-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Proff: Mad Caliyoow Emad (Mad Kalaay) oo kamid ah aqoonyahanka magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa mar uu la hadlay Goobjoog FM waxaa aynu wax ak weydiinay xaaladda soo korortay ee Baydhabo. Aqoonyahanka ayaa qaba in haddii la xaliyo khilaafyada jira doorashada madaxtinimada ay ku qabsoomi karayso waqtigii loogu talagay. Waxaa sidoo kale uu na la fallanqeeyay suurtagalnimada in doorashada xilligeeda ay dhacdo, islamarkaana 27 xubin guddiga doorashada loo gaarsiiyay arrin qabiil. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-PROFF-MAD-KALAAY-06-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Maxamed Nuur oo kamid ah guddiga doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in doorashada waqtigeeda ay qabsoomayso. Waxaa uu tilmaamay in maanta ay u tageen guddoomiyaha gollaha shacabka ee Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye islamarkaana uu ka ogalaaday dalab ay u gudbiyeen oo ah in ay shaqada sii wadaan. Xildhibaanka ayaa tibaaxay in hadda ay muhiim u yihiin oo kaliya 3 xubin oo lagu soo daro, inkastoo shalay ay iscasileen 15 oo ay ku jiraan guddoomiyihii, ku xigeenkiisa iyo xoghayihii guud. Dhanka kale, xildhibaanka xubinta ka ah guddiga doorashada ayaa beeniyay in faragalin ay doorashada ku heeysto dowladda federaalka waxaase uu qiray in dowladda ay wada shaqeyn leeyihiin. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XIL-MAXAMED-NUUR-06-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Turkiga, Nurettin Canikli ayaa la filayaa inay maalinta Berri oo ah Arbaco ay soo gaaraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa inay si diiran ugu soo dhaweeyaan caasimada dalka, iyada oo kadib kulamo la qaadan doona masuuliyiinta dhigooda ah oo ay arrimo badan ka wada hadli doonan. Qodobada ay isla soo qaadi doonan waxaa kamid ah arrimaha amniga iyo sidii loo xoojin lahaa cilqaadkaad dhinacaasi ee labada dowladood oo xiriirkooda uu haatan yahay mid aad u wanaagsan. Dowlada Turkiga waxay kamid tahay dalalka taageera xukuumada Soomaaliya xili ay dalka ka fuliso mashaariicyo kala duwan oo muhiim ah, iyadda oo Muqdisho ka dhistay Saldhiga ugu wayn oo ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda. The post Wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Istanbul (caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baaritaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey. Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha. Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka. Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yiri inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey. Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina. Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal-fadhigii afaraad kulankiisii Lixaad maanta ku yeeshay Xarunta Golahaasi ku leeyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka maanta ajandahiisu waxaa uu ahaa labo qodob oo kala ah; in ay Xildhinaanadu ka doodan wax ka badalka iyo wax ku darida xeer hoosaadka Aqalka Sare iyo dhageysiga warbixinta Maamulka Jamaacada Umadda Soomaliyeed [JUS]. Gudoomiyaha gudiga xeer hoosaadka Golaha, Xassan Faarax Xujaale ayaa ugu horeyn Xildhinaanada u sheegay in maanta dib loo celiyay qodobka ku aadan ka doodista xeer hoosadka golaha sababo la xiriira codsi qoraal ah oo uu gudoonku mudanayaasha usoo gudbiyay. Gudoomiayaha Golaha, Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in isagu uu xubnaha uga codsadey qoraalka usoo gudbiyay dib u dhigista qodobka ku saabsan ka doodista wax ku darida iyo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha aqalka sare sababo la xiriira sixid guud oo uu u baahan. Dhinaca kale, Xildhinaanada ayaa ansixiyay in warbixin laga dhagaysto Maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed [JUS]. Intaasi kadibna waxaa la guda galay dhageysiga warbixin dheer oo la xiriirta Taariikhda Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed oo la aas-aasey 1950kii, qaybaha ay ka koobnayd iyo kuliyadaha ay jaamacadu bixin jirtay. Sidoo kale, maamulka ayaa ka sheekeeyay saameynta ay dagaaladii