-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay musharaxiinta gaadiidka aanu cabada Karin lasoo galay magaalada Baydhabo. Shariif oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maalmahaani uu la socdo dhaqanada musharaxiinta qaar waxa uuna tilmaamay inaanu muhiim aheyn in la qaato gaadiid aanu xabadu Karin. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in gaadiidkasi ay yihiin kuwo qaran isla markaana ay muhiim tahay in la bidhaamiyo sababta loogu qeybiyay musharaxiin gaara, maadaama ay yihiin gaadiid Qaran. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in taasi ay tahay qalad in qof aan weli la dooran in gaari ay dowladdu soo siiso,waxaana uu sheegay in ay la mid tahay in qofkaasi la doortay. “Waa arrin khalad ah in dowladu ay kala soocdo musharaxiinta gaadiidka lasiinayo musharaxiintasi waxa ay ka dhigan tahay in la doortay, maadaama aanu dhicin doorasho waxaa khalad ah in lasiiyo gaadiidka aanu xabada Karin” Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in bixinta gaadiidkaasi ay suuragal tahay inay abuurto kalsooni daro, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inaysan hantida ku bixin shaqsiyaad aan wali qaban xilka Koonfur Galbeed. Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya kadib markii dowlada Somalia ay magaalada Baydhabo ka dajisay labada diyaaradood oo kala wada Gaadiid aanu xabadda Karin iyo Ciidamo gaara, waxa ayna u soctay labada Musharax oo ay wadato dowlada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—US military says it has carried out drone strike against Al-Qaeda linked Al-Shabaab in south of Somalia, killing at least two militants. The strike was carried out on Oct. 25 in support of the government of Somalia in Kunyo Barrow area, some 65km west of Mogadishu, according to US African Command. “We currently assess two (2) terrorists were killed in this airstrike,” the Command said. Kunyo Barrow in Lower Shabelle region is a stronghold of Al Qaeda linked Al-Shabaab. The United States has carried out more than 28 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. But the Islamist group still holds sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel to fight against the Al-Qaeda inspired group in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Haweeney u dhalatay dalka South Sudan oo joog leh ayaa la sheegay inay shuruudaasi ku xirtay rag guur-doon ah oo loolan ugu jira hanashadeeda. Telefishinka Jubba ee South Sudan oo baahiyey Qisadan ayaa sheegay in haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nyalong Ngonh Deng Jalang ay she egg at in ninka doonaya inuu iyada guursado ku xiray inuu bixiyo 500 oo Lo’ ah iyo 3 Gaari oo noocoodu yahay V8. Mid ka mid ah shan Nin oo guur-doon ah ayaa u dhow inuu hanto haweeneydaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Awerial oo ka tirsan Gobalka Lake State ee dalkaasi. Haweeneydaasi oo aan Muslim ahayn waxay soo jiidatay hamiga Guur-doonayaal badan, kuwaasi oo badankooda ku haray shuruudaas, maadaama aysan bixin karin Kharajka Meherkeeda. Haddaba, sidee kula tahay shuruudaasi haddii ay kuugu xiray gabar aad calmatay? Ma bixin lahayd mise Dantaa kuu run sheegin lahayd? WQ: Ustaad Nuradin
-
Muqdisho-[Puntland Post]-Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya. Wafdiga ayaa ka kala socday dalalka Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka. dalalkan ayaa ka qeybgali doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Magalada Muqdisho waxana aya ka kooban yihiin 14 dal oo ay soomaliya ku jirto. Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka. CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST The post Wafti ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho Gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Iyadoo muranka la xiriira kiiska dilka wariyihii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji, uu heerkii ugu sarreeyay marayo ayey ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF waxay sheegeen in 28 wariye oo kale ay ku xiran yihiin Sucuudiga. Suxufiyiintan ayaa lagu soo qabqabtay howlgal si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, sida ay shaacisay RSF, oo sidoo kale soo daabacday sawirrada suxufiyiinta ugu caansan ee xabsiga ku jira. Sida ay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn qabaan, Wariye Jamaal Khaashuqji ayaa loo dilay sababo la xiriira inuu dhaleeceyn jiray xukuumadda Sucuudiga, waxaana isla sababtaas awgeed hadda Sacuudiga gudihiisa ugu xiran ugu yaraan 28 suxufi, oo isugu jira kuwa maqaallada ku qora wargeysyada iyo kuwa baraha xiriirka bulshada ku baahiya wararka, waxayna dhammaantood xukuumadda uga careysiiyeen qoraalladooda. Qaarkood waxaa xabsiga la dhigay intii ay xilka hayeen boqor Salmaan ama boqorkii uu dhaxlay ee Cabdalla. Waxaa ku jira wariyaha ka tirsan warbaahinta Citizen ee lagu magacaabo Raa’if Badawi, kaasoo sannadkii 2012-kii lagu riday xukun 10 sano oo xabsi ah iyo 1,000 jeedal, oo la sheegay inuu ku muteystay aflagaadeynta islaamka. Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017-kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka. Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday. Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo. Inkastoo aysan xurriyad heysan, waxay xaaladda ku sii xumaan kartaa marki la xukumo. Salmaan Al Cawdah, oo ah nin bixiya casharrada diiniga ah, internet-kana wax ku baahiya, waxaana bishii Siteembar lagu riday xukun dil ah. Wariye oo lagu magacaabo Fayez Bin Damakh, oo sidoo kale abwaan ahaa, waa la la’yahay meel la geeyay. Wax war ah lagama hayo tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, xilli uu damacsanaa inuu telefishin cusub kasoo furo waddanka Kuwait. Warbaahinta dalka Kuwait ayaa sheegtay in loo gacan galiyay dowladda Sucuudiga, ka dibna xabsi la dhigay. Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa soo daabacay sawirrada wariyeyaasha la xabisay, oo ay ku jiraan kuwa ugu caansam dalka Sucuudiga. RSF ayaa sheegtay in tirada suxufiyiinta ah ee xilligan xiran ay ka badan karaan 28 wariye, maadaama ay adag tahay in xukuumadda laga helo xogta ku saabsan dadka xabsiyada ku jira. Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017-kii AKHRISO -Raaif Badawi, oo wax ku baahiya internet-ka, ahna aasaasaha warbaahinta Saudi Liberal Network. -Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah Al-Sharq, El Bilad iyo Okaz. -Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga. -Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq. -Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha. Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017-kii -Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan. -Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internet-ka ee haweenka Sucuudiga. -Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale. -Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka. -Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV. -Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed. -Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul. -Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaallada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitter-ka. -Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internet-ka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internet-ka. Xigasho BBC The post Akhriso:-Wariyeyaasha Sacuudiga u xiran kadib dilkii Khashoggi appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The General Secretariat of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) will hold a ministerial meeting of the OIC contact group on 27 October 201 in Somali capital Mogadishu. The group included – Egypt, Djibouti, Iran, Kuwait, Gabon, Malaysia, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE, Pakistan, Azerbaijan, Brunei and Yemen Somalia will host the meeting on its soil for the first time in accordance with the resolutions of the 44th and 45th Islamic Conferences of Foreign Affairs Ministers, held in Abidjan in Ivory Coast and in Dhaka in Bangladesh respectively. The participants will focus on the ways and means to promote