Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas. Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug. “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta. Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas. Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Emirates this week discussed a long-rumored merger with Etihad Airlines. If it occurs, the ‘merger’ (really a takeover) will create one of the largest airlines in the world, with Emirates adding Etihad’s Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay rajada laga qabo in dib loo bilaabo wada-hadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, oo iminka hakad uu ku yimid, iyo qorshe Farmaajo iyo Biixi ku kala tagayaan Muqdisho iyo Hargeysa. Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dardar gelinta wada-hadallada labada dhinac, isla markaana qorshahaas uu ahaa mid soo billowday Bishii Maarso ee Sanadkan, balse aysan sii socon, oo ay hakadeen “Mar walba way naga go’an tahay inaan la hadalno Somaliland, qorsho waxaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Waxaa la weydiiyey suurtagal ma tahay in Soomaalida dhexdeeda wada-hadasho, iyada oo aysan ku dhex jirin dad kale, waxana uu sheegay in rajo laga qabo in Muuse Biixi uu yimaado magaalada Muqdisho, Madaxweyne Farmaajana uu tago magaalada Hargeysa. Wada-hadalada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr mar fashilmay, waxaana bilihii u dambeysay Somaliland ay aad u dhaliilayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo inta badan xiisadda kala dhaxeysa Puntland ula dhaqmayey mid ay Somalia ka mas’uul tahay. Somaliland ayaa khamiistii soo saartay warsaxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban kaasi oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, laguna sheegay in “Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland”. Halkan ka aqriso warkaas. Hoos ka dhageyso codka Khadar. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Mahdi-Maxamed-Guuleed.mp3 Caasimada Online Caasimada@live.com Caasimada@live.com
  4. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeyb-galka shirka golaha guud ee QM ee 25-ka bishan ka dhacaya xarunta QM ee magaalada New York, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Madaxweynaha, oo sidoo kale ka baaqday kulankii sanadkii tagey, ayaa lagu warramay inuu markan u baaqday sidii uu xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug, oo gaaray heer dhammaan madaxdii maamulka, xilalka looga qaaday mooshinno is-diidan oo ay sameeyeen xildhibaanada. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas. Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24-ka September, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug. Waftiga Soomaaliya ee kulanka guud ee QM ayaa waxaa hogaamin doona wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo sidoo kale isaga oo matalaya madaxweyne Farmaajo halkaas ka jeedin doona khudbadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda. Axmed Ciise Cawad ayaa xalay u amba baxay magaalada New York. Minister Ahmed Isse Awad leaves for #NewYork to lead the Somali delegation for #UNGA. Hon. Awad would deliver keynote address on behalf of the H.E. President @M_Farmaajo at the UN General Assembly.#Somalia #Somali #UNGA2018 pic.twitter.com/HURn0z8wOT — Ministry of Foreign Affairs (@MofaSomalia) September 21, 2018
