Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online shaacisay waxaa uu dagaal aan waxba la’isula harin, oo kuraas la isla dhacay uu ka dhacay golaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalkan ayaa sida la sheegay ka dhashay kaddib markii ay xubnaha baarlamaanka ku murmeen ansixita gudiga doorashada. Dhawaan ayey ahayd markii ay inta badan guddigii hore ee doorashada is wada casileen iyaga oo u sababeeyey faragalin qaawan oo ay ku hayso xukumadda u hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. Hadaba maxaa laga fahmi karaa dagaalka barlamaanka Baydhabo ka dhacay? Xubnaha ku dagaalamay golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ay direen farriin ah in wali xukumadda aysan ka waan toobin tuhunka iyo dareenka xun ay bulshada maamulkaas ka muujiyeen faragalinta. Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimadda Online u xaqiijiyeen, baarlamaanka isu gacan qaaday shalay ay inta badan ka cabanayey faragalinta xukuumadda Xassan Cali Kheyre ay ku hayso arrimahooda masiiriga ah. Wali ma cadda in sanadkan doorasho lagu wada qanco ay ka dhici doonto Baydhabo maadama xukumadda ay weli qas ka wado doorashada oo ay dooneyso in musharaxiinta ay wadato ku soo baxaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay. Warbixintaas ayaawaxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda Imaaraadka Carabta ka dhisanayso magaalada Berbera. Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga Imaaraadka ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen. 2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay. Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera. 7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Difaaca baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya uu si wanaagsan kaga socdo halka laga dhisayo. Guddiga ayaa warbixin ku sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay la shaqeeyaan dadka dhismaha wada, waxaana xildhibaanada ay safar ku tageen magaalada Mandheera si ay u hubiyaan sida howsha u socoto. Xildhibaanada ayaa u kuurgalayay sida darbiga dhismahiisa u socdo, caqabadaha jira iyo aalada casriga ah ee loo baahan yahay si darbiga loo dhameystiro. Guddoomiyaha guddiga difaaca Kenya Katoo Ole Metito ayaa sheegay inay u kuurgalayeen aragtida shacabka ay ka qabaan in ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, ayna qiimeynayeen sida howsha darbiga u socoto. Xildhibaanka Bariga Mandheera laga soo doorto Xildhibaan Cumar Sala ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in dadka deegaanka Mandheera ay doonayaan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay weeraro badan oo argagixiso ah. Guddoomiye ku xigeen magaalada Mandheera Maxamed Caraay ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Darbiga aysan jirin weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Mandheere ee dalka Kenya. Ingineero kamid ah ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in la dhisay 12 Km oo darbiga ah, taasina ay keentay in la xaqiijiyo inay difaac adag u noqon karto ciidamada difaacaya dhanka xuduuda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa badalay Mowqifkoodii adkaa ee la xiriiray inay heshiis la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi uu wadahadal ugu tagay magaalada Kismaayo. Badalida Mowqifka Jubbaland ayaa ka dhigan in dowladda Soomaaliya ku guuleysan karto inay saaxiib dhow la wada noqoto maamul goboleedyada oo Jubbaland iyo Puntland ay ugu adkaayeen. Wuxuu sidoo kale mowqifkaan ka dhigan yahay in Jubbaland ay noqon karto maamulka Seddexaad ee toos ula heshiiya dowladda Soomaaliya, marka laga yimaado Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Sidoo kale wuxuu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay badasho Jubbaland oo meesha ugu adag ka taagneyd iskaashiga dowlad goboleedyada maadaama Kismaayo lagu qabanayay shirarka maamulada. Waxa kaliya ee u haray ayaa ah maamulka Puntland waxaana C/Welli Gaas ku furan doorasho la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Garowe. Markii Madaxweyne Shariif Xasan oo heshiis la galay dowladda Soomaaliya waxaa yaraatay awoodii badneyd ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana hadda heshiis aan badneyd dowladda kula jiro madaxweyne Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimad@live.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Kenya ee ku sugan Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa u fududeeyay Ismiidaamiyaal Al Shabaab ah bishii Febraayo ee sanadkaan inay isqarxiyaan kadib markii ay laaluush ka qaateen, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Qaramada Midoobay. Warbixinta ayaa si cad u sheegaysa sida ciidamada amaanka Kenya ay si joogto ugu qaataan laaluush toos ah oo gaaraya meesha ugu hooseysa oo ah 20 dollar, oo ay ka qaadanayaan kooxaha argagixisada si ay iyaga u waxyeeleeyaan. Warbixinta The Somalia Report 2018, oo Khamiistii ay baahiyeen Guddiga dabagalka cunaqabateynta saaran Eritrea iyo Somalia ayaa shaaca ka qaaday sawirka aysan u qalmin ciidamada amaanka ee dalka Kenya, waxaana lagu shaaciyay sida kooxda Al Shabaab oo saldhigooda yahay Soomaaliya ay