-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Misaaniyada Ilaalada Madaxtooyada Loo Qoondeyay Oo Ka Badan Dakhliga 8-Wasaradood . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kharashka ilaalada Madaxtooyada ku baxaaya Wuxuu ka dhigay mid ka badan 8-Wasaradood oo Qaranka hawlo muhiim ah u haya, kuwaas oo haddii la tayayn laha wax qabadkoodu bulshada gaadhi laha. 1.4% Wadarta guud miisaaniyadda 3 wasaradod ee oo kala ah * wasaaradda macdanta iyo Tamarta *wasaaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda shaqadda iyo shaqalaha Waxa ka badan Dakhaliga loogu talo galay ee ugu jira miisaaniyadda ilaaladda madxtoyadda , Dakhliga (Budget) misaaniyadda loogu talo galey ilaaladda madaxtoyadda waxay u dhigantaa boqolkiba 1.4% Waxaanay miisaaniyadda madaxtooyaddu ka badato 8 wasaradood oo Qaranka u adeegi lahaa. Wadarta guud misaaniyadda 8 wasaradood = 8% * wasaaradda beeraha *wasaaradda deegaanka *wasaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha * wasaradda shaqadda iyo shaqalaha *wasaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda biyaha *wasaradda caafimaadka *wasaradda macdanta iyo tamarta. Arrinta ayaa cadayn u ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqonaayo Madaxweynihii ugu lacag uruursiga badnaa ee Dalka soo mara Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Weerarka ayaa dhacay abaaro 06:00 Am Subaxnimo ee saaka, waxaana uu ku bilowday qarax lala eegtay xarunta Sheikh Cabdi Welli Yare oo ku taala Koofurta magaalada Gaalkacyo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kasaaro badan uu dhaliyay weerarka oo qaraxyada kadib weerar toos ah uu xigay, waxaana la sheegay in gudaha xarunta laga maqlay rasaas iyo qarax loo malaynayo inay shaqsiyaad isku xireen. Ciidamada DANAB oo si gaar ah u tababaran ayaa la sheegay inay ku biireen weerarka iyaga oo difaacayay xarunta la weeraray, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhaceysa. Khasaaraha ugu badan ayaa la sheegayaa inay gaareen dhalinyarada xarunta ku sugneyd oo daacad u ahaa wadaadka leh xarunta oo ku taala dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo. Lama hubo khasaaraha inta uu la eg yahay, waxaana magaalada Gaalkacyo la isla dhex marayaa in Wadaadka xarunta lahaa lagu dilay goobta, walow aan la xaqiijin karin ilaa io hadda. Caasimada Online ayaa ku howlan xaqiijinta khasaaraha dhab ah ee ka dhashay weerarka saaka. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta musharax Mukhtaar Robow loo ogolaaday in uu u tartamo doorashada Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo la siiyey shahaadada musharaxnimo. Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada. Arritan ayaa ku soo adeysa xilli ay dowladda Federal-ka isku dayeysay in ay ka reebto loolanka, ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran ku saartay in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor. Hase ahaatee, go’aankii gudiga doorashada ee Koonfur Galbeed markale ugu ogolaadeen Roobow waxay dhalineysaa laba arrin. 1 – Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo xiiso badan yeelan doonta. Caadiyan haddii uu tartanka ka hari lahaa Robow, doorashada Koonfur Galbeed waxa ay noqon lahayd mid aan xiiso lahayn, sababtoo ah dad badan waxay doonayaan inay ogaadaan waxa dhici doona, maadaama Roobow uu yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab. Haddii Roobow laga reebi lahaa doorashada, waxaa soo bixi lahayd in dowladda si rasmi ah ugu guuleysatay in ay dhabbaha u xaartay musharaxa ay iyada wadato ee Cabdicasiis Lafta Gareen. In Robow ka soo muuqdo liiskaas waxa ay noqon doonta mid xiiso keenta iyada oo ay waliba beesha caalamka si gaar ah ula socon doonto waxa ka dhacaya Baydhabo. 2 – Dowladda federaal-ka oo markii labaad ku guuldarreysatay in ay Roobow ay reebto Waxa ay dowladda isku dayday in ay si toos ah ama si dadban uga reebto Roobow tartanka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed. Waxaa caddeyn u ah qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu sheegayey in uusan tartami karin iyo dadaalo ay galisay guddiga doorashada si ay u reebaan Roobow. Hase ahaatee, in markale uu helo ogolaansho waxa ay dhabar jab ku tahay xukumadda Xassan Cali Kheyre oo si weyn farogalin uga heysa doorashada Koonfur Galbeed. Waxybaaha xoojinaya taageerada uu Robow ka helayo beesha Digil iyo Mirifle waxaa lagu soo koobi karaa saddex qodob oo kala ah 1 – Hanjabaaddiisii qabiillada Shabeellada Hoose dhibaatada ka wada, 2 – La dagaalanka Al-Shabaab iyo 3 – Ciribtirka tuugta isbaarada dhigata wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meel aan ka fogeyn masaajid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu aasay meel u dhow Masjid ku yaala Xaafadda KPP ee degmada Hodon, waxaana ciidamada NISA ay sheegeen inay taageero ka heleen shacabka, maadaama xogta ay usoo gudbiyeen. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA laguna daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan qaraxyo kale oo magaalada looga shakisan yahay in lagu hayo. “Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo qarxa, oo ay dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir. Labadii habeen ee ugu dambeysay ciidamada ayaa baaritaan ka waday xaafadaha degmooyinka, Waaberi, Heliwaa, Hodon iyo Wadajir iyaga oo ku raad joogay dadka falalka amni daro ka geysanaya magaalada. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacayo-[Puntland Post ]Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay Magaladaas. Wariyeyaal ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada lagu weeraray Xarun uu Koonfurta Magalada Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta,isla markaana rasaas laga maqlayo Gudaha Xarunta. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare la soco Faah-Faahin insha allah Puntland Post The post Qaraxyo Iyo Weerar Lagu Qaaday Saaka Xarun Ku Taalla Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayaa hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah. Hadaba waxa jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka. Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir. Musuq-maasuqa iyo xatooyada maamulka gobolka Banaadir ayaa maraya heer ay u muuqato in Yariisow uu xilkiisa ku weyn doono, waxaana lacagta maqan ay tahay mid ka badan tan gobolka uu xisaab xirka ku sameeyey. Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday R/W Kheyre inta badan ku shaqeeya rabitaankiisa. Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo aan helnay. Xogaha aan helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ayaa isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka. Xigasho: Muqdisho Online Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:
