Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    194,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkadda Facebook ayaa Isniintii shalay dalka Mareykanka ka bilowday adeeg cusub oo loogu talogalay iney caruurtu ku sheekeystaan oo ah “Messenger”, waana sida ay sheegayso shabakadda Facebook. Messenger Kids waa adeeg cusub oo caruurtu ay ehelladooda kula hadli karaan maqal iyo muuqaal labadaba, dadka ay waalidku ku kalsoon yihiin, waana barnaamij aan xayaysiimo lahayn isla markaana si weyn looga faafreebay waxwalba oo dhaqan xumo ama si taban u saameyn kara garaadka caruurta. Shirkadda Facebook oo laga maamulo California galbeedka Mareykanka ayaa tiri, ” Waxaan dooneynaa inaan hubinno in adeegsiga caruurta ee tiknoolajiyaddu noqodo mid faa’ido leh, aamin ah, da’dooda la jaanqaadi karta.” Messenger Kids ayaa waxaa hadda heli kara oo kaliya dadka adeegsada apps-ka shirkadda Applegudaha dalka Mareykanka ku nool, sida ay shirkaddu sheegtayna dhawaan ayaa suuqyada kale ee dunida la gaarsiin doonaa adeeggan cusub ee caruurta loogu talogalay. Source
  2. Xiriirka Kubadda Cagta iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sameeyay Isku Aadka tartanka Ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaana loo qeybiyay 2 Group oo kala ah : Group A:- Banaadir, Galmudug iyo Jubbaland Group B:- Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed
  3. Laba shir oo caalami ah oo midkiiba maalin yahay oo ku saabsan Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Shirka shalay qabsoomay wuxuu ku saabsanaa amniga. Shirka maanta dhacay wuxuu ku saabsan yahay horumarinta Dowladnimada iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo weliba isla xisaabtan mid walba goonidiisa loola xisaabtamayo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo ururrada caalamiga ah ee nagala shaqeeya horumarinta dalka. Madaxweynaya ayaa furay labada shirba. Waxaana soo geba-gebeeyay Ra’iisal Wasaaraha, Waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad- Goboleedyada Soomaaliya dhammaantood iyo Duqa Caasimadda, Heer Federaal, Golaha Wasiirrada intooda badan ayaa ka jeediyay hadallo ku saabsan waxa qabsoomay iyo qorshaha hadda yaalla waxaa kale oo ka qeyb galay mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka. Guddiga Doorashooyinka Madax Bannaan ayaa iyaguna soo bandhigay qorshahooda doorashada iyo caqabadaha loo baahan yahay in laga wareejiyo dhabbaha doorashada. Dowladaha aan saaxiibka nahay oo qaarkood wufuud sare oo casimadahooda ka yimid ay ka soo qeyb galeen waxaa kuwa kale matalayay Danjirayaashooda. Shirarkani waxay daba joogeen Shirkii London ee ee sannadkan horraantiisii waxa ka qabsoomay in la qiimeeyo. Is af garad iyo wuxuu ku dhammaaday in shirka kan xiga aan qorshe laga hadal ee laga hadlo waxa qabsoomay. Source
  4. Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka iyo sidoo kale waxyaabaha laga faa’iday shirkii amniga ee ka dhacay London. Waxa uu sheegay wasiirka in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ay sameynayaan laamaha amniga ee ay ka wadaan Muqdisho iyo sidoo kale guud ahaan gobollada dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waxbadan ay ka hirgaleen qodobadii kasoo baxay shirkii London ee looga hadlay amniga Soomaaliya, isaga oo sheegay in markii shirkaasi laga soo laabtay la bilaabay howlo badan oo ku aadan dib u habeynta ciidamada iyo sidoo kale diiwaangelintooda casriga ah. Dhanka kale, wasiir Islow ayaa sheegay in ciidamada ammaanka marka sidii loo baahnaa loo diyaariyo ay amniga dalka kala wareegi doonaan ciidamada AMISOM. Goobjoog News Source
  5. Waxaa Muqdisho soo gaaray dhammaan maamul Goboleedyada sanadkan ciyaaraya tartankan markii labaad lagu qabanayo Muqdisho. Haddaba waxaa sanadkan ka qeyb galaya Lix Maamul Goboleed oo la isugu aadiyay Sidan Group A: Banaadir, Galmudug iyo Jubaland. Group B: Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed. Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa gashay Group ay malaha dhib badan kala kulmi doonin. Tartanka ayaa furmi doona Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubaland. XIGAHSO: Gool FM Source
  6. Dubai (Caasimadda Online) – Axmed Cali Cabdalla oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhiigga aabihii Cali Cabdalla Saalax uusan ahayn mid sidaas ku dhamaaday islamarkaana dagaalka Yemen uu hadda billow yahay. Axmed oo 2012kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Imaaraadka ayaa wareysi siiyay TV laga leeyahay Sucuudiga waxaana uu sheegay in kuleylka dhiigga aabihii lagu shubi doono dhegaha Iraan isda uu hadalka u dhigay. “Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Iraan waa billow,qofkasta oo Yemeni ah waxaan ugu baaqayaa in uu dalka Yemen dib ugu laabto,hubkana qaato,waxaan dagaalka wadi doonnaa ilaa midka ugu dambeeya ee Xuutiga ah uu ka baxo Yemen”,ayuu yiri Axmed intii uu wareysiga bixinayay. Axmed waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Yemen,sidoo kale danjiraha Yemen ee Imaaraadka,waxaase xabsi guri laga dhigay markii Aabbihii iyo xulfada Sucuudiga ee IMaaraadka ka mid yahay isku dhaceen sanadkii 2012kii Calina xilka laga tuuray. Shalay markii uu soo baxay dilka Cali waxaa laga dabaal degay magaalada Koofurta ku taalla ee Cadan,iyada oo Reer Koofurku ay Cali Cabdalla Saalax ku necbaayeen mideyntii labada Yemen ee Koofurta iyo Waqooyiga sagaashamaadkii,waxaana uu xoog iskugu hayay labada dhinac. Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta C/Maalik al Xuuti oo ka hadlay geerida Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in guul ay u soo hoyatay Jamhuuriyadda Yemen,waxaana uu ballan qaaday in kooxdiisa ay ku adkeysan doonto midnimada dalka Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiilka Cali Cabdalla Saalax ” Kuleylka Dhiigga Aabahey waxaa lagu shubi doonaa dhegaha Iraan” appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Labaad ka soconaya wejigii 2-aad shirkii London ee arrimaha Soomaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyadoo Warmurtiyeed laga soo saari doono. Hadaba Shirka oo haatan socda ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaan ka soo qaadan doonaa nuxurka Khudbadahaasi, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowlada sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga “Hormaro badan ayaan ka sameynay dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaa naga go’an inaan hirgalino Federaalka, Doorashada 2020 waa mida ugu muhiimsan Siyaasadeena waxaana socda wadatashiyada la xiriira sida ay u dhacayso doorashada, Xiriirka dowlad goboleedyada waa hagaajinay waxaana jirta wadashaqeyn wanaaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna jeediyay khudbad uu kaga hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Miisaaniyadda Dowlada uu sheegay in lagu hormarinayo adeega Bulshada iyo in Canshuurta shacabka laga qaado oo lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho “Muda kadib Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa lagu hormarinayaa adeega Bulshada, Canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu dhisayaa Iskuulo waxbarasho, Waddanka hore ayuu socdaa” ayuu yiri R/wasaare Khayre. Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay si Kala dambeyntii iyo Sharcigii dalka loo soo celiyo in muhiim ay tahay in la dhameystiro Dastuurka “Kala dambeyntii iyo sharcigii si loosoo celiyo waxaa loo baahan yahay in Dastuurka dalka la dhameystito, waxaa socda wada hadalo, waa in laga wada qeybgalo lana xoojiyo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameynta ka dhalata Fatahaadaha wabiga iyo Abaarta, isagoo sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabto. “Caqabada na haysata waa fatahaada wabiga, sidoo kale Abaarta waa dhibaato na heysata waxaan u baahanahay inaan ka faa’iideysano wabiga oo keyd loo sameeyo, Kaliya markii ay Abaar dhacdo maaha in la gurmado,waxaan u baahanahay qorshe ku talagal ah oo wax looga qabto Abaaraha iyo ka Faa’iidaysi la’aanta Wabiga”ayuu yiri Shariif Xasan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay shirka ayaa codsaday in la taageero heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu sunna “Galmudug hadii aan nahay waan dambeynaa waa in nala taageeraa, Ahlusuna ayaan la heshiinay Waxaan u bahanahay in nala caawiyo” ayuu yiri Xaaf. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay meesha ay marayaan howlaha dastuurka. “Dib u eegista dastuurka waa hab aad muhiim u ah, si hufan ayaan howsha u wadnaa waxaan tagnay xarumaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho oo aan ku qabanay wadatashiyo Bishii May waxaan la kulanay wasiirada dowlad goboleedyada ee dastuurka”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid ( Juxa) oo markiisa hadalka qaatay ayaa ka hadlay hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta iyo khilaafaad badan oo guulo laga gaaray “Wadahalo badan ayaa qaadanay hadii ay ahaan lahaayeen shirarkii madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, waxaan qabanay shir hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta kaasoo ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, Khilaafaadka hada hormaro ayaa laga sameeyay si gaar ah wadahadalada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan kale oo aan wax ka qabanay dhismaha dowladaha hoose ee dalka” ayuu yiri Wasiir Juxa. Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in la bilaabay qorshe looga feejignaanayo inay soo laabtaan abaarihii iyo dhibaatooyinkii kale ee saameeyay shacabka . “Waxaan xaqiijinay in dhibaato mar dhacdaa inaanay soo laaban Qorshaheeda, sida abaarihi dhacay sanadkii hore ilaa sanadkan bartamahiisa,waxaan sameynay qorshaha Taageerada hadii ay ahaan laheyd midka fog iyo kan dhow si looga faa’ideysto kaalmada Bani’aadannimo iyo mida Hormarinta, qorshaha hormarinta Qaranka si joogta ah ayaan uga wadatashanaa anagga iyo dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Mudane Jamaal Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka ayaa sheegtay in la bilaabay diiwaan galinta Xisbiyada iyo diyaarinta habka diiwaanka Codeeyeyaasha. “Gudiga doorashada qaranka waxaa uu Diyaariyay qorshe Howleedka, waxaa ka mid ah bilaabida diiwaan galinta Xisbiyada, waxaa diiwaan galinay 7 xisbi, waxaa kale oo aan diyaarinay habka diiwaanka codeeyaasha” ayay yiri Xaliimo Yareey. Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ay sameeyeen siyaasadii lagu dhisi lahaa Guddiga Xuquuqul Insaanka. “Waxaan sameynay siyaasadii dhisida guddiga Xuquuqul Insaanka,waxaana u qoondeenay in lagu qeybiyo 50% Raga iyo 50% Haweenka waxaana ku jira dadka Naafada ah, waan sii wadeynaa sameynta Siyaasadaha Muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqda dadweynaha”ayay yiri Wasiirka Haweenka. Sidoo kale madasha waxaa khudbado ka jeediyay wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeyb galaya waxaana ka mid Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall oo sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ku guuleysatay waxyaabo badan “Waxyaabaha Soomaaliya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Siyaasadda ee Haweenka,shirkan waxaa uu muujinayaa hormarka Soomaaliya,Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waa muhiim, waa in xooga la saaro qabsoomida doorashada 2020, Dowladeyda waxa ay garab istaageysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya,waxaan goaansanay inaan dib eegno taageeradeena, si aan kor ugu qaadno Hormarka ka socda Soomaaliya. Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre kaga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo sidoo kale ka hadlay doorashada iyo arimo kale “Waxaan kaaga mahad celinayaa Ra’iisulwasaare ka qeyb qaadashada wadahadalkii Galmudug iyo Ahlusunna, Doorashada 2020 qabsoomideeda qof iyo cod waa muhiim” Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka Muqdisho ka socda appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya ayaa ka hadlay jidadka xiran muddo laba maalin ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuru ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud Farta loogu fiiqiyey inay jidad xirtay, haddana ay mudan tahay in wax la iska waydiiyo ballanqaadkii Farmaajo ee ahaa inuusan jidadka ka xiri doonin Shacabka. Wuxuu sidoo kale Su’aal ka keenay haddii ay dowlad dumis tahay hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray. Bartiisa Facebook ayuu soo dhigay qoraalkaan hoos kaaga muuqdo ” Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray, mar hadii shirka lagu qabanayo Xalane gudihiisa. Sow su’aal mudan maaha in Madaxweynaha la waydiiyo balanqaadkii uu Baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ee ahaa in aan wadooyinka la xiri doonin hadii xilka loo doorto. Dadka laba maalin wadooyinka ka xiran yihiin, waa xoogsato, arday, shaqaale, ganacsato, waxaa kaloo ku jira dad jiran oo Isbitaal u socda, hooyoyin foolanaya iyo caruur xanunsan. Sidaasoo kale ayaan farta ugu fiiqaynay markii uu Xasan Sheekh Xilka hayey, inkastoo shirka High Level Partnership Forum aan marna xiligaas wadooyin loo xirin.