-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-04112018-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Tukaraq)-Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uu xalay niskii hore dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo halkaas isku hor fadhiyay ilaa horraantii sanadkan. Ciidamada Puntland ayaan weerar gaadmo ah ku soo qaaday Somaliland sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo isla xalayba is taagay. Dagaalka ayaa imanaya iyada oo ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Haysom shalay iyo dorraad Garoowe iyo Hargeysa u joogay sidii xal looga gaadhi lahaa colaadda Tukaraq ee soo noqnoqotay lamana oga sababta maamulka Puntland u carqaladayso nabadda xilliyada beesha caalamku dhaqdhaqaajiyo dadaallo nabadeed. Geesta kale isla xalay ayaa degaanka Dararweyne lagu dilay nin dadka degaanka ka mid ah. Ma jiro war ka soo baxay sababta dilka iyo cidda ka dambeysay. Waxa halkaasi hore uga dhacay dagaallo laba beelood u dhexeeya kuwaas oo dhawaan heshiis la dhex dhigay. Source
-
Wasiirkii Tamarta iyo biyaha xukuumada Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumada Soomaaliya. Laftagareen uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu iska casilay xilka wasiirnimo kadib markii shuruudaha musharaxiinta madaxtinimo ee Koonfur Galbeed lagu soo daray in uu iska casilo musharax haddii uu hayo xil kale. “Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay” ayuu yiri Lafta gareen Laftagareen ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u tartameeyso xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Mid kamid ah Wasiirada Raisilwasaare Kheyre oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu is casilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen). Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo. Lafta gareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay ayuu yiri Laftagareen. Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya. Lafta Gareen ayaa kamid ah Musharixiinta loo saadaalinayo Koonfur Galbeed, waxaana la isla dhex marayaa inuu garab weyn ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka iscasilay https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-laftagareen.mp3
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan. Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo. Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom. Nicholas Haysom waxaa haækaas ku sugayay oo soo dhaweeyey Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug, Safarkaan uu Ergayga Gaarka ah ku yimid Gaalkacyo wuxuu ugu dambeeyey Safardiisii isbarashada ahaa ee uu ku marayay Dowladaha Soomaaliya. Safarkaan wuxuu kusoo aadey xili uu Galmudug ka jiro isqabqabsi Siyaasdeed oo sababay in loo kala jabo laba garab oo garab walbaa Madaxweyne leeyahay. Garabka Cadaado oo dhowaan Madaxweyne ku doortay halkaas waxaa dabda ka riixaya Villa Soomaaliya laakiin Safarka maanta uu kula kulmey Nicholas Haysom Madaxweyne Xaaf waxay muujinaysaa inuu Xaaf wali yahay Madaxweynah Rasmiga ah ee Maamulka. Faahfaahinta Safarka Ergayga gaarka ah kala soco Puntlandi.com Source
-
Waxaa magaalada Muqdisho ay Xukuumadda Soomaaliya ku soo daadguraysay Ilaa 85 xildhibaan oo ka tirsan Baarlaamnak Koonfur Galbeed, kuwasoo lagu soo sasabay lacag iyo ballan qaadyo kale oo lagu qaldayo. Xukumaddu qorshaha ay wadato waa inay xildhibanadaas ku hayaan Mogadishu ilaa inta doorashada laga gaarayo, si ay codka u bixiyaan iyagoon la kulmin musharixiinta kale. Xildhibanada ayaan ikhtiyaar u lahayn inay Garoonka Muqdisho ka dhoofaan oo ay ku noqdaan Baydhabo, mana jiro dariiq kale oo ay Baydhabo ku gaari karaan maadaama aan jidka la mari karin. Ku tagri falka awoodda dowladnimada ee ay caadaysteen madaxda xukunka Federaalka haysaa, waa mid horseedi karta burbur hor leh iyo amni darro baahsan oo kasoo cusboonaata maamaladdii xasiloonaa. Waxay isticmaalayaan musuqmaasuq heerkii ugu sarreeyay abid taariikhda Soomaliya taasoo ay u adeegsanayaan marooqsiga awoodaha heer dawlad goboleed iyo heer Federaal intaba. Lacaga xad dhaafka ah ee sida sharci darrada ah ay Qadar ugusoo