-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Laascaanood)-Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahaan booqasho ku marayay gobollada bari Soomliland ayaa maanta tegay Magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool. In kastoo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa haddana waxaa ka dhacay banaanbax looga soo hor-jeeday imaanashaha Madaxweyne Muuse Biixi ee Magalada laascaanood. Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa rasaas ku riday dadka bananaanbaxa dhigayay, walow ayna wax khasaaro ah geysan haddana Ciidammadu waxa ay xabsiga dhigeen tiro dad oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha. Gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ay saluug weyn ka qabaan saami qaybsiga xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, iyada oo waxgaradka goboladaasi ay marar kala duwan ka hadleen arrimahaasi. Source
-
Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Beyle oo maanta hor yimid golaha shacabka ayaa difaacay nidaamka maaliyadeed ee wasaaraddiisa, isaga oo sheegay in wax walbo u socdaan sidii loogu talo-galay. Mr. Beyle oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri “Waxaa maanka ku hayaa ilaalinta shuruucda dalka iyo guud ahaan hantida umadda habka ay u soo gasho, habka lagu maamulo iyo habka loo isticmaalo inay raacsan yihiin shuruucda dalka…waxaan u joogaa in aan ka jawaabo su’aal walbo oo halkan nagala soo weydiiyey, oo number walba inuu been yahay, la been abuurtay, oo meel madow lagu soo qoray ayaan halkan ka sheegayaa”. Cabdiraxmaan Beyle waxaa uu ku dooday in aanu hoos u dhicin lacagii shaqaalaha, oo ay soo xareeyeen sanadkan 3 milyan iyo 700 oo kun, halka uu ahaa 3 mliyan labo boqon iyo 30 kun, waxaa uu sidoo kale meesha ka saaray lacagta Imaaraadka. Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda waxaa uu ka hadlay lacagtii Sacuudiga ee 50ka Milyan, waxuuna arrintaas ka codsaday inay sharaxdo guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf. Maryan oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri“Lacagta 50-ka Milyan ah waxaa ay bangiga dhexe soo gashay September 2017-kii, 50 milyan ayey aheyd, xisaabta ay lacagta ku jirto waa xisaab bangiga dhexe ee ma aha mid wasaaradda maaliyadda, innaga ayaa soo wareejin karta, oo xisaab dowladda u gudbin karta, October 5, 2017, wasaaradda amar ayaa nooga yimid la leeyahay 10 Milyan soo wareejiya oo waxaad ku shubtaan qasnadda dowladda, waxaan fulinay October 5, 2017, waxaa dowladda u haray 40 Milyan. 20/11/2017 wasaaraddu mar kale waxaa ay nagu amartay in la soo wareejiyo 6 Mliyan oo lagu shubo qasnadda dowladda, waan soo wareejinay, isla November 20-keeda ayey wasaaraddu nagu soo noqotay waxay na yiraahdeen 4 miliyan soo wareejiya, 4-tii milyan qasnadda dhexe ayaan ku shubnay. Dowladda waxaa ay nagu soo noqday Bishii December 24, 2017 waxaa ay yiraahdeen waxaad soo wareejisaan 10 Milyan, waan soo wareejinay, qasnadda dowladda dhexe ayaan ku shubnay halkaas waxaan ku soo wareejinay 30 Milyan. Wasiirku wuxuu yiri 20-ka milyan lama taabanaayo, halkaas ayey isaga jirtay, wax qarsanna ma aha. 27-kii September, 2018 ayaa wasiirku waxuu noo soo diray amar, uu leeyahay soo wareejiya 5 Milyan, mushaaraadka ayaa kala go’ay, waan soo wareejinay, qasnadda ayaan ku shubnay, oo mushaaraadka ayaan ku darnay, 15-kii malyan xisaabta bangiga dhexe ayey ku jiraa, weli waa taalaa”. Ugu dambeyntii, Mahad Cawad oo shir guddoominayey ayaa raali-gelin biixyey isaga oo ka hadlay in loo baahnaa in warbiixnta ay marto guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, in lala xiriiro cidda ay khuseyso, lana soo raaciyo wareysiyada iyo la dhameystiro dhammaan hab-raacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta Dood adag ka yeeshay warbixin Maaliyadeedka Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka. Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa isku khilaafay warbixin ay dhawaan horkeeneen Golaha, taas oo ay ku dhaliileen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Ugu horreyn Xildhibaan Maxamed Aadan Cali ( Maxamed Soomaali ) oo ka mid ah xubnaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu tabasho ka qabo hanaankii loo maray warbixintii uu soo saaray guddiga uu xubinta ka yahay. Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa xusay in fadhiyada Guddiga Maaliyadda uusan laheyn wax kooram ah. Sidoo kale Xldhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo qeyb ka ah Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa mid sax ah ku tilmaamay warbixintii ka soo baxday Guddigaasi. Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in hanaan aan sax aheyn loo maray warbixintiii uu soo diyaariyay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in hanaan qaldan ay ku timid Golaha Warbixinta Guddiga Maaliyadda, islamarkaana ay soo baari doonaan waxa ka jira warbixintaasi. The post Golaha Shacabka Oo ka Dooday Warbixintii guddiga Maaliyadda Ee Golahaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib: Laba arrin mid ayaa ka dhici doonta ITOOBIYA General Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada ka socda Itoobiya iyo rajada xidhiidh isfaham oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya. General Jaamac-yare, ayaa qoraal uu luuqada Ingiriisida ku qoray oo uu shalay baahiyay, wuxuu kaga hadlay isbedelada uu gudaha Itoobiya ka bilaabay Raysalwasaaraha Itoobiya Axmed. Qoraalka Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan “Furfurida Abiy Axmed wadaa waxay casuumaysaa ama qasbaysaaba dareenka qofka ay khusayso arrintani, waa arrin aad iyo aad ugu qalanto in si xiiso badan loo eego, Itoobiya hadda waxay taagantahay isgoys, aad ugu eeg halkii uu istaagay Midowgio Soofiyeeti ee hore inyar ka hor burburkiisii, Hortaantii sagaashamaadkii. Gorbachev muu filayn mana uu jeclayn inuu kala firdhiyo nidaamkaas shabakada ahaa ee maamulkii Midowga Soofiyeeti, taas oo laga yaabo inuu ku tixgelinayay horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu ay samaynaysay muddo ka badan 70 sannadood, inkastoo uu gaabis ahaa. Laakiin waxa muuqata inuu qiimeyn hoose ku sameeyay inay tahay inaanu ilaabin in nidaamka shabakada ahi uu yahay ka keliya ee uu Midowga Soofiyeeti hayay. Gorbachev, wuxuu soo saaray qorshihiisii caanka noqday ee Prestroik and Glasnaut oo macnihiisu yahay dib u nidaaminta iyo furfurnaanta isagoo si han leh u rajaynayay inuu bedelo aragtidii dhaqan dhaqaale ee markaas ka jirtay midowgii soofiyeeti ee hore iyo in dhaqan gelinteedu ay noqonayso wax tar sii kordhay iyo inuu awoodi midowga soofiyeeti inuu dhaqaale ahaan u babac dhigo kuwa kuwa ka soo horjeeda; waa dadka reer galbeedka’e. Laakiin markii uu furfurmay nidaamkaas shabakada ah, waxa furmay sanduuq aan laga hortagi Karin lana joojin Karin kaas oo markiiba ku hoggaamiyay inuu furfurmo cimlaaqii awooda badnaa oo midwogii soofiyeeti ee hore ahaa. Haddaba hindisaha cusub ee hadda Abiy kuwado Itoobiya waxa uu warka oo kooban noqon doonaa laba midkood. Inuu ku hoggaamiyo xornimada Oromada iyo awood siintooda sharciyeed, ama waxay noqon kartaa xasilooni daro dalka ka dhacda, xataa haddii aanay la mid ahayn midwogii soofiyeeti ee hore, xasilooni darro noocaas ahina wuxuun bay hordhac u tahay burbur dhammaystiran oo dhaca. Oromadu waa bulshada ugu balaadhan qoomiyadaha itoobiya oo dhan, inkastoo ay ka yaryihiin aqlabiyada, qiyaastii waa 40%. Haddii uu hindsaha Abiy keeno dimuqraadiyad run ah oo ah inta badani inay dalka hoggaamoso, Oromadu waxay markasta noqon kartaa isbahaysi muhiim ah (Marka awood qaybsiga laga hadlayo) Haddii dhinaca kalena ay taasi kaahoristaagto dimuqraadiyad lagu dhaqami waayo, isbedelku wuxuu noqon doonaa rabshado iyo xasilooni darro. Marka la eego qadidyada Soomaalida, ku hoos jira xukunka Itoobiya, xaaladoodu wuxuun bay iska sii ahaanaysa sidii dad la gumaysanayo oo aanay muhiim u samaynayn isbedelada ka dhacaya Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya waa dalal jaar ah, waxaanay u baahanyihiin inay nabad ku wada noolaadaan, laakiin iskaashi kasta oo macno samaynaya oo labada dal dhex maraa waa riyo inta ay tuumbada kusoo jirta dhimanaysa ilaa inta ay Itoobiya gumaysanayso dhul aad u balaadhan oo Soomaaliyeed iyo dad, (Ogaden). Qaran News