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/raxmaan C/shakuur ” Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray” appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Muqdisho soo gaaray dhammaan maamul Goboleedyada sanadkan ciyaaraya tartankan markii labaad lagu qabanayo Muqdisho. Haddaba waxaa sanadkan ka qeyb galaya Lix Maamul Goboleed oo la isugu aadiyay Sidan Group A: Banaadir, Galmudug iyo Jubaland. Group B: Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed. Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa gashay Group ay malaha dhib badan kala kulmi doonin. Tartanka ayaa furmi doona Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Isku aadka Tartanka maamul Goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay appeared first on Caasimada Online.
  10. AMISOM troops stand in front of an al-Shabab flag painted on the wall of Kismayo Airport, October 2012. On October 15, a truck full of explosives crashed through a barrier near the Safari Hotel in Mogadishu’s commercial district. The bombs killed at least 358 Somalis and wounded over 400 more. Two weeks later, another suicide driver murdered at least 27 people, prompting the municipal government to issue a daytime ban on trucks inside the city limits. But the world’s biggest terror attack in a decade went largely unnoticed internationally, merely another example of the mindless violence that has gripped Somalia for decades. Embattled by Islamist insurgency, piracy, and famine, Somalia has become synonymous with chronic instability. UNICEF estimates that 275,000 Somali children are in a life-threatening conditions; over 1.1 million have fled the country. Fathi Hiis, 17, survived a perilous journey overland and across the Mediterranean Sea to escape Somalia. He now lives in Vienna, Austria, while the rest of his family remains at home. “Somalia is dangerous,” Hiis told the HPR. Somalia, which has topped the Fragile States Index for eight of the past ten years, has descended into chaos and anarchy over the past quarter century. Though current efforts at state building slowly seem to be bearing fruit, the country nonetheless faces a host of seemingly insurmountable challenges. Strong centrifugal tendencies, an ineffective central government, dependence on foreign actors, and the threat of Islamist insurgency all hamper unity in the country. A Country without a State After resistance movements toppled the unpopular military junta of Siad Barre in 1991, Somalia was divided between different local warlords and militias. In 2006, the “Transitional Federal Government,” an alliance of warlords supported by Ethiopia, was able to retake the Somali capital of Mogadishu from the control of the Union of Islamic Courts. But the new regime’s secular outlook caused massive backlash from the radical former youth wing of the now-defunct Union of Islamic Courts: al-Shabab. Since then, change has been painfully slow. After 25 years of fragmentation, central institutions are only a distant memory for most Somalis. As the federal government disappeared, control was increasingly administered by influential clans and around local power structures. “After everything was ruined, they got back to their roots,” David Anderson, professor at the University of Warwick and an expert on Kenya and Somalia, told the HPR. Today, both international and domestic actors tend to favor a federal system of government. “Federalization is probably the right approach to bring the country back piece by piece,” David Akopyan, the Somalia United Nations Development Program’s deputy director, affirmed in an interview with the HPR. A Somalilander license plate, September 2007. Despite its ethnic homogeneity in comparison to other African states, Somalis, too, overwhelmingly favor local institutions for public participation. Accordingly, the recently-adopted Somali constitution outlines a federal system of government, in which each constituent state effectively has its own parliament, judicial system, and army. These states can even conduct their own foreign policy. “It’s a bit of a messy process,” admitted Akopyan, who fears that federalism might deteriorate into feudalism. Some regions may already be lost for the Somali government. Somaliland, for example, has been de facto independent since the 1990s. This drift toward decentralization, however, is not without reason: trust in Somalia’s central government is extremely low, a legacy of Barre’s oppressive regime. Transparency International regularly ranks Somalia as the most corrupt country in the world. According to one report, 70 percent of funds were misappropriated by the Transitional Federal Government in power from 2004 to 2012. Recent elections, though widely lauded by the international community, have been mired by allegations of rampant corruption. “Every day there are political problems,” recounted Hiis. Standing on the U.N.’s Shoulders The influence of foreign actors has further undermined the government’s autonomy and legitimacy. For the past 40 years, Somalia has had a fraught relationship with its two large Christian-majority neighbors, Ethiopia and Kenya. In 2011, Kenya decided to intervene to stop the spread of al-Shabab, deploying troops under the umbrella of the African Union “peacekeeping” mission AMISOM. In an effort to encourage local involvement, the United Nations has turned a blind eye to the use of soldiers from neighboring states, usually taboo for U.N. peacekeeping missions. In early November, , hundreds of Ethiopian troops entered Somali territory. Their intervention has inhibited the emergence of strong Somali national forces. “Somalia has no real army,” Hiis agreed. The presence of soldiers from historical and religious adversaries has further weakened legitimacy for the Somali government. “Ethiopians and Kenyans are seen as an occupying force, and Somalis hate them,” said Anderson. “They know that AMISOM is effectively an army of occupation.” “Farmajo,” the current president of Somalia, in April 2014. Senior Somali officials