joogto uga gudbaan xuduuda si ay u dilaan Kenyanka. Tusaale ayaan, baaritaan lagu sameeyay weerar fashilmay oo dhacay bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa lagu ogaaday in kooxda Al Shabaab ee ka howlgasha xuduuda Kenya iyo Somalia ay shan jeer muddo seddex bilood ah kasoo gudbeen xuduuda, iyaga oo ciidamada amaanka Kenya siiyay laaluush gaaraya 20 Doolar. Afar kamid ah Al Shabaab oo ay qabteen waaxda la dagaalanka Argagixsada ee Booliska kadib howlgal dhacay ayaa la geeyay magaalada Nairobi ee dalka kenya, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo wareystay. Booliska Kenya ayaa baaritaan ay sameeyeen bishii Febraayo ee sanadkaan waxay ku qabteen labo ruux oo looga shakiyay inay Al Shabaab la shaqeeyaan, oo kala ahaa Cabdimaajid Xasan Aadan iyo Maxamed Naane Cusmaan oo waday gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, waxaana ay doonayeen inay gudaha Nairobi la galaan. 4 Febraayo ee sanadkaan Shan kamid ah Al Shabaab ayaa ka gudbay xuduuda dhanka degmada Ceelwaaq, iyaga oo ka gudbay halka ciidamada ay joogeen, waxaana kadib ay maalmo kadib tageen magaalada Ceelcadde. Ku dhawaad 50,000 oo doolar ayaa kooxda dabagalka ee Eritrea iyo Somalia ay ku qiyaaseen lacagta Al Shabaab ay u adeegsadeen laaluushida ciidamada booliska Kenya si xuduuda ay kaga gudbaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Inaa lilaahu wa inaa ileyhi raajiciin. Waxaa Allaah ha u naxariistee Caawa oo Sabti ah 17.11.2018 ku geeriyootay Magaalada Århus ee cariga Denmark Marxuumad Shukri Yusuf Nuur-Cadood. Jaaliyada Somaaliyeed iyo mid Puntland ee Dalka Denmark siiba mida Magaalada Århus waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan qoyska Reer Yusuf Nuur Cadood, Ehelkii iyo Asxaabtii geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuumad Shukri Yusuf Nuur Cadood, waxayna Allaah uga baryaan qoyskaa ay ka baxday Marxuumadu inuu Ebbe Samir iyo Iimaan ka siiyo, Marxuumadana waxay Ilaah uga tugayaan inuu dembi dhaaf siiyo, Naxaristii Jano-nana ka waraabiyo. Source
  7. Becoming a president through a tribal election is at best a temporary joy, a few days celebration before cycles of weakness and failure reverse direction. Elections are just contests between candidates, which generally end in the defeat of one contestant. Democratic countries see elections as the epitome of civilisation; and they still acknowledge their essentiality, which again proves that healthy competition does not escalate clashes and conflicting ideas. Elections are meaningless without national spirit. Each country has a character, which is what arouses the emotions of every citizen in times of elections. A tribe is Somaliland character. It is a tradition that is over and above the psyche of every individual. For this a tribe never disapears from Somaliland culture. It is a national disease that always affects all social and political issues. In times of political power struggle, Somalilanders always tweak the meaning of election to eliminate contest and invite conspiracy as the alternative attribute. In elections, they manipulate the votes. In politics, they miss the point and manage political issues without discipline. Politics without discipline brings out the fear of the unknown, the most dangerous territory in human psychology. Fear never limits the danger of the despairing politics. Despair creates distrust and disunity. Somaliland appetite for discord and disunity is unmistakable. There is no disunity without aggression. No aggression takes place in Somaliland without tensions of tribalism. A tribal war must still be going on somewhere in Somaliland. A political tribal election is not a planless march to the gates of presidency and priviliges. Neither caution nor precaution is of any use. Only the desire to build a tribal dynasty plays the role. In tribal politics, nationalism is not the issue. There is no point being a nation if you do not want nationalism. Tribalism is patently the number one enemy of nationalism. It is what actually inspires the whole population to fight for a lower cause. The ruling behavior of the current Somaliland presidency is just a manifestation of that lower cause. Low thinking is the other face of lower cause. Here is a further condition. Elections whose result is fashioned by money and tribal card have two non-negotiable demands: Nepotism and Privileges. Public theft and abuse of power, the favaurite weapons of tribal politics, are the keys to both nepotism and privileges. A collusion stressing and stipulating the two non-negotiable demands are made when some tribes politically unite to elect one particular presidential candidate. What is interesting to know is “who Muse Biixi has become” after ascending to the nation’s highest position? Has he demonstrated an aptitude that is different from the primitive thoughts of tribalism? Statistically speaking some people argue Colonel Muse has become greater than the greatest and better than the best when special consideration is given to in how he handles Somaliland. Some others assert that Colonel Muse Biixi has become an “empty vessel.” Presidency is no