-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan oo xilal kale duwan horay uga soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay laba arrin oo kala ah shirkii gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo gebagebeeyay 25-kii bishaan iyo xaaladda guurka ee dowladda Puntland. Wuxuu sheegay in shirka Garoowe ku soo dhammaaday uu kaga muuqanayo daneysi ay madaxda maamullada hoosta ka wataan. Khilaafka haatan taagan iyo doorashooyinka ku soo wajahan qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan in uu saameeyn ku yeelan karayo qabsoomidda doorashooyinkaasi. Dowladda dhexe ayuu kaga digay in ay faragelin ku sameeyso arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada isagoo u jeediyay in in ay u madaxbannaaneyso matalayaasha shacabka cidda ay soo doortaan. Dhanka kale, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladda Puntland oo uu ku nuuxnuuxsaday in la kala saaro siyaasadda iyo ciidamada Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaqan ku cusub Puntland uu yahay dhacdo maalin dhoweyd ay baahiyeen warbaahinta qaar oo ay ku sheegeen “Saraakiil ka tirsan ciidamada in ay Garoowe ka taageereen dowladda federaalka”. “Waxaan ka digayaa arrin waayadaan soo shaac baxaysay oo ahayd in la furo dastuurka oo rag odayaal ah ay doonayaan in baarlamaanka soo socda Puntland-ta cusub 2019-ka ay ku yeeshaan arrintaas waa wax aan maangal ahayn” buu yiri siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeeyn, shacabka iyo xukuumadda waqtiga uu ka sii idlaanayo ee Puntland ugu baaqay in xil iska saaraan sidii doorashada madaxtinimada 08-01-2019-ka ugu dhici lahayd qaab nabadeed, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhiilo keeni kara. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-MAXAMED-CABDIRAXMAAN-27-10-2018-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Muqdisho Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay shirkii maanta ku qabsoomay magaalo madaxda dalka ee Muqsdisho. Wuxuu ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Wasiir Cawad ayaa afka ku ballaariyay in Shirka Khudbad loo bogay uu ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali waa sida uu sheegaye, kaasoo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho. “Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goobjoog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad. Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada. Warar kale oo mareegta Goobjoog News ay heleyso ayaa meesha ka saaraya in in dowladda Qadar ay bixisay “gabi ahaanba” lacagaha suurageliyay in shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu ka qabsoomo Sabtida maanta ahayd caasimada dalka ee Muqdisho. Tallaabadani ayaa noqonaysa ifafaalo cusub oo qeyb ka ciyaari karaysa khilaafka Khaliijka ee ka dhex aloosan Qatar oo dhinac ah iyo xulufada Sacuudiga oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Kuwayt. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wasiir-Cawad-oo-kashifay-dalka-maalgeliyay-shirka-ka-dhacay-Muqdisho.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka shaaciyay halkaas in qorshaha shirka Kismaayo uu yahay dardargelinta howllagada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dowlad goboleedyada. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay Kismaayo uga wada qeyb geli doonaan wasiirrada amniga dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland. Maamul Goboleedyada afarta ah Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa shirkii Garoowe waxay go’aan ku gaareen inay sameystaan Ciidan isku dhaf ah, islamarkaana ka wada shaqeeyaan amnigooda iyadoo laga maarmaro xukuumadda Muqdisho. Waxay sidoo kale ka baxeen qorshayaashii amniga ee uu qeybta ka ahaa maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Axmed-Madoobe-oo-fahfaahiyay-shir-Kismaayo-uga-furmaya-Wasiirada-amniga-maamulada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fanaanka dhallinyarada ah ee lagu magacaabo Nimcaan Cabdiraxman Xassan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook ku shaaciyey in la joojiyey Bandhig faneed uu magaalo madaxda gobolka Bari ee Boosaaso caawa 27 Oct,2017 ku qaban lahaa. Nimacaan oo muuqaal hal daqiiqo iyo shan ilbiriqsi ah ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegey in Duqa Boosaaso Cabdisalaam Bashiir oo ku martiqaadey markii hore uu joojiyey bandhig faneed uu ku qaban lahaa magaaladaasi. Sababta arrintani qasabtay ma uusan shaacin, isagoo raalligelin u diray dadweynihii kasoo qayb gali lahaa xafladaan. Ma aha markii ugu horreysay ee bandhig noocaan ah lagaga joojiyo fanaaniin bandhig ku qaban lagaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka kooban tahay iyadoo inta badan talabadaan ay ka timaado cadaadis culimadu saarto maamullada degmooyinka iyo guddoomiyeyaasha gobollada. Magaalada Garoowe oo ah caasimadda Puntland ayaa waxaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo Indho kaasoo muran badan dhaliyey kadib markii talaabo taas lamid ah ay qaadeen Somaliland. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Nimcaan-Muxuu-ka-yiri-bandhig-faneeed-inuu-qabto-loo-diidey-Fanka-Sugaanta-GO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan) ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhinaca Amniga. Wasiir Cabdirashiid Janan ayaa ku dhawaaqay amar ah in Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Jubbaland aan marnaba la ogolaan doonin in lagu dhex qaato hubka sharci darada ah cidii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono. Magaalada Kismaayo, amarkani lagaga mamnuucay in qoryaha iyo hubka kale ee sharci darrada ah ayaa ku soo aadaya iyadoo meeshii u sarreeysay uu gaaray khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Janan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa shaaca kaga qaaday xil, aan markii hore loo shaacin, loogu soo dhiibay shirkii dowlad goboleedyada ee Garoowe, oo ah inuu mas’uul ka yahay aas-aaska ciidamada isbaheysiga ah ee ay dhisanayaan dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe, ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan wasaaradaha amniga iyo taliyeyaasha ciidamada Dowlad Goboleedyada, si loo guda galo howshan loo soo wakiishay. Shirkaan ayuu sheegay in Jubaland ay marti-gelineyso, isla-markaana lagu qabanayo magaalada Kismaayo, inta badana looga hadli doono dib u dhiska ciidamada isku-dhafka ah ee dhawaan lagu go’aamiyay shirkii Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada. Shirka Jaraa’id ee uu Kismaayo ku qabatay Axmed Madoobe ayuu sheegay in qorshaha shirkaas ka soo bixi doono uu yahay dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay gaaraan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana ka qyeb geli doonin wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle oo heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Aaxmed-Madoobe.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo laga soo saaray madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo nuqul kamid ah la soo gaar siiyay Goobjoog News baa lagu sheegay in madaxweynaha uu eryay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ruqseeyey 7sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishda Puntland kuwaaas oo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday iyagoo dhaliilay hogaaminta madaxwayne Gaas isla markaana sheegay in ka soo horjeedaan Shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada Digreeta lagu ruqseeyey saraakiisha ayaa sidan u qornayn . Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Daraawiishta Ujeedo: Rukhso Saraakiil Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito) G/Sare Maxmed Cali Qase G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad) G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro) G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo) Fulin Wacan -DHAMMAAD- Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
KISMAYO (HOL) – Heavy fighting has broken out between security forces and clan militias in the southern Somali port city of Kismayo town, officials say in a new escalation of fighting late on on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan oo furay shirka ayaa soo dhoweeyay shirkan taariikhi ah. Waxaana saacadaha uu shirka diirada lagu saaray horumaradii ugu danbeeyay ay gaartay Soomaaliya,sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka,waxaana shirka laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob. 1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay sameynayaan Beesha caalamka. 2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018. Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto ah oo dalka loogu talagalay. 3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed. 4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah. 5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga Soomaaliya,sidoo waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka. 6-Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga. Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba dib u heshiisiinta. 7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, tSudan, Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE). 8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December 2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen. Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya. 9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika. 10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay ku leedahay dadka ugu nugul. Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka hortagaan macluusha sannadka 2017. 11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada. 12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya”. 13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya. 14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii 72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee Muqdisho. 15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya. 16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya. 17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed. 18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December. 19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada iyo ka qaybqaadashadooda intaba. Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xoghaynta Guud. 20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco 2019.