durable peace and institutional stability in Somalia. Somalia as a founding State of the OIC has always occupied a high place on the OIC agenda and the OIC continues to actively contribute at various levels for achieving peace and stability in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta dalbaday Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.Erdogan waxaa uu sidoo kale Sacuudiga ka dalbaday inay shaaciyaan qof reer Istanbul oo sida la tuhunsan yahay Sacuudiga kala shaqeeya in meydka Khashoggi la qariyo kadib markii lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sauudiga ee Istanbul. Madaxweynaha Turkiga oo baarlamanka kula hadlayey xubno ka tirsan xisbigiisa AK ayaa shaaca ka qaaday in Ankara ay hayso caddeymo dheeraad ah oo la xiriira dilka suxufiga, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in dacwad oogaha Sacuudiga uu axadda booqan doono Istanbul, si uu ula kulmo saraakiisha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka dilka Khashoggi. Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay khamiistii ku qiratay in dilka Khashoggi uu ahaa mid horey loo qoresheeyey, ayada oo lagu saleynayo caddeymo ay ka heleen Turkiga. Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka. Bayaanka ayaa lagu sheegay in dacwad oogaha uu weli wado baaritaanka dadka lagu tuhmayo dilka, si loogu soo afjaro hab cadaaladeed. Dowladda Sacuudiga ayaa shaqada ka ceyrisay shan mas’uul oo sare oo lala xiriiray dilka, islamarkaana xabsiga dhigtay 18 tuhmaneyaal. Dad uu ka mid yahay madaxwenaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu qaadi doono mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee dilka. Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in boqortooyada Sacuudiga aysan ku lug lahayn dilka suxufiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
The African Union force in Somalia says it has killed a “chief finance controller” for the al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group. Source: Hiiraan Online
-
Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay gabagabada shirka Garoowe uga Dowlad goboleedyadda ayaa ka fal-celiyay Guddiga ay xukuumadda Soomaliya u saartay inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo xalinta tabashooyinka maamulada. Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], hogaamiyaha waqtigu ka dhamaaday ayaa tilmaamay in talaabada ay qaaday xukuumaddu ay tahay mid lala soo daahday, isagoo ku sifeeyay “riyo aan waxba lagu maamuli karin”. Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa fahfaahin ka bixiyey shuruudahooda ku aadan wada-hadal dhex mara maamullada iyo dowladda dhexe, wuxuuna daboolka ka qaaday inay doonayaan in cida dhex-dhaxaadineysa ay noqoto Soomaali. “Turjumaan baan u baahan nahay oo Soomaali ah. Aqalka sare baa is-xilqaamay, jawaabtii laga sugayey [xukuumadda] waxay noqotay inay soo magacowdo Guddi afar wasiir ah, taasina waxaan u aragnaa riyo aan dad lagu maamuli karin,” ayuu yiri Axmed. Dhinaca kale, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay deeq-bixiyaasha caalamka inay kala sixaabtamaan dowladda dhexe lacagaha ay siiyaan, taasi oo uu muujiyay inay rumeysan yihiin in aanu ku bixin meelo sax ah [Musuq-maasuq]. “Lacagaha waa in aysan noqon kuwa inaga nagula dhibaateeyo, waa inay noqdaan kuwa ku baxa meelaha saxda ah, taasina waa inay hubiyaan deeq-bixiyaasha,” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe oo luqad adag ku hadlayay. Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa difaacay shir-waynaha ka dhanka ah dowladda hadda jirta oo ay dowlad goboleedyaddu iclaamiyeen, kaasi oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug, 45 cisho kadib. Xigasho: Garowe Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–UN inspectors are examining more than 2,500 AK-47 rifles and other guns seized by the crew of a U.S. destroyer off the coast of Yemen to determine whether the weapons originated in Iran or Somalia. U.S. authorities said they invited the UN inspectors on board on October 25 to determine whether the weapons provide proof that Iran is smuggling arms to allied Shi’ite Huthi rebels that are battling the Yemeni government in a four-year civil war. Iran has denied providing weapons to the Huthis. The United States — in debates at the United Nations — has repeatedly charged Iran with illegally smuggling weapons to the Huthis, in violation of UN resolutions against arming the Huthis. Yet U.S. forces patrolling the waters around Yemen have managed to seize only a handful of weapons caches like the one seized by the USS Jason Dunham in late August. “It’s one big traffic corridor,” Vice Admiral Scott Stearney, commander of the U.S. 5th Fleet, told reporters on board the vessel on October 25, speaking of the Gulf of Aden and other waterways around Yemen. Stearney declined to say if he thought Iran was responsible for the weapons seized by the Dunham’s crew, but he said the UN inspectors were experts on illicit weapons from Iran, Yemen, and Somalia. The U.S. destroyer’s crew while on patrol in the region in August noticed large bags being transferred from a dhow about 70 miles off the coast of Yemen into a smaller skiff. A dhow is a traditional ship that commonly sails the waters of the Persian Gulf region. The Navy ship intercepted the skiff and, after talking to the crew on board, determined they were smuggling weapons. The rifles, in bundles of four or five, were wrapped in plastic, then wrapped in styrofoam and hidden in green burlap bags, according to Navy Commander John Hamilton, commander of the Dunham. A small number of reporters on board the ship were allowed to see the assault rifles, which were heavily rusted after nearly two months at sea. The weapons had been unpacked and piled up, and were ready to be inspected by the UN team. Hamilton said the crew on the dhow told them they were carrying flour and wheat, but he said none of the foodstuffs were found on board. Navy Captain Adan Cruz, commodore of U.S. Naval Forces Central Command, said the weapons could have been shipped from Somalia rather than Iran. The UN inspectors, he said, will determine the guns’ origin and “see first-hand the weapons flowing into the region.” UN Ambassador Nikki Haley, in calling for a crackdown on Iran at the UN, has repeatedly accused Iran of supplying the Huthis. Last year, she displayed the remnants of missiles that the Huthi rebels fired at Saudi Arabia, which is backing the Yemeni government in the civil war, saying they provided “undeniable evidence” that Iran was illegally supplying weapons to its Yemeni allies. Sources: RFERL
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – African Union says its troops have killed head of Al-Shabab finance controller and 7 others in an attack in west of Somali capital Mogadishu. The AU force in a series of tweets said its forces had warded off an attack by Al Shabaab in Barire town, some some 60km west of Somali capital Mogadishu We have killed 8 militants, including “chief finance controller” for the al-Qaeda-linked al-Shabaab group in Lower Shabelle”, the mission said. There was no immediate comment from Al-Shabaab group over the claims made by African Union. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah war ay soo dhigtay Baraheeda Bulshada ku sheegtay in Muqdisho berri uu ka dhacayo Shirka Golaha Iskaashiga Islaamka. Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa Soomaaliya lagu qaban doonaa 30-sano kadib, waxaana qorshuhu yahay in ay ka qayb galaan Xubno ka socda Dalalka ururkaan ku jira. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya in shirka uu Magaalada Muqdisho ka furmayo, iyaga oo xustay Magacyada Dalalka ka qaybgalaya. Ajendaha ama waxyaabaha looga hadlayo ma sheegin Dowladda Federalka, balse waxa ay tilmaamtay in ay dib kasoo gudbin doonto. Waxaana warar ay heleyso Mustaqbal Radio ay sheegayaan in looga hadli doono sidii Taageero loo siin lahaa Soomaaliya, Siyaasadda, Ammaanka iyo in Dowladda federaalka looga dambeeyo Siyaasadda gudaha. 