waariddo Soomaaliya ayaan haba yaraatee loo isticmaalin in anniga dalka wax lagaga qabto ama lagu fuliyo mashaariic horumarineed oo dalka iyo dadkuba ay baahi wayn u qabaan. Burburinta maamul Goboleedyada ayaa ah mashruuca ugu wayn ee lacagta Qatar loo isticmaalayo. Doorasha foodda inagusoo haysa ee KG ayaa go,aaminaysa inuu mashruuca burburintu sii socon karo iyo in kale. Dowladda Federaalku waxay xoog iyo xeelba isugu gaynaysaa siday ugu adkaan lahayd doorashadaas guushuna ku raaci lahayd musharaha aan ka turjumayn rabitaanka shacabka KG ee ay iyagu wataan. Xildhibaanada ay Muqdisho kusoo ururiyeen ayaa cadadkoodu gaaraya 85 xildhibaan taasoo looga golleeyahay inay ku guulaysan karaan hadday codka wada siiyaan. Waxaa la is waydiinayaa lacagta, ballan qaadyada mugdigu ku jiro iyo cago juglayntu ma noqonayaan kuwo xildhibaanada dhaxalsiiya inay codkooda dhaafsadaan. Xildhibaanadu waxay dareemayaan bahdil, magac-xumo iyo xorriyad la’aan. Sidii laga bartay doorashooyinkii dalka horay ugasoo dhacay, si kastoo qofka loo jajuubo isagaa iska leh go,aanka ugu danbeeya ee codkiisa maada qaabka codka loo bixinayaa uu qarsoodi yahay. Waxaa kaloo caqabad noqonaysa madasha doorashada oo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud ka kala imaanaysa dal iyo dibadba. Puntlandi.com Source
-
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa go’aano cabudhin ku ah warbaahinta oo uu soo saaray Wasiirka Warfaafintu Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu. 1 November 2018 wuxuu Wasiirka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, u qoray waraaq Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu ka codsaday inuu “talaabo sharci ah” ka qaado labada telefiishan ee kala ah Saab iyo Star. Wasiirku wuxuu ku eedeeyey labada telefiishan inay jebiyeen amar hore oo ku waajibinayay warbaahinta “inaanay wax xidhiidh ah la samayn kooxda budhcadda ah ee Caare,” sida waraaqda wasiirka oo ay aragtay Xaruntu lagu sheegay. Waraaqda Wasiirku waxaay ka hadlaysaa sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka oo ka tegay, sheegayna inuu samaystay waxa uu ugu yeedhay “jabhad hubaysan oo mucaarad ah.” Wasiirku wuxuu sheegay in labada telefiishan ay “si badheedh ah u baahiyeen 27 October 2018 war dhaawac ku ah Qaranimada,” wuxuuna ka codsaday Xeer-ilaaliyaha Guud inuu talaabo ka qaado Saab iyo Star si “looga hortago in warbaahin kasta fidiyaan warar khalkhal gelinaya amaanka iyo xasiloonida dalka.” Maamulka mid ka ah telefiishanada wasiirku magacaabay ayaa u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jebin shuruucda Somaliland, balse ay sii daayeen war uu tebiyay “sarkaalka ka goostay ciidanka.” Maaha markii kowaad ee Wasiirka Warfaafintu uu soo saaro amar hadidaad iyo cidhiidhi ku ah xorriyadda warbaahinta. Amar hore oo uu soo saaray wuxuu ku amray inaan warbaahinta Somaliland ka warami karin arimo khal-khal gelin kara amaanka. Todobaadkii hore, badhasaabka Sool wuxuu ku amray suxufiyiinta ka shaqeeya gobolkiisa inaanay ka warami karin maamulka Puntland. 29 kii May 2018, wasiirku wuxuu xayiray labada telefiishan ee SOMNews iyo SBS. Markii danbe xayiraadii waa laga qaaday SOMNews. Xarunta Xuquuqal insaanku way ka walaacsan tahay mamnuucista isdaba joogga ah ee ka dhanka ah warbaahinta, gaar ahaan arimaha khuseeyo Sool iyo Sanaag. Waxa cad in falalka wasiirku ay cago juglayn ku yihiin warbaahinta islamarkaana ay yihiin isku day lagu faaf reebayo warbaahinta madaxa-banaan. Qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda warbaahinta, isaga oo reebay dhamaan falalka lagu cabudhinayo. Guleid Ahmed Jama Agaasimaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ Information Minister makes decisions restrictive to freedom of media Hargeisa- 5th November 2018 The Minister of Information of the Republic of Somaliland should stop recurrent decisions restrictive to freedom of media protected in the Constitution and the Press Law, Human Rights Centre said today. On 1st November 2018, the Minister of Information, Abdirahman Abdilahi Farah, wrote a letter to the Attorney General asking to take “a legal action” against two privately owned televisions, Saab and Star. The Minister accused the two television stations of violating a previous order banning Somaliland media “of making any communications with a robbery group led by Caare,” says the Minister’s letter seen by Human Rights Centre. The letter refers to a former military officer who left the Somaliland National Army and formed what he called “an armed opposition group.” The dispatch of the Minister states that the televisions aired “on 27th October 2018 news detrimental to the sovereignty” of Somaliland, and asked the Attorney General to take an action against Saab and Star televisions “to prevent the media to report news destabilizing the peace and security of the country.’ The management of one of the televisions named by the Minister told the Human Rights Centre that they have not violated the laws of Somaliland, but aired statement made by a “dissident colonel.” “This is not the first time the Minister of Information issued a decision threatening and squeezing freedom of media. In an earlier directive, he ordered the Somaliland media not to give coverage news that is “destabilizing the peace”. Last week the governor of Sool region instructed all journalists based in Sool not to provide any news coverage to Puntland administration or talk about anything related to Puntland,” says Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre. On 29th May, the minister banned SOMNews and SBS TV from operating in Somaliland. SOMNews was later allowed to operate. “We are very concerned about the restrictions against the media particularly on matters related to Sool and Sanaag regions. It is clear that the minister is intimidating the media, and is trying to impose censorship on the independent media,” he added. Article 32 of Somaliland Constitution guarantees freedom of media and stipulates “all acts to subjugate them are prohibited.” Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ — Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland Phone: +252634468227 Email: hrcsomaliland@gmail.com Home Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Isniinta maanta ah shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee heer Dowlad Goboleed. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee Jubbaland ka howlgala iyadoo diirada lagu saaray qodobadii kal hore la isla qaatay iyo qaabkii waxyaabaha ka dhiman loo hirgalin lahaa. Madaxweynahu wuxu ugu horayn Hay’adaha Amniga Jubbaland ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay qaadeen Ciidamada Darawiishta iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu warbixin ka dhagaytsay Taliyaha Cusub ee guutada 11aad ee qaybta 43 ee Ciidamada xooga isagoo Taliyahu uu sharaxay dardar galinta iyo dib u habaynta lagu samaynayo Ciidamada SNA. Sarakiisha Ciidamada AMISOM ee shirkan ka qaybta ah ayaa su’aalo laga waydiiyay waxyaabaha ka dhiman diyaar garowgooda iyo sidoo kale sidii howlgalka dhawaan la qaadi doono ay isugu diyaarin lahayeen waxaana ay sheegeen in ay arimo farsamo oo kaga dhiman talisyadooda ay sugayaan isla markana ay dardar galin doonan waajibaadka saaran. Waxyaabaha ahmiyada leh ayaa kala ah isku furida Degmooyinka xorta ah gaar ahaan wadada Afmadow iyo Kismaayo oo ay ciidamadu maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyeen iyo sidii horay loogu socon lahaa xoraynta deegaanada kale. Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay qorshaha Dhismaha Isbitaalka Ciidamada Jubbaland kaas oo hanaanka dhismahiisu uu yahay mid la amba qaadi doono dhawaan. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo gudoomiyay shirka golaha Amniga heer Dowlad Goboleed appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Gaalkacyo (Puntlandi.com) Waxaa goor dhow Magalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Baraxley gaaray ergayga gaarka ee Qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hogaaminayo. xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir . Wafdiga iyo Madaxa Galmudug waxaa u bilaawday shir albaabada u xiran yahay islamrkaana saxaafada ay dibada ka joogto. Inta kulanka uu socdo ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay ka wada hadli doonana xaalada siyaasadeed ee Galmudug sida loo xalin lahaa iyo qaabki la.isku soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Dowlada dhaxe ee somaliya oo hadda qilaaf xoogaan uu u dhaxeyo. Puntlandi.com Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo Villa Somalia lagu eedeyey inay faragelin ku heyso Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka tirsan Guddiga Doorashada Maamulkaas. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ku eedeeyey Dowladda Dhexe inay faragelin qaawan ku heyso Doorashada Maamulkaas isla markaasna ay arrintaas tahay mid ka baxsan Dastuurka Dalka u yaal. Xildhibaan Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo kamid ah Guddiga doorashooyinka maamulkaasi ayaa xusay doorashada ay ku qabsoomaysa xiligii loogu talagalay, islamarkaana aysan ku imaan doonin wax dib udhac. Mr Nuur ayaa hoosta ka xariiqay inaanu jirin faragelin ay ka walaacsan yihiin inay doorashada ku sameyaneyso madaxtooyadda dalka xili ay caasimad goboleedka Baay ay udirtay labo murashax oo ay iyadda wadato. Murashaxiinta ayaa kala ah; Wasiirta Tamarta, mudane Laf-gareen iyo waliba Taliyahii hore ee sirdoonka Soomaaliya Xuseen Calool-kuus, kuwaasi oo dhowaan ku kulmay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. “Maya, ma jirto faragelin aan ka walwalsanahay oo ay dowladda Federaalka ama [Villa Somalia] ay nagu hayso,” ayuu ku jawabaay Xilldhibaan Maxamed Nuur markii la waydiiyay hadii ay jirto eedaynta dowlada loo jeedinayo. Doorashada ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah uqabsoonto 17-ka bishaan November, waxaana magaalada Baydhabo laga dareemayaan diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Murashaxiinta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Sunday it has developed as an effective framework for the gradual transition of security responsibilities to Somalia’s security institutions. The AU mission said the Concept of Operations (CONOPS) 2018, once approved by the African Union and senior defense officials of troop-contributing countries, will be crucial for the mission’s quest for a peaceful and democratic Somalia. “We want to produce a document that is workable, a document that is in a position capable of producing the expected results and we are very much optimistic that we will do it,” Francisco Madeira, special representative of the chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, said in a statement. He said CONOPS, which will guide AMISOM’s activities and operations for the 2018-2021 period, marks the final phase of the AU mission’s transition and eventual exit from Somalia. The AU mission said its peacekeeping force is collaborating with the Somali security forces to build capacity and bring stability in the Horn of Africa nation by setting up governance structures in areas AMISOM had liberated. The pan-African troops are expected to relinquish the security of the key towns, to the Somali forces, through a conditions-based transition plan, to allow them to take the lead responsibility as part of the planned exit. The AU mission said the document was agreed during a five-day meeting of the mission’s staff, Somali government officials and representatives of the African Union. The document details AMISOM’s plans and aspirations that will culminate in the scheduled 2021 one-man-one-vote elections and consequently the gradual transfer of the security responsibilities to Somali security forces. “This is a very important undertaking and endeavor because it marks a crucial step in a very crucial moment we find ourselves in our efforts in Somalia,” Madeira said, noting that the document is a product of “hard-work and open and frank discussions.” The forum, Madeira said, looked into the issue of the mission’s military component and analyzed the way it is working toward delivering a “safe” Somalia to its people. Resolving the problem in Somalia, Madeira noted, requires more than just the military approach. “Security is not just a matter of shooting al-Shabab but it is also a matter of extending our hands to those elements of al-Shabab who for whatever reason had slid into violence and extremism and now are willing to abandon that path,” he said. He called on partners, troops and police-contributing countries and all Somalis to “put our hands together” to ensure that peace and security are returned in the country. The post AU says develops framework to guide transition in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo shalay ay gaareen madaxda Galmudug. Nicholas Heysom, ayaa la kulmaya madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ka wada hadlaya ka qeyb galka shirka shirka dowladda ku baaqday iyo dhexdhexaadinta Dowladda iyo dowlad goboleedyada. Wakiilada Qaramada Midoobay iyo midowga Africa ayaa la kulmay madaxweynayaasha maamulada Dalka, waxaana ugu dambeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Madaxda uu la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa u muuqda inay aqbaleen ka qeyb galka dhexdhexaadinta Soomaalida Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir . Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga soo gaaray Gaalkacyo iyo Madaxda Galmudug waxaa u bilowday shir albaabada u xiran yahay islamarkaana Saxaafada ay dibada ka joogto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Haysom iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wefdiga ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir. Wefdiga Qaramada Midoobay iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa haatan kulan albaabadu u xidhan yihiin ku leh xarunta madaxtooyada maamulkaasi. Kulanka ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay kaga wada-hadlayaan xal u-helidda khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug oo laba garab u kala jabay iyo sidoo kale xasaradda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku midaysan golaha iskaashiga. PUNTLAND POST The post Mr Haysom oo Gaalkacyo kula shirsan Xaaf iyo Shaakir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa joojisay qandaraas lacag badan lagu qaatay oo uu bixiyay wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Nisa waxaa ay sidoo kale sheegtay in arrintaan ay ugudbisay Hanti Dhowrka Qaranka si loo baaro. Kiiskaan ayaa jiitamayay bilihii lasoo dhaafay. Xiriir aan la sameynay NISA iyo baaris madaxbanaan ayaan ku ogaanay in shirkada la siiyay qandaraaska iney saami ku lee yihiin wasiir Cabdirisaaq iyo seedigiis. Si walbaba, wasiirkii hore ee Amniga oo shalay warbaahint kula hadlay Muqdisho ayaa qiray jiritaanka Qandaraaskan ,wuxuu kaloo qirtay inuu isagu saxiixay balse wuxuu ku dooday in cida Qandaraaska bixisay aaney isaga aheyn. Wuxuu sheegay in heshiiskan ay kasoo shaqeysay oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyada oo xiligaas uu maamulay Maxamed Ibraahim Fargeeti, kaas oo hada ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed. Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hada ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii heshiiskaas ka qaldan iyo sida uu ansax ku yahay in ay muhiim tahay in la weydiiyo wasiirkii hore ee maaliyada Fargeeti. Jiritaanka arrintan ayaa Hanti Dhowrka Qaranka ku qasbi doonta in dib loo baaro qandaraasyo badan oo la bixiyay xiligii dowladii Xasan Sheekh. Xildhibaan Cabdirisaaq wuxuu ku dooday in arrintani ay tahay dagaal siyaasadeed isagoo daliilsanaya in eedu ay soo daahday ,laakiin sida caadiga ah baaritaanadda noocan ah waxey qaataan waqti dheer, taasoo meesha ka saareysa qiil ka dhigashada maxaa xili hore la iisoo eedeyn waayay. Lama yaqaano waxa uu arrintaan kaga jawaabi doono Maxamed Ibraahin Fargeeti, waxaase muuqata in kiisku uu darfo badan yeeshay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa eedeyn u jeediyay wasiirradii ka horreeyay wasiiraddii u soo magacaabay oo sheegay inay burburin ku haayeen Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda. Wuxuu sheegay in asaga ka hor in wasiir kasta uu keensan jiray qabiilkiisa, taasina ay tahay mid halis ku ah jiraanta wasaaradaha iyo shaqooyinka caadiga ah ee ka socda. Sidoo kale, Wasiiradda ayuu sheegay inuu ku amray in aysan shaqaaleysiin karin cid uusan ogeyn, maadaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan dalka, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal kula jiraan. Khayre ayaa Wasiiraddii ugu wanaagsanaa ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo si aan loo fahmin midba midka kale Qabiilkiisa uu ku beddeli jiray si ay shaqo u siiyaan dadka ay isku heybta yihiin. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayuu sheegay inay joojisay hab-dhaqankaasoo ahaa mid si weyn u ragaadiyay Dowladnimada Somalia, ayna la dagaalantay musuq-maasuqa. Ugu dambeyn, Inkastoo Madaxda Dowladda Somalia ay sheegayaan inay la dagaalamayaan musuqmaasuqa, ayaa haddana waxaa jira warar fara badan oo sheegaya in xildhibaanno la siiyay lacago aanay mushaar ahaan u lahayn. DHAGEYSO: Codka Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/DHAGEYSO_Dhaliisha_Khayre.mp3 PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha DF oo si adag u dhaliilay Wasiirradii ka Horreeyay Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Wiilasha Jamaal Khashoggi oo markii u horeysay warbaahinta la hadlay,Maxayse k ayidhaahdeen Meydkii aabahood Salah iyo Abdulla waa labada wiil ee uu dhalay Wariyihii lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudi Arabia magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood Jamaal Khashoggi. ‘’Dhamaanteen waxa kaliya oo aan hadda dooneyno ayaa ah meydka lagu aaso xabaalaha Al-Baqi magaalada Madiina halkaa oo ay ku nool yihiin qoyska oo idil, ayuu Salah u sheegay TV CNN oo uu wareysi siinayay. Labada wiil oo siweyn uga xun sida loola dhaqmay Aabahood ayaa sheegay in uu ahaa geesi deeqsi ah, iyaga oo intaa ku daray in dowladda Sacuudiga arintan ka dalbadeen, islamarkaana jawaab ka sugayaan si loo xabaalo. Jamaal Khashoggi ayaa 02dii October lagu waayay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul, hasse ahaatee labo todobaad oo diidmo ah kaddib Boqortooyada ayaa 19kii October sheegtay in Khashoggi uu ku dhintay gacan ka hadal ka dhacay gudaha dhismaha Qunsuliyada ee Istanbul, hasse ahaatee arintaa waxaa siweyn uga qeyliyay kuna tilmaamay sheeko aan la aqbali karin madaxda caalamka intooda badan. Falka dilka ah ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen ilaa 18 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare oo tirsan sirdoonka Sacuudiga iyo xubno ku dhaw dhaw dhaxal sugaha Boqortooyada oo hadda inta badan eeda dalka dusha looga tuurayo. Turkiga ayaa aaminsan in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray si aan loo arag, balse wali waxaa soconaya baaritaan. Qaran News
-
Xildhibaan Hore Daahir C/qaadir Muuse ayaa uga digey dowladda dhexe iney farogelin ku sameyso doorashada la filayo iney ka dhacdo Puntland. Ugu horreyn waxa uu wareysigan kaga hadlay khilaafka ka dhaxeeya DFS iyo dowlad goboleedyada, wuxuuna sheegay in Labada dhinacba ku fashilmeen in shacabka wax u qabtaan. Dhanka kale, dowladda ayuu u sheegay in laga doonayo iney dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka ka dhici doona Puntland sanadka soo aadan 2019. Dowladda ayuu sheegay in marar badan isku dayday iney farogeliso doorashooyin dhacay iyo kuwo dhici doona oo ay ka mid tahay tan K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Daahir-Ciiro.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Somalia ayaa xukunno dil ah ku ridday laba eedeysan oo makamadda lasoo taagay, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen askarta ciidamada dowladda ayna horay u geysteen dilal. Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa inuu dil bareer ah u geystay marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ciidamada amniga kawada tirsanaayeen, dilkaaso ka dhacay dugsiga Tabbabarka Jen. Shirbow 30-kii bishii Ogoosto ee 2018-ka. Xafiiska Xeer-ilaalinta CQS ayaa fadhiga maxkamadda hor keenay afar ruux oo markhaati ahaa, kuwaasoo dambiga ku caddeeyay inuu Maxamed Xaashi Waasuge si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed markii uu isku dayay inuu carqaladeeyo shaqo amaanka ah oo uu Marxuumka haayay, isla markaasna uu isku dayay inuu baxsado, laakiinse ay ciidanka oo ka tira-badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday. Sidoo kale, eedeysanaha labaad oo ahaa C/risaaq Maxamed Jimcaale ayaa isna loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay ka wada tirsanaayeen CXD, dilkaasoo ka dhacay xerada Laanta-buure 27-kii bishii July ee 2018-ka. Dambiilahan la xukumay ayaa waxaa ku markhaati kacay laba ruux oo ay xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamadu keentay goobta, kuwaasoo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, iyagoo sheegay in eedeysanuhu uu si jees-jees ah u diay marxuumka. Intaas kaddib, Garsoorayaasha Maxkamada ayaa si wadajir ah ugu xukumay dil tooasho Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale , kaddib markii ay ku qanceen caddeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor-keenay. Ugu dambeyn, Labada askari ee la xukumay ayaa haysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan haddii aysan ku qancin xukunka Maxkamaddu ay ku ridday. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Laba Askari oo Dambiyo lagu helay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Deeganka Dararweyne oo dhinaca bari kaga began magaalada Ceel Afweyn ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay nin ka soo jeeda mid ka mid ah beelihii dhawaan halkaas ku degaalamay ee lagu heshiiyey. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Marxuum Saleebaan Xuseen Maxamed kana mid ah dadka ku noola deeganka Darar weyne Deeganka Darar weyn ee xalay qofka lagu dilay ayaa waxaa ku suugan ciidamada qaranka Somaliland oo mudooyinkii ugu danbeeyey halkaas deganaa. Source
-
Bidix: Madaxweyne Xaaf, Sheekh Shaakir Madaxa Xukuumada Galmudug oo fadhigiisu yahay Dhuusamareen….. Khilaafka hareeyey Maamulka Galmudug ayaa sababay in Ergayga Gaarla ah ee Qaramada Midoobey uu booqan waayo Cadaado ama Dhuusamareeb taas badalkeeda Wuxuu Madaxda Galmudug kula kulmayaa Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf ayaa shalay shir uu la qaatay Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano reer Galmudug ah oo Federaalka ka tirsan ayaa waxay wada diyaariyeen Qoraal dheer oo ka dhan ah Xukuumada Federaalka kasoo loo gudbinayo Beesha Caalamka. Madaxweyne Xaaf wuxuu kulanka uu maanta la qaadan doono Ergayga Gaarka ah uu si kulul ugala hadli doonaa in Galmidug ay Xiriirkii u jartay Villa Soomaaliya ayna si buuxda uwada shaqeeyaan Maamulada kale. Shiikh Axmed Shaakir Xaaji oo fadhigiisu yahay Dhuusamareeb kana mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Galmudug ayaa isna wuxuu ku sugan yahay Xaafada Baraxley si uu uga qayb galo kulamada. Puntlandi.com Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa walaac ka muujisay amar ay sheegtay in uu cabudhin ku yahay warbaahinta kaasi oo uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo. Qoraal ay soo saartay xaruntu ayaa lagu yidhi: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu. 1 November 2018 wuxuu Wasiirka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, u qoray waraaq Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu ka codsaday inuu “talaabo sharci ah” ka qaado labada telefiishan ee kala ah Saab iyo Star. Wasiirku wuxuu ku eedeeyey labada telefiishan inay jebiyeen amar hore oo ku waajibinayay warbaahinta “inaanay wax xidhiidh ah la samayn kooxda budhcadda ah ee Caare,” sida waraaqda wasiirka oo ay aragtay Xaruntu lagu sheegay. Waraaqda Wasiirku waxaay ka hadlaysaa sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka oo ka tegay, sheegayna inuu samaystay waxa uu ugu yeedhay “jabhad hubaysan oo mucaarad ah.” Wasiirku wuxuu sheegay in labada telefiishan ay “si badheedh ah u baahiyeen 27 October 2018 war dhaawac ku ah Qaranimada,” wuxuuna ka codsaday Xeer-ilaaliyaha Guud inuu talaabo ka qaado Saab iyo Star si “looga hortago in warbaahin kasta fidiyaan warar khalkhal gelinaya amaanka iyo xasiloonida dalka.” Maamulka mid ka ah telefiishanada wasiirku magacaabay ayaa u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jebin shuruucda Somaliland, balse ay sii daayeen war uu tebiyay “sarkaalka ka goostay ciidanka.” Source