bed of roses. It is terribly noisy and a tiring profession at that. It is where presidents become boorish once the hurly-burly is done. Even pies and pancakes that marshal to surface cannot maintain health. Symptoms of aging, wrinkles, emotions down, fatigue, frustration, visionless approach, and tauted nerves appear on the faces of some presidents, particulatly those who need ability and skill to find solutions for the pressing issues, characteristics indicating that failure is inevitable. Failure is the distance between bedtime story and a wake-up call. The former starts with when we regurgitate the old and think it is new and then lull ourselves to sleep. The latter starts with when we think ahead to address a new dawn and insist to know what we don’t know yet. Colonel Muse Biixi has become a victim of his own political party programme. His political narrative has just run and renewed Kulmiye’s old course and has not been able to find a further chapter to his own administration saga. There is no strong intellectual team in the Colonel’s administration, a team of high calibre that can take the nation out of its tight situation. Nor is there any serious thinking being made by Muse on how to fashion and form an alternative delivery system when he assumed the power of the state. The wonderment is what Kulmiye’s tribal politics made Colonel Muse learn from the presidency: “Foes and friends.” Friends are those tribes who are with the president and foes are those tribes who challenge and criticize polices and plans the president makes. The desire to be politically allied with the tribes that voted in favor of the elected president overtaks the idea to welcome the foes, the tribes who voted against. The imperative to impress both factions through adult supervision and restorative polices appears not to come into Colonel’s mind. So, in whose side, then, does the fault lie? Fault neither lies in friends nor in foes, but in the president who thinks opposition party as the usual suspects. The observation is that Colonel Muse Biixi looks now like the tailor who insists that one-size-fits-all. That is a politics of one-man-show, not a contest to determine the fate of this land. Somaliland fostered in a volatile game played in an open ground. It is, therefore, of paramount importance to keep the key stakeholders together to resolve conflicts collectively and address the future impact of the conflicts through the practical implementation of restorative practices. If the imagination to think ahead is left with Colonel Muse, such initiative is the best option, but if otherwise becomes true, the question that arises is: Which faction will be driven out first, the foes or the friends, since insiders realise in their final analysis that differences between all stakeholders exist? Indications are such that Colonel Muse will finally place his consuming flair and flamboyance in the safe custody of his political coach, whose behaviour on the sidelines, consequently, was reassuringly bizarre. Muse Biixi is under pressure that compels him to respect Kulmiye’s conditioned politics. The rainbow coalition wants to win. The interesting thing is what the eastern rainbow block are doing. They are playing measured, thoughtful and sometimes thought-provoking politics as if the tempest in their arteries has been bottled in conditioned doctrine and disciplines. They are going to kill one stone with two birds. They never give up. The great puzzle, however, is the opposition parties. Nothing is more restorative than a wake-up call. Their leaders must admit that words, as the old saying puts it, without action never to heaven go. Since 1991, defenders at the highest level of Kulmiye party were routinely hacking to hurt opposition’s political leader’s knees or ankles, very often breaking them. Kulmiye party tests the tensile strength of what the opposition parties are prepared to accept. Mujahids, goes the saying, never die; they just fade away. Unless their career includes a tendency to take stands in the side in which their bread is buttered. Our economy policy is bleak; our demostic mandate is bleak; our foreign policy bleak and fraught with disasters; our vision for Somaliland is even bleaker still. Sool and Sanaag regions seem to be getting out of Somaliland souvereign. What is going on? People want to know. By: Jama Falaag Somaliland, Hargeisa. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  8. (SLT-Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo kamid ah Saldiinta waa wayn ee Somaliland ayaa ka dayriyay xaalada Dalku maraayo muddo sannad Ah oo Muuse Biixi Cabdi xilka hayay . Hoos ka DAAWO. Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-171118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Washington)Wargeyska The Washington Post waxa uu maanta daabacay wareysi ay la yeesheen Haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga. Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda. Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka war qabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khashoogi, waa sida ay hadalka u dhigtay. Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi. Haweeneyda Masaarida waxay codsatay Ka Xaas Mulim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi.. Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi. Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan. Source