27-ka Bisha Oktoobar oo Berri ah ayaa la filayaa in uu shirkaan ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana warar Mustaqbal Radio ay heleyso ay sheegayaan in ay ka qayb geli doonaan Madax ka socota Ururkaan. Wufuud ka ka kala socota wadamada Islaamka oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho. Waxaa soo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dowladda ay geysay Xubno katirsan oo ka qayb qaadanaya Soo dhoweynta Wufuudda Isdaba joogga ah. Soomaaliya ayaa Dalalka Ururkaan ku jira ku ah 15-Dal, waxayna taas ka dhigan tahay in Magaalada ay imaanayaan Madax iyo Mas’uuliyiin kala mataleysa 14-kaan Dal. 1- Azerbaijan 2- Brunei 3- Djibouti 4- Egypt 5- Gabon 6- Iran 7- Kuwait 8- Malaysia 9- Pakistan 10- Qatar 11- Saudi Arabia 12- Sudan 13- Turkey 14- UAE 15- Yemen
-
Riyadh (Caasimda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Safar uu magaalada Riydh uga baxay curudka suxufiga silaca loo dilay Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa. Qoraal lagu daabacay bogga wakaalladda Wararka ee Reuters oo lagu soo xigtay ehelo ku dhow qoyska ayaa lagu sheegay in Saalax Jamaal Khashoggi oo ah curudka Saxafigii la dilay uu ka dhoofay Sacuudiga oo u ambabaxay Maraykanka. Qoysku waxa ay sheegen in Saalax Jamaal Khashoggi uu heysto dhalashada dalka Maraykanka, isla markaana uu muddo ahaa mid u xanibnaa Sacuudiga. Waxaa la tilmaamay in muddo ay saarneyd xayiraad dhanka Safarka ah oo markii danbe laga qaaday. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay sabab u aheyd in Saalax Jamaal Khashoggi uu si nabada uga dhoofo Sacuudiga isaga iyo carruurtiisa. Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu masuuliyiinta Sacuudiga u sheegay in uu doonayo in Saalax Khashoqji oo dhalasha labada dal haysta uu ku laaban karo Maraykanka isla markaasna “uu ku farxay” in loo ogolaaday in uu sidaa yeelay. Dhinaca kale, Telefishinka Aljazeera ayaa xaqiijiyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo Qoyskiisa ku sugnaa Sacuudiga u ambabaxeen Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Sacuudiga Kama hadlin safarka Qoyska Jamaal Khashoggi. Xigasho: Reuters
-
Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley shirka Hay’adaha Socdaalka ee wadamada dhaca geeska Africa oo ka socda Magaalada Nairobi ee dalka kenya. Shirkaan oo looga hadlayo isku socodka iyo Xuduudaha ayaa waxaa ka soo qeybgaley Agaasinnada hay’adaha Socdaalka ee wadamada Tanzania, Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, waxaana shirka soo qabanqaabiyey Hay’adda Socdaalka Adduunka. Ujeedka shirkaan ayaa ah iskaashi joogto ah oo laga yeesho socdaalka iyo fududeynta isku’ socodka. Dalalka shirka ka qeybgaley ayaa ah wadamada inta badan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u socdaalaan sababo kala duwan, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin ay ku qabaan socdaalka wadamada Geeska Africa. Wefdiga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee shirka ka qeybgalaya ayaa soo bandhigey cabashooyinka la xariira socdaalka ee ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo wadashaqeyn la’aanta hay’adaha ay khuseyso. Sidoo kale wefdiga Soomaaliya ayaa kulamo doceed gaar ah la yeeshey madaxda socdaalada ee shirka ka soo qeybgaley. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Hay’ada Socdaalka G afrika oo Nairobi ku shirsan appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Fannaanada lagu magacaabo Sinead O’connor ayaa shaacisay in wixii xiligan ka danbeeya ay tahay qof Muslim ah. Sinead O’connor, waxa ay sheegtay inay kusoo biirtay Diinta Islaamka, isla markaana ay la magac baxday Shuhadaa’ Davitt. Shuhadaa’ Davitt, qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ugu mahad celisay dhamaan Muslimiinta. Shuhadaa’ Davitt, waxa ay tilmaantay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Ummah (The Muslim Community). Diinta cusub oo ay qaadatay ayay sheegtay inay inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay horay ula soctay balse ay mar un ku taameysay qaadashada diinta wanaagsan. Dhinaca kale, Shuhadaa’ Davitt waxa ay muslimiinta oo idil ay ka dalbatay in loogu duceeyo in alle uu ka cafiyo heesaha ay ku luqeyn jirtay inta ay heysatay gaalnimada. Xigasho: Telefishinka CNN
