Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay ka qeyb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay hindise sharciyeedka doorashooyinka ansixiyaan todobaadka soo socda uuna u gudbo baarlamaanka federaalka ah, una daba-galaan, si doorasho uga dhacdo Soomaaliya 2020-ka. Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan ka hadalnay inclusive politics oo ah siyaasadda loo dhanyahay, waxaan idiinka codsanayaa usbuuca soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”. Dhinaca kale, axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa arrintan ka hor-yimid. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale ayaa yiri “Hadda ayaan warbaahinta ka arkay, madaxweynuhu inuu yiri sharciga doorashooyinka ha la keeno simitaanka soo socda, innagu waxaan xiriir leenahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ilaa hadda xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda oo aan la xiriireynay beryahan oo dhan waxaa uu naga balanqaaday inuu u keenni-doono wadatashi, sharuucda golaha wasiirrada iyo baarlamaanka lama geeyo iyada oo aan lageyn wadatashi…aragti ayaan ka leenahay, input badan ayaan rabnaa in aan gelino, waayo waa sharcigii hagayey xisbiyaga raba inay u tartanto doorashada qaranka, marka howl inaga na quseyso waaye”. Mr. Kamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay saameynta sharciga “Qodobka 2aad, heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo waxaa la isku raacay in la qaato “matalaada isku dheelitiran liiska xiran”, laakin ma lagu heshiin Satate constituency ama single constituency, arrintaas heshiis lagama gaarin, haddii la dhaho Satate constituency sharci si ayuu u qormaayaa, haddii la dhaho single constituency si kale ayuu u qormaa, sharciga marka la qoranaya, dowladda go’aan ay gaartay oo aysan aragti kale gelin, waa sharci baxsad ah, waxaan u sheegeynaa dowladduu inay soo celiso, wadatashi gesliso, innagana ay nagala hadasho”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda xiriirka ee ka tirsan ururka OIC ayaa la werinayaa in kulan heer wasiirro ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 27 October 2018, kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya. Haddaba, War-murtiyeedka waxuu u qornaa: Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa looga baaqi-doonaa inay ixtiraamaan midnimada, xasiloonida iyo bad-qabka dhulka Soomaaliyeed halka beesha caalamka laga rabo inay aragti mideysan oo siyaasadeed ka qaataan arrimaha Soomaaliya. Waxaa lagu soo dhowyn-doonaa heshiisyada taariikhiga ah ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan kuwa ku saabsan nooca iyo qaabka doorashada 2020-ka, qeybiga kheyraadka ee lagu gaaray magaalada Baydhabo June 2018, kuwaas oo qeyb ka ah horumarka nidaamka siyaasadeed ee federalism iyo hab maamul oo joogta ah. Waxaa ammaani-doonaa horumarka laga gaaray dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda ah, amniga iyo xasiloonida, kobaca dhaqaalaha iyo matalaadda la siiyey haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa lagu bogaadin-doonaa dowladda federaalka ah, ciidamada xoogga dalka, ciidamada AMISOM ee military iyo booliisba horumarka ay gaareen amniga iyo xasiloonida. Kooxdan waxaa ay golaha ammaanka ugu baaqi-doonaan in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya. Kooxda waxaa cambaareynayaan Al-shabaab iyo in waxyeellada ay wadaan ay ka hor imaaneyso dhambaalka Islaamka ee ka tarjumaya nabadda, dhex-dhexaadnimada iyo