-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo war qoraal ah kasoo saartey xaalada siyaasadeed ee haatan ka taagay wadanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay inay sii socoto xiisadda. Hoos ka akhriso bayaanka The post Rugta Ganacsiga oo walaac Xoogan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya. Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-10122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay, ayaga oo sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. Haddaba marka la eego dastuurka mooshinkan ma yahay sharci. Sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka mooshinka ma ahan sharci. Hoos ka aqriso. Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (1) – Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) – Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, 30 DasTuurka Ku-Meel gaarka Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay. (3) – Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya. (4) – Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Dec. 9 (Xinhua) — Somalia joined the world on Sunday in marking the International Anti-Corruption Day with the signing of the United Nations-backed plan aimed at tackling the vice in the country. Somalia’s Ministry of Justice and the United Nations Development Programme (UNDP) inked the Project Initiation Plan (PIP) which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects,” said minister of justice Hassan Hussein Haji in a statement issued by the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). The minister who spoke at the United Nations-backed event in Mogadishu announced series of steps to strengthen government’s commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. He said the project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Office of the Auditor General, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. “So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention against Corruption,” Haji said. George Conway, UNDP Country Director for Somalia, said the newly-signed PIP allows the government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Conway said after the signing ceremony. The PIP will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year program to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Source: XinhuaNet
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku Cabdixakiin Camey ii maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah . Sharci yaqaano ayaa sheegay in Maxakamada sare matali karto midda Dastuuriga ah. Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan. Xigasho: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka jawaabay go’aannada ay qataeen guddoomiye ku xigeenka koowaad yok an labaad ee baarlamanka eek a dhanka ah guddoomiye Mursa. Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Fiqi ku sheegay in labada ku-xigeen aysan soo saari karinw ax qoraallo ah, ayada oo guddoomiyaha u joogo. “Xalay illaa iyo maanta waxaa iska soo daba dhacay hadallo ka soo yeeraya labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka, kii saacado ka hor uu qabtay guddoomiye ku xigeenka labaadna wuxuu ahaa amarro iyo go’aano uu kaligiis gaaray” ayuu yiri Fiqi. “Waxaa is-weydiin mudan Guddoomiye ku xigeenada golaha shacabku maxay tahay shaqadooda iyo awoodoodu, sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerhoosaadka golaha shacabka xilka gud kxg-nadu waa cad yahay, gaar ahaan guddoomiyaha oo jooga oo shaqadiisii gudanaya In Guddoomiye ku xigeenka labaad amarro Soo saaro waa wax sharciga iyo nimadaamka dawladnimada khilaafsan” ayuu yiri
-
(SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal cali Xuseen ayaa taageeray mooshin ay qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka somaliya ay ka gudbiyeen madaxwaynaha somaliya oo ay ku edeeyay inuu jabiyo sharciyadii dalkiisa. Faysal ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaanadda mooshinka soo gudbiyay ay ku Adkaystaan mooshinkooda si ay u badalaan madaxwaynaha somaliya oo ku edeeyay inuu ka soo horjeedo horumarka Somaliland. “Xildhibaanadda waxaanu leenahay hala taageero mooshinkaas oo qof wanaagsan oo labadaas sano ee u hadhsan gaadhsiiya dimuq-raadiyadda haloo diyar garoobo,aniguna hadaan faysal cali waraabe ahay xidhiidho badan ayaan ku leeyahay oo dibadda ka joogi maayee waan la shaqaynayaa in ay cid wanaagsani timaado oo Somaliland si walaalnimo ah lagu kala baxo oo aynu noqon saddex dal oo walaalo ah jabuuti,Somaliland iyo somaliya oo waliba xidhiidh wanaagsan aynu yeelano inaga oo wadda galayna qaramadda midoobay iyo waliba igad.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay eryal tv Intaas waxa uu ku daray faysal cali waraabe isaga oo hadalkiisa ayaa yidhi.”Waxaanan doonayaa qofka leh Somaliland oo xor ah dhibaato ayay Somali u leedahay aniga hay taabsiiyo,waxaanan markaas leenahay mooshinku ha socdo dimuq-raadiyadu ha socoto,dastuurkuna ha socdo waanan hambalyaynaynaa dadka keenayna mooshinka. Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo uu isirka Somali oo dhan uu ku yahay khatar.”Ficilkan madaxwaynaha somaliya samaynayaa isirka Somali oo dhan ayuu khatar ku yahay,waana ninka yidhi maanta itoobiya iyo waliba Eritariya ayaa xidhiidh la samaysanayaa Somali oo kala daadsan,waxaana uu doonayaa inuu baabiiyo dawlada goboleedyadda somaliya. Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya uu markasta doonayay inuu somaliland Macaamilka ay Dunida la leedahay uu ka soo xidho,waxaana uu sheegay in taasi ay u suurtoobi wayday Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo soo dhaweeyay mooshinka. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay inay qaadaan talaabo ay ku keenayaan madaxweyne Wanaagsan oo badali kara madaxweynaha, islamarkaana labada sano ee soo hartay wax badan qaban kara. “Aniga xiriir ayaan Soomaaliya dad kala leeyahay waana kala Shaqeynayaa inay xilka ka qaadaan Farmaajo, si labada sano ee soo socota loo gaaro dimuqraadiyad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe”. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay xildhibaanada marka hore ay ku qaldameen doorashada madaxweynaha, waxaana uu sheegay in xiligan ay heystaan fursad ay madaxweyne cusub kusoo dooran karaan. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kamid ahaa masuuliyiin madaxweyne Farmaajo kula kulmay dalka Belgium-ka isagoo xiligaasi sheegay inuu wax badan kala hadlay madaxweyne Farmaajo ayna isku fahmeen, laakiin hadda lama oga waxa badalay aragtidiisa. Dhageyso codka Faysal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Feysal-Cali-Waraabe.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay Shaqaallaha iyo Ciidanka Ilaalada ka haaya xarunta ay ku shiraan xildhibaanada Golaha Shacabka. Khilaafka oo ah mid xooggan ayaa Ciidamada Ammaanka iyo shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka waxa ay la safteen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xilli Gudoomiye ku xigeenada ay kasoo horjeeddaan Gudoomiye Mursal. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu soo waramaya in uu gacanta ku haayo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Gudoomiye ku xigeenada ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka aysan faragalin ku sameyn karin xarunta Cida Imaaneysa, islamarkaana ay ka hortaggaan in xildhibaanada ay ku shiran inta ay taagan tahay Xiisadda Guddoonka Golaha Shacabka. Maamulka Baarlamaanka ayaa lagu soo waramaya in ay raaceen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in uu ku jiro xabsi guri. Shakiga ka taagan Cida maamuleysa xarumaha ayaa yimid ka dib markii Gudoomiye ku xigeenada ay goor dhow war ay soo saareen ay ugu digeen Shaqaallaha iyo maamulka Baarlamaaanka,taasoo ku aadaneyd in aysan la safan Gudoomiye Mursal. Labadda dhinac ee Khilaafku ka dhaxeeyo ayaa isku daayay in Midkaste Kooxda taageersan uu ku shiriyo Xarunta Villa Hargeysa oo loogu tala galay Guddiyadda Joogtada ah ee Golaha Shacabka in ay ku shiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta kulan qiimo wayn kadib waxaan gacanta ku soo dhigay Mashruuc muhiim ah dalkuna u baahan yahay hadii Wasaarada Maliyadu dabaqdo mudo bil gudiheed waxa hoos u dhacaya sicir bararka dalka ka jira ee laxakamayn waayay. Hadii Bangiyada dalka