-
Qaraxyo iyo Weerar Toos ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ku waabariisatay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo la maqlay. Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa lagu qaday Xarun uu leeyahay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo caruur badan ku hayay xarunta. Gudaha Xarunta ayaa la sheegaya in ragga hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhex dhaceysa gudaha. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. La soco waxii kusoo kordhaa Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com -
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Racep Tayyip Erdogan ayaa iska diiday dalab kaga yimid dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ahaa inuu la kulmo madaxweyne Erdogan. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u dalbaday in Erdogan uu la kulmo inta uu socdo shirka Wadamada ku bahoobay G20, oo 30-ka bishaan ka dhacay magaalada Caasimadda u ah dalka Argentine. Shirkaasi oo bilaabanaya dhammaadka Novermber ayaa socon doona ilaa 1 December ee sanadkaan, waxaana Erdogan uu diiday inuu la kulmo Maxamed Bin Salmaan, sida lagu daabacay Shabakada wararka Turkey ee Haber. Talaadadii hore madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga inta shirka uu socdo, sidoo kale Arbacadii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna shaaciyay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga. Arintaan ayaa timid iyadoo Sacuudiga uu dhibaato badan kala kulmay dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo horaantii bishii lasoo dhaafay lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Jimcihii laso dhaagay Washington Post ayaa shaacisay in CIA-da Mareykanka ay soo gabogabeysay in Maxamed Bin Salmaan uu shaqsiyan u amray dilka wariyaha. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha. Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha. Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u siman yahay. Muslimiinta waxaa u sii dheer inay u baahanyihiin waqti ay ku tukadaan. Haddii suuligi la isu xisaabiyay waqti lagu tukado in bilaash la isku siiyo ma meeshaba kuma jirto. Hasa yeeshee Soomaalidu in badan ayay ka adkaadeen shirkadaha waaweyn ee ay u shaqeeyaan. 2005’ti shirkadda ugu weyn ee tafaariikhda iibiso dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Tesco ayaa sidaas oo kale soomaali u shaqaynaysay ku qasbeen wada xaajood, ka dib marki ay diideen inay ka shaqeeyaan khamriga. Waqigtaan waxaa soomaalida la shaqaynayay muslimiin badan oo Aasiyada fog kasoo jeedo iyo kuwa Afrikaan ah. Muslimiintaan dood badan kama aysan keenin inay guraan khamriga balse Soomaalida ayaa isa soo taagtay. Shirkaddi waxay isku dayday xeel iyo xoog intaba inay arrintaan soomaalida marsiiso. Dhinac waxay ugu hanjabtay inay shaqada ka eryi doonto, dhinaca kale waxay raadisay fadwo culimo oo ogol inay muslimiintu khamriga ka shaqayn karaan taasoo ay soo heleen QIIL. Labadiba Soomaalidi mari wayday. Laga yaabo inta aanan aqoonta u lahayn sharciyada shaqada iyo shaqaalaha waddamada Galbeedka inay la yaabayaan sababta aan loo cayrin karin qof kuu shaqeeyo. Shaqaaluhu waa labo nooc: Mid ku meel gaar ah oo waqti yar aad kiraysato iyo mid joogta oo heshiis waqti dheer lala galo. Kan hore xuquuq badan ma lahan oo shaqadiisu waa joornaati maalinle ama asbuuc leh ah. Midka labaad xuquuq badan oo heshiiskaas ku cad ayuu leeyahay. Wixii aan heshiiskas aan ku jirin ee shirkaddu gadaal ka keento xaq ayuu u leeyahay inuu diido shaqana lagama eryi karo. Haddii ay dhacdo in laga eryo dacwo ayuu furi magdhow badan inuu helo ayayna u badan tahay. Sidoo kale, arrimaha la xariiro diidamaha iyo dadka laga tirada badan yahay sida khaniisiinta xuquuq lama taabtaan ah ayay leeyihiin. Labadi xeeladodba shirkaddi u shaqayn wayday marki danbana waxay ku khasbanaatay inay aqbasho sidi ay Soomaalidu rabtay oo ahayd inay ka shaqeeyaan wixii diintoodu ogoshahay. 2012’ki aniga in la hadlayo iyo soomaali kale oo aan wada shaqayn jirnay ayaa isla shirkaddaas Tesco maxkamad la fuulnay ka dib markii ay nagu dhibeen salaaddi. 2013’ki ayaa kiiski nalo xukumay xoogaa magdhow ah oo aan badnayna waa nagala siiyay. Kiiskaan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee dad ku doodayo in diin darted lagu takooray ay ku guulaysteen. Horay waxaa u dhacday dacwado ay gaysteen shaqsiyaad masiixi ahaa oo ka cowday in lagu dhibay diintooda laakiin kuma aysan guulaysan dacwadoodi. Mar walba oo Soomaalidu dagaal intaas la eg oo qaarkiis sanado qaatay ay galayso Muslimiin iyo dad kale oo dhibka la qabo ayaan far dhaqaajin wixii loo sheegana yeelo. Haddaba waxaa maxay sababta ka adanbayso dhiirranaanta Soomaalida waase maxay sababta ay ugu guulaystaan inta badan dagaalka ay galaan. Marka hore, waxaa jiro ismaandhaaf. Soomaalida qurbaha tagto waa dad dhalinyaro ah, aqoon aan lahayn kana yimid dal burbursan. Sawirka laga haysto ayaa ah dad baahan oo hadda nolol cusub arkay, sharciga dalka aan aqoon, lacag ay garyaqaanno ku qabsadaan aan haysan af ay dacwo ku gudbistaanna aan aqoon. Arrimahaan oo la isku daray waxay keenaan inay maamulayaashu ay Soomaalidu la shaqayso isku dayaan inay cadaadis badan saaraan si xoogganna ugu shaqeeyaan. Dhinaca Soomaalida badownimada ka hayso sharciga dalka, afka aysan aqoon iyo awood la’aanta dhaqaale ayaaba ah midda keenayso inay isa soo mutaxaan. Si aan u fahanno waxa aan kaga jeedo aan eegno dadka kale. Dadka loo yimid waa kuwo lagu barbaariyay sharciga. Waxay u kala cabsadaan sida loo kala darajo badanyahay. Wixii la yiraahdo waa sharciga shirakadda kuma dhiirran karaan inay jabiyaan waayo caaqibada ayay ogyihiin. Intooda badan shaqada ay hayaan dhowr fac ayay kusoo jireen oo aabbayaashood ayay ka dhaxleen sidaas awgeed in shaqo laga soo cayriyo ama lagu eedeeyo ma shaqayste waxay sumcad darro ku tahay qoyska oo dhan. Madaxtinimadu qiimo badan ayay u leedahay. Ruuxa horjoogaha u ah si xooggan ayay uga baqaan madaxda sarana wajigooda xataa ma fiirin karaan. Ixtiraamka madaxda iyo cabsida sharciga waxaa usii dheer in lagu barbaariyay kalinimo (individualism). Taasi waxay ka dhigantahay naftiisa mooyee qof kale wax kama galin. Haddii saaxiibkiis la shaqayn jiray sanado badan qaraabo dhowna ay yihiin si walba loo dhibo wuxuu dhihi isagay u taallaa ee ha is furdaamiyo. Sababtu waa bulshada uu ku dhex koray ayaa sidaas u nidaamsan oo qof walbow naftaa la yiri nooc walba oo nolosha