Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan. Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda. Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo ka qayb galay dhammaystirka Heshiiska Nabadda K Suudaan appeared first on Puntland Post.
  2. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey, waxaana horkacayey mas’uuliyiin sare oo maamulka gobolka Banaadir ah. Ulajeedka howlgalkaan ayaa ahaa sidii loo sugi lahaa meelaha laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayeen gaadiidka iyo sidoo kale dadweynaha. Lama soo sheegin weli cid ay ciidanka DFS ku qabteen howlgalkaan, hase ahaatee ciidanka DFS ayaa wadey howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wefdigii Beesha Caalamka ee Khamiista maanta ah imaan lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dib u dhacay ilaa Sabtida,sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah. Wefdiga ay hoggaaminayam wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Francisco Madiera ayaa sida warar ku sheegayan hadda lqgu qanciyay in ay ku hormaraan dhinaca Galmudug oo ay awal diiddanaayeen. Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee ay hormuudka u yihiin Haysom iyo Madiera ayaa awal diiddanaa in ay la kulman dhinacyada isku’ hayaa dowlad goboleedka Galmudug,maadaama dhinac walba sheeganayo in isagu uu Galmudug metalo. Hase yeeshee wefdiga ayaa markii dambe ku qancay in ay Galmudug u safraan,waxaana la filaya in ay kulamo kala duwan la yeeshaan dhinacyada halkaasi isku’ khilaafsan ay kala soo hadlaan xali u helidda khilaafka dhexdooda ah iyo kan Federaalka labadaba. Dhinaca kale xubnahaasi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee ay hoggaaminayan wakiilada u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Sabtida soo gaaran magaalada Garoowe. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in socdaalka wefdiga Beesha Caalamku ay Garoowe ku imaanayan uu salka ku hayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboledyada. Wefdiga ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaadan doona madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda,waxaana inta badan kulankaasi diiradda lagu saaraya xal u helista khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale qodobada la isla’ soo qaadi doono ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan Puntland,xidhiidhka Puntland iyo Beesha Caalamka iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Socdaalkii wefdiga Beesha Caalamka ee Puntland oo dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada Jubba ayaa sheegay waxyaabaha ugu weyn ee ay isku qabteen maamulada dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in maamulada dalka ay doonayaan inay iyaga yeeshaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, taasina aysan aheyn wax soconaya maadaama dastuurka uusan u ogolaaneyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in marka laga hadlayo nidaamka saxda ah ee Federaalka marnaba aysan suuro gal aheyn in siyaasad arrimo dibadeed ay yeeshaan mamul goboleedyada oo shaqooyin kale ay u yaalaan. “Dowlad goboleedyada waxaa laga doonayaa inay adeegyada hoose dadweynaha gaarsiiyaan, waxaa usoo haray inay canshuuraha arruuriyaan, waxbarashada ka shaqeeyaan iyo arimaha kale, waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ee saxda ah”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in marka maamulada ay ku fakaraan inay sameeyaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, inay la micno tahay inay doonayaan in socdaalka badiyaan, sida uu hadalka u dhigay. “Laakiin maamul goboleedka hadduu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah, taasi macnaheeda waxa waaye waxaan doonayaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tago ayey rabaan, Waxaan ka wadaa haddii madaxweyne Dowlad goboleed uu la kulmo Salva Kiir, maxaa ka dhaxeeyo , ileen adigu dowlad goboleed ayaa tahaye”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana hadda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan khilaafkaasi. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Farmaajo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Prime Minister Abiy Ahmed was feted like a superstar by his countrymen in Germany, whom he called on to return home and help build a new Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  6. Anonymous threats. Police harassment. Hostile officials. The constant, hovering cloud of self-censorship, social exclusion and forced exile. And to top it all off: low pay. Source: Hiiraan Online