  11. Sawir hore: Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markale sii daayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo ku xakunaa dil toogasho . Sarkaal ka tirsan sirdoonka Puntland ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiayay in la sii daayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo 12-kii bishan November maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ku riday dil toogasho. Sida ay ogaatay PUNTLAND POST maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa ka codsaday Madaxweyne Gaas in uu siidaayo Calool Geel oo ay sheegeen in xukun kiisu falal amni daro ka abuuri karo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo Madaxweyne Gaas amray in la siidaayo ayaa maanta laga qaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana la sheegay in lagu wareejinayo eheladiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho. Puntland iyo Calool Geel Markii ugu horeysay xukuumaddii Cabdiraxamaan Faroole ayaa maanta oo kale 17-kii November 2012 magaalada Gaakacyo ku qabatay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo la sheegay in uu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay xiliga la qabtay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu qirtay inuu yahay Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada Puntlnad ayaa 2-kii March 2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil ku diray xukun dil ah, waxaana xukunkaasi sababay in labo qof oo reer Puntland ah lagu afduubo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Kadib doorashadii Madaxweyne Gaas 2014-kii, ayaa xasbiga laga siidaayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) , waxaana qaab nabad ah la isku dhaafsaday Calool Geel iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu haystay Koonfurta Gaalakcyo. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay siideyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28-kii September 2016 ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Puntland ayaa markale 23-kii July 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Puntland ayaa markale xukun dil ah ku riday 12-kii bishan November, 2018 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntlnad G/sare Cawil Axmed Faarax. Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa 13-kii bishan November, 2018 ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah. Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markale maalin ka-hor dil ka furtay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo lagu eedeynayay madaxda Al-shabaab, waxaana maanta loo duuliyay Muqdsho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo markale dil ka furtay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisow, ayaa carro xooggan iyo ceebeyn kala kulmay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo uu taageero ugu muujiyey ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May. Theresa May ayaa wajahaysa caqabad ah inay baarlamanka dalkaas ka dhaadhiciso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub, kadib markii ay is-casileen qaar ka mid ah wasiiradeeda, oo kasoo horjeeda heshiiska. Qoraalka uu Twitter soo dhigay ayuu Yariisow ku yiri “Waxaan ka mid ahaa dadkii 48% ahaa ee u cadeeyey in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, si kastaba, waa inaan taageernaa qorshaha May ee Brexit, maadaama ay ka dhabeysay ballan-qaadkeedii dadka iyo aragtideeda danaha qaran ee UK. Aan horey u soconno, oo yaynan kusoo laaban halkii aan ka billownay” Qoraalkan ayaa dad badan oo ku xiran twitter-ka Yariisow ay carro ka muujiyeen, ayaga oo layaab ay la noqotay in duqii caasimadda Soomaaliya uu siyaasadda dal kale ku mashquulsan yahay. Hibaaq Shookari ayaa tiri “Aan horey u soconno, yaa nahay annaga, markii ugu dambeysay waxaan ogaa adigoo ah duqa Muqdisho” Cabdiraxmaan Cusmaan ayaa isna ku yiri Yariisow “Shaqadaada xoogga saar, tani waa sababta baarlamanka ay tahay inuu shaqooyinka uga xayuubiyo dadka haysta baasbaoorada caalamiga ah Maxmaed ayaa isna ku yiri “Mudane haddii aad tahay British, na dhaaf, oo dalkeena nooga bax” Mo Ali, ayaa isna yiri “Qoraalkan aad twitter soo dhigtay jaceyl ugama heli doontid Soomaalida, waa inaad diiradda saartaa Muqdisho 100%, oo aad ka tagtaa siyasaadda UK”. Axmed Cabdulle ayaa isna yiri “ Ileen ceeb looma dhinto… badida nin baa kula daydayi daalna kaabadane, oo aan dooneeyn in aad hesho daa’in abidkaaye! Layabaabi maayo hadii la ii sheego in Farmaajo uu doorashadi xiliga dhexe ee Maraykanka ka codeeyey!. Dr. Young ayaa isna yiri “Ma garwaaqsan tahay sida qoraalkaagaa uu yahay mid aan xirfad ku dhisneyn. Waxaad maamushaa caasimadda dal dhan, waxaadna ka wel weleysaa siyaasadda dal kale, haddii aadan ka tanaasuleyn baasaboorka British-ka, ugu yaraan iska dhig in 100% aad diiradda saareyso Muqdisho.” Arrintan ayaa ah tii labaad oo