-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hamigiisa ugu wayni waa inuu sameysto awood Ciidamo adag kala noocnooc ah oo 80% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee uu ku kalsoon yahay. Askari, Qori, iyo Cabdi. Surtagelintii hamigaasi Already way bilaabantay waxaanu ku bilaabay inuu kaysado oo uu xidho lacagtii iyo dhaqaalihii yaraa ee dalka soo galayay!. Inuu dadkii ku soo rogo nidaamka shuuciyada ee ah qofna ma dhergi karo hadaad qado cuntay waad badsatay ee , casho ha sugin. Suuqyadii Ganacsigu waa dhaag, iibkii hantida ma guurtada ahi waa dam. Weli qiiqii Axmed Siraanyo ayaa sii baxaya ee 2019 ka afkaa juuqda gabi doona In damaciisa la joojiyaa waxay suuro gal tahay 30%. Waayo? Marka hore dadka dalka ku nooli way kala qaybsan yihiin, oo wuxuu haystaa tageerayaal badan oo sax iyo khaladba ku difaaca ,waa mida labaade dadku waxay la falgaleen nidaamyo doorashooyin Qabyaaladaysan lakiin dadku si nafisa ugu wada noolaayeen, kuraasida dalkana lagula kala wareegi jiray markaa kama fikiri karaan mana hayaan qaaciidadii ay ku joojin lahaayeen nin Kelidii Taliye ah oo intuu waxoodii ka tagey toobiye kala qabsaday! Waa kee ninka ugu dhaw ee Joojin kara inuu Muuse Biixi noqdo Kelidii Taliye Isagoo wax dili kara aan aqbalin inuu duco qaato ?. Waa Faysal Cali Waraabe. Sababtoo ah waa nin inbadan hal hayskiisu ahaa in aanu cidna ka yeelaynin in Somaliland la baabiyo. “Aabahay ayaan ka diiday” Ayuu yidhaahdaa. Bal aynu eegno inuu Muuse ka yeelo inay Somaliland noqoto Xero Askareed oo uu kelidii Taliye maamulo iyo in ay hayso dariiqeedii ahaa Not so good not so bad. Bal aynu sugno halka ay ku danbeeyaan Muuse Biixi iyo Somalilandta aanay cidina aqoonsan ee daawaha ku socotaa. Source
-
Sanad Ka dib, haddii aynu qiimayno xukuumada ,qiimaynta imtixaankeedu sidan ayuu noqonayaa. Wasaarada arrimaha debeda D Wasaarada arrimaha gudaha D Wasaarada warfafinta D Wasaarada caafimaadka C Wasaarada maaliyada ,C Wasaarada waxbarashada C Wasaarada biyaha B Wasaarada beerha B Wasaaradaha ciyaaraha iyo diinta iyo aw qaafta , qiimayntan laguma Darin . Source
-
Hadalkii madaxweynuhu ka jeediyay Burco ee ku saabsanaa arrimaha ka socda Geeska afrika, waxa uu u muuqday rajo la’aan iyo in culays soo food saaray xidhiidhka arimaha debedda Somaliland. Madaxweynuhu, waxa uu inoo sheegay in Somaliland weyday saaxiibkii ugu weynaa dhanka diblomaasiyadda ee dunida ay ku lahayd oo ahaa Itoobiya, sidoo kale aanay jirin meel aynu kaga jirno dhaqdhaqaaqa isbeddelka siyaasadeed ee Geeska Afrika ka socday sanadkan. Taa beddelkeeda, ma sheegin meelo kale oo aynu uga wareegnay arrimahan, dalal kale oo aynu garabsano iyo in aynu xulufo la nahay Imaaraadka iyo Maraykanka oo loo malaynayo in ay yihiin awoodaha ka danbeeya isbeddelkan siyaasadeed. Madaxweynuhu, waxa uu innagu dhiiri geliyay dhabar adayg iyo in Eriteriya u adkaysatay cadaadis siyaadeed muddo dheer, imikana guul lama filaan ah gaadhey. Sidoo kale, dadka Somaliland u diyaar garoobaan adkaysi la mid ah ama kasii muddo dheer kaa Eriteriya iyo halgan danbe oo lagu xaqiijinayo himilada dalkeenna Somaliland. Hadalkii Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Yamamoto, u sheegay VOA-da, nuxurkiisu ahaa in isaga iyo dawladdiisuba la dhacsan yihiin sida ay wax uga socdaan geeska iyo siyaasadaha uu hormuudka ka yahay Aabi Axmedka Itoobiya. Innaga oo ogsoon in Somaliland iyo Jabuuti daawadeyaal ka yihiin isbeddelka Geeska! Yamamoto, waxa uu maragga u furay hadalkii madaxweyne Muuse iyo in Somaliland ku jirto go’doon diblomaasiyadeed, xataa aanay saadaalin karin sida xaalku ku danbayn doono. Haddaba, dadka Somaliland diyaar ma u yihiin dhabar adayg iyo halgan danbe sida Eriterya? Mahadsanid, Source
-
Dalal badan oo Carabta ah ayaa waxay ahaayeen dhul lama degaan, saxarre ah, dadkoodii ku noolaa way ku samreen, iyagoo carrabkoodu qabatimay kalmaddo wanaagsan oo ay ka mid yihiin: Maansha Allah, Alxamdulilaah iyo hadallo wanaagsan oo Illaahay raaligelin iyo tawaadac u muujinaya. Dhulkoodii waynu aragnay sida uu isku bedelay, ha shaqaystaan oo tacab ha sameeyaan laakiin waxa Alle u qaaday hadalkoodii wanaagsanaa oo ilaa maanta waa kuwaa Illaahay mahadinaya, shiidaalka, beetroolka iyo nimcadda Alle ku galadayna waynu aragnaa. U kaalay inaga Soomaali ahaan dhaqan uma lihin oo afkeenna kuma badna xamdi naqa Alle iyo odhaahda Maansha Allah, carrabkeenuna waxa uu qabatimaa canaan, cay iyo catow. Waa ta maanta keentay in Soomaali meel kasta oo ay joogto u dareemi