Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul waasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal kooban oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ra’iisul waasaruhu hambalyo iyo duco ujeediyay madaxweynaha cusub ee saaka loo doortay Puntland,Siciid Deni. “Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday” ayuu yiri Khayre. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub“shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa, in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa maanta Puntland lagu doortay Saciid Cabdullahi Deni, si uu hoggaamiyo dowlad goboleedkaasi 5-ta sano ee soo socota. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaaheeda la wadaageysa baarnaamijka siyaasadeed, ee uu ka hor akhriyey golaha wakiillada Puntland, si loogula xisaabtamo inta uu maamulka Puntland madax ka yahay. Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Saciid Cabdullahi Deni: 20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa. Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka. Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran. Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland. Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance). Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga: Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed. 4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka. Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha: Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi. Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada: Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership). Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga: Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha. Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada: Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka. Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wareegii labaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, waxaana kusoo baxay labo musharax oo kala ah, Axmed Karaash iyo Cabdi [...] Source
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta amniga iyo caddaalada oo looga hadlay qorshaha tubta ee labada sabo ee soo socota. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa u jeedadiisa ugu wayn ay tahay in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta, gaar ahaan kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo. Sidoo kale kulankan oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa maanta looga arrinasaday, sidii doorasho qof iyo cod ah loo gaarsiin lahaa Soomaaliya 2020-ka. Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la kulmi doonaa guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda loo dhanyahay si la isula meel dhigo shaqooyinka hor-tebinta leh ee sannadkaan u qorshaysan. XFS ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaal xoogan ug jirtay dardar gelinta howlaha kala duwan ee horyaalla Golaha Xukuumadda Soomaaliya. The post RW Kheyre Oo guddoomiyay shir ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Waxaa amarkii ugu horeeyey soo saaray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni kaas oo ku saabsan arrimaha maaliyadda. Mr. Deni ayaa joojiyey wax kharash ah in lagala baxo khasnadda, bangiyada iyo dhammaan xisaabaadka ay dowladda Puntland leedahay. Waxaana bangiyada gaarka ah lagu adkeeyey inay dhowraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, kaas oo ka dhacay agagaarka Masjidka Saxaaba ee degmadaasi. Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxa qaraxaasi ku dhaawacmay 1 Qof oo ahaa Darwalkii waday Gaarigaasi, lamana illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka badbaaday qof kale oo la socday Gaarigaasi. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi. Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka geysta gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ugu horeeyey ee uu qabto ka dhigay inuu soo saaro amar culus oo la xiriira hanaanka maaliyadda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay, waxaana uu joojiyay kharashaadka ka baxaya akoonada hay’addaha dowliga ah ee Puntland illaa amar dambe. Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul. Hoos ka aqriso amarka madaxweyne Deni
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland. Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garoowe. Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland. Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garoowe looga digay in ay qaaddo. Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe.
  9. Wareegii koowaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana wareega labaad usoo gudbay saddex musharax oo kala, Axmed Karaash, Cabdi Qowdhan iyo [...] Source
  10. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Kismaayo oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. War ka soo baxay Al Shabaab, ayaa lagu sheegay in qarax xoogan lala beegsaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Beled-Xaawo ee G/ Gedo. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi uu khasaare ka soo gaaray ciidankaasi, inkastoo aysan shaacin inta uu la’egyahay. Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in qarax kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Jubbaland qarax lagula eegtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaraxan ayaa ka dhacay goob fariisin u ah Ciidamada maamulkaasi, sida ay Al Shabaab ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan qaraxyadaasi. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fuliya gudaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sheegtay qaraxyo ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani. “Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani. “Shacabka & mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”. Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka maanta ka dhacday Garowe, isagoo Wareega Sedexaad helay 35-cod. The post XFS Oo hambalyeysay Madaxweynaha Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-080118.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale madaxweynaha Jubaland ayaa bogaadiyay mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo uu ku ammaanay in ay xaqiijiyeen in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Puntland. Mudane Axmed Madoobe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay garab istaagan madaxweynaha cusub,islamarkaana wadajir iyo midnimo muujiyaan. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Senator C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in doorashadii madaxweynaha ee maanta ka dhacday Puntland ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana xalaal ah. Wuxuu sheegay in xildhibaannada Puntland ay doorteen shaqsi ku haboon in Shanta sano ee soo socota hoggaamiyo Puntland. Wuxuu tilmaamay in Dani uu wax badan ka qaban doono Puntland, islamarkaana loo baahan yahay in dadka uu ka saaro dhibaatada haysa. Faroole ayaa dhanka kale ka dalbaday shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-FAROOLE.mp3 Source: goobjoog.com