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland. Saraakiisha la ruqseeyay oo dhan 7-xubnood ayuu Hoggaamiye Gaas ku eedeeyay in ay ku kaceen falal liddi ku ah anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland. Hoggaamiye Gaas digreetada uu ku ruqseeyay saraakiishan ayaa soo baxday 25 bishan oo ku taariikhaysnayd shalay hase ahaate maanta ay heleen qeybaha kala duwan ee warbaahinta. HOOS KA AKHRISO LIISKA SARAAKIISHA LA RUQSEEYAY 1-G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito) 2-G/Sare Maxmed Cali Qase 3-G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) 4-G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad) 5-G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro) 6-G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) 7-Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo). Dhinaca kale, Saraakiishan oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska Puntland ayaa lagu ruqseeyay labo digreeto oo is xig xigay hadana dhamaantood waxa ay ka sinaayeen eedaha ah in ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland sida ka muuqata warqada digreetada madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh dowlada Sacuudiga ayaa ka hor imaaday in dowlada Turkiga ay ku wareejiso dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayen dilka suxufi Jamaal Kaashogji. Wargeysyada oo xiganaya Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubayr ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay ka hor imaaday dalabka Turkiga ee ku aadan in tuhmanayaasha lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbuul. Wasiir Caadil Al-Jubayr, wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga, isla markaana ay jiri doonin muwaadin lagu wareejin doono Turkiga. Wasiir Caadil Al Jubeyr ayaa la sheegay in hadalkan uu ka dhahay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka iyo qaar kamid ah kuwa carabta inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada. “Ma dhaceyso in muwaadin la tuhunsan yahay oo kiiskiisa ku jira gacanteena in loo gacan galiyo Turkiga, wey nagu adag tahay inaan ku wareejino maxaabiisteena ku socta baaritaanka, turkigu waa inuu nagu kalsoonaada” Sidoo kale, Wasiir Caadil Al-Jubayr ayaa ku adkeysanaya in Sacuudiga uusan ku tallo gal u dilin Suxufiga Jamaal ee ku dhex dhintay gudaha Qunsuliyada ee magaalada Istanbuul. Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo doortay islamarkaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay in uu noqdo guddoomiyaha dhismaha Wadooyinka ee Rugta Ganacsiga ninka lagu magacaabo Farxaan Xusseen Xeydar. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xilka ay u soo xusheen ilaa 6 musharax, laakiin xog uruurin hoose oo ay sameeyeen ku ogaadeen in uu ugu codad badnaa Farxaan oo markii danbe kulan weynaha maanta ka dhacay Muqdisho leysku raacay in loo doorto xilkan. ‘’Xog uruurin hoose oo aan sameynay waxaan ogaanay in ganacsatadu raali ku ahaayeen, kuna aamineen xilkan qabashadiisa Farxaan Xusseen Xeydar oo maanta magaciisa ku soo bandhignay kulan weynaha, ayuu yiri’’ guddoomiye Gabeyre. Doorashadan ayaa imaneysa kaddib markii uu horey isaga casilay xilkan guddoomiyihii horey hayay.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa shaqada ka ceyriyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska Puntland,kaasoo kamid ahaa saraakiil ciidan oo maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe ku taageeray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 25 bisha October ayaa shaqada looga rukhseeyay,G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar(Layli) oo ka tirsanaa Booliiska Puntland horena mar u soo noqday taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal. Sarkaalkan ayaa sida digreetada ku xusan lagu eedeeyay in uu si is-daba joog ah ugu kacay falal liddi’ ku ah jiritaanka dowladda Puntland iyo anshaxa ciidamada. G/Sare Layli ayaa shir jaraa’id oo uu la qabtay saraakiil kale waxay taageero ugu muujiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiisha ayaa sidoo kale dhaliilay xukuumadda Puntland iyo shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe. Laba digreeto oo is-xigay ayaa madaxweyne Gaas caawo ku rukhseeyay 7 sarkaal oo kamid ahaa Daraawiishta Puntland iyo hal sarkaal oo ka tirsanaa Booliiska,kuwaasoo dhammaantood shir jaraa’id ka sheegay in ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo rukhseeyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sida Wasiir Cawad uu sheegay Shirka waxaa Khudbad loo bogay ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho. “ Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad. Sidoo kale,Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada. Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–The Organization of Islamic Cooperation (OIC) Contact Group on Somalia has wrapped up ministerial summit in kicked off in Somali capital Mogadishu. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has opened the meeting which reviewed the latest developments in Somalia. The OIC summit was focused on peace and state building process, stabilization efforts and the democratization process in Somalia. Here is final communiqué from OIC meeting in Somali capital Mogadishu The Meeting highlighted the importance of the respect for the unity, stability and territorial integrity of Somalia by all Somali leaders, as well as unified increased political commitment from the international community. The Meeting noted with satisfaction the landmark political agreements between the Federal Government of Somalia (FGS) and the Federal Member States (FMS) on the electoral model 2020 and the resource sharing reached in Baidoa in June 2018. These agreements will decisively contribute to the consolidation of the Federal model of government and the establishment of a durable