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ah oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo mareysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Kolonyadan oo ka koobneyd laba Gaari oo Hoomey ah ayaa la sheegay in lagu rasaaseeyay agagaarka deegaanka Gololey ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in Gawaaridaasi ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka soo ambabaxay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Sidoo kale, warar kale ayaa ku warramaya in Gawaaridaasi ay saarnaayeen dad shacab ah, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin wararkaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof oo Rayid ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Sh/ Dhexe ayaa wax ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkaasi. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dhacdadaasi weerarkaasi. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya Wadda xiriirisa magaalooyinka Balacad iyo Jowhar ee gobolka Shabaeelaja Dhexe. The post Weerar jidgal ah Oo ka dhacay duleedka degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in gabood fallo aad uxun ay ugeysanayso maxaabiista ay ku gurtay Xabsiyada wadankaasi iyadoo ku eedeynayso in ay mucaaradsanyihiin dhaxal suge Max’med Bin Salmaan. Warbixin ay qortay hey’adda Amnesty ee hoos tagta Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in gudaha xabsiyada wadanka Sucuudiga ay ka jirto Nolol aad u xun, dadka maxaabiista ahna ay la kulmaan Tacdiib joogta, halka mararka qaarna ay loo geysto Kufsi, si ay u qirtayaan danbiyo aysan galin. Warbixintan oo ay si wadajir ah kagasoo shaqeeyeen Hey’adaha kala ah Amnesty iyo HRW ayaa la faafiyey isbuucii lasoo dhaafay waxaana lagu wareystay qaar kamid ah dadkii kasoo baxay xabsiyada wadanka Sucudiga ee la xiray bishii May ee aan soo dhaafnay, xilligaas oo xukumada Sucuudiga ay qaadday Xamlo ballaaran oo ka dhan ah dadka kasoo horjeestay siyaasadeeda, oo isugu jira saxafiyiin, dad u dooda xuquuql insaanka, Barayaal Jaamacadeed iyo Wadaado ku sugna gudaha wadankaasi. Xabsiga Thahban ee ku yaal xeebaha Badda Cas ee marta galbeedka wadanka Sucuudiga ayaa lasheegaya inuu kamid yahay xabsiyada ugu daran ee dadku Tacdiibka kula kulmaan, halkaas oo saraakiisha Sacuudiyanka ah ay ku isticmaalaan Koronto qofka looga dhajiyo Madaxa, Gacmaha iyo Lugaha iyo garaacis caadi ah oo Baarayaashu ay adeegsanayaan Karbaash, waxana laguso warramayaa in qaar kamid ah maxabista halkaas ku jira ay ka quusteen Socod, halka qaarkoodna aysan xitaa istaagi Karin. Ilaalada xabsiga ayaa maxaabiista qaar ku xira oogada sare ee xabsiga oo ah goob Shamiinto ah oo banaan, oo aan laheyn gabbaad laga galo qorraxda kadibna halkaas ayay dhambacaad u jiifayaan oo maalinkii ay qorraxdu kula dhacdo, arrinkaas oo sababay in qaar kamid ah maxaabiista uu jirkoodu gubto maqaarkana uu ka dhoco. Haweeney muslimad ah oo ku jirta Xabsiga Thahban ayaa warbixinta lagu sheegay in ay la kulantay Kufsi ay u geysteen Baarayaal Sucuudiyaan ah oo wajiga soo xirtay, arrinka noocaas ahna waxa uu noqday mid waayadan dambe kusoo badanayay dhagaha dadka musliminta ah ee kudhaqan gudaha wadanka Sucuudiga ee eheladooda ay ku xiran yihiin xabsiyada wadankaasi. Sababaha dadka loo tacdiibayo ayaa lagu sheegay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa maamula xabsiyada ay ka doonayaan qofka maxbuuska ah inuu qirto dambi uusan galin, ama uu ballan qaado in uusan mar dambe mucaaradi doonin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda, mararka qaarna waxa ay tacdiibiyaan dad ay sheegeen in ay dhaqan celinayaan oo ay diideen towbadi ay dowladu usoo bandhigtay. Waxaa jiro maxaabiis badan oo ku jira xabsiyada wadanka Sucuudiga, kuwaas oo aan loo ogolaan inay qabsadaan abuu kaate u dooda xuquuqdooda, sidoo kalena aan loosoo jeedin wax Tuhmo ah, loona diiday in ay la kulmaan ehaladooda arrinkaas oo isna ah dhibaatoyinka kajiro wadanka Sucudiga. Xamlada lagu xirxiray dadkan ayaa soo bilaabatay Bishi May ee sanadkan 2018ka, waxa ayna saameysay In badan oo kamid ah culumada wadankaas, barayaal jaamacadeed, Saxafiyiin iyo dad badan oo kazoo horjeestay siyaasadaha uu la yimid dhaxal sugaha wadanka Sucuudiga maxamed bin salman. Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli dowlada Sucudiga ay wajaheyso cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladaha caalamka, kaas oo salka ku haya dilkii Wariye Jamal Khashogji, kaas oo ka dhacay gudaha Qunsiliyada sucuudiga ee magaalada Istanbul, dilkaas oo la sheegay inuu ka danbeeyey Maxamed Bin Salman. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday qodobo ka mid ah shaqooyinka hor yaalla Golahaasi. Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan. Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi. Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed. The post Guddiga joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa ka hadlay isbedalka xilligan ka socda geeska Afrika iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland. Qaarkood waxa ay sheegeen in saameyn uu ku yeelan karo Somaliland, halka kuwo kalena ay tilmaameen inaanu wax saameyn ah ku yeelan karin Somaliland. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Cape Town ee dalka K/afrika waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo halkaasi ganacsi ku lahaa. Sida ay sheegeen dad ku dhowaa halka dilkan uu ka dhacay, burcaddan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo uu ku sugnaa muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Hilaal Xirsi Jaamac, kadibna ay halkaasi ku toogteen. Raggii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska ee dalkaasi. Waxaa kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin wax ay arrintaasi ka qabatay dowladda dalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gobolka Mudug, kadib markii uu rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo la socdeen. Gaarigan ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado, wuxuuna kusii socday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku rogmaday deegaanka Saddex Xiglo. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintey Labo qof, waxaana dhaawac uu kusoo gaaray 12 sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo si xaaladooda caafimaad wax looga qabto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah u tartamayaasha u tartamaya Doorashada Madaxweynaha Puntland ee 2919 ayaa waraysi uu xiyay wuxuu ka hadlay Heshiiskii dhexmaray Emaaraatka iyo Puntland ee lagu balaarinayay Dekada Bosaso, Cali Xaaji wuxuu shaki galiyey Heshiisku inuu yahay mid Bulshada wax loogu qabanayo isagoo sheegey inuu ahaa mid dano gaara laga lahaa. Wuxuu kaloo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Xukuumada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Hoos ka dhagayso waraysiga https://www.puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/Musharax-Cali-Xaaji-Warsame-oo-lagu-waraystay-.mp3 Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab sababay khasaaro Hantiyadeed oo barqanimadii maanta ka kacay Guri ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka degmada Kaxda C/naasir Cali Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Dabkaasi. Waxaana uu sheegay in uusan geysan wax khasaare Nafeed ah, marka laga reebo mid Hantiyadeed. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/db.mp3 The post Dab geystay Khasaaro Oo ka kacay degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo iska difaacaya eedeyntii Musuqmaasuq ee Gudiga Dhaqaalaha Baarlamaanka ay ku eedeeyeen ayaa jawaabo kala duwan kasoo yeereen, shalay Wasiirku wuxuu yiri” Waxaa la igu haystaa Mashaariic la iyiri si hoose noogu fududee”. Wasiirka Maaliyada Xukuumada Feederaalka ayaa Xildhibaanadu waxay ka codsadeen inuu usoo gudbiyo Documentska saxda ah ee lacagaha maqan meesha ay mareen, iyo Sababta lacagaha loogu isticmaalay dano gaara oo ay kamid yihiin, lacago malaayiin ah Dollar ah oo kontada ay Dad shaqsiyaada kala baxeen, lacago lagu seexday Hotelo, iyo lacago wali dad gaara looga bixiyo Hotelo ay degan yihiin. Iyadoo Xildhibaanadu ay sugayeen Jawaab ayaa Wasiirka waxaa kasoo yeereay hadalo uu ku weerarayo Xildhibaanada oo ay kamid yihiin, in loogu xanaaqsan yahay mashaariic uu ka diiday Xildhibaanada qaarkood, isagoo hadalka raaciyey, taas ka yeeli mayo. Baarlamaanku wuxuu Wasaarada Maaliyada ku eedeyey Musuqmaasuq baaxad weyn iyo in la lunsadey malaayiin Dollar. Ilaa hadana Wax jawaab ah kama aysan bixin Xukuumada Federaalku eedeynta ay Baarlamaanku soo jeediyeen laamaha Dowlada. Puntlandi.com Muqdisho Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Militariga dalka Uganda David Mahuuzi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka guud ee AMISOM. Taliye Mahuuzi ayaa sheegay in uu Soomaaliya u yimid sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa sida Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka ay u wajahayaan howlgalladooda ku aadan qorshaha QM ay u dajisay in ay ku howlgalaan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale waxa uu xusay in Cidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya in ay haatan u gudanayaan waajibaadkooda si waafaqsan Nidaamka ay u dajisay Qaramada Midooobay, islamarkaana ay xooga saarayaan, sidii ay u soocelin Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo ka socda Midowga Africa u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007-kii, iyadoona haatan in ka badan 6000 oo Askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Taliyaha Milatariga Uganda Oo la kulmay hoggaanka AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Mailatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda nawaaxiga degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay sidii loo furi lahaa Waddooyinka soo gala degmadaasi oo ay ay go’doomiyeen Al Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyoka waday degmada Beled-Xaawo, iyagoona laba maalin ka hor Nabaoon caan ahaa ku dilay gudaha degmadaasi. The post Howlgallo waddo furis ah Oo ka bilowday gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-24112018-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Golaha ee maanta oo looga hadlayay lacagta Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay sheegeen in la musuq maasuqay. Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka uu dul duleel ka muuqdo, sidoo kalena warbixinta iyaga oo aan soo marsiin Guddiyada joogtada ah iyo Guddoonka Golaha ay Baarlamaanka hor keeneen. Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri. “Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad. “Baarlamaanku masheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raali-galin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, war-bixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambana looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay, kadib markii ay Xildhibaano ka tirsan Golaha ka cawdeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbaahinta Buntlandi.com waxaa ka banaan shaqadaan hoose oo deg deg loogu baahan yahay. Wariye ka howlgala Gaalkacyo Wariyahaan waxaa loogu baahannyahay si deg deg ah, wixii faahfaahin ah lasoo xiriir Puntlandi.com. Noogusoo dir CV-gaaga post@puntlandi.com, xasuuso tlf.kaaga si sharuudaha laagaga bahan yahay laguugu sharoxo. Wariye si guud uga soo warama Doorashada Wixii faahfaahin ah lasoo xiriir post@puntlandi.com emailka aadsoo dirayso ciwaan uga dhig Doorasho22019 Post@puntlandi.com Source
