Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,168
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Nov 2017 safar shaqo ku gaadhey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha iyo weftigiisaba. Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu-duwayaasha gobolka ee Wasaaraddaha Waxbarashada, Caafimaadka, Degaanka, Haaweenka, Xanaanada Xoolaha iyo caddaaladda, taliyaha Booslika gobolka Sanaag iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaasi. kahor inta aanay soo gaadhin weftiga uu hormuudka u ahaa Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa ay soo kormeereen dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo taas oo dhismeheedu u jiro wax ka yar 20Km magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Badhan iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu tilmaamay Agaasimuhu in todobaad kahor uu gobolka u yimid hawlo shaqo xiligaas oo ay isku day faragelin la damacsanaayeen gobolka maamulka Soomaaliland . Sidoo kale Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa sheegay in dhowaan xukuumadda dawladda Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gobolka ka hirgelindoonaan todoba saldhig kuwaas oo dhismohooda laga dhagax dhigidoono todoba magaalo oo kamida gobolka, isla markaana Afartii ugu horeeyey maalinimada berrito uu dhagax dhigi doono Agaasimuhu iyo sidoo kale sadax magaalo oo iyana kamida gobolka ayaa laga hirgelindoonaa ‘MCH’ goob Hooyada iyo Dhalaanka ah. “Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa inaan idiin wadno oo xafiiska Madaxweynuhu ka fulin doono gobolka todoba saldhig, kuwaas oo laga fulindoono todoba magaalo oo kamidda gobolka oo afartii ugu horeeyey berrito aan dhagax dhigidoono dhismohooda, sidoo kale sadex goobood oo Hooyada iyo Dhalaanka lagu xanaanayndoono iyana laga samayn doono sadex magaalo oo kamid ah gobolka” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl. “Laba weji baan ka dhigi doonaa shaqada, midi berri buu bilaabmayaa wuuna dhamaystiran yahay qorshihiisu, muddo kooban oo kayar 45 cisho ayaanu rabnaa inaanu kusoo gebagebayno madaama ay ka dawlad ahaan dhankayaga aan waxba nagu qabyo ahayn, magaalooyinkaas waxaa ugu horeeya Magaalada Hadaaftimo, Yube, Damala-Xagare iyo Xingalool Afartaas qorshaha dhagax dhiggooda waxaanu kusoo afmeeri doonaa muddo afar cisho ah” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl. Dhinaca kale Agaasimaha ayaa xusay in magalooyinka wejiga labaad laga hirgelindoono Saldhigyada Booliska ay kala yihiin Carmale, Dawaco iyo Ceelbuh, waxaana iyana qorshaha labaad ku jirta hirgelinta sadex goobood oo ‘MCH’ ah kuwaas oo laga hirgelindoono magaalooyinka Yubbe, Hadaaftimo iyo Dama-laxagare. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon iyo duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa iyana dhankooda xusay in xukuumadda dawladda Puntland ay gobolka kawado kana hirgelisey mashriic horumarineed kuwaas oo waxtar u leh shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dawladda Puntland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in masriicdaa ay kamid yihiin Waddada Ceel-daahir-Caarigoobo, ceel biyoodyo tiro badan iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Magaalada Badhan, isla markaana waxaa ay Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan dawladda Puntlandba uga mahad-celinayaan hirgelinta siyaasaddooda ku aadan kaabida gobolada ka fog laamiga. Ugu danbayn, Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa uu kubooriyey guud ahaan shacabka gobolka Sanaag inay gacmaha is qabsaadaan si ay uga gungaadhan wax kasta oo ay ku horumarin karayaan gobolkooda. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha ciidamada Mareykanka ay gaareen degmada Matabaan. Maleeshiyo ku dhow 100 iyo gaadiid dagaal oo ay wataan ayaa dadka degaanka ku arkeen iyadoo ku sugan tuulada Madhooyo oo 25 KM u jirta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay halkaas uga dhuumanayaan duqeynta diyaaraadaha Mareykanka oo sii xoogeysatay muddooyinkii dambe. Qaar ka mid ah Shacabka tuuladaan ayaa idaacada Kulmiye usheegey in ay arkeen dagaalamayaal Al-shaab katirsan oo wata gaadiid Dagaal oo Gaaraya ilaa 5 Gaadiid waxaana tirada Ciidanka Shabaab ee Gaaray Matabaan lagu qiyaasaa ku dhawaad 80 Dagaalame iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaabkii Gaaray Tuulada Madhooyo ay Fariisin ka sameestayn Dhulka Buuraha ah iyo dhul kale oo keyn ah. Saraakiil Ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa sheegey in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-shbaab ay ka wadaan deegaankaas inkasto ay ku tilmaameen ragaas Al-shabab ka tirsan kuwo raadinaya goobo ay gabaad ka dhigtaan kadib markii ay korartay Duqeymaha Dhinaca Cirka ah oo ay wadaan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya. Degmada Matabaan ayaa la sheegay in ay ku yaalaan dhul Buuraley ah iyo deegaano keyn ah oo Al-Shabaab Gabaad u noqon karo, Maraykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha dhinaca Cirka ah oo ay ku qaadayaan Saldhiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Kooxda Ahlu suna oo degaankaasi ku dhow ayaa ka war heshay dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Alshabaab ka wadaan degaanada hoos taga degmada Matabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa talaadadii is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Madaxda Xillgan Afrika Ugu Muddada Dheer: (1). Teodoro Obiang Nguema Mbasogo: Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979 Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay! Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub. (2). Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982. Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo. Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!! (3) . Yoweri Museveni – Madaxweynaha Uganada 29 January 1986 Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii, waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote. Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay “Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!! (4). Boqor Mswati III (Swaziland) – 1986. Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!! Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!! Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!! (5). Cumar Xasan Al-Bashir – Madaxweynaha Suudaan 1989 Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989-kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi. Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka! (6). Idriss Déby – Madaxweynaha Chad 1990 Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990-kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména. (7). Isaias Afwerki – Madaxweynaha Eritrea 1993 Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamiye aanIsaias Afwerki aheyn!! Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karto, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!! (8). Paul Kagame Hoggaamiyaha Rwanda 1994 1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay. Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000. Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!! (9). Denis Sassou Nguesso – Madaxweynaha Republic of the Congo 1997 Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997. Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!! (10): 1999: Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa, Boqorka Moroco, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanaha Gabon Cali Bongo!! Kooxda Record-kooda Aan La Jabin: Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah : Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!! Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!! Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha Gabon, waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talinayey!! W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
  4. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland. Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay. Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Ee Muqdisho Cowke http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Raisilwasaare-Xigeenka-Soomaaliya-.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
  5. I am writing in response to the open letter published by Qarannews.com on November 19th, 2017. The letter is authored by an individual who signed his name as: Khalid Sahid Dirir. The author made a weak attempt to undermine the integrity of the Republic of Somaliland NEC or National Elections Commission. The allegations listed in the open letter fail to accrue enough evidence to question the integrity of Somaliland electoral process. Although the letter starts to acknowledge that the Republic of Somaliland had previously held successful elections, the remainder of the arguments presented in of Mr. Dirir’s letter is filled with a cunning attack on the Somaliland electoral system. Mr. Dirir’s open letter suggests some of the reported irregularities in the election call for ‘the cancellation of the current election process;’ and the dismantling of the NEC. I find these suggestions ludicrous. The letter reflects only one political party’s concerns on few irregularities which can be resolved in the appropriate legal channels. NEC is bound by the legal system enshrined in the constitution of the Republic of Somaliland. Perhaps it would be customary to echo the notion that ‘there is no such a thing as a perfect democratic election’; yet democracy works best to facilitate citizens’ inclusion in the political process, social change and smooth political transfer. Both the independent local and international observers disagree with Mr. Dirir’s analysis. First, SONSAF, the Somaliland non-State Actors Forum, which is a conglomeration of non-governmental local agencies mobilized 600 independent observers who oversaw the election process of 41% of the 1642 polling stations. SONSAF presented a preliminary report in a press release on November 15th, 2017, and concluded that “the November 13th, 2017 election was peaceful and smooth administratively; at the same time