laayihiin nimcada Alle ku galaday ee u aamini laayihiin dhulkooda, tamarta ay wax ku tabci lahaayeenna looga qariyay. Soomaalilaand markaynu u nimaadno waxa maalmahan danbe odhaahdeedu afafka dad badan ku badatay kelmadda “Handaraab”. Waynu ognahay oo meel handaraabanni waa meel laga maqan yahay ama aan la joogin markaa oo lasii xidhay, miyaynaan ka baqanayn in qabatinka carrabkeenna ee kelmaddaas Alle inoo qaado oo handaraab rabaanniyi inagu dhaco. Waayo waynu is ognahay oo markaynu odhaahdaa isticmaalayno uma adeegsano in wixii xun ee aan wanaagsanayn la inaga handaraabo sida qaadka, laakiin waxaynu ula jeednaa in dalkii inagu handaraabmay oo aanay waxba kala socon, Subxaan! Illaahow carrabkayagu markuu wax aan haboonayn ku hadlayo hanoo qaadin. Alle aynu wanaag ka rajayno odhaah yididiilo iyo xamdinaq tilmaamaysana Alle aynu ku qaabilno meel kasta iyo milay kasta. Waad mahadsantihiin walaal waa iga waano un intanni. Walaalkiin: Maxamed Fuaad Dhago-cadde Source
-
Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si mug weyn maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal. Kumannaan dadwayne ah oo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin “Annagu Jebiyaanu Nahay, kulligeen Jebiyaanu nahay”, kuwaas oo ruxayey callamo iyo caleemo qoyan ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey bartamaha degmada Dangorayo. Musharraxa ayaa intaas kaddib loo soo gelbiyey Dugsiga Sare ee Kalyixeed, halkaasoo uu bulshada kul hadlay, isagoo ugu horrayn ka mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu sheegay in degmada Dangorayo tahay degmo muhiim ah oo dhacda goob istaraatiiji ah, ayna mudan tahay in baahiyaheeda si dhaqso ah looga jawaabo, xil gaar ahna layska saaro. Taas isagoo ka jawaabaya, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu degmada Dangorayo ugu deeqay $20,000 (labaatan kun oo doollar), lacagtaas oo lagu bixin doono mashaariicda dhanka horumarinta ee degmada Dangorayo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Jebiye oo $20,000 ugu deeqay horumarinta degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe Online (Caasimada Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar). Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaas Midowga Yurub uu ugu deeqay, hayeeshee loo soo marsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale Puntland ayaa qoraalkeeda ku shaacisay arrin aysan dad badan ka war-hayn oo ah in dowladda Qatar ay dowladda Soomaaliya siisay lacag gaareysa 200 oo milyan oo dollar.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiisha ugu sareysay ee maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ay hortageen Guddiga arrimaha Diinta, Awqaafta iyo Garsoorka ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Masuuliyiinta maxkamada ka socotay oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha maxkamada Liibaan Jenaraal Liibaan Cali Yarow, waxaa wehliyay Gudoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute. Xubno ka socday xafiiska xeer-illaalinta dalka ayaa sidoo kale kulanka ay qaateen masuuliyiintaan qayb ka ahaa, kaasi oo lagu lafaguray hanaanka cadaaladeed ee dalka iyo sidii loo shacabka Soomaaliyeed loogu xaqsoori lahaa. Sidoo kale, madaxda ayaa inta uu socday kulankooda waxay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan wadashaqayn buuxda oo dhex-mara Guddiga iyo maxkamadaha dalka si loo gaaro cadaalad. Dhanka kale, xarunta Villa Hargeysa waxaa kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga Gadiidka, Dekadaha iyo Wadooyinka Golaha Wakiilada Shacabka ayaa kulan yeeshay, xili ay kawada hadleen sharciga duulista Hawada. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-3.mp3 The post Saraakiisha Maxkamada CQS oo la kulmay Guddiga A/Diinta ee BFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa sannadkii 2009-kii muran u dhexeeyay xisbiyadii mucaaridka ahaa ee KULMIYE iyo UCID iyo xukuumaddii wakhtigaa ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo xisbigeedii UDUB kaasi oo ku saabsanaa komishan doorashooyinka iyo halka ay kala taagnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-25112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