  7. Most newcomers will address skills shortages and gaps in the labour market Canada will take in 40,000 more immigrants in 2021 than it plans to accept this year, Immigration Minister Ahmed Hussen said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. Ilhan Omar fled civil war in Somalia and spent four years of her childhood in a refugee camp in Kenya. Now she is poised to win a seat in the U.S. Congress, taking on a president who has tried to prevent people like her from coming to America. Source: Hiiraan Online
  9. Majority of Kenyans joining the Al Shabaab are being used as sacrificial lambs, a former foreign fighter and returnee has revealed. Source: Hiiraan Online
  10. Gianni Infantino has asked Qatar if it would share games with Saudi Arabia and other rival countries in the Gulf. Saudi Arabia has been leading a blockade of the small desert country since 2017. Source: Hiiraan Online
  11. In a market already boasting the likes of WorldRemit and TransferWise, Somalia-based startup DagDag thinks it has what it takes to succeed in the remittances space. Source: Hiiraan Online
  12. WASHINGTON) — At an apparent turning point in one of its hardest foreign policy challenges, the Trump administration is demanding a cease-fire and the launch of U.N.-led political talks to end the Saudi-Iran proxy war in Yemen. Defense Secretary Jim Mattis called for a halt to hostilities within 30 days. Source: Hiiraan Online
  13. Prince Ahmad bin Abdulaziz's reported return is seen as a potential challenge to Crown Prince Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
  14. Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaan lagu casuumin xafladdii 29-ka bishan lagu daahfuray garoonka Istanbul ee aduunka ugu weyn oo uu madaxweynaha Turkiga Erdogan xariga ka jaray, sababo la xiriira khilaaf ka dhex jira labada dhinac, sida ay ogaatay Caasimada Online. Soomaaliya ayaa laga reebay liiska 18 dal oo ay ka mid yihii Qadar, Sudan, Pakistan, Serbia iyo Uzbekistan oo iyagu lagu casumay xafladaas, inkasta oo markii hore qorsuhu ahaa in Soomaaliya la casuuumo. Turkiga ayaa martiqaad u fidiyey dalalka saaxiibka dhaw la ah, hase haatee waxaa su’aal la’iska weydiiyey sababtii ay Soomaaliya uga qeybgalin waayeen. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaa loo aaneenayaa ka maqnaanshaha Muqdisho ee xafladaas go’aankii ay ku taageertay Sucuudiga ee ku saabsanaa dilkii loo geystay saxafi Jamal Khashoggi, oo Sacuudiga ku dhex khaarijiyeen qunsuliyaddooda Sacuudiga. Waa tallaabadii labaad ee Turkiga ay qaadaan, oo ay ku muujiyeen sida ay ugu xun yihiin siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo qaabka ay u jihaysan tahay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa 27-kii bishan ka baaqday shir ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC), sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi . Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyey in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii xukuumadda Kheyre ay taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  15. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Hussain Sajwani, waa Ganacsade u dhashay Dalka Imaaraadka, waa milkiilaha Dharikadda Damac Properties, waxaa uu ka warbixiyay sababta ay Dubai u noqotay xarunta Ganacsiga Caalamka. Xuseen waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka faa’ideysatay burburka Dalalka Ciraaq, Soomaaliya, iyo Kuwait. Waxaa uu Wareysi siinayay CNBC, oo laga leeyahay Mareykanka, xafiisyo cusubna ka furatay Magaalada Dubai, halkaas oo uu ka qeybgalay laguna wareystay. Waxaa uu tusaale u soo qaatay dagaalkii Ciraaq iyo Iran ee 1980 ilaa 1988ddii, faragelintii Ciraaq ee Kuwait sanadkii 1990kii iyo bur burkii Soomaaliya ee 1991dii. Ganacsade Xuseen Sajwaan ayaa sheegay in Dubai ay markasta ka faa’ideysato dhibaatada ka jirta Gobolka ugana faa’ideysato si sahal ah. Waxaa uu sheegay in maalqabeennada dalalka ay colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed ka dhacaan ay Hantidooda u soo wareejiyaan Dubai, halkaas oo amaan ah, waxaana uu sheegay in arrintaas ay fursad u tahay Imaaraadka. Waxaa uu ku faanay in Dubai ay marti geliso dad ka yimaada dalalka China, Hindiya, Syria, kuwa Europe iyo Afrika inteeda kale, kuwaas oo Hantidooda ku badbaadsanaya Dubai. Xuseen Hantidiisa waxaa ay gaareysaa $2.6 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana uu wax ku bartay dalka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