the presidential election was free when it comes to NEC compliance of the laws and regulations.” Second, although the sixty international observers noted some areas of concern, their press release on November 16th, 2017 concluded that “[they] did not observe irregularities at a scale that would undermine the integrity of the electoral process.” Given these independent analysis, Mr. Dirir’s open letter failed to persuade its readers and Somaliland international partners on any of the issues. The Republic of Somaliland is in a region plagued by political turmoil (e.g. recent Kenyan elections), but there is an overall consensus on the competence of Somaliland’s NEC. The institution successfully utilized the latest biometric technology to minimize voter fraud and pursued highest standards of transparency. NEC’s integrity sets a great example for neighboring countries to manage free and fair elections. The Republic of Somaliland evidently acquired great potential to inspire democratic political engagement for African nations and the rest of the developing world. I am confident that Mr. Dirir’s letter will not cast a shadow over the free and fair elections in hopefully the country which will soon be the youngest state in the Horn of Africa. Omar, MSc, Researcher at the University of Texas, Antonio, USA
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal, Waxgarad, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween Ehel iyo Qaraabo la ah Dhibane Fa’iza Cabdi oo ah Gabadhii sida xun loogu dhibateeyey Magaalada Boosaaso oo hadda dhaawicii loo getstey u jiifta Cusbataalka Erdogan Ex. Digfeer oo kulan ku qaatay Maanta Magaalada Muqdisho ayaa Eedayn u soo jeediyey Dowled Goboleedka Puntland, waxayna ku eedeeyeen iney Xukuumaddu ka gaabisay xal u helida kiiska Gabadhooda Nabadoon Bashiir Caydid oo ugu horayn kulanka ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan u Mahad celinedynaa Madxwaynaha Jubbaland Mdane Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo gacan ka gaystey soo qabashada Eedeysanihii dhibaatada geystey, kasoo hadda lagu hayo Magaalada Garoowe” Nabadoon Bashiir waxa uu wax kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay in uu ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cumar fara Weyne, waxa uuna yiri. “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in aaney waxba ka jirin hadalka uu sheegay Axmed Fara Weyne oo Magalada Garoowe ka sheegey in arinta Gabadheena Faa’iza la dhameeyey oo markii hore la siyaasadeyey hadana ay ka wada hadleen Ehelada labada dhinac , arintaas ayaan beenineynaa, waana wax kama jiraan”. Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Shiik Cumar Shiikh Abuukar oo codsaday in Maxkamd Cadaalad ah la hor keeno Eedaysane Cabdulqaadir Warsame, waxa uuna yiri. “Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tan Dowled Goboleedka Puntland si sharaf leh uga codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii ninka dhibaatada intaa la’eg Gabadha u getstey Cadaaladda la hor keeno”. Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Aabaha Faa’iza waxa uuna yiri. “Gabadheyda cid iiga xog-ogaalsan ma jirto, sedax jeer ayaa Qaliin lagu sameeyey ilaa iyo hadana xaalkeedu ma fiicna, waxaa la ii sheegay in ninkii Gabdheyda dhibaatada foosha xun u geystey iyadoo xaaladeedu Qatar tahay uu ku raaxeysanyo Magaalada Groowe, waxa uuna garab badan ka helay eheladiisa kuwaas oo hore ugu saacidey inuu Kismaayo u baxsado”.
  7. Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa war kasoo saartay war kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] iyo Dowladda Somalia, kaas oo sheegaya in la duqeeyay xero Tabbabar oo Al-habaab ku lahaayeen gobolka Bay. Afhayeenka hawl-galada Al-shabaab, C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay Idaacada ku hadasha Al-shabaab ku hadasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqeyn Mareykanka fuliyay lagu dilay 100 xubnood oo ka mid ah xoogaggooda. “Waxba kama jiraan warka ay baahiyeen Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, Warkaana waa mid aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Abuu-muscab. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inaysan jirin mid ka mid ah xoogagooda oo la dilay, isagoo xusay in warka ka soo yeeray Mareykanka lagu qarinayo fashilin iyo Guul-darrooyinka Mareykanka iyo xulafadiisa kasoo gaaray dagaallada ka socda Somalia. Dhanka kale, War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo shalay oo ay ka fuliyeen meel 125-mayl u jirta Muqdisho ay ku Qaarijiyeen 100 Askari oo ka tirsan Ururka Al-shabaab. Ugu dambeyn, Sannadkii hore 2016-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu sheegtay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Hiiraan uu ku dilay boqol xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo isku diyaarinayay inay Weeraro ku qaadaan xeryaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Afhayeen u hadlay Kooxda Al-shabaab oo beeniyay in saldhig ay leeyihiin la Duqeeyay appeared first on Puntland Post.