In 1991, President Mohammed Siad Barre was overthrown by the armed opposition in Somalia. A new round of civil confrontation broke out in the country, leading to devastation and terrible famine; at least 300 thousand people were killed. In the spring of 1992, the UN Security Council established a mission, the purpose of which was to provide food for the people of the Somali Republic. From the very first days, however, humanitarian convoys began to encounter obstacles in the form of locally armed formations. Food could be transported only by paying the militants a fee. Moreover, even the missing goods rarely reached the needy. The UN decided to introduce a limited peacekeeping contingent to Somalia, which included representatives from 20 countries, including the United States. However, international interference in the internal affairs of the republic was perceived as hostile by the leader of the Somali National Alliance (SNA), Mohammed Aidid, who effectively declared war to the peacekeepers. The fighting between the UN forces and the rebels began after the cessation of broadcasting of the SNA radio station, which, according to the UN representatives, did nothing but incitement. On June 5, 1993, the peacekeeping forces suffered their first losses. First, 24 Pakistani soldiers were shot in a prepared ambush, later on, the same day, the militants attacked several more groups of peacekeepers. In response, the US Air Force launched a series of strikes against rebel bases, destroying the SNA headquarters, a radio station and Aidid’s house. However, such actions only complicated relations with the local population, much of which took a frankly hostile position towards the United States. However, the UN leaders demanded that the peacekeeping contingent be arrested or in the event of the liquidation of Aidid. Over the head of the leader of the militants appointed a reward of 25 thousand dollars. The operation to capture Aidid was assigned to the US military leadership, for which an operational-tactical Ranger Special Forces group was deployed in Somalia. After conducting several highly controversial and extremely unsuccessful operations, the US military decided to temporarily switch from Aidid to his closest comrades. The goal of the US command was to capture Omar Salad, Advisor to Aidid, who, on October 3, 1993, after an anti-American rally, was supposed to stay in a white three-story building near the Olympic Hotel, in the slums of Somalia’s capital Mogadishu. According to some information, Aidid himself could dwell there. The “Black Sea” quarters (the Americans called this region) were populated mainly by supporters of Aidid, who had an impressive arsenal of weapons. According to various estimates, there were from 2 to 6 thousand fighters and militias. The “Rangers” were going to carry out the operation with forces of 160 people. This alignment did not bode well for the Americans. The operation started at 15:00. American troops from helicopters using the “fast ropes” landed on the building they were looking for and threw assault grenades at the courtyard. However, in less than a minute, heavy fire came down on the Rangers from neighboring buildings. This reaction of the rebels was an extremely unpleasant surprise for Americans. Nevertheless, the Special Forces managed to capture Omar Salad and another 23 members of the SNA (Muhammad Aidid was not in the house). The ringleaders of the militants and escorts managed to get into the “Hummers” which arrived at the scene of the operation, but the road to freedom was a long one. In a matter of hours, the streets of Mogadishu turned into barricades, and as they approached the next obstacle, the American convoy was subjected to the most severe shelling. During the loading of the column by the rebels one of the American helicopters was shot down in which there were 6 servicemen in it. The “Rangers” were forced to send part of the fighters to protect the fallen helicopter, but on arrival at the scene of the accident, they were in a tight ring of rebel actions. A shootout ensued. The fierceness of the battle is indicated by the fact that in a few hours at least 60,000 rounds of ammunition were fired at the enemy. Every hour the situation for the eighty surrounded American military was getting worse. They ran short of ammunition, water, and medicines. It was only late at night after the arrival of reinforcements from the peacekeeping forces that the “rangers” managed to escape from the encirclement with great losses. For all the fighting on the streets of Mogadishu, the “Rangers” killed 18 people, and another 84 soldiers were injured. In addition, the rebels destroyed three Black Hawk helicopters, three Hammers and one truck. Considering that the elite of the