Yariisow uu muddo toddobaad gudihiis ah kala kulmay cambaareyn xooggan, ayada oo dhowr maalin ka hor la arkay isaga oo ku heesaya Jabuuti maalmo kadib markii dad ku badan 50 qof ay Al-Shabaab ku dishay qaraxyo ka dhacay Muqdisho. Halkan ka daawo heesta Yariisow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaliya ayaa looga hadlay kiiska wariye Jamaal Khashoggi, kaasi oo lagu dhex-dilay safaaradda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey. Bayaanka ayaa lagu xusay in dowladdu ay soo dhaweyneyso baaritaan ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Sacuudiga, kaasi oo lagu sameynayso dad lagu tuhmayo inay dilka ka dambeeyeen. Warka wasaaradda oo aanan lagu soo hadal-qaadin hadii ay taageersan tahay talaabada Sacuudigu qaadayo ayaa wuxuu uqonaa sida soo socota: “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga ee Jamal Khashoggi. Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska”. The post DFS oo soo dhaweysay baaritaanka Sacuudiga ee dilka Khashoggi appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Galkacayo (Sh.M.Network) – Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu xabsi kasii daayay nin kamid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya. Shaqsiga xorriyadiisa dib loo siiyay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, kana mid ah ganacsatada magaalada Galkacayo ayaa dhowaan maxkamad dambiyada culus ee Puntland waxay ku xukuntay dil toogasho. Xukunka ayay u cok-satay maxkamada kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab. Sii daynta ganacsadahaan oo la sheegay inuu kasoo jeeda dhinaca maamulka Galmudug ayaa timid kadib wadahadalo dhex-maray maamulada magaalada Galkacayo, ee kala ah dowlad goboleedyadda Puntland iyo Galmudug. The post Puntland oo xabsi ka daysey nin kamid ahaa dadka degan Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Xukuumadda Muuse Biixi: Sannad Kadib. Waxay Ku Uruuraysa Weedhi Ahayd “Ma Sidaan Moodayay Mise Siday Noqotay”.! Sannad ayaa u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. 21-November 2017-kii ayuu Koomiishanku ugu dhawaaqay Murashaxiintii KULMIYE. 14 December ayuu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Golaha Wasiirada ee sawiradooda aragtaan. Maxa dib u socday dhacay sannad gudihii ? 1. Markii kobaad tariikhda Jamhuuriyadda Somaliland waxa sannad Xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhacay in Dawlad dhan intay soo guurto ilaa Wasiiradeedi ay ku shiraan gudaha dhulka Somaliland, Gobolka Sanaag ayay Xukuumadda Puntland shirkoodi Wasiirada ilaa Madaxweynahoodi ku shireen, hore Somaliland umay soo marin hadana Gurigii Baarlamaanka ayaabay ka dhisanayaan. 2. Sannad xileedkii koobaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa Dalka ka dhacay iska hor imadaadi ugu dhimashada badnaa muddo tobanaan sanno ah, ammarka alle ka sokow dabac ayaa ku yimi hay’adihii ammaanka iyo xil gudashadoodi kadib markay si fudud u jabeen heshiisyada nabadeed ee Beelaha la dhex dhigo. Sababtuna waa mid qudha oo ah in aan ammarkii Xukuumadda ciddii heshiiska ka baxda lagu fulin laha ay meesha ka baxaan, taas oo baqdintii Xukuumadda laga cabsan laha aan waxba layskaga tirinayn markii fulinteeda la ogaaday. 3. Sannadkii kobaad ee xil haynta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa beenoobay oo hal-bacaad lagu lisay noqday ballamihii ummadda lagu shubaayay sannadihii u danbeeyay iyo ololihii doorashada ee lagu wareejiyay Dekadii Berbera iyo Garoonkii Afrika ugu dheera ee Berbera. Xaqul qalin uu Madaxweynuhu badh ka aha markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu aha oo uu qaybtiisi qaatay wax ka badan ummadda ilaa hadda kama hayso mana soo gaadhin. Lama arkin Garoonkii cusbaa ee Diyaaradaha ee Berbera ee ummadda loo Sheegay in la dhisaayo. Lama hayo waddadii Wajaale ilaa Berbera ee la magacbaxday (Berbera Corridor) Dhismihii Dekeda cusub oo ballantu ahayd inta ka horaysa sannadka Madaxweynaha u dhammaaday ha sheegin. 4. Sicir-bararka silciyay ee sameeyay guud ahaan shacbiga Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi war-baahinta shirkiisi jaraaid ee ugu horreeyay uu ku sheegay in saddex casho la siiyo wax ka qabashadiisa sannad ayaa dhammaaday halkii u saraysayna wuu marayaa, ammaradii sherkadaha isgaadhsiinta la duldhigayna aqoon la’aan iyo mad madow badane allaa ku yaqaan ayay ku soo uruurtay. Guud ahaan dhaqaalihii waddanku sannad kadib wuu soo handaraabmay, ma jiro isu socodkii Caasimadda Hargaysa iyo Dalku la wadaagi jiray waddamada Geeska Afrika, Yuhuuntii ganacsi ee Dalka ku wareegi jirtay ayaa gudhay, inta Dawladi hayso amma Dadka ka soo gasha way koobantahaye waxa meesha ka baxay maalgashigii hoose ee bulshada. 