sida Salaama Bank, Dahabshiil Bank, Premier Bank, iyo Banka dhexe ee Qaranku dabaqaan ay dunidu aaminayso oo Tujaarta dunidu lacagtooda ku soo aamini doonaa SOMALILAND sida lacagta loo dhigto Switzerland oo kale. Hadii ay xukuumadu ku dabaqdo dalka, golaheeda wasiirada, iyo shaqaalaha dawlada uu dalku noqon doono ( من حال الي حال من الأرض إلى السماء ) , Dalkuna wuxuu jari doonaa talaabo aad iyo aad u wayn oo is badal iyo wax soosaar ah, ilaa laga gaadho isku filnaasho dhamays tiran. kulankan maanta waxaan laqaatay Dr.Cadnaan kalkataawi waa Aasaasaha barnaamijkan wayn ee dunida anfacay ee -( Al XAWKAMA )- 1- Al xawkama tal Bankiya 2- Al xawkama tal Masrafiya 3- Al xawkama tal Idaara 4- Al xawkama tal Suluukiya 5- Al xawkama tal Tanmiya 6- Al xawkama tal Diplomasiya Dr.Cadnaan kalkatawi waa madixii hore ee -(Saudi France Bank JEDDAH)- waana mid kamida hawl wadeenada wada [Hiigsiga sacuudiga ee 2030]. Asxaabeey waxaan dareemi karaa inaad la yaaban tihiin -(Al xawkama)- iyo waxay tahay, waa barnaamij dunida ku cusub oo la aasaasay 1991, ee iska suga wuu idin soo gaadhi doonaa. Barnaamijkan waxaan la wadaagi doonaa masuuliyiinta ay khusayso sida bangiyada dalka iyo wasaaradaha Maliyada, Maalgashiga, Qorshanyta iyo sadexda Xisbi Qaran. Kulankan waxa ii wehel ahaa garab wayna isiiyay Porf #KAYD oo ah khabiir ku takhasusay sharaxaada quruxda badan ee Somaliland, Nour-alhudaa Ali Banfas abti barakoow oo midigtu kuma godo. Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay. Mar haddii aaney jirin xilligan maxkamad dastuuri, oo dastuurka la isticmaalayo uu yahay mid KMG ah oo aan dhameystirneyn, waxaan dib u raacnay sida ay dastuurradii hore ka dhaheen dacwooyinka noocaan ah. Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran. Mas’uuliyad: 1)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda mas’uul kama noqon doono falal lagu sameeyay iyadoo la fulinayo hawlahiisa, marka laga reebo khiyaamo Qoran oo waawayn ama isku dayo ka soo horjeedo nidaamka Dastuurka, sida uu sharci diyaariyay. 2)- Mas’uuliyadda la xirriirta xagga sharciyada Madaxwaynaha waxaa inta kale iska leh Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada awoodda u leh ee iyagu qaabilsan/ayidsan. 3)- Xaaladda ku saabasan khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabooyin isku day ah oo ka soo horjeeda nidaamka Dastuurka, waxaa Madaxwaynaha Jamhuriyadda dacwad loogu soo oogi karaa go’aan uu Golaha Baarlamaan ka qaatay mowduuca ay soo jeediyeen ugu yaraan shan meelood hal meel (1/5) xubnaha Golaha laguna ansaxiyo cod-bixin qarsoodi ah oo leh aqlabiyad dhan seddax meelood laba meel (2/3) ee xildhibaanada; waxaa lagu qaadayaa maxkamadda sare oo u samaysan sida maxkamadda ugu saraysa ee caddaaladda. 4)- Xaaladaha ku xusan farqadda sare mooyaane, Madaxwanaha Jamhuriyadda lalguma qaadi karo maxkamad iyo wax ciqaab dembi ah marka laga reebo marka uu Goluhu bixiyo oggolaashihiisa, laguna ansixiyo cod-bixin qarsoodi ah ee aqlabiyad dhan seddax meelood lab meel (2/3) xubnaha xildhibanada. 5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha. Dhinaca kale, Isla dastuurkaas, CINWAANKA II, gaar ahaan qodobbada 101aad iyo 102aad, waxaa lagu sheegay habraaca loo marayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweyanaha marka ay ka soo gudubto golaha shacabka. QODOBKA 101ad: DACWO 1)- Qodobada dacwad uu soo ansixiyay Golaha Baarlamaanka ee ku cad Qodobka 76ad ama kan 84ad ayaa caddayn naa qodobada lagu eedaynayo in ay galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama xubin kasta oo dowladda ka tirsan iyo cidii gacan ku siisay haddiiba ay jirto. 2)- Golaha Baarlamaanka ayaa ka soo magacaabaya xildhibaanada dhexdooda amaba bannaanka, hal ama seddax wakiil oo dembiga ku soo ooga kuwaas oo noqonaya ama fulinaya hawsha xeer–ilaaliyaha dowladda dacwad qaadista hortaalla Maxkamadda ugu saraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda. QODOBKA 102ad MAXKAMADDA SARE EE CADDAALADDA Maxkamadda ugu sarraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda ayaa wadaysa qaadista dacwadaha Maxkamadeed iyadoo lagu darayo lix xubnood oo uu Guddoomiuyaha Maxkamadda si bakhtiya–nasiib ah uga soo dhex xulayo, goobta dhagaysiga dadweyanaha, liis laba iyo toban muwaadiniin ah oo u qalma in loo doorto dibutaati ama xildhibaan. Laba iyo tobanka muwaadiniinta ah waxaa soo dooranaya Golaha Baarlamaanka billowga muddo kasta, kuwaasoo laga soo dhex saarayo dad aan xubno ka ahayn Golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargaysa)Gudomiyaha Hay’ada Shaqalaha Somaliland Oo Shramake Gelle Ayaa Shaacaiyay Goorta Iyo Goobta Lagu Gali Doono Imtaxaanka Shaqo Ee Gobalka Awdal. Wargelin: Goobta iyo Goorta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Awdal. -Waxaa maalintii Axada ahayd ee 02/12/2018 si habsami ah u soo xidhmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Awdal iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday. -Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Awdal Caasimadiisa Borama ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 11/12/2018 Insha Allah -Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo kamid ah kaalmihii Shaqo ee ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Gobolka Awdal iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe -Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo xaadiraan Hall-ka Jaamacadda Camuud “Campus” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card” Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ku dilay gudaha degmada Dharkenley ee Ggobolkan Banaadir. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Carab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilkaasi Toogasho ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Shalay ayey aheyd markii laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda lagu dilay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo inuu ka baxo magaalada Muqdisho oo uu saldhigto Baydhabo. Qorshahan oo ay nala wadeegn xildibaano ku dhow, ayaa la sheegay inuu yahya mid diyaarintiisa ay socoto, inakasta oo weli aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga uu baxayo. Wararka ayaa sheegaya in marka uu baydhabo tago Mursal uu shaacin doono inuu Muqdisho kasoo tagay, sababtuna ay tahay inuu noloshiisa u cabsaday. Xildhibaano ka mid ah kuwa taageersan madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay inuu yahay qorshe Mursal doonayo inuu ku muujiyo in awood loo adeegsanayao, maadaama uusan hayn codad ku filan oo madaxweynaha xilka looga qaadi karo, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo saacado ka hor ay xildhibaano Mursal ku dhow sheegeen in laga hor-istaagay inay tagaan xafiiskiisa lana kulmaan, oo uu xabsi guri ku jiro. Mursal ayaa dhex degan Villa Hargeysa oo ku dhex-taalla Villa Somalia. Ciidamada iyo saraakiisha Villa Somalia ayaa ka amar qaata madaxweynaha. Sidoo kale labadiisa guddoomiye ku xigeen ayaa soo saaray dhowaan qoraal ay ku shaaciyeen go’aano dhowr ah oo u muuqday in lagula wareegay awooddii guddoomiyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya. Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. PUNTLAND POST The post Farmaajo Oo Ka Gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirada Sudan & Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Doha ( Sh. M. Network )-Toban Diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababaranaya Machadka Diblomaasiyadda Qatar, iyadoo tababarku uu u bilowday shalay oo Axad ah Waxaa loogu talo galay Tababarkan ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in uu socdo muddo shan cisho ah. Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Diblomaasiyiin Soomaaliyeed Oo tababar looga furay Doha appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeeda magaalada Doha ee Caasimada dalka Qadar, Ra’isul Wasaaraha ayaana martiqaad ka helay Madaxda sare ee dowlada Qadar. Sida aan xogta ku heleyno Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in beri ama beri dambo u ambo baxo dalka Qadar , waxaana qorshuhu yahay in Ra’isul Wasaaraha la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Qadar. Wali lama shaacin ujeedka safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar, waxaana Xukuumada Doha kamid tahay dowladaha sida weyn u garab taagan dowlada uu hogaamiyo Farmaajo. Safarka Ra’isul Wasaarhaa Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar ayaa kusoo aaday xili xiisad siyaasadeed oo adag ay taagan tahay, waxaana jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaaraha baajiyo safarkiisa ama dib u dhac ku yimaado. Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu waramayaa in uusan nasan uuna ku jiray kulamo siyaasadeed, waxa uuna kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha halka sidoo kale uu la kulmay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka. Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay Wasiirada ku jira golaha Shacabka, waxa uuna dhamaan kala hadlayay xiisada siyaasadeed ee soo korortay iyo sidii xal looga gaari lahaa Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Gudoomiyaha golaha shacabka laga dhigo Maxamed Mursal Sheekh oo hada u muuqda mid dhabar jabin ku sameeyay Siyaasada Farmaajo iyo Kheyre. Source
-
Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmoood ee joojinta tacaddiyada ka dhan ah Haweenka,waxaana sidoo kale munaasabadda lagu dhex xusay maalinta baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadahana ee k u beegan 10 December sannad walba. Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marwada madaxweynaha dowladda Puntland,wasiirka Haweenka,guddoomiyaha xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga,Haween iyo qeybaha kale ee bulshada. Hay’adaha caalamiga ah ee kulankan joogay ayaa waxaa kamid ahaa EU CAP,UNICEF,UNDP,UNFPA,SAFE, save the children,CARE International,IRC,NCA,World Vision iyo DRC, sidoo kale hay’adaha maxalliga ah ee munaasabadda ka qeyb galay ayaa waxa kamid ahaa Kaalo,SHILKON,PSA iyo Taddaamun. Dhammaan saraakiishi ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee munaasabadda ka hadlay ayaa cod midaysan ku sheegay in loo istaago ilaalinta xuquuqda aadanaha,gaar ahaanna dadka nugul ee Haweenka iyo carruurtu ku jiraan iyo in la joojiyo tacaddiyada lagu hayo bulshada qeybteeda nugulka ah. Maxamed Shiino oo ku hadlayay afka hay’adaha maxalliga ah wuxu hoosta ka xarriiqay in joojinta tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka ay tahay mas’uuliyad wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu doorkiisa ka qaato. Dhinaca kale Maxamud Cali Yuusuf oo ka tirsan hay’adda UNICEF kuna hadlayay magaca hay’adaha Qaramada Midoobay ee wakhtiga badan geliya joojinta tacaddiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa isna kulanka ka sheegay in ay mar walba u heellan yihiin in ay bulshada ku garab istaagan ka hortagga tacaddiyada,gaar ahaanna kuwa loo geysto dadka nugulka ah ee Haweenku ku jiraan. Guddoomiyaha xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in haddii lagu dhowro shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla wax badan la yareyn karo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha,islamarkaana la ilaalin karo xuuqdaasi. Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland,Mrs Maryan Axmed Cali oo dadaal badan ku bixisay joojinta tacaddiyada loo geysto Haweenka iyo ilaalinta xuquuqda nugulka ayaa iyana si guud ugu mahadcelisay hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka,waxaana wasiirku sheegtay in aysan ay laba-jibbaarayso dadaalka ku jihaysan cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka iyo carruurta. Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise ayaa munaasabadda ka jeedisay baaq ku aaddan in la dabar-gooyo caadooyinka xun-xun ee ka qeyb-qaata tacaddiyada Haweenka sida gudniinka Fircooniga ah iyo kuwa la midka ah. PUNTLAND POST The post Puntland: wasaarada Haweenka oo soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmood ee joojinta tacaddiyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta dib ugu soo laabtay M/ Muqdisho Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo in muddo ah ka maqnaa dalka. Siyaasigan waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii soo dhaweeyay. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si aad u dhaliila siyaasadda dowladda Soomaaliya. The post C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