ka mid ah. Intaas waxaa dheer inay intooda badan dayn ku jiraan. Ma jiro ruux qaangaar ah oo aan dayn qabin. Sanadkaan warbixin la qoray waxay tustay in celcelis ahaan qof walba oo Maraykan ah lagu leeyahay $38000 (Soddon iyo siddeed kun oo doolar). Deyntaan kuma jirto midda guryaha iyo baabuurta lagu qaato ee tirada badan ee waa midda dukaamaysiga caadiga ah lagu galo. Deymaha nuucaan ah waa kuwo bille loo bixiyo, hal bil oo ay kugu go’dana kuu horseedi karto dulsaar xad-dhaaf ah iyo ganaax. Sidaas darteed shaqada oo laga eryo waxay ooga dhigantahay inay xabsi galeen. Soogalootiga aan Soomaalida ahayn way ka dhaqan duwanyihiin Soomaalida. Qaar sida caddaanka ayay ka yimaadeen dhaqammo sharciga iyo madaxda aad loo ixtiraamo. Qaar in shaqaalaha la guumaysto caadi ayay ka ahayd oo midda ay hadda yimaadeen ayaaba nasri u ah. Dadka sidaan ah waxaa u badan Aasiyaanka. Qaar cabsi rabbaani ah ayaa hayso sida dadka madow. Madowgu isagoo si walba u shabbaho Soomaalida oo aysan jirin caano ka daadanayo ayaysan ku dhiirran karin inay ka hadlaan dhibka lagu hayo. Haddaba sawirka aad caddaanka kasoo aragtay garab dhig Soomaalida. Maamulayaashu 99% waa caddaan. Waxay filayaan dhaacada dadkooda oo kale iyo mid kasii badan maadaama ay u arkaan in ajaanibtu ka hoosayso caddaanka. Ninki sidaas qabay waxaa u yimid Soomaali aan waligiis shaqayn, waligiis aan arag aabbo iyo adeer shaqo u socdo. Sharci iyo nidaam la ilaaliyo aysan ku jirin manhajka wax lagu baro. Halka ruuxa cad maamule uu la murmay ay ceeb u keenayso reerkiisa, soomaaliga maamule si xun ula hadlay oo uusan ka falcelin ayaa fadeexad ku ah qoyskiisa iyo qabiilkiisa oo dhan. Halka caddaanku ku shaqeeyaan “ninwalbow-naftaa”, Soomaalidu waa “walaalkaa u gargaar”. Sanadki 2007’di ayaa innagoo shaqo ku jirno waxaa ii yimid wiil soomaali ah oo xanaaqsan (waa wiilka aan Tesco maxkamadda wada saarnay). Hadba dhinac ayuu u ordayaa tobaneeyo Soomaali ah oo meesha ka shaqayso ayuu isu aruurinayaa wuxuuna leeyahay kasoo baxa shaqada. Marki uu yimid isagoon waxba ii sharrixin ayuu igu yiri soobax soobax anna waan raacay. Illinki laga bixi lahaa markaan marayno ayaa waxaa na joojiyay maamule heer dhexe ah wuxuuna yiri suga waxyar. Wuxuu u yeeray mid ka sarreeyay wadahadal ka dibna dib ayaan shaqadi ugu noqonnay. In badan oo aan anigu ku jiro waxaan usoo baxnay xataa ma ogin. Markaan laabannay ayaa niri maxaa jiro. Waxaa naloo sheegay Xasan oo Soomaali ah inuu Mark oo aan wada naqiinnay inuu nin xun yahay af-dhaajiyay ka dibna caayay. Arrinti Xasan iyo Mark joogtay waxay Soomaalidi ka dhigtay Soomaali iyo Ingriis. Xasan-ka dhaqan iyo akhlaaq midna kuma uusan dhaammin Mark laakiin beel weynta Soomaaliyeed ayuu ka dhashay ilmo adeerro gacan fudud ayaana u joogo!. Tallabada aan maalinkaas qaadnay sharci ahaan caaqibadeedu waa ruqso aan racfaan lahayn. Waayo lama ogala kooxaysi. Labo haddii ay tabasho jirto jid loo maro ayay shirkaduhu leeyihiin oo ciddi wax tabanayso warkeeda lagu maqlo. Saas oo ay tahay digniin xataa nalama siin laakiin inaysan mar danbe dhicin ayaa na loo sheegay muddo bilo gaartayna si joogta ah ayaa naloola kulmi jiray si loo xaqiijiyo inay tabashadi dhammaatay iyo in kale. Kooxaysiga waa awoodda ugu badan ee ay Soomaalidu leedahay markay la macaamilayso shirkadaha dhiig-miiratada ah. Ma jirto qowmiyad kale oo fudaydkaas dhiiggeeda lagu kicin karo. Lama heli karo dad aan isku dan ahayn oo haddna hal ruux dantiisa danahoodi dhan oo qarribo. Hab-dhaqankaan waxaa loo arkay mid waalli iyo ku dhisan sharciga howdka. Sidaas darteed marki ay dhacdo shirkaduhu waxay garwaaqsadaan inaan laga guulaysan qof aan sharci aqoon. Sidaas ayay u door bidaan inay xeer jajab kula macaamilaan Soomaalida. Sidoo kale, marki maxkmad la tago qaalliga waxaa u sawiran arrinta intaan oo qofka ah isku mamda’a ka dhigtay inaysan sahlanayn. Qaalliyadu waa odayaal waaya-arag ah aadna u yaqaan xad-gudubyada shirkadaha sidaas awgeed waxay aad u tuhmaan in la isku dayay in Soomaalida iyo soogalootiga si gooni loo bartilaamadaysto aqoonta la’aanta iyo af la’aanta awgeed. Garyaqaannada u doodo Soomaalida ayaa iyaguna sidaas oo kale hadalka u dhigo. Arrimhaan oo la isku daray waxay sahlaan in qaalligu dhinaca shaqaalaha dacwada qabo u bato. Tan ugu danbayso ee Soomaalidu far soo dheeraatay u noqotay waa inaan deyn lagu lahayn. Meel walba oo ay tagto Soomaalidu wali waa ree guuraa. Si fudud uguma milmaan dalalka ay tageen dhaqankooda. Daymaha ay u baahanyihiin waxay ka qaateen Soomaali kale. Shayga kaliya ee ka xaaraanta ah Soomaalida waa dulsaarka (arrintaan hadda isbaddal ayaa ku socdo) sidaas darteed guri deyn dulsaar leh kuma qaataan. Si kooban ruuxa soomaaliga ah ee xammaaliga ah waa awr caddaysin ah. Wax ka dhulyaal iyo wax ka lumaya oo aan ka ahayn biilka uu qoyskooda u diro ma jiraan. Taasi dhib waa ku filantahay laakiin dhaqankeenna ah inaan barri laga fakerin iyo in waxwalba qaddar Eebbe loo tiiriyo ayaa keeno in aannan waxba ka nixin. Ugu danbayn Soomaalidu waxay arrimo yaab geesinimo iyo dhiirranaan leh ka muujiyeen waddamada ay tageen. Meelaha ay ka shaqeeyaan ma qaataan xad-gudub iyo hoosayn. Taasi maahan inay marwalba iyagu saxanyihiin ee inta badan wax caadi ka ah goobaha shaqada ayay dood ka keenaan maadaama aysan fahamsanayn ama dhaqan ahaan aysan horay usoo baran. Arrintaan inkastoo dhinac ay ka tahay mid lagu farxo dhinaca kale waa mid mugdi ah. Dhaqankaan waa dib u dhac u keenayo horumarka iyo nabadda dalkeenna. Ismaqalka, ixtiraamka madaxda iyo ka baqidda sharciga oo la waayo waxay ka dhigantahay in loo noolaado sida lagu noolaa barigi miyiga. waxaa la heli doonin shaqaale soomaali ah oo dhaga fudud kana shaqeeyo horumarka dalka. Waxaa dhici doonta marki dalku billaabo horumar ballaaran in la waayo shaqaale carbiyaysan oo Soomaali laguna qasbanaado in dalalka dariska ah laga keeno shaqaale badan taasoo dhib weyn ku ah qoysaska soomaaliyeed. Arrinta nuucaan waa mid hadda ka taagan dalalka Khaliijka oo dhaqammo badan aan iska shabbahno. Waxaan qabaa in iskoollada, malcamadaha iyo jaamacadaha lagu tarbiyeeyo caruurta iyo dhalinta waxbarashada ku jirto si ay diyaar ugu noqdaan shaqo iyo shaqaalenimo. W/:Q Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Bishan Nofember 9dii illaa 10dii, waxa shir saddex-geesood ah ku qabsaday magaalada Bahir-dhaar ee Gobolka Amxaarada,madaxda waddamada Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya. Wadahadalladu waxay ku qotomeeen isdhexgalka dhaqaalaha ee saddexda waddan, xoojinta iskaashiga amniga, iyo in la mideeyo mowqifka saddexdan dal ee ku aaddan