sokeeye ku yeesheen Jaamacadda Soomaliyeed oo ay ugu horeyso in burburiyay kaydkii jaamacadda iyo in xarumaheedii laga dhigtay guryo ay dagan yihiin dad shacab ah qaarkoodna dhulka lala simay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod.mp3 The post Aqalka sare oo warbixin ka dhageystay maamulka JUS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu cambaareeyaynayo weerar iyo ishor-istaag lagu sameeyo Kolanyo UN-ka leedahay oo maraysey inta udhaxeysa wadada Galkacayo iyo cadado, maalintii Sabtida 3-dii bishan. Kolanyadda oo ay galbinayeen tobaneeyo ciidamo Boolis ah oo ka yimid Koonfurta magaalada Galkacayo oo uu maamulka Galmudug ka armiyo ayaa waxaa ku joojiyay meel 5 KM ka baxsan duleedka magaalada Cadaado Sideed ruux oo sheegatay inay saraakiil Boolis ay yihiin. Raggani ayaa la sheegay in kolonyada UN-ka ay u diideen in wadada ay adeegsadaan si ay ugaalaan magaalada Caadado halkoo Kooxda Qaramada Midoobay ay qorshaynaysay in ay diraariso booqasho Dhusamareeb ay ku tagi laahayen mas’uuliyiin ka tirsan Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa. Intaasi wixii ka dambeeyay kolonyadii Qaramada Midoobay waxa ay ku go’aansatay in ay dib ugu laabtay magaalkada Galkacayo oo ay kamiyadeen xiligaasi balse maleehsiyaadkaasi ayaa rasaas hubiyay Gawaaridii Qaramada Midoobay waxaa ayna sheegeen in aysan jirin wax dhaawac oo shaqaalahooda kasoo gaaray dhacdadasi, balse ay gadiidkoodu waxyeelo kasoo gaartay. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug inay talaabo ay ka qaado maleyshiyaadkii falkaan sameeyay. Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xilli u taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ee kala fadhiya magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, kuwaasi oo kala ah xarunta Baarlamaanka iyo caasiamda rasmiga ah ee maamulkaan. The post QM oo war kasoo saartay gadiid ay leedahay oo lagu rasaaseeyay duleedka Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-061118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib ka hadashay dhacdadii ciidamada AMISOM ku laayeen dad shacab ahaa oo ku sugnaa xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto dhacdadii ciidamada AMISOM dadka shacabka ah ay ku dileen ee ka dhacday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku wado sida ay wax u dhaceen, ayna la xisaabtamayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dhibaatada saaka geystay. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM. “Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Qarax lala eegtay ciidamada AMISOM xili ay marayeen SOS ayaa sababay in ciidamada ay si bareer ah dad shacab ah ugu dileen meel ka fog goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay banaanbax ay dadka deegaanka sameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) oo wali ku dhexe jira safarkii samawade WADDANI-UK ayaa maanta wuxuu kulan laqaatay xildhibaano ka tirsan barlamaanka dalalka eurpe iyo uk kulanka ayaa lagaga wada hadlay waxyaabo badan oo khuseeya arimaha jamhuuriyada somaliland gudomiye cirro xaga xisbiga waddani waxaa ku wahelinaayey gudomiyaha xisbiga waddani uk mudane maxamed cali kulankaas maanta magaalada london ku dhex maray dr cirro iyo xidhibaanada isugu jiray barlamaanada europe iyo dalka uk ayaa si fiican laysula fahmay arimihii lagaga wada hadlay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saldhigii Millatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ku furanayeen magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya,siday laga weriyeen ilo diblomaasiyadeed. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu maanta daabacay Warsidaha Bloomberg ee dalka Maraykanka oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ka soo xigatay qormadan. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadka hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland. Saldhigan Millatari ee Imaaraadku ayaa la weriyey inu u ilaalin doono marsada Berbera iyo xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 800 oo Km. Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa bayaamiyey in budhcad baddeedu ay maraakiib ka qafaasheen xeebaha Somaliland bishii March ee kal-hore. Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa ku sheegay in millatariga Imaaraadka carabtu ay taageeri doonaan gobolka oo dhan, isla markaana ay la tacaali doonaan Budhcad baddeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo badaha . Mr. Baashe waxa uu xusay in dalka Imaaraadka Carabtu noqday xuddunta ganacsiga gobolka, sidaas darteedna aanay arrintaasi u suurtogeli karin haddii aanay ilaalin ganacsiga badaha iskaga gooshaya. Waxa kaloo Baashe Cawil caddeeyey in saldhiga Berbera oo cabirkiisu yahay 42 km oo laba jibaaran uu iskugu jiro saldhig millatari iyo laba madaar,waxaanu xaqiijiyey in mid ka mid ah labadaas madaar uu boqolkiiba lixdan dhammaaday. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maanta dib u dhigeen doorashadii maamulkaas ee la sugayey in ay 17 bishan ka qabsoonto magaalada Baydhaba. Tallaabada odayaasha ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii ay iyaguna is-casileen 13 xubnood oo ka tirsanaa gudigii doorasha oo ay ku jiraan gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii, kuwaas oo ka cawday fara-gelin ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku hayso. Sidaas darteed, muxuu dastuurka Koonfur Galbeed ka qabaa tallaabada ay qaadeen odayaasha, sharci ahaanse dib ma dhigi karaan dastuurka? Aqri qodobada dastuurka ee arrintaas qeexaya. Qodobka 60-aad: Waajibaadka golaha dhaqanka waxaa ka mid ah. A) – ka shaqeynta nabadda iyo maslaxadda umadda Koonfur Galbeed Soomaliya. B) – Horumarinta dhaqanka suuban iyaga oo ku saleynaya shareecada Islaamka, iyagoo ka fogaanaya siyaasadda. C) – Xilliga kala guurka ah odayaasha dhaqanka waxa ay marjac u noqon karaan markey la soo gudboonaato xaalad golayaasha dowladda, oo ay ugu yeeraan golayaasha ama mid ka mid ah. D) – Golaha dhaqanka waxa ay noqon karaan garsoor lagu go’i karo markii loo baahdo. Sidoo kale xarafka E ee qodobka 60-aad ee dastuurka ayaa caddeynaya mid ka mid ah owoodaha golaha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. E) – Golaha dhaqanka waxaa laga talo galinayaa arrimaha waaweyn ee masiiriga ah markii ay baahi timaado. Marka lagu salleeyo dastuurka Koonfur Galbeed iyo awoodaha uu siiyey Golahiisa dhaqanka, waxaa kuu soo bexeysa in tallaabadii ay maanta qaateen ay ahayd mid sax ah, maadaama Koonfur Galbeed ay gashay xaalad siyaasadeed oo cakiran, odayaashuna yihiin marjac lagu noqdo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) ayaa lagu cambaareysay xayiraad iyo weerar lagu qaaday kolonyo ay leedahay Qaramada Midoobay meel u dhexeysa magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo iyo 03-dii bishan. Kolonyadan ayaa waxaa la socday ciidammo boolis ah oo ka tirsan Koofurta Gaalkacyo gelinkii dambe ee Sabtidii, Waxaana meel u jirta 5km magaalada Cadaado ku joojiyay ciidan sheeganayay inay yihiin Boolis balse ma jirin hal askari oo dareeska ciidamada xirnaa. Blasé, waxay diideen inay gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay oo ay la socdeen koox ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo gogol xaar u ahaa booqashada saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqan lahaa magaalada Dhuusomareeb. Sidoo kale, waxaa lagu xusay qoraalka in markii saraakiisha QM ay go’aan-sadeen inay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhacday in baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada ay rasaas ku fureen kolonyadii QM, balse ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada amaba gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobay. “Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom. Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay inay helaan shaqaalaha Qaramada Midoobay marino xor ah oo ay maraan shaqaalaha Qaramada Midoobay. “Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee UNSOM iyo shaqaalaha QM,sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan halis ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.” Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in baabuurtaan oo ahaa kuwo xamuul ah aysan garanayn shixnadda saaran, isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan. PUNTLAND POST The post Xafiiska QM ee Somalia oo ka hadlay Gaadiid ay leeyihiin oo lagu Weeraray Cadaado appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargaysa) Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey qaar ka mid ah faalooyinka laga bixiyey buuga uu dhawaan soo bandhigay ee Miyiga ilaa Madaxtooyada. Hogaamiyaha Waddani waxa uu cadeeyey inaanu ujeedo xun ka lahayn waxyaabaha uu kaga hadlay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Hogaamiye Xirsi oo qoraal uu arintaas kaga hadlay soo dhigay bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi:- Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda. Buuggu wuxuu xanbaarsan yahay Nuxurka aan ugu talo galay waa Xusuus qor, Noloshaydii iyo taariikhda intii aan ka xasuusto Dalkayga iyo Dadkayga, anigoo uga jeeda xusuus qor (Biography) waxaan ugu talo galay inaan Daabacadii koobaad soo saaro Mustaqbalkana sii wado. Aan ku saxee Xiska iyo Xusuustu waa kala gaar, Xiska aniga Buuggayga kuma qorna Xisku waa Miirka iyo Maanka, Miirka iyo Maanka Siilaanyo Ilaa maalintuu Kursiga joogay ilaa maalintaan ka tegay wuxuu ahaa Taam, Xusuusta Banii-aadamku korbay u kacdaa marna hoos bay u dhacdaa, labada shay ee Sababaa waa marka qofka shaqo badani ku furanto, inuu kala xusuustaa hoos bay u dhacdaa marka da’adiisu korodhana hoos bay u dhacdaa maan sheegin beersanteeje-ka ama 10% baa ma 50% baa maan sheegin manaan qiyaasi karayn, anniga hoosbay u dhacday maalintaan 20-jirka ahaa iyo maanta xusuustaydu isku si maaha adigana waxaa laga yaaba inaan xusuustaadu isku si ahayn. Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda. Source
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baadhitaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey. Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha. Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka. Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yidhi inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey. Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina. Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo wakhtiga loo qorsheeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay ka harsan yihiin 11 maalmood oo qura ayaa waxaa cirka isku shareeray xiisado hareeyay suurtagalnimada iney doorashada qabsoonto xilligii loogu tala galay. Guddoomiyihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa iska casilay xilalkoodii, ka dib markii sida ay sheegeen ay howshooda ka qabsan waayeen “faragalin ay ku eedeeyeen dowladda federaalka”. Shir jaraa’id oo is casilaaddaas looga dhawaaqayay ayaa waxaa xalay Baydhabo ku qabtay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ay wehlinayeen xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka guddigaasi. Waxa ay dhaliil culus u jeediyeen madaxda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen iney “magaalada Muqdisho u kaxaysteen dhammaan xildhibaannadii baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed”. Tallaabadan ayaa sida muuqata dhabar jab weyn ku noqonaysa qabanqaabada iyo diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo ay ku tartami doonaan murashaxiin fara badan oo saameyn siyaasadeed ku leh gobolka. Tan iyo markii uu sii xoogeystay ololaha doorashada gobolkaas waxaa soo baxayay warar sheegaya iney jiraan lacago lagu bixinayo qaar ka mid ah murashaxiinta, ayadoo dowladda dhexena lagu dhaliilay iney si toos ah u garab taagan tahay murashaxiinta qaarkood, hase ahaatee BBC-da si rasmi ah uma xaqiijinin arrimahaas. Cabdirashiid Khaliif ayaa ra’yi ahaan qaba in dowadda dhexe ay leedahay awood ay ku sameyso maamul ay raali ka tahay. “Dowladdu iney musharaxiin wadato arrin qarsoodi ah ma aha. Iney dad taageersan tahay ceeb ma aha laakiin ma aha iney awooddeeda dul dhigto gobolkaas iska nugul. Haddii ay awood adeegsato way suurta galin kartaa in maamulka loo dhiibo cid walba oo ay iyadu rabto, taasna wax aan khasaare ahayn kama faa’iideyso. Dowladda dhexe si ay sumcad uga kasbato caalamka waa iney yeelato bisayl siyaasadeed, sidii horayba Aadan Cadde loogu yaqaannay”. Dhanka kale, Magaalada Baydhabo ayaa wakhti xaadirkan