political framework for the country. The Meeting commended the progress made towards achieving reconciliation among Somalis, stability, security, economic growth and prosperity, and equitable representation for all women, men and the youth in Somalia, since the election of President Mohamed Abdullahi Mohamed. It also acknowledged the laudable efforts of the Federal Government of Somalia, the Federal Member States, the Benadir Regional Administration (BRA), the Parliament, religious authorities, the private sector and many Somali citizens as well as civil society. The Meeting commended the Federal Government of Somalia (FGS), the Somali Security Forces, the Troop and Police Contributing Countries and AMISOM for their sacrifices in the stabilization project, and urged them to sustain the momentum essential to Somalia’s progress. It paid tribute to those who lost their lives and appealed to the UNSC to consider lifting fully the arms embargo imposed on Somalia in order to accelerate the building of Somalia’s capacity in the security sector. The Meeting appealed to the international community to accelerate the provision of financial and logistical support to the Somali Security Forces and stressed the importance of training the Somali national army to enhance security situation in the country. The Participants welcomed in this context the opening of the Anatolia Military Training Center in Mogadishu at the end of September 2017. The Meeting also commended the efforts of the Bosaso-based UAE Military Training Centre, established in 2011. The Meeting strongly condemned violent extremism and all acts of terrorism perpetrated by the Al-Shabaab militant group which continues to attack innocent civilians, AMISOM and the Somali security forces in their continuing desperate failed attempts to destabilize the Somali democratic project and the region and to hinder the reconstruction and rehabilitation process underway in the country. It emphasized that such abhorrent acts of violence run counter to the Islamic values of peace, moderation and the respect for the sanctity of human life. The Meeting called on militants to renounce violence and embrace the offer of the Somali Government to join the peace and reconciliation process. The Meeting welcomed the Somali Federal Government’s sentiments of appreciation for the States that participated in transporting and treating the injured in their respective countries, following the deadly terrorist attack of 14 October 2017. It commended in this connection the support provided by Djibouti, Egypt, the State of Qatar, the Kingdom of Saudi Arabia, the Sudan, Turkey, and the UAE. The Meeting welcomed the outcome of the Somalia Partnership Forum held in Brussels on 16-17July 2018 as a follow up on the progress since the conferences in London and Mogadishu held respectively in May and December 2017, in which the OIC participated. It called for an enduring international partnership with the Somali authorities to realize the goals of the New Partnership for Somalia. The Meeting also welcomed the recent positive developments in the Horn of Africa. The Meeting further noted with appreciation the Humanitarian Coordination Forum jointly convened by the OIC and its partners on 11 April 2017 in Mogadishu to strengthen partnership among relevant stakeholders, including national and international NGOs, the UN, FGS and donors to raise awareness on the drought situation and act to mitigate its impact on the most vulnerable people. The efforts of the international community and Somali diaspora helped to avert a famine in 2017. The Meeting welcomed the timely initiative of Turkey, as the Summit Chair of OIC, for having organized an OIC mission to assess the humanitarian situation in drought-affected countries including Somalia, to collect firsthand information regarding the humanitarian situation on the ground and to determine the requirements of these countries to overcome the severe impacts of the ongoing drought that may continue several years according to several climate forecasts. The Meeting requested the OIC Member States and financial institutions to step up their assistance including humanitarian assistance to the FGS and the vulnerable regions, to build a Resilience and Recovery Framework (RRF), consistent with the “New Partnership for Somalia”. The Meeting reviewed the OIC’s overall engagement in Somalia and welcomed the transformation of the OIC Developmental Office into an OIC Mission to contribute to the long term political and socio-economic development of the country. In this context, it requested the Secretary General to explore ways and means to reinvigorate the said Office to further strengthen the support of Somalia’s inclusive policies and reconciliation efforts. The Meeting congratulated the Member States which have already re-opened their diplomatic missions in Mogadishu in accordance with the conclusions of the meeting at ministerial level of the Contact Group held on the sidelines of the 72nd session of the UNGA in New York and requested other Member States of the OIC to reopen their diplomatic missions in Mogadishu. The Meeting also called on the OIC Member States, financial institutions and Islamic NGOs to continue to generously extend humanitarian assistance in order to alleviate the suffering of the Somali IDPs and refugees including