Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa daboolka ka qaaday inuu doonaayo in uu shakiga ka saaro xukunada iyo maxkamadeynta dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in qorshaha shaki ka saaridiisa ay tahay in Maxkamada iyo xukunada kala duwan lagu hubsado Al-Shabaabka iyo Daacishta dhibta kawada deegaanada maamulkiisa. Waxa uu sheegay in Maxkamadaha maamulk aysan ridin xukunada looga bartay waxa uuna cadeeyay in taasi ay mugdi galinkarto dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray argagixisada. “Cidna kama yeeli doono in Al-Shabaab iyo Daacish ay ku nooladan deegaanadeena, taasi bedelkeeda waxaanu diyaar u nahay in si is dabajooga loo xukmiyo Al-Shabaabka iyo Daacish” C/weli Gaas oo kulan la qaatay Saraakiisha amniga ayaa sheegay in arrin muhiima ay tahay in danbiyada ay galeen dhalinyarada Al-Shabaabka iyo Daacish lagu qaado waxa uuna tilmaamay in Puntland aysan ka raali noqon doonin argagixisada. Waxa uu Gaas Saraakiisha amniga u sheegay in muujin la’aanta Al-Shabaab iyo Daacishta joogta deegaanada maamulka iyo kuwa ku jira Xabsiyada ay far ku godeyso howsha Saraakiisha waxa uuna ku baaqay in sharciga la horgeeyo. Waxa uu carab ***** in Maxaabiista ku jirta Xabsiyada ay mudan yihiin in dhamaantooda la taago Maxkamada si buu yiri dhinac loogu tuuro kiiskooda Sidoo kale, Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in Hogaamiye Gaas uu faray hay’addaha amniga in sharciga la marsiiyo dhalinyarada Al Shabaab iyo Daacish ka tirsan ee xabsiyada ku jira. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Gaas uusan raali ka ahayn in Al Shabaab gacanta lagu soo dhigay iney xabsiyada Puntland isaga sii jiraan. Dhinaca kale, Gaas ayaa shacabka gobolka Bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan iyo weerarada Al Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaani ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in lagu dhex dhexaadiyo madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan. Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafyada raagay ee maamulka ka dhexeeya. Waxaa sidoo kale si gaar ah loogaga doodi lahaa shirka sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ka dhex noqday madaxda maamulka iyo dagaalada soo noqnoqday ee ka dhaca deegaanada Galmudug. Dib u dhaca shirka ayaa loo sababeynayaa kadib markii Hogaamiyaha maamulka Galmudug uu si cad u diiday ka qeybgalka shirka wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Somalia. Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Garabka isaga taabacsan ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Farmaajo, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya wallow uu wakhtiga maanta ku egyahay. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, mar walbana dowladdu waxa ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Kulankooda maanta ayeey uga doodi doonaan xeer-hoosaadka golaha shacabka oo wax ka bedal lagu sameeyey, islamarkaana horey loogu qeybiyey. Xildhibaannada ayaa ka doodi doona arrimaha xeer-hoosaadkan, iyadoo kulankana uu goor dhow furmi doono. Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana gaadiidka shacabka loo diidayaa iney ka gudbaan wadada isku xirta Dabka iyo Sayidka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Locals say conditions have deteriorated since July’s contentious election, as world powers keep their distance Source: Hiiraan Online
  5. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ayaa weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen duleedka degmadaasi. Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkan, iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo. Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay iney ka war hayeen dagaalkan, islamarkaana ka hortageen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday. Xaaladda guud ee degmada Qoryooley ayaa manta deggan, iyadoo Al-shabaab ay dib uga laabteen halkii ay soo weerareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ethiopia and Eritrea didn't pen their peace agreement in Addis Ababa or Asmara, but in Saudi Arabia with the Emirates alongside. Are economic and military interests increasingly binding Gulf states and the Horn together? Source: Hiiraan Online
  7. "A very small percentage of them were actually eligible to stay." Source: Hiiraan Online