admit that Mogadishu would be overrun within a month by al-Shabab without military support from AMISOM. Yet the AMISOM forces, Anderson explained, have not been able to consolidate the gains made against al-Shabab. Today, al-Shabab forces are estimated to number between 7,000 and 9,000 fighters. In the areas under its control, the extremists, allied with al-Qaeda, have introduced a radical version of Sharia law. “There is no evidence at all to support the idea that al-Shabab is destroyed or struggling or suffering,” Anderson stated. If anything, al-Shabab is becoming more efficient: its terrorist attacks are today deadlier than ever before. There is little popular support for the group’s fundamentalist Wahhabi ideology: most Somali Muslims identify with the mystic strand of Sufism. But dire economic conditions and the federal government’s lack of legitimacy have played into the hands of the mujahideen. Time for Change Still, not all is lost for Somalia. Akopyan argued that the situation is slowly improving. “Somalis ten years ago didn’t have airports, roads, immigration; everything was ruined and destroyed.” In 2017, Somalia’s Electoral College selected Mohamed Abdullahi Mohamed to head the country. “Farmajo,” as he is nicknamed, also holds U.S. citizenship and earned a reputation for honesty and trustworthiness during a stint as prime minister in 2011. Akopyan called the outcome of the election “relatively promising,” citing the peaceful transfer of power and increased representation of women and young people. Moreover, the public’s reaction to the horrific October bombing gives reason for hope. In the aftermath of the attack, people took to the streets in protest of the terrorists, wearing red cloth to show their solidarity with the victims. Al-Shabab’s cynical calculations have backfired. Ironically, the terrorist group may have helped create something the government has struggled to all this time: a sense of national unity in the war-torn country. Harvard Politics
  11. Somaliland is a country which doesn’t officially exist. It broke away from the rest of Somalia after a bitter civil war in 1991, a conflict which plunged the rest of Somalia into violent conflict and instability and a war with the extremist al-Shabaab terrorist organisation. Although it has not been officially recognised as independent in those 26 years, Somaliland, a former British protectorate, has de facto diplomatic links and support from regional and international powers. What is more, it has remained peaceful and without any violent conflicts. It’s also held four multiparty Presidential elections all resulting in a peaceful transfer of power. Yet despite these political achievements, Somaliland faces huge and debilitating problems and obstacles. One of the most severe is that of Female Genital Mutilation, FGM. It’s a dangerous and painful procedure and the UN says 98% of women in Somaliland have undergone it. Many have had what is known as type three FGM – the most extreme – where a young girl’s labia is cut, and her vagina sealed, leaving only a small opening for menstruation and urination. Almost all women in Somaliland are forced to undergo FGM. Credit: ITV News Even though Somaliland is a country that very people have heard of, many activists believe it is on the verge of becoming the first country in Africa to commit to ending the practice of FGM. Just before the recent Presidential election of November 13th, the candidates from the each of the three rival parties pledged that if they won, they would commit their administrations to ending FGM in the country. Getting that political commitment was due to the drive and passion of Nimco Ali, a British campaigner against FGM who was born in Somaliland. She worked with British politicians from all sides to get the law on FGM changed in the UK and she has returned to Somaliland to try to do the same there. She is convinced that there has been a profound change within Somaliland’s society that has created a movement to try to stop a practice which has seen so many women’s health and lives destroyed. Edna Adan is a trailblazing anti-FGM campaigner. Credit: ITV News Other campaigners have worked to the same end for decades, especially Edna Adan, a health pioneer in Somaliland and a former foreign minister. She built a maternity hospital which bears her name in 1982. Since that time she has helped 22,000 women and she told me that 97% had been “cut” – a word used to describe FGM which graphically captures what actually happens to a woman’s vagina. Imet Asha, is a “cutter”, a woman who performs FGM. She was taught it by her mother, and she told me that her own daughter had undergone the procedure and suffered painful consequences as a result. When I asked why she continued to perform FGM despite the experience of her daughter, she said she would stop if she could find an alternative way to make a living. All the main parties have pledged to wipe out FGM. Credit: ITV News One of the clearest signs of this sea change in attitudes in Somaliland is the fact that many religious leaders are now themselves beginning to preach against FGM. In August, 180 Islamic clerics attended a UNICEF conference in the capital Hargeisa, where they were taught in great detail what happens to a woman’s genitalia as a result of FGM. They also heard from senior Muslim clerics from Al Azhar University in Cairo, a renowned seat of Islamic learning, that there was absolutely no religious obligation to perform FGM. Completely eradicating FGM will not happen overnight in Somaliland. But if this political commitment is followed through, it will make history. ITV
  12. Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya. Tartankan oo sanadkii labaad oo xiriira lagu qabto Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Shanta Dowlad goboleed iyo xul matala Gobolka Benaadir waxaana loo qeybiyay labo Group. Group-A Benaadir Galmudug Jubbaland Group-B Hirshabeelle Puntland Koonfur Galbeed Xulka Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay Koobkan ayaa Group-ka B la galay xulal sahlan marka loo eedo Group-ka kale. Tartankan ayaa furmi doona 8-da bishan December oo ku began maalinta Jimca ah ee soo socota waxaana lagu furi doonaa xulalka Benaadir iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay appeared first on Puntland Post.