5- Ku dhaqankii sharciga iyo ololihii MBC ee aha “Saraynta sharciga” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay sannadka xil hayntiisa u dhammaaday, tariikhda markii kobaad wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi saxeexay xeerkii Kufsiga oo sharciga waddanka ugu sareeya ka hor imanaaya, sharciga Dalka ugu sareeya waa Dastuurka, kaas oo dhigaaya “In wax kasta oo Diinta Islaamka ka hor-imanaaya aanay waxba ka jirin “ Madaxweynahu sannadkiisi u horeeyay ayuu sharci jabin galay. Waxa la kordhiyay cashuuro aan Golaha sharci dajintu ansixinin markii kobaad Somaliland intii Xukuumaddo soo maray, xitaa kuwii hore waxay kordhinayaan cashuur Golaha sharci dajinta ayay ka ansaxsan jireen itaalka, Xukuumadda Muuse Biixi way garab martay, cashuuraha sannadka xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi la kordhiyay waxa ugu xoogan shidaalka oo wax kasta ku xidhan yihiin nolosha Somaliland. 6- 21-sanno kadib ilaa 1997-kii shacbiga Somaliland sannadka u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi wuxuu u aha miday kala qaybsanaanta ay quluubtoodu kala durugtay gaadhay halkii u saraysay , taas oo wiiqday wadajirkii ummadda waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddo sannad ah oo uu xilka hayay ku guul daraystay inuu shacbiga mideeyo isu dhigo Madaxweynihii mid doortay iyo mid aan dooranba, kala fogaanshaha bulshada waxa dabka ku sii shiday hanaanka wax qaybinta Madaxweynaha oo badhkii Libaaxa uu Beeshiisa siisay bulshada intii kalena uu wixii soo hadhay u korka xaadiyay. Doorashooyinkii ayaa sannadkii koobaad ee Madaxweynaha soo oodmay mana muuqato rajo heshiis ilaa hadda. Lixda qodob ayaynu ku soo koobayna dib u dhaca sannadka ku yimi Somaliland, wixii ay guul sheeganayaan dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi way u furantahay anigu docdii kale ayaan Iska taagay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta ay ku leeyihiin magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay. Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan. Intaasi kadib, Xilldhibaanada iyo Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa shuruud ku xiray meel-marinta miisaaniyadda, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in lagu cadeeyo keenista xisaab xirka 2017, shaqaaleysiinta shaqaale cusub iyo kororka dhaqaale ee la sameeyay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-1.mp3 The post BFS oo shuruud ku xiray ansixinta miisaaniyada dowlada ee 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Kadib markii loo doortay madaxweynaha J.Sl mudane Muuse Biixi Cabdi, dalku waxa uu galay xaalad cusub oo taban.Marka laga yimaado xaalada Siyaasada arrimaha dibedda oo ay soo wajahday isbadallo siyaasadeed oo ka dhacay gobolka bariga Africa oo dhibaato laxaadle soo gaadhsiiyey meeqaamkii Somaliland ka taagneyd caalamka , waxa Iyana khatar ku jirta tii arrimaha gudaha.Waxaad moodaa in waxyaabo badan oo muhiim u ah jiritaaanka qaranku ay bilaabeen inay dib u noqdaan, taas oo ay ka mid tahay isku xidhnaantii bulshada (social integration). Iyada oo marmarka qaar aad is odhananyso waddankuba burbur ayuu qarka u saaran yahay. Hadaba maxaa u sabab ah? Ma madaxweynahaa ayey wax ka qaldan yihiin, mise meel kale ayay wax ka socdaan? Maxaa u gaar u ah xukumadda Muuse Biixi oo ay kaga duwan tahay xukumaddii hore oo sabab u noqon kara xaaladda kakan ee uu waddanku galay? Hadii aan dhaliilo madaxweynaha, inta taageersan ayaa xanaaqaysa, oo inta ka horjeeda ayaa ku farxaysa. Hadii aan ka weeciyo dhaliishana, inta ka horjeeda ayaa ka xumaanaysa. Hadana waxa jira, bulsho dhexdhexaad ah oo ay u muuqato ahmiyadda ay nolosha bani-Aadamka u leedahay qaranimadu. Dagaalkii ayaa bilaabmay! Waa dagaal ay Soomaalidu caado u leedahay. Waa dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo dalaayada wada-nooshaha umaddeed. Si kale hadaan u dhigo, waa dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo qaranimadda. Qaranimo iyo qabiil meel ma wada yimaadaan. Qarannimo waa iskukeenis iyo mideyn umadeed si loo wadaago nolol dhamaystiran oo isku filaansho. Qabiil waa qaybin iyo qoqob umadeed si loogu tartamo wixii kheyraad dhexyaala qabiilada, iyada oo midba midka uu ka xoog weyn yahay haraati iskaga reebayo. Labadaa ayaa dagaalamaya. Waa qaran iyo qabiil. Qaranku waxa uu rabaa inuu qarameeyo (nationalization) qabiilka. Qabiilkuna waxa uu rabaa inuu qabiileeyo (tribalization) qaranka. Qaranimadu waa mid aad u qiimo badan sidaa darteed, ma sahlana hanashadeedu. Awooda iyo go’aanku waa hal meel kaliya oo la doortay oo ay tahay inay ka awood badnaato cid kasta oo kale oo xuduudeeda ku dhex sugan. Awood u leh, inay qaabayso qaab nololeedka (lifestyle) iyo fikirka (attitude) bulshadaas. Awood u leh inay ilaaliso xuquuqda shaqsiga sida qofka naftiisa, maalkiisa, xoriyadiisa iwm. U igman dhismaha horumarka cidii dirsatay iyada oo laga shaqaynayo ilaalinta amaanka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, siyaasada, iyo xaqiijinta joogtaynta nidaamka umadnimo ama dawladnimo. Qabiilku waa fikir hoose marka loo eego qaran oo mideeya koox, ka sunta kooxdaas inta kale, balantiisu tahay in uu iska difaaco kooxaha (qabiiladda) kale, buuggiisa aanay ka maqneyn in uu weerar qaado si uu u dhoco kooxaha kale ee ka itaalka yar. Isku duuduub oo waa kooxo midba dantiisa goonida ah wato. Malaha siyaadsad horumarsan oo wax ka tari karta wada noolaanshaha iyo is dhexgalka bulsho. Waa hab dhaqan isgaashaan buureysi oo bilaabmay xiliyadii ugu horeeyey ee bani-Aadamka (kumanaan sano ka hor) sida xiliyadii ugaadhsiga iyo qadhaabsiga. Si