siyaasadda caalamka. Waxa shirkaas ka maqnaa dalka Jabuuti oo meel muhiim ah kaga yaal Geeska Afrika, isir wadaagna la ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ma waxa arrintan loo micnaysan karaa in Farmaajo Jabuuti faquuqay, mise Jacayl cusub iyo meel kale oo uu calmaday ayuu u guuray? Inkasta oonay caddayn baaxadda isdhexgalka Geeska Afrika, waxaad moodaa in siyaabo kala duwan ay u dhigeen madaxda saddexdan dal. Eriteriya nin u hadlay aad ayuu uga gaabsaday israac ama isku dar saddexdan dal, laakiin waxa uu qirtay in la isku furo sadexdan dal. Maxamed Cabdulaahi Farmajo laftiisu waxa uu ku soo koobay hindisahan saddex-geesoodka ah “isdhexgal dhaqaale,” iyo in la iska kaashado xagga “nabadaynta” Gobolka Geeska Afrika. Raysel Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dhiniciisa ku andcooday in “la filan karo in saddexda dal yeelan doonaa hal madexweyne.” Waxa la xasuustaa in R/W Abiy Villa Soomaaliya ka dhex sheegay in “Soomaaliya iyo Itoobiya ay midoobi doonaan.” In uu R/W Abiy riyo iyo dhalanteed ka hadlayo iyo in kale ma cadda. Kaliya waxa hubaal ah in aanay saddexdan dal weli diyaar u ahayn in ay midoobi karaan xilliyadan xaadir ka ah. Sikastaba ha ahaatee, durba waxa la saadaalinayaa cidda ka faa’iidi doonta hindisahan. Horraaanba dalka Eriteriya hindisahan wuu maalay: cuna qabatayn muddo dheer saarayd ayaa Eriteriya laga qaadaay; albaabadii dibloomaasiyaddana waa loo furay. Dhinaca Soomaaliya, albaabadii u furnaan jiray madaxda Dwolad Goboleedyada ayey Itoobiya giddi ahaanba soo xidhay, inkastoo weli Keeniya u furantahay. Xilliga dhaw, waxaay u egtahay in Villa Soomaaliya ka gacan sareyso Dawlad Goboleedyada. Hase ahaatee marka dhibta siyaasadeed ee Soomaaliya loo dhaadhaco, Itoobiya iyo Eriteriya tooni waxba ka ma qaban karaan. Guusha hadda Villa Soomaaliya ku xisaabtamayso waa “geel carruuri qaadday” oo kale. Sababtoo ah, is-afgranshawaaga siyaasiyiinta Soomaaliya waxuu salka ku hayaa xaalado maxali ah oo gudaha dalka ka jira. Xal siyaasadeed, gaar ahaan nidaamka fadaraaliga oo la hufo oo kaliya iyo qadiyadda Soomaaliland oo la furdaamiyo ayuun baa lagag gudbi karaa. Arrimaha aan sida dhibta yar lagu xallin karin waxa ka mid ah arrinta Soomaaliland. Waa suurtagal in Itoobiya cadaadis saarto Hargeysa, iyada oo looga dan leeyahay in la raaligaliyo Villa Soomaaliya lagana midhodhalin rabo jacalyka cusub ee Bahir-daar lugusoo yegleelay (waa sababta loo xidhay qunsulkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ku lahayd Soomaaliland iyo Puntland). Laakin lama filan karo in tallaabooyinka Itoobiya qaadayso iyo cadaadis hor leh ooy Soomaaliland saarto in wax badan soo kordhin karaan. Arrinta Soomaaliland waa arrin facweyn oo Soomaali u taal la rabona in Soomaalidu iyadu dhammaysato. Haddii lasii faquuqo Soomaaliland, waxaba dhici karta in arrintu gacanta Soomaaliyeed ka baxdo, wadahadalladii bilaowga ahaa ee u dhaxeeyay Hargaysa iyo Villa Soomaaliya na meel xun iyo dhagax ku dhacaan. Intaas wixii dhaafsan, marka si gaar ah aan ugu fiirsano qaabka hindisaha sadex-geesoodka ah loo maareeyey, waa in saddex arimood hoosta laga xariiqo: 1) Kaabayaasha Isdhexgalka saddexda dal: Intaan nafacada isdhexgalka saddexdan dal la gaadhin, wax ka horreeya in la dajiyo guddiyadii iyo shuruucdii lagu maarayn lahaa hindisahan hadda riyada u eg. Dhinaca Soomaaliya waxa loo baahan doonaa (a) in la xeer galiyo awood qaybisiga dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada oon hadda jirin (Federalism); (b) Saami qaybsi sharciyeysan oo ku aaddan khayraadka iyo cashuuraha dalka (Fiscal federalism); (c) in la hufo nidaamka cashuuraha dalka oo dhan (Taxation system). 2) Nabadayn: a) In nabadayn buuxda laga helo Soomaaliya oo laga adkaado Alshababa isla markaana dawladda federalka awoodeeda la gaadhsiiyo gobollada iyo dagmooyinka dalka oo dhan. Dawlad aan awooddeedu dhaafsanayn dhawr sakadood oo magaala madaxda dalka ah wey ku adagtahay in ay xeedho-wadaag la noqoto dalal ciidamadoodu kor u dhaafeen saddex boqol oo kun dalkiiba. b) Itobiya qudheeda nabad taam ah ma haysato, oo dagaal sokeeye oo u dhexeeya qowmiyadaha ayaa dalka oo dhan ka aloosan, haba ugu daraadeen kan Soomaalida iyo Oromoda u dhaxeeya. Haddii ilaa hadda Soomaalida Itoobiya ku hoos jirtaa ay ka cabanayeen in Dawlad Deegaankood aanay ka hadli kareyn xasuuqa Oromodu ku hayso Soomaalida, tolow ma waxa la gaadhidoonaa, ayey dadka qaarkood isweydiinayaan, xilli ay Villa Soomaaliya indhaha ka qarsato xasuuq intan ka balaadhan oo Soomaali ku dhaca; weynu xasuusanaa xasuuqii dawladda Itoobiya ka geysatay Muqdishu iyo gobolka Banaadir markay taariikhdu ahayd 2007dii. Eriteriya Iyana in ay silciso Jabuuti hadday dhacdo, Soomaaliya ma ka gaabsan doontaa in ay ka hadasho? Waa su’aalo aynaan hadda ka jaawaabi kareyn, laakiin u baahan in diiradda lagu hayo. 3) Faro-galin Milatari oo hor leh: Waxa suurtoobi karta hindisihan saddex-geesooka ah in uu keeno in ciidamo badan oo itoobiya iyo Eriteriya leeyihiin la geeyo Soomaaliya iyada oo laga tarjumayo heshiiska saddexdan dal gaadheen. Lama saadaalin karo khasaaraha ama faa’iidada ka’iman kara ciidamo shisheeye oo lagu soo daad gureeyo Soomaaliya xiligan xaasaasiga ah. Waa arrin dadka Soomaaliyeed ka biyo diideen. Isla markaasna, waa arrin loo baahanyahay in ra’yiga ummadda Soomaaliyeed la ururiyo intaan ciidamo Itoobiya leedahay lagusoo daadin Soomaaliya. Ma Jabuuti baa Jiiraanka laga faquuqay? Waxa Soomaali badani aad uga murugootay sida Jabuutu loo faquuqay, inkasta oo Madeweyne Maxamed Cabullahi Farmaajo ku adkeystay in Jabuuti ay ka mid noqondoonta “isdhexgalka Geeska Afrika.” Ilaa haddase lama shaacin sababta looga reebay Jabuuti oo ah halbowlaha Geeska Afrika. Maxay Jabuuti uga mid noqonweyday aasaasayaasha isbahaysigan oo yeelandoona nidaam midaysan oo dhaqaale, siyaasadeed iyo difaac? Jabuuti waa dalka kaliye ee ku yaal Geeska Afrika ee sheegan kara daganaanshe siyaasadeed, nabad dalkeeda oodhan ka jirta, iyo dhaqaale furan oo adduunka ku xidhan (Free market economy and a country that is open to the world). Saddexdan dal ee Bahir-dar xulifada ku abuurtay waxa ku habsaday siyaasad xumo, kaligee talisnimo, iyo Soomaaliya oo muddo 30 sano ah dawladnimo arag. Caqliga saliim ka ah ayaa ina siinaya in Jabuuti horumood ka noqoto “isdhexgal” horleh oo Geeska Afrika ka ambaqaada. Hase ahaatee saddexdan xulifo, waxay soo kordhiyeen in ay Jabuuti faquuqaan. Lama sheegi karo cilladu halka ay ka timid. Waxaase loo malaynka karaa in Imaaraaadka oo korka ka ilaalinaysa isdhexgalka Geeska Afrika caddaadis gaar ah saari