supporting the efforts of the host countries and the Government of Somalia. The Meeting called for direct financial support to be provided to the Government of the Federal Republic of Somalia with a view to strengthening its institutions; and commended in this regard the budgetary support provided by the Kingdom of Saudi Arabia and Turkey to the Federal Government of Somalia, as well as the financial and material assistance which Egypt extends along with covering transfer expenses of severe cases to Egyptian hospitals; lauds the support provided by the Kingdom of Saudi Arabia amounting to 6 billion Saudi Riyal; and equally praises the State of Qatar’s support to Somalia and called on other sisterly countries to continue to support Somalia. The Meeting welcomed the progress achieved by the Government of Somalia in the implementation of the third IMF Program. The meeting urged the OIC member states to support the Government of Somalia in its efforts to attain debt relief to reduce the burden on the Somali people. The Meeting welcomed the State of Kuwait’s initiative to host the Donor’s Conference to Promote Education in Somalia, and called on the General Secretariat to pursue its efforts to hold the Conference on Intellectual Security and Counter-Extremism next December. The Meeting expressed its deep appreciation to His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed, His Excellency Prime Minister Hassan Ali Khayre, and His Excellency Foreign Minister Ahmed Isse Awad for their support and participation. It also expressed its gratitude and appreciation to the people of Somalia, the President and the government for their efforts to successfully hold this meeting and the warm hospitality afforded the delegations of Member States and the General Secretariat. The Meeting decided to convene its next meeting in 2019. PRESS RELEASE
-
NAIROBI (Caasimada Online)– Police are racing to thwart an al Shabaab plan to carry out a series of terror attacks in Nairobi. A security brief sent to Flying Squad and divisional DCI bosses on Thursday required them to put their teams on high alert. “Six al Shabaab (AS) operatives led by Ahmed Harith Mahmoud are planning to attack Times Tower and Treasury buildings within the Central Business District (CBD) between Sunday 28th October 2018 and Sunday4th November2018,” the memo reads in part. The memo said Harith is an associate and logistician of Ahmed Iman Ali alias Engineer, a Kenyanborn in Majengo, Nairobi, but currently based in Somalia. The terrorists include a woman, and have been conducting reconnaissance of the targeted buildings for a month. They are staying in Umoja and Kariobangi. Although Inspector General of Police Joseph Boinnet dismissed the memo as a fake, its leakage caused a storm in the police command, and there was a meeting over the same at the Nairobi area police headquarters yesterday. A senior officer confirmed the alert and said more officers are already deployed around the targeted buildings and the city. The officers were yesterday seen at strategic points around the buildings. “It is not genuine. And that is not to say there are no such things [ terror threats], but we are always alert,” Boinnet said on the phone. Police in March said the botched terror attack in February targeted the Supreme Court and other government buildings in Nairobi. They said key suspect Abdimajit Hassan Adan worked closely with Anthony Kitila Makau, Mohamed Osman Nane, John Kiarie, and Lydia Nyawira Mbur. The Supreme Court would have been the epicentre of the bomb attack, which would have been followed by successive attcks at the Kenyatta International Convention Centre, Parliament Buildings, City Hall, the Technical University of Kenya, Central Bus Station, Jeevanjee Gardens, Serena Hotel, the University of Nairobi, and Milimani law courts.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Four people have been killed when heavy gun battle has erupted on Saturday in the coastal town of Kismayo, some 500km south of Somali capital Mogadishu. The on-going fighting broke out between Somalia’s Jubaland state forces in the town over dispute, a witness, who asked to be anonymous said. He says a renowned traditional elder was among those were killed in the on-going fighting the coastal town. Caasimada Online will keep you updated of the latest fighting in Kismayo
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kismaayo uu dagaalkulul ku dhexmaray Maleeshiyaadka daacadda u ah Axmed Madoobe iyo Beesha Cawlyahan oo ku kacsanaa xukunkiisa. Sida ay Caasimadda Online ugu warrameen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Axmed Madoobe oo wata Maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa weeraray xaafadda Dalcadda ee u dhaw madaarka Kismaayo, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamo u badan beesha Cawlyahan. Ilaa iyo hadda khasaaraha la xaqiijiyey ayaa lagu sheegay afar dhimasho ah oo beesha la weeraray ah walow aan la ogeyn dhinaca Maleeshiyada Axmed Madobe waxa soo gaaray. Lama oga ujeedka uu Axmed Madoobe u weeraray maanta beesha Cawlyahan walow la fahansan yahay in ay diidan yihiin maamulkiisa magaalada Kismaayo. Beesha Cawlyahan ayaa ka mid ah beelaha Ogaadeen ee Axmed Madoobe uu ka dhashay. Axmed Madoobe ayaa kasoo jeeda jufada Reer Cabdulle ee Ogaadeen. Reer Cabdulle iyo Cawlyahan waa laba jufo oo siman. Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Al Shabaab ayaa markii dambe qabsaday Kismaayo oo uu ka dhisay maamulka Jubbaland ee aan xataa Goobweyn gaarsiisneyn, isaga oo gacan ka helaya dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka qarxay magaalada, iyadoo uu dhex marayo ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in labada dhinaca ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo weriyay inay ilaa afar qof ku dhinteen oo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa. Ciidamada Jubbaland iyo ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa la sheegay inuu dagaalku u dhaxeeyo kadib xiisad ka dhalatay shaki ku saabsan maleeshiyadan oo ka taagneyd xaafadda Calanley ee magaaalda Kismaayo. Dagaalka ka qarxay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada. La soco wixii kusoo kordha dagaalkaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Sacuudiga ka daalaa dhaceyso culeyska kaga imaanayo dilkii Qoraa Jamal ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada Wariyaasha ku jiro xabsiyada ku yaal dalka Sacuudiga. Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017-kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka. Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday. Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo. Haddaba halkaan hoose ka akhris liiska Wariyaasha Xiran Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017-kii -Raaif Badawi, oo wax ku baahiya internet-ka, ahna aasaasaha warbaahinta Saudi Liberal Network. -Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah Al-Sharq, El Bilad iyo Okaz. -Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga. -Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq. -Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha. Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017-kii -Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan. -Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internet-ka ee haweenka Sucuudiga. -Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale. -Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka. -Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV. -Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed. -Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul. -Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaallada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitter-ka. -Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internet-ka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internet-ka. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Heavy clash flared up on Saturday in the capital of Mogadishu, when Somali police soldiers clashed with military forces, leaving 3 people injured. The skirmish erupted after police soldiers attempted to stop military forces loyal to Somali military commander, Gen. Shegow Ahmed Ali, a witness said. He says the heavily armed military soldiers on board from south regions were on their way to the capital, but clashed with police soldiers at Seybiano area in the city’s Hodan district. “Heavy exchanges of gun fire started after disagreement between police and military soldiers as the major roads in the capital were blocked for security reasons”, he said. A woman was among those who were injured in the clash. The victims were rushed into hospital in the capital Mogadishu, he told Caasimada Online. Mogadishu capital is on locked down as Somalia has held on Saturday a ministerial meeting of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) contact group. The OIC summit kicked off under tight security on Saturday, with roads closed and residents urged to remain indoors over fears of an attack on the capital by Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirka Kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa diblomaasiyad ahaan u dhacay qaab matalaad hoose, waxaa loogu talo-galay wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal ee uu ururka ka koobanyahay, laakin ma joogin wax wasiir buuxa ah. Shirkan uu shir guddoominayey wasiiru dowlaha dalka Qatar ahna dalka maal-geliyey shirka, waxaa joogay 11 dal, ay ugu muhiimsanayeen wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Suudaan, Kaaliyaha wasiirka arrimaha ee Kuwait, kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar, waxaa iyana yimid wufuud ka socotay Pakistan, Malaysia iyo Azerbaijan iyo dalal kale ay Djibouti ku jirto oo ay safiirro u joogeen. Waxaa jirtay 3 dal oo aan iman shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, waa dalalka Gaboon, iiraan iyo Brunei. Shirkan oo si joogta ah loo qabanayey laga soo bilaabo 2007-dii, caada ahaan, waxaa isugu yimaada wasiirrada arrimaha dibadda ee Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen. Marka laga soo tago ahmiyadda in shirku ka dhacay Muqdisho, qodobka ugu muhiimsanaa waxaa uu ahaa in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta. Akhriso: War-murtiyeedka Shirka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho[Puntland Post]-Halkan ka daawo Shirka Jaraa,id ee Wasiirka wasarada arimaha dibada soomaliya kaas oo ka hadlaya warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii iskaashiga islaamka ee maanta lagu qabtay Magaalad Muqdisho ee Caasimada soomaliya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii iskaashiga islaamka ee Muqdisho ka dhacy appeared first on Puntland Post.