  13. Women in Somaliland speak out about their experiences of female genital mutilation. One NGO that is working to eliminate this horrific practice.
  14. Muqdisho (PP) ─ Beesha Caalamka iyo Somalia ayaa shalay ku heshiiyay war-muryeedka lagu sheegay qorshaha xilliga kala guur ah ee Ciidamada Somalia loogu diyaarinayo sidii ay hawlgalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kulankii Ammaanka ee Muqdisho ka dhacay, waxaa goobjoog ka ahaa DFS iyo dalalka iyo hay’adaha daneeya sida; Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo hay’ado kale oo xagga amniga ka taageera Somalia, iyadoo lagu hesheeyay Road-map cad oo ku xusan sida ay u dhaceyso mas’uuliyad kala wareejinta hawlgalka. War-murtiyeedka ayaa lagu xusay heshiis ah in si deg-deg ah loo hormariyo qorshe macquul ah oo la fulin karo kaas oo ku xusan sidii yool waqtiyeysan loo qaban lahaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidamada Somalia, iyaga oo kala wareegaya AMISOM. Sidoo kale, Qorshaha Somalia iyo Beesha Caalamka ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: In la xurmeeyo sharciga, xuquuqul insaanka, In la adkeeyo la dagaalanka afkaarta argigixisada In kor loo qaado Arrimaha xasilinta iyo Dowladnimada. Waxaa kaloo, Heshiiskan lagu xusay ; in muddada xilka iyo mas’uuliyadda la wareejinayo oo ah bilaha iyo sanooyinka soo socda, la hubiyo arrimaha la siinayo ahmiyadda, hadafka la leeyahay mas’uuliyad wareejinta iyo sida ay u dhacayso oo ay ku jirto hubinta deganaashiyaha, dhismaha Dowladnimada iyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidanka qalbka sida, booliiska iyo cadaaladda si loo hubiyo nabad waarta oo ka hirgasha Somalia. Dhanka kale, Tallaabada ugu horreysa, kooxaha daneeya arrimaha Somalia waxay dejinayaan qorshaha mas’uuliyad wareejinta oo bilaabaneysa 31-ka December ee 2017-ka, si Qorshahaas loo dhameystiro ka hor kulanka ay AMISOM codsatay ee Golaha Ammaanka oo dhacaya sannadka soo socda ee 2018-ka. Heshisikan waxaa ka mid ahaa xilliga ay baxayaan askarta ugu horreysa ee AMISOM oo ku aaddan dhammaadkan bishan lagu jiro, waxaa shirkan looga hadlay sidii maal-gelin loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida iyo in la dhaqan-geliyo heshiiskii amni ee London lagu saxiixay May 2017-kii. Heshiiskaas ayaa dhigayay in la dhiso illaa 22,000 ciidan oo ay ku jiraan 4-kun oo askari oo gaar ah, waxaa kale oo lagu darayaa 32,000 oo booliis ah. Ugu dambeyn, Toddobaadkan maamulka Puntland ayaa 2,400 oo daraawiish ah ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maamullada kale qaadaan tallaabo middaas la mid ah si loo helo Ciidammo Qaran oo hanta amniga dalka iyo dadka. PUNTLAND POST The post Qodobada Shirkii Ammaanka Muqdisho iyo Hanaanka Bixitaanka Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Puntlandi) Tartanka kubadda cagta dowlad-gobolleedyada dalka oo markii labaad lugu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa goor dhow la sameeyay sidda ay isugu aadeen dowlad-gobolleedyada ka qeybgalaya iyo gobolka Banaadir. Group A- Gobolka Banaadir Galmudug Jubbaland Group B- Puntland, Hirshabeelle Koonfurgalbeed Tartanka waxaa uu furmi doonna Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December, ciyaarta furitaanka ayaa u dhaxeysa gobolka martida loo yahay ee Banaadir iyo Dowlad-gobolleedka Jubaland. Puntlandi.com
  16. Washington (PP) ─ Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo Mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix waddan oo muslimiin ah. Go’aankan ayaa wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah. Iyadoo Go’aanku uu xoojinayo siyaasaddii madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ahayd ee Iiraan, Chad, Liibiiya, Somalia, Suuriya iyo Yemen. Wuxuu go’aankan ayaa kusoo beegmayaa markii saddexaad oo isbeddel lagu sameeyay markii uu amarkan bixiyay Madaxweyne Trump tan iyo markii uu xilka la wareegay horraantii sannadkaan dhammaadka ah. Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah ayaa raali ku ahaa inuu wali sii laalnaado go’aanka madaxweynuhu. Sidoo kae, Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda Todobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay. Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood. Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare. Go’aanka shalay la gaaray ayaa tilmaamaya in Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanku ay taageeri doonto siyaasadda maamulka, sida ay sheegeyaan dadka ka faalooda arrimaha cadaaladdu. David Levine oo bare sare ka ah culuunta sharciga ee jaamacadda University of California Hastings ayaa wakaaladda wararka eee AP u sheegay in ay fahankooda la tahay in ay dawladdu guulaysan doonto si ka duwan sidii markii hore loo malaynayay. Hogan Gidley oo ah afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga Arrimiyo Dalka Maraykanka ayaa sheegay in uusan la yaabin go’aanka maxkamadda sare. Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay amaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah. Balse, Ururka xuquuqda shacabka u dhaqdhaqaaqa ee ACLU ayaa sheegay in Twitter-raddii uu toddobaadkii hore sii baahiyay madaxweyne Trump ee ay lahaayeen qolyaha Britain u dhashay ee siyaasaddoodu garabka midig tahay in ay taasi muujinayso in uu faquuqayo Muslimiinta. “Muslim kasoo horjeedidda Donald Trump sir ma aha si ku celcelis ah ayuu u xaqiijiyay arrintaas, waxaana ka mid ahayd Twitter-kii uu toddobaadkii hore baahiyay,” sida uu sheegay Omar Jadwat. Ugu dambeyn, Nasiib-darro xayiraaddaas socdaalka lixda Waddan ee ay ku jirto Somalia hadda si buuxda ayay u dhaqan-geli kartaa, laakiin Amarkaan ma uusan taabanin gundhigii waxyaabihii aan tabanaynay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Ayiday Go’aankii Xayiraaddii socdaalka ee D. Trump appeared first on Puntland Post.