rabto Jabuuti ka dib markay Jabuuti burisay heshiiskii sad-bursiga ahaa ee labada dal (Jabuuti iyo Dubai) ka dhexeeyey. Waxa kale oo dhici kara in Eriteriya oo tun weyn xulifadan Bahir-dahr isku bahaysatay rabto in Jabuuti la dareensiiyo caddaadis gaar ah. Haddii taasi dhacdo, waa sida Eriteriya u fakareyso, waxa laga yaabaa in soohdintii lagu dagaalamay oo Jabuuti laga dhacay (Ras Doumeria – June 2008) Eriteriya xalaalaysato. Shacabka Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxay ku caan baxeen u gurmadka iyo is-garabtaagga ummadda Soomaaliyeed. Soddonkii sano ee Soomaaliya la tacaalaysay dhibta ka timid dagaalkii sokeeye ee billaabmay 1991kii, waxa ku kaliyeystay hiilada Soomaaliya dalka Jabuuti iyo Madexweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Marka laga soo billaabo shirkii Carte ee 2000, oo lagu soo doortay dawladdii uu madaxaweynaha ka ahaa Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan, Jabuuti jilibka ayey u aasatay sidii ay walaalaha Soomaaliya dhibta uga bixi lahaayeen. Dr. Cabdi Qaasiim dawladiisii waxay kow ka tahay geedi-socodkii dheeraa ee loo soo maray dib-u-yagleelka dawladda uu maanta madaxa ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intaas waxa weheliya, halka itoobiya uga hawlgashay duminta iyo wiiqinta Soomaaliya mudo aan ka yarayn 50 sano, Jabuuti waxay maal iyo moodba ku bixisay ilaalinta iyo samatabixinta madax banaanida Soomaaliya (preservation and protection of the sovereignty of Somalia) Waxa haddaba isweydiin leh maxay walaalaheena Jabuuti galabsadeen in meel ay Soomaaliya fadhido lagu faquuqo? Ma jacayl cusub ayaa ka dhex dhashay Eriteriya iyo Villa Soomaaliya? Mise sidii looga bartay Villa Soomaaliya waa arrin ay madaxda Soomaaliya ku dagdageen? Waa Su’aalo Soomali badani isweydiinayaan biyo-dhacoodana loo wada joogo. Waxa Iyana dhici karta in Madxweyne Farmaajo uu qorshaynayo islamakaana uu ku gudo jiro qaabkii uu Jabuuti ugu soo dari lahaa Isdhexgalka saddex-geesoodka. Waa arrimo la rabo in dabagal joogta ah lagu sameeyoo. Sikastaba ha ahaatee, waxyeelo in la gaadhsiiyeye Jabuuti innagama qarsoona. Shacabka Soomaaliweyn waxay jeclaanlahayeen in aanay Villa Soomaaliya ku dagdagin ka qaybgal madasha lagu faquuqayo Jabuuti. Sababtuna waxay tahay Soomaaliya waxa looga fadhiyaa in ay tixgaliso maahmaahda tidhaa “a friend in need is a friend indeed,” ama “saaxiibka runtu waa saaxiibka ku garab taagan xiliga baahidu jirto.” Jabuuti bay ahayd ciddii Soomaali garab taagnayd xilligii baahidu jirtay, hadeerna waxa Muqdisho laga rabaa in ay garab istaagto Jabuuti iyo ummadda walaalahood ah. W/Q: Faysal Cabdi Rooble Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan. Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. SHIINAHA: Saaxiib kal furan Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus). Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku noqotay dabin deyn. KADEED DEYN Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn. Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000 kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya. Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha. Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn. Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha. DALALKA GOBOLKA Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182 milyan. Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm. Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin badan. WQ: Hassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika
-
Dalku Wuxuu u baahan yahay karti- hogaamineed oo qoto dheer oo ka mudh-bixi karta dabeylaha siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaliland iyo mandaqada. Waxaa Xukuumadihii kala danbeeyey ee JSL ay caadeysteen in kolba dib loo dhigo Doorashooyinka iyaga oo indhaha ka qarsanaaya cawaaqib xumada ay ku reebayso habka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waxay arintani baabiisay sumcadii iyo karaamadii Somalilaan, Gaar ahaan hab maamuuskii gaarka ahaa iyo hab dhaqankii Siyaasadeed ee Caalamku Somalilaan ku qaabili jirey. Hab maamuuskaas ( Somaliland Special Arrangement ) Wuxuu hada ku danbeeyey in uu meesha ka baxo. Waxaana dhamaan mashaariicdii Horumarineed ee Somalilaan la siin jirey lagu xawilay Somali-Weyn si loogu soo mariyo, taana waxaa keenay Siyaasad xumadii xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyey . Galaan galkii siyaasadeed ee caalamiga ahaa ee Diblomaasiyiinta Somaalilaan ay ictiraafka ku raadin jireen ayaa isna sii wiiqmay oo meesha ka baxay, maadaama aan la hubin in doorasho dhacayso sanadka danbe iyo in kale . Dabcan sida Madaxweyne MBA shirkiisii Jaraa’id kaga dhawaajiyey wuxuu qiray in doorashooyinka is barkani ay u baahan yihiin mudo 10 bilood ah ugu yaraan oo loogu diyaar garoowo, sidaa daraadeed waxaa aan caad saarneyn oo ummadda u cadaatay in aanay Doorashooyinku marnaba ku dhaceyn waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay. Nasiib daro doorasho kasta oo Somaalilaan ka dhacday midna kumay dhicin waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay .Bal u- fiirso caadooyinka mudo kordhineed ee hoos ku taxan: A ) Silsilada taariikhda muddo kordhineed ee Golaha Baarlamaanka JSL ee maanta kuraasta ku fadhiya : 1. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 2. Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 3. Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 4. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo aheyd 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 5- Mar Shanaadkiina dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka soo bilow 28/4/2019 ilaa iyo ??? B) Taariikhda mudo kordhineed ee Madaxweynayaashii iyo Madax-weyne ku xigeenadii JSL soo maray. 1- Madaxweyne Cigaal ka soo bilow 1995 ilaa iyo 2002 2- Madaxweyne Riyaale ka soo bilow 2008 ilaa iyo June 2010 3- Madaxweyne Siilaanyo ka soo bilow Juune 2015 -27/10/2017 4- Madaxweyne MBA isagana ka filo in mudo loo kordhiyo hadii la nool yahay ? C ) – Goleyaasha deegaanka JSL iyagana waxaa muddada loo kordhiyey 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 D ) – Golaha guurtida iyagana waxaa mudo kordhitii ugu danbeysay loo kordhiyey 28/4/2018 ilaa 28/4/2020. “Waa in Goleyaasha qaranku ka waan toobaan Mudo kordhinta aan la garaneyn Sababeynteeda. Waana in ay ixtiraamaan caqliga bulshada rayidka ah, karaamadda musharaxiinta cusub ee soo cartamaaya iyo dooca iyo dareenka daneeyayaasha Somaalilaan ee beesha caalamka” Xisbiyada qaranku iyaga oo ka duulaaya awoodaha Dastuuriga ah ee ay leeyhiin , hadii ay Xukuumada kula heshiin waayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto.Talo qaran oo aan ka hor-imaneyn dastuurka way ku baaqi karaan, waayo goleyaal xeer dejineed ( guurti iyo Wakiilo) ku fadhiya kuraasta mudo kordhin waqtigoodii iyo maandheytkoodiba uu dhamaaday go’ aanka masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? ma mid xalaal ah oo waafaqsan dastuurka mise mid aan waafaqsaneyn? wuxuu noqonayaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka qaranka. Sidaa daraadeed Dimuqraadiyada Somaalilaan sheeganaysaa xalaal ma noqonayso hadii ay dalka sii wadaan oo sii maamulaan Sadex Gole oo maandheytkoodii doorasho iyo mudooyinkii la doortay uu ka dhamaaday. Doorashooyinka aan waqtigii loo cayimay ku dhacayni waxay dhaawac iyo dhiig bax ku yihiin mar kastaba Geedi socodkii Dimuqraadiyada JSL lagu majeeran jiray. Allaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