  5. Qarax, dil iyo musiibo kaste oo aan ku waayay qof aan jeclaa waxaa iiga xanuun badan dulmiga lagula kacay marxuum Axmed Mukhaar Saalax ee lagu dilay laguna gubay meydkiisa. Qaraxyada iyo dilalku waa dhib loo siman yahay oo aan beegsaneyn qoys iyo qabiil gooni ah, balse dilka walaalkey Axmed Mukhtaar ma aha dulmi lagula kacay isaga kaliya, ee wuxuu tusaale-nool u yahay dulmiga iyo takoorka lagu hayo reerkiisa, ee looga xigsaday xuquuq ay aheed in ay bulshadooda ula sinnaadaan, waxaana hubaa in dambiileyaasha isu kaashaday dilkiisa aysan kusoo dhiiran laheyn haddii uu Axmed ka dhashay reer kale. Waxaan daawaday Aabbaha Marxuumka oo wareysi laga qaaday ku yiri: “Reerka oo dhan Axmed ayaa gacanta ku hayay, isaga oo kalena iima dhalanaayo!!”. Ma garan karo sida ay maskaxda Aabbahaas uga daadegi karto in ay wiilkiisii dileen, meydkiisana gubeen dad ay Islaannimo iyo Soomaalinnimo wadaagaan, mana ogi sida wiilka uu marxuumku adeerka u ahaa ee uu gabadha u doonay dartiisna loo dilay looga dhaadhicin karo in dareenkiisii jaceyl uu sababay dilka adeerkiis Axmed, mana sawiran karo dareenka carruurta uu dhalay walaalkey Axmed Mukhtaar oo maanta dareensan in Aabbahood loo dilay loona gubay dulmi iyo faquuq soojireen ah oo ay reerkooda ku hayaan bulshada ay ka dhasheen lana noolyihiin. Takoorka iyo Faquuqa ayay kamid tahay in aan ka gaabsanno dulmiga lagula kacay marxuumkan oo aysan miizaan badan noola yeelan sida dhacdooyinka kale, ee fadlan yaanan in dhexdeenna lagu dilay laguna gubay ugu darin in aan ka aamusno, ee aan si damqasho leh uga hadalno dulmiga, faquuqa iyo sida dhiirranaanta leh ee loo dilay walaalkeen, codkeennana u gaaro cid kaste oo u cadaalad sameyn karto walaalkeen Axmed, dadkiisana u dareensiinno in uu Axmed ahaa xubin jireenna kamid ah oo ka damqaneyno kana xunnahay sida arxan-darrada ah ee loo dilay walaalkeen. Qofkii la rabo in la ogaado dhaqankiisa dhabta ah waxaa la eegaa sida uu ula dhaqmayo dadka uu iskala sarreeyo. Fadlan adigu ku dadaal in aan agtaada, gurigaaga iyo golahaaga lagu dulmin qof loogu dhiiranayo in uusan heysan cid uu maciinsado, codkaadana ku biiri dadka dulman oo noqo Microphone ay ku hadlaan dadkaas aan codkooda la maqal oo ka caawi in ay farriintoodu gaarto dadka aysan gaarsiisneyn, kuna sharaf shaqadooda oo ula dhaqan sida aad ula dhaqanto dadka kale oo dareensii in aad simantihiin ayna dadka kuula siman yihiin. Rajo kama qabo in aan ku naaloonno Nabad iyo Nolol fiican inta uu qof walaalkeen ah ku dulmanyahay dhexdeenna. Rabbi ha u raxmadee Abwaan Xaaji Aadan Af-Qalooc oo dulmiga ka hadlayo ayaa ku gabyay: Mar haddii cadliga laga tagoo lays tixgelin waayey Inay nabadi taam noqoto waa tu aan la eegeyne Tiih iyo mugdibaa lagu dambayn tii la soo maraye Allow u narariiso walaalkeen Axmed Mukhtaar oo samir iyo bedel kheyr-qaba ka sii ehelkiisa iyo asxaabtiisa, caddaaladdaadana marsii kuwii falkaas ku kacay, annaga hanoo qaban falkaas ay arxan-laaweyaashaasu sameeyeen. Waxaa Qoray: Hussain Sabrie
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dilalkii dhowrka ahaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay shalay, oo mid ka mid ah lagu dilay Aamina Xuseen Xasan, xilli ay fadhisay fasalkii ay ka dhiganeysay jaamacadda Soomaaliya, oo ku taalla xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-Wadaag. Qoraal uu soo dhigay Faceboob, ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inaysan jirin cid lagu halleeyo amniga, sidaas darteedna wuxuu shacabka usoo jeediyey inay isku tashadaan oo ay is-difaacaan. Hoos ka aqri qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen Aamino Xuseen iyo Dayax Iimaan Xasan. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Nabadoon Iimaan Xasan Jiirow oo ah aabaha dhalay Dayax Allaha u naxariistee. Dayax wuxuu ahaa ruuxii sedaxaad ee maanta Muqdisho lagu dilay, wuxuuna dhowaan soo dhamaystay waxbarashadii heerka Jaamacadeed. Dayax wuxuu filayey in uu hiigsiga nolashiisa xaqiijiyo kana mira dhaliyo yididiiladiisa. Qaylodhaanta xildhibaanada maalmahan ka soo yeeraysay iyo falalka amni daro ee Magaalada ku soo badanaya waxay ka tarjumayaan in aysan jirin cid lagu haleeyo masuuliyada aminga ee dalka, gaar ahaan caasimada. Shacabku waa in ay isku tashadaan, lagana fekero sidii la isku difaaci lahaa.
  7. Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka ay buux dhaafiyeen, isuguna tageen maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa inay wataan gaadiid dagaal, oo aad u badan waxaana aad looga cabsi qabaa in deegaanada Gobolka oo idil ay isku faafiyaan, amaba ay qabsadaan. Deegaanada ay Al-Shabaab gaaren ayaa waxaa ka mid ah Ceeldheer, Masagawaa iyo Cowsweyne oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Galgaduud. Dadka deeganka ayaa xaqiijiyay inay arkayeen gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay degaanadaasi. Waxa ay dadku sheegen in maleeshiyada ay dhaqdhaqaaq ka bilaaben deegaanada ay galeen, waxa ayna taasi cabsi saa’ida galisay dadka shacabka ah. Sidoo kale, waxaa heegan buuxa galay ciidamada maamulka Galmudug si ay uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada dagaalamayaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay maamulaan deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Galgaduud. Ma cadda waxa uu yahay qorshaha saxda ah ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka damacsan yihiin deegaanada ay iminka qabsadeen. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xukuumadda Muqdisho aynaan goobjoog ka noqon doonin doorashada madaxweynenimo ee maamulkaasi. Wasiirka Dasuurka ee dowladda Koonfur Galbeed, mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada madaxweynenimo ee dowlad goboleedkaas. Wuxuu gaashaanka ku dhuftay war dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa looga hadley arrimo kala duwan waxaana kamid ah inuu u ballan qaadey dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka in kaalmo dhinac kasta ahi oo doorashooyinka degaannadooda ku soo foodka leh. Koonfur Galbeed oo kamid ah degaannada ay ka dhaceyso dhowaan doorashada Madaxtinimada ayaa waxa ka harsan laba bil maadaama bisha November ay doorashada madaxtooyada qabsoomayso. Wareysiga aan la yeelanay wasiirka oo uu kaga hadlay arrimo quseeya doorashadaasi ayaa tilmaamay in dastuurka dalka uu dhigayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ama dowladda aysan shaqo ku lahayn doorashada Madaxtooyadda ee dowlad goboleedyada. Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku dhuftay in aynaan qorshaha ugu jirin inay xukuumadda Muqdisho, kasoo muuqato goobta ay ka dhaceyso doorashadda Baydhabo, taasoo la rumeysan yahay inay ka xamaasad badan tahay kuwii hore. Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxda dowladda iyo afar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo xiriirka u jaray Villa Soomaaliya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/WASIIRKA-DASTUURKA-KG-21-09-2018.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumada Somalia ayaa weli ku guda jirta sida looga cafin lahaa deynta lagu leeyahya Somalia, oo walaac gaara galisay dowlada Federaalka. Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula qaatay Madaxda Hay’adda IMF ayaa sheegay in Xukuumadu ay diyaar u tahay in dhibaato waliba ay u marto cafinta deynta. Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Madaxda Hay’adda IMF ay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan dowlada Somalia, hase yeeshee ay ahmiyada koowaad siinayaan in si sharci ah looga gudbo shuruudaha lagu xiray dowlada. Beyle, waxa uu sheegay in madaxda Hay’adda ay ku adkeysanayaan in marka hore ay Somalia soo dhameystirto shuruudaha u sahli lahaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxa uuna ka Wasiir ahaan carab ***** in juhdi ay ku bixinayaan sida looga gudbi lahaa shuruudaha oo wali qabyo ah. Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaa naga go’an inaan ka miro dhalino hadafkeena ah in nalaga cafiyo deynta, si aan u gaarno dhaqaalo badan oo dalka dib ugu dhisano waa inaan marka hore dunida ka helno cafis” Wasiir Beyle waxa uu carab ***** in madaxda Hay’adda IMF iyo Hay’addo kale ay wali isha ku hayaan kobaca dhaqaale ee dalka iyo sida loo maareynaayo. Waxa uu intaa raaciyay in qeybihii ugu danbeeyay ay isla marayan Hay’adda IMF, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhawaan lasoo gabagabeynayo. “Waxaanu mareynaa heerkii ugu danbeeyay ee gudbinta shuruudaha, waxa uu qorshaheenu yahay inaan ka dhabeyno cafinta deynta waayo Somalia waa dal soo kabanaaya” Si kastaba ha ahaatee, Bangiga adduunka ayaa warbixin uu toddobaadyo ka hor uga hadlay dhaqaalaha Somalia wuxuu sheegay inuu dhaqaalaha dalka uu kordhay wallow uu jiro kobac dhaqaale oo aan gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha iyo khilaafaadka ka faalloota ee ICG ayaa lagu sheegay in Al Shabaab weli halis weyn ku tahay ammaanka dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall. Warbixinta ayaa cinwaan looga dhigay “Al Shabaab Shan sano kaddib weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika”, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab bedeshay xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya. Tan iyo sannadkii 2015, Al Shabaab waxay xoogga saartay sidii ay dhallinyaro badan uga qoran lahayd gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta. Al Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada waqooyiga iyo bartamaha Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa Christian, balse qaatay diinta Islaamka. Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in Al Shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan xadka Kenya iyo Soomaaliya, siiba qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh dalka Kenya. Weerarkii Westgate Mall ee ka dhacay magaalada Nairobi ee Kenya ayaa dhacay 21-kii September 2013-kii, waxaana ku dhintay 71 qof, oo 62 ka mida ay ahaayeen dad rayid ah, Shan kalana waxa ay ahaayeen ciidamada Kenya halka Afarta hartana ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday. Ku dhawaad 200 oo ruux ayaa la wariyay marka in ay ku dhaawacmeen, toogasho iyo dagaal dhexmaray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa Shan sano kahor 2013-kii. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xukuumadda Muqdisho aynaan goobjoog ka noqon doonin doorashada madaxweynenimo ee maamulkaasi. Wasiirka Dasuurka ee dowladda Koonfur Galbeed, mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada madaxweynenimo ee dowlad goboleedkaas. Wuxuu gaashaanka ku dhuftay war dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa looga hadley arrimo kala duwan waxaana kamid ah inuu u ballan qaadey dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka in kaalmo dhinac kasta ahi oo doorashooyinka degaannadooda ku soo foodka leh. Koonfur Galbeed oo kamid ah degaannada ay ka dhaceyso dhowaan doorashada Madaxtinimada ayaa waxa ka harsan laba bil maadaama bisha November ay doorashada madaxtooyada qabsoomayso. Wareysiga aan la yeelanay wasiirka oo uu kaga hadlay arrimo quseeya doorashadaasi ayaa tilmaamay in dastuurka dalka uu dhigayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ama dowladda aysan shaqo ku lahayn doorashada Madaxtooyadda ee dowlad goboleedyada. Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku dhuftay in aynaan qorshaha ugu jirin inay xukuumadda Muqdisho, kasoo muuqato goobta ay ka dhaceyso doorashadda Baydhabo, taasoo la rumeysan yahay inay ka xamaasad badan tahay kuwii hore. Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxda dowladda iyo afar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo xiriirka u jaray Villa Soomaaliya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WASIIRKA-DASTUURKA-KG-21-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas. Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug. “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayayheshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta. Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas. Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda
  13. MOGADISHU (HOL) - Gunmen shot dead a female Somali student inside a university campus in the Somali capital on Friday, the third person to be killed in the seaside city which is experiencing a new wave of attacks, officials say. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dilka Aamina Xuseen Xasan, oo maanta koox hubeysan ay ku dhex dishay fasalkii ay fadhisay jaamacadda Soomaaliya, oo ku taalla xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Qara ka mid ah ehellada Aamina ayaa Caasimada Online u sheegay in Aamina ay ahayd haweeney 43 jir ah, oo ku jirtay sanadkii u dambeeyey ee jaamacadda, islamarkaana ay baraneysay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka. Waxaa la sheegay in Aamina ay lahayd carruur waa weyn, oo qaarkood ayagaba dhigta jaamacado, inkasta oo aysan dhigan jaamacadda hooyadood lagu dilay. Ragga dilka gaysta oo laba ahaa ayaa la sheegay in xilli iskuulka ay ka baxayeen arday, qara kalena soo galayeen, kusoo dhex dhuuntaan, ayaga oo wata bastoolado, kadibna ugu yimaadaan fasalka, oo ay ku toogteen. Xilliga dilka dhacayey, ayaa waxaa fasalka ku sugnaa kaliya Aamina iyo macallin. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay markii ay goobta yimaadeen wateen macaliinka kadib markii ay su’aalo ka weydiiyeen wixii dhacay, lamana oga xaaladdiisa illaa hadda. Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay Aamina, iyo cidda dilka ka dambeysay intaba. Ragga dilka gaysta ayaa baxsaday, mana jirto cid taqaan oo sheegi karta waxa ay ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Guddoomiye xisbi siyaasadeed ayaa sheegay in khilaafyada taagan ee siyaasadda dalka ay tahay masuuliyad wadareed ay wada qaadanayaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Guddoomiyaha xisbiga Dal dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow oo caawa la hadlay barnaamijka Goobjoog News ayaa sheegay in wax badan aynaan ka soo bixi karaynin heshiiskii maalinkii arbacada ee todobaadkani magaalada Muqdisho uu ka shaaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare inuu la gaaray dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in khilaafyada u dhaxeeya xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha xubinta ka ah ee kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland in masuuliyaddaasi ay tahay in dusha kaga dhacaysa labada dhinacba. Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Dal Dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow ayaa dhaliilay ammaanka magaaladani Muqdisho oo faraha ka baxay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay shaqo badan. Ugu dambeeyn wuxuu ka hadlay sida uu u arko qaabka lagu heli karayo haatan xal waara oo laga gaaro khilaafyada taagan oo laga muujinayo walaac ah in ay lugaha qabtaan dadaallada la doonayo in dalka uu horay ugu sii tallaabsado. Siyaasi Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow, ayaa kamid ahaa musharrixiintii u tartamay qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYE-CADDOOW-XISBIGA-DAL-DHIS-21-09-2018.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYE-CADDOOW-XISBIGA-DAL-DHIS-21-09-2018.mp3 Source: goobjoog.com
  16. Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay dilal 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in kiisaskaasi uu gacanta ku hayo taliska booliska Soomaaliyeed. Jeneraal Bariise ayaa intaas ku daray in mararka qarkood falalka amni darro dd ay u qabtaan Ciidamada Booliska alse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya. Wuxuu soo hadal qaaday falal ay kamid yihiin gabadh ardayad ah oo Muqdihso todobaadkani lagu dilay, Gabadh kale oo maanta Jaamacad ay dhiganaysay lagu dhex dilay iyo wiil isna isla Muqdisho lagu dilay oo shacab ah. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-BARIISE-21-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Warar goor dhow oo hadda ah ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo maanta ruux shacab ah ku dilay Muqdisho la qabtay. Falkani dilka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Seybiyaano ee magaalada Muqdisho waxaana wiilka dhallinyarada ah oo ay dileen uu watay baabuur nuuca raaxada ah. Askarigii falka dilka ee falkaasi geysatay iyo askartii la socotay ayaa markii ay falka dilka ah gesteen kaddib isku dayay in ay baxsadaan waxaana looga daba tagay xarunta Villa Baydhabo. Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in caawa askartaasi ay ku hoyanayaan xarunta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho. Wixii ka soo kordha dib ayaad ka maqli doontaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ehellada Wiil Dhallinyara ah oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday inay helaan cadaalad. Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku toogtay, Wiil dhalinyaro oo watay gaari Nuuc Raaxada xilli uu marayay Laamiga Seybiyaano gaar ahaan suuqa caanaha ee gobolkani Banaadir. Ilwareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada xilligii ay wiilkaasi tooganayeen uu watay gaarigiisa wadaduna ay ahayd mid aad u mashuul badan. Rasaas ayay mar qura huwiyeen, kaddibna waa ay ka soo dhaqaajiyeen, sida dadkii goobta ku sugnaa ay u sheegeen Goobjoog News. Lama oga sababta rasmiga ah ee wiilkani dhallinyarada ah ay ciidanka AMISOM u beegsadeen, waxayna tani qeyb ka tahay tacadiyada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo meelaha ay ku sugan yihiin lagu eedeeyo inay ka geystaan falal liddi ku ah beni’aadanimada sida kufsi iyo dil xataa mararka qaar baabuurta dadka rayidka ah wataan ayay jiiraan bilaa sabab. Isla todobaadkani ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay rasaas ay fureen ay ku dhimatay gabar aan qaan gaar ahayn oo sagaal sano jir ah islamarkaana uu ku dhaawacmay wiil kale oo arday ah. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Dayax Iimaan Xasan, waxaa haddaba mareegta Goobjoog News la helay Xasan Iimaan Xasan oo ah walaalka marxuumkaasi. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WIILKA-WALAALKIIS-LA-DILAY-21-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Despite constantly being labeled as a "problem group" associated with poverty, social exclusion, high unemployment and an unwillingness to integrate, Somalis appeared the most satisfied group of immigrants to Norway. Source: Hiiraan Online
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sharciga dalkaas ee baasaboorka iyo kaarka aqoonsigaba kala noqotay wiil uu dhalay agaasime ku xigeenka hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wiilka sharciga lagala noqday oo lagu magacaabo Camaar Fahad Yaasiin, islamarkaana ah 23 jir ayaa waxaa la sheegay in sharciga uu ku waayey kiiska aabihiis, oo dowladda Kenya ay ku hayso baaritaan la xiriira inuu sharciga ku helay si aan sax ahayn. Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya. 21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay. Sida dad arrintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin ay sheegeen, Camaar ayaa laba toddobaad ka hor ay dowladda Kenya kasoo masaafurisay Nairobi, waxaana laga soo dejiyey magaalada Muqdisho. Laba maalmood kadib ayaa la sheegay inuu dalka Cumaan ku aaday baasbaoor deg deg loogu sameeyey oo Soomaali ah. Camaar ayaa halkaas ka dhigta Jaamacad. Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale xubno kale oo ka mid ah qoyska Fahad ay dowladda Kenya kala noqotay sharciga, hase yeeshee lama xaqiijin karo. 10-kii bishan, Caasimada Online ayaa qortay in safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay isku dayayso inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso. Halkan ka aqri warbixintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Saraakiil iyo maleeshiyaad hubeysnaa oo ka tirsan Al-Shabaab. Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in weerar ay qaaden ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ku dileen maleeshiyaadka. Howlgalka lagu dilay maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta Magalada Kismaayo. Ciidamada ayaa howlgalkooda ku qaaday Saldhig ay maleeshiyada ku lahaayen aaga deegaanka Janaay Cadalla iyo deegaano kale xili ay hurdayeen. Howlgalka ayaa waxaa maleeshiyada looga dilay Ilaa 17 oo Saraakiil ay ku jiraan,isla markaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen. Ciidamada ayaa soo bandhigay 6 qori AK47 iyo laba BKM ama Dabajeexa iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah. SAWIRRO
  22. Somalia remains “a terrorist safe haven” and Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, continues to control large areas of the country despite increased military, the US State Department concluded in its newly released Country Reports on Terrorism 2017. Source: Hiiraan Online
  23. NAIROBI (Daily Nation) - Investment opportunities are expected to be seized as foreign relations between Kenya and Somaliland grow. Mr Bashe Awil Omar, Somaliland's envoy to Kenya,.... Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay ruux watay gaari nuuca raaxada ah. Dilka ruuxaani ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsanaa dowlada kuwaa oo la socday gaari nooca dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in gadaal ay ka toogteen ruuxaani oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow. Dayax Iimaan Xasan oo ah marxuumka la dilay ayaa ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ka hor dilka ay wada murmeen mid ka mid ah askarta saarneyd Gaariga iyo Marxuum Iimaan kadib markii wadada ay noqotay mid mashquul badan,sidaasina uu ku rasaaseeyey. Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen. Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay. Ciidamada amaanka dowlada ayaa si bareera u toogta dadka shacabka iyo kuwa la shaqeeya dowlada ee isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, dilka ruuxaani ka tirsanaa shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili maanta dilal dhowr ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku sugan wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta, kuwaas oo soo geba gabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland. Guddiga ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland, isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda. Senator Axmed Xaashi oo madax u ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo, si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa la saftay maamulka Axmed Madobbe, isaga oo sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda ay ku eedeynayeen inaysan aqoon isku-soo dhawaasho, balse ay taqaano sii riixis oo ay kala fogeyneyso Shacabka iyo Maamulka Jubbaland. Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo,i sla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Deegaanada Dowlad goboleedyada ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Xubno kale oo Aqalka sare ka socda kuwaas oo wada xal raadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,balse guddiga Jubbaland loo diray ay qireen in dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas. Dhageyso Codka Senator Axmed Xaashi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Senator-Axmed-Xaashi.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com