  17. Qaar kamid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe ayaa ra’yigooda ka dhiibtay,Wejiga labaad ee Shirkii London ee arrimaha Soomaaliya,kaasoo badankiisa diiradda lagu saarayo Amniga Qaranka,gaar ahaanna isku-dhafka ciidamada iyo dagaalka Al-shabaab. Shirka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana looga hadlay horumarinta Qorshaha kala guurka oo ku saleysan Waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,in la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan awood ku filan oo ay ku hanan karaan ammaanka Dalka. Sidoo kale waxaa si weyn loo falanqeeyey ahmiyadda ay leedahay xoreeynta Degaannada ay weli maamulaan Al-shabaab iyo isku-dhafka ciidamadda Qaranka,kuwaasi oo ah waxyaabaha ay dowladda Soomaaliy mudnaanta siindoonto. Halkaan hoose ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Sidee Garowe looga arkaa Shirka Amniga Qaranka ee magaalada Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  18. 3 da December oo baroordiiq loo dhigi jiray musiibadii Qaraxii Shaamow ayaa shalay xus loo dhigay Curashada Axsaab Siyaasadeed oo dalka ka hana qaada kadib 47 sano. Sanadkii 2000 ee dib loo yagleelay dawladnimada Somaliya waxaa lagu heshiiyey; Axdi ku meelgaar ah, Barlamaan 225 ah, Awood-qeybsi 4.5 ah iyo 2 sano gudahood in loo guuro; Dastuur, Axsaab, Doorasho iyo Dawlad rasmi ah. Nasiib daro 17 sano waxaa socday; Qabiil siyaasadeed, ku meelgaar, gobaleysi, Mooshin iyo xasilooni daro siyaasadeed, taa oo sababtay in 17 sano gudahood ay is bedelaan 15 Xukuumadood iyo 5 Madaxweyne. Xukuumad kastana ay jirto sanad iyo bil, maxey qaban kartaa? Qabiil iyo Mooshin waa laba kalimadood oo Qur’aanka iyo Luqadaha ajnabiga macnahoodu ku yahay; “isbarsho iyo soo jeedin” lkn Somalidu u taqaan cudurka ugu weyn ee dila ama dumiya dawladnimada Somaliya ee Dawo ma u noqon kartaa Axsaabta la furay? Mise way sii hurinaysaa? Bandhigii waxqadabka Xukuumada 8 dii bilood ee lasoo dhaafay ee habeen hore ka dhacday Muqdisho waxaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada xuseen in Axsaab iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xukuumada aan weli dhameysan hal sano, taa oo caqabad ku noqon karta guulaha ay soo bandhigtay Xukuumadu iyo himilada doorashada 2020, qabya-tirka dastuurka iyo dhismaha Axsaabta badan ee dalka. Taariikhda Mooshinadii lagu ridi jiray Xukuumadii hore iyo kan la sheegay bilawgiisa waxey ku kala duwanyihiin astaama ka dhigi kara mid adag oo aan xiligaan lagu guuleysan karin; Mooshinadii hore waxaa lahaa kaliya golaha shacabka, halka midkaan uu ka dhaxeeyo labada Aqal oo kala aragti iyo dana duwan, tiradooda oo gaareysa 329. Golihii shacabka ee hore waxey ku imaan jireen Qabiil kaliya, halka labada Aqal ee hada jooga ay ku yimaadeen Qabiil iyo Gobalo kala dana duwan, saameyna ku leh. Mooshinadii hore waxaa lagu bilaabi jiray laguna ridi jiray Xukuumada, halka midkaan lagu bilaabay Madaxweynaha, waana arin ku ugub siyaadada Somaliya oo horey uma dhicin Madaxweyne lagu riday Mooshin. Mooshinadii hore waxey ka imaan jireen Somaali dhexdeeda, halka midkaan lagu tuhmayo in dibada ay ka riixayaan quwado shisheeye oo Somalidu xasaasiyad ka qabto, sidii ku dhacday Madaxweynihii hore markii lagu tuhmay in ololihiisa ay gadaal ka riixayso Itoobiya. Mooshinadii hore waxaa bilaabi jiray Xildhibaanada Qabiilka kursiga loo socdo, halka midkaan ay bilaabeen Qabiil xafiiltan ka dhexeeyo dhexdooda, kuwa kalena uu kala dhexeeyo. Xildhibaanada labada Aqal markii ay galayeen doorashada waxey saxiixeen Axdi iyo balanqaad in ay laba sano gudahood ku kala biiraan Axsaab Qaran, waxa aan laga aqbali karin in ay Qabiil, Kooxeysi iyo Gobaleysi ay isku abaabulaan maanta iyada oo laga sugayey in ay furtaan ama ku biiraan Axsaab Qaran. Hadaba waxaa is weydiin mudan su’aalahaan lagu wareeray; Shalay waxaa Xisbiya furtay laba Xildhibaan kaliya! Aaway kuwii kale? Maxey sugayaan oo dib u dhigay? Shalay waxaa la diiwaan geliyey 7 Xisbi kaliya! Aaway kuwii kale ee doorashada horey ugu soo galay magac Xisbi ama horey usoo bandhigay ama lagu tuhmay in ay ka danbeeyaan Mooshinka laga qeyliyey sida; PDP, Wadajir, Daljir, Kulan iwm, oo shalay goobtii laga waayey, markii laga reebo Xisbul-xaakimka Tayo oo goobta laga sheegay in uu maalmaha soo socda imaan-doono isaga oo ulihiisa iyo udbihiisa wata!!! Hadaba imaanshaha soo daaha ayaa ka fiican maqnaashaha, iyo in la cuno dawo qaraar si looga caafimaado cudurka Qabiilka iyo Mooshinka, degdegna loogu guuro Xisbiyo ku dhisan sharci, mabaadi’, aragti siyaasadeed iyo