kale hadaan u dhigo, waa dawlado yaryar oo cawaan ah oo ku dhex yaala waddan yar oo curdin ah. Waa khatar, looga faa’iideysan karo siyaabo qaldan oo liddi ku ah dawladnimada casriga ee maanta aan haysano. Waxaa adeegsada kooxo badan oo bulshada ka mid ah. Waa siyaasiyiinta si ay danahooda u gaadhaan. Waa sida Cabdiraxmaan ciro, gud. Xisbiga WADANI iyo Faysal Ali Waraabe, gud. Xisbiga UCID. Waxay cugatay ayay ka cabaadaa. Doorasho ayey galeen. Waa laga guulaystay. May hambalyeyn. Umadii oo marka horeba la isku yabyabayey ayey kala qaybiyeen. Intey ka gudbeen qabiilaysi ayey siyaasad bariyeyn iyo galbeedeyn ah isticmaaleen. Madaxweynihii la doortay ayey u hanjabayaan. Xamasta, caruurta, iyo wax ma garatada ayey ku kicinayaan. Waxaan laga filayn ayey la yimaadeen. Waxay qayb wayn ka yihiin sababaha keenay in wax badani dib u noqdaan. Waxa hub ka dhigta kuwa raba inay baad ka qaadaan dawlada. Waa hogaamiya dhaqameedyada, oo ah kaabe qabiillada, sida boqorrada, sulaadiinta, caaqillada iwm. Todobaadkii 1aad ee bishan 11aad, 2018, ayey ahayd markii ay hogaamiya dhaqameedyo ka soo jeeda Bariga Soomaaliland ay ku dhawaaqeen inaanay la shaqayn doonin xukumada Soomaaliland hadii aanay danahooda u fulinin. Waa niman ka hadlaya hungurigooda iyo danahooda gaarka, oo ku hadlaya afka umad baaba’san oo nolol adag ku nool. Hab dhaqanka labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka, baaqa hogaamiya dhaqameedyada ka soo jeeda Bari, iyo dareenada aan ku dhisneyn cilmiga, caqliga iyo diinta Islaamka ee ay qabaan qabiilada qaarkood waa calaamado sheegaya dagaal. Waxa bilawga dagaalkii Qaranka iyo qabiilka, sidii caadada u ahayd Soomaalida. Shakhsiyaad dhawr ah oo Bariga Soomaaliland ka soo jeeda ayaan waydiiyey su’aal ah, ‘waa maxay sababta aad ugu kacsan tihiin madaxweyne Biixi.’ Waxay ka sinaayeen laba arrimood oo ah in ay tahay in uu madaxweynuhu soo booqdo gobolada bariga, maadaama uu madaxweyne u yahay umada Soomaaliland oo dhan. Iyo arrin labaad oo ah in ay tahay in madaxweynuhu furo albaabka madaxtooyada. Markaan sii waydiiyey maxaad uga jeedaan hadalkaasna, iigu jawaabay hadal macnihiisu ahaa waa in uu qasnadaha furo, oo dadkii ay madaxdii ka horeysayba wax siin jirtay uu siiyo. Arrinta 1aad ee ay soo bandhigeen, waa wax macquul ah in lagu doodo, laakiin aan u muuqanin wax qaran loo dumiyo ama lagu andacoodo gooni-goosi iwm. Waa mid labaad oo cadaynaysa in ay dagaalamayaan qaran iyo qabiil. Mida labaad ee ay soo bandhigeen, waa arrin cadeynaysa Iyana in qabiilku rabo inuu baad ka qaado qaranka. Sida saxda ah hadaan u dhigo, qabiilka oo dhan wax ma gaadhayaane, waa baada jeebka in uu ku shubto rabaa waa shakhsiyo ay u afduuban yihiin qabiiladoodu. Waxaan xasuusta rayi dad-waynihu qabaan oo ah in Faysal Cali Waraabe, marka dawladu wax u dhiibtana uu aamuso, marka wax loo dhiibi waayana uu mucaarad adag isku badalo. Waxaynu ognahay in qabiilku waligiiba sidaa ahaa. Qabiilku maanta ma uu dhalan. Maxaa is badalay? Sidaan kuu sheegay waxa dagaalamaya qaran iyo qabiil. Madaxweyne Biixi waxa uu dhaxlay Somaliland nooc ah. Soomaaliland uu ka adkaaday qabiilku. Nooc dawladnimo u eeg laakiin aan ahayn. Nooc dadku la qabsadeen oo ah dawladnimo macnaheedu lumay. Dawladnimo diciif ah oo ay ku shaqaystaan, shakhsiyaad wakiilo u ah qabiillada. Nooc dawladnimo, qabiilku hogaanka u hayo, maalo, baado, ku tagri falo. Madaxweynayaashii isaga ka horeyey, waxay ahaayeen kuwo qabiilku ka awood badan yahay. Muuse waxa uu muuqdaa iskala wayn qabiilka. Waxa kaliya ee taas lagu badalan karaana waa qaran. Waa shakhsi ay ku wayn tahay dhisme iyo horumarin qaran. Waxa noola muuqdaa qof rabaa inuu dhiso qaran awood badan. Wuxuu rabaa inuu qabto wixii loo igmaday ee ay ahayd in ay qabato dawladi. Waxa uu wadaa waxa loo yaqaano qaramayn (nationalization) iyo hay’addayn (institutionalization). Waxa uu doonayaa in uu baabiyo qabiileyn (tribalization) iyo shakhsiyeynta xilalka dawaliga (personalization of governmental authority). Taasi waxay ka cadhaysiisay qabiilkii iyo shakhsiyaadkii ku adeeganayey dawliadnimada, waayo qabiil iyo qaranimo meel ma wada iman karaan. Markasta oo hal talaabo horey loo qaado qaranimo, waxa hoos u dhacaya qabiilka, qabiilkuna ma rabo in uu hoos u dhoco. Waxa uu rabaa inuu isagu taliyo, oo ku taliyo ilaalinta dantiisa, iyo duudsiga danaha iyo nolosha qabiilada kale. Shacabka Soomaalida ah ee reer Soomaalilanow, waxba idiin tari kari maayaan madax idin raali galisa. Waayo mahaysataan hab dhaqan nololeed oo wanaagsan oo ku haboon nidaamka wada-noolaanshaha umadnimo. Qaran ma nihin ee waxaan anahay dadyow kala qoqoban oo qaybsan oo waxaad u qaybsan tihiin qabiilo kibirsan oo iska wada horjeeda. Garanmaysaan macnaha dawladnimadu leedahay. Garan maysaan waxaad doonaysaan, hadana waad dhibaataysan tihiin, oo abaaro, fakhri baahsan, shaqo la’aan, waxbarasho xumo, caafimaad daro, waddo xumo, iyo dayac badan ayaan qabnaa. Eek a daaya madaxda daacadda ah ee raba inay wax idiin qabtaan amarka, aflagaadada, iyo mucaaraddada aan macnaha ku dhisneyn. Marka laga yimaado ilaalinta nabadgalyadeena, waxaynu ugu baahanahay dawladnimo sida ubadku ugu baahan yihiin