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay baareyso Hub farabadan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Maraykanka ee jooga xeebaha Somalia iyo Yemen. Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee faraha kula jira baaritanka Hubka ayaa sheegay inuu ka kooban yahay in ka badan 2,500 qori noociisu yahay AK-47 iyo hub kale. Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay cabsi ka qaban in Hubka uu u socday Somalia oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xasiloonida ka jirta dalka. Kormeerayaasha waxa ay tilmaameen in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran u tahriibinaysay Somalia ama Yemen. Waxa ay sheegen in Iran ay halis ku tahay xasiloonida Africa gaar ahaan Somalia iyo Yemen, waxa ayna baarayaashu shaki weyn ka qabaan in Hubka uu yahay mid kusii jeeday Somalia. Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Maraykanka waxa ay tilmaameen inay si joogto ah isha ugu heyn doonaan arrinta Hubka ee Iran, waxa ayna dowlada Iran ku eedeeyen inay si sharci darro ah u tahriibinayso Hubka noocyadiisa kala duwan. Taliyihii ciidamada Mareykanka ee 5aad Admiral Scott Stearney ayaa u sheegay Saxaafada in ay aaminsan yihiin in hubkaasi loo waday Soomaaliya,islamarkaana uu ka yimid dalka Iran. Dhinaca kale, Kooxda Qaramada Midoobey ee Baarista wadda ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan maalmo ka dib hubkaasi,halka loo waday in ay aheyd Soomaaliya ama Kooxda Xuutiyiinta Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khudbaddii uu talaadadii jeediyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee uu kaga hadlayey dilkii saxafiga reer Sucuudi Careebiya Jamal Khashoggo ma jirin meel uga soo daray dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bi Salman. Maxamed waxaa si weyn loo aaminsan yahay in uu yahay hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga walow uusan si rasmi ah u magacowneyn, taas oo ay jirto, tan iyo markii la waayey Khashoggi, waxaa la is weydiiyey in hawlgalkii iyo qabashadii lagu dilay saxafiga la fulin lahaa la’aanta ogolaanshaha Maxamed Bin Salmaan. Laakiin Erdogan waxa uu dalabyadiisa ah in la helo cadaalad, jawaabo uga dalbadat Boqorka Sacuudiga oo ah abaaha Maxamed Bin Salmaan, isaga oo dhaxal sugaha soo hadal qaadin. Haddii aysan ahayn xushmad muuqata oo uu u hayo boqorka Sucuudiga, waxa ay sidoo kale ahayd waxa farqi u dhexeeya boqorka iyo dhaxal sugaha, kaas oo uu Erdogan u arko mid ay isku hayyaan aragti, sidoo kalena ku ah qatar danaha Turkiga iyo himiladeeda Bariga Dhexe, waxaa sidaas qaba fallanqeeye siyaasadeed. Waxaa Iyana jirta dood ah in Erdogan ku dalbanayey in uu hoos u dhigo Maxamed ama ugu baaqo boqor Salmaan in uu xusho dhaxal suge kale, laakiin labada kiisba keey ahaato, waxa uu si guud ahaaneed isugu dayey in uusan waxyeello u geysan xiriirka kala dhexeeya Sucuudi Careebiya. Sida ay yiraahdeen, waa callaamaddii ugu dambeeysay ee uu Erdogan ku isticmaaayey kiiska Khashoggi – ku dheereysto oo uu ugu adeegsado hadafka weyn ee istaraatijiyaddiisa. In ka badan saddex toddobaad kaddib dilkii Khashoggi ee Sucuudiga taas oo uu Erdogan ku tilmaamay hawlgal sii qorsheysnaa, dowladdiisa wali si waadax ah uma sheegin in ay dabinka cidda amarta ogtahay. Khuburadii kiiska u baarayey Turkiga wax ay sheegeen in ay maalmo gudohood ku uruuriyeen caddeymo ku saabsan qorshihii Sucuudiga ee lagu dilay Khashoggi. Laakiin istaraatijiyadooda waxa ay ahayd in ay u soo gudbiyaan xogta inyar iyar, iyaga oo ku cadaadinaya Sucuudiga ay daaha ka rogaan waxa dhacay taas oo sababaeysa in Sucuudiga ay cadaadis kala kulmaan saaxiibadeed. Khudbaddii Erdogan ee salaasada sidaas ay ku sii socotay, soo gudbinta xogo cusub laakiin aan bannaanka soo dhigeynta runta qaawan oo ahayd ballanqaadkiisii taas oo keentay in aduunka si dhaw ula socdo waxa uu sheegi dooni. Iyada oo ay dhici kartay in daawadeyaal aad yar ay maskaxda ugu sawirneyn. Hadana