Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida ay qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waaxdeeda qunsuliyadaha, waxaa jira shaqooyin ay muwaadiniinta Mareykanka ku lumin karaan dhalashada dalkaasi haddii ay ka qabtaan dal ajnabi ah. Qofka Mareykanka ah ee qaan-gaarka ah shaqo waa ka heli karaa dal ajnabi ah, haddii shaqada tahay mid hoose, oo aan siyaasad ku shaqo laheyn, uma baahna inuu wasaaradda arrimaha dibadda u sheego ama uu bixiyo sabab. Laakin haddii shaqada ay tahay mid siyaasadeed, sida madaxweynennimo, ra’isul wasaare, wasiir ama jago kasta oo siyaasi ah, marka hore, waxaa ay u badantahay inuu lumiyo jinsiyadda Mareykanka. Isla xeerka 349(a)(4), oo hoos tagaya Immigration and Nationality Act (INA) waxaa ku qoran inay jirto hal sabab uu qofka siyaasadda dal ajnabi ah ku biiray sida madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiir ama xil kale uu ku sii heysan karo jinsiyaddiisa Mareykanka, taas oo ah inuu la xiriiro wasaaradda arrimaha dibadda, una sharaxo ujeedka shaqada uu ka leeyahay iyo in shaqadaasi aaney ka hor imaaneyn ama dhibaato u geysaneyn danaha Mareykanka uu ka leeyahay caalamka! Sida sharciga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ku qoran, muwaadin Mareykan ah haddii uu shaqo siyaasadeed ka qabanayo dal ajnabi ah waa inuu lumiyo jinsiyadda, waayo danaha ayaa is jiiraya balse haddii uu rabo inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waa in uu wasaaradda u sharaxo inuu halkaasi u joojo ilaalinta danaha Mareyakanka (hadal iyo ficil ahaan). Hadal: Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in hadalkiisa aanu ka hor imaanin qiyamka iyo siyaasadaha Mareykanka ee la xiriira dimoqoraadiyadda, xuquuqda haweenka, taageeriyadda dadka laga tirada badanyahay iyo wax walba oo Mareykanka ay u ololeeyaan. Ficil: Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in ficilladiisa aaney wax u geysan danaha Mareykanka, inuu ku fakir ahaado madaxdiisa Aqalka cad, waa inuu ku raacaa Washington go’aannada la xiriira arrimaha dowliga ah sida Falastiin, lana saftaa Mareykanka marka laga codeynayo Qaramada Midoobey iyo meel walbo. Ficillada ay tahay inuu ilaaliyo waxaa ka mid ah; dowlad wanaagga, xuriyadda hadalka, waa inuu ka fogaadaa musuqa, in aanu ka hor imaanin xeerarka dalka Mareykanka la diiday sida dilka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo heystay jinsiyadda Mareykanka, weli uma caddeyn shacabka Soomaaliyeed inuu weli heysto dhalashadii ama inuu celiyey, haddii aanu celin waxaa xaqiiq ah inuu ka shaqeynayo danaha Mareykanka, waayo taasi waxaa ka dhigantahay inuu la xiriiray wasaaradda arrimaha dibadda, una balanqaaday ilaalinta danaha Mareykanka Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame, oo ku nool Mareykanka, xeerkanna soo akhriyey waxaa uu Goobjoog News u sheegay “Farmaajo ma hubo inuu dhalashada Mareykanka iska celiyey iyo in kale, balse haddii aanu celin, ee uu Mareykanka ka codsaday inuu sii heysto, waa nin xujeysan, marka hore dan Soomaaliyeed kama shaqeynayo, marka xigta ficilladiisa uu sameynayo waa arrimo ka hor imaanaya wixii ay u taagnaayeen jiritaanka Mareykanka”. Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame waxaa uu intaasi raaciyey “Farmaajo ciidamadiisa sir qaldan oo ay bixiyeen ayaa lagu dilay askar Mareykan ah, dowladiisa waxaa ka jira musuq baahsan, waxaa uu garab maray dowlad wanaaggii Mareykanka, waxaa kale oo jirta inuu baabi’yey awoodihii garsoorka iyo golaha sharci-dejinta…”. Ugu dambeyntii, Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame waxaa uu soo-jeediyey in madaxweyne Farmaajo ay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo haddii uu weli heysto jinsiyadda Mareykanka iyo inuu celiyey, waayo hadda lama oga cidda uu u shaqeeyo ama daacad u yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah saraakiisha ONLF ayaa goordhow gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Qalbi-dhagax ayaa soo dhoweyn baraalan loogu sameeyay magaalada Hargeysa uu oo gaaray goordhow. Dadweyne xidhan calanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo dhoweysay Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax, sidoo kale soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka. Cabdikariim Qalbi-dhagax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad ciliyay soo dhoweynta loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka uu yimid Hargeysa. Waxaa uu sheegay in sidoo kale xubno ka tirsan ONLF ay Hargeysa iman doonaan “Waxaan salaan idiinka sidaa madaxda jabhadda ONLF oo maalmaha soo socda Hargeysa iman doona” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qalbi-dhagax oo gaaray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  3. Maxamuud Cabdi Maadhiin Oo ahaa dhalinyaro ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ayaa maanta lagu dilay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag, Muqdisho. Lama oga sababta dhabta ah, qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen inuu dhac Mobile ahaa, markii uu diidayna sidaasi loo dilay. Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen Dilalka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, mana jirto dad oo qabto arrimahaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madawxeynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka kulan guud kula qaatay boqolaal muslimiin ah oo dalkaasi ku nool. Madaxweyne Erdogan ayaa inta uu ku howlanaa la kulanka muslimiinta daawaday muuqaal taariikhi ah oo laga diyaariyay waxqabadkiisa ku aadan inta uu xilka hayay iyo waxa uu muslimiinta u qabtay. Muuqaalka loo daaray Erdogan ayaa waxaa ka mid ahaa gurmadkii uu u sameeyay muslimiinta wadamada Somalia, Myanmar, Syria, Falastiin iyo wadamo kale. Muslimiinta uu la kulmay Erdogan ayaa waxaa kamid ahaa Soomaali farabadan oo deegan ku ahaa dalkaa waxa uuna Erdogan khudbadiisa kusoo qaatay Somalia. Erdogan ayaa yiri “Dadka Soomaalida ah waa dad aad u adag, qiimo badan, ad adeeg yaqaan, waxaase heysta daruuf iyo xaalad adag” Waxa uu intaa raaciyay “Soomaalidu waxa ay u baahanyihiin sida aan anaga u garab istaagnay oo aan u kaalmeynay in loo garab istaago, Soomaalidu waa dad abaal leh oo aan lagu daawankarin dhibta”. Maadxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ka qeybgelaya shir madaxeedka 73aad ee Golaga Guud ee QM kaa oo ka socda Xarunta Golaha ee Newyork. Haddalka Erdogan ayaa kusoo beegmaya xili uu dhawaan sheegay in dowladiisa ay dhan waliba ka garab istaagi doonto Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cabsi awgeed ay Garsoor ugu doontaan Kooxda Al-shabaab. Khadar ayaa intaas ku daray, in Dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay sugto amniga guud ee muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaana laga doonayo muwaadinka Soomaaliyeed inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Al-shabaab u yeerto. Sidoo kale, RW ku xigeenka Somalia oo Wareysi siinayay Telefishinka Horn-cable ayaa sheegay in Al-shabaab aysan ka shaqeyn cadaalad, laakiinse ay shacabka aysan ka baaqan karin haddii ay u yeeraan iyagoo ka baqaya in dhibaato ay uga timaaddo. Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay RW ku xigeenku in arrintaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay oo aan xukuumadda keliya lagu dhaliili karin, isgaoo ku baaqay in hawshan si laga wada-shaqeeyo. “Marka u horreysa yaa leh dhaliisha ah in Al-shabaab Garsoor loo doonto iyo inaan loo doonan. Al-shabaab marka ay kusoo wacdo mas’uuliyada dowladda ka saarsan waa inay ammaankaaga ilaaliso, adiguna aad iska diiddo inaad u tagto. Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii wax looga qaban lahaa arrintan,” ayuu RW ku-xigeenka ku sheegay wareysiga. Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan waxay sheegeen inay shacabka Soomaaliyeed u doontaan garsoon Al-shbaaab oo deegaanno aad uga fog Muqdisho ay u aadaan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka ah ka waayeen garsoor la isku halleyn karo. Ugu dambeyn, Hadakan ayaa imaanaya iyadoo Dad badan oo Muqdisho iyo gobollada ay garsoor u raadsada maxkamadaha Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobollada dalka, xilli deeaannadooda ay ku yaallaan maxkamado ay gacanta ku hayaan maamullada ka tali deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka hadashay Shacabka Garsoorka u doonta Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Marxuum lagu sheegay magaciisa Maxamuud Cabdi Maadhiin, iyadoo mas’uuliyadda dilka aysan jirin cid sheegatay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay marxuumka ku dileen agagaarka masjidka Xareed ee Muqdisho, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday. “Waxaan u maleynaynaa in kooxda dilka geystay ay ahaayeen burad inay taleefoonka gacanta ka qaataan doonayay, waayo maalmihii u dambeeyay sidan oo kale ay kooxo hubeysan dhibaatooyin uga geysanayeen degmada,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta. Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tisranaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha ka hawlaha galka, iyadoo la sheegay inuu ku socday xarunta shirkadda ee Suuqa Bakaaraha. Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaan wlei ka hadlin dilka marxuumkan loogu geystay Muqdisho, waxaana tani ay imaanaysaa xilli uu amniga Muqdisho kasoo darayay toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sidoo kale, falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shacabka ku nool degmooyinka Wardhiigley iyo Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadaha Baar-ubax illaa Xamar Jadiid ay xalay dhigeen bannaan-bax kadib markii Kooxo hubeysan ay taleefannadii ka arursadeen. Ugu dambeyn, Amniga Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aan xilligaan la isku halleyn karin, maadaama ay soo kordheen dilalka lala beegsanayo hal-doorka bulshada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysn oo Muqdisho ku dilay mas’uul ka tirsanaa Shiradaha Isgaarsiinta Dalka appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Muqdisho uga qeeybgalay ciyaarta finalka ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo sanadkii labaad xili habeen ah la qabtay. Finalka Tartanka ayaa waxaa isugu soo haray Kooxaha degmooyinka Waabari iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Kooxda degmada Waabari ayaa ku guuleeystay koobkaasi kadib markii 1-0 ay uga badiyeen dhigooda degmada Shibis. Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay kooxda Waabari ee guuleeystay isaga oo sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo ciyaar wanaagii ay muujiyeen ciyaartooyda Degmooyinka Shibis iyo Hodan oo galay kaalimaha 2aad iyo 3aad ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa ugu dambeeyntii gudoonsiiyay koobka degmada Waabari ee gobolka Banaadir oo sandkii labaad ku guuleeystay koobkaasi. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo koobka Gudoonsiiyay Kooxda Waabari appeared first on Puntland Post.
  8. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhameystir la’aanta howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa. Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in muddo 5 cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka waxa uuna garwaaqsaday inay jirto qabyo dhanka maamulka ah. Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu sheegay inuu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa balse ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban. Madaxweynaha waxa uu amar ku siiyay Taliska Booliska maamulka inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan. “Waxan Taliska iyo Saraakiisha Booliska ku amrayaa inay dhaqan galiyaan sharciga, waa in cid waliba oo qalqal amni ku heysa deegaanka la dhigaa halka sharciga xarunta u ah” “Yeeli ma doono in la qalqal galiyo amniga waxa aan qirayaa inaan mas’uuliyada amniga kula xisaabtami doono Booliska” Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sidoo kale sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Cidii isku daydaa in calan aysan ururkeed ka tirsaneyn ku ololeysa waxaa la marin doonaa sharciga, waa in qof walba uu ka adkaada naftiisa” Si kastaba ha ahaatee, haddalkaMustafe Muxumed Cumar ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay xarunta qeybo kamid ah magaalada Jigjiga kaa oo u dhexeeyay dhalinyaro sitay calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo. Caasimada Online Xafiiska Jigjig Caasimada@live.com
  9. Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak, ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay bishii ay dekadda ka soo sooraan $10 Mliyan. Axmed Sami Isler, oo ka tirsan maamulka shirkadda ayaa TRT World u sheegay dhibka ay ka soo mareen isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Dekadda shaqo fiican kama socon markii aan nimid, howllo la taaban karo kama jirin sababtana qalab la’aan iyo maamul xumo”. Axmed Sami Isler oo sii hadlayey waxa uu yiri “sida aan ula wareegnay, waxaan soo saarnaa afar jibaar tii ay dowladda Soomaaliya ka soo saari jirtay, waxaa ay soo saari jireen $2.5 Milyan bishii, hadda waxaa uu wax soo saarka bishii gaaray $10 Milyan” September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. MOGADISHU (HOL) - International Federation of Journalists (IFJ) has urged authorities in Puntland State to investigate a brutal assault of journalist Mohamed Ali Siad in Somalia by police officers in Galkayo town. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo wareysi siinayay HCTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo garsoorka. Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay xooga saarto sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka, waxa uuna qiray inay jiraan khaladaad badan. Waxa uu tilmaamay inay jiran waxyaabo badan oo lagu dhaliilo dowlada Somalia kuwaa oo laga gaabiyay wax ka qabashadooda. Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxa uu tusaale usoo qaatay Garsoor xumi ka dhex jirta dalka waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab. Wuxuu sheegay mas’uuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeran. Waxa uu qiray Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Mahdi Maxamed Guuleed carab ***** in arrintaasi ay mas’uuliyad ka saran tahay BFS, mucaaradka DF iyo shacabka Soomaaliyeed keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waa inaan is weydiinaa marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan mas’uuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido” “Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa balse anigu maqabo in cabsi aawgeed loogu tago Al-Shabaab.” Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu qiray inay badan yihiin isla markaana la socdaan inay sii kordhayaan dadka u garsoortaga Al-Shabaab ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka. Haddalka Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano badan ay dowlada ku dhaliishay inay sabab u tahay in shacabka ay garsoor u doontaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xuseen Iidoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha BFS ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Xildhibaano uu isaga ka mid yahay ay ka shaqeynayaan sidii lagu sii deyn lahaa qoyska marxuumkii la dilay kadibna la gubay. Xildhibaan Xuseen Iidoow, ayaa beeniyay in uu ka shaqeynaayo deysmada qoyskaasi waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay muhiim tahay in sharciga loo daayo arrintaasi. Waxa uu arrin been abuur ah ku sheegay inuu damacsanyahay in uu damiin ku sii daayo qoyska gubay marxuumka, hase yeeshee waxa uu dhaliisha ceynkaasi ah ku sheegay mid aan caafimad qabin. Eeda ka qeylsiisay Xildhibaan Xuseen Iidoow waxa ay ka danbeysay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow uu sheegay in ay jiraan Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka shaqeynaya in dadkaasi dameen lagu siidaayo. Intaa kadib waxaa suuq galay in Xildhibaanadaasi uu kmaid yahay Xildhibaan Xuseen Iidoow, hase yeeshee waxaa ka jawaab bixiyay Xildhibaanka. Xildhibaanka ayaa Boggiisa Facebook-gga ku soo qoray qoraalkan oo uu isaga fogeynaayo eedeymaha dhex baahay baraha bulshada; DACAAYAD RAKHIIS AH!! Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen marxuum Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga deg deg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah. Waxaan sameyn doonaa sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago. Cida u xusula duubaneysa deysmada qofka ka danbeeyay dilka marxuumka ayey dhibeysaa waxaana ku talinayaa in sharciga lagu abaalmariyo dadkaas. Xildhibaan Xuseen Iidoow, waxa uu muujiyay in dowlada Somalia laga doonayo in xushmad shaqsiyadeed aysan kusii deyn qoyskaasi, balse ay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo. Qoraaka uu Xildhibaan Xuseen Iidoow isaga fogeynaayo eeda ku aadan inuu kaalin ka qaadanayo deysmada qoyska ayaa timid kaddib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalka xildhibaanka kaddib hadlay oo beeniyay in uu isaga ula jeeday Xildhibaanka Baraha bulshada lagu eedeeyay,waxa uuna yiri sida aan qoraaladeena hore ku sheegnay: Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey. Guddiga arrimaha bulshada iyo Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay guddi u saaray in baaritaan lagu sameeyo arrinta dilka iyo gubidda ah natiijadana lagu soo celiyo golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa wada dadaal Maxkamad lagu soo taagayo qoyskii ka danbeeyay dilka iyo gubista Marxuumka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose isugu fureen wadada xeebta ah ee Muqdisho iyo Marka. Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ah abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa isaga oo la hadlay raadiyaha ku hadlay Afka ciidanka qalabka sida wuxuu sheegay in ciidamadu ay sameeyeen howlgallo ay shacabka Soomaaliyeed uga dulqaadayeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu tilmaamay Abaanduulaha in sidoo kale ay dhammaatay dhibaato uu sheegay in Al-shabaab ku hayn jireen dadka ku safra wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka. Sidoo kale abaanduule Odowaa ayaa sheegay in qorshaha ciidanka xoogga dalka uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhammaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo saaray ammar cusub oo ku aadan dhulalka sida sharci darrada ah loo kala wareegsado. Duqa B/weyne, Cali C/qaadir Sandheere iyo agaasinka waaxda dhul bixinta ee dowladda Hoose Xuseen Maxamed Fiidow ayaa bulshada ugu baaqay in shacabka u hoggaasamaan ammaradaan, ayna qaataan cadeynta dhul bixinta ee dowladda hoose. Waxa ay sheegeen in dhulka oo dhan ay dowladda mas’uul ka tahay, islamarkaana aan la aqbali doonin dhulalka sharci darrada lagu kala iibsado, maadaama ay soo bateen is qabqabsiga dhulalka. “Magaalada B/weyne waxaa batey is qabqabsiga dhulka, dacwadiisa ayaa nagu badatay, qofka waxaa looga baahan yahay in dhulka markii uu gadanaa uu sharci u haysto, haddii aanu u haysan ma gadan karo mana laga gadan karo” ayuu yiri duqa B/weyne. Waxaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan kusoo badanayey maalmahan is qab-qabsiga dhanka dhulalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Jailed rights defenders awarded for their 'courageous efforts' to reform 'totalitarian system in Saudi Arabia'. Source: Hiiraan Online
  16. Luka Modric broke a decade of award dominance by Cristiano Ronaldo and Lionel Messi after being crowned world footballer of the year by FIFA. Source: Hiiraan Online
  17. Xildhibaan Cabdi Shire (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto dilalka ku saleysan quursiga. Waxa uu sheegay xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay qaabkii naxdinta lahaa ee loo diley marxuum Axmed Mukhtaar Saalax, isaga oo sheegay in dowladda guud ahaan waajib ka saaran yahay in aanay indhaha iska tirin. “Falka lagu diley, lagu baangadeeyey, batroolka lagu gubay waxay gil-gishey quluubteenna, Afar cisho ma hurdin, waa in qoyskii dhibku gaaray u muujinnaa dareenkeenna, dilka ku saleysan quursiga ma ahan wax diintu qabto, waxaan soo jeedinayaa in qoyskii marxuumka uu ka baxay u tagno oo aan la wadaagno murugada” ayuu yiri xildhibaanka. Sidoo kale, xildhibaan Ciyaar Jecel ayaa sheegay in loo baahan yahay wacyigelin loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed si aanay usoo noqon falalka sidan oo kale ah. Dhowaan ayeey ahayd markii la diley Axmed Mukhtaar Saalax, kadibna la gubay, iyadoo arrintaasi ay ka dambeeyeen qoyska gabar uu guursaday wiil uu adeer u ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. South Sudan’s government forces and largest rebel group clashed in the north of the country, with each side accusing the other on Monday of instigating the fighting, which comes just two weeks after they signed a peace deal. Source: Hiiraan Online
  19. Iran's Supreme Leader Ayatollah Seyyed Ali Khamenei on Monday accused Saudi Arabia and the United Arab Emirates of financing the perpetrators of Saturday's deadly attack on a military parade in Ahvaz and threatened to "harshly punish" the masterminds. Source: Hiiraan Online
  20. Jose Filomeno dos Santos, the former head of Angola's sovereign fund, is accused of misappropriating millions of public funds. His detention is part of an anti-corruption campaign by Angola's new leader. Source: Hiiraan Online
  21. The Italian government on Monday adopted a heavily-criticised security decree which will make it easier to expel migrants and strip them of Italian citizenship. Source: Hiiraan Online
  22. Four MPs have been summoned by the National Assembly’s Powers and Privileges Committee over the shooting down of the contraband sugar report. Source: Hiiraan Online
  23. The Ethiopian government has arrested thousands of people around the capital, Addis Ababa, over the last week and sent many of them to military camps for “rehabilitation,” the authorities said on Monday, as the government sought to respond to mounting criticism from Ethiopians who say it has done little as ethnic violence has flared. Source: Hiiraan Online
  24. New Zealand's prime minister, who shot to international fame for giving birth while in office, turned heads Monday by bringing her three-month-old daughter into the UN assembly hall. Source: Hiiraan Online
  25. The State Department says the death of an American diplomat in Madagascar is being investigated by U.S. and local authorities. Source: Hiiraan Online