  15. Puntland state parliament has elected a new president on Tuesday in a hotly contested presidential election. Former Federal Minister for Planning and International Cooperation Said Abdullahi Dani has been declared as the winner of the race following the conclusion of a third-round contest which was participated by two candidates. According to the electoral committee, Dani won Puntland regional leadership race with 35 votes. He defeated his close rival, Asad Osman Diyano, a former intelligence official, who got 31. The president-elect who briefly addressed the lawmakers pledged he will move the state forward from where his predecessor Abdiweli Gaas left. The former president, Abdiweli Ali Gaas has congratulated the new president and wished him good luck in his new role. Dani was the Minister of Planning of Somalia, having been appointed to the position on 17 January 2014 by Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed. He also ran in the 2017 race for Somali presidency. The post Puntland elets Saed Deni as new president following election in Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday Garoowe ayaa ugu horreyn u hambalyeeye madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Dani. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay nidaamkii ay doorashadaasi u dhacday, sidoo kalena u hambalyeenayo madaxweynaha cusub. Gaas ayaa sheegay in Dani uu yahay shaqsi aqoon leh, wax badanna ka qaban kara xaaladda guud ee Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CWELI-GAAS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii seddexaad ee doorashada kaga guulaystay Asad cismaan Diyaano oo kula tartmayey. Haddaba waa kuma Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee la doortay? Taariikh kooban Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000,Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Waxbarashada ayuu ka soo shaqeeyay Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka,Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii dib ugu soo noqday degaannadii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay as’aasidda iyo yagleelidda goobaha waxbarasho ee laga hirgeliyay gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso. Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuuna kamid ahaa as’aasayaashii hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. Sidoo kale mudane Deni ayaa mar soo noqday guddoomiyaha Jamciyaddaasi Taddamun sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay,isagoo wax ka as’aasay Dugsiyada Imaamu Nawaawi,islamarjaana soo noqday maamulihii kowaad ee Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998-dii. Sannadkii 1994-kii Siciid Deni wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,isagoo sidoo kale Sannadkii 1996-dii noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobolladii loo yaqaanay “waqooyi Bari Soomaaliya” (Puntland) Arrimaha Ganacsiga Sannadidii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Taariikhdiisa Siyaasadeed Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Sannadkii 2012,wuxuuna xubin ka aha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,isagoo mar ku sigtay in uu Ra’iisul wasaare noqdo,kadib markii la riday xukuumaddii Cabdiweli Sheikh Axmed oo uu ka tirsanaa. Sannadkii 2017 mudane Siciid Denni wuxuu ku jiray murashixiintii u tartamayay doorashadii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. Talaadada saaka 8-da Jannaayo 2019 ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano) oo helay 31-cod. PUNTLAND POST The post Waa kuma Siciid Deni madaxweynaha cusub ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  18. Ciidamada Amaanka Puntland ayaa dirba la wareegay Amaanka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani. Koox kasocda Ciidanka Amaanka Madaxtooyada oo u badan dharcad [...] Source
  19. Garowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) ayaa ku guuleystay madaxtinnimada dowlad goboleedka Puntland, isaga oo goobta lagu dhaariyey si uu Puntland u hoggaamiyo 5-ta sano ee soo socota. Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sanaddii 1972-dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho. 1980 ilaa 1984-kii wuxuu Dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda Luuqadaha. 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahanadii dib ugu soo noqday Puntland, qeyb ayuuna ka qaaatay horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland. Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday. Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay. Sannadkii 2017, Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta 9-ka January 2019 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland. Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  20. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal kooban ka jeediyay hoolka doroshada ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Senetor Faroole ayaa hadalkiisa ku muujiyay siduu ula dhacsanaa in doorashada uu ka haro Madaxweyne Gaas, waxaana uu sheegay in doorashada ka dhacday magaalada Garowe ay aheyd mid xalaal ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub ee la doortay uu wax badan ka yaqaano islamarkaana uu hogaamin karo shacabka Puntland. “Waa maalin weyn waa maalin isbadal xalaal ah uu ka dhacay Puntland, waxaa dadka Puntland loo xulay qof xilka lagu aamini karo, waxaan u mahad celinayaa xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, waxaana kaga mahadcelinayaa doorashada ay doorteen hogaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo ah siyaasi Nadiif ah”, “Waