Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya. Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka deen cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya? Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baadhista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK. Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey run iyo been waxay tahay midna,Balse kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray. HAY’ADDA SAHAN RESEARCH Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fadhiistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group). Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baadhis ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda. Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic kaga qaadato. YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH? Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera. Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group. Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga. 2010- 2012 Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray budhcad badeeddii degganeyd Eyl. Badhtamihii sannadkaasi Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeynta budhcad badeeda ee loo soo jeediyay. Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”. Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata” oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group. BRYDEN XAASKIISA Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga. Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah. ERITREA Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xidhiidhka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya. RABSHADIHII BAYDHABO Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yidhi Bryden. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta oo Talaada ah ka furmay Magaalada Muqdisho, Shir Bil-laha ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF, kaas oo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya. Shirkan oo uu Guddoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada XF, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada , Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Beesha Caalamka . Shirka waxaa warbixin looga dhageystay Wakiillada matalayay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay halkaasi kusoo bandhigtay tubaha Afarta ah ee kala ah siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, arrimaha Bulshada ,dhaqaalaha iyo hormarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka. “Shirkaan waa shir Bil-le ah, waxaana Maanta shir Guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka Dalka waxaa diiradda lagu saaray horumarkii la gaaray Sanadka 2018 ka, waxaan soo bandhignay tubaha Afarta ah ee saldhigga u ah shaqada Xukuumadda, sida tubta amniga iyo cadaaladda tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XF Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji. Dhowr Jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo qabtay Shirkaan SDRf ee looga hadlo mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socota, Dowladda Soomaaliya ayaana hadda u wajahaysa si ka duwan Bilihii tagay mashaariicda Soomaaliya soo diyaarsato ee ay la timaaddo ayaa la fulin doonaan halka markii hore aysan sidaa ahayn waxaana taasi ay muujinee in talaabo horay loo qaaday sanadihii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaana uu yimid dagaalkan, kadib markii Ciidamadasi oo abaabulan qaab Qabiil ay isku qabteen arrimo la xariira Dhul ku yaalla halkaasi. Ugu yaraan illaa 2 Askari ayaa ku dhintay israsaaseyntaasi, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha Caasimadda, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. The post Iska hor imaad khasaare geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Dowladda Mareykanka oo sheegtay in joogitaankeedda Muqdisho ay ballaarisay wixii ka dambeeyey December 2, 2018ka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ku bixineyso maal-gelinta Soomaaliya lacag dhan $900 million. Qoraal ka soo baxay safaaradooda Muqdisho ayaa lagu sheegay in doorkoodu markii hore ahaa arrimaha gargaarka, balse ay u baahantahay in ay ballaariso arrimo ay ka mid yihiin: waxbarashada, caafimaadka, dhisidda hay’adda dowladda, dowlad wanaaga, cadaaladda, shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha si shacabka Soomaaliyeed u helaan amni iyo xaslooni. Arrimaha Banii’aadnimada: Sanadkan waxaa ay Mareykanku ugu talo-galeen arrimaha banii’aadnimada ilaa $420 million. Shaqo-abuur: Waxaan shaqo u abuurnay saddaxdii sano ee la soo dhaafay in ka badan 1,600 oo isugu jiro shaqooyin joogta ah, iyo kuwa gaarka loo leeyahay. ( dhinaca caanaha oo kaliya waxaan ka caawinay inaan u sameyno ilaa iyo 500 oo shaqo joogta ah iyo 650 oo shaqo xilliyadeed ah, waxaana islamarkaasna ka caawinay in shirkada Irmaan aysan xirmin taasi oo hadda soo saarto in ka badan 3,500litre oo caano ah maalintii. Dowladda Mareykanka waxa ka shaqeyneysaa sidii loo casriyeyn lahaa goroonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo Dekeda si loo abuuro ganacsi iyo shaqooyin. Deyn cafinta Soomaaliya: Waxa ay sheegeen in tixggelin siin doonnaan sidii loo cafin lahaa deynta soomaaliya si wadanka Soomaaliy u u soo jiido maalgashiga shisheeye. Waxbarashada: Waxaan ka caawinnaa waxbarashada dugsiga sare ilaa 160,000 oo dhaliyaro oo ku sugan Soomaaliya iyo 20,000 oo dugsiyada hoose ah taasi oo boqolkiiba (45%) ay gabdho yihiin Dowladda wanaaga iyo Xasiloonida. Waxaan $110 million ku caawin-doonnaa dowlad wanaaga , xallinta khilaafaadka iyo dib u habeynta garsoorka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka, Cali Cabdi Awaare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halka oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta, Awaare waxaa ka qaybgalay qaybaha bulshada oo isugu jiray, waxgarad, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween, Arday iyo kooxo soo bandhigay farshaxan ay ku soo dhaweynayeen musharraxa. Ugu horrayn, musharraxa madaxweynaha Cali Cabdi Awaare , ayaa markii uu soo gaaray barxadda bartam aha waxa uu u mahadceliyay dadweynaha caasimadda ee sida ballaaran u soo dhaweeyay. “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaya shacabka maanta muujiyay qiiradoodda wadani-nimo,rabitaankoodda wadani-nimo, rabitaankoodda waxqabad dalkan looga baahanyahay ee aan looga bahneyn in intii la yimaaddo dhaqaalo laga aruursado dib looga noqdo “. ayuu yiri musharrax Awaare oo inta raaciyay ” Dalkan waan joogi jirnay waana joogi doona wax qabad horan uga qabaneynay , waan u shaqeynaynay waana u shaqeyn doona haddii rabi Idmo”. Waxa uu inta ku daray inuu diyaar u yahay sidii uu u dardargalin lahaa howlihii ballaarnaa ee uu shacabka Puntland usoo qabtay, waxaa kalo u sheegay in maanta ay Puntland joogto xilligii ay heli lahayd isbaddel ku yimaada cid horay loo soo tijaabiyay. Musharrax Cali Cabdi Awaare , ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ka ah gobolka, isagoo xilal sare ka soo qabtay, waxyaabaha aadka loogu xasuusto waxaa ka mid ah xilligii uu shaqeynayay dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo hay’addo caalami ah oo uu usoo waaridey Puntland, isagoo xilligan markii saddexaad u tartamaya xilka madaxweynaha. Musharaxa ayaa la qorsheynaya in maalmaha soo socda uu ku sii sugnaado Caasimadda Puntland ee Garowe, isagoona Kulamo la yeelan doona Waxgaradka, Dhalinyarada & Aqoonyahanka Puntland. PUNTLAND POST The post Musharax Madaxweyne Puntland Cali cabdi awaare oo maanta si balaaran loogu soo dhaweeyay Garowe appeared first on Puntland Post.
  7. Dhawr arrimood oo ku saabsan abwaan Hadraawi iyo hankiisa ka’ sarreeya adduunyo-jacaylka (Xubbu-Dunyaa). Farriin uu ii soo diray qof aad u naxariis badani ayaa ahayd; waxa aan ka baqayaa in Hadraawi-na dhexdeena silic ugu dhinto sidii hebel iyo hebel iyo heblaayo! Qofkaa qalbiga fiicani waxa uu ii tiriyey afar fannaan oo beryo dhawayd gaajo iyo macaluul ugu dhintay Hargeisa iyo Muqdisho, kaddib markii laga soo jawaabi waayey baryadoodii iyo baahidoodii. Haddaba taas baa igu dhalisay in aan xusuusiyo in Hadraawi aanu welgii cid wax weydiisan, baahina aanu arag, lacagtuna aanay u ahayn wuxu u nool yahay. Haddaba dhawr tusaale baan halkan ku soo gudbinayaa: Tusaalaha 1aad: Markii 10kii April 1978kii laga soo daayey xabsiga Qansax-Dheere ee gobolka Baay oo uu ku xidhnaa illaa 1973kii ayaa habeenkii markii Xamar la keenay waxa baabuur u soo diray Madaxweynihii xabsiga u diray ee Maxamed Siyaad; waxa uu ku yidhi Hadraawi waxa aad ahayd waddani lagu khaldamay, haddana wixii dhacay waa dheceen oo lama soo celin karo ee hadda maxaan kuu qabtaa? Wax Alla waxa aad doonayso sheego; bal waxa aad sawirataa iyada oo Madaxweyne aad u awood badan oo wax-walba gacanta ku hayaa ku yidhaahdo wax Alla waxa aad doonayso sheego; xil, xoolo, xurmo, guryo, darajo, iyo lacag-ba! Hadraawi waxa uu ku jawaabay hadal taariikhda galay oo ah; wax kale kaagama baahni ee 2 maalmood oo keli ah waxaad i amaanaysiisaa baabuur iyo darawal. Intaas uun baan maanta kaaga baahanahay. Maxaad ku fali baabuurka iyo darawalka ayuu Hadraawi weydiiyey Maxamed Siyaad. Qansax-Dheere baan ku tegeyaa, aniga oo aan soo macasalaamayn dadkii aanu muddada badan wada noolayn baa degdeg la’ iiga soo kexeeyey, waxa aan rabaa in aan reer Qansax-Dheere soo macasalaameeyo una soo mahadceliyo. Sidii baa lagu siiyey baabuur iyo darawal uu ku soo celiyey laba maalmood. Mar uu arrintaas lafteeda ka hadlayey waa kii lahaa: Tolo darajo lay yidhi Deni noqona lay yidhi Diiday baanse ka xigsaday Nafta haw darraanoo Ha istaagin daaftee Dusha soo kor lay yidhi Dibad baanse ka xigsaday Waxad adigu doontiyo Dantaa sheego lay yidhi Danyar baanse ka xigsaday! Tusaalaha 2aad: Dhacdada labaad waxa ay ka dhacday London; Nin ka mid ah taageerayaasha faraha badan ee Abwaan Hadraawi baa ka yimid Kuwait. Ninkaasi waa markii koowaad ee uu la kulmayo abwaanka oo ahaa halbeeggiisii nolosha, markaa waxa uu Kuwait uga soo qaaday hadyaddii ugu qaalisanayd, waa saacad Rolex ah oo dahab lagu dheehay. Runtii hadda qiimahadeedii ma garanayo laakiin Saacadaha noocaas ahi aad bay qaali u yihiin 20,000 illaa 100,000 oo Dollar bay gaadhaan. Ninkii oo aad u faraxsan baa hadyaddii guddoonsiiyey Hadraawi oo jooga gurigiisii London. Markii uu furay ee uu arkay in ay tahay Rolex dahab lagu dheehay ayuu u mahadceliyey ninkii u keenay, waxaanu isu dhaafiyey oo guddoonsiiyey saacaddii ninkii la fadhiyey. Nin meesha joogay wuxu ii sheegay ninkii haddiyadda keenay waxa uu igu yidhi Walaahi marbaan is idhi ninkii uu siiyey bannaanka ma isu taagtaa oo ma ka qaaddaa?! (Qofka Maanta sidaas Hadraawi samayn lahaa waakeem) Tusaalaha 3aad: Hadraawi waxa uu Yurub gaadhay sanadkii 1990 gaar ahaan Norway , illaa haddana waxa uu tegeyey dal kasta oo deganaansho laga qaato, sannado dhawr ah waxa uu ku noolaa Ingiriiska oo marba fiisaha dalku-galka loo cusboonaysiinayey, Maraykan, Canada, Yurubtan Galbeed, Scandinavian ka meel walba wuu tegey, wuxu dhaar ku maray in aanu qaxoonti magan-gelyo doon ah marna noqon oo been sheegin oo odhan dalkaygii kuma noqon karo ee meel i dejiya! Sifahani waa ka lagu yaqaano dadka dalkooda iyo dadkooda jecel ee la yidhaahdo (true patriots) ka. Mar uu arrintaas ka hadlayeyna waa kii lahaa; Paris adoon-tegin Ama Bonn ka sheekeyn Barashada dhulkaagaa Horta laga bogtaayoo Beryo laysku hawlaa Dhulku baaxad sooriyo, Bannaan miidhan weeyaan, Ama waa bus iyo oon, ninka Buug ku haystow, Beentaada weeyaan, Balcad, Jowhar, Shalaanbood, Barakada Qoryooley, Waxa canab bislaadee, Baydhabo u gaartahay, Boosaaso iyo Beer, Bixin-duule Laaleys, Beeraha Wajaalee lagu reebo Baahida, Indhihii Basaasow Boorama ma’Aragteen Tusaalaha 4aad: Hadraawi ayaa guursaday 1998, arooskiisii Burco ayuu ka dhacay, kharash badanina wuu ku baxay, waxa lagu sheegaa arooskaas aroos-dhaqameedkii ugu ballaadhnaa ee la xasuusto, wuxu ahaa aroos illaa hadda laga Sheekeeyo; Madaxweynihii xiligaas ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa dareemay in Hadraawi mudan yahay in laga caawiyo kharashka arooska. $20,000 oo Dollar oo xiligaas joogay ayuu ugu soo dhiibay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xiligaas ahaa Wasiirkiisii Maaliyadda. Siilaanyo ayaa soo qaaday lacagtii oo Burco ugu keenay Abwaan Hadraawi una sheegay in ay tahay sooryo ka timi Madaxweyne Cigaal. Markii waagii beryey buu lacagtii oo aanu furfurin Hadraawi qaaday oo badhna maamulka Cusbataalka Burco siiyey qaybtii kalena beelaha la’ hayb sooco oo uu aad ugu doodo u qaybiyey. Siilaanyo wuu yaqaanay dabeecadda Hadraawi oo lamuu yaabin ee wasiiro la socday baa ka xanaaqay oo weydiiyey sababta, wuxu ku yidhi hadal cajiib ah oo ahaa: Waa xoolahoodii, iyagaana igaga xaq leh. Mar la weydiiyey damaciisa shakhsiga ah ee xilka iyo xoolaha waa kii lahaa; Kursi doonistiisa iyo duunyo jacaylku dhibta uu leeyahay, qolada raadisa dhibta haysata dushooda ka eeg. Derejooy wid lagu yidhi Wid widaanwid lagu yidhi Wallahaana kugu raran Hantiyayna kuma waco Waligayna kuma sugo. Woohowna Kkuma dhaho. Wed haddaanad celinayn. Nin ku sheegtay waarayn Maxaan kuu warsanayaa? Zuhdiga ama saahidaada noocan ahi waa dabeecadihii ay qarnigan ku caan-bexeen, Mahatma Gandhi gii India Vaclav Havel kii Czechoslovakia (Czech) Nelson Mandela hii South Africa laakiin iyaga oo dhacdooyinkoodii waa la xusay oo la’ weyneeyey oo la’ baahiyey halka kuwa Hadraawi maanta ka hor aanad maqal. Hadraawi hadda wuu fiican yahay, mana aha’ dadka balwadaha leh, 5ta salaadoodna badankooda Jamaca buu ku tukadaa, in badana Jaamacadda Burco ayuu odayaasheeda kamid ahaa, xanuunka hadda hayaana waa Maskax-daal (dementia) ee maaha xanuun jidheed, gaajo iyo silicna Ilaahay waa ka ilaaliyey, hantida keli ah ee uu Hadraawi dhaqdayna waxa ay ahayd dadkiisa, tusaale ahaan Hadraawi wuxu saaxiib aad u dhow la yahay: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiir Yuusuf Garaad, qoraa Radhiid Gadhweyne, Ganacsade Abdirashid Dahabshiil, Qoraa Maxamed Daahir Afrax iyo haldoor Soomaali ah oo aad iyo aad u fara-badan. Sawirada: Sawirka koowaad waxa xuquuqdiisa leh Mary Harper oo ka tirsan BBC oo sii deysay barnaamij ay u bixisay Hadraawi: Shakisbiirkii Soomaalida (Shakespeare waa abwaankii ugu qanisanaa luqadda English ka) Sawirka labaadna waa poster(jaantus) ku yaalla ama lagu dadbay hoolka diyaaradaha lagu sugo ee Madaarka Muqdisho (Adan Abdulle Airport) waana maansadiisii Hablaha Geeska Afrika. WQ: Cismaan Abokor Dubbe Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baarista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK. Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey iyo run iyo been waxay tahay midna, ee kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray. HAY’ADDA SAHAN RESEARCH Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fariistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group). Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baaris ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda. Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic uga qaadato. YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH? Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera. Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group. Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga. 2010- 2012 Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray burcad badeeddii degganeyd Eyl. Bartamihii sannadkaasi mar aan ka qeybgalay shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeyta burcad badeeda ee loo soo jeediyay. Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”. Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata” oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group. BRYDEN XAASKIISA Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga. Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah. ERITREA Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xiriirka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya. RABSHADIHII BAYDHABO Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yiri Bryden. W/Q: Abdalle Ahmed Mumin [contact-form]
  9. (SLT-Riyad) Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan saydhay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”. Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah. Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh. Source
  10. (SLT-Manchester)Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho kadib guuldaradii uu kala kulmay Liverpool, waana markii labaad oo ay Liverpool sabab u noqoto in laga ceyriyo tababarahaan shaqooyinka kooxaha horyaalka Premier League. Maamulka Red Devils waxey go’aansadeen iney shaqada ka ceyriyaan Jose Mourinho kadib laba sano iyo bar uu kooxda maamulay, waxeyna noqotay sheeko lama filaan ah in wakhtigaan uu kusoo aado warkaan ay ku farxeen jamaahiirta kooxda shayaadiinta. Waxaa la xasuustaa In Jose Mourinho laga ceyriyay shaqada Blues dhamaadka sanadkii 2015 kadib markii ay guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Liverpool, waana markii labaad uu Jurgen Klopp masuul ka noqonayo inuu Mourinho shaqadiisa waayo. “Kooxda waxey uga mahad celineysaa Jose Mourinho shaqadii uu kooxda usoo hayay wakhtigiisa, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto mustaqbalkiisa” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Red Devils. Source
  11. Wasaarada Haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee dowlada Puntland ayaa Garoowe ku qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan latalinta haweenka lakulma tacadiyada jisiga . Aqoon isweydaarsigan [...] Source
  12. Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Jose Mourinho, kadib labo sano iyo bar oo uu tababare u ahaa kooxdaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayn u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”. United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman ixili ciyaareedkanla la magacaabi doono , inta kooxdu ay ka shaqaaleysiin doonto tababare kale. Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda. Kooxda Manchester United oo xili ciyaareedkan dheeshay 17 ciyaarood ayaa waxaa ay heshay 26 dhibcood oo keliya, waxaana mudooyinkii dambe ay la kulmeesay guuldarooyin. Tallaabadan shaqada lagaga eryay Mourinho ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Paul Pogba oo sababtay in Pogba aanan la soo safin ciyaartii Anfield. Qaran News
  13. Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto…. Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah. Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo badhtamihii bishan. Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa caymiska iyo laysamadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi. Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticket ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixid “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada taratan adag kula geli doonta Shirkadaha Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya. Qaran News
  14. Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa markii ugu horaysay laga furay xafiis isku xiri doona dadka ka soojeeda maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya iyo shacabka [...] Source
  15. Hargeysa ( Sh. M. Neywork )-Dowladda Itoobiya ayaa u magacawday maamulka Somaliland Qunsul cusub, kadib markii dhawaan la bedalay Qunsulkii hore . Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday S/land ayaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble, waana nin Soomaali Itoobiyaan ah oo xilal ka soo qabtay dalkaasi. Shamsudiin, waxa uu soo ahaan jiray Danjiraha Itoobiya ee Kenya & Jabuuti, sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli isbedal cusub oo wada shaqeyn ah uu ka curtay dalalka Geeska Africa, kaas oo ay hor boodayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Itoobiya Oo Qunsul cusub U magacawday Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, waxaana xilka Madaxtinimadda Puntland uu haayay Muddo dhan 5 sano. Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay Waxqabadkiisa, waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. Gaas ayaa ku biiraya hadda ka dib in ka badan 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. 8 bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. Baku ( Sh. M. Network )-Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians). Shirkan waxaa si wadajir ah u soo Qaban qaban qaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan. Waxaana diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida. Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee dunida. Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaagga ,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta. Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay BFS shirkan oo muddo labo maalin ka socday dalka Azerbaijan. The post Xubno ka tirsan Aqalka Sare Oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Azerbaijan appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa waxay olole aad u ballaaran ay xilligaan ka wadaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Waxaa magaaladaasi gaaray musharraxiin aad u badan, iyadoo musharrax walba uu fagaare ku yaalla magaaladaasi kula hadlo taageerayaashiisa. Doorashada Puntland ayaa la filayaa iney dhacdo 8 January ee sanadka 2019, waxaana markaan u tartamaya in ka badan 20 musharrax. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi oo dhan ku sugan ciidamada Puntland oo heegan ku jira. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARIYAHA-GAROOWE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn waxa ay ka fuliyeen deegaanka Miraalle oo 28-km dhanka Bari kaga began magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wararku waxay sheegayaan in halka duqeynta ay ka dhacday ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Diyaaradahan waxaa sidoo kale dhanka dhulka ah ka caawinayey ciidamada maamulka Puntland, waxaana la sheegay in qorshaha howlgalkan uu ahaa mid si wadajir ah u dhacayey. Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegtay in duqeyntan ay ku dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay waxyeello soo gaarsiiyeen kuwo kale. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta fuliyey ay ahaayeen kuwa Maraykanka, waxaana halka duqeyntan ka dhacday ay tahay dhul buuraley ah. Ma jirto faah faahin kale oo duqeyntan laga bixiyey hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn ay dhowaan ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose waxay ku dileen 62 ka mid ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markiisa Labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Munaasabad uu maanta ku qabsaday Gaas, magaalada Garoowe ayuu ku sheegay in xilkan uu diyaar u yahay inuu qabto Shanta Sano ee soo aaddan. Wuxuu tilmaamay in wax badan uu qaban doono, islamarkaana uu dhammeystiri doono shaqooyin badan oo qabyo u ah. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in haddii uu meesha ka baxo ay istaagi doonaan shaqooyin badan oo uu sheegay in hadda ay socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Gaas.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa si cad u shaacisay in Ruux Soomaali ah ay u magacaabeen qunsulka Ethiopia ee deegaanada Somaliland. Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Ethiopia ayaa loo magacaabay qunsulka Ethiopia ee Somaliland, waxaana la doonaya inuu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Ethiopia. Shamsudiin, ayaa noqday wasiir ku xigeen, xildhibaan Baarlamaan, safiirka Ethiopia ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana hadda loo magacaabay Qunsulka Ethiopia ee magaalada Hargeysa. Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida qoraalka lagu sheegay. Waxaa la filayaa inuu xilka kala wareego qunsulki hore ee Ethiopia fadhiyay magaalada Hargeysa oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay. Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Ethiopia ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya. Balse magacaabistiisa ayaa meesha ka saareyso hadal heynta arimahaasi la xiriirta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Heshiis xabad joojin ah oo la dhexdhigay ciidamada dowladda Yemen iyo kooxaha mucaaradka ee magaalada Xudaydah ayaa burburay, sida ay ku warameen saraakiisha dowladda taageersan. [...] Source
  23. The Ethiopia government has appointed a new consul to Somaliland capital Hargeisa. The new consul will be Mr.Shamsudin Ahmed Roble who once served as Ethiopia’s ambassador to Djibouti and Kenya. The new envoy replaces the former ambassador Mr.Berehe Tesfaye who had been the resident diplomat in Hargeisa for more than a decade. According to the sources, Shamsuddin has been based in Addis Ababa following Ethiopia’s government move to recall dozen of diplomats across the globe. Somaliland and Ethiopia share a cordial relationship since it announced unilateral independence from Somalia in 1991 but it failed to win international recognization. The post Ethiopia sends consul to Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article