaa ahaa mid ay beeshu mudo sugeysay ayna ku dhammaayeen nabadoonadda iyo wax-garadka beesha oo isaga kala yimi dhammaan deeganada beeshu degto ee Gobolada gardafuu, bari iyo sanaag. Shirkaan oo laqorshayey in uu soo afmeermo maalmaha foodda inagu soo haya ayaa waxaa lagu lafa guridoonaa hoshaan iyo howlo kale oo beesha u yaala. Sidaas iyo Warsan The post Beesha Siwaakhroon oo Bosaso ku qabatay kulan ay uga tashanayso xubnaha uga mid noqonaya Barlamaanka Puntland 2019 appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo(Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maalmihii dambe socdaal ku marayey qeyb kamid ah Magaaloyinka Soomaaliya ayaa sheegay inuu heysto fursad qaali ah oo uu ku dacweyn karo qaar ka tirsan madaxda ugu sareyso dalka. Qalbi Dhagax oo dadweyne badan kula hadlayey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed dartiis iyo Baarlamaanka Soomaaliya ku cafiyey dacwaddii uu rabay inuu ka gudbiyo madaxda ugu sareyso Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay ku gudgudbeyn shakhsi ahaan. Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey. Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca. Dowladda Soomaliya ayaa Qalbi Dhagax u dhiibtay Dowladda Itoobiya ka hor inta uusan dalkaas ka dhicin isbadalka weyn waxaana markii Abiy Ahmed noqday Ra’isulwasaaraha dalkaas u suurtagashay inuu xabsiga kasoo baxo. Dowladda Soomaaliya ayaa taageero badan ku lumisay tallaabadii ay Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya, ilaa haddana lama hayo cid ay mas’uuliyadda kiiskaas dusha ka saaran tahay inkastoo ay Dowladda sheegtay inuu Sanbaloolshe ka dambeeyey arrintaas. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qalbi Dhagax: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-GAALKACYO-.mp3Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xal laga gaaray murankii ka taagnaa Booska Xildhibaano ee uu baneeyey Dhahar Cali Faarax, kaaso lacag dhowr boqol oo kun dollar ah ka qaatay Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Murankaan ayaa si weyn ugu xoogeystay gudaha Beesha, waxayna qaar ka tirsan Odayaasha Beesha Wansengeli soo saareyn digniin ku aadan inuu Wasiir Jamaal ka shaqeenayo sidii Beesha la isaga hor keeni lahaa. Wararkii ugu dambeeyey ee arrintaan ku saabsan ayaa sheegayo in Odoyaasha beesha Warsangali gaar ahaan Dubays oo kursigii golaha shacabka ay lahaayeen jufada Sin Laawe, Dubays ee Warsangali ku wareejiyey jufo kale oo aan laheyn kursiga oo ah reer Guuleed, waana jufada uu ka dhashay wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xassan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi ayaa sheegay in kursigan ay ku wareejiyeen reer Guuleed kadib rabitaanka xildhibaankii is-casilay iyo rabitaanka jufada Sin Laawe oo uu ka dhashay. Beesha Dubeys ayaa laheyd 2 Xildhibaan, oo ku kala asteysnaa sidan: (1): Warsangali/ Dubays/ Sin Laawe (2). ): Warsangali/ Dubays/ Qoob. Halka Jufada reer Guuleed ee wasiirka aaney laheyn wax xildhibaan ah. Markii uu geeriyooday xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, kursigii waxaa la siiyey isla beeshii, oo waxaa badalay walaalkii, laakin hadda markii uu is-casilay Dhahar Cali Faarax Dhahar, waxaa dhacday in kursiga laga wareejiyey beeshii laheyd, oo lagu wareejiyey beesha reer Guuleed ee uu ka dhashay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan. Doorashada kursiga waxaa ay dhaceysaa berri oo Axad ah, October 7, 2018, waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan maadaama kursiga isaga la siiyey kadib markii ay ka tanaasuleen beshii laheyd, lama oga waxa uu xildhibaankii is-casilay iyo beeshiisa kursiga laheyd ay ku badasheen si xaqoodii ay jufo kale u siiyaan. Laakin waxaa la hubaa in Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ahaa xildhibaankii kursiga iska casilay loo Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiska. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Wasiir Jamaal ayaa Booskaas ku bixiyey lacag aad u badan oo aan si rasmi ah tiradeeda loo ogeyn balse la sheegay inay kor u dhaafeyso Laba Boqol oo kun oo Dolar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay la wareegto cutubkii u horeeyay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee ku jira Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Turkiga ayaa u tababaray dowladda Soomaaliya kumanaan askar oo la siiyay tababar casri ah, iyadoo horay dhowr cutub tababar loogu soo gabagabeeyay xerada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamada uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka. Ammaanka Waddooyinka soo gala Saldhigga Turkiga illaa qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa la adkeeyay, iyadoo munaasabadda maanta lagu wareejinayo Ciidamada loo tababaray dowladda ay goobjoog ka noqon doonaan qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho Dhanka kale waxaa maanta lagu dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil,kuwaas oo uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho. Munaasibaddan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Milatariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Guddoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale. Munaasibadda dhaarinta kaddib ayaa waxaa goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeybgalay,waxaana ay saraakiisha iyo saraakiil xigeenta kala jebiyay kula taliyeen in ay daacad u noqdaan dalkooda. Saraakiishan ayaa tababaranayay muddo sanad ah,waxaana tababarka bixinayay saraakiil ka socoto Turkiga oo saldhigga gacanta ku haya. Dadka ka qeybgalay munaasibadda waxaa ka mid ahaa Waaliddiinta iyo Ehelka Saraakiisha dhameystay tababarka oo waalidkood la casuumay. Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badna, iyadoo Safaaradda ugu weyn ee Afrika uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyern Wargeysyada kasoo baxa dalka Mozambique maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ay ka geysteen Mozambique ku dilay 90 ruux tan iyo markii ay bilaabeen weerarada. Weerarada oo ahaa kuwo gaadma ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 70 kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Mozambique. Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi uu yahay 90 qof, halka dhaawaca uu gaaray 70 kale. Waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka ku maqan Alshabaab ay suuragal tahay inay kasii badan yihiin tirada lasoo sheegay. Bernadino Rafael, ayaa sheegay in Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ay argagax ku abuuren dadka muwaadiniinta ku nool waqooyiga dalka. Bernadino Rafael, waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab ay gubeen tuulooyin badan halka ay ka dileen Saraakiil iyo Shacab tan iyo markii ay Shabaab dilalka ka bilaabeen gudaha dalka. Sidoo kale, Maleeshiyaadkan ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hela iibinta Alwaaxa iyo Macadanta oo ay ku badan yihiin ganacsiga dalkaas. Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique. Si kastaba ha ahaatee Bernadino Rafael oo ah Taliyaha ayaa sheegay in dalkiisa uu ka gaashaman doono weerarada kaga imaada Alshabaabka dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa u ogolaatay safaaradda dalka Qatar ee fadhigeeda yahay Muqdisho inay ka dhoofsan karto Soomaaliya duur-joogta, gaar ahaan sagaarada. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixnaa agaasimaheeda guud Maxamed Cumar Nuur, ayaa lagu sheegay duur-joogta ay dhoofsaneyso safaaradda Qatar ay gaarayso 14 sagaaro, kuwaa soo caafimaadkooda la hubiyay. Sidoo kale, Sagaarada ayaa ka mid ah duur-joogta ugu caansan ee laga helo Soomaaliya, sida aadka ahna loo ugaarsado, isla markaana hilibkeeda si aad ah ay dadku u jecel yihiin. Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay ku dhawaaqdo Xukuumadda Soomaaliya, waxaana tani ay furaysaa waddooyin hor leh oo lagu dhoofsan karo duur-joogtada Soomaaliya oo markeedii horeba isaga barakacday dalka, kaddi dagaalladii rubuc qarniga socday. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ay isugu dhaw yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dalkaas uu horay Soomaaliya uga dhoofsaday kumannaan dhallinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhigayo ciidammo. Haddaba, Akhriso: qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DF PUNTLAND POST The post Dowladda Fedeeraalka oo u ogolaatay Dal Carbeed inuu dhoofsado duur-joogta Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Maputo (PP) ─ Koox la magac-baxday Al-shabaab ayaa 90-ku dishay dalka Mozambique oo ka mid ah dalalka Afrika, kaddib markii ay weerareen dhawr goobood oo muhiim ah, sidoo kalena waxay gubeen guryo ay shacab ku noolaayeen. Taliyaha Booliiska dalka Mozambique, Bernadino Rafael oo warbaahinta la hadlya ayaa sheegay in kooxdan ay dishay 90-qof, sidoo kalena ay dhaawac u geysteen 70-qof oo kale tan iyo markii ururkan sannadkii lasoo dhaafay ka bilaabay dalkaas weerarro arxan-darro ah. Kooxdan ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, waxayna weerarrku ku qaadeen tuulooyinka iyagoo u hubeysna mindiyo ay u adeegsanayeen Qoor-goynta dadka tuulooyinkaas ku nool. Sidoo kale, Kooxdan la magia-baxday Al-shabaab ayaa gubay in ka badan 1000 guri, waxay weerareen xarumo boolis oo dalkaas ku yaalla, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ay u geysteen. Dhanka kale, Kooxdan Islaamiga ah ee weerarrada ka wadda Mozambique ayaan la ogeyn inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo kooxdan ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka dalkaas ku nool. Ugu dabeyn, Sannadhii laso dhaafay ururro Islaamiyiin ah oo Al-qaeda xiriir la leh ayaa ka billaabay dagaallo, kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya illaa Tanzaaniya. PUNTLAND POST The post Koox la baxday Al-shabaab oo ku dhawaad 100-qof ku dishay Waddan ku yaalla Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Odoyaasha beesha Warsangali gaar ahaan Dubays oo kursigii golaha shacabka ay lahaayeen jufada Sin Laawe, Dubays/ ee Warsangali ku wareejiyey jufo kale oo aan laheyn kursiga oo ah reer Guuleed, waana jufada uu ka dhashay wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xassan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi ayaa sheegay in kursigan ay ku wareejiyeen reer Guuleed kadib rabitaanka xildhibaankii is-casilay iyo rabitaanka jufada Sin Laawe oo uu ka dhashay. Beesha Dubeys ayaa laheyd 2 Xildhibaan, oo ku kala asteysnaa sidan: (1): Warsangali/ Dubays/ Sin Laawe (2). ): Warsangali/ Dubays/ Qoob. Halka Jufada reer Guuleed ee wasiirka aaney laheyn wax xildhibaan ah. Markii uu geeriyooday xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, kursigii waxaa la siiyey isla beeshii, oo waxaa badalay walaalkii, laakin hadda markii uu is-casilay Dhahar Cali Faarax Dhahar, waxaa dhacday in kursiga laga wareejiyey beeshii laheyd, oo lagu wareejiyey beesha reer Guuleed ee uu ka dhashay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan. Doorashada kursiga waxaa ay dhaceysaa berri oo Axad ah, October 7, 2018, waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan maadaama kursiga isaga la siiyey kadib markii ay ka tanaasuleen beshii laheyd, lama oga waxa uu xildhibaankii is-casilay iyo beeshiisa kursiga laheyd ay ku badasheen si xaqoodii ay jufo kale u siiyaan. Laakin waxaa la hubaa in Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ahaa xildhibaankii kursiga iska casilay loo Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisa ay lasoo bixi doonto barnaamijka isla xisaabtanka Hay’adaha amniga. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in xiligan wixii ka dambeeya ay si dhaba ula xisaabtami doonaan Madaxda Hay’adaha amaanka, waxa uuna tilmaamay in la xisaabtankooda uu ku ekaan doono howlaha amniga. Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doono amniga Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa uuna meesha ka saaray in dib loo dhageys doono qeyladhaan kaga imaada dhanka Siyaasiyiinta ee ku aadan arrimaha amaanka. Wuxuu tilmaamay Wasiir Ducaale in qorshaha amni ee lagu hormarin doono Caasimada ay si wada jira uga wadahadli doonaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku shaqo leh Gobolka la sugaayo amnigiisa. “Wasaaradu waxa ay go’aansatay inay la imaado isla xisaabtan dhab ah, cidna ugama aaba yeeli doono wixii amniga khuseeya waxaana dhici doona isbedel amni oo dhab ah” Sidoo kale, Wasiir Ducaale, waxa uu intaa raaciyay inay dardar gelin doonaan sugida amniga Muqdisho una shaqeyn doonaan si lamid ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Ducaale ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho waxa uuna digniin u kala diray Hay’adaha amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Hay’adda QM ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmaan shaqaalaha gargaarka ee ka jooga Somalia. QM ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay la kulmaan weerarro kala duwan oo qaarkood lagu waxyeeleeyo xili ay ku guda jiraan shaqooyinkooda. Waxa ay QM sheegtay in weeraro dhacay lagu dilay 8 ruux halka lagu dhaawacay 12 kale intii u dhexeeysay January iyo September ee Sanadkan. Qoraal si gaara uga soo baxay Xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka ayaa waxaa lagu sheegay in 90 dhacdo oo rabshado ah ay saameeyeen Hay’adaha Bani’aadanimadda, taasi oo keentay in la Afduubto 18 ruux si ku meelgar ahna loo xiro 13 kale. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “ Khasaaraha ka yimid Weeraradda argagixisadda ee meelaha Dadku ku badanyihiin ee Muqdisho ayaa ku jira Tiradda ugu badan ee Dhimashadda iyo dhaawaca iyo sidoo kale bururka agabka gargaarka” Hay’adda OCHA ayaa cambaaareeysay Weeraradda saameeynaya howlaha Hay’addaha Bani’aadanimadda ee Somalia, waxayna Hay’addu sheegtay in rabshadaha bani’aadanimaddu kordheen. Sidoo kale, waxaa qoraalada Hay’adda QM lagu sheegay in iyadoo ay dhacayaan dhibaatooyin ceynkaasi ah ay hadana diyaar u yihiin inay gurmad rasmi ah ka geystaan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ee Somalia. QM waxay sheegtay Colaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya ay hor istaageen gargaar badan oo halkaas lageeyn lahaa. Si kastaba ha ahaatee, qoraalka QM ayaa kusoo beegmaya xili labadii bilood ee lasoo dhaafay ay Hay’adaha Bani’aadanimaddu joojiyeen Howlihii gargaar ee ay ka wadeen Shabaleeha Hoose, taasi oo sameysay 34,000 oo ruux, sida ay sheegtay QM Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inay geeriyootay AUN Fannaanadda caanka ah Shamsa Xuseen Shumey. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay habbeenimadii xalay kadib markii waayadan ay xanuunsaneyd. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa inta ay nooleed ka mid aheyd Fanniinta Hobolada Waabari, waxaana ay qaaday Hees Isugu jira Wadani iyo kuwo Jaceyl intuba. Fannaaniin ka tirsan Hoboladda Waabari ayaa xaqiijiyay in bilihii lasoo dhaafay ay heysatay Fannaanada Xaalad Caafimad daro oo ugu dambeyntii sababtay geerida. Sidoo kale, Shamsa Shumey ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah lagu aaso magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgali doona Fannaaniin iyo shacab. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay inta badan fannaaniinta qurba joogta ahaa kadib isbedelo dhanka amni oo ka dhacay dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Qatar oo loo sii marinayo safaaraddeeda Soomaaliya ayaa loo ogolaaday inay dalkeeda u dhoofsato duurjoogta nooceedu yahay Sagaaro gaaraya (14 Sagaaro), sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Arrimaha kale, ee qoraalka wasaaradda ku jiray waxaa ka mid ah in duurjoogta ay dhoofsaneyso Safaaradda caafimaadkooda la baaray, iyadoo warqada fasaxa loo diray Hey’adaha ay quseyso. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud Maxamed Cumar Nuur, laakin Goobjoog News xiriir ay la sameysay wasiirka uma suuro-gelin inay hesho wax xog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootey Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka. Shamso ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobollada Waaberi, waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay xanuunsaneysay. Waxa ay Shamso qaadday heeso badan oo isugu jira, wadani iyo jaceyl, waxaana ay ka mid ahayd hablaha ugu cad cad hobollada Waaberi. Maanta ayaa lagu wadaa in meydka Shamsa Xuseen lagu aaso magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa magaalada Gaalkacyo ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa shaqsiyaad uu sheegay in isaga ay ku xadgudbeen. Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey. Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-GAALKACYO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa 30-kii bishii tagtay Seteembar Xamar looga dhawaaqay Xisbi cusub oo magaciisu ka kooban yahay saddex eray “Midoowga Nabadda iyo Demoqradiyadda”, kuwasoo xagga micnaha ka tarjumaya arrimo ay bulshada Soomaaliyeed si aad ah u tabeeyso, harraad…... Source: Hiiraan Online
-
Ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga suuqaasi uu sii xumanayo. Waxa ay sheegeen in aanay shaqeysan karin gelinka dambe, maadaama dadka kala hoyaadayaan, ragga wax dhacana ay xilliyadaasi ka faa’ideystaan. Xaaji Cismaan oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Goobjoog News, in buracaddan ay qaadanayaan lacagaha iyo taleefannada gacanta. Waxa u tilmaamay in dowladda federaalka looga fadhiyo sidii ay wax uga qaban lahayd burcaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-XAAJI-CISMAAN-GANACSATO-BAKAARO-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The UN migration agency said on Friday that it has helped 17 Somali migrants to voluntarily return home from Tanzania following months of confinement in detention centers. Source: Hiiraan Online
-
The UPDF General Court Martial is in Somalia to try soldiers over cases the army has not disclosed. Source: Hiiraan Online
-
French police are investigating the apparent disappearance of the head of Interpol, Meng Hongwei. His wife reported him missing after a trip to China in late September. Source: Hiiraan Online
-
Saudi Arabian Crown Prince Mohammad bin Salman responded publicly to President Donald Trump's recent spate of Tweets and statements concerning oil. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay machadka darasaadka amniga ee Hiraal Institute, ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka ay kaalin weyn ka cayaaraan in kooxda Daacish ayu ku badbaado kana howl-gasho Koonfurta Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in beesha Ogaadeen ee deegaannada Jubbaland ay tahay midda Daacish ay aadka isugu haleyso, sababtuna ay tahay in beesha ay dhibaatooyin badan ka tirsaneyso kooxda Al-Shabaab. Ogaadeenka waxa ay Al-Shabaab u arkaan urur Mogadishu Clan, oo aan dantooda matalin, waxaana ay ka tirsanayaan dhibaatooyin, xarigyo been abuur ah, iyo xitaa dilal ay si joogta ah ugala kulmaan Amniyaat-ka, ayay tiri warbixinta. Deegaanada Jubbooyinka, cidna su’aal kama keeni karto xukunada Al-Shabaab, islamarkaana Amniyaatka ayaa u shaqeeya si madaxbanaan. Nin soo goostay oo ku jiri jiray xabsiga Al-Shabaab ee Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in 20 maxbuus oo lagu hayey xabsigaas ay 15 ka mid ah ahaayeen Ogaadeen, mid Mogadishu Clan, Laba Raxanweyn, midna Daarood. Maxbuuska Mogadishu Clan ah ayaa la siin jiray cunto ka wanaagsan maxaabiista kale, waxaana loola dhaqmi jiray si wanaagsan, markii la sii daayeyna wxaa la siiyey 1,000 dollar, halka maxaabiistii kale ay ka heleen kaliya 300, sida warbixinta machadka ay tiri. Dhinaca kal, Cali Diyaar oo ah sarkaalka ugu sarreeya Ogaadeen ee ku jira Al-Shabaab, ayaa waxaa laga kala diray oo unugyo kale loo qeybiyey ciidankiisa oo gaarayey 500 oo dagalayahan, kadib markii lagu tuhmay inuu u janjeero dhanka Daacish. Ciidankiisa oo badankood kasoo kala jeeday Ogaadeenka iyo Shiikhaasha Ethiopia ayaa isaga daacad u ahaa in ka badan inta ay daacadda u yihiin kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ayey Al-Shabaab ugu kala qeybisay horjoogeyaal kale, taasi oo adkeyn karta inay goostaan ama ay maleegaan shirqool halis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com