-
MANKATO — Nyabual and Nyamuoch Bayak were getting ready for their junior year when they say they were told they were not welcome back at East High School. The 18-year-old twin sisters from Kenya had spent the 2016-2017 school year at West High School and after a move across town were at East High School for 2017-2018. They expected to spend a few more years at East and earn their diploma. But as fall neared the sisters say they were told they were too far behind and needed to instead enroll in an alternative diploma program at Lincoln Community Center. That program does not provide the same breadth and level of academic rigor and puts teens and young adults in the same classes as older adults, the Bayaks said. Several other immigrant families have similar accounts of being pressured into an alternative program with which they were not satisfied. After Mankato Area School Board member Abdi Sabrie and a legal aid attorney intervened, the Bayak sisters and three other young adult students were allowed to enroll or re-enroll in district high schools. District officials say no one is forced to participate in the alternative diploma program, which is run by the district’s Adult Basic Education department. The option is recommended to older students who can’t feasibly otherwise graduate before they turn 21 years old. For students who are behind, district leaders say the relatively new option provides an accelerated and customized opportunity to earn a diploma. The debate has attracted the attention of the Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations. Its director is calling on the district to conduct an investigation. Accelerated alternative Minnesota law entitles its residents to a free education through age 21. Students who turn 21 during a school year can finish out the year. The law doesn’t specify what type of school adult students can attend. In 2014 the state authorized a new adult diploma program that allows districts to provide alternative ways for adults to earn a high school diploma. “This really was created to give adults more choices,” said Audra Nissen Boyer, director of Mankato Public Schools Community Education and Recreation. Instead of having to take a traditional GED test, participants can complete classes, projects and other forms of assessments and earn credit for work experience. “Every student has their own pathway to success,” said Eric Hudspith, the district’s director of human resources and organizational development. Students must be at least 19 years old to earn an adult diploma, but they can begin working on a diploma at a younger age. Students must be able to read at at least a sixth-grade level before they can enroll in the adult diploma program. Mankato schools has a preparatory program designed for teenage and young adult prospective participants who first need to improve their language skills. The adult diploma option hasn’t so far had many participants in Mankato or across the state. Fewer than 200 such diplomas have been issued in Minnesota since 2014. Nine of those were earned in Mankato, according to Boyer. More students have participated but did not complete a degree. Boyer said many of them opted to instead take the traditional GED test after gaining knowledge needed to pass the test in the adult diploma program. Some dissatisfied Deq Ali, 22, is among the students who dropped out without earning a degree or a GED. He attended the diploma program as a 17-year-old but said he stopped going because he felt he wasn’t learning enough to make it worthwhile. Other former participants also expressed concerns about the breadth and depth of the diploma program, and about not getting to socialize with many students of a similar age. “There is a lot of old people and they don’t teach anything. It’s too simple,” said 19-year-old Rabia Nur. After immigrating from Somalia, Nur spent two years in a Wisconsin high school before moving to Mankato this summer. She tried to enroll at East along with her younger siblings but was referred to the diploma program. Nur said the diploma program wasn’t challenging enough and only provided instruction in English, math and job skills. She said she was was demoralized when she was placed in the same English language learner class as her grandmother and other adults who were not pursuing a diploma. Hudspith said students are assessed when they enter the adult diploma program and the curriculum is customized for each student depending on their prior knowledge level. Participants who are English language learners spend part of their day in classes alongside older adults with comparable English skills in the district’s Adult Basic Education program. Options given? Nur was allowed to transfer to East High School after obtaining representation from an attorney from the Southern Minnesota Regional Legal Services. The nonprofit that provides free civil legal aid to low-income people also represented Nyabual and Nyamuoch Bayak and Mohamed Mohamed, 18, and Abdirahman Mohamed, 20. The Mohamed brothers came to the United States from Somalia several years ago and attended high school in Rochester for two years before they moved to Mankato this fall and started at the diploma program. After filing requests to change schools, Mohamed Mohamed is now at West High School and Abdirahman Mohamed is now at Central High School. The Bayak sisters, Mohamed brothers and Nur say district administrators, counselors and cultural liaisons did not present them the opportunity to attend high school through age 21 instead of the diploma program. Asha Yusuf also claims no option was given for her 17-year-old