khudbadda waxa ay u dheceysay qaab farriimeed toos ah oo ku socota boqorka, sidaas waxaa yiri H.A. Hellyer, xubin sare oo ka tirsan hay’adda cilmi barista ee Atlantic Council, isaga oo soo qaadanaya hadaladdii xushmadda lahaa ee uu Erdogan u adeegsanayey marka uu ka hadlayo boqor Salmaan isaga oo tusmeynaya. Xataa codsiga ugu adage e Erdogan – in Sucuudiga uu u soo musaafuriyo Turkiga 18-ka la tuhunsan yahay ee ay u xir xireen kiiska – waxaa la orkayey soo jeedin ku socota boqorka. “Waxa uu rejeynayaa haddii uu sidan dagan ku wajaho in boqorka laftiisa uu go’aansan doono in Maxamed Bin Salmaan u qalmin dhaxal sugaha,” waxaa sidaas yiri Hellyer. Dadka Sucuudiga ah ee sheekada kor kala socda waxa ay qabaan in natiijado aad u hooseyso, laakiin qaabka uu wax u raadinayo Erdogan waxa ay caddeyneysaa sida weyn ee uu uga soo horjeedo Maxamed Bin Salmaan siyaasadiisa Bariga Dhexe. Waxyaabaha kala qeybinaya labada dal waxaa ka mid ah taageerada Turkiga siiyo Qadar taas oo khilaaf xoogan kala dhexeeyo Sucuudi Careebiya iyo xulufadeeda, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Turkiga sidoo kale waxa ay taageereen dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta sida Ikhwaanul Muslimiin oo ay dowladahaas sharci darro ku tilmaameen. Erdogan sidoo kale waxa uu ka soo horjeeda maamulka Trump ee sida weyn ugu tiirsan Sacuudiga, xulufadeeda Carabta iyo Israel marka ay timaado kahor tagga Iran, waxaa sidaas yiri Aydin Selcen, oo ah fallanqeeye Siyaasadeed, hore u ahaa diblomaasi reer Turki ah. “Sidoo kale waxa ay Iran u arkaan ahmiyad ammaankooda ah. Marka ay timaaddo dhinaca Turkiga sidaas ma aha. Turkiga waxa ay leeyihiin ahmiyado kale,” ayuu yiri. Hellyer oo isna ka tirsan Atlantic Council, waxa uu sheegay in Ankara u aragto Maxamed iyo hoggaamiyeyaasha UAE iyo Egypt “Saddex ugu muhiimsan ee is hortagaya saameynta siyaasadeed ee Turkiga”. Haddii Erdogan “Uu Curyaamiyo ama siyaasad ahaan wiiqo Maxamed Bin Salmaan, waxa sidoo kale wiiqmo doona labada kale,” waxaa sidaas qaba Hellyer. Istaraatijiyaddan waxa ay Qatar u keeni kartaa Erdogan marka la eego da’yaraanta Maxamed maadaba uu ahaan karo boqor tobaneeyo sano, isaga oo korinaya collaada Turkiga. “Erdogan waxa uu jeclaan lahaa in wiilka Boqorka tago,” waxaa sidaas yiri Soli Ozel, Professor xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Istanbul. “Waxa uu isku dayayaa in uu sidaas sameeyo isaga oo aan jajabin qobka sare ee ukumaha.” Turkiga waxa ay raadinayaan faa’iideyin kale, waxaa ka mid ah tageero dhaqaale oo uga yimaadda Mareykanka ama Sucuudi Careebiya. Ankara oo ah dalka suxufiyiinta ugu badan ay xabsiyada ugu jiraan, waxa ay sidoo kale jeclaan lahayd in ay iska yareyso go’doonka ay caalamka uga jirto marka ay le’eego diiwaankeeda xuquuqul insaanka. Dhinaca kale waxaa jira qab qaran. Go’aanka Sucuudiga ee gudaha Turkiga ugu dileen Khashoggi waxa ay dharbaaxo wajiga ah ku tahay dowlada Turkiga,” waxaa sidaas yiri Selcen. “Aniga ahaan, ka muwaadin Turki ah, waa dharbaaxo wajiga ah. Tani waxa ay u baahan tahay in ay xalliyaan boqorka iyo Mr Edogan.” Dowladda Turkiga waxa ay ilaa hadda iyo ammaan ku mudatay soo bandhigga xaaladda Khashoggi laakiin waxa ay halis ugu jiraan in lagu eedeeyo in ay baacsanayeen danahooda gaarka ah iyaga oo ku dadaya xuquuqda wariyeyaasha u xiran. Malaha, wey ka badbadiyeen istaraatijiyadan boor isku qariska ah,” waxaa sidaas qaba Selcen. Waxa ay ku lumin karaan karaamadooda.” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Waxaa xalay la keenay Muqdisho ilaa 22 qof oo ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay dagaal beeleedkii ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool. Dadkan oo ay qaarkood xaaladdadoodu aad u liidato ayaa waxaa laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inaan waxba loogu qaban Karin, iyadoo haatanna la dhigay isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer). Diyaaradda ayaa markii hore ka qaadday Muqdisho gargaar Caafimaad oo Dowladda Soomaaliya ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ku dhaawacmay