waalid haga. Edbiya, kala dhexdhexaadiya, wax bara, qalad iyo sax u kala sheega, ilaa ay gaadhsiiyaan heer ay ubadkuna hanan karaan masuuliyada ubad kale. Qaranka waxaan u dhisanay in uu ina mideeyo, isku dan ahaano-baahiyaheena anuu midna gaarkiisa u awoodin wada raadsano sida amni, ganacsi xor ah, waxbarasho-isku manhaj, caafimaad, waddooyin, biyo, baasaboor iwm, iskana kaashano difaaca cadawga dibada. Hay’adaha waxaan u samaysanay in ay ina qorqoraan, ina hagaan, si looga baxo in marba qofkii joogaa uu dabcigiisa, shakhsiyadiisa, inagu hogaamiyo-taasi oo meesha ka saaraysa dan guud. Si ay I noogu suurto gasho hadafyadii aan ka lahayn dawladnimada, aan ku taageerno madaxweynaheena codka lagu doortay horumarinta dalka. Aan ku ixtiraamno inuu inoo shaqeeyo, mudo xileedkiisa kooban, inta uu dastuurka ku dhaqmayo. Nasir Hassan Muhumed Research & Public Relation Officer. Somaliland Diaspora Agency Ministry of Foreign Affairs and International Coorportation Hargeysa, Somaliland. Tel: +252 63-4403296 Email: Nation003@gmail.com Source
  18. (SLT-Addis-ababa) Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Maanta ka furmay shir Madaxeedka aan caadiga aheyn ee Ururka Midowga Afrika,waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) Arrimaha ugu weyn ee shirkaas looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah isbedello waaweyn oo lagu sameynayo qaabka dhismeedka Ururka Midowga Afrika oo mudo laga Shaqeynayay. Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa Sanadkaan shir guddoominaya Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame. Gaba gabada Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Wadamada Afrika. Source
  19. Garowe (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa waxaa lagu kala diray Golihii deegaanka ee degmada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee koonfurta Soomaaliya. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Daganka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday. Wuxuu Xeeriyey. 1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- The post Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Golihii degaanka Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Washington)Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, isla markaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’ Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyada oo uu ka soo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin. Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da. Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka. Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.” Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar. “Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post. Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan. Source
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay,degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib markii uu kala diray Golihii degaanka degmadaasi. Laba digreeto oo caawo ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha,kuna taariikhaysan 17 November 2018, ayaa midda kowaad lagu kala diray Golihii degaanka Gaalkacyo,halka tan labaadna si ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen cusub. Kala-dirista Golihii degaanka Gaalkacyo ayaa loo cuskaday,tala-soojeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo caddaysay, in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday,sida ku xusan digreetada kowaad ee madaxweynaha. Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo u magacaabay Yaasiin Cabdisamad Cumar,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Maxamed Cabdinaasir Cigaal,sida ku cad digreetada labaad. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-171118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga kasoo daayay ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo dhawaan maxkamad ay ku xukuntay dil toogasho ah. Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, oo ah ganacsadaha xabsiga laga sii daayay ayaa maxkamada magaalada Boosaaso waxay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waana sababta xukunka dilka loogu riday. Wadahadal dhexmaray Galmudug iyo Puntland ayaa lagu heshiiyay in xabsiga laga sii daayo Mr Tahliil, waxaana wadahadalka ugu badan yeeshay guddoomiyaasha labada maamul ee magaalada Gaalkacyo. C/risaaq, waxaa mrkii lasoo daayay kadib maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha e magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa in la keeno magaalada Muqdisho. Cabdirisaaq Tahliil ayaa waxaa xili habeen lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, iyadoona waxyar kadib Qabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) uu kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Puntland, waxana Puntland ay ku xukuntay dil toogasho. Maalmo ka hor ayey aheyd markii Dibadbaxyo Rabshado Wata oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysnaa,kaasi oo ka dhacay Koonfur Magaalada Galakacyo,isla markaana ay uga soo horjeedeen xukunka dilka ah ee Maxkamadda Puntland ay ku xukuntay Cabdirisaaq Tahliil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com