son, Mohamed Abdulle. Her son was going to live with his grandmother in the Mankato school district when he immigrated from Somalia last winter. He’s instead living in an overcrowded apartment with his mother and other family members in the Twin Cities because there he is allowed to attend a traditional high school. Former adult diploma participants brought the issue to Sabrie, who is the district’s first Somali board member. He pressed district administrators to review its admission process for older immigrant students and investigate the reports that immigrant students aren’t given options. Jaylani Hussein, the executive director of the Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations, also is calling on the district to conduct an “ open and transparent” investigation. “Whatever policy that you have that is allowing for the choice, they are not hearing it,” he said during an appearance at a recent School Board meeting. “They feel trapped in this process.” District administrators and School Board members discussed the issue in a workshop meeting earlier this month. Administrators said they have investigated the claims and have determined that the adult diploma program was presented as a recommendation and not a mandate. No further investigation is planned, Hudspith said in a follow-up interview. District administrators said they will strive to improve communication with young adult students and their families. “Let’s learn from this and make sure people understand it is a recommendation, and they have options,” Supt. Sheri Allen said during the workshop meeting. Administrators noted the issue involves a very small group of students. Only 11 prospective students who contacted the district’s centralized registration office have been referred to the adult diploma program. Admitting students to the traditional high schools even though they are not projected to graduate has a slight negative impact on those school’s graduation rates. Those rates are tracked as part of federal accountability measures. But administrators say that isn’t a consideration in recommending the alternative diploma pathway. “We’re looking at what is best for each individual student,” Hudspith said. Sabrie said he will continue to monitor the district’s referrals to the alternative diploma program. “I was elected to give equal opportunity to all children, and I take that very seriously,” he said. Source: Mankato Free Press
-
Golaha Wakiilada Oo La Filayo In Markii 5aad Muddo Kordhin Loo Sameeyo Iyo Marxaladihii Ay Muddo Kordhitoodu Soo Martay Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn. Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah. Doorashada baarlamaanka oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha March ee kal dambe ayaa u muuqata inaanay ku qabsoomayn wakhtiga loogu tallo galay, iyadoo ay sabab u yihiin duruufo kala duwan oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashadaas. Waxaana la filayaa in dhawaan golaha wakiilada loo kordhiyo markii shanaad. Wakhtiyadii kala duwanaa ee golaha wakiilada loo sameeyay muddo kordhinta, ayaa waxa ay kala yihiin sidan: Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019 Dhawaana waxa la filayaa in loo kordhiyo markii shanaad. Si kastaba ha ahaate, halkii ay sharciyan ka ahayd inay xildhibaanada golaha wakiiladu kuraasta fadhiyaan 5 sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010 waxay u muuqataa inay ku gaadhayaan sannadka 2020. Geeska Qaran News
-
Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey oo ka hadashay munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay doorashada madaxtinimo ee sanadka 2020-ka ka dhacey dalka. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda uu rajo weyn ka qabo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah dadkana ay u dareeri doonaan marka lagaaro sanadka 2020-ka. Waxa ay shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan iyo xukuumada ugu baaqday in ay kaalin ku siiyaan sidii doorashadaasi qof iyo codka ah ay uga dhici laheyd Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeysa inta aan lagaarin doorashada 2020-ka in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay ku suganyihiin ee gobolada dalka. Dad badan ayaa aaminsan in aanay suurtagal aheyn in sanadka 2020-ka dadka Soomaaliyeed ay u dareeraan doorasho cod iyo qof ah sababo xaalada amaan iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka Xaliimo yarey. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xaliimo-Yareey-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaliimo Yarey “2020-ka Soomaaliya waxaa ka dhaceysa doorasho qof iyo cod ah” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Shabelle-25112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay is casileen maanta xubnihii ugu badnaa ee musharixiinta doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi u taagneyd. Musharixiintaan oo tiradooda ay gaareeyso ilaa 5 Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Musharixiinta ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo iyaga oo go’aankaasina gaaray iyaga oo is casilaadoodana ku sababeeyay faragalin ay ku heeyso dowlada Soomaaliya. Magacyada Musharixiinta is casilay. 1- Maxamed Aadan fargeeti 2- Yuusuf Macalin Baadiyoow 3- Saalax Sheekh cismaan 4- Xuseen Kacaan 5- Xasan Amiin Mid kamid ah musharixiintaasi oo la hadlay wariyaasha ayaa ka warbixiyay sababaha ay uga tanaasuleen in doorashadaasi ay ugu tartamaan. Hoos ka Dhageeyso Codka;- https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/musharixiintii-tanaasulay.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heerka musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maraya meel aad u sareysa, waxaana soo baxay caddeymo muujinaya ku xadgudub hanti dadweyne oo caqliga ka baxsan. Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan. hase yeeshee su’aasha ayaa ah dagaalka ma ku wajahan yahay dadkii la rabay. Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiisTusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100 doollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay. In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Soomaalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya inay haystaan garab ay isku hallayn karaan. Arrintaan waxaa ka dhalan kara Ciqaab iyo caro ka timaadda Ilaahay Inay yaraato kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan dawladda Inaan madaxda dawladda marka ay Musuqa ka hadlayaan aan dheg loo jalaqsiin Inay dhiirrogeliso in tuugada waaweyn ay ku dhiiradaan xatooyada xoolaha dadweynaha Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaacbaxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay sedex (3) nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda isla markaana ay xigto dhow yihiin mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda Sidee wax u dheceen? Yaa qaata seddex mushaar iyo ka badan? Xaggee ka qaataan? Saddexdooda sanadkii waxay qaataan $385,800 (saddex boqol & sideetan iyo shan kun iyo sideed boqol Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuqa ah muddo lix bilood ah. Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la qaadanayey mudo 2 sano ah. Dhacdadaan Musuq Maasuqa ee foosha xun oo lagu lunsaday lacag gaaraysa $385,800 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas. Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma ooyaanka la ugaarsanayo caddaalad ma aha ee caddaalad darro lagula kacaayo shacabka masaakiinta ah ee lagu helay xatooyo $100 doollar ah. Haddaba waxaad hoos ka daalacataa baaritaankii Hantidhowrka uu ka sameeyay seddexda nin iyo caddeeymo wareeysiyadii lala yeeshay ee ay ku qirteen in ay danbiga galeen, balse, halkii laga sugaayay in caddaaladda la horkeeno wuxuu Hantidhowrka amray oo kaliya in ay soo celiyaan lacagta ay ka dhaceen qaranka. Haddii ay caddaalad jirto, dhabna ay ka tahay madaxweyne Farmaajo waa in uu caddaaladda hor keena tuugada qiratay dhaca hantida ummadda, lana marsiiyaa ciqaabta ay mudan yihiin. Halkan hoose ka akhriso wareysiga iyo warbixintii Hanti Dhowrka
-
Somaliland iyo Kelidii Taliye Cusub Muuse Biixi Hamigiisa, Dhisida hayadaha uu rabo inuu hamigiisa ku gaadho, suurgalnimada hamigiisa, Cida joojin karta. Hamigiisa ugu wayni waa inuu sameysto awood Ciidamo adag kala noocnooc ah oo 80% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee uu ku kalsoon yahay. Askari, Qori, iyo Cabdi. Surtagelintii hamigaasi Already way bilaabantay waxaanu ku bilaabay inuu kaysado oo uu xidho lacagtii iyo dhaqaalihii yaraa ee dalka soo galayay!. Inuu dadkii ku soo rogo nidaamka shuuciyada ee ah qofna ma dhergi karo hadaad qado cuntay waad badsatay ee , casho ha sugin. Suuqyadii Ganacsigu waa dhaag, iibkii hantida ma guurtada ahi waa dam. Weli qiiqii Axmed Siraanyo ayaa sii baxaya ee 2019 ka afkaa juuqda gabi doona In damaciisa la joojiyaa waxay suuro gal tahay 30%. Waayo? Marka hore dadka dalka ku nooli way kala qaybsan yihiin, oo wuxuu haystaa tageerayaal badan oo sax iyo khaladba ku difaaca ,waa mida labaade dadku waxay la falgaleen nidaamyo doorashooyin Qabyaaladaysan lakiin dadku si nafisa ugu wada noolaayeen, kuraasida dalkana lagula kala wareegi jiray markaa kama fikiri karaan mana hayaan qaaciidadii ay ku joojin lahaayeen nin Kelidii Taliye ah oo intuu waxoodii ka tagey toobiye kala qabsaday! Waa kee ninka ugu dhaw ee Joojin kara inuu Muuse Biixi noqdo Kelidii Taliye Isagoo wax dili kara aan aqbalin inuu duco qaato ?. Waa Faysal Cali Waraabe. Sababtoo ah waa nin inbadan hal hayskiisu ahaa in aanu cidna ka yeelaynin in Somaliland la baabiyo. “Aabahay ayaan ka diiday” Ayuu yidhaahdaa. Bal aynu eegno inuu Muuse ka yeelo inay Somaliland noqoto Xero Askareed oo uu kelidii Taliye maamulo iyo in ay hayso dariiqeedii ahaa Not so good not so bad. Bal aynu sugno halka ay ku danbeeyaan Muuse Biixi iyo Somalilandta aanay cidina aqoonsan ee daawaha ku socotaa. Alla Mahad Leh Osman Omar Dool Oslo Norway Qaran News
-
Somali government says 15 militants killed in new airstrike
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fifteen Alshabaab fighters have been killed and more than 30 others wounded in an airstrike on Saturday evening. According to official Somali National News Agency (SONNA) the attack targeted meeting of the militants in Hargeysa Yarey in the middle Juba region of Somalia at 11PM local time on Saturday. SONNA said top Al Qaida linked group officials including Daahir Gacmay, Abdirahman Takar, Sayid Dheere, Abdullahi Rabbi and among others were in the meeting during the attack. No confirmation or denial from US Africa command press department on the attack reportedly carried out by its aircraft. US drone attacks constantly target alshabaab fighters in Somalia. Drone strike killed group leader Ahmed Godane on September 2014. Last week group’s convoy was destroyed by suspected US strike in Galmudug region of Somalia. The number of casualties or scale of damage is still unclear. The post Somali government says 15 militants killed in new airstrike appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Belye oo sabtidii hor yimid golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeynta guddiga maaliyadda ee golaha ayaa dhinaca kale sheegay in dalka aaney ka jirin wax maxkamado ah. Mr. Belye oo arrintaas ka hadlaayo wuxuu yiri “arrimaha meeshaa lagu soo qoray waa malo-awaal, arrin suuq ah iyo kutiri-kuteen, la habeeyey, oo dabadeedna internetka la geliyey, adduunyada kale maxkamad aya ala isgeyn lahaa sow ma aha, tanoo kale adduunyada kale, I can tell you, maxkamad ayaa la isgeeyaa, ee innaga maxkamad miyaan leenahay, qabiilbaa maxkamad noo ah sow ma aha”. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ma sii faah-faahin ujeedka iyo sababta uu sidaa u yiri, laakin taasi waxaa ay ka hor imaaneysaa dadaalladii uu sheegay madaxweyne jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mudane Farmaajo waxaa uu mar hore ballan-qaaday inuu hagaajin-doono ama isbadal ku sameyn-doono garsoorka dalka, isaga oo guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, waxaa kale oo isbadal lagu sameeyey 6 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa lagu waramayaa in maqribnimadda Axad ay ku dishay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ruux la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda. Goobjoogayaal ayaa usoo tabiyay idaacadda Shabelle in dilka oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maanabolyo, gaar ahaan afaafka hore ee masjidka Dhagawayne ay geysteen labo nin oo Bastoolada watay xili ay goobta ka baxsadeen. Hay’addaha nabad-gelyada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey saacado kadib markii uu falka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaris ah, kuwaasi oo aanan la ogayn hadii cid lagu soo qabtay. Ma jiro cid sheegatay masuuliaydda dilkaan, kaasi oo imaanaya xili isgoysyadda caasimada lagu soo daabulay ciidamo badan, kuwaasi oo loogu talagalay inay sugaan nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka. The post Koox hubeysan oo dil ka geystay degmada Shibis ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article