  8. Ugu yaraan hal askerti ayaa ku dhintay,tiro kalena waa ku dhaawacantay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida ay soo weriyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa lagu weeraray ciidanka Xasilinta caasimadda,wuxuuna qabsaday gaadiid ciidankaasi wateen oo marayey isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay Booliiska Soomaaliya. Saraakiisha hawlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho,weli wax faahfaahin ah kama bixin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay,laakiin ururkaAl-shabaab ee fallaagada ah ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen,islamarkaana ay ku dileen asker ka tirsan ciidanka xasilinta. Ma weli war sugan lagama hayo khasaaraha qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  9. Harare (PP) ─ Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku laabto Harare oo ah xarunta dalka Zimbabwe, isagoo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka Madaxweynenimada Zimbabwe kaddib is-casilaaddii Robert Mugabe, sida ay baahisay BBC-da. Mnangagwe ayaa u baxsaday Koonfur Afrika Labo toddobaad ka hor, kaddib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna Dalkiisa ku Laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF. Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay inuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah. Afhayeenka xisbiga ayaa sheegay in ninkan oo 71 jir ah uu dhamaysan doono mudada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha sebtembar ee sanadka 2018-ka, xiligaas oo la qaban doono doorashooyinka guud. Waxaa lagu naaneesaa ‘Yaxaaska’, waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran. Isaga oo waraysi siiyay wargeyska NewsDay ayuu yiri “Anaga oo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno dimoqoraadiyadeena, islamarkaasna wax kasta aan si cusub u biloowno dalka oo dhan”. Sida uu qabo dastuurka, madaxweynaha kumeelgaarka ah waxaa qabanaya madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa in uu xulufo la yahay xaaska Mugabe, Grace, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday. Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah. Waxa uu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii. Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah. David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Midoowga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe” ayuu yiri. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee dalkaas appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo warbaahinta Maanta Muqdihso kula hadlay ayaa soo dhaweeyey Doorashadii Somaliland ka dhacday, iyo Guusha uu ka gaaray Xisbiga Kulmiye. Waxa uu sheegay in Doorashada ay Saddexda Xisbiga iyo Dadka Deegaanada Maamulkaasi ay ka heleen ilbaxnimo, isla markaana ay tahay Guul usoo hoyatay. Soomaaliya ayuu sheegay in ay kusoo beegan tahay doorashada qof iyo codkii ee la filayo 2020 ama 2021-ka, Cashirne looga qaadan karo Doorashadaasi. Shacabka ayuu sheegay in ay ka tuusaaleysan karaan sida loo doorto Qofka ay rabaan, Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, isla markaana Waqti Xileedkiisu yahay 5-ta Sano Soo socoto. Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ku tilmaamay in uu yahay qof xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxa uuna ka rajeeyey in uu sii wado Wadahadala Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Kaalin muhiim ah ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Muuse in uu ka qaadan karo wada hadalkaasi, isagoona ka dalbaday in uusan seerin Fursadda sida uu hadalka u dhigay. Muuse Biixi ayaa ku guueleystay Doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Deegaanada Somaliland, waxaana Natiijadii lagu dhawaaqay 21-kii November oo Shalay ku beegneed Ku guuleystay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sidaan u qornaa: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland. Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa talaadadii is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Madaxda Xillgan Afrika Ugu Muddada Dheer: (1). Teodoro Obiang Nguema Mbasogo: Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979 Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay! Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub. (2). Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982. Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo. Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!! (3) . Yoweri Museveni – Madaxweynaha Uganada 29 January 1986 Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii, waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote. Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay “Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!! (4). Boqor Mswati III (Swaziland) – 1986. Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!! Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!! Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!! (5). Cumar Xasan Al-Bashir – Madaxweynaha Suudaan 1989 Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989-kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi. Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka! (6). Idriss Déby – Madaxweynaha Chad 1990 Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990-kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména. (7). Isaias Afwerki – Madaxweynaha Eritrea 1993 Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamiye aan Isaias Afwerki aheyn!! Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karo, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!! (8). Paul Kagame Hoggaamiyaha Rwanda 1994 1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay. Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000. Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!! (9). Denis Sassou Nguesso – Madaxweynaha Republic of the Congo 1997 Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997. Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!! (10): 1999: Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa, Boqorka Moroco, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanaha Gabon Cali Bongo!! Kooxda Record-kooda Aan La Jabin: Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah : Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!! Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!! Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha Gabon, waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talinayey!! W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta Guddoonsiiyay Visa Caafimaad Waalidka dhalay Wiil 7-Sano jir ah oo waddanaha ka xanuunsan. Maxamed Cumar Maxamed ayaa ku dhashay Xanuunka dhanka Wadnaha ka haya, waxaana waalidiinta dhalay oo danyar ah ay Awoodiwaayeen in ay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaama aan dalka wax looga qabankarin. Wiilkaan yar oo kunool degmada Boondheere ayaa dadka degmadaasi oo kaashanaya maamulka degmada , waxa ay xaaladiisa Caafimaad kusoo wargeliyeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana Gudoomiyaha ugu dambeyntii Maanta uu siiyay Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga. Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmaddaan. Waxaa uu u mahadceliyay dadka kunool degmada Boondheere, sidda ay ugu soo wargeliyeen maamulka gobolka Banaadir dhibka heysta wiilkaasi yar. Aabaha dhalay Wiilkaasi ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in dhawaan ay aadi doonaan dalka Turkiga maamulka gobolka Banaadirna ay arintaasi ka caawiyeen. http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/taabid.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa waxaa Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka ka imaanayo Degmada Hodan. Sida ay wararka sheegayaan Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta, xilli ay ku lugeynaayeen Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha. Miinada ayaa lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana la qarxiyay xilli ciidanka ay marayeen meel ku dhaw goobta lagu aasay Miinada ee Isgoyska Tarabuunka, Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qaraxaasi, waxaa kale ku dhaawacmay mid kale sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi waxa ay sheegeen inay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya. Marka laga soo tago sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda inuu ku dhintay qaraxaasi. Ciidamo kale oo gurmad ah oo soo gaaray ciidanka qaraxa lala eegtay ayaa goobta ka sameeyay hawlgal waxayna soo qabteen dhawr qof oo ay tuhmayaan inay falkaasi ka dambeeyeen. Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Hotel Nasa Hablood 2 waxay Magaalada Muqdisho ku jirtay Xaalad amni, iyadoo ay Ciidamada dowladda sii laba jibaareen baaritaanada ay ka wadeen Magaalada. Ciidamada Al-Shabaab ayaa dhawr sano ka hor laga saaray Magaalada Muqdisho, balse waxaa socdo ilaa hadda weeraro iyo qaraxyo gaadmo ah oo ay kooxdaan ka wadaan Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Canberra (Caasimadda Online) – Xildhibaanad ka tirsan aqalka sare ee dalka Australia ayaa ka dagaysa xilkeeda kadib markii la ogaaday in ay heysato baasaboor labaad oo aan ahayn kan Australia. Sharciga Australia waxa uu mamnuucayaa in qofka baarlamaanka galaya ama qabanaya xil sare uu heysto jinsiyad kale, wuxuuna sharcigan galaaftay siyaasiyiin badan oo uu ka midyahay Ra’isulwasaare ku xigeenkii. Xildhibaan Skye Kakoschke-Moore ayaa heysata dhalashada dalka Britain , xilka ayayna iska casishay kadib markii ay ogaatay in hooyadeed ay ka dhaxashay dhalashada dalkaasi kale. Arrintan la xiriirta labada dhalasho ayaa xitaa dowladda hadda xilka haysa ka dhigtay