-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay. War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka. Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamul goboleedyada, isla markaana shaqaalaha u adeegsanayo burburinta maamulada. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaheysay dowladda Federaalka inta ay ka gelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen. Waxaa ay dowladda ka dalbadeen in ay joojiso Faragelinta iyo ciisad abuurka,in ay garoshiyo ka bixiso faragelinta iyo in la helo nidaam lagu wada shaqeyn karo iyo qodobo kale.
-
Wasaaradda maaliyadda qoraal ay 5-tii bishan u dirtay dowlad goboleedyada iyo Banaadir waxaa ay ku sheegtay in loo baahanyahay xisaabcelin la xiriirta isticmaalka u gudbiso dowlad goboleedyada gaar ahaan inta u dhaxeysay 01/01/2018-30/06/208, iyaga oo loo soo diri-doono wasaaradda maaliyadda, waxaa kale oo ay dowladd codsatay lacagaha ay dowladda ku bixisay maamul goboleedyada 2017-kii. Dowlad Goboleedyada..Imisa Ayey Ka Heleen Miisaaniyadda? 2018: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: $10.65 million; Puntland: $ 2.0 Million; Jubbaland : $ 1.08 Million; Southwest: $ 2.8 Million; Galmudug: $ 2.8 Million; HirShabelle: $ 2.8 Million 2017: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: Puntland: $4.7 Milyan Jubbaland : $2.7 Milyan Southwest: $14 Milyan Galmudug: $1.4 Miylan iyo HirShabelle: $750,000. Xilli ay dowladda federaalka ah dalbaneyso xisaabcelinta dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay jirto in war-murtiyeed ay bishii May ee sanadkan ka soo saareen kalankoodii ay Baydhabo ay ku sheegeen arrin aad u xiiso badan. War-murtiyeedka waxaa ku jirtay “ Waxaa dhaqaale badan oo ku aadan kabidda miisaaniyadda dalka oo dowladda dhexe ka hesho dalal iyo hey’ado kale oo deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee dowladda dhexe ma ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaasi aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada. Sidaasi darteed goluhu wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dalalkaas iyo hey’adahaas inay sameeyaan qoondeyn ku saabsan labada heer dowladeed si loo xaqiinjiyo midnimada iyo isku heynta dalka”. Haddaba, haddii ay dowlad goboleedyada leeyihiin shillin kama helno miisaaniyad kabadidda deeq-bixiyeyaasha halka ay dowladda leedahay waan idiin quudinnaa….Been run sheegaya? Shirka ka socda Kismaayo oo maanta la soo gabagabeyn-doono waxaa lagu wadaa sidoo kale in golaha dowlad goboleedyada ay ka hadlaan Fulin la’aanta dowladda federaalka ah ee qodobka 53aad ee dastuurka iyo sida ay u arkaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe. Waxaa kale oo ay ka hadli-doonaan Fulin la’aanta qorshaha amniga, in aaney caawin hub ama saanad ama xataa tababar ciidmada booliiska ee dowlad goboleedyada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hooyada dhashay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ayaa ka hadashay xarigga wiilkeeda,waxaana ay sheegtay in wiilkeeda uu ku xiranyahay dabin loo dhigay. Waxaa ay sheegtay in Xisaabiyaha Dowladda hoose ee Muqdisho uu dabinkaas u dhigay wiileeda islamarkaana lacago loogu talagalay dad masaakiin ah uu xisaabiyaha dalbaday in saami laga siiyo. “Waxa weeye Cumar Shariif Mishinaa loo dhigay, mishinkaasina waxaa u dhigay ninka xisaabiyaha ka ah dowladda Hoose, waxaan codsanayaa in wiilkeyga lasii daayo, Farmaajo balaayo kaa daba adeeganaysa allaha hakaa qabto”ayay tiri hooyadasha dhashay Guddoomiyaha Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg. Cumar Shariif Hooyadii ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka dalbatay in wiilkeeda laga siidaayo xabsiga si shuruud la’aan ah. Cumar ayaa la xiray todobaadkii la soo dhaafay kaddib amrkii lagu eedeeyay in uu af lagaaddo u geystay Booliska Qaranka,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Muuqaal laga duubay Cumar ayaa muujinayay isaga oo taagan guri la bur buriyay oo ku yaalla Xamarweyne,kaas oo warqadda lagu bur buriyay uusan isaga ogeyn,isaga oo warqadda haya ayuu sheegay in Gurigaas la dumiyay isaga oo aan la ogeysiin musuq maasuqna tahay waxa ka socda Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay joojisay maal-gelinta mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,kadib markii ay xisaab-celin ka waday hay’adihii dowladda Puntland ee qaabilsanaa fulinta iyo hir-gelinta mashruuca. Warbixin ay soo saartay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi,ayaa lagu sheegay in mashruuca dayac-tirka laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo, oo ay dowladda Jarmalku maal-gelinaysay uu ka socon waayay,daahfurnaan la’aan ka timid dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA). Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa Jarmalka wakiil uga ahaa hay’adda u qaabilsan dhanka horumarinta ee(GIZ),halka hir-gelinta iyo fulinteeda loo xilsaaray hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA),waxaana loogu tala-gelay,dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga,gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Sida lagu xusay warbixinta ay soo saartay safaaradda Jarmalku,mashruucan ayaa la qorsheeyay in uu bilowdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,hase yeeshe qorshahaasi ma hir-gelin,kadib markii dhinaca PHA laga waayay daahfurnaan iyo xisaab-celin lagu wada-shaqeyn karo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in kaalinta wadahadalka kala dhexeeya dowlada Eriterea ay uga mahad celineyso dowlada Sacuudi Arabia. Qoraal lagu soo daabacay bogga Twitter-ka uu ku leeyahay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay In dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadineyso labada dal. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda. Wasiirka waxa uu soo hadal qaaday oo uu ka hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Wasiirku kama uusan hadal kaalinta ay dowlada Somalia ka qaadaneyso wadahadalka oo la rumeysan yahay inay sabab u tahay Somalia. Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf. Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabouti ayaan la ogeyn sababta ay Somalia uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaaya xalinta khilaaf Siyaasadeedka Eriteria iyo Jabouti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa khaarijisay horjoogayaal ajaaniib ahaa oo ka tirsanaa Kooxda kuwaa oo la sheegay in markii danbe ay ku biireen Daacishta Somalia. Maleeshiyada ayaa Horjoogayaasha ku khaarijisay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen AMISOM iyo DFS. Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dishay laba Horjooge oo markii dambase ku biiray Daacish, hase yeeshee dusha laga saaray inay ahaayen basaasiin. Horjoogayaasha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Yuusuf Xasan iyo Axmed Nuur Cosoble oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Kenya. Dadka kale ee Kenyaanka ah ee la dilay waxaa ka mid ah Ardey ka tirsanaa Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya,kaas oo ku biiray Al-shabaab,waxaana lagu magacaabi jiray Jared Mukaya Omambia. Waxaa xubnaha ay Khaarijiyeen Al-Shabaab ee iyaga ka tirsanaa kamid ahaa Cabdalla Talal Musa iyo Faraj Abdulmajid oo iyaguna ka soo jeeda Mombasa, waxaana dilkooda xaqiijisay dowlada Kenya. Sidoo kale, Wargeysyada Kenya ayaa qoray in dilalka Horjoogayaasha iyo muwaadiniintaasi ay ka danbeysay kadib markii taliye sare oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Axmed Iman Cali ay isku dhaceen Hoggaanka sare ee Al-Shabaab. Axmed Iman Cali, ayaa iminka doonaya in uu ku dhawaaqo ku biirista Kooxda Daacish ee uu Hogaamiyo Cabdulkhaadir Muumin. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan disha Horjoogayaasha kasoo jeeda dalka Kenya oo dilkooda marmarsiyo looga dhigo inay basaasiin yihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha dowlada islaamiga ah ee Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, ayaa sheegay inay u muuqaneyso daciifnimo heysata Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka ah. Khamenei, waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaashu ay yihiin kuwo u go’ay reer galbeedka waxa uuna shaki galiyay aasaaska waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda. Dowladaha Mareykanka, Israel iyo dowlado kale ayuu sheegay inay ku feeshan yihiin Hogaamiyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dayacay amaanada. Waxa uu Khamenei, carab ***** inay muhiim tahay in Hogaamiyayaashu ay dib ugu laabtan waxa uu farayo islaamka, hase yeeshe waxa uu meesha ka saaray in xiligan uu jiro Hogaamiye ay dhab ka tahay waxa uu rumeysan yahay. Khamenei, waxa uu intaa raciyay in xiriirka iyo wadajir ka muslimiinta ay tahay mid muhiim u ah guud ahaan muslimiinta ku nool caalamka, isla markaana la doonayo in la sameeyo isku xir iyo difaaca diinta. Mr Khamenei ayaa tilmaamay in midnimada iyo wada shaqeynta muslimiinta ay horseedi karto in nabad waarta lagu soo dabaalo bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka carbeed. “Waxaa