Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. UN inspectors are examining more than 2,500 AK-47 rifles and other guns seized by the crew of a U.S. destroyer off the coast of Yemen to determine whether the weapons originated in Iran or Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. "I think in 15 years — it's not inevitable — but it is a very strong likelihood that we will be at war with China," said retired Lt. Gen. Ben Hodges Source: Hiiraan Online
  3. Djibouti Telecom and Somtel today announced that the supply contract for the Djibouti Africa Regional Express 1 (DARE1) submarine cable system has come into force, with TE SubCom as a supplier. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, kadib go’aankii kasoo baxay madax goboleedyada. Fiqi ayaa qoraal uu uga hadlayo go’aanka madax goboleedyada soo dhigay facebook. Hoos ka aqriso. MADAXDA DAWLAD GOBOLEEDYADA OO GAROOWE KA SOO SAARAY GO’AANNO SAAMAYNAYA MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE DALKA. Shirkoodii uga socday magaala madaxda Dawlad goboleedka Puntland mudadii u dhexeysay 20 – 24 Oktoobar 2018, waxaa ka muuqda in uu ka soo baxay go’aanno wax badan ka badalaya wixii horay u jiray, kana dhigan in madaxda Villa Soomaaliya si dhab ah looga tashaday, ayna ballaariyeen golahooda oo u muuqda in talooyinka soo socda iyo shirarkooda Danbe ay ku casuumeen waxgaradka Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasadda dalka ka dhisan shir ay ugu magac dareen “Shirweyne Wadatshi Qaran ee Badbaadada Dalka” Qodobada ugu Muhiimsanaan war-murtiyeedkii madaxda dawlad goboleedyada waxaa ka mid ahaa: AMNIGA: 1. Qorshihii amniga Qaranka oo ay sheegeen in uu guul-darraystay & Golihii Amniga Qaranka oo ay xubnaha ka ahaayeen dawlad goboleedyadu oo si buuxda burburay. 2. Gole Amni Heer Dawlad goboleed oo bedel u noqda kii Amniga Qaranka oo la dhisay kaas oo ka shaqaynaya abuurista ciidamo isku dhaf ah oo dawlad goboleedyadu leeyihiin, oo buuxin doona booskii ciidankii dawladda dhexe laga sugayey in ay kaga qeybqaataan Amniga gobolada iyo la dagaalanka Alshabaab, oo la waayey. SIYAASADDA: 1. Sii adkaynta ningaxii hakinta wada shaqaynta dawladda dhexe & in ay Qoorta u dhiibteen aqalka sare dhexdhexaadinta ay wadaan. 2. Waxay ifiyeen faragalinta iyo dhaqaalaha ay ku bixinayaan madaxda Villa Somalia burburinta Maamul goboleedyada. 3. Waxey shakki galiyeen Xeerar ay ka mid yihiin kan Betrolka oo aan haba yaraatee waxba lagaga darin waxyaabihii shirkii Baydhabo lagu heshiiyey, Xeerarka doorashooyinka iyo kan xisbiyada oo aan wadatashi ah lagala yeelan dawlad goboleedyada. GARSOORKA & DASTUURKA: 1. Waxay ka digeen dhismaha guddiga adeegga garsoorka ayadoo dastuurka la hareer-marayo. 2. Dib u eegistii dastuurka oo ay tilmaameen in la afduubtay, taas darteed aysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa. SHIRWEYNE WADATASHI QARAN: waxey ku baaqeen in la qaban doono muddo bil gudaheed “Shirweyne wadatashi qaran ee badbaadada dalka oo ay xisbiyada iyo bulshada rayidka ah ku wehlin doonaa dawlad goboleedka”. XISBIGA DAWLAD QARAN EE DAWLAD GOBOLEEDYADA: 1. Dhismaha Xisbi Qaran oo ay ku midaysan yihiin madaxda dawlad goboleedyadu oo magaciisii iyo guddoomiyihiisii la isku raacay. Gabagabadii oo ay oo isbedel ku sameeyeen madaxdii Golahooda oo horey ugu heshiiyey in maamulka CIC uu noqdo meerto sanadle ah, apago iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeen cusub oo CIC hogaamin doona sanadka soo socda. Hadaba, waxaa muuqata in siyaasadda aamusnaanta iyo Isla-waynida ku dhisnayd ee madaxda Villa Soomaaliya ay dalkii sii kala geynayso, abuureena xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, laakin waxaa muuqda weli fursado xal loogu heli karo.
  5. Municipal Court Judge Robert Hamilton gave the oath of office to Amina Ahmed, selected to fill in the term of recently resigned Mayor Michael Siefkes. Source: Hiiraan Online
  6. Marka (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia. War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga twitterka ee howlgalka midowga Afrika (AMISOM) ee Somalia, ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay Isniintii khaarijiyeen madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo aysan magaciisa shaacin. AMISOM ayaa sheegtay in sarkaalkan lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday goob Al-Shabaab ay ku shirayeen oo ku taala deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlaglaka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in weerarka gaadmada ah ee Shabaabka lagu bartilmaameedsaday lagu dilay 7 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaana lagu burburiyay gaari ay lahaayeen Shabaab. AMISOM ayaa wacad ku martay in la shaqeyn doonto dowladda Somalia illaa laga adkaanayo kooxda Al-Shabaab isla markaana nabad looga soo celinayo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. A Somali man set himself on fire in a Libyan detention centre on Wednesday, according to fellow detainees and the International Organisation for Migration (IOM). Source: Hiiraan Online
  8. Federal Member States, FMSs, in Somalia have decided to create a new force to fight the activities of Al-Shabaab in the country. Source: Hiiraan Online
  9. Shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland waxaa ka maqnaa Hirshabelle oo sheegtey in ay golaha uga baxday markey tixgeliyeen danahooda khaaska ah. Shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed, waxaana kamid ah qodobadii la isku raacay dhismaha Xisbi loogu magacdarey Xisbiga Hor-u-socod Qaran (National Progressive Party) kaas oo ay ku mideysan yihiin dhamaan Dowlad goboleedyada marka laga reebo Hirshabelle. Guddoomiyaha NPP ayaa Golaha Iskaashigu isku raacay in uu noqdo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Guddoomiyaha Xisbiga NPP Cabdiweli Cali Gaas oo munaasabadii xiritaanka ka hadley, faah-faahina ka bixiyey Xisbigooda cusub ayaa yiri: “…In la sameeyo xisbi ay ku midoobeen dhamaan Dowlad goboleedyada, sida afarta meeshan isugu yimid waxaan rajeyn in Hirshabele nagu soo biiri doonto, waxaan doneynaa in Xisbigu noqdo xisbi u eg Soomaaliya, Xisbi ka tarjumaya Soomaaliya oo dhan, Xisbi Soomaali ay ku midowdo in uu noqdo, kolba marka la dhiso waa arki doonaa nooca uu noqdo, mabdaiisa iyo ujeedooyinkiisa, waana soo bandhigi doonaa…” Dhismaha Xisbigan ayaa dhaliyey su’aalo aad u badan oo dadku is weydiinayaan su’alaha ayaa la xiriira sababta Xisbiga siyaasadeed loogu dhex dhisey shirarkii Golaha Iskaashiga ee looga hadlaayey danaha Dowlad goboleedyada, muxuu daaran yahay Xisbigan, iyo mustaqbalka qaar kamid ah siyaasiyiinta xilku ka dhamaanayo. Shirka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa looga hadli jirey danaha Dowlad goboleedyada, cabashooyinka ay ka qaban Dowladda federaalka ah iyo sidii maamuladu isu kaashan lahaayeen dhanka nabadda iyo amniga. In shirkii Golaha Iskaashiga looga dhawaaqo Xisbi siyaasadeed waxay muujisey shirarka iyo ujeedooyinka hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu in uu yahay mid shakhsiyadeed iyo damacooda siyaasadeed ee Mustaqbalka dalka, waana wax ka baxsan ujeedooyinkii ay u dhisteen Golaha Iskaashiga, waxaana ay ka been sheegeen metelaada shacabkooda. Markii Kismaayo lagu dhisey GIDG Oktoobar 2017 ayaa ujeedada Golaha lagu sheegay sidan: Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleeysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta. Saddex Dowlad goboleed doorashooyinkoodi waxay dhacayaan muddo 7 bilood ah gudaheed waxaa u horeysa Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubaland, halka Galmudug ay tahay mid qaybsanaan ay ragaadisey qarkana u saaran in uu saqiiro. Haddaba iyada oo aysan caddeyn mustaqbalka siyaasadeed, guusha iyo guuldarada hoggaamiyaasha hadda ee Dowlad goboleedyada, ee doorshooyinka soo socda ayaa jawaab u baahan sida uu noqon dono Xisbiga siyaasadeed ee ay wada dhisteen, haddii doorashooyinka looga guuleysto. Dadka qaar ayaa qaba in Xisbigan dhismihiisa iyo hindisihiisaba uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Puntland ee xilku ka dhamaanayo Cabdiweli Cali Gaas. Gaas ilaa hadda kuma dhawaaqin in uu ka qayb-galayo tartanka doorashada Puntland 2019, sidaas darteed waxa uu diyaarinayaa mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii looga adkaado doorashada Puntland 2019, si uu uga qaybgali karo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020, isaga oo kaalmeysanaya saaxiibadiisa hadda, sida Shariif Xasan Sheekh Adam oo qudhiisu rajada uu lee yahay in mar labaad dib loo doorto ay yar tahay, laakiin awood ku leh Koonfur Galbeed kuna si jiri kara siyasadeeda Xisbigana ka socod siin kara, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa shirkan waxa uu ka leexdey masaaliixda iyo danaha dadka dowlad goboleedyadaas waxaana uu isu beddalay madal lagu dhiso Xisbi siyaasadeed oo looga hadlo siyaasad shakhsi ku dhisan. Dhismaha Xisbiga NPP ee ay siyaasiyiinta Garoowe ku shirey ay dhisteen iyo in guddoomiye kumeel-gaar ah looga dhigey Cabdiweli Cali Gaas ayaa si cad u kashifaysa in Madaxweynaha Puntland uu ka qayb-geli doono doorashada 2019, taas oo lagu wado in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo maalmaha soo socda, haddii kale Xisbigan uu samaystey wax macne ah oo uu keeni karo ma jirto. Xisbiyada laga diiwaan geliyey Muqdisho ayaa ku eg Muqdisho. Dowladda ayaa soo wada iyaduna Xisbi loogu yeero NNP, waxaana muuqata in Xisbiga NPP looga hortagayo kan dowladda federaalku soo wado lana iska horgeynayo laba Xisbi oo ay garwadeen ka yihiin kuwo fashilmey labada dhinacba. Ugu danbeyn Hoggaamiyaasha Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa isku raacay shir ay ka soo qaybgalaan Mucaaradka, Xisbiyada, bulshada raidka ah iyo Golaha Iskaashiga, kaas oo ka dhacay Dhuusamareeb, shirka ayaa u muuqda mid cadaadis weyn lagu saarayo Dowladda federaalka caalamkana loo dirayo in Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo cakiran. Qore: I. Haji Said
  10. Tehran (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa sheegay inaysan Sacuudiga khaarijin laheyn Suxufigaasi Jamal Khashoggi iyadoo aan badbaadin ka heysan Saraakiil ku sugan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay. Wakaalada Wararka Islaamiga Jamhuuriyada Iran (IRNA) waxa ay kasoo xigatay Madaxweyne Rouhani inuu sheegay “Ma filayo inuu jiro wadan geysankara danbigaasi badbaado la’aanta Mareykanka”. Rouhani waxa uu intaa ku daray “Qofna ma khiyaasi Karo in dunida maanta iyo qarniga cusub inaanu markhaati ka noqono sida dil abaabulan iyo nidaam qorsheeya fulinta dilalkaas”. Sidoo kale, Rouhani ayaa arrinta dilka Jamaal Khashoggi ka hadlay markii ugu horeysay, waxa uuna rumeysan yahay in Boqorada dalka Sacuudiga ay kaalin weyn ku leeyihiin dilkaasi, taa oo sabab u ah aamusnaantiisa tan iyo markii la dilay Jamal Kashoggi. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa u muuqda mid uu kaga faa’iideysanayo khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo Iran lagu eedeeyay inay taageero siiso Kooxda Xuutiyiinta. Source: IRNA
  11. Waxaan ahay nin ka tirsanaan jiray kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana ku biirey 20/11/2011, waxaana ka baxay oo aan ka soo tagay 10/5/2012, maxaan la kulmey maxaana iska key badalay nolosheyda iyo qaab nololeedkeyga, iyo waliba nolosha dad badan oo ila midka ah. Dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab, Runtii dhalintan waxay ka koobanyihiin da’ kasta lkn inta soo goosata waxaa u badan da’da 40 sano jir ilaa 50, wax yaabaha keena inay ka soo goostaan ayaa intooda badan sababa shaki, daruuf,iyo qaar kale oo dana siyaasadeed isku soo dhiibo si ay u waxyeelaan maamulkii ay isku soo dhiibeen, kuwa daruufta keentey iyo kuwa shaki ay ka qaadeen in ay shabaab ka badbaadi doonin waa kuwo ugu nasiibka xun oo noloshooda noqota mid cabsi ku salaysan oo badbaadadoodu ay adagtahay. Qofka marka uu isasa soo dhiibayo: qofka isasa soo dhiibaya wuxuu la soo xiriiraa dadkooda ama qaraabadiisa, si ay uga ergeeyaan maamulka ka dhisan halka uu rabo in uu isu soo dhiibo, maamulka ma diido inta badan way ogolaanayaan lakiin shuruudo ayaa jira oo laga rabo in qofka isasa soo dhiibayo la damaanad qaado oo hadhow wixii uu la yimaado si asaga loogu qabsado ama loo heho damaanad. Marka qofka uu yimaado waxaa loo geeyaa Nabad sugida waxbay ka qoraan oo sawiro ka qaadaan, ka dib waxaa loo wareejiyaa meelaha lagu dhaqan celiyo, maalmo ka dib wuxuu soo dhexgalaa bulshadii uu ka mid ahaan jirey bulshada qaarkood way ka cabsadaan wayna iska ilaaliyaan, ayagoo ka cabsada in uu dhib u soo jiido isasoo dhiibaha ama kuwii ka soo tagay ay waxyeeleeyaan. Runtii waxaa aad u adag inta si dhaqso ah laguu aamino walow ay dadka isku mid ahayn, hadana waxaa kuu dheer in labo aad kala doorato in aad maamulka aad isku soo dhiibtey aad la shaqayso, oo aad ka mid noqoto askarta ama nabadsugida, qaar way ogolaadaan kuwana way diidaan oo magaaladooda ayey iska galaan, qaarka ogolaadey waxay gestaan dhib aad u tiro badan, waxay sameynayaan in ayagoo qori wata oo hadana la socda qaar ka mid ah askartii uu ku biirey ayaa wuxuu bilaabayaa in uu sameeyo ismuujin iyo si loo aamino darteed in uu farmuuqo kuwo ay isla shaqayn jireen iyo kuwo iska abriya ah oon dambi lahayn, kaas wuxuu noqonayaa qof inta badan dheeftiisa ka badan dhibta uu u gaysto bulshada inteeda kale. la soco qaybta 2aad W/Q: Maxamed Aadan Maskiinka
  12. “Laabjabkii iigu horreeyey, waxa aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba, kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay golqaniinyada jaahilka. Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga cad fuqsada.” Maxamed Xasan Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka. Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa. Waa curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano. Beesha uu ka soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa. Halyeygan, kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka soo jeedaan. Hadda ma tahay xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray. Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan ictiraafi lahayn oo aan siin lahaynʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.” Haddii uu fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus E-mail: nayruus@gmail.com Fb: www.facebook.com/snayruus(Muuqaalkiisa iyo hadalkiisii murugada lahaa hoos ka daawo)
  13. MOGADISHU (AFP) - The mayor of Mogadishu on Thursday ordered bars, restaurants and hotels along the city’s Lido beachfront to close at midnight after complaints from religious leaders. Source: Hiiraan Online
  14. With the recent US air strike on Al-Shabaab, what has been the progress one year on from the Mogadishu bombing? Source: Hiiraan Online
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada maaliyada Puntland, Cabdilaahi Saciid Carshe ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaarada maaliyada soomaaliya Dr Bayle taas oo maamul goboleedyada looga codsanayay in ay soo gudbiyaan xiisaab celinta lacagihii ay dawlada dhexe siisay si loogu fasaxo lacagaha kale. “Wallow aysan ahayn lacago sidaas u badan oo la shaacin karo, hadadna waxaan u aragnaa in ay lagama maarmaan tahay in laga jawaabo, qoraal fariimeedka ka yimi Dawladda Dhexe ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasiirkaa maaliyadda Puntland ” ”Lacagta naga soo gaaray Dawladda dhaxe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland. iyo lacag loogu tala galay in lugu taageero kharashyada iyo adeegyada qayba ka mid ah Wasaaradaha iyo hayaddaha Dawladda Puntland taasoo dhamayd USD ( $ 50,000)” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.
  16. Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa lagaga jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Federaalka, kaasi oo lagaga dalbanayay dowlad goboleedyada in ay ka soo xisaab-celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowladda Federaalka. Qoraalka waxay wasaaradda maaliyada Puntland ku soo gudbisay dhammaan lacagihii ka soo gaaray dhinaca Federaalka Sannadkii 2017 ilaa sannadkan 2018. “lacagta naga soo gaartay Dawladda dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland” ayaa qoraalka lagu yidhi Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor. PUNTLAN POST The post Puntland oo soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ka soo gaaray Federaalka appeared first on Puntland Post.
  17. October 24, 2018 (ADDIS ABABA) – An Eritrean opposition group in Afar region, Red Sea Afar Democratic Organization (RSADO) welcomed the peace and reconciliation between the Horn of Africa nations but said Asmara government has no legitimacy to enact it. Source: Hiiraan Online
  18. Fewer than 4 out of 10 adults in the United States got flu shots last winter, the lowest rate in seven seasons and one likely reason why the 2017-2018 season was the deadliest in decades. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) – Somalia’s government has cancelled the registrations of commercial and fishing ships sailing under the country’s flag in a move that means there will be no Somali-flagged maritime transport in the near future unless they renew their registration licenses. Source: Hiiraan Online
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu goor dhow shaaciyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa ay ka ambabaxeen dalka Sacuudiga, maalin kadib markii uu la kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan oo ay uga tacsideeyeen dilka Aabihiisa. Lama sheegin Saalax Jamaal Khashoggi halka uu u ambabaxay, waxaase loo badinayaa inuu u dhoofay magaalada Dalka Mareykanka. Dhoofka Saalax Jamaal Khashoggi iyo caa’iladiisa, ayaa waxaan wali ka hadal Dowladda Sacuudiga oo horey ugu soo rogtay xayiraad dhinaca Socdaalka ah. Dowlada Sacuudiga ayaa Saalax Jamaal Khashoggi horay uga mamnuucday inuu ka dhoofo dalka sida aan ku sheegnay wararkeena hore. Saalax Jamaal Khashoggi, ayaa dhoofkiisa hore la mamnuucay kadib markii uu Aabihiisa mucaarad ku ahaa Madaxda Sacuudiga, gaar ahaan Amiirka awoodda badan ee Maxamed Bin Salmaan. Lama sheegin in dowlada Sacuudiga ay xayiraada socdaalka ka qaaday Saalax Jamaal Khashoggi iyo inkale, waxaana jira warar sheegaya in curudkan uu ku baxay dalab dowlad kale uga imaaday.
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa goor dhow waxa ay magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyeen shir halkaasi uga soconayey Afar maalin, waxaana lasoo saaray War-murtiyeed ay arrimo badan kaga hadleen, Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada ugu kulul ee ku jiro war muriyeedka kasoo baxay Maamulada: Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa in mowqifkiisii ku aadanaa hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe aysan waxba iska badalin ilaa iyo inta Dowladu ka soo marayso wadada saxda ah. Goluhu wuxuu canbaareynayaa siyaasada guracan ee Dowlada Dhexe hormuudka ka tahay ee ku salaysan burburinta hannaanka federalka iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan oo la rabay in loo isticmaalo ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta dalka loo leexiyey iska horkeenka shacabka rer Galmudug iyo burburinta maamulada Dowlad Goboleedyada, waxaana cadeyn ugu filan isku dayga afganbiga siyaasadeed ee ka socda Caddaado taas oo ka turjumaysa sida hogaanka sare ee Dowlada Dhexe uusan u aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federalka. Goluhu wuxuu ku baaqayaa Shirweyne Wadatashi Qaran oo lagu qaban doono mudo bil gudaheed ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay kasoo wada qayb gali doonaan dhamaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadeed si loo badbaadiyo dalka. Goluhu wuxuu saluugsanyahay doorka beesha caalamka oo ilaa hada ku jira xaalada arag oo sug (wait and see) taas oo qayb weyn ka ah waxyaabaha Dowlada Dhexe ku dhiiri galinaysa mowqifkooda ku salaysan iska indho tirka xaqiiqda jirta ee amni iyo siyaasadeed ee sii cakirmaysa. Goluhu wuxuu isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga. Tan iyo intii Dowladan hada jirta xukunka lawareegtay horaantii 2017, Goluhu wuxuu si joogta ah u soo bandhigayey tilmaamo iyo talooyin ka turjumayey sidii lagu sugi lahaa amniga loona badbaadin lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana marar badan la dajiyey qorsheyaal iyo hanaan amni oo lagu xaqiijin karey in lagaaro hadafkaas. Waxaase nasiib daro ah in fulinta dhammaan isku dayadaas lagu guul daraystey sababo la xiriira iyadoo aysan dowlada dhexe lahayn aragti iyo qorshe dhab ah oo amni taasina ay keentey in si buuxda amnigu faraha uga baxo dalkuna uu qarka u saaranyahay in Alshabab mar kale lawareegto, taas oo cadeynaysa in aan amniga dalka lagu aamini karin Dowladda Dhexe. In la dhiso Golaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo hormuud ka noqon doona arrimaha Amniga Dowlad Goboleedyada (Interstate Security Council). In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta cadowga ku jira. In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan. GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2 In la abuuro sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maal galin doono miisaaniyada ku baxaysa ciidankan. 1.6 Sidoo kale waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan hannaaan kooban oo u gaar ah oo ay ku wadaagaan wararka sirdoonka cadowga. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo weliba tan Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo. “Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.” Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba. “Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha DF appeared first on Puntland Post.
  23. WASHINGTON (Caasimada Online)– The World Bank Group’s (WBG) Board of Directors endorsed the first four-year Country Partnership Framework (CPF) for Somalia and approved two investment programs worth $80 million. The CPF outlines the Bank’s strategy to support the government’s goal to expand service delivery, build resilience to climatic shocks, and boost economic opportunities in Somalia. As the country’s first development strategy since the early 1990s, the CPF FY19-22 reflects the progress of economic reform and institution building since 2013, when the Bank reengaged with Somalia through the Multi-Donor? Partner Fund (MPF). The two focus areas of the CPF—institutions and services and economic inclusion and sustainable growth—aim to translate political and institutional gains into tangible improvements in the lives of people. Across both areas, the CPF aims to ensure gender equality and equity, the inclusion of marginalized groups, and will seek to address fragility by building resilience across all sectors. “Our role since reengaging has been to help Somalia rebuild core institutions that can restore citizens’ trust and redistribute resources to address extreme poverty and begin to create opportunities for those who have been excluded,” said Bella Bird, Country Director for Tanzania, Burundi, Malawi and Somalia. “For this CPF, our focus is to support Somalia’s institutions to extend their reach in providing services to citizens and to scale up our interventions that will open up economic opportunities.” Since the WBG’s reengagement in Somalia, the federal government, along with the federal member states, has made progress in building institutions and improving economic performance through legislation, revenue mobilization, and engagement with the private sector. Political, economic and security reforms achieved over the last five years have led to an opportunity to address structural drivers of fragility. “Somalia provides a global example for how the Bank can operate in the most challenging contexts where our help is needed most,” said Hafez Ghanem, Vice President of the World Bank for Africa. “Somalia’s stability and prosperity are key to the stability of the region as a whole. We applaud the government for their commitment to reform and the steps taken towards building a better future for the country.” With continued MPF funding, the CPF will help increase revenue, build capacity of municipalities for urban resilience and improve delivery systems for more inclusive social services. It also aims to improve the business environment and increase access to finance for greater inclusion and increase access to energy and water for rural resilience and productivity. The CPF continues the close collaboration between the Bank and the International Finance Corporation that has been at the core of the WBG’s engagement since 2013. During the CPF period, the WBG will continue to foster the collaborative relationship between the government and the private sector, leveraging its strengths by creating an enabling environment for greater economic growth and inclusion. Board also approved financing for two projects for Somalia. An additional financing of $60 million for the Recurrent Cost and Reform Financing Project and $20 million for the Domestic Revenue and Public Financial Management Capacity Strengthening Project. These projects are supported by resources from the International Development Association*, channelled through the government for the first time since 1991. As such, they represent a milestone in Somalia’s development and reconstruction. The projects will support the government to mobilize and redistribute the resources needed to rebuild the country after three decades of conflict. PRESS RELEASE
  24. MOGADISHU (Caasimada Online)— A deadly bomb explosion targeting armored personnel carrier has killed at least 7 government soldiers near Somali capital Mogadishu. The explosion hit an armored vehicle carrying Somali military soldiers while travelling between Jazeera and Dhanane areas near the capital of Mogadishu, Mohamed Badeil, a witness said. He says 5 other soldiers were also injured in the bomb explosion. Mohamed told Caasimada Online that the military forces were heading to Marka town, some 91km southwest of Somali capital. He says a boat had taken the victims and rushed into hospitals in Mogadishu. Somali military officials were unavailable to reach on the phone for comments on bomb attack There was no immediate claim of responsibility for the roadside bomb explosion, but such attacks are often carried out by Al Qaeda linked Al-Shabaab. The group has been waging insurgency for more than ten years in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com