American Special Forces participated in the operation, its results were considered catastrophic. The failure in Somalia was painfully perceived by US Secretary of Defense Les Aspin, who immediately resigned. What happened in Mogadishu caused a wide public response in the United States to which President Bill Clinton could not but respond. Under his order, all military operations in Somalia were curtailed, and by March 31, 1994, the final withdrawal of the contingent of American troops from the country is planned. An indefinite truce was concluded with the leader of the Somali opposition, Aidid. The operation in Mogadishu was the last in which such large ground units of the American troops were involved. From now on, the Pentagon will be more careful about the lives of its military, preferring to rely on air strikes. In 2001, Ridley Scott directed The Black Hawk Down, a film about the tragic events of October 1993. Source: Modern Ghana
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safar uu ku marayo gobollada bariga Somaliland ayaa waxa uu gaadhay gobolka Sanaag waxaana lagu soo dhaweeyay degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa seexan doona degmada Ceel-afweyn iyada oo la filayo in bari u anbabaxo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Haddaba dadweynaha Somaliland shacab iyo waxgaradba waxa ay is weydiinayaan Madaxwene Muuse Biixi Cabdi ma booqan doonaa bariga gobolka Sanaag oo in dhawaydba ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wadeen maamulka Puntland iyada oo uu dhawaan safar ku yimid Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Murrashaxiin dhawr ah oo u tartamaya Madaxweynenimada maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay safaro ku marayay deegaano ka tirsan bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan, oo maamulka Puntland ka dhisanayo xarunta Baarlamaankooda. Xildhibaanno iyo waxgaradka reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyay la hadlayay warbaahinta ayaa waxa ay sheegayeen in degmada Badhan ay ka sii baxayso gacanta Somaliland, taasi oo ay dayacday xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xildhibaano ka tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay safarka Madaxweyne balse waxa ay tilmaameen inay muhii tahay in uu gaadho bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan oo muhiim u ah Somaliland. Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa waxa ay sheegayaan in safarka Madaxweynuhu uu dhammaystirmayo marka uu tago degmada Badhan. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
New US ambassador to Somalia sees path to peace, prosperity
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A week before Donald Yamamoto arrived in Mogadishu, three car bombs exploded in the heart of the city, just outside the Sahafi Hotel. Dozens of nearby motorists and pedestrians were killed or maimed. A fourth bomb went off when first responders arrived, bringing the death toll to at least 52, with more than 100 casualties. It was the latest in a string of attacks by the Islamist terror group al-Shabab, which for more than a decade has sought to dismantle the Somali federal government. But Yamamoto, the United States’ new ambassador to Somalia, isn’t deterred. By strengthening its institutions and economy, Somalia can achieve security and stability, Yamamoto told VOA’s Somali service. “We see hope. I think, for the first time in a long time, we’re seeing opportunities that are expanding and growing,” Yamamoto said. ‘We’ve got to be seen’ Yamamoto brings 20 years of experience, both in Somalia and the broader East Africa region, to his new post. He has held top diplomatic positions in Eritrea, Ethiopia and Djibouti. In Somalia, his experiences include engagement with both the Islamic Courts Union and the Somali Transitional Government, competing factions that preceded the current federal government. Yamamoto hopes to use his experiences to build on unprecedented rapprochements among East African neighbors to create new opportunities for Somalia. Now, the goal is to establish a permanent diplomatic presence in the capital, Mogadishu, and find ways to support the Somali people in their efforts to build peace and prosperity. “What is the old American adage? It’s ‘90 percent is to be seen’? And so we’ve got to be seen. We’ve got to be present. And I travel through most of Somalia, so I think I’d like to do that as well,” Yamamoto said. He plans to be operating out of Mogadishu on a permanent basis, with a small team, in the next few weeks. Multipart strategy Yamamoto acknowledges the work ahead won’t be easy. Despite an international presence, routine U.S. airstrikes, and elections in 2016 and 2017, security remains elusive. “Is it dangerous? Sure. Is it challenging? I think it is. But we need to do it because it’s important,” he said. Yamamoto has nearly four decades of experience in U.S. Foreign Service. He attended Columbia College, at Columbia University, in New York. His graduate degree in international affairs and language studies prepared him for his career in diplomacy where, at the State Department, he has received four Superior Honor awards for exceptional service. In testimony to the Senate Committee on Foreign Relations this summer, Yamamoto said he would, as ambassador, strengthen institutions and governance; shift security responsibilities from AMISOM, the African Union’s peacekeeping mission in Somalia, to Somali forces; build economic opportunities, particularly for Somalia’s young labor force; and address humanitarian food and health crises. Local, regional, international integration Key to those efforts, Yamamoto said, is integration — within Somalia and beyond. “You can’t have peace in East Africa without peace in Eritrea, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Somalia, Tanzania. They’re all interrelated, and I think they can all benefit from a vibrant economic program. And that’s what we’re trying to do, not just for Somalia, but for the whole region,” he said. For Yamamoto, that means tapping into a broad set of resources in East Africa — Djibouti’s port and sea cargo facilities, Eritrea’s strategic coastline and mining industry, and Ethiopia’s level-one airport in Addis Ababa, which permits direct cargo shipments to the U.S. Yamamoto also sees a need for better communication within Somalia. “You have to have a really strong integration and coordination and cooperation between the federal government and the federal member states,” he said. The country is now experiencing “growing pains,” he added, and that highlights the importance of factions in the country understanding one another’s needs and demands. Encouraging collaboration with a gamut of international players, from Gulf states to Russia and China, is also important, Yamamoto added. “We’ve talked to the Chinese and the Russians very closely on a lot of areas. We see a lot of commonality. We also see some competition. We see some differences. So we have to resolve differences and emphasize commonality, but more important, we need to … focus [on] what is in the benefit of Somalia and the people of Africa, and how’s it going to help them.” An African future Yamamoto cautioned that ignoring Africa isn’t an option. In less than a century, he said, 40 percent of the world’s population and 30 percent of its labor force will be African. Those numbers mirror United Nations projections. “So Africa is going to be a major, major player. And you want a stable, vibrant, economically progressive continent. You do not need an unstable or a divided continent,” Yamamoto said. And that, he added, is cause for optimism. “The future really is, I think, potentially very bright, particularly in Somalia.” Source: VOA -
Murashaxiintii Koonfur galbeed ee ku Midoobey isbeddel-doonka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay u tanaasuleen murashaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Kooxdan waxaa ay adkeeyeen xuquuqda dastuuriga ee dastuurka federaalka siinayo dadka reer koonfur galbeed inay yeeshaan maamul hoosaadkooda u madaxbannaan. Waxay sidoo kale qoraalka ku xuseen inay jirto faragelin toos ah oo ay dowladda federaalka ku heyso nidaamka doorasho ee Koonfur galbeed. Duruufahan iyo qaar kale oo ay tahay rabitaanka bulshada ayey sheegeen inay go’aansadeen in murashaxooda uu noqdo Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Doorashada ayaa Baydhabo ka dhici doonta 5ta bisha soo socota Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana goobta ka baxsaday kooxaha dilka ka geystay degmada Shibis. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kasoo baxay ciyaarta Kubbada Cagta oo uu ku ciyaarayay meel aan ka fogeyn halka lagu dilay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa. Lama oga waxa uu ahaa wiilka dhalinyarada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu kamid ahaa ciidamada Nabad sugida, inkastoo aan la xaqiijin. Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dilka ka dib waxay baaritaan ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen, iyadoo ay baxsadeen dadkii falka ka dambeeyay. Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka tirsan dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto. Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas. Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka. Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sarreeye Guud Siciid Dheere oo u tartamaya madaxweyne Musharraxa doorashada madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019-ka sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa maanta oo Axad ah si heer sara loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Shacabka fara-badan oo mudda saacado ah halkaasi ku sugayey ayaa musharrax sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyay markii uu gaaray Gaalkacyo,waxaana loo gelbiyay hoyga uu ka degay magaalada. Musharraxaha oo halkaasi kula hadlay saxaafadda ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen bulshada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna ka warbixiyay qorshihiisa doorashada. Mudane Siciid Dheere ayaa inta uu joogo Gaalkacyo wuxuu kulamo la qaadanaya bulshada qeybaheeda kala duwan,isagoo kala hadlaya ol’olihiisa doorashada. Halkaan ka daawo muuqaal dhammaystiran PUNTLAND POST The post Musharrax Siciid Dheere oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn. Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada ee Arrimaha Naafada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Hogaamiyayaasha Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn. Gudoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu u hogaansamayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn. Wasiir Deeqa Yaasiin oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirka ayaa tilmaamtay muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, iyada oo ku tilmaamtay in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. Wasiirada waxa ay sheegtay in Wasaaradeeda ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha. Wasiir Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”. Ugu dambayn, waxaa shirka laga soo saari doonaa Talooyin iyo Baaq ku aadan sidii Dastuurka dhexdiisa loogu sugi lahaa Xuquuqda dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Heysan. PUNTLAND POST The post Shir lagu Falanqeynayo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dastuurka oo ka Furmay Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada. Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon. Sidoo kale, Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo. Farqadda 9-aad xarafkeed (B), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS). Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (D) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (E), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (F), Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (G), Maamulka G/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido. Ugu dambeyn, Waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Jawaab Adag ka bixiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda BF appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Kenya (AP) – Kenyan police have identified three suspects in the kidnapping of an Italian woman and are offering a reward of one million shillings ($9,750) for information leading to their arrest. There has been no claim of responsibility for the first kidnapping of a foreigner in the East African nation in several years. Police have said they are optimistic the aid worker will be found “within the shortest time possible.” The 23-year-old Italian Silvia Costanza Romano was seized on Tuesday from a coastal community by gunmen who also wounded five people, including children. Such attacks had become rare after 2011, when Kenya deployed forces to neighboring Somalia in a bid to stop the al-Shabab extremist group from kidnapping foreigners. Police said the suspects in Tuesday’s attack are Ibrahim Adan Omar, Yusuf Kuno Adan and Said Adan Abdi. ___ This version corrects to say the kidnapping occurred on Tuesday. Source: AP
-
Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah daah-furtay ol’olaha maalinta caalamiga ah ee joojinta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka. Ol’olaha oo socon doona mudda 16 maalmood ah ayaa ku jihaysan wacyi-gelinta bulshada ee cidhib-tirka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana laga qabanayaa dhammaan sagaalka gobolka ee Puntland. Wasiirka wasaaradda Haweenka dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali ayaa si rasmi ah u daah-furtay ol’olaha,waxaana munaasabadda ka soo qeyb galay,wasiirka Waxbarashada pro Abshir Yuusuf Ciise,saraakiil ka socotay hay’adaha ay wasaaradda shaqa-wadaagta yihiin,haween iyo marti sharaf kale. Marwo Maryan Axmed Cali,wasiirka wasaaradda Haweenka ayaa sheegtay in ol’olahan ay wasaaraddu qabato sannad kasta ujeedkiisuna yahay in gebi ahaanba la suuliyo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka. Sidoo kale wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Pro Abshir Yuusuf Ciise oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada,sidaasi darteedna aan marnaba la aqbali karin in tacaddiyo loo geysto. Mr Sayed Sahibzada oo ah madaxa hay’adda UNDP ee Puntland ayaa dhankiisa wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana uu bulshada ugu baaqay in laga-wada qeyb qaato ol’olaha. Madaxa shaybaarka denbiyada la xidhiidha jinsiga ee (Puntland Forensic Center) Cabdirashiid Maxamed Shire ayaa isaguna bogaadiyay dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka. Axmed Cismaan Aadan oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa dhankiisa sheegay in ay hay’addiisu dowladda Puntland si mugleh ugala shaqeynayso dabar-goynta tacaddiyada Haweenka,gaar ahaanna gudniinka oo dhib ba’an ku haya gabdhaha da’da yar. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay ol’olaha dabar-goynta tacaddiyada Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey socdaalka uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana jawaabta Puntland ka muuqata inay wax ka qaban weysay socdaalka biixi. Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland Cabdiraxman Abuubakar Geelle ayaa sheegay in shacbaka ku nool magaalada Laascaanood ay ka hor-istaageen madaxweynaha Somaliland in uu galo magaaladaas, oo dibedda un uu ku ekaaday. Waxa uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu xirnaa jaakad bir ah oo aysan xabadu karin, cabsi daraadeed, isla markaana shacabka magaalada laascaanood ay banaanbax kala hortageen, una diideen inuu magaalada gudaha u galo. “Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa, oo wuu baqayey shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo Laascanod” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli waxa uu booqashooyin ku kala bixinayaa deegaanada Bari ee Somaliland, waxaana shalay uu tegay deegaanka Tukaraq oo ay isku hor-fadhiyaan cidamada Somaliland iyo Puntland. Socdaalka Muuse Biixi ee Sool iyo Sanaag ayaa dad badan u arkeen mid muujinaya in labadaas gobol oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland lagu kala adkaaday, islamarkaana Somaliland ay iminka tahay awoodda gobolka. Dhageyso hadalka Cabdiraxman Abuubakar Geelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Guddoomiyaha-Gobolka-Sool-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kharashka ilaalada Madaxtooyada ku baxaaya Wuxuu ka dhigay mid ka badan 8-Wasaradood oo Qaranka hawlo muhiim ah u haya, kuwaas oo haddii la tayayn laha wax qabadkoodu bulshada gaadhi laha. 1.4% Wadarta guud miisaaniyadda 3 wasaradod ee oo kala ah * wasaaradda macdanta iyo Tamarta *wasaaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda shaqadda iyo shaqalaha Waxa ka badan Dakhaliga loogu talo galay ee ugu jira miisaaniyadda ilaaladda madxtoyadda , Dakhliga (Budget) misaaniyadda loogu talo galey ilaaladda madaxtoyadda waxay u dhigantaa boqolkiba 1.4% Waxaanay miisaaniyadda madaxtooyaddu ka badato 8 wasaradood oo Qaranka u adeegi lahaa. Wadarta guud misaaniyadda 8 wasaradood = 8% * wasaaradda beeraha *wasaaradda deegaanka *wasaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha * wasaradda shaqadda iyo shaqalaha *wasaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda biyaha *wasaradda caafimaadka *wasaradda macdanta iyo tamarta. Arrinta ayaa cadayn u ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqonaayo Madaxweynihii ugu lacag uruursiga badnaa ee Dalka soo mara. Source
-
Guddiga doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta shahaadada tartanka guddoonsiiyey qaar ka mid ah murshaxiinta. Murashaxiinta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ah: C/casiis Laftagareen, Ibarihim macalin Nuur, Aden Saransoor, Xussein Cusmaan Xussein iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Source: goobjoog.com