  8. Siyaasi Ex xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Dhuxul) oo kamid ahaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News isagoo ku sugan magaalada Baladweyne, kaga hadlay magacaabis uu madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare sameeyay oo ku aadan maamulka gobolka Hiiraan. Wuxuu eedeeyn u soo jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku sheegay masuuliyad darro magacaabista uu sameeyay. Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Daba-geed. Waxaa sidoo kale uu ka hadlay muran xagga canshuuraha gobolka oo in muddo ahba taagnaa kaasoo kal hore sabab u noqday iyo dhammaan maamulka gobolka Hiiraan iyo kii degmada Baladweyne looga yeero magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-XASAN-CALI-CABDI-23-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ronald Melly, the fake doctor from Nandi County, performed eight successful operations at the Kapsabet County Referral Hospital before he was transferred to head Meteitei Sub-County hospital, a report shows. Source: Hiiraan Online
  10. South Sudan rebel leader Riek Machar turned down an invitation Saturday from President Salva Kiir to visit the South Sudanese capital Juba. Source: Hiiraan Online
  11. The government plans to increase security in Ijara constituency due to its proximity to Boni Forest where al Shabaab militants have been hiding. Source: Hiiraan Online
  12. Dubai’s government said on Sunday that a London court had extended an injunction prohibiting the government of Djibouti from interfering in a dispute over a port terminal seized from DP World. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha Taliyaha Hoggaanka caafimaadka NISA, oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii sabtidii uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi. Ilo-wareedyo lagu kaslsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xariga Gacal uu qeyb ka yahay khilaafka xooggan ee ka dhex jira hay’adda iyo tuhunka ku saabsan in xubno badan oo Shabaab ah ay ku dhex jiraan hay’adda, sida uu horey u sheegay taliye ku xigeenkii NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla.. Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu hayey xog badan oo ku saabsan xubnaha Shabaab ee NISA ay xirto iyo sida fudud ee durba lagu sii daayo, iyo sidoo kale xubnaha ku dhex jira hay’adda. Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo. “Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda. Ehlada Gacal ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Riyadh (Caasimada Online) – Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inay doonayso inay xidhiidh dhow oo cusub la yeelato Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ayaa qoray in dawladda Sucuudigu go’aansatay inay Somaliland ka taageerto laba dhinac oo kala ah arrimaha horumarka iyo arrimaha ammaanka. Waxaa xidhiidhka uu Sucuudigu doonayo inuu la bilaabo dawladda Somaliland uu qayb ka yahay loolanka u dhexeeya dawladaha Khaliijka, waxaanu Sucuudigu doonayaa inuu saamayn ku yeesho gobalka Geeska Afrika. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa hore xidhiidh ula bilowday Somaliland, waxaana lagu wareejiyay dekedda Berbera, iyadoo ay UAE saldhig milatarina ka samaysatay magaalada istaraatajiga ah ee Berbera. Indhaha cusub ee Sucuudigu ku soo eegayo Somaliland, ayaa soo baxay markii ay dhawaan dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo dartay liiska Xujaajta uu Boqorka dalkaasi martiqaado Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo halkaas kula kulmay madax ka tirsan dawladda Sucuudiga oo u badnaa kuwa ammaanka iyo kuwa arrimaha horumarka iyo mucaawinooyinka. Martiqaadka ayaa la soo mariyay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay dalka Djibouti. Wararka waxay sheegayaan in saraakiil amni oo dawladda Sucuudiga ka tirsan iyo kuwa dhinaca mucaawinooyinka ahi ay madaxweyne-xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah kulamo xog urursi ah la yeesheen, waxaanay u sheegeen weftiga Somaliland inay doonayaan inay xidhiidh aan siyaasad ku salaysnayn oo ku saabsan arrimaha horumarka iyo ammaanka la yeeshaan Somaliland. Laakiin lama hubo in weftiga madaxweyne-xigeenku madaxda Sucuudiga u bandhigeen qorsheyaal ay sii diyaarsadeen oo ay Somaliland doonayso in Sucuudigu wax kala qabto. Sucuudiga ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wefti u soo diro magaalada Hargeysa, waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay Hargeysa soo gaadheen wefti hor dhac ah oo ay la socdaan xubno asal ahaan reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Sucuudiga. Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inay dalka Qatar ka xidhaan inuu saamayn ku yeesho gobalka Geeska Afrika, waxaanay dhawaan heshiisyo taariikhi ah dhex dhigeen dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, sidoo kalena dalalka Ereteriya iyo Djibouti ayaa iyaguna bilaabay inay ka heshiiyaan dagaal iyo colaad toban sanno taagnayd. Laakiin dalka Qatar ayaa ilaa hadda wuxuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya oo iyadu diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar. Sucuudiga ayaa markaas Soomaaliya ka joojiyay mashaariic horumarineed oo uu hore u balan qaaday inuu ka fulinayo dalka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaate, dadka diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah aqoonta u leh ayaa isha ku haya bal sida ay Somaliland uga faa’iidaysan doonto indhaha ay dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo jeedisay oo noqonaysa dawladii labaad ee dalalka Khaliijka ah ee xiisaynaysa xidhiidh ay la yeelato Jamhuuriyada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay sababta keentay in ay ilaa iyo hadda u kulmi la’yihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, xilli ay warar kala duwan kasoo baxayaan. Abiy Ahmed ayaa talada Itoobiya haya muddo ka badan shan bilood, hase ahaatee, wali lama kulmin madaxweynaha Somaliland, ayada oo la sheegay in maamulka Haregsya uu dadaal xooggan ku bixinayo sidii kulanka uu u qabsoomi lahaa. Dhaqankii hore ee Itoobiya ayaa ahaa mid sababa haddii Somaliland is bedel ka dhaco ama Itoobiya in ay kulmaan hoggaanka labada maamul oo waliba si meeqaam buuxa leh loo soo dhaweeyo madaxda Somaliland. Hase ahaatee, Sacad Cali Shire oo warbaahinta uga jawaabayey su’aashaas ayaa sheegay in aysan qasab ahayn kulanka labada hoggaamiye balse Aibiy Ahmed mar uun la kulmi doono Musse Biixi. Abiy Ahmed ma jirto dal bariga Africa ka tirsan oo uusan booqan, isaga oo wada tagay, Djibouri, Somalia, Kenya, Sudan iyo waliba Eritrea oo uu dib u soo celiyey xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo hakad ku jiray 20 sano, wuxuuna la kulmay dhammaan hogaamiyayaasha. “Abiy Ahmed lama kulmin dhammaan hogaamiyayaasha gobolka hal maalin, midba wuxuu la kulmay maalin, marka waa ay iman doonta maalin uu la kulmo madaxweyne Biixi” ayuu yiri Sacad Cali Shire. Xiriirka soo wanaagsanaaday ee dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa la rumeysan yahay inuu sababay in xukuumadda Addis-Ababa ay yareyso la macaamilkeeda hogaamiyayaasha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo laba maalin ka hor ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Korneel Buulle ayaa meesha ka saaray sheegashada Mareykanka ee ah inay howlgalkaas fuliyeen, waxaana uu sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan. Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalkaas ay ciidankooda wax ka fuliyeen. “Howlgalkii Jubbada Hoose kaligeen ayaan fulinney, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Soomaaliyeed, Maraykana kaalin weyn kuma lahayn weerarkaan balse kor ayeey kala socdeen, waana ku guuleysannay” ayuu yiri Korneelka. AFRICOM ayaa sheegtay in weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
  17. New York (Caasimada Online) – Qareenka gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Rudy Giuliani ayaa sheegay sabtidii in cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iran ay sababi doonto xanuun dhaqaale oo horseedi doona ‘Kacdoon guuleysta”, oo lagu afgambin doono dowladd Iran “Ma aqaan goorta aan afgambin doonno iyaga,” waxaa sidaas yiri Giuliani, isaga oo ka hadlaya shir ay lahaayeen ururo kacdoon oo ka mid ah jaaliyadda Iran ee Mareykanka, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda Tehran. “Waxa ay noqon kartaa dhawr maalmood, bilo, dhawr sano. Laakiin wey dhici doontaa,”ayuu Giuliani u sheegay dad isugu soo baxay Hotel-ka ku yaal Times Square ee magaalada New York. Hadallada Giuliani waxa ay cagsi ku ahaayeen siyaasadda maamulka Trump ee aan dooneyn is bedel ku yimaada dowladda walow ay cunaqabateyn curyaamiyey dhaqaalaha Iran ku soo rogeen. La taliyaha Trump ee ammaanka qaranka John Bolton waxa uu horey ugu sheegay Reuters bishii Agoosto in is bedel ku yimaadda dowladda Iran aysan ahayn siyaasadda Mareykanka. Waxa uu sheegay in maamulku doonayo isbedello waa weyn oo laga sameeyo hab-dhaqanka maamulka xukunka haya. Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Mareynkan waxa ay sheegtay in Giuliani uusan u hadlin maamulka Iran. Giuliani waxa uu sidoo kale hadda kahor sheegay in cunaqabateynta dib loogu soo rogay Iran lagu doonayo in naqaska lagu celiyo Ayotullah, mar uu la hadlayey bishii Juunyo gudigga qaran ee iska caabinta Iran kuwaas oo fadhigoodu yahay Paris. Trump waxa uu dib uga gurtay heshiiskii Iran ee barnaamijka Nukliyeerka, halka maamulkiisa uu dib ugu soo rogay cunaqabateynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo ay ka mid tahay shidaalka ay u dhoofiyaan dibedda. Cunaqabateynta maamulka Trump ujeedada laga leeyahay kaliya ma ah in la is hortaago barnaamijka Nukliyeerka Iran balse waxaa ka mid ah in ay joojiso maaleeshiyaadka Bariga Dhexe ee ay gacanta siiso. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka Saudi Arabia Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, dadaal dheer u galay sida cunaqabateynta looga dul qaadi lahaa dowlada Eriterea oo iminka mar kale kasoo muuqatay loolanka Siyaasada Africa. Boqor Salman bin Abdulaziz oo siyaasad ahaan ay xiligaani aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki ayaa durba Madaxweynaha Mareykanka Trump kala hadlay sida cadaadiska looga qafiifin lahaa Eriterea. Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa Trump u sheegay in Eriterea aysan ku lug laheyn waxyaabaha tuhunka dhaliyay sidaa aawgeedna Mareykanka laga doonaayo in dib u eegis uu ku sameeyo arrinta Eriterea. Qaar kamid ah Wargeysyada sida aadka ah uga faalooda arrimaha Africa ee kasoo baxa dalka Saudi Arabia ayaa qoray in Boqorka uu Mareykanka ka dhaadhicinato in Eriterea laga qaado cunaqabateynta naafeysay, iyadoo tusaale loo soo qaadanayo kaalinta ay iminka ka qaadaneyso isbedelada Africa. Waxa ay qoreen in Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud uu sidoo kale ka shaqeynayo sida lagu kulansiin lahaa Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Eriterea oo waxaana xusid mudan in kaalin aan muuqan ay isu geynta labada Madaxweyne ka qaadaneyso Israel oo beesaska ugu weyn Africa ku leh Eriterea. Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan bilad dahaba gudoonsiisay Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki, taa oo banaanka soo dhigeysa sida ay u wada shaqeynayaan labada dal. Sidoo kale, Boqorka Saudi Arabia ayaa kulankii ugu danbeeyay ee uu la qaatay Afwerki ka sheegay in Sacuudiga uu ka shaqeynaayo sida cunaqabateynta iyo cadaadiska looga dulqaadi lahaa Eriterea. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasada qaarada Madow ee Africa u adeegsaneysa dowladaha Eriterea iyo Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda. Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood. Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi. ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga . ” Waxaa cirka isku shareertay carada Muslimiinta kadib weerarkii lagu xasuuqay dad badan ee aan loo aabo yeelin waxayna taas keentay inay Muslimiinta qortaan dad cusub” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday ICG. Hey’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyey 2015 ay isbadal weyn sameeyeen maamulayaasha wadamadaas is wax looga qabto Khatar Al-Shabaab. Cabdullaahi Cabdulle Shaahow oo ka tirsan Hey’adda ICG lana hadlay Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in hoos u dhaca saameynta ay Al-Shabaab ku leedahay Wadamada Kenya iyo Ugandha ay sabab u tahay dadweynaha oo laga qeybgeliyey howgalada looga hortagayo Al-Shabaab. Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda. Hey’adda ayaa intaas kusii dartay in taas aysan ka dhigneyn inay dhamaatay khatarta Al-Shabaab ee Kenya loona baahan yahay in lasii dardargeliyo qorshahaan cusub oo ay adeegsanayaan Sidaasoo ay tahay Al Shabaab waxay weli sii wadeen weerarradii ay ka gaysanayeen Gudaha Kenya. Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday tallaabooyin ay maamulayaasha Kenya iyo Uganda adeegsadeen oo aan mirodhal noqon, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo ay boolisku u gaysteen dadka muslimiinta ah. Ugu dambeyn Hey’adda ayaa xustay in Soomaalida laga qayb galiyey amniga, sidoo kalena dadka dega gobolka xeebta lagu warejiyey sugidda amnigooda” ayuu yiri C/laahi Shaahow.