jira dowlado carbeed hadana muslim ah lana shaqeeya reer galbeedka, waxaa shaki ku jira waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda, waa inaanu iska qabanaa kuwa noocaasi ah ee macluumaadkeena la wadaagi kara reer galbeedka” Sidoo kale, Mr Khamenei ayaa maalinimadii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaa oo ka dhacay magaalada caasimda ah ee Tehran. Madasha ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweynaha ruushka Vladimir Putin, iyadoo goobta looga hadlay xaalada dalalka muslimka ah oo ay la degtay colaada sokeeye. Docda kale, Mr Khamenei, ayaa sheegay in midow iyo midnimo dhex martaa muslimiinta ay walaac galineyso dowlado ay ugu horeyso Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladd federaalka ah ee Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa bilaabay mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya. Mashruucan oo la magac-baxay “SURP” oo ah dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waxaa ku kacaya ilaa $ 9 million. Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiga oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah. “Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya. Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa. Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya. Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ku leedahay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka sameeyeen ku qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalkan ahaa mid qorsheysan, mana sheegin degmada howlgalkan laga fuliyey iyo sidoo kale tirada raggan la qabtay. “7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA ayaa horey sidan oo kale u shaacisey iney qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab oo ka shaqeynayey amni darri ka dhacda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A Chinese man has been deported after a video emerged of him making racist comments, Kenya's immigration department says. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta Khaatuma Axmed Maxamed Xasan(Gacma Yare) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku dhintay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Siyaasi Axmed Gacma Yare wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoo weli maanka lagu hayo dagaalladii horay u dhacay ee khasaaraha badan dhaliyay in haddana dagaal kale uu yimid. Wuxuu sheegay in beelaha walaalaha ah eek u dagaallamaya duleedka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood uu jeedinayo in dirirta ay joojiyaan. Dhanka kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Somaliland in arrimaha siyaasadda iyo gacmaha ay ka daayaan degaanka iyo beelaha dirirsan dhexdooda, oo nabadda uun loogu yeero lagana qeyb qaato. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-GACMA-YARE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deganaansho ayaa saakay laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi. Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in saakay xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo. Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay. Somaliland ayaa qorsheyneysa in ciidan badan ay kala dhex dhigto maleeshiyaadka dagaallamaya, si aanu khasaaraha usii badan. Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqday in la helo amni waara oo ka dhasha wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku bateen weerarada Al-shabaab ka fuliyaan. Waxa ay sheegtay in Labo Sano u dhammaatay maamulkooda, waxaana ay si gaar ah ugu baaqday shacabka Hirshabelle iyo maamulka in si wadajir ah u furaan wadadaasi. “Labo saac ayaan u socon jirnay magaalada Muqdisho, waxaana hadda sugnaa diyaarad oo cirka ayaan marnaa, waxaan ku dhiirogelinayaa, xildhibaannada, ciidamada, golaha wasiirada, ganacsatada iyo shacabka inaan furno jidka Balcad” ayeey tiri Canab. Sidoo kale, Canab ayaa sheegtay in wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay amni ka dhigi karaan ciidamada Hirshabelle oo taageero ka helaya shacabkooda. Marar badan ayaa dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen wadadan, waxaana jirta mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo wadadaasi lagu diley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarado dagaal oo aan weli la sheegin dalka laga leeyahay ayaa xalay waxa ay duqeyn xooggan ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la sheegayaa in ay jirto waxyeello soo gaartay xubno ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka fuliya diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The police in Ethiopia said on Friday that the engineer who had been in charge of an enormous dam being built in the northwest of the country had taken his own life. The body of the engineer, Semegnew Bekele, was found slumped behind the wheel of his car in the capital, Addis Ababa, in July. Source: Hiiraan Online