xormeynta qiimaha nolosha. Kooxdan waxaa ay soo dhoweyn-doonnaan natiijada kulankii Brussels 16-17 July 2018 kaas oo ka dhashay shirkii London iyo qaar kale oo Muqdisho ka dhacay, shirka oo ay ka qeyb galeen ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa horumar. Kulanka waxaa dalalka xubnaha ka aha ururka iskaashiga Islaamka(OIC) iyo hey’adaha lacagta loogu baaqi-doonaa inay kordhiyaan taageerada banii’aadnimo ee la siinayo NGO’ska iyo goobaha tabaaleysan. Kulanka waxaa lagu soo dhweyn-doonaa in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta. Kulanka waxaa loogu hambalyeyn-doonnaa dalalka xubnaha ka ah OIC ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana sidoo kale loogu baaqayaa dalalka kale ee aan weli safaarad ku laheyn inay soo dedejiyaan sidii ay safaarad uga furan lahaayeen magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii, kulanka waxaa uu ugu baaqi-doonnaa dowladaha xubnaha ka ah ururka, hey’daha maaliyadda, ururrada NGO’ska ee dalalka Islaamka iyo kaalmo degdeg ah gaarsiiyaan qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay ku jiraan dalalka qaxootiga marti-geliya iyo xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. • Magacaaga Sheeg Xaakimka ama qaadiga ayaa Sadam Xuseen alla ha u raxmadee magaciisa weydiiyay. Kadib wuxuu Saadam Xuseen ku jawaabay “Dastuurka Ciraaq waan xushmeynayaa lakin dastuur uu Bush wax kudaray ma ahan midka aan xushmeeynayo. “Magaceeyga waa macruuf, mana kuu sheegayo. Mase Bush ayaa su’ashan kuu soo dhiibay Yaa xaakim” “Islaamka waa dowlad guureeysa. Adiga xaakim waxaad halkaan ku fadhisaa fikrad Mareykan. Waa is ognahay dhamaanteen” • Xaakimka Oo Salaad U Diiday Sadam “Labo wajeer waxaan kuu sheegay in waqtiga salaada casar la joogo lakin waad iska indho tirtay, sabab?” “Ka cabsan maayo qofna xitaa adiga iyo wixii lamidka ah. Waxaan kaliya ka cabsanayaa waa Alle swt”. • Mar uu xaakimka hadalka ku celiyay Sadam Xuseen ayuu sidaan ugu jawaabay. “Xaakim, aniga maahi arday wax ka dhigta iskuulkaaga. Igu xushmeey inaan ahay madaxweynahaaga” “Waxaan kutasay dhaawacyada mareykanka ii geysteen. Wali waad aamini weysan tahay sababtoo ah Bushka xun ayaa kugu yiri kalmad walbo oo Sadam uu sheego yaan la rumeysan” • Kalmado Ay Wali Xasuustaan Shacabka Ciraaq “Dadka marqaatiyaasha ah waxey ka dhex hadlayaan qol aan daaqado lahayn. Micnaha aan ula jeedo waad fahmi kartaa” “Daanyeerada markeey ku qoslayaan geedaha korkeeda Libaaxa wax ‘Care’ ah ma siiyo” • Habaarkii Uu Bush Iyo Peres “Naclatullah Bush iyo Peres-ka isra’il. Waan ogahay in maxkamadaan ay kor joogto ka yihiin lakin maalin waxaa dhaceeysa aad ka shalaayi doontaan” “Kitaabkaas gacanta iigu jira ayaan aaminsanahay. Waligeeyna aaminsanaa, wax geeri ah kama baqayo lakin Ciraaq waxaad gacanta u galiseen Yahuud iyo Kufaar” • Carab Iyo Gumeysi “Carab oo dhan waa gumeestayaal kor laga heysto. Arag Sacuudig, arag Imaaraadka, arag Kuweet iyo maanta ciraaq” “Waxaan ka xumahay anigoo arkaya in dalkeeyga lagu soo duulay in dadkeeyga ay gacmaha iga xirxireen” “I dhageysta shacabka islaamkoow. Marnaba ha ogolaanina in dalkiina ay soo faragaliyaan yahuud iyo reer Galbeed” “Kuwo daciif oo idinka mid ah ayey qalbiga ka xadayaan kadibna dalkiina ayey la wareegayaan. Waqtigii rasuulkana wey jirtay arintaas”. • Allahu Akbar Maxkamada markeey ku dhawaaqday in ugu dambeyn la daldalo madaxweynihii hore Ciraaq ayuu yiri Sadam isagoo aad u qiireeysan “Allahu akbar, allahu akbar, allahu akbar. Ciraaq wey jireeysaa, saddam geeri kama baqayo. Gaalo ayaad u shaqeeyseen oo dalkiina gacanta u galiseen” “Allahu akbar, alle i abuurtay ayaan dib ugu noqonayaa. Naclatullah mareykan iyo wixii taageersan, geeri waa xaq. Saddam waa baxay shacabka ciraaqoow” Kadib Isagoo salaad sunno ah tukaday kadibna kitaabka aayado ka aqristay ayaa la daldalay maalin Ciid ah. Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir
  4. Tel Aviv (Caasimada Online) – Gabadh reer Falastiin oo tebiyaha ka aha mid ka mid ah taleefishinada Israel, Lucy Aharish ayaa lagu eedeeyey in ay dooneyso waxyeeleynta Israel kaddib markii ay guursatay lamaaneheeda ah jilaa isna Israeli ah Tsahi Halevi shalay. “Waxaan saxiixeynaa heshiis nabadeed,” waxaa sidaas ku kaftamay labada lamaane xilli ay fidinayeen casuumadda arooskooda, sida ay qortay majaladda Hayom. Xubin ka tirsan baarlamanka Israel ee Knesset, Oren Hazan ayaa ku baaqay in la joojiyo YUHUUDEYNTA isaga oo yiri: “Ku Eedeyn maayo Lucy Aharsih in ay shukaasato naf Yuhuudi ah iyada oo ka leh hadaf ay ku dhaawaceyso dalkeenna iyo in ay is hortaagto in ay dhashaan farac Yuhuud ah oo sii wada dhaxalka Yuhuudda, taas cagsigeed, haddii ay iyadu is bedeleyso waan soo dhaweyneynaa.” Guurkaas waxaa sidoo kale meesha ka saaray Arye Deri, oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee Israel. “Waa arrin iyaga u gaar ah. Laakiin, ka Yuhuudi ahaan, waa in aan kuu sheego in aan waxyaabaha ceynkaas ah ka soo horjeedo iyada oo ay sababtu tahay waajibka naga saaran ilaalinta dadka Yuhuudda ah,” ayuu Deri ku siiyey wareysi Raadiyaha ciidamada ee Israel. “Carruurtooda wey guri doonaan, dugsi ayey aadi doonaan oo mar dambena wey guursan doonaan, waxa ayna wajihi doonaan dhibaatooyin adag.” Halevi oo ah jilaa Yuhuudi ah balse aad ugu hadla luuqadda Carabiga, waxa uu hore u ahaa taliye qarsoon oo ka hawlgali jiray xuduudaha Falastiiniyiinta – door oo aad ugu soo caan baxay markii uu ka soo muuqday filimka taxanaha ah ee Netflix series “Fauda”. Aharish oo ah Falastiiniyad, waxa ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay hadana ah Carabiyad oo tabiye ka noqota telefishinka afka Hebrew-ga ku hadla ee Israel. Waxa ay qabatay wareysiyo ay la yeesheen saxaafadda, iyo in ay haybsooc kala kulantay Israel iyo cadaadis kaga yimi qoyskeeda oo la xiriira guur ka baxsan diinta Islam-ka. Aharish waxa ay hoos u dhigtay eedeymaha la xiriira guurkeeda iyada oo sheegtay in ay jiraan waxyaabo kale oo nolosheeda uga muhiimsan oo ay tahay in ay la tacaasho. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka ay isugu yimaadeen Ururka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay aaya ka talinta Beesha Galmaax Yoonis, Waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Hindi). Sido kale Shirka ayaa looga Dhawaaqay Gudi Kumeel Gaar ah Oo la shaqeeya Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis. Waxaana Gudigaas Oo Ka Kooban Afar Xubnood Ay Kala Yihiin 1) Liibaan Xuseen Yoonis 2) Maxamed Ahmed Cumar Qasaaye 3) Xasan Cumar Cusmaan Xasan Juungale 4) Nimco Cali Xasan. Gabagabadii Shirka Waxaa Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Nabadoono Galmaax Yoonis Ah Iyada Oo Halkaas Ay Ka Jeediyen hadalo iskugu jiro Duco iyo Dardaaran. Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan Cali Hindi Ayaa Sheegay In Loo Bahan Yahay In Dhalinyarada Beesha Ay Mujiyaan Isku Xirnaasho Isla Markaana Ay Ka Shaqeyaan Hormarka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis.
  6. MOGADISHU (HOL) – In the regular Somali cabinet meetings, competition for attention is not an commonplace encounter, but it was different on Thursday when a minister stole the limelight from the day’s agenda to Somaliland’s unemployment challenges and its unification talks with Somalia which he said should have been the main agenda instead. Source: Hiiraan Online
  7. Ghanaian players and coaches traveling to work across the African continent has become fairly common these days. Source: Hiiraan Online
  8. Saharla Aden is the owner of Mama Asha Cafe, which specializes in Somali cuisine. Greg Southam / Postmedia Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka toogasho ku dilay Nin ku hubeysnaa Qori AK47 ah. Ninkan oo dadka degaanka ay sheegeen in uu ahaa burcadda dadka dhaca oo ay dacwad ka gudbiyeen ayaa la dagaallamay Ciidamada Booliska,waxaana uu ku dhintay rasaastii dhexmartay. Ninka la dilay oo xirnaa Tuutaha Guutada 14ka October ee ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa watay Mooto Bajaaj uu dhaca u adeegsanayay sida ay sheegeen dadka degaanka. Ciidanka Booliska iyo Ninka hubeysan ayaa ku dagaallamay Xaafadda Ex Daalo ee Degmada Howlwadaag. Haddaba Ehelka Marxuum Mukhtaar Ciribey Maxamed oo ah Askariga la dilay ayaa beeniyay in wiilkoodu ahaa tuug dadka dhaca. Cabdullahi Ciribey Maxamed oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in walaalkiis uu ka soo baxay xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir,kuna socday xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Karaan. C/llahi ayaa sheegay in walaalkiis Mukhtaar uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka sidoo kalena ah taliyaha ilaalada Guriga Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. C/llahi waxaa uu sheegay in walaalkiis markii la dilayay nin dhar cad ah oo Baskoolad wata uu ku joojiyay agagaarka Isgoyska Black Sea qeybta Howlwadaag,kuna amray in uu hubka dhiibo. Askariga ayuu sheegay in uu ka shakiyay ninka dharcadka ah sidaasna ku dhintay walaalkiis,isaga oo codsaday in dowladda ay arrintaas wax ka qabato. Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Codka-Askariga-la-dilay-Walaalkiis.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kashifay ujeedka ciidamo dhowaan galay Xarunta uu xafiiskiisa ku yaallo ee magaalada Addis Ababa, iyagoo gadoodasan, wuxuuna caddeeyay inay rabeen inay isaga dilaan ama khaarijiyaan. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayey fadhiga baarlamaanka Itoobiya ayuu sheegay in ciidamadaasi lagu soo shubay qorshe looga horjeedo isbedellada uu wado, lana doonayey in lagu maja xaabiyo, taasoo uu ka hortegay, isla markaana si xikmad leh uu arrinta u qaboojiyey, isagoo markii danbe ciidammada faray inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynaya. Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayey, arrintuna ay faraha ka bixi lahayd haddii ciidamadaasi laga hor geeyo ciidamo kale oo iska hor imaad dhaco. “Xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud” ayuu Abiy Ahmed u sheegay Baarlamaanka Itoobiya oo maanta ansixiyey golaha wasiirada cusub ee Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  11. Go’aankii dowladda federaalka ay taageerada ugu muujisay Sacuudiga – oo wajahaya cadaadis ka dhashay suxufiga lagu waayey qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul – Iskama iman. Wuxuu daba socday silsilado qoraallo ah oo ay maalmahan ay is-weydaarsadeen Sacuudiga iyo Mareykanka. 13-kii bishan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taleefishinka CBS u sheegay in ciqaab aag uu marin doono Sacuudiga haddii ay ku caddaato in la dilay Jamal Khashoggi oo aan la arag tan iyo markii labadii bishan uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayaga oo ka fal-celinaya hadalka Trump – Madaxweynaha dalka ugu dhaqaale awoodda badan dunida – ayaa suuqyada saamiyada dunida waxaa hareeyey walaac laga qabo Sacuudiga, waxaana taasi ay dhalisay in qiimaha shirkadaha Sacuudiga ay hoos u dhacaan 7% ama ay lumiyaan 35 bilyan oo dollar. Sacuudiga oo dareemay halista dhaqaale ee soo food saartay ayaa jawaab adag siiyey Mareykanka, ayaga oo ku goodiyey inaysan u dul-qaadan doonin in la waxyeeleeyo dhaqaalahooda, islamarkaana “dhibaato gaartay dhaqaalaha boqortooyada uu saameyn doono dhaqaalaha dunida oo idil” 15-kii bishan, xukuumadda Soomaaliya, oo u muuqatay in si la mid ah dowlado badan oo Carbeed ama dhaqaale ahaan liita, lagala soo hadlay Riyadh, ayaa qortay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inaysan ogolaan doonin in la handado oo la waxyeeleeyo dhaqaalaha Sacuudiga. Dadka la socda siyaasadda Bariga Dhexe, waxa ay durba dareemeyn in hadalka Soomaaliya – inkasta oo aan cidna lagu magacaabin uu si toos ah ugu socdo Mareykanka. Yeelkeed’e Mareykanka war Soomaaliya kasoo baxay macno sidaas ah uma lahan, haddii uusanba Soomaaliya wax ka heleyn. Ma ahayn markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay sidan oo kale ay dagaal diblomaasiyeed ugu qaaday dal galbeed ah. Waxay sidan oo kale u dhalleeceysay dalka Canada markii ay is-qabteen Sacuudiga. Kadib jawaabtii ay siiyeen Mareykanka, Sacuudiga waxaa la xumaaday bayaankii ay soo saareen, waxaana durba safaaraddooda Mareykanka ay soo saartay qoraal u muuqday inay ku raali-gelineyso Mareykanka, kuna muujineyso in qoraalka aan Mareykanka loogu hanjabeyn. Sacuudiga waxa ay ogyihiin dantooda, iyo inaysan isku taagi karin Mareykanka, oo hadda uu hoggaamiyeo madaxweyne fudfudud oo aanay diblomaasiyad hagin, haddii uu caroodana wax kasta ay ka suurto-galaan. Waxaa su’aashu marka ay tahay, Soomaaliya ma taqaan danteeda? Soomaaliya ma u babac dhigi kartaa Mareykanka? Maxaa Soomaaliya kasoo galaya inay Mareykanka duulaan diblomaasiyeed ku qaaddo, ayada oo difaaceysa Sacuudiga. Soo hadda Sacuudiga dantiisa gartay oo Mareykanka raali-geliyey Soomaaliyana cidlo uga dhaqaaqay. Soomaaliya waxay Sacuudiga taageeri kartaa – haddii ay daacad iyo danaysi ka tahay – Ayada oo ana cid kale u gefin. Midda kale, marka Soomaaliya ay Sacuudiga ku difaacday weriyaha la la’yahay, waxay sidaas sameysay dhowr maalmood kadib markii loo doortay xubin ka mid ah guddiga xuquuqda aadanaha QM. Guushaas weyn waxay kusoo dhoweysay inay difaacdo dilka suxufi lagu xadgudbay xuquuqdiisa, noloshiisa, oo la dilay kadibna hilibkiisa la jarjaray, sida la tuhusan yahay. Maxaa Soomaaliya u diiday inay qoraalkeeda ku gaabsato “Waxaan soo jeedineynaa inaan go’aan lagu deg deign inta la helayo caddeymo buuxa oo ku saabsan in suxufiga lagu dhex-dilay qunsuliyadda, inta ka horreysana aan la waxyeeleyn dhaqaalaha iyo danaha dalka Sacuudiga” Qoraalka noocaas ah waxba kama haleeyeen Soomaaliya, waxba uma dhimeyn dal kale, Sacuudigana wuu la dhici lahaa. Waxaase muuqata in qoraalka wasaaradda Soomaaliya laga soo qoray Riyadh ama hagayo sal-fudeed siyaasadeed. W/Q: Istar Cali Mataan Toronta, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. “Some people say pleasant as a short cut, but I think the best English word is soundness,” said the Somali-American poet/filmmaker/photographer,who was featured at Wednesday's Black Poetry Day celebration at SUNY Plattsburgh. Source: Hiiraan Online
  13. Ismail Mohamed is, by his own admission, an unusual emerging voice in Ohio politics and in the Somali community of Columbus. First, there is his age. The 26-year-old, Somalia-born Mohamed graduated from Ohio State University Law School last year and often hears pushback from Somalis in Columbus that he is not ready for politics. According to Mohamed, electoral politics is usually the domain of older people among Somalis, something he says has to do with the fact that the minimum age to be president of Somalia is 40. Source: Hiiraan Online
  14. MINNEAPOLIS (AP) — A Minnesota Democratic candidate for Congress who is poised to become the first Somali-American elected to the U.S. House has denounced claims that she married her brother and committed immigration fraud as "disgusting lies," and says allegations of campaign finance violations are politically motivated. Source: Hiiraan Online
  15. A Dunkin’ Donuts store owner met Wednesday with a Portland college student and activist who called out the business on social media after a store employee refused to serve her Somali-speaking family and then called police following an argument in the drive-thru lane. Source: Hiiraan Online
  16. (KMSP) - It’s a ritual repeated hundreds, if not thousands of times every day in Minnesota: Somali-Americans stepping into small storefronts to send money to family halfway around the world. Source: Hiiraan Online
  17. America’s wars in Yemen, Somalia, and Niger are not secret, but they manage to fly under the radar for months at a time, unless something goes dramatically well, or terribly wrong. Source: Hiiraan Online
  18. In this Africa Center roundtable, Somalia's National Security Advisor shares his vision for establishing a stable Somalia. Priority reforms include strengthening oversight of the security sector and improving security support to rural communities most vulnerable to Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  19. When Hibo Wardere was six, she was "cut". She had been cruelly bullied at school in Somalia by her peers, who called her "dirty" for not having had the procedure. So, she asked her mother if she could be cut in order to fit in. She had no idea that "cutting" was, in fact, female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  20. Somalia is not a place for web addicts. Even in the capital, Mogadishu, coverage is patchy, expensive and unpredictable. Things are slightly better in the north, but further afield, and anywhere the al-Shabaab militant group holds sway, there is no internet at all. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu burburiyay kartooman qamri oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Gobolka Banaadir. Qamriga ayaa waxaa si wadajira burburintiisa uga qeybqaatay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo kortoomada dulmariyay gaari. Qamrigan ayaa laga soo saaray Kunteenar kaa oo lagu dhexqabtay Dekada weyn ee Magalada Muqdisho. Khamrigaan ayaa gaarayay 905 kartoon,iyada oo isla maanta la burburiyay. Kartoomada Goobta lagu burburiyay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dhanka maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uga wakiil aheyd Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti Iyo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose. Waxaa si lamida qamri kale loogu burburiyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaa oo lagu waday Boorsooyin saarnaa diyaarad.
  22. Abdi Addow likes to have oodkac for breakfast, the jerky-style beef cubes that Somalis usually eat with injera flatbread. Addow especially loves his mother’s serving, but since he doesn’t live with her in the Somali capital, he logs online and uses a third-party delivery service to bring it to him from her place. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka. Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan. Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada. Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub. Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay. “Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu. Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin. “Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
  24. London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee dalalka Carabta iyo mowqifkii Soomaaliya ay ka qaadatay ee dhex-dhexaadnimo Wareysi u siiyey VOA ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in xiisadda noocan oo kale ah aan dhex-dhexaad laga noqon karin, islamarkaana meel kasta oo aad raacdo ay dhinac dan ugu jirto, taasina ay tahay waxa ay dowladda Soomaaliya sameysay. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu hadalkiisa ku muujiyey in dowladda Soomaaliya ay la safan tahay dowladda Qatar, oo ay cidleysay xulufada Sacuudiga. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale dhaliilay qaabkii ay dowladda Soomaaliya ula macaamishay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in laga fiicnaa lacagtii malaayiinta dollar ahayd ee dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka kaga qabsatay garoonka Aadan Cadde. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u wada baahan tahay Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, iyo si gaar ah Turkiga, ayna muhiim tahay in la wada wanaajiyo xiriirkooda. Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa ammaanay isbeddellada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, wuxuuna meesha ka saaray in dalalka Carabta ay saameyn ku leeyihiin. Hoos ka dhageyso wareysiga Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Xasan-Sheekh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay in ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen Dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho kadib markii uu is casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka gobolka Banaadir Cabdulaahi Nuur Owdiini Kulan maanta Ganacsatada gobolka Banaadir ku yeesheen Suuqa Bakaaraha ayaa looga arinsaday is casilaada Gudoomiyihii Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho iyo sida ay ganacsatada ka yeelayaan lacagihii ay bixin jireen. Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa sheegay in uu iska casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo cidii ganacsatada gobolka xilkaasi uu baneeyay ay u dhiibtaan. Waxa uu sheegay Owdiini in faro galin kala kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu sheegay in uu sadex mar isku dayay in uu bedelo koontadii Ganacsatada gobolka lacagaha ku shubi jireen. Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa cadeeyay in la joojiyay lacagihii loo qaadi jiray dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna ganacsatadii lacagaha dhiibi jirtay ku war galiyay in ay la socdaan in la joojiyay lacagaha ilaa laga helo gacan aamin ah. Ugu Dambeyn Ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay joojiyeen lacagihii ay bixin jireen ayna ka xun yihiin in Guddigii la dhisay la siyaasadeeyay faro galina lagu sameeyay, waxa ayna cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagihii ay bixin jireen hadii la helo gacan aamin ah .