-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia’s al-Shabab says 30 AU soldiers killed in explosion
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Caasimada Online)—The Islamist group al-Shabaab says it has carried out bomb attack on African Union soldiers’ personnel carrier in central Somalia. The Al Qaeda linked group has claimed to have killed at least 30 Ethiopian soldiers with African Union peacekeeping force in Somalia, following roadside bomb explosion. The explosion went off on Sunday near Baladweyne town, some 335km north of Somali capital Mogadishu. “We have killed 30 Ethiopian soldiers in landmine explosion, while travelling through El-Gel area near Baladweyne town”, the group said. There was no immediate comment from African Union mission over the claims. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel to fight against the Al-Qaeda inspired group in Somalia. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com -
Xassan Cabdullaahi Maxamed Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Nugaal. Xeer madaxweyne oo soo baxay Isniinta maanta ah,kuna astaysan 29 October 2018 ayaa taliyaha Booliiska Nugaal loogu magacaabay, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland ee Garowe. Madaxweynaha Puntland ayaa digreetooyin is-xigay oo uu soo saaray is-beddel ku sameeyay xaraakiisha ciidamada Puntland,waxaana taliyaal cusub loo magacaabay Booliiska iyo Daraawiishta. Sidoo kale waxaa shaqada laga rukhseeyay saraakiil ka kala tirsanaa ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta oo lagu eedeeyay falal liddi’ ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo taliye cusub u magacaabay Booliiska Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Police in Somalia are hunting for the gunmen who shot dead a local journalist, Mr Abdullahi Mohamed Hashi, on the outskirts of Mogadishu late on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdixaashi Cabdulaahi ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay inuusan la jaanqaadi karin Villa Soomaaliya, waxaana xafiiskiisa kasoo baxay hadalo badan oo toos madaxtooyada ugu wajahan, oo dhaliil u badan. Madaxtooyada qaladaad hadii ay leedahay wax maanta bilaawday ma’ahan ,Cabdixaashi hadii uu daacad yahay xili hore ayuu wax dhaliili lahaa ama qeylin lahaa. Cabdixaashi oo bilaawgii hore ahaa siyaasi Farmaajo taageersan ayaa afar arimood lagu qeexay colaadiisa. Dad xogogaal ah ayaa sheegay in labad nin ay mudo sii kala jeedeen ,markii uu Cabdi Xaashi dano badan oo gaar ah ka waayay Farmaajo. Waxyaabaha khilaafka dhaliyay waxaa ka mida:- 1 – Magacaabista R/W Ku Xigeenka: Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu rajeynayay in laga talo galin doono qofka la siinayo booska Ra’iisul wasaare Kuxigeenka madaana ay reer ahaan isaga is xigaan, laakiin taas ma dhicin. 2 – Gudoomiyaha maxkamada Sare: Sida ay xogtu sheegeyso madaxweyne Farmaajo ayaan gudoomiye Cabdixaashi waxba ka weydiinin xil ka qaadistii gudoomiyihii maxkamada Sare Ibraahim Iidle iyo magacaabistii Baashe. Labada nin waxa ay isku reer yihiin Cabdixaashi. 3 – Golaha wasiirada: Xulista xubnaha wasiirada ee beesha Isaaq ayaan wax talo ah laga siinin Cabdixaashi taas oo caro badan ku abuurtay. 4 – Wiilkiisa: Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa la sheegaya in uu wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Koonshin Cabdixaashi uu la rabay booska agaasime guud, laakiin Farmaajo ayaa la sheegay inuu arrinkaas ka cudur daartay. Afartaan qodob ayaa sal dhig u ah hadalada xanafta leh ee maalmahan kasoo baxayay gudoomiyaha Aqalka Sare ee sida tooska ah ugu wajahan Farmaajo. Dadka qaar ayaa aaminsan iney wacan tahay in Farmaajo uu qoondo qabiileedka ka talo galiyo Cabdixaashi si colaadiisu u dhamaatay, laakiin hadana taasi waxey ka dhigan tahay in dhaqamadii hore lasii isticmaali doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Gal-Mudug ayaa aad isha uga haya doorshada ka dhici doonta Puntland bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Marka laga tago in reer Gal-Mudug ay daris ahaan u eeganayan Puntland iyo qofka mudan 2019, hadana waxaa jira hal musharax oo ay xoog iyo xoolo isugu dareen sida aan xogta ku helnay. Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada Puntland ayaa heysta taageero badan oo ka baxsan gudaha Puntland iyo rabitaan guud, waxaase ay dad badan is weydiinayaan sababta uu Juxa u yahay mid meelo badan laga rabo gaar ahan Gal-Mudug oo kaabiga ku heysa Puntland. Si gaar ah, siyaasiyiinta Gal-Mudug aya la sheegay iney Juxa si weyn ula safan yihiin, waxaana kulamo dhowaan ka dhacay Nairobi oo u dhaxeeyay Juxa iyo siyaasiyiin miisaan culusleh oo kasoo jeeda Gal-Mudug, lagu go’aamiyay in Juxa la dhiso lana siiyo taageero maaliyadeed iyo mid farsamo. Caasimada Onine ayaa si madaxbanaan u baartay sababta siyaasiyiinta Gal-Mudug ku qasabtay iney Juxa garab istaagan, waxaana arrinta kusoo koobnay labbo arrimood. 1-Colaada Gal-Mudug iyo Puntland Waxaa ay dadbadan aaminsan yihiin in Juxa uu yahay siyaasi degan oo aragti dheer, aaminsana in Puntland iyo Gal-Mudug ay nabad iyo baraare ku wada noolan karaan, taas oo ka dhigtay mid aad loogu hanweyn yahay. 2-Abaalkii Gal-Mudug Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska diiday qorshe la doonayay in lagu dumiyo Gal-Mudug intii uu wasiirka ahaa, arrintaas waxaa loo arkaa go’aan taariikh iyo mid uu ku kasbaday kumanaan reer Gal-Mudug ah. Waxaa dadka qaar aaminsan yihiin in arrintani ay tahay midii sababtay in Kheyre iyo Juxa isku dhacaan kadibna xilka laga qaado. Qodobkaan wuxuu reer Gal-Mudug ku qasbaya in ay Juxa ku garab istaagan ololihiisa doorashada. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa maanta laga soo sheegayaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay illaa iyo xalay ay ka dhaceen dagaallo u abaabulan qaab qabiil. Wariyeyaal ku sugan Wanlaweyn ayaa u sheegay Goobjoog in maanta ay xaaladda ka yara deggan tahay sidii shalay, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro dhaq-dhaqaaq ay kala wadaan dhinacyadii dagaallamay. Dagaalkan ayaa markiisii hore waxa uu kasoo bilowday dhanka baadiyaha, hase ahaatee markii dambe magaalada ayeey Maleeshiyadii dagaallameysa isla soo galeen. Waxaa socda dedaallo badan oo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan Wanlaweyn si loo qaboojiyo xiisadda halkaasi ka jirta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland ayaa sheegtay inay tartan kula galeyso dalka Djibouti sidii dekadda Berbera looga dhoofin lahaa gaas-ka dabiiciga ah ee laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya, Dalabka Somaliland waxaa uu imaanayaa kadib markii la sheegay in Itoobiya ka faa’ideysaneyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah oo lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti. “Maxaa diidaya in gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro dhulka Ogaadeniya la marsiiyo dekadda Berbera” waxaa sidaasi yiri Jaamac Maxamud oo ah wasiirka tamarta ee Somaliland. Inkasta uu Jaamac sheegayo in go’aanka ay leedahay Itoobiya hadana waxaa uu intaasi raaciyey inay xiriir la sameyn-doonaan shirkadda Poly-GCL oo ah shirkadda tubooyinka gaas ah geyn-doonta dalka Djibouti. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay inay Gaaska dabiiciga ah u dhoofin-doonaan dalka Djibouti 2021-da. Guddoomiyaha dekadda Djibuti Abuubakar Cumar Haadi ayaa dhankiisa sheegay in aanu la socon dalabka Somaliland isaga oo intaasi raaciyey in dalkiisu uu mar hore heshiis la galay shirkadda Poly-GCL, isla markaana uu soo dhoweynayo wixii tartan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Muqdisho kula kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Sultan bin Sacad Al Muraikhi. Sultan bin Sacad Al Muraikhi, waxaa uu ugu horreyntii soo gaarsiiyey madaxweyne Farmaajo dhambaal uu ka siday amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani kaas oo horumar iyo barwaaqo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, madaxweyne