-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Odayaasha, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeeda gobolka Banaadir iyo Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa soo saaray bayaan ay ku taageerayaan heshiiskii nabadeed ee ka dhacay magaalada Cadale ee gobolka Shabeelada dhexe 01/09/2018. Heshiiskan ayaa waxaa lagu afjarey qulqulatooyin soo noqnoqday oo beelaha walaalaha ee Celi Cumar iyo Cabdala Caroone dhaxeeyey in muddo ah. Bayaankan ayaa ah mid lagu taageerayo is afgaradka iyo heshiiska nabadeed ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha, haddaba haddaanu nahay bulshada ka soo jeeda deegaankaas, Waxa aanu si weyn taageeraynaa soona dhaweynaynaa heshiiska nabadeed ee laga gaaray colaadihii sokeeye ee labada beelood. Bayaankan ayaa waxaa soo saaray odayaasha,waxgaradka,duubabka,siyaasiyiinta, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka oo isku duuban. Waxaanu si wadajir taageero ah u diraynaa dowlad goboleedka Hirshabeelle, maamulka gobolka shabeellada dhexe iyo odayaasha dhaqanka ee u istaagay soo afjarida colaadii muddada dheer ka dhex taagnayd beelaha walaalaha ah ee ku wada dhaqan gobolka shabeelada dhexe. Anagoo ku hadlayna magaca dhammaan bulshawaynta ka soo jeeda deegaankaas ee ku kala nool dunida dacaladeeda dal iyo dibadba waxaan leenahay waa eebbe mahadii haddii la joojiyey dhiigi ujeeddo la’aanta ku daadanayey, layskana afgartey arrimihii iyo ismaandhaafkii jirey, waxaan kale oo ku bogaadinaynaa dhammaan intii isu xilqaantey inay heshiis ka dhex dhaliyaan walaalaha is qoomey. Nabad ayaa lagu gaaraa guul iyo baraare, horumar iyo wanaag, Colaad maanta tan cadaawaha kale ayaa noogu filan, waa in gacmaha lays qabsadaa oo walaalnimada iyo wada noolaanshaha la dhawraa. Waxaannu baaq u direynaa dhammaan bulshada deegaanka inay si isku duubni ah u taageeraan deegaannada colaado ka dhacday oo gurmad iyo garaba la siiya, si ay uga soo kabsadaan dib u dhacii ku yimid. Eebba mahad leh Soo saarayaasha Bayaanka. Guddiga wacyigelinta iyo abaabulka deegaanka iyo Madasha Banaadir (Banadir Forum)
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goor-dhow qaatay go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah taliye ku xigeenka hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, sida ku cad warsaxaafdeed soo baxay 1-da subaxnimo ee maanta oo Axad ah, kaasi oo hadda soo gaaray Caasimada Online: Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Villa Somalia. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada. Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ee G/Galgaduud ayaa si kulul uga hadlay war-muriyeed kasoo baxay shirka madaxda maamul Goboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo. Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo si gaara uga hadlay qodobada kasoo baxay shirka ayaa sheegay in Madaxda maamulada ay yihiin kuwo aan dantooda aqoon. Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, waxa uu arrin aad u fool-xun ku tilmaamay qodobada qaar ee kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo waxa uuna aad u dhaliilay qodobka ah in maamul goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii. Waxa uu sheegay in maamul Goboleedyada shiray ay ilaawen in dowlada Dhexe ee dalka ay maamul ahaan hoostagan, isagoo cadeeyay inaysan awood u laheyn inay hakiyan wada shaqeynta kala dhaxeysay dowladda. Waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe xiriirka aysan u jari doonin maamulka Galmudug,isla markaana tilmaamay in madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ay ku fashilmeen shirkooda. “Hadii shirka Kismaayo lagu gaaray in la hakiyo xiriirka dowlada Dhexe, waxaanu cadeynayaa in Galmudug aysan kamid noqon doonin maamulada xiriirka ka jaran doona dowlada” “Madaxda maamulada iyagaa loo taliyaa cidna uma taliyaan waxaan u cadeynayaa inay ku fashilmeen qodobada kasoo baxay shirkooda” Sidoo kale, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, ayaa sheegay in khilaafka u dhexeya madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug loo baahan yahay in xalintooda loo daayo madaxda Galmudug. Maamulada kale, ayuu sheegay inaanu waxba ka khuseyn khilaafka waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay mudan tahay in laga fiirsado danaha gaarka ah oo Isbaheysiga ay ku wataan Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas. Dhinaca kale,Carabey waxa uu maamulada ugu baaqay in ay xiliyaan khilaafka ka jira deegaanadooda xal u helaan halka ay ku mashquuli lahaaye arrimaha dowlada. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Dooddani oo ay idiin soo baahineyso Goobjoog News waxaa lagu lafa-gurayaa go’aankii maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland ay ku gaareen gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee shanta ah. Shirka madaxweynayaasha dowladaha shanta ah ee dalka ee qeybta ka ah dowladda dhexe Madaxweyneyaasha kala ah Axmed Islaam Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan , Axmed Ducaalle Xaaf, Cabdiwali Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa talaadadii la soo dhaafay illaa maanta shir uga socday magaalada Kismaayo. Gollaha iskaashiga ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta oo ay lahaayeen madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo eedo culus u dhiteeyay xukuumadda uu hoggaamiyo maadxweyne Maxamed Farmaajo. Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo Falanqeeye Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo kamid ah barayaasha jaamacado ku yaalla magaalada Muqdisho. Caqabadaha khilaafku uu ku yeelan karo hormarradii la doonayay in laga gaaro xagga amniga iyo in arrintani ay wiiqi karayso doorashooyin cod iyo qof ah oo Soomaaliya ka qabsooma 2020-ka waa qodobo kamid ah kuwa doodda ay Goobjoog News ku qaadaa dhigtay. HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/dood.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali lawmaker, Abdirizak Mohamed has called the Federal Government to make accurate accounts of all funds from donors in the name of his country, amid on-going political rifts. Hon. Mohamed says country’s leaders should be accounted for the funds received from donors in the name of Somalia including cash support from some GCC countries that doesn’t go through the country system “This is not quid pro quo, but holding government accountable”, in a Twitter feed, he said. Mohamed said: “In the interest of transparency and since our Federal government demanded accountability via social media, they too should be accounted for the funds it received from donors in the name of Somalia including cash support from some GCC countries” Hon. Mohamed’s remarks comes hours after country’s regional leaders announced to suspend all ties with the central government, a setback to efforts to pacify the Horn of Africa country as it emerges from two decades of conflict. The leaders of Jubaland, Puntland, Southwest, Galmudug and Hirshabelle regions officially cut ties with the federal government “until all the previous agreements are implemented”, according to a memo. The Federal government was also accused of “interfering” regional issues and “failed” to manage security of the country, said in the communique obtained by Caasimada Online. “We have suspended all cooperation with the federal government over lack of political progress, failure to build national security architecture, “politicisation” of National Intellegence functions and lack of sharing of national income and international aid”, the memo said. The regional leaders, who have been meeting in Kismayo town, some 500km south of Mogadishu since Tuesday have raised concerns about funding from the Federal Government, reiterating earlier accusations of inadequate support. In a similar meeting in May held in Baidoa town, the regional leaders claimed that they were not getting a share of international aid to the Federal Government and called donors to funds FMS separately. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho, Sebteember 8, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka. Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara. Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. DHAMMAAD Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu dagaal xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay halka loo yaqaan Shaleemo Cabdi waayeel oo ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banadir. Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo Kooxo hubeysnaa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan. Dagaalka oo ahaa mid markiisa hore lagu qaaday ciidamada ayaa waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlaayay jugta bamgacmeedyo ay tuurayeen Kooxaha hubeysnaa ee weerarka qaaday. Kooxaha weerarka qaaday ayaa dagaalkooda ku bilaawday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo, waxaana xigay rasaas xoogan oo labada dhinac u dhexeysay. Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka kadib ay arkayeen Meydadka Seddex ruux oo laba kamid ah ay ahaayen Maleeshiyaadka weerarka qaaday, halka kan Seddexaad uu ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada. Dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili inta badan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah xiliyada habbeenkii ku qaadan fariisimaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada Heliwaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirka oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka. Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara. Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
-
Ku dhowaad 500 oo qoys oo ka soo hayaamay colaado ka jira qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku tacdareysan magaalada Muqdisho. Qoysaskani oo u badan carruur, haween iyo dad da’ ah ayaa la soo sheegayaa in ay degaansadeen qeybo kamid ah degmada Kaxda iyo sidoo kale duleedka Muqdisho sida Tareedisho. Waxaa hadda Goobjoog News soo gaartay in Haweeneey kamid ahayd dadkii ka soo cararay colaadaha magaalada Marko ay ku geeriyootay kaam ku yaalla degmada Kaxda kaddib markii dhiig la’aan ay wajahday, waxaana lagu soo warramayaa in hooyadu ay fool ahayd. Maama Muslimo Axmed oo kamid ah dadka halkaas ku sugan ayaa Goobjoog News u sheegtay in dadkaasi ay aad ula liitaan nafaqo darro baahsan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-MUSLIMO.mp3 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wada-tashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka. Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara. Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Wada-tashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka. Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika. Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogaan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida. Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiil uga ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018. Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre ayaa Michel Keating uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay, waxa uuna guddoonsiiyay haddiyado ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed. “Waan kuu ognahay dareenkaaga xooggan ee aad u hayso Soomaaliya iyo fahamkaaga ku aaddan ajandaheenna dib u habayneed, gaar ahaan dib u habaynta dhaqaalalaha. Taageeradaada waxa ay qayb ka qaadatay isbedelka muuqda ee dalka, waxaan kuu haynaa xushmad ballaaran”, ayuu Khayre ku yiri Michael Keating. Michael Keating ayaa ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ku ammaanay dawrka wanaagsan ee hoggaamineed iyo isbedelka muuqda ee ay la timid xukuummadda uu hoggaamiyo. “Soomaaliya iyo Soomaalidu aad ayay u nasiib badanyihiin maadaama aad ra’iisul wasaare u noqotay. Waxaa kaa go’an wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya. Anigana nasiib ayaan leeyahay sababta oo ah dalkaan ayaad ra’iisul wasaare ka noqotay intii lagu guda jiray xilligii aan ahaa wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaaliya. Maamulkaagu waa astaan ku dayasho mudan, anigana Shaqsi ahaan waan kugu ammaanayaa hawshaas wanaagsan”. Ugu dambeyn, Danjire Michael keating oo dhamaysatay xilli hawleedkiisii Somalia ayaa waxaa xafiiska ka bedelaya ergayga cusub ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, usoo wakiisho arrimaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Sagootiyay Danjire Michael Keating appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)- At least 5 government soldiers were killed and 3 others injured in ambush attacks near Baidoa town, some 250km southwest of Somalia’s capital Mogadishu. The assault happened in Makuuda area near the town, after Al Shabaab militants launched a surprise attack on military base, killing 3 soldiers, a policeman said. Mohamed Hussein Mohamed says the military forces had lost 3 soldiers in the ambush by Al Shabaab. He said the forces repulsed the orchestrated assault launched by Al Qaeda inspired Al Shabaab group. The group’s fighters reportedly seized weapons during the raid, according a security sources, who asked to be anonymous. Meanwhile, two soldiers were killed and 3 others sustained injuries, when Al Shabaab militants carried out another surprise attack on government soldiers on board while heading to Baidoa town. The group has been waging insurgency in Somalia for more than 10 years. However, Al-Shabaab, which once controlled much of Somali capital Mogadishu in 2011, wants topple the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimad Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku wadahadlay khadka taleefanka. Labada Madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Geelle ayaa dhigiisa Somalia uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti. Geelle, waxa uu dhigiisa Somalia Maxamed Cdullahi Farmaajo ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika. Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa isna dhigiisa Jabouti uga mahadceliyey qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Somalia, Ethiopia iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida. Si kastaba, Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah. Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Copenhagen (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark, kadib martiqaad uga yimid dowladda Denmark waxayna la kulmeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Socdaalka, iyo Xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa. Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey Amniga, Socdaalka, Baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya. Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya. Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatey iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah, waxaana xiga doona midka caadiga ah. Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii sidoo kale dalka Norway uu si buuxda u aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Copenhagen Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Caasimada Online) – Kenyan police soldiers arrested a suspected Al Shabaab-bomb expert in the coastal town of Lamu, following an operation. Paul Leting, police cheif, said the police detained a man, bomb expert believed to have links with al Shabaab group based in Somalia. He says the suspected man was arrested on Friday at King Fahad hospital staff headquarters in Lamu, following a tip-off. “This man was found with materials for making a bomb and Improvised Explosive Devices”, he said. Paul Leting says its soldiers started to establish if the suspect has links with medical staff at the hospital. “We have started an investigation if there is a relation between the suspected man and the medical staff members at the hospital”, he noted. Lamu has been witnessed deadly attacks by Al Qaeda linked Al Shabaab since Kenya sent its military forces into Somalia 2011 to fight border cross-attacks and kidnappings by Al Shabaab. Last month, at least 11 Kenyan military soldiers were killed in two separate attacks claimed by Al Shabaab in Lamu, northeast of Kenya. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir, isagoo dalacsiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha. Guddoomiayaha Maxkamadda Sare markuu arkay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka Gobolka Banaadir, isla markana uu la tashaday masuuliyiinta ay quseyso arintaan, waxaa u soo saaray wareegtadan. Hadaba Hoos ka Akhriso Digreetada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu soo saaray.