mid aanan aqlabiyad haysanin baarlamaanka dhexdiisa, kadib markii xildhibaanadii tiro dheerida ay ku heysteen ay iska casileen xilalkoodii arrintan darteed. Maxkamadda sare ee Australia ayaa bil ka hor xukuntay in qof heysta dhalasho kale uusan gali karin siyaasadda dalkaas. Ra’isulwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay in siyaasi kasta looga baahanyahay in uu shaaciyo haddii uu haysto dhalasho dal kale oo aan la ogeyn. Illaa 5ta bisha Diseembar ayaa loo qabtay siyaasiyiinta. Xukuumadda ayaa soo ceshan karta aqlabiyadeeda baarlamaanka haddii labo musharax oo xisbiga talada haya u taagan ay ku guuleystaan tartanka kursiga ay baneeyeen xildhibaanadii haystay labada dhalasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Heshiis dhinacya badan taabanaya ay la saxiixatay maamulka ‘Puntland’ ee kajira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ay labada dhinac ku saxiixeen Heshiis dhowr qodob ka kooban kaasi oo dan u ah dowladda Xabashida Itoobiya. Maamulka Puntland waxaa metelayay Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha maamulka halka Itoobiya uu heshiiska usaxiixay Haillameram oo ah R/wasaaraha wadanka. Heshiiska qodobada udub dhaxaadka u ah waa ladagaallanka Xarakada Al Shabaab oo ah Koox Argagaxiso iyo adkeynta amniga labada dhinac, sidoo kale warka kasoo baxay Itoobiya ayaa lagu yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen iskaashiga ladagaallanka Argagaxisada, isweydaarsiga ganacsiga,adkeynta xuduudda labada dal wadaagaan iyo dhaxgalka labada shacab”!. Cabdi Wali Gaas oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay Addis Ababa uu ahaa mid guuleystay, heshiiskan uu maamulka ‘Puntland’ lasoo galay dowladda Itoobiya ayaa khilaafsan qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ku dhaxmaray Muqdisho oo dhigayay in dowladda dhexe ay leedahay wada xaajoodka siyaasadda arrimaha dibadda. Itoobiya ayaa awood siyaasadeed iyo melleteri ku leh dalka Soomaaliya kadib markii ay ciidamadeedu qabsadeen dhowr magaalo oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka islamarkaana ay dhisatay maamul goboleedyo iyada uceynsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa $2 malyan oo Dollar,taasoo la soo mariyey hay’adda UNICEF,si loo caawiyo in ka badan 15 kun oo carruur ah oo nafaqa-darro ba’an ku haysato Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Safiirka waddanka Shiinaha u jooga Soomaaliya Mr. Qin Jian oo Talaadadii shalay la hadlay Warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in xukuumadda Beijing ay ka go’antahay in ay taageerto jawaabaha banii’aadantinimo ee Soomaaliya,si loo caawiyo kuwa ugu nugul ee carruurta iyo haweenka u badan. “waxaan rajaynayaa in UNICEF deeqdaan gaarsiiyo dadka tabaalysan,gaar ahaanna kuwa ku sugan degaannada fog-fog ee u baahan adeegyada naf-badbaadinta ,sida carruurta nafaqa-darrada la liita”,ayuu yiri Qin. Wuxuu sheegay in lacagtaan dawo iyo cunto nafaqeysan loogu iibin doono dadka aadka u nugul oo ay ku jiraan carruur gaaraysa 15 kun,kuwaasoo ay saamaysay abaartii dalka soo martay,islamarkaana ay haysato nafaqa-darro ba’an. “Waxaan ku faraxsannahay in aan UNICEF la shaqeyno si loo hubiyo caawinta kuwa ugu nugul ee haweenka iyo carruurta. waxaan si wada jir ah u caawineynaa shacabka Soomaaliyeed ee maraya xilligaan adag” ayuu yiri Qin. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa $2 malyan oo Dollar, maxaa lagu qaban doonaa? appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kulamo gaara kula leh Siyaasiyiin ka tirsan dowlada iyo kuwo madax-banaan. Sheekh Shariif ayaa lasoo warinayaa in shaqsiyaadkasi mucaaradka ah kala hadlaayo sida ay u taageeri lahaayen dowlada Somalia, iyadoo aan loogu roonaaneynin Farmaajo iyo Kheyre, balse la’eegayo maslaxada shacabka. Waxa uu Sheekh Shariif dhinacyadaasi Mucaaradka ah ka dalbanayaa in eedahooda aysan noqon kuwo dumiya dalka, balse ay noqdaan kuwo suuragalinkara in lagu dhiso dalka, waxa uuna xaqiijiyay in tani ay tahay fursad dhif ah. Mucaaradka uu la kulmaayo Sheekh Shariif ayaa waxaa ku jira Xildhibaano caan ah oo si joogta ah dowlada Federaalka uga dhaliila warbaahinta, waxaana xusid mudan in kuwaa ay ku jiraan kuwo uu dacwad ka gudbiyay Ra’isul wasaare Kheyre oo maalin un ka hor ay wada kulmeen Shariif Sheekh. Shariif ayaa sidoo kale, kala qaaday kulamada Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kale ee mucaaradka waxaana lasoo sheegayaa inay safaf dhaadheer ah ugu jiraan Hooygiisa ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde, iyadoo aan la ogeyn sababta qarsoon ee ku hoos jirta. Inkastoo aan la wada ogeyn go’aanka ay dhinacyadaasi ka qaaten qafiifinta mucaaradnimadooda ka dhanka ah dowlada, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar hoose oo sheegaya in tirro Xildhibaano ah ay diideen inay taageeran dowlada. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa u muuqanaaya inuu kala saaray Siyaasadiisa gaarka ah, isla markaana uu yahay mid aan caqabad gaara ku aheyn dowlada markii laga soo tago dagaal Siyaasadeedka Hoose ee uu kula jiro Farmaajo iyo Kheyre. Ma cadda isbedelka ku imaankara dhinacyada Mucaaradka ee kulamada kula jira Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weli miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Daraasad lagu sameeyay jiir ayaa muujineysa in dareenka xanuunku ku badan yahay madaxa iyo wajiga marka loo eego xubnaha kale ee jirka, iyaddoo sababtuna tahay goob goonni ah oo maskaxda ah ay sii kordhiyaan dareenka xanuunka labadaa meelood. Van Wang oo ka tirsan markaska caafimaadka ee jaamacadda Duke ee Durham gobolka North Carolina ee gudaha dalka Mareykanka ayaa tilmaamay iney eegeen siyaabaha uu jiirku xanuunka u dareemo, waxayna si gaar ah u eegeen goobaha xanuunka ee marka ay dhibaato soo gaarto wajiga iyo lugaha. Waxay arkeen in baraarujiyaasha xanuunku goobahaasi uu kala duwan yahay. Xanuunka lugaha waxa uu aadaa dhanka lafdhabarta kadib waxa uu usii gudbaa dhanka maskaxda qeybta lidka ku ah lugta dhibaatadu soo gaartay. Halka dareenka xanuunka wejiguna uu toos u aado goob maskaxda ah oo goonni ah. Wang ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in xanuunka saa’idka ah ee madaxa iyo wajiga uu si toos ah u saameynayo dareenka qofka xanuunsan… sidaa darteed waxaa muhiim ah, ayuu yiri, in la daweeyo dareenka qofka xanuunsan ee la dhibaatoonaya cudurada mudada dheer lala noolaado. Si kastaba, daraasaddan ayaa tilmaantan arrin qof kastaaba ogyahay oo ah marka uu goys ku xanuuno inaaney la mid ahayn marka ay lugi ku xanuuneyso. Cilbaarayaashu ma aaney sheegin sababta xanuunku ugu kala badan yahay xubanaha jirka, waxaase loo maleynayaa iney tahay muhiimadda uu madaxu u leeyahay jirka intiisa kale iyo dhawaanshiha uu uga dhaw yahay goobaha xanuunka laga sareemo. Goobjoog News, Source
  19. Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad aan heebtooda la garaneynin ayaa weerar Qaraxyo ah ku qaaday Hooyga Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle. Xildhibaankan ayaa la sheegay in lagu weeraray Bam Gacmeedyo xili uu ka maqnaa Hooygiisa, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga magaalada Jowhar. Qaraxyada lagu weeraray Hooyga Xildhibaanka oo inta badan laga maqlaayay magaalada Jowhar, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu khasaaro kasoo gaaray qeyskiisa. Xildhibaanka gurigiisa lagu tuuray bam gacmeedyada, ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Bashiir Qaasim Daqare. Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Marwada Xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa kadib markii Qaraxa uu ka dhex dhacay Hooyga. Sidoo kale, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in weerarkaasi looga shakisan yahay maleeshiyad maalmahaani ku cusbaa magaalada oo lagu dabajiray. Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay Qaraxa waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobaayo shaqsiyaadka ka danbeeyay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  20. The cause of Egypt’s fear of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) that it will enable the Sudan to use its full share of the Nile water, which has been going to Egypt as a “lend” since 1959, said the Sudanese foreign minister on Monday. “For the first time, a Sudanese (official) says this frankly, Sudan did not use its full share of the Nile water according to the 1959 agreement. The Renaissance Dam preserves Sudan’s water that was going to Egypt at the time of the flood and gives it back (to Sudan) in time of drought,” said Ibrahim Ghandour in statements to Russia Today. In a recent meeting held in Cairo, Egypt, Ethiopia and Sudan failed to reach an agreement on a report by two French consultative firms, BRL and Artelia, about the GERD’s impact on Egypt’s share of the Nile water and the dam’s ecological, economic and social impacts of the dam on Sudan and Egypt. The Sudanese Sudanese Water Resources, Irrigation and Electricity Mutaz Musa who represented his country at the meeting questioned the credibility of the study alluding it ignored Sudan’s share of the Nile water as it is provided in the 1959 agreement. “There is an agreement between Sudan and Egypt that this share is a loan in accordance with the 1959 agreement. Now the creditor can stop giving this lend and it is clear that the debtor does not want this tender to stop ..” Ghandour said on Monday giving a clear explanation of what the water minister had said. In line with an agreement between Egypt and Sudan in November 1959, Egypt has the right to 55.5 billion cubic meters of Nile water a year and Sudan 18.5 billion cubic meters per year. The who As Sudan didn’t use its full share, in agreed to grant Egypt one and half billion cubic meters of Nile water a year until 1977. Also, due to the lowering of water storage capacity of the High Aswan Dam by the sediment deposited in its reservoir, Sudan granted additional five billion cubic meters to Egypt. Egypt says the GERD would negatively affect the power production of the High Aswan Dam pointing that the filling of the Ethiopian dam will lower water volume in the reservoir of Lake Nasser. Last Saturday after the failure of Cairo meeting, Egyptian President Abdel-Fatah al-Sisi once again threatened Ethiopia saying that the Nile “water is a matter of life or death.”