-
Masuuliyiinta ugu Saraysaa Somaliland oo Liiska Shaqaalaha Sirdoonka Ethiopia kaga jiraan iyo xilalka ay soo qabteen Somaliland. Sirdoonka Ethiopia ayaa soo gudbiyay faylasha rag Soomaliland ah oo Sirdoonka maamulkii Tigray-da u ahaa jaajuusiin mushaar iyo darajooyin kala duwan ku qornaa. Ceebta ugu weyni waa in dadka liiska ku jira qaar badan ay xilal sare ka hayaan dowladda haatan jirta iyo dowladii ka horeyey. Liiska oo aad u dheer iyo xogtan oo qarsoodi ah aawadeed, waxaan idinla wadaagi doonaa shaqsiyaadka ugu darajada sareeya xagga darajoojinka ay sirdoonka Ethiopia. 1. Maxamuud xaashi cabdi wasiirkii hore madaxtooyada soomaliland. 2. Cali maxamed warancade wasiirkii hore ee arimaha gudaha soomaliland. 3. Maxamed kaahin axmed wasiirka hada ee arimaha gudaha soomaliland. 4. taliye ciidanka soomaliland nuux ismaaciil taani. 5. Ismaaciil aadan cismaan ,ismaaciil yare oo ah wasiirka arimaha gudaha hore. 6. Amb cawil cali ducaale wasiirka arimaha maaliyada. 7. Ahmed dahir Gudoomiyaha jaamacada admas 8. Xildhbaan cali mareexaan ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guri geynta. 9. Faysal cali waraabe gudoomiyaha xisbiga ucid. 10. Xuseen kiniyaati ahaa madaxa sirdoonka soomaliland. 11. Axmed xaaji cali cadami wasiirkii hore gaashindhiga soomaliland. 12. Xildhibaan saleebaan cali koore wasiirka biyaha soomaliland . 13. Cabdilaahi habene cabdilaahi dheere ,xoghayihii golaha guurtida ,soomaliland ahaana wasiirka wax barashada. 13. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirkii hore ee arimaha dibada Waxaa jira liis kale oo aan weli la shaacin oo la soo wado Qaran News
-
Dawlada Mareykanka ayaa iska fogeysay oo been abuur ku tilmaantay warka sheegay in Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Caasimada Somaaliya ee Muqdish bisha December, warkaas oo ay sii deysay Idaacad VOA-laanteeda afka somaaliga. ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay, in aanu jirin, oo aanu sax aheyn oo uu yahay been abuur, isla markaana anu ku jirin wareysigii uu bixiyey Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Mr. Yamamto, oo lagu sheegay in safaarada Mareykanka loo soo raraayo Gudaha Somalia bisha December 2018, warkaasina uu gaar ku yahay wareyihii Voa-laanta Somaaliga ee wareysiga qaaday Sahra Cabdi Axmed. Qoraalka Been abuurka ah Qoraalka Twitterka la soo dhigay oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu xusay, in Dawlada Mareykanka ay ka go’an tahay xoojint cilaaqadka ka dhexeeya labda dal, kaas oo kor loogu qaadayo degaanshaha iyo nabdgalyada Somaliya. Qoraalka ka soo baxay Safaarada Mareykanka Qoraalka ayaa intaa ku daray in safarda Dibulomaasiinta Mareykanku ku gaala bixinayaan Somaaliya ay qeyb ka tahay dadaalada Mareykanku ku doonayo inuu joogitaan ku yeesho Somaalia. Fadeexadan ay lugaha la gashay Idaacada VOA-laanteeda Afka Somaaliga ah ayaa dhabar jab weyn ku ah sumcada iyo kalsoonida shacbiga Somaaliyeed iyo midka Caalamkuba ku qabi karaan wararka iyo warbixinaha ah ay sii deyso Idaacadu. Shacbiga Puntland iyo guud ahaan midka Somaaliyeed ayaa yaqiinsanaa,oo mudo dheer ka cabanaayey in laanta Afka Somaaliga ee Idaacada VOA Mareykanku ay ku sifowday mid aan dhexdhexaad ka aheyn mushukiladaha Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya, marksatana ay ka faafiso warbixino iyo warar been abuur ah oo lid ku ah degenaansha ah iyo nabadgalyada Shacbiga iyo Dawlada Puntland. Source