-
Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxda Jabhada ONLF ay Yimaadaan Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in C/kiriin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha ONLF loogu yeeray inuu yimaado Xamar balse uu diiday. Si gaar ah ilo ku dhaw C/kiriin Qalbi dhagax waxay xaqiijiyeen inuu ka hor yimid hor fadhiisiga Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warar ayaa sheegaya in Farmaajo uu casuumay madaxda ONLF inay yimaadaan Muqdisho balse buuq ayaa ka jira maadaama Qalbi dhagax oo Casuumaad loo diray isna uu diiday inuu la kulmo Farmaajo. Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa dhawaan Asmara kula kulmay Madaxweyne Farmaajo laguna casuumay Xamar inuu yimaado. Waxay noqon doontaa 30 Sano kadib in Admiral Maxamed Cumar uu yimaado Muqdisho,iyadoo ONLF ay ku kala qeybsan tahay in la hor fadhiisto Farmaajo. Dawlada Federaalka ayaa Sanadkii hore waxay sheegtay in Qalbi dhagax markii Itoobiya loo gacan geliyey inuu ahaa Argagaxiye ONLF katirsanaa,taas oo ay ka caroodeen Jabhadu. Waxa ugu weyn Ee ONLF iyo Madaxda Dawlada Soomaaliya ka shiri doonaan Kolka Xamar yimaadaan ayaa ah sidii Deegaanka Soomaali Galbeed Xaqeeda ku heli laheyd.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirkii magaalada Kismaayo ugu soo xirmay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xisaabcelin ay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ka dalbatay madaxda dowlad goboleecyada dalka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegya in ay arkeen warqad ay wasaaradda maaliyadda soo dhigtay baraha bulshada, isagoo xusay in ay wanaagsanaan lahayd in dowladdu ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto. “Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid ay dowladdu dooneeyso in ay tuhun ku dhex dhigto shacabka iyo madaxdooda. Waxa uu sheegay in dowladda ay min Hal milyan oo doollar ay ka siisay dowlad goboleedyada lacago 50 – milyan oo doollar oo ay dowladda Sucuudigu ku deeqday, ayna u xigtay lacago min $500,000 (shan boqol oo kun oo doollar) oo ay dowladdu madaxda dowlad goboleedyada siisay shirkii Baydhabo. Warqad dhawaan kasoo baxday wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa looga dalbaday madaxda dowlad goboleedyada in ay xisaabcelin ku sameeyaan lacago ay dowladda ugu deeqday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Shirkadda Twitter ayaa tijaabineysa design cusub oo ku aaddan falcelinta dadka isticmaala barta, waxaa dhawaan suuqa la soo gelinayaa Labo adeeg oo kala duwan oo mid lagu ogaanayo followers-ka internet-ka ku jira, halka midka kale lagula soconayo falcelintooda tooska ah oo hal meel la iskugu keenayo. Sida uu faafiyay website-ka TOI ee dalka India, waxaa la sameynayaa isbedello cusub oo gaar ah loo isticmaalayo, adeeggan cusub ayaa la filayaa inuu u ekaado kan Facebook, arrintaas oo qoraallada lagu nidaaminayo. Maamulaha fulinta ee shirkadda Twitter “Jack Patrick Dorsey” oo farriin soo dhigay bartiisa ayaa sheegay in isbedello baaxd leh dhawaan lagu sameyn doono barta. Waxaad heli doontaan adeegga “Connect” oo aad ku ogaandoontaan saaxiibadiin cidda internet-ka ku jirta, iyo kan labaad oo ah “Link” oo dadka isticmaala wadasheekaysigooda si isku xiran laguugu soo bandhigayo. Sara Haider oo madax ka ah qeybta wax-soo-saarka Twitter ayaa tiri: “Waxaan dooneynaa inaan hubinno in dadka adeegsda ay xakameyn dhammeystiran ku sameyn doonaan Tweets-kooda”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta guddoomiyeyaal cusub u magacaabay 14-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo hawsha kala wareegi doona guddoomiyeyaashii ka horreeyay. Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa lagu xusay in sidoo kale la dallacsiiyay 10 mas’uul oo kale oo ka shaqeyn doona maxkamadaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Avv. Abshir Cumar C/llaahi oo wareegtadan saxaafadda u akhriyay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay laga doonayo inay la yimaadaan shaqooyin isugu jirta hawl-karnimo iyo cadaalad. “Dhammaan garsoorayaasha laga magacaabay iyo kuwa la dallacsiiyayba, waxaa laga doonayaa inay bulshada ugu shaqeeyaan cadaalad, iyagoo ka digtoonaanaya eex iyo nin jeclaysi,” ayuu yiri Garyaqaan Abshir Cumar. Guddoomiyeyaasha la magacaabay waxaa ka mid ah; Maxamed C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne Maxamed Ibraahim C/llaahi, Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab Axmed Abuukar Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Waaberi Maxamuud Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Maxamuud Salaad Cali, Guddoomiyaha Degmada Wadajir Sheekh Cumar Cali Shirwac, Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cumar Sh. Yuusuf Sh. Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Huriwaa C/llaahi Maxamed Rooble, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/raxmaan Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Ugu dambeyn, Garyaqaanka ayaa intaas ku daray in magacaabistan ay qayb ka tahay isbedello lagu sameynayo garsoorka dalka, si loo cadaalad dadka oo dhan wada-gaarta, isla markaana yareysa cabashooyinka kaga imaanaya dhanka garsoorka. Haddaba, DHAGEYSO: Guddoomiyeyaasha la magacaaba oo Dhameystiran; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Guddoomiyeyaal_la_magacaabay_Xamar.mp3 PUNTLAND POST The post Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay Maxkamadaha Demooyinka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Berlin (Caasimada Online) – Dowladda Germany waxa ay hakisay taageeradii farsamo iyo dhaqaale ee dhismaha wadada weyn ee Puntland ee isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo sababo la xiriira daahfurnaan la’aan [Musuq-maasuq] awgeed. Hakintan waxa ay ka turjumeysaa awood dariddii maamulka ee ahayd in ay ka soo xisaab celiyaan dhaqaalihii ku baxay mashruucan. Wajigii kowaad ee mashruuca waxaa la billaabay 2016, kaas oo lagu bartilmaameedsanayey dayactirka wadada Jalam Xarfo oo 80 km ah. Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Germany Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ), waxa ay qeybta wadada Jalam Xarfo ee Garoowe ilaa iyo Gaalkacyo ku bixisay taageero farsamo iyo mid dhaqaale si loo dayactiro iyada oo u marisay hay’adda Puntland ee wadooyinka (Puntland Highway Authority). Fulinta dhaq dhaqaaqa dayactirka wadadaas waxaa loo qorsheeyey muddo ku cayiman bishii April 2018 ilaa iyo Maajo 2018. Warbixin ay soo saartay ayey dowladda Germany ku sheegtay in go’aankeeda ku yimi kaddib markii tayo darro laga arkay fulinteeda iyo xisaab la’aan iyo daahfurnaan la’aan loo adeegsaday lacagtii dhismaha wadada. Warbixinta waxaa lagu xusay in dadkii wax ka geystay mashruuca ay ogaadeen in wada shaqeyntii u dhexeysay kooxdii fulinta ee Puntland uu si tartiib tartiib ah u sii xumaanayo. “Habraaca waxa uu horseeday in mabaadii’dii daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka aysan jirin intii uu socday waqtigii saxda ahaa ee shaqada dhismaha socotay,” warbixinta sidoo kale waxa ay u dhacday “Isku day is xiga oo ay safaaradda Germany iyo GIZ ku rabeen in la helo jawi suurtagalinaya taageero dibadeed in aysan dhalin is bedelkii loo baahnaa. Waxaa taas ka dhashay, wada shaqeyntii GIZ iyo PHA in la hakiyo.” Dowladda Germany waxa ay meesha ka saartay wararka sheegaya in mashruuca loo jiijiyey sababo la xiriira in la waayey dhaqaalihii lagu fulin lahaa. “Waxaan meesha ka saaraynaa sheegashooyinka ah in aan la keenin dhaqaale ama aan loo soo deyn qaabkii loo dejiyey habraacii dhismaha,” ayaa lagu xaqiijiyey warbixinta, “Dhammaan lacagihii la bixiyey waxa ay xiriiri la lahaayeen bandhiggii intii ay shaqada socotay waxaana loo soo daayey sidii loogu talo galay. Ayaan darro se, mudaddii qandaraaska, kaliya 14% ayaa laga fuliyey shaqadii dhismaha marka laga eedo tayadii lagu heshiiyey.” Warbixinta waxa ay ugu baaqday dadka uu mashruucaas quseeyey in ay ka fogaadaan eedeymaha waxyeelada ku keeni kara wada shaqeynta u dhexeysa Puntland iyo guud ahaan saaxiibadeeda dibedda. Safaaradda Germany waxa ay caddeysay in go’aankaas uusan saameyn doonin barnaamijyada kale ee horumarineed ee ay Germany kala kaashato Puntland.