la ciir ciireysa ololaha siyaasadeed ee ay sameynayaan shakhsiyaadka danaynaya doorashada, taasoo aan iminka la hubin in wakhtigeedii ay ku qabsoomi doonto iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on a convoy of UN vehicles that occurred along the road between the cities of Galkayo and Adaado in Galmudug state on Saturday, 3 November. The convoy was accompanied by a dozen police officers from South Galkayo in the late afternoon of Saturday when it was stopped some five kilometres outside Adaado at a checkpoint manned by eight men claiming to be police officers. None of the individuals wore police uniforms, but they refused to grant passage to the convoy that was carrying a team of UN personnel assigned to make preparations for an upcoming visit to Dhusamarreb by UN officials. After the UN officials decided to abort the mission and head back to Galkayo, a truck carrying militiamen drove through the checkpoint and opened fire on the UN convoy. None of the members of the convoy was injured nor were any of the UN vehicles damaged in the shooting incident. “Last week’s attack on a UN convoy is unacceptable, and we call on the authorities in Galmudug state and the Federal Government to hold accountable those militiamen who opened fire on our colleagues. Such an attack has not happened to the UN in Somalia for a very long time.” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom. “United Nations personnel must be granted free passage throughout Somalia at all times. They must be able to implement the mandates of UNSOM and UN agencies, funds and programmes without running the risk of being fired upon for no justifiable reason.” The post UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey kuwaas oo lagu rasaaseeyay jidka u dhaxeysa Cadaado iyo Galkacyo Sabtigii 3-Nov-2018 Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay 3dii Bishan loo geystay kolonyo ka mid ahaa Gaadiidka Qaramada Midoobey oo diyaarinayay booqashadii ergayga xog-hayaha QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo booqan lahaa Dhuusamareeb, Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo. Warka ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,waxaa lagu xusay in 8 Nin oo aan heysan dharka Booliska laakiin isku sheegay Boolis ay Kolonyada ku joojiyeen inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gaalkacyo,markii Kolnyada loo diiday in ay gudbaanna ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan Gaalkacyana Gaari ay Ciidanka goobta joogay ay wateen looga furay Rasaas aan khasaare nafeed geysan. Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas. Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah. “Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.” Nicholas Haysom ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ka codsaday in ay la xisaabtamaan ciidankaas,waxaana uu qoraalkiisa ku sheegay in fal noocan ah uusan waayadan ka dhicin degaannada Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 120 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor. Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta Wasaarada dhexe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Wasiir Dowlaha Waxbarashada , Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Xafiiska Tacliinta sare Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon)ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed ayaa kula dardaarmay ardeyda inay kafaa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 120 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan. Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inaydadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda. Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland. Puntlandi.com Source
-
DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro. Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed. Amisom gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa saakay qof oo shacab ah kudliay inta u dhaxaysa Ex kontorool balcad iyo soos ee degmada Hiliwaa”. The post DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux appeared first on Shabelle. View the full article