. “No one can touch Egypt’s share of water,” he stressed. Source: – Sudan Tribune
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqayn dhinaca cirka ah oo shalay subax ka dhacday duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee loo yaqaan ”AFRICOM, oo ka hadlaayay duqeynta ayaa sheegay in duqayntaasi ay ka dhacday deegaanka Buurcadde. Duqeynta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka ku leeyihiin deegaankaas, kaa oo lagu dilay 100 ka mid ah maleeshiyaadka al-Shabaab. Dowlada Somalia oo ka hadashay duqeynta ayaa dhankeeda ka sheegtay in lala beegsaday shaqsiyaad muhiim u ahaa al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Xukuumada Somalia. Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ka qeybqaaten ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uuna xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab. ”Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada al-Shabaab, duqeyntu waxa ay u dhacday sidii loogu tallo galay waxaana lagu dilay ilaa 100 maleeshiyo” ayuu yiri Wasiirka. Waxa uu sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay sii wadi doonto dagaalka cirka ah oo ay kula jirto al-Shabaab, si buu yiri loo yareeyo tirada maleeshiyaadka qaswadayaasha ah. Waxa uu intaa raaciyay inay jiraan goobo kale oo ay ahmiyad u arkaan dowlada iyo saaxiibada caalamka kuwaa oo ay ku dhuntaan maleeshiyaadka balse ay soo afjari doonaan haddii ay soo baxaan fursado kale. Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa khasaarooyin is xigxiga la kulmaayay tan iyo markii ay xasuuq ka geysteen Isgooyska Zoobe oo ay ku dileen in ku dhow 400 oo shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa la filayaa inay maanta ka shiraan qodobo dhowr ah, waxaana la horgeynaa hindise sharciyeedyo ay soo diyaarisay Wasaarada amniga ee Xukuumada Somalia. Hindise sharciyeedyada la horgeynayo Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila. Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa sidoo kale hortagaaya Xildhibaanada waxaana uu ka hor aqrin doonaa labada sharci ee kor ku xusan. Sharciyadaan ayaa golaha Wasiirada Xukuumada Somalia markii ay ansixiyeen waxaa ay sheegeen in ay yihiin kuwo muhiim ah isla markaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrinta 1aad Aqrinta 2aad iyo Aqrinta 3aad ka dib. Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob. Qodobka 35-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya awooda qaadista dacwadaha xeerkan, waxa uuna u qoran yahay sidatan. 1-Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal dambiyeedka argagixisada ee uu xeerkan tilmaamayo. 2-Cid kasta oo ay cadaato in eedeynta loo soo jeediyay aysan aasaas lahayn kana soo gaarta waxyeelo sharafeed iyo mid hantiyadeed, waxa uuna xaq u yeelanaya raali gelin mag dhaw u dhiganta mida soo gaartay. Qodobka 31-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya qaabka koox loogu tilmaami karo argagixiso. 1-Hadii Wasiirka wasaarada u xil saaran amniga gudaha uu hayo sababo macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayin ahi ay ku lug leedahay howlo argagixiso,waxa uuna isaga oo cuskanaya xog sugan oo ay so gudbiyaan taliyaasha hay’ddaha amniga soomaaliyeed isaga oo wargelinaya cid ay khuseyso waxa uu ku dhawaaqaya kooxdaasi ay tahay koox argagixiso iyadoo la raacayo xeerkaan. Sidoo kale hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila waxa uuna isna ka kooban yahay 10 qodob. Geesta kale, Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka wax dilo ayaa hadii la ansixiyo waxaa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu golaha shacabka horgeeyo Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dilo oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa. Waxa uu wasiir Islow uu xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhrin doonaa Labadan hindise sharciyeed. Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmariyey Labadan Sharci, waxaana golaha shacabka iyaguna laga doonayaa markii ay dhameeyaan akhrintiisa iney codka u qaadaan. Labadan Hindise sharciyeed ayaa ah kuwo aad ugu muhiimsan amniga guud ee dalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale Goobjoog News Source