  20. NAIROBI - Leaders from Northeastern have been urged to educate residents on the need to form groups to be eligible for government grants. Youth Chief Administrative Secretary Rachel Shebesh said grants..... Source: Hiiraan Online
  21. Two documentaries that debuted Friday in the Twin Cities, “Fahrenheit 11/9” and “Time for Ilhan,” say a lot about the state of our democracy. Source: Hiiraan Online
  22. Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iran ay jawaab deg deg ah, oo cawaaqib leh ka bixin doonto, iyada oo difaaceysa dadkeeda kaddib markii weerar argagixiso ay shalay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof, Koonfurta Iran. “Argagixiso ay qorten, tababareen oo ay lacag siiyaan dowlado shisheeye ayaa weerary Ahvaz. Carruur ayaa ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaadhay,” ayuu yiri Zarif oo Tweeter-ka qoraal soo dhigay. Terrorists recruited, trained, armed & paid by a foreign regime have attacked Ahvaz. Children and journos among casualties. Iran holds regional terror sponsors and their US masters accountable for such attacks. Iran will respond swiftly and decisively in defense of Iranian lives. pic.twitter.com/WG1J1wgVD9 — Javad Zarif (@JZarif) September 22, 2018 Iran waxa ay u haysataa mas’uuliyadda weerarkaas dalalka maalgaliya argagixsada iyo Mareykanka, waxaa sidaas yiri Zarif. Afhayeenka ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Ramezan Sharif ayaa sheegay in dadka weerarka fuliyey ay ku xiran yihiin koox argagixiso ah, oo Sacuudiga u taageero. Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay, ilaa 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay dabley gadaal uga soo fureen waddada Qods Boulevard ee magaalada Ahvaz, xilli ay joogeen goob lagu xusayey xiliggii uu Sadam Xuseen soo weeraray Iran, sanadkii 1980. “Shaqsiyaad lagu soo qariyey ciidamada gaarka ah ee kacaanka Islamka iyo dharka Bajis ayaa mas’uuliyiinta iyo dadka ka soo rasaaseeyey goobtii ay taagnaayeen gadaasheeda iyaga oo dilay tiro dad dambi la’aan ah ama dhaawacay,” waxaa sidaas yiri Gholamreza Shariati oo ah Khuzestan. “Ilaa iyo hadda, shahiidiinta waxaa laga aqoonsaday saddex halka, 20 kale oo dhaawac ahna la geeyey cisbitaal, “ waxa uu sidaas u sheegay wakaaladda wararka Iran ee IRNA. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  23. Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirkii Deegaanka iyo is bedelada Cimilada dowlad goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo warqad istiqaalad ah u gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, wuxuuna shaaca ka qaaday xaaladda hoose ee maamulka Puntland ee dad badan aysan ka war-hayn. Is casilaada Wasiirka ayaa timid kaddib khilaaf in howlihii Wasaaraddiisa ay Madaxtooyada Puntland u weecisay hey’ad gaar ah. Cali Cabdulahi Warsame ayaa ku sheegey qoraalkiisa in maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas lasoo gudboonaadeen Jahawareer siyasadeed, dhaqaale, amni daro iyo in haykalkii difaaca degaanada hoos yimaado uu bur burey. Wasiir Cabdulahi ayaa sheegey in wajibaadkii iyo shaqadii Wasarada degaanka lagu wareejiyey hay’ad Madaxweynaha si gaar ah u naas-nuujisa. Go’aanka is-casilaada Wasiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafey hay’ada Tamarta iyo biyaha “PSAWEN” golaha wasiirada Puntland ku wareejiyeen in la hoos keeno barnaamijka biyo xireenada taasoo dhalisay muran iyo jahawareer ku yimaado mashruuc Dowlada Jarmalka ka hirgalineysay degaano laga dayactirayey wadadda isku xirta Tuuladda Jalam iyo Xarfo. Sidoo kale waxaa uu sheegay in burbur baaxad leh uu saameeyay hey’adihii dastuuriga ahaa, isagoo hey’ado gaar ah la hoos geeyay Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana musuq maasuq baahsan uu hareeyay. “Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka ” Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”ayuu yiri Cali C/llaahi Warsame oo iska casilay xilka Wasiirka Deegaanka. Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha kasoo baxya Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinka maalmahani ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Waxa uu sheegay in dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii Axmed dowlo oo la dilay kadibna la gubay uu ahaa mid aad u naxdin leh. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhaqanka noocaasi ee lagu dilay marxuum Axmed Dawlo islamarkaana lagu gubay uu ahaa mid ku cusub dalka oo niyad jabiyay Umadda Soomaaliyeed. Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay aheyd mid xitaa dunida ay kala yaabtay Soomaalida waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan falalka nuucaas oo kale ah. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Dhacdooyin fara badan oo dalka ka dhacayay gaar ahaan dhimashooyin fara badan inaan uga tacsiyadeedyo ummadda Soomaliyeed iyo eheladooda dadka dhintay, Alle waxaan ka baryeynan nabad, waxaan rabaa inaan si gaar ah u dul istaago dhacdadii Towfiiq, dhaqankaas waa mid aad u xun, waan cambaareyneynaa waa fal aad u fool xun, ma jiro qof qof ka fiican ilaa cabsida Alle ma ahanee” “Guur in dad loo dilo waa arrin fool xun, ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay meel uga soo wada jeestaan arrintaas”. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Haddalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal aad u fool-xun oo ay isu geysanayeen dadka reer Muqdisho sida falkii lagu gubay Axmed Dawlo iyo ninkii xaskiisa ku gawracay duleedka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been killed and six others, including three police officers injured in multiple attacks in Somali capital Mogadishu. The attacks happened at the same area in the city’s biggest Bakara market after bomb explosives fitted into wheelbarrow exploded. The blast killed a person and injured two other people, a witness, who aske to be anonymous said. He says the wheelbarrow had been left unattended at Bakara crossroad, where is a parking lot for public transport vehicles. Bakara junction where is also busy with traders and breadwiners, who sell their daily wares. He said an hour before the bomb attack, unknown gunmen shot and killed a bus conductor at busy junction in the capital. The killers reportedly fled from the crime scene before the arrival of Somali security forces. Meanwhile, four other people, including three soldiers injured after grenade bomb was hurled into police checkpoint in the same area, a witness, tea-seller, Faisa Mohamed said. Mohamed says police soldiers opened gunfire to response to the bomb attack, causing untold number of casualties. “We all got scared over the bang of explosion and gun attacks, but we later knew police soldiers are attacked with grenade bomb”, she said. The Islamic State (IS) has claimed to have been responsible for the latest attacks in Somali capital Mogadishu. Somali capital has been hit by wave of killings and bombings which are often carried out by Al Qaeda linked Al Shabaab. The group also claimed the responsibility for Friday’s double bomb explosions, killing two people in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com