dagaalka, ayaa waxaa la socday wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda, Cabdulahi Bidhaan Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysigga iyo Qeyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kamid ahaa xubnaha ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay arrintan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan ku bixineyso siddii arrintan wax looga qaban lahaa. “Dhaawacyadda qaarkood aad ayey u jajaban yihiin qaarkood kalena aad ayey u liitaan waxaana u soo qaadnay siddii halkan loogu daweyn lahaa”. Ayuu yiri Wasiir Bidhaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khubaro Qaramada Midoobey ah ayaa baareysa in ka badan 2,500 qoray oo AK-47 ah iyo qoryo kale ah, ee uu qabtay markab Mareykanka ah, qoryahan oo laga qabtay xeebaha Yemen ayaan la ogeyn meesha ay ka yimaadeen, Soomaaliya ama Iran. Mareykanka waxaa ay sheegeen inay u yeereen khubarada wax baarta oo ka socota Qaramada Midoobey si loo baaro in Iran ay hub u direysay Xuutiyiinta iyo in kale, Dhahraan ayaa dhankeeda inkirtay hubkaas. Mareykanka waxaa uu marar badan ku eedeeyey Iran inay jabiso go’aannada Qaramada Midoobey ee ka dhanka ah hubeynta Xuutiyiinta, oo ah hub iyo saanad u dirto Xuutiyiinta. ” Waa Marriin aad u weyn” sidaasi waxaa saxfiyiinta u sheegay Admiral Scott Stearney, oo ka badan Khaliijka Cadan iyo marriinada kale. Markabka Mareykanka oo roondo ku jiray ayaa sheegay inay arkeen Markabka hubka siday, waxaana laga qabtay meel 70 mile u jira xeebaha Yemen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The murder of Jamal Khashoggi may put Saudi Arabia and its allies in a position to compromise with Doha, analysts say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xisbiga mucaaradka ee UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku cabiray ra’iyigiisa ku aadan go’aannadii shalay kasoo baxay shirkii madax goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe. Hoos ka aqriso qoiraalka Mahad Salaad 1. Madaxweyne Maamul Goboleed. 2. Madaxweyne Madaxweyneyaal Maamul Goboleed. 3. Maamul iyo ciidan ka madax banaan midka Dowlada Dhaxe. 4. Xisbi siyaasadeed oo dagaal siyaasadeed lagu dhisay. Dadna la iskaga celinayo. 5. Shirweyne kulminaya mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Ciyaartaan si jaanta iyo jiibta la iskula helo waxaa ka dhiman ayaan filayaa Barlamaan, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad ka madax banaan mida Dowlada Dhaxe ee tolow iyaduna ma shirka Dhuusamareeb ayay ka dhalan doonaan?! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin keligii garramay iyo nin dhul gannay midna ma gefo” saaxiibadey madaxda Dowlad Goboleedyada waxaan dhihi lahaa keligiin ayaad garanteen waxa meesha yaalana waa HARAG SAGAARO. Harag sagaarana iiga kac ma ahee iiga durug ma leh ee xaalka hala dajiyo sidaan Soomaali ayaa kusii kala tagaysee! Madaxweyne Farmaajo waxaan leeyahay Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Waxa jira sadex abaar. Abaar geel, abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko la’aan, abaar dumarna waa ubad la’aan, abaar ragna waa arin la’aan”. Duqiyow taladii dalkaan iyo dadkaan looga ariminayay ma haysid amaba waa kaa qaloocantahay ee isdabo qabo. Dalka iyo dadkana bohosha ay ku socdaan ka badbaadi. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oronaysa “Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan”. Duqiyow xisaabtu dhankaaga ayay ka xirmi la’dahay ee fadhigaan fadhi kale ku badal! Soomaalida kale ee durbaanka ka daba tumaya labada dhinac sax iyo qaladba waxaan dhihi lahaa yaanan noqonin ninkii isku helliyay NIRIGTII dibno la’aanta ahayd iyo hashii naaso la’aanta ahayd ee yiri: “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa” ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan u turno, kana shaqeyno in loo kala dab qaado odoyaashaan biyaha hoostooda iska haraatinaya. Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu na haleeshiiyo towfiiqda iyo talada tii toosan. Aamiin. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad