Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington) Madaxweynaha Maraykanka oo xalay shir jaraaid qabtay Ayay Ka Soo baxeen falcelin layaab lihi. Hoos ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. The post D/Turkiya oo ka qayb qaadaneysa Dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. For quite awhile, this author has decided to remain silent and let the political discourse in Somaliland take its course. However, after almost a year of the Muse Bihi Abdi presidency, it is time to give a reasoned opinion on this current administration. To be perfectly frank, out of the two credible candidates in the last presidential elections, Muse Bihi of Kulmiye and Abdirahman Mohamed “Cirro” of Waddani, my preference was for the former. Not because, of community affiliation, but because of leadership ability. There are high hopes for this President and his administration. Irrespective of whether as some claim, that Muse Bihi has filled his administration with members of his community or has enriched his own community, etc, etc. These claims have been made of every single previous Somaliland president and will continue to be made, as long as we in Somaliland keep focusing on this irrelevant issue. The main reason for the hopes conferred on Muse Bihi were of the need for a strong, patriotic and honest leadership. Yes, President Muse can be strident, he can be stubborn, and immovable, but, Somaliland needs a leader like that at this moment in time. Somaliland will always need a leader who will not negotiate the sovereignty of the nation away. If those who dream of another union with the south expect Muse Bihi to accede to their wishes, they are wasting their time. Somalilanders will never again consider another union based on the foolish and ill considered “midnimo soomaali”. I have always stated if international de-jure recognition takes a millennia, as long as Somaliland recognizes itself and commits to determining its own future, everything else, is irrelevant. No order from Mogadishu will ever be the letter of law in Somaliland. That is a fact. The usual political noise in Somaliland will always be heard during the Presidency of Muse Bihi, but, we must to keep moving forward. We have to hold parliamentary elections in 2019 and reform the House of Elders “Guurti”. We have to maintain our defensive abilities. We need open dialogue within all communities in Somaliland. We need to form stronger ties with our neighbors and the international community. We need to build our infrastructure, create jobs and hopes for our youth. Above all, we need to be united and forward thinking in Somaliland. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay geerida Xilldhibaan Cabdiwali Maxamed Ibraahim, kaasi oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo galabnimada Khamiista ka dhacay Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedkan Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa tacsi loogu diray qoyska uu Xilldhibaanku ka baxay, waxaana ALLE looga baryay inuu naxariistiisa siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Xilldhibaan Cabdiwali, kaasi oo imaanaya xili laamaha amniga ee dowladda ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyada caasimadda. The post Waare oo tacsi udiray ehelada Xilldhibaanka ku dhintay Qaraxa ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii amniga ee wasiirada amniga Dowlad-goboleedyada dalka uga soo socday magaalada Kismaayo ayaa lasoo gaba-gabeeyey galabta waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ilaa 5 qodob. Shirka oo socday muddo labo cisho ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay waxaa kamid ahaa in Dowlad-goboleedyadu iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah, in hay’adaha sirdoonka ee Dowlad-goboleedyada ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah, in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo ay leeyihiin Dowlad-goboleedyada kaas oo shirka lagu go’aamiyey tiradiisa, qaabka ay u howlgelayaan iyo goobaha ay ka howlgelayaan. Sidoo kale qodobada shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa sameynta qorshe amni oo saldhig u ah la dagaalanka cadowga umadda Soomaaliyeed. Baaq ku aadan taageerada dagaalanka kooxaha argagixisada oo loo diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa qayb ka ahaa qodobada kasoo baxay shirka. Ujeedada shirka ay isugu yimaadeen wasiirada amniga ee Dowlad-goboleedyada ayaa la xiriirta go’aanadii shirka Garoowe, oo ay ka mid ahayd in mamaul goboleedyada ay yeeshaan ciidamo isku dhaf ah.
  6. A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion that occurred in Mogadishu on Thursday, security sources confirm. The car bomb was fitted under the car of the late MP identified as Abdiweli Mohamed Ibrahim occurred at London gate restaurant at Hamarweyne district in Mogadishu. Reports indicate that two other people including a person who was on board of the car with the late MP and a worker of the restaurant sustained injuries during the blast. No group has claimed the responsibility of the attack but Al-shabab is often blamed of behind such attacks targeted with lawmakers, security forces and government officials. The post Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-081118-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri oo jimco ah booqdo dalka Itoobiya isaga oo halkaas wadahadal ku leh ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Mas’uuliyiinta 3da ah ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan dardargginta heshiisyadi horay loo galay. Dhinaca kale warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas. General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga u kuur-gelaya nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanno kamid ah Puntland,gaar ahaanna tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool. Guddigaan oo uu todobaadkii hore magacaabay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loo xil-saaray xoojinta ergooyinka ay dowladda Puntland dirtay degaannada ay beeluhu ku dagaallameen ee koonfurta gobolka Sool,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland. Ergooyin badan oo ka kala yimid degaannada Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ku sugan Koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo ku hawllan xallinta colaadda halkaasi ku dhex martay beelaha,waxaana haatan meel fiican maraysa hawshaasi,sida ay sheegeen guddiga Puntland u xil-saartay. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay si buuxda uga qeyb-qaadanayaan deminta colaaddaasi u dhexaysa beelaha walaala ee reer Puntland. Dhinaca kale shirka golaha xukuumadda Puntland ayaa looga ahdlay qodobo kale oo ay kamid yihiin; joojinta degaameynta sharci-darrada ah iyo siyaasadda hab-raacyada maamulka shaqaalaha rayidka ah. Halkaan ka akhriso dhammaan qodoba PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo warbixin ka dhegaystay guddiga nabadeynta Dhummay appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Xidlhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii Qarax loogu xidhay Gaadhigiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Saax-dheeg)Ciidamadda Booliska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, deeqahan oo isugu jiray, Bustayaasha dhaxanta, Gogol, Rashiin iyo cuntooyin kale. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer oo xadka ku yaalla. Caawimadan ayaa waxa bixiyay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo diray Ciidamo suga ammaanka oo ku sugan degaanka ay ku dagalameen Beelihii walaalaha aha ee Baharsame iyo Qayaad. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Taliye ku xigeenka ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig millatari oo ciidamada badda ah kana dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda. “Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yidhi General Berhanu. General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka kala soo degaan kana dhoofsadaan. “Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah.”ayuu yidhi Jananka. Warkan ka soo yeedhay taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in ayna ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaadhayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan. Tan iyo sannadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda. Source
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeryootay, mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii Qarax gaari uu galabnimada maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay nawaaxiga Maqaayada London, ee degmada Xamar-wayne ee Muqdisho. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari uu lahaa Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka HirShabelle, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Ibrahim Xilldhibaan Cabdiwali iyo Darawalkiisa ayaa la hubiyay ay ku dhinteen weerarkaan, xili ruuxa kale ee dhaawacmay uu yahay Shacab, kaasi oo ka akdhawaa meesha ay wax ka dhaceen oo ahayd mid mashquul ah. Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxan, oo qayb ka h falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu soo hagaagayey mudooyinkii ugu dambeeyay. The post Xilldhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton ayaa la wareegay dhisme laba qol ah oo meherado ahaa oo ku yaalay wajhada xafiiska Waxbarashada Gobolka Galbeedka Maroodi Jeex. Dhismayaashan oo uu hore Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashadda Md. Cabdilaahi Ibrahin Habane u siiyay Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan. Dhismaha labadan qol oo dhismay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, bal xidhaa ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton horjoogsaday in la furo toddabaadkii hore. Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore loogu oggoladay meheradahan Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan, isaga oo ogaysiiyay hay’adaha amniga, Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan ayaa isna qoraal uu kaga jawaabay qoraalka Wasiirka, ayaa sheegay in uu hore ugu dhistay dhismayaashan oggolaansho Wasiir, maantana uu oggolaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay. Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. \Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha. Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi. Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed. Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis. Source
  15. Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa uu ka dhacay agaarka beerta nabadda ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cabdiwali maxamed Maxamuud oo kamid ahaa baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana qaraxaasi sidoo kale ku dhintay darawalkii gaariga waday. waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay labo kamid ahaa dadkii la socday xildhibaanka. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer. Caawimadan ayaa waxa bixiyay oo dadkii colaada ku barakacay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Source
  17. Madaxweynihii Iscasilay ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh aaden ayaa Diyaarad khaasa waxay u qaadey Naiorbi. Wax tafaasiil ah kama uusan bixin Safarkiisa iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed. Warar maanta Puntlandi heleen balse aan wali rasmi ahayn ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu Muqdisho kusoo laaban doono halkaasoo uu diyaar ugu yahay Kursi ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in Nin ay aad isigu dhowyihiin uu booska xildhibaanimada u baneyn doono sidaasna uu Shariif Xasan uga mid noqon doono Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya. Puntlandi.com Kismaayo Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayada London Gate oo u dhow hotel-ka Muna oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolkan Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in baabuurka uu watay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim Kabxanley oo ka tirsan baarlamanka HirShabelle, kaasi oo la sheegay inuu qaraxa ku dhintay. Dad gobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online waxay u sheegeen in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu xiray, islamarkaana markii uu marayay afaafka hore ee maqaayada London gate Uu qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuurkar Cabdi Geele ayaa sheegay in maal mahan magaalada Laas-caanood ay ku soo qul qulayeen xubno ka tirsanaa mamaulka Jeegaanta oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Hargaisa Maxamed Kaahin. Waxa uu shegay Gudoomiyaha in wafdigan ay Laas-caano u yimaadeen sidii ay ucarqaladeen lahaayeen Nabada laga dhex wado beelihii dhawaan ku deegaanka Dhumey ,oo ay markii horeba ay ka dambeeyeen. Waxa uu sheegay in Nabadeenta dadkii ku dagaalamay deegaanka Dhumey ay utaalo xalinteeda Isimada dhaqanka ee Puntland iyo dowladda . Halkan ka dhegayso. Gudoomiyaha Sool Puntland Source
  20. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan dalka Itoobiyo. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa bari oo Jimco ah in ay u amba baxaan magaalada Gondar ee dhacda gobolka Baxar-Daar ee dalka Itoobiya. ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi uga qeeybgalo shir sadax geesood ah oo dhexmari doono Itoobiya Ereteria iyo Somalia. Kulankaasi waxaa ka qeeybgalaya Ra’isilwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki Madaxweyne Farmaajo waxaana looga hadlayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiskii kal hore lagu kala saxiixday Asmaro. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  21. Magaalada Gaalakcyo waxaa lagu qabtay kulan ku saabsanaa is dhexgalka dadka deegaanka iyo Barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii ay bulshada uga wada faaiidaysan lahaayeen Adeegyada aasaasiga ah , sida Waxbarashada Biyaha iyo Caafimaadka oo uu Amnigu ugu horeeyo. kulanka ayaa waxaa daah furay Gudoomiye kuxigeenka gobolka Nugaal . Halkan ka dhegayso. Gudoomiye kuxigenka gobolka Nugaal Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf culus ayaa ka dhex aloosan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo salka ku haya arimo door ah oo dhinaca shaqada ah kaasi oo gaadhay heer Madaxtooyo, islamarkaana meel walba ka dhacay oo illaa hadda loo maare laayahay. Xogoha Wargeyska Foore helay oo lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Caroog.net ayaa daaha ka rogtay in Marka hore uu Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Axmed Daa’uud uu warbixin ka sameeyay hoos u dhaca Miisaaniyadda Qaranka oo aad hoos ugu sii socota islamarkaana laga shaki qabo inay fashilanto odoros miisaaniyadeedkii sanadkani 2018-ku, marka loo eego xaalada jirta waxaanay taasi keentay inuu Wasiirka Maaliyaddu kaga jawaabay inuu goor habeenimo ah soo saaro Qoraal uu iskugu shaandheeyay Madaxda sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud taasi oo uu Xisaabiyaha Guud ganafka ku dhuftay kuna dooday inaanu Wasiirka Maaliyaddu awood sharci u lahayn islamarkaana ay tahay Farogalin maamul, Taasi oo uu qoraal ku faah faahiyay, kuna wargaliyay Shaqaalihiisu inaanay dheg jalaq u siin Wasiirka ee ay sidoodii caadiga ahayd iskaga shaqaystaan. Sida Xogtan lagu baahiyay, Khilaafka marka hore ka curtay war warka ku saabsan hoos u dhaca miisaaniyadda ee uu hore iftiimiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ah goobaha laga ogaan karo hoos u dhaca Miisaaniyadda iyo Kor u kaca, ayaa waxa ka horeeyay xog hore oo uu Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyay Madaxtooyadda taasi oo uu ku sheegay inay miisaaniyaddu gashay korodh (Surplus), Waxaanay arintaasi keentay in Madaxweynuhu gudi heer wasiiro ah u saaro kuwaasi oo illa hadda gacanta ku haya baadhisteeda balse warar kale ayaa iftiimiyay in gudidaasi iyo Wasiirka Maaliyadda laftooda khilaaf ka dhex istaadhmay kadib markii ay Gudidaasi isku dayeen inay Su’aalo ka waydiiyaan Wasiirka Xaaladda jirta,waxaanay wararku intaasi ku dareen in Xaalku taagan yahay Madaxtooyad islamarkaana ka go’aan gaadhista arimahaasi hor yaalaan Madaxweynaha. Isku shaandhayntan Khilaafka sii horisay ee uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka guud oo uu kujiro Ku xigeenkii Xisaabiyaha Guud Keyse Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa ka muuqata cadho iyo aargoosi, waxaanu shaqo badel ku sameeyay sida dad badani carabka ku badinayeen qaar ka mid ah Shaqaale Xirfad sare oo aqooneed lagu shaqaalaysiiyay waxaana ka mid ah Madaxda Xafiiska gaarka ah ee EAFS oo ah goob si gaar ah ula shaqaysa Xafiiska Xisaabaadka Casriga PFM-ka, kuwaasi oo wax ka badelkoodu yaab iyo ama kaag ku dhaliyay guud ahaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Khilaafka Wasiirka iyo Xisaabiyaha Guud waa mid wali taagan, waxaanay shalay oo u dambaysay dhawr jeer iskugu yimaadeen Kulan balse wax heshiis ah lama sheegin. Lamana garanayo halka uu khilaafkaasi iskugu biyo shuban doono iyo inuu Wasiirku ka noqdo Talaabada uu qaaday oo ka hor imanaysa Xeernidaamiyaha Xukuumadda Muuse Biixi. Keebaa Khaldan Ma Wasiirka, Mise Xisaabiyaha Guud? (Bal Xeerkan Madaxweyne Akhri). bishii 03/06/2018 sanadkan aynu ku jirno waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Soo Saaray Xeer Madaxweyne oo ay sumadiisu ahayd Lr.03/062018 kaasi oo uu ku bayaamiyay madax Madax Bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland. Waxa uu qoraalka Xafiiska Maddaxweynaha ka soo baxay u dhignaa sidan “Markaan arkay Qodobka 90-Aad ee Dastuurka Jamhuuridda Somaliland. Markaan arkay qodobka 18-Aad, Farqadiisa 1-Aad iyo 2-Aad. Qodobka 65-Aad Farqadiisa 2-Aad ee Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha madaxa bannaan, Xeer lr 71/2015. Markaan Arkay: Qodobka 7-Aad, farqadiisa 5-aad ee Xeer nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda, Xeer Lr 01/2018. Markaan arkay: Qodobka 20-aad ee Xeerka maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Qaranka. Markaan Tixgaliyay Muhiimadda ay Dhismaha Qaranka u leedahay Madax bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxaan Go’aan Saday: Anigoo ka duulaya Qodobka Sharci ee kor ku xusan,in laga bilaabo taariikhda maanta 21/06/2018 uu Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Dawladdu u madax bannaan yahay Gudashada Waajibaadkiisa shaqo (Maamul iyo Maaliyadba), islamarkaana waxa uu yeelan doonaa Miisaaniyad u gaar ah. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Waxa uu xidhiidh wada shaqayneed(Line Minister) la yeelanayaa Wasaaradda Horumarinta maaliyadda. Source
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed. Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor. The post Madaxweyne Farmaajo oo Berrito u safraya Dalka Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  24. (SLT-Hargeysa)-41 Dhalinyaro Ah Oo Reer Somaliland Oo Tahriibayaal Ugu Xidhnaa Dalka Liibiya Oo Maanta Hargeysa Soo Gaadhay, Kana Sheekeeyay Dhacdooyin Murugo Leh Oo A La Kulmeen, Halkan Hoose Ka DAAWO Source