-
Belgium shocked by TV weather woman's encounter with racism
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Media outlets and politicians in Belgium expressed shock and dismay Friday after two high-profile reports of racism rocked the kingdom this week, raising troubling questions about white attitudes a few weeks before local elections. Source: Hiiraan Online -
Jilib (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, oo ay heshay Caasimada Online, duqeyn xooggan oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab, oo ku lug lahaa qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Xogta ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegeysa in sarkaalkaasi la aaminsan yahay inuu si gaar ah kaalin xooggan ugu lahaa weerarkii ugu cuslaa tariikhda Soomaaliya ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah ayaa waxaa ku dhintay 587 qof, waxaana ku dhaawacmay 316 qof oo kale. Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo midkii shanaad ee taariikhda dunida. Sarkaalka weerarka xalay beegsaday ayaa waxaa sidoo kale la socday saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab. Inkasta oo weerarka lala beegsaday xubnahan, haddana weli ma cadda geeridooda. Sidoo kale, ma cadda cidda fulisay weerarka, hase yeeshee waxaa loo badinayaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Ma jirto cid illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saartay weerarkan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya ayada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, oo shir ka dhan ah dowladda ku leh Kismaayo. Samatar ayaa sheegay in dowladda ay faro-gelin ba’an ku hayso maamul goboleedyada, ayaguna ay ku jiraan iska caabin, taasina ay sabab u tahay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, ee meesha xun gaaray. “Dowladduu waxay isku dayaysaa in dhammaan gobollada ay madax uga dhigto xubno ayada ku xiran oo hoos taga, oo waxay doonaysaa inay beddesho madaxda hadda xilalka haya” ayuu yiri. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu isaga uu si gaar ah u ogyahay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda maamullada, oo dowladda federaalka ay waddo. “Waxaan si gaar ah u ogahay in dowladda ay ka shaqeyneyso qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, oo ay doorashooyin kusoo socdaan, waxaana dowladda ay damacsan tahay inay ku beddesho xubno ayada hoos-taga” ayuu yiri Samatar. Dhinaca kale, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay habooneyd in madaxweyne Farmaajo nuu tago Kismaayo, intii uu ka tagi lahaa Asmara, uuna la hadlo madaxda maamul goboleedyada, oo uu isku keeno shacabka iyo dadka kala careysan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho lagu doonayo in lagu mideeyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwooda ugu miisaanka culus. Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Talaabada lagu doonaayo in lagu mideeyo Xisbiyada ayaa waxa lasoo sheegayaa in wali uu ka taagan yahay Isfahan la’aan aan ka jirta dhanka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir. C/raxmaan Cabdi Shakuur, oo laga sugayo Jawaab ogolaansho ama mid diidmo ayaan wali qaadan wax go’aan ah, xili Xisbiyada kale ay yihiin kuwo u go’ay talo soo jeedinta Xasan Sheekh. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa ka meermeeraya diidmada iyo ogolaanshiyaha mideynta Xisbiyada, hase yeeshee waxaa soo baxaya in Isfahan la’aanta jirta ay tahay mid salka ku heysa shaqsiga noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga lagu dhawaaqi lahaa. Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ay tahay in C/raxmaan Cabdi Shakuur uu doonayo in laga dhigo Guddoomiyaha, halka Xasan Sheekh uu isna ka doonaayo inuu noqdo madaxa ugu sareeya ee Xisbiga lagu midoobi doono. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in arrintani dhameystirkeeda ay ku guda jiraan Xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo qudhooda kasoo dhexmuuqan doona xisbiga. Geesta kale, waxaa jira Isfahan yari ka taagan sida loo kala qaadan lahaa kuraasta ugu waaweyn ee xisbiga la filaayo in lagu dhawaaqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com