dhaqan dawladnimo. W/Q: Maxamed Nur Gacal The post Curashada Xisbiyadda Siyaasadda Dawo ma u noqon kartaa Cudurka Qabiilka iyo Mooshinka? appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka ridday xukunno isugu jira dil,xabsi daa’in iyo Xukunno Sanado ah. Maxkamadda ayaa Xukunnadan kala duwan ku ridday Rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab kuwaas oo qaraxyo ka geystay Maqaayado ku yaalla Magaalada Muqdisho. Raga ay maanta Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu magacabaa C/khaadir Abuukar Shaacir waxaa si gaar ah loogu eedeyay inuu ka dambeeyay sadax qarax oo ka dhacay maqaayado ku yaala wada maka al’mukarama kuwaas oo kala ah Maqaayad kasoo horjeeda hotel wehliye 13-03-2017 sidoo kale maqaayad kasoo horjeeda wasaarada isboortiga 05-4-2017 iyo Baar itaaliya 08-05-2017 Sidoo kale ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay eedeesane c/khadir iyo eedeesanaha labaad Maxamed cumar akiile oo wada gaari kale oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 15-05-2017 Maxamed Cumar Akiile waxaa si gaar ah loogu soo eedeyay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab isagoona xiliga lasoo qabanayay uu waday gaarii ku qarxay degmada xamar weyne gaar ahaan eeneyada Taarkhdu marka ay eheed 15-05-2017,Maxkmadda Ciidanka ayaana ku xukuntay Xabsi daa’in. Dauud Maxamed Cali ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab isla markaasna u qaabilsanaa faafida dacayada al-shabaab waxayna maxakamda ciidamada ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday Xubno Shabaab u qaabilsanaa.. appeared first on Caasimada Online.
  20. Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa isniintii ku heshiiyay war-muryeedka lagu xusay qorshe waqtiyeysan oo loogu talagay xilliga kala guur ah oo shuruudda ay tahay in loo diyaariyo ciidamada Soomaalida sidii ay mas’uuliyadda kala wareegi lahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM. Shirka amniga ee Muqdisho ka dhacay waxaa isku soo hor-fariistay dowladda Soomaaliya iyo dalalka daneeya oo ay ku jiraan qaramada midoobey, midowga Afrika iyo hey’ado kale oo xagga amniga ka taageera Soomaaliya, iyada oo lagu hesheeyay Road-map cad oo ku xusan sida ay u dhaceyso mas’uuliyad wareejinta. War-murtiyeedka waxaa lagu heshiiyay in si degdeg ah loo horumariyo qorshe macquul ah oo la fulin karo kaas oo ku xusan sidii yool waqtiyeysan loo qaban lahaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qalabka sida, iyaga oo kala wareegaya AMISOM. Qorshaha Soomaalida iyo beesha caalamka ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la xurmeeyo sharciga, xuquuqul insaanka, la adkeeyo la dagaalanka afkaarta argigixisada iyo kor u qaadista arrimaha xasilinta iyo dowladnimada. Waxaa kale oo qorshaha ku qornaa war murtiyeedka ku jiray in xilliga xilka iyo mas’uuliyadda la wareejinayo oo ah bilaha iyo sanooyinka soo socda, la hubiyo strategyadda, arrimaha ahmiyadda la siinayo, hadafka la leeyahay iyo qaabka ay ku dhaceyso mas’uuliyad wareejinta oo ay ku jirto hubinta deganaashiyaha, dhismaha dowladnimada iyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidanka qalbka sida, booliiska iyo cadaaladda si loo hubiyo nabad waarta oo ka hirgasha Soomaaliya. Tilaabada ugu horeysa, kooxaha daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa ay dejinayaan qorshaha mas’uuliyad wareejinta oo bilaabaneysa 31 December 2017, si qorshahaasi loo dhameystiro ka hor shirka ay AMISOM codsatay ee golaha ammaanka oo dhacaya 2018-ka. Xilli illaa Kun askari oo AMISOM ay dalka ka baxayaa dhammaadka bishan, waxaa shirka looga hadlay sidii maal-gelin loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida iyo in la dhaqan-geliyo heshiiskii ammaanka ee London lagu saxiixay May 2017-kii. Heshiiskaasi waxaa uu dhigayaa in la dhiso illaa 22,000 ciidan oo ay ku jiraan 4,000 oo gaar ah, waxaa kale oo lagu darayaa 32,000 oo booliis ah. Todobaadkan maamulka Puntland ayaa 2,400 oo Daraawiish ah ku wareejiyay dowladda federaalka ah, waxaana la filayaa in maamullada kale qaadaan tillaabo taasi la mid ah si loo helo ciidamo qaran oo hanta amniga dalka iyo dadka. Goobjoog News Source
  21. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay fududeeyeen qaraxyo ka dhacyo magaaladda muqdisho. Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay. Ragga la Xukumay ayaa kala ah. C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay PUNTLAND POST The post Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Shabaab appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si adag uga hadlay mas’uuliya darida lagula dhaqmo Xubnaha kamid noqda baarlamaanka Somalia marka uu wakhtiga ka dhamaado kadib. Xildhibaan Xiddig waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada uu wakhtiga ka dhamaaday ay ka khibrad badan yihiin kuwa hadda ka tirsan baarlamaanka Somalia, hase ahaatee dowlada Federaalka ay u muuqato mid indhaha ka qabsaneysa mas’uuliyada ka saran Xubnaha dhameystay wakhtigooda baarlamaanka. ‘’Waa arrin dhacda in dowlada Somalia ay dayacdo mas’uuliyada ka saran Xildhibaanada xilkooda dhameystay cid waliba wey aragtaa waxa ka taagan dalka’’ Xildhibaan Xiddig wuxuu sheegay inay ahmiyad u arkaan in xildhibaanada wakhtigooda uu dhammaaday looga faa’ideysto howlaha kale ee dalka. Waxa uu cadeeyay in meelaha looga baahan yahay Xildhibaanada dhameystay wakhtigooda ay kamid yihiin sida Guddiyada Madaxa banaan, isaga oo sheegay in hada Guddiga loo saaray dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan badankood ay yihiin dad qurba joog ah oo aan waxba kala socon Dastuurkii ka horeeyay. Xiddig wuxuu intaa ku daray in xildhibaanadii ka mudnaa arrintan ay hada ku dayacan yihiin magaalada Muqdisho, taasina ay tahay sharaf dhac usoo hoyaneysa dowlada Somalia. Waxa uu Xildhibaan Xiddig sheegay inaan la garankarin halka ay dhibaatada ka heysato Soomaalida, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in laga run sheego mas’uuliyada ay qaadan Madaxda Qaranka ee la dhaariyay. Haddalka Xiddig ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia ay yihiin kuwo aan khibrad shaqo u laheyn howlaha ay hayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xil. Xiddig oo shaaciyey hal arrin oo dhibaato ku ah mas’uuliyiin ka tirsan DF oo laga jiiftay xalinteeda appeared first on Caasimada Online.
  23. Sanca (Puntlandi) Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah curadka madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalix, ayaa wacad ku maray inuu u aargudidoono Aabihii oo shalay si fool xun loogu dilay magaalada Sanca ee dalkaasi. Axmad Cali Cabdalla Saalix oo taliye u ah 80,000 askari oo ah Unuga ilaalada Jamhuuriyadda, ayaa sheegay inuu isagu hogaamindoono dagaal kama dambays oo lagusoo afjaridoono Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaas oo haysta qeybo badan oo katirsan dalkaas. Dagaalka Aniga ayaa hogaaminaya ilaa Dalka laga saaro kan ugu dambeeya ee ka tirsan Jabhada Xuuthiyiinta. sidaas waxaa yiri, Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah Wiilkii uu dhalay Madaxwaynihii hore ee Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo ay Xuuthiyuuntu dileen. Hogaamiyihii fallaagada Yemen ahna, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, ayaa inta aan la dilin ka hor wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada. Puntlandi.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Amniga Qaranka oo uu furay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kaa oo ahmiyad gaara u leh dalka. Shirka ayaa la filayaa in manta lasoo gabagabeynaayo waxaana wajiga koowaad ee shalay si hordhac ah looga soo saaray qodobo dhowr ah. Qodobada hordhaca ah ee laga soo saaray wajiga koowaa ee shirka shalay ayaa waxaa kamid ah in dib u habeeyn lagu sameeyo qaybaha Amniga ee DFS iyo Dowladaha shisheeye ee Somalia garabka kusiiya amniga. Dib u habeynta lagu sameynaayo amniga ayaa shirka lagu sheegay inay ahmiyad gaara u leedahay Somalia oo Horumar dhanka amniga ah gaartaa. Wakiilada qeybta ka ah shirka ayaa dowlada Somalia ku amaanay sida ay u hirgalisay qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kasoo baxay shirkii London oo ay kamid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda. Sidoo kale, waxa ay madaxda shirka qeybta ka ah si hordhac ah ugu heshiiyeen Illaa iyo 3 qodob oo la isku raacay in lasiin doono mudnaan gaara waxa ayna kala yihii: 1-In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka ee la isku afgartay. 2-In si deg deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. 3-In lasii wado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la isla fahmay in shirka xiga ee amniga Qaranka lagu barbar qabto shirka Golaha iskaashiga Somalia ee la filaayo inuu dhaco bartamaha Sanadka soo socda ee 2018. Dhinaca kale, waxaa si wada jir ah leysugu raacay in deegaanada ku jira gacanta al-Shabaab dib loo xoreeyo isla markaana lagu wareejiyo ciidamada dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Qodobo hordhac ah oo laga soo saaray Shirka amniga ee ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.