Farmaajo waxaa uu amiirka iyo shacabkiisa u rajeeyey barwaaqo iyo horumar isaga oo ka mahadceliyey taageerada uu siiyo Soomaaliya. Intuu uu kulanka socday waxaa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal, taageerada ay Qatar siiso maamulka Farmaajo iyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen. Dalka Qatar waxaa uu ka mid yahay dalalka ballan-qaaday maalgelinta mashaariic badan kuwaas oo weli laga sugayo, lama oga in kulanka looga wada hadlay goorta la fulinayo. May 24, 2017: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa booqday Qatar, isaga oo halkaasi kulamo kula yeeshay Amiirka dalkaasi Tamiim. Wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan. November 28, 2017: Iyaga oo laga amba-qaadayo safarkii Farmaajo uu Qatar ku tagay May, waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socday Qatar, iyaga oo xukuumadda Soomaaliya ka saxiixday heshiis ku kacaya $200 Milyan oo mashaariic la saxiixatay dowladda federaalka ah, waxaa ugu mihiimsan dhimsha waddada Muqdisho-Afgooye 30 KM, Wadada Muqdisho-Jowhar 90 KM iyo xarumo kale oo dowladeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeeystay shirkii uu markale ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Afhayeenka guddiga iskaashiga dowlad goboleedyada ahna wasiirka dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay warqadaasi ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. “Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa” ayuu Cabdullaahi Sheekh Xasan Waxa uu sheegay in ay ka war sugayaan aqalka sare go’aanka uu ka gaaro khilaafka maamul goboleedyada islamarkaasina hadda aanay diyaar u aheyn shirka uu ku baaqay madaxweynaha in ay ka qeeybgalaan. Dhowaan madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku ciliyay in madaxda maamul goboleedyada ay shir isugu yimaadaan si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada oo ka soo horjeeystay shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul to unveil new airport, seeks to be world’s biggest
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ISTANBUL (AP) — Recep Tayyip Erdogan has held plenty of grand opening ceremonies in his 15 years at Turkey’s helm. On Monday he will unveil one of his prized jewels — Istanbul New Airport — a megaproject that has been dogged by concerns about labor rights, environmental issues and Turkey’s weakening economy. Source: Hiiraan Online -
HARGEISA (HOL) – A new book about the biography of a former influential minister has been criticized for revealing secrecy surrounding the health state of the former president of the breakaway northern Somalia territory of Somaliland, an issue that has long remained a mystery to the people in the enclave. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan maanta oo Isniin ah ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa inoo xaqiijiyay in uu jiro Xildhibaano aan la hadalnay. Ajendaha kulanka ayaa ah u codeeynta wax ka badalka xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiye Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayuu qorshuhu yahay in shirkaasi uu shir gudoomiyo. Amaanka xarunta golaha shacabka ayaa la adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka ku dhow xarunta golaha shacabka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The sun rises and sets in rural Jowhar, Somalia, the same way it does in Phoenix. In order to make sure both places get the most out of it, Guled Wiliq has to start with the basics. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalka Japan ka diray dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee ay Carabi sameyso, waxaa laga tuuray gantaalka (H-IIA) ee dalka Japan. KhalifaSat, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee leh qolal nadiif ah, waxaa lagu sameeyay shaybaarada teknoloojiyadda hawada sare ee xarunta Mohammed bin Rashid , dayax gacmeedkan sameyntiisa waxaa loo diiwaangeliyay 5 shahaado oo Patent ee marka wax cusub la curiyo lagu bixiyo. Dayax gacmeedkan ayaa soo qaadi doona sawirro hawada sare ah oo aad u heersarreeya, halka tartanka Imaaratka ee dunida uu sii kordhinayo dhanka sawirrada hawada sare laga soo qaaado. Dayax gacmeedkan ayaa sameyntiisu qaadatay 4-sano oo lagu diyaariyay, iyadoo ay soo saareen koox khubaro ah oo ka shaqeysa xarutan Mohammed bin Rashid ee culuumta hawada sare. Farouk El-Baz oo ah caalim reer Masar ah oo culuumta hawada sare ku takhasusay ayaa sheegay in dayax gacmeedka KhalifaSat ay soo saareen Injineerro Imaaratka u dhashay, waa shaqo caddeyn u ah in Carabtu ay wax qabsan karto, waa dhacdo dhanka mustaqbalka u wanaagsan, waxa uu tilmaamey iney yididiilo u tahay dhalinyarada, waxa uu riixayaa waxsoosaarka, qorsheynta iyo fikirka wiil kasta oo dhalinyara ah oo ka soo jeeda dalalka Carabta. KhalifaSat, ayaa howshiisu tahay inuu dhulka isha ku hayo oo howlaha gurmadka bani’aadamnimo ee adduunka ka socda uu ka qeybqaato, waana dhacdo lagu tilmaamay in Imaaratka ay ka dhigayso dowalad kaalin ku leh culuumta hawada sare ee weliba heer caalami, waana teknoloojiyad aadanaha loogu adeegayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dawladda Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ku qancisay dawladda Soomaaliya inay joojiso dagaalka mucaaradeed ee ay kaga soo horjeedo mashruuca horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ee DP world. Wargeyska The Indian Ocean, ayaa cadadkiisii jimcaha qoray in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo safar ku tagay dalka Sucuudiga maalmihii la dhagax dhigayay balaadhinta dekedda Berbera, uu boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, maalin ka hor xafladii dekedda lagu balaadhinayay u bandhigay sida adag ee ay dawladiisu uga soo horjeedo maalgashiga DP World ee dekedda Berbera. Laakiin boqorka Sucuudiga ayaa aakhirkii ra’iisal wasaare Khayre ku qanciyay inuu joojiyo mucaaradada uu ku hayo maalgashiga DP World ee Berbera, iyadoo lagu bedelanayo caawimo dhaqaale oo lagu caawinayo dawladda Soomaaliya si ay u bixiso mushahaharka askarteeda iyo saraakiisha Booliska. Sida uu qorayo wargeyska the Indian Ocean, wuxuu boqorka Sucuudigu u sheegay Xasan Cali Khayre inaanu farogelin maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland ee balaadhinta dekedda Berbera. “Muqdisho markaas way joojisay inay ku qayliso saxeexii 12 Oktoobar ee qandaraaska $101 milyan dollar ee dhex maray shirkadda Imaaraatiga ah ee ee Shafa Al Nahdah iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ku saabsanaa wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu yiri wargeysku. Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinaya warbixintan uu shalay baahiyay wargeyska The Indian Ocean, islamarkaana xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre, waan ka weynay wax jawaab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
KISMAYO (HOL)–New details have emerged over clashes in the Somali port city of Kismayo where soldiers loyal to the local administration clashed with new rebellious military recruits who were hired to strengthen the security of the region which is struggling to flush out fighters loyal to the Al-Qaeda linked al-Shabab group that are still active in surrounding areas, official say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira oo maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay bilaabayaan dhex-dhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, taasi oo khilaafsan hadalkii Kheyre ee ahaa inuusan aqbalin dhex-dhexaadin dhinac saddexaad. Mudane Cabdi Xaashi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri “Saaka waa ii yimid Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira, waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa in aan tagno dowlad goboleedyada, adinka waxaan idiinka rabnaa in wixii talo ah oo aad na sii neysaan na siisaan, waxaan siinney, intii aynu soo wadnay iyo arrimhii sidii ay u dhaceen oo dhan, waxay dhaheen, maxaan ku dhahnaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexaba? “. Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac oo kulanka faahfaahin ka bixiyey wuxuu yiri” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii xaladda hadda jirta loo dejin lahaa, sidii shaqada aqalka sare loo taageeri lahaa iyo talaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaadi karo sidii nabad iyo xal waaro loogu heli lahaa qarannimada Soomaaliya” “Waxa uu guddoomiyaha uga mahadeceliyey xog raadin-doontooda iyo waqtiga ay ku bixiyeen, guddoomiyahana wuxuu siiyey xog balaaran shaqadii aqalka soo qabtay, meesha wax marayaan iyo tallaabooyinka la rabo in la qaado”. Arrinta ayaa imanaysa ayada oo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu horey ugu gacan seeray dalabkii madax goboleedyada ee ahaa in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, waxaana uu Kheyre uu wacad ku maray in marnaba uusan aqbalki doonin in beesha caalamka ay soo kala dhex-gasho. Ma cadda in mowqifkii Kheyre uu wax iska beddelay iyo in kakle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah fallanqeeye siyaasadda Soomaaliya iyo tan caalamka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay xalka khilaafka ka dhex aloosan wali dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Hirshabeelle iyo sidoo kale caqabadaha ka dhallan kara haddii xaaladdu sidaan u sii taagnaato. Wuxuu sheegay in khilaafka haatan taagan aan looga maarmin wada hadal labada dhinac ay isugu yimaadaan si ay xal uga gaaraan tabashooyinka jira. Fallanqeeye Faysal oo soo hadal qaaday wararka sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay musharrixiin u hardamaya doorashada madaxtinimada ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayuu tilmaamay haddii arrintaasi dhab noqoto ay tahay foolxumo ku dhacaysa aqalka Madaxtooyada. Waxa uu ku eedeeyay xukuumadda federaalka in ay la wareegtay shaqadii gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, arrintaasoo uu ku sifeeyay in ay keeni karto dib u socod iyo in dalku halkii la doonayay ee horumarka ahaa aanu gaarin. Dhanka kale, aqoonyahanka oo aynu su’aalnay shirkii Garoowe ayaa sheegay in madaxda gollaha iskaashiga ay xaajadoodu u muuqato qalad qalad ku sax maadaama buu yiri qodobada ay soo saareen ay ku jiraan kuwa jiritaanka Soomaaliya wax u dhibaya. Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayuu sheegay in masuuliyadda ugu horreeysa uu leeyahay islamarkaana uu u soo jeedinayo in si degdeg ah gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu wada hadal ula furo isagoo shaqada kala wareegaya wasiirkiisa koowaad Xasan Cali waa sida uu aqoonyahan Faysal Rooble hadalka u dhigay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/AQOONYAHAN-FAYSAL-28-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay si rasmi ah u bilaabi doonto galista dalkeeda fiiso la’aan. Dowladu waxa ay sheegtay in fursadaasi ay tahay keliya mid ay heli doonaan muwaadiniinta kasoo jeeda Qaarada Africa oo ay ku jiraan Soomaalida. Waxa ay dowladu ku dhawaaqday in si rasmi ah ay u bilaabi doonto 9-ka bisha November ee sanadkan dhammaan dadyowga Afrikanka ah ee booqanaya Ethiopia aan laga dooneynin wax fiiso ah ay bannaanka ka soo qaatan. Madaxweynihii Ethiopia ee xilka ka degay Dr Mulatu Teshome ayaa horay u sheegay in dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqayso xiliga sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono howlaha isku socodka dalalka Geeska Afrika. Dowlada cusub ay hoggaamineyso Haweeneyda ayaa mar kale ku dhawaaqday in 9-ka bisha November ay bilaaban doonto galista Ethiopia iyadoo aan la qaadan wax Fiiso dal ku gal ah. Sidoo kale, muwaadiniinta qaarada Africa ayaa hadda ka hor fiisaha dal ku galka ah ka qaadan jiray Safaaradaha Ethiopia ay ku leedahay oo waddamadooda. Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga faa’iideysan doona Soomaalida oo markii hore silac baahsan ku qabay u safrida dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com