  16. Hague (Caasimada Online) – Dad ku takhasusay Sharciga, kuwa u dhaq dhaqaaqo Xuquul Isaanka iyo Saxafiyiin kasoo kala jeedo dowlado badan oo Yurub ka tirsan ayaa ku dhawaaqay olole cusub oo lagu doonayo in lagu maxkamadeeyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman kadib markii lagu soo eedeeyey inuu dambiyo ka galay dad rayid ah weerarkii ay Sacuudiga iyo xulafadeeda ku qaadeen Dalka Yaman. Sida ay faafisay Al-Khaliij Online waxaa la isku raacay in ololahaas lagu dhawaaqo kadib kulan weyn oo ka dhacay Magaalada The Hague ee dalka Holland. Sababta loogu qabtay kalankaas Magaalada The Hague ayaa lagu sheegay inay calaamad u tahay cadaaladda iyo in loo cadaalad fallo dadka lagu dulmiyo dagaalada iyo inay sidoo kale Xarun u tahay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga halkaas oo lagu maxkamadeeyey tobonaan kun oo qof oo ku eedeysnaa dambiyo dagaalka iyo inay caalamka ka geysteen Xasuuq. Dadkaan u midoobay dacwadaan ayaa Dhaxal sugaha Sacuudiga kusoo eedeeyey inuu xasuuqay Caruur badan inta uu socday dagaalka lagu qaaday Dalka Yeman tan iyo sanadkii 2015. Waxaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka ilaa tobanaan kun oo dad rayid ah oo ay ku jiraan 6 Kun oo Caruur ah oo aan waxba galabsan. Waxaa si shakhsiyan ah loogu soo eedeeyey inuu ka dambeeyey duqeymaha Yeman ka dhacay halkaas oo lagu xasuuqay dad rayid ah. Bin Salman ayey ku tilmaameyn inuu yahay gacan ku dhiigle iska dhigo inuu yahay nin ka shaqeenayo dib u heshiisiinta, waxayna ballan qaadeyn in dacwadiisa lagu qaadi doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  17. Dalka Soomaaliya oo dagaalo wajiyo badan leh ka socdeen muddo 27 sano ah ayaa shirarkii is-daba jooga ahaa ee lagu raadinayey dib u yaglee-lida dowladnimada waxaa lagu heshiiyey in nidaamka Federaalku yahay midka kaliya oo dib la isugu soo celin kara wadankaan dagaaladu hala-keeyeen. Dadka dagan degaanada Puntland oo waxyeelo badan kasoo gaartey dagaaladii sokeeye ee dhacey ayaa markii dib u dhac weyn ku yimid in la helo dowlad Soomaaliyeed waxay sanadkii 1998 kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, odey dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada go’aansadeen iney dhistaan maamul goboleed “State” qayb ka noqdaa hadii dalka lagu dhaqo nidaamka Federaalka. Nidaamka Federaalka oo heerar kala duwan soo marey qaadashadiisu ‘ Hoos kasoo dhisid kor u dhisid” ayaa waxaa si rasmi ah loo qaatey markii dowladii KMG aheyd sanadkii 2004 lagaga dhawaaqey kulankii lagu qabtey dalka Kenya kaasooo Madaxweyne uu ka noqdey AHN Cabdulahi Yusuf Axamad oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey maamulka Puntland. Shacabka ku nool degaanada Puntland waxay dib u bilaabeen iney ka faa’ideystaan fursadii uu bixinayey qadaashada nidaamka Federaalka ee Soomaaliya iyagoo dhinaca kale qiimo nafeed iyo mid dhaqaale ku baxshey in la helo dowlad dalka oo dhan ka hirgasha. Culimaa’udiinka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland waxay qayb ka ahaayeen shucuubtii ka faa’ideystey fursadaha uga badana ka heley nidaamka Federaalka ku dhsimey kaasoo mabaa’dii’diisu tahay in bulshadu u madaxbanaan tahay arimihooda hoose ee taabanaya hurumarkooda shaqo iyo midka bulsho. Dastuurka u dagsan maamulka Puntland ayaa ah mid saamaxaya in madaxda xukunka haysa iyo Barlamanka Shantii sano mar la doorto inkastoo jiraan arimo laga gaabshey Puntland maanta waa mid nidaamkaan ku heshay kaabayaal dhaqaale sida garoomada diyaaradaha, hurumarka dhinaca arimaha bulshada iyo midka shaqsiyadeed ee shucuubta ku nool meel kasta ha ka yimadeen. Doorka Culimada ku leedahay Puntland Degaanada uu ka dhisan yahay maamulka Puntland ayaa tan iyo intii wadanka Soomaaliya ka dhaceen dagaalada Sokeeya waxaa dhibaatooyin balaaran kasoo gaareen dagaal diimeedyada kooxaha xukunka dalka ku raadiya magaca Islaamka ay ku soo qaadeen kuwasoo heerar kala duwan soo marey. Sanadkii 1992 deganada hadda loo yaqaan Puntland waxaa dagaal ku soo qaadey ururka Itixaad Islaami garabkiisa ciidamada kuwasoo raadinayey xiligaas iney awooda siyaasadeed ee gobolkaas oo ku yaal meel istaraatiiji ah qabsadaan, waxaana lagaga adkaadey dagaalo ay la galeen jabhadii SSDF oo markaas talada goboladaas gacanta ku haysay. Dagaaladaas kadib waxaa heshiis wada galey siyaasiyiinta degaandaas iyo culimo ka socotey garabka faafinta diinta “Dacwada” ee ururkaas kaasoo markii hore diidanaa in dagaalkaan la qaado. garabka ciidan ee ururkii Itixaad Islaami oo u xuubsiibtey markii dambe Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa markii lagaga adkaadey dagaaladii ay la galeen dowladii KMG aheyd oo garab ka heleysa wadamada dariska la ah Soomaaliya waxaa ka dilaacey garbkii Al-Shabaab kaas oo maanta dagaalo kawada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland. Dhismihii maamulka Puntland iyo qaadashadii nidaamka Federaalka Soomaaliya kadib ururka Itixaad qaybtiisa dacwada waxay la baxeen magaca Ictisaam waxayna qayb ka noqdeen dib- u-dhiskii deganada hoos yimaada maamulkaan kuwasoo gacan ka gaystey arimaha waxbarashada, arimaha samafalka iyo fidinta diinta Islaamka. Kaadiriintii ururadaan Islaamiga ah soo saareen ayaa sidoo kale qayb ka noqdey siyaasada Puntland iyadoo dowladihii kala duwanaa ee talada soo marey ka qabtey xilal sare sida golaha wasiiradsa iyo Barlamanka. Maxaa dheraad ku ah xiligaan culimada Ictisaam ee Puntland? Maamulka Puntland ka jira xiligaan kasoo uu hogaaminayo Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa ku yimid bur-bur hay’adaihii dowliga ahaa taasoo fursad siisey dowlada Federaalka ah gaar ahaan siyaasiyiintooda diidan ku dhaqanka nidaamka Federaalka. Puntland oo saldhig u ah jritaanka in dalka Soomaaliya ku dhaqmo nidaamka Federaalka ah ayaa waxaa xiligaan ay galeysaa doorasho iyadoo faragalin kaga imaaneyso madaxda Villa Somalia kuwaasoo adeegsanaya qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan culimada Ictisaamka. Ururka Ictisaam hogaamiyaashiisa ku sugan Puntland waxay tan iyo intii dowlada Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo la doortey xiriir wanaagsan la lahaayeen madaxda Viila Somalia gaar ahaan agaasimahii hore ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin kaasoo ka tirsan ururkaas. Xubnaha ugu sareeya ururkaan oo safaro kala duwan ku bixiyey magaalada Muqdisho ayaa waxay kulamo la qaateen madaxda Villa Soomaaliya kuwasoo qaarkood olole u galey shaqsiyaad rajo ka qaba iney qayb galaan doorashada Puntland. Dhinaca kale waxaa soo baxayay maalmhaan codad kala duwan kuwasoo diidan kulankii madaxda maamulada Afarta ah ku yeesheen magaalada Garowe, waxaana kamid ah kulamo madaxda culimada Ictisaam ku qabteen mgaalooyinka waaweyn ee Puntland. Madaxda sare ee ururka ictisaam ayaa kulamo ay ku qabteen Garowe iyo Boosaaso ku dhaleeceeyey go’aamada madaxda (Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur galbeed) iyagoo dhinaca kale nidaamka Federaalka ku timaamey mid aan waxba soo kordhin islamarkaana tahay in la iskaba dhaafo. “Qaybyalaadu iyadda oo siyaasadeysan, iyadda oo qoysaysan, iyadda oo kooxeysan bay ina gashay. 30 kadib waxaan is-la-heyn waxbaa idin qabsoomay. 30-sano qof xanuunsanayey in la yiraahdo wuu caafimaadi doono, wax laga sugi karo ma laha. Laakiin, in saacadaan gudihii caasimada, banaankeeda iyo maamul goboleedyadii looga heshiiyo, oo lagu ooryi, oo shirar lagu abaabulo, oo la yiraahdo ‘ka kocooy’ maxaa badal ah oo la hayaa?, maxaa dhaama oo la haya, hadda Rajo baa jirta “dowlada Federaalka ah”, waxaa socda Rajo ayey Umaddu ka qabtaa. Dadku rajadu waxay uga qabaa badankooda wax uun bay ka arkeen. Maxaa dhaama oo ay hayaan? Dib ha-loo eego, mid walba meesha uu ka taliyo hala eego. Maamul walba meesha uu ka taliyo hala fiiriyo? Si dee bay tahay, Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Danta ay ka shaqaynayaa ma ahan dan Soomaaliyeed, waa dan kale oo ay ashqaasyo leeyihiin. Hadii nalku qan-ciyo, masaakiin baanu nahay. Lakaiin danta ay ka shaqaynayaa waa dan kale, ma ahan Dan Soomaaliyeed,” ayuu Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax ka hadlayey magaalada Garowe. Magaalada Boosaaso waxaa ka hadlay Sheekh Axmed Daahir Aw Cabdi iyo Sheekh Cabdi-qani Qorane kuwasoo dhaleeceeyey go’aamdii madaxda maamulada islamarkaana ku taliyey in dowlada Soomaaliya lala shaqeeya islamarkaana meel la iska dhigo khilaafyadaan. ” Waa run in Puntland uu dhibaatooyin badan ka sameeyey Madaxweyne Gaas, danihiisa gaarka ahna ku qunsadey khilaafyadaan laakiin weli waa Madaxweynaha maamulkan Labadaan bilood ee dhiman balse marna lama aqbali karo iyadoo cid kale loo adeegnayo in khalkhal la galiyo jiritaanka Puntland.” sidaas waxaa GO u sheegey qof aad ula socda arimaha siyaasada maamulkaan oo ku sugan magaalo madaxda. Culimada iyo shaqsiyaadka hadalada ka jeediyey saxaafada maalmihii lasoo dhaafey ayaa aamusnaa xiligii Madaxweyne Gaas isagoo gacansaar la leh madaxdii joogtey villa Somalia xiligaas in dalka lagu dhaqo nidaamka qabaliga ee 4.5 kaas oo gundhig u ah khilaafyada maanta taagan. DAAWO MID KA MID AH CULIMADAAS HADAL UU KA JEEDIYEY GAROWE Xigasho: Garowe Online
  18. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Qaswadeyaal iyo Danleey Ilaa iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ku soo badanaayey kooxo qowleysteyaal ah oo ku baraaray burburka iyo dowlad la’aanta dalka ka jirtay. Kooxahaan ayaa waxaa ka mid ah ganacsato dhiig miirato ah oo ka ganacsato badeecooyin tayadoodu aad u hooseeyso, raashin iyo daawooyin dhacay oo halis galin kara caafimaadka iyo noloshada bulshada. Kooxaha qaswadeyaalka iyo danleeyda isugu jira ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiin abuura isla markaana malaayiin doolar ka sameeya qaska iyo jahowareerka siyaasadeed ee ay wajahdo dowlad kasta oo dalkaan hogaankiisa qabatay. Waxay markasta abaabulaan ama hormuud ka noqdaan mooshin iyo falal kale oo aan u adeegeyn danta iyo maslaxadda ummadda. Kooxdaan ayaa waxaa kaloo ka mid ah saaraakiil sare oo ka tirsan ciidanka qalabka sida kuwaas oo si fool xun u musuqmaasuqa mushaarka iyo saadka ciidanka. Arrintaan ayaa dowladda Soomaaliya ku noqotay canbaar wajiga ugu taal, iyadoo dowladdu inta badan ku tiirsan tahay taageero dalal shisheeye sida Mareykan, Midoowga Yurub, Turkiga, Imaaraadka iyo dalal kale. Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Mareykanku ku dhawaaqday iney musuqmaasuqa jira awgiis u joojisay mushaarkii iyo saadka ay ku taageeri jirtay qaarka mid ah ciidamada qalabka sida. Waxaa iyaguna kooxda soo galaaya qaar ka mid mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka kuwaas oo si bareer ah u dhaca xoolaha loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee aan is difaaci karin. Kooxdaan ayaan ka xishoon boobka iyo wax is dabamarinta ay ku sameeyna dhaqaalihii samafalka. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, waxaan halkaan ku koobayaa kuwo ugu daran ee ay keeneen kooxdaha qaswadeyaalka iyo danleeyda ah. Degenaansho la’aan siyaaseed: waxaa caadi iska noqotay in mooshin iyo dowlad ridis ay tahay shaqo joogta ah oo ay qabtaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta. Kooxdaan ayaa mooshinada u keena labo sababood. Waatan koowaade, in ay helaan jago ama xil siyaasadeed oo weyn sida, ra’iisulwasaare, wasiir, guddoomiye baarlamaan IWM. Waatan labaade, in ay ka sammeeyaan dhaqaale aan loo soo dhididin oo layska gurto. Arrintaan ayaa waxay keentaa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo hour-socod la’aan joogta. Musuqmaasuq: kooxdani waxay ku caan baxday boobka iyo in dowladnimada laga dhigto dukaan dhaqaale xaddhaaf ah lagu sammeeyo ama si dhaqso ah looga taajiro. Arrintaan ayaa keentay in hay’addaha dowladdu noqdaan kuwo magac u yaal ah oo aan looga baran wax qabad la taaban karo. Musuqmaasuqu wuxuu ka dhigaa dowladda mid uu dadku ka aamin baxo loona arko maqaaxi u shidan koox tuugo ah. Faragelin shisheeye: Kooxda qaswadka iyo daneeysiga ku caan baxday waxay fure u yihiin in dalku ka bixi waayo faragelin shisheeye ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Kooxahaan ayaa markasta waxay jecelyihiin in dalka ay hoos geeyaan dowladdo iyo hay’addo ay ka dhex arkaan dano yar-yar oo aan wax ku ool u ahayn ummada soomaaliyeed iyo dowladnimadeeda. Khatarro caafimaad: Danleeydu waxay ku howlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale, laakiin marna damiirkoodu ma siiyo inay ka ganacsadaan wax ummadana u wanaagsan iyaguna ay faa’iido ka heli karaan. Kooxdan ayaan dan ka lahayn dhibaatooyinka caafimaad ee ay keenaan raashinka iyo daawooyinka dhacay iyo badeecadaha tayadoodu hooseeyso. Kooxdaan ayaa markasta ku mashquulsan sidii ay lacag u heli lahaayeen laakiin marna dan ka lahayn dhibaatooyinka ay keenaan iyo xalaalnimada waxa ay kasbadaan. Fowdo iyo Nidaam la’aan: maadaama ay ka taajireen ganacsi ku dhisan laaluush, boob iyo dhiigmiiradnimo, kooxdaani waxay inta badan ka cabsi qabtaa in haddii dowladnimo la helo aaney heleyn faa’iidooyinka ay kaga macaasheen maqnaanshaha iyo hooseeynta sharciga. Kooxdaan ayaa waxaa caado u ah inay is hortaagto wax kasta oo ay u aragto inaaney maslaxadooda iyo danahooda shaqsiga u wanaagsaneyn. Si ay danahood u fushadaan waxay markasta garaacaan durbaan qabiil iyagoo adeegsada kooxo wax magarato ah, kuwaasoo abuura falal qarbudaad ah oo keenaya amni daro iyo cabsi gelin. Jaasuusnimo: kooxdaan danleeyda ayaa waxay caan ku yihiin inay ku faanaan jaasuusnimo ay u sameeyaan dalal ama hay’addo ajnabi. Waxay mar kasta buunbuuniyaan dhibaatada dalka ka jirta iyo in soomaalida ay ka dhexjirto colaad aan la xalin Karin. Waxay markasta u gudbiyaan sir kasta oo dalku leeyahay dalalka kale, waxayna aaminsan yihiin in sida ugu fudud ee xil iyo mansab siyaasadeed ay ku heli lahaayeen ay tahay jaasuusnimo iyo in ay sheegaan ceebaha iyo cilladaha dalkooda iyo dadkooda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan faragelin shisheeye, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Baydhaba (Caasimada Online) – Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa abuurtay Khilaaf iyo murun cusub oo ka dhex dhasha xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeedaa deegaanadaasi. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa la kala saftay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo dowladda Soomaaliya oo lagu tuhmayo inay musharax gaar ah wadato. Maalmo ka hor xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay taageero dhaqaalo iyo gaadiid ay siisay mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaalada Baydhabo. Sidoo kale xildhibaano u jawaabaya kuwa eedeeyay dowladda Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay been abuur tahay eedeymaha dhamaan ee loo jeediyay dowladda Soomaaliya. Waxayna dalbadeen inaan la marin habaabin shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed, taasi oo muujisay in xildhibaano si Wadajir ah kaga tagay magaalada Muqdisho ay ku kala qeyb sameen arimaha doorashada Koonfur Galbeed. Xildhibaanada labada dhinac la kala saftay ka sokow, waxaa shaki badan uu ka dhashay gaadiidka Xabada aan karin oo la arkay isaga oo laga qaadayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Bartamaha Bisha November waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso sida qorshaha uu yahay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo musharixiin badan ay u taagan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Waa faallo aan ugu magac daray Doorashada Koofur Galbeed waa Gool ku laadka khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya wana mid aan ku eegayo doorshada Koofu galbed iyo muhiimadda ay u ledahay dowldda iyo maamul goboledyada oo uu khilaaf ka dhexeeyo. Khilaafka u dhaxeeya dowladad Federalkka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboledyada hoos yimaada ayaa ah mid salka ku haya awooda maamul , qeybsiga dhaqaalaaha iyo arimo kale oo siyaasadda la xiriira sida inta badan la sheego. Xaaladihi ugu danbeeyay ee khilaafka labada dhinac ayaa ah mid ka bedalan heerar hore oo uu soo maray. Maamul Goboledyada 8-dii bishii September ayay Kismaayo go’aan ku gaareen hakinta wada shaqeynta kala dhexysay dowladda dhexe , waa mid cuur yaamineysa adeegyada dowladeed ee dalka. Inkasta oo Hirshabeelle Go’aanka dib uga laabatay. Isla maalinta ay Go’aan ka soo saareen madaxda maamul goboleedyada ayaa Madaxweynaha dowladda federallka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ugu baaqay in ay Caasimadda dalka ee Muqdisho u yimaadaan wadahadal labada dhinac ah, balse waa ay ka diideen. Aqalka sare ee dalka ayaa bilaabay dadaal la isugu soo dhaweynayo labada dhinac ee khilaafka ka dhexeeyo, balse u muuqda in midba uu midka kale ka caga jiidayo inuu kaga dhawaado xal raadinta. Waxaa sababta ay muddo u qaadatay xal u helista khilaafkan danbe lagu sheegayaa dhowr sababood. Waa tan hore ee madaxda dowladda oo la rumeysan yahay in ay aaminsanyihiin in waqtiga inta badan ee madaxda maamul goboleedyada uu yahay dhamaad sidaasna aysan ku lahayn saameyn weyn. Waa tan labaad ee madaxda maamul goboleedyada oo la rumeysan yahay in ay khilaafkan oon xal loo helin ay keeni karto waqti kororsi ay sameytaan. Sababo kale oo la tilmaamo ayaa jira, balse labadaasi ayaa ah kuwa ugu hadal heynta badan. Daah ma saarna in baaqyada badi loo dirayo labad dhinac dhagaha ay ka daarteen. Maamul goboledyada waxay soo saaraan eedo is daba joog ah . Dowladuna marna waa ay ka aamustaa marna wadahadal Muqdisho la iskugu yimaado ayay ku baaqdaa. Aqalka sare kama daalo isku deyga in xal la gaaro oo ugu dambeyn waxaa uu maalmo kahor ku guulesytay in xukuumaddu uu ka helo xubno wasiiro ah oo gogol xaar u noqda miis la wada fariisto , si lamid ah dowlad goboleedyada ayaa laga rajeynayaa. Waxaa muuqaneysa in hadii sidan xaalku sii ahaado labaatanka cisho ee soo socota dhinac ka mid ah dhinaycada khilaafka uu ka dhaxeeyo siyaasadda looga adkaan karayo. Waa marka ay dhamaato doorashda madaxtinimon ee koofur Galbeed oo dhici doonta 17-ka Bisha soo socta ee Novembar soona baxo madaxwqeynaha Koofur Galbeed ee sanadaha soo socda. Tartanka doorashada ayaa ah mid sida gool ku laadkii la iskaga adkaan karo khilaafka dowladda iyo maamul gobaleedyada. Waayo maamul gobaleedyada Golaha ay ku mideysanyihiin ee Afarta maamul Puntland , Galmudug , Koofur Galbeed iyo Jubbland, waxaa u gudoomiye ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha waqtigiisu maalmaha kooban ka hareen hadii aan dib loo dooran. Waxaana ay madaxda maamul gobaleedyad dadaal badan ugu jiraan sidii uu u soo laaban lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka sukow Koofur Galbeed ah nin sameyn shan iyo tobankii sano ee u danbeeyay ku lahaa siyaasadda guud ee dalka. Shariifku waxaa la rumeysanyahay in u yahay siyaasi galangal badan lana qiyaasi Karin in laga adkaanayo iyo in kale marka loo fiiriyo Jalaafooyin siyaasadeed oo uu dhowr jeer horey u soo dhigay. 14-sano kahor xiligan 2004-tii ayuu noqday Gudoomiyaha Baralamaka KMG ah ee dowladdi Cabdullahi Yuusuf , waxaa uu xilkaasi waayay sanadka markii uu ahaa 2007- oo wadahalo aan lagu racin uu la galay xubno ka tirsanaa Midowaga maxaakiimta Islamaamiga kaidbna noqday Isbaheysiga dib u xureynta , isaga iyo xildhibano Baarlamanaki xiligasi ka tirsana ayaa la baxay Baarlamnaka Xorta ah , waxaana la sheegaa in Magaalada Asmara uu siyaasad kaga adkaay Xasan Daahir Aweys oo aha gudoomiayha Golaha Shurada ee Isbaheyga dib u xureynta. Ra’iisal wasaare xigeen ahna wasiirkii Maaliyadda ayuu noqday 2009-ki balse Bishii Maay ee 2010 ayaa loo doortay Gudoomiye Baaralmaan marki uu siyaasad meesha uga saaray Shiikh Aadan Madoobe. Ra’iisal wasaarihi xiligaasi Maaxmed Cabdulahi Farmaajo oo hada ah madaxweynaha Soomaliya ayayna is qabteen oo uu ugu danbeyn meesha kaga saaray Kampala Accord 19-kii June 2011 oo uu Farmaajo muqdisho kaga dhawaqy is casiliaadiisi. Wixi ka danbeeyayna ragga kariya siyaasadda ayuu ugu horeeya sida la rumeysan yahay oo waxaa uu madaxdi soo martay dalka in badan kala shaqeeyay socodsiinta ajendayaal la’aantii la dhaqaajin waayay. Waana nin saaxiibo dhaw ku leh hadba Baarlamankii jira, balse xiligan ayay taala kubad gool ku laad ah oo lawada fiirsan doono. Madaxda dowladda ayaa la rumeysanyahay in ay dadaal ugu jiraan kursiga Shariif Xasan in Siyaasi kale loo helo. Hadii uu Shariif markale madaxweyne ka noqdo Koofur Galbeed waxaa cad in Golaha iskaashiga dowlad gobaleedyada uusan ku imaan doonin is bedel. Hadiise uu meesha ka baxo waxaa dhici doonta in ay waayaan Gudoomiyaha Golaha iskaashiga , sidoo kalena ah mid kamid ah tirarka ugu weyn ee ay ku taagan yihiin. Waxaa ay noqon doontaa madaxda dowladda oo taageero ka heysta Labo madaxweyne maamul gobaleed , Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ee Gool ku laadka yaala ah. Shariif Xasan miyay ku dhici doonta Saaxiib jaaw oo siyaasaddu malahan Saxiib joogto ah mise markale ayuu wacdaro dhigi doonaa. Aanse su’aal idiin kaga tagee mar hadii dowladda iyo maamul goboleedyada u bisleyn in miiska wadahadalka la is kugu yimaado , Waxaana si hoose u muuqato in la isku reebayo siyaasadda sow doorashada madaxtinimo ee Koofur Galbeed lama oran karo waa Gool ku laadka khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya? W/Q:- Abdiqani Cabdullahi Ibraahim Email:-Abdiqaniifiye@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. 22-Augut 2018 waxa aheyd waqtigii uu xiliga la wareegay gudoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje oo afarta sano soo socota hogaamindoona maamulka naadiga elman oo ah kooxda ugu goolaha badan dalka ka dib magacaabistii waxaa soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta,ciyaatooydii soo martay kooxdan kuwa iminka u dheela iyo taageerayaasha naadiga jaalayaasha Tani waa is badalka muuqda oo la yimid gudoomiye Gariooje,isgoo si heer sare u qurxiyay xafiisyada uu ku shaqeyndoono sanadaha soo aadan kolkii aad booqatana waxa aad kuu soo jiidanaya qaabka casriga ee loo diyaariyay taasoo u eg goobaha ay ku shaqeeyaan kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta caalamka Inkastoo isboortiga uu yahay is dhax gal bulsho iyo luuqad ay isku fahmaan dadyowga kala duwan ee caalamka waxaa halkan ka muuqda xushmada iyo qadarin loo muujiyay madaxda ugu saraysa ciyaaraha waxaa xafiiska lagu xardhay sawiradda gudoomiyaha xiriirka kubbadda dalka Cabdi qani Saciid Carab,gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka Giano Infantino Koox kasta oo ka dhisan caalamka waxa tiir u ah hanashada koobabka maxliga ee laga dhigo gudaha dalka ay ka dhisan tahay iyo in ay kasoo baxaan xidgo badan oo kaalin mugleh ka qaata waajibaadka xulka qarankooda Elman waxaa kasoo aflaxay xirfadlayaal aad loogu qadariyo kubbadda cagta dalkeena kolkii aad booqato xafiisyada shaqada ee kooxdan waxa ay indhahaagu qabanayaan tan iyo aaskeedii koobkii ay ku guulasytay taas oo ay si wanaagsan u xafideyn maamuladii kala duwanaa ee soo maray sanadihii laga soo gudbay Dalka ayaa soo maray maraxalado aad u adag iminka waxaa loo jaheestay dhibihii horomarka kooxaha kubbadda cagta ay samaynaya is badalo si ay la jaanqadaan naadiyada ka dhisan yurub iyagoo ka faa idasanaya aalada tikjoolajiyadda casriga ee waqtigan Gudoomiye Garooje waxa uu soo ciyaaray da’yarta Horseed 1984 iyo kooxda Madabacda qaranka 1988 intaas ka dib waxa uu kordhiyay heerkiisa aqooneeyd ee xirfada gool haynimo,isagoo xiriika kubbadda cagta dalka Egland ee FA-ga ka qaatay shaahada heerka 3-aaad Halkaan Ka Daawo Warbxinta Qalabeynta Xafiisyada Shaqada Kooxda Elman Waxaa Diyaariyay-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. ANKARA (Caasimada Online) — Journalist Jamal Khashoggi was strangled as soon as he entered the Saudi consulate in Istanbul and then “cut into pieces”, Turkey’s chief prosecutor said Wednesday, making details of the murder public for the first time. A statement from the office of prosecutor Irfan Fidan said meetings with his Saudi Arabian counterpart, who visited Istanbul this week, had produced “no concrete results” on the killing, which it said was premeditated. Khashoggi, a 59-year-old Washington Post contributor, was murdered after entering the Saudi consulate in Istanbul on October 2 to obtain paperwork ahead of his upcoming wedding. His body has not been found. The statement comes hours after Saudi Arabia’s chief public prosecutor ended his visit to Istanbul, during which he met Fidan twice and visited the kingdom’s consulate and the regional offices of the Turkish intelligence agency. Saudi Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb reportedly refused to share information from Riyadh’s own investigation. “In accordance with plans made in advance, the victim, Jamal Khashoggi, was strangled to death immediately after entering the consulate on October 2,” the Istanbul prosecutor’s office said in a statement. “The victim’s body was dismembered and destroyed following his death by suffocation -– again, in line with advance plans,” it added. Turkish authorities said they were not satisfied after the talks with the Saudi prosecutor. “Despite our well-intentioned efforts to reveal the truth, no concrete results have come out of those meetings,” the Istanbul prosecutor’s office said. President Recep Tayyip Erdogan has repeatedly urged Riyadh to reveal the location of the body and who ordered the hit. And contrary to media reports, Mojeb also said no statement was made by the Saudi authorities that the body was given to a “local cooperator,” according to the Istanbul prosecutor’s office. Sources: AFP
  23. Being a member of the panel that discussed “Transforming Mogadishu in an Age of Smart-city and Interconnectivity” at the Mogadishu Tech Summit, Source: Hiiraan Online
  24. Cadaado (Caasimada Online) – Axmed Maxamuud Baasto, madaxweynaha dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado kadib Khilaafkii Galmudug, ayaa sheegay inuu ugu horeyn soo dhaweynayo qoraalkii kasoo baxay madaxa xukuumada ee Galmudug. Axmed Baasto, ayaa sheegay in qoraalkaasi kasoo baxay Sheikh Maxamed Shaakir uu muujinayo wanaaga iyo rajada laga qabo in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu horseedi karo in la xaliyo khilaafka ka taagan deegaanada Galmudug ee u dhaxeeya madaxda Galmudug, kaasi oo sababay in lagu guddoomiye baarlamaan ku xigeenadooda iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug. Mar la weydiiyay xalka Galmudug iyo qaabka lagu dhameyn karo Khilaafka Galmudug ayuu sheegay inuu isaga xitaa uu tanaasuli doono haddii uu ku jiro Xalka deegaanada Galmudug, sida uu sheegay Axmed Baasto. “Waxaan anigu diyaar u ahay aragti mid ah oo ay la yimaadan, Ummada waxay rabto ayaan diyaar u ahay, dhaqanka iyo shacabka ayaan ka aqbalayaa waxay la yimaadaan, waxa kasta oo ay raali ku yihiin ayaan anigana raali ku ahay” “Anigu maahi qof Kursi doon ah, waxaan ahay qof xal doon ah, xitaa haddii xalka uu ku jiro kursigeyga waan ka tanaasulayaa, oo shacabka iyo dhaqanka waxay doonayaan oo ay isku raacaan ayaan anna aqbalayaa”ayuu yiri Axmed Baasto. 20 kii October ayaa Axmed Baasto xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ay ku doorteen magaalada Cadaado, kadib markii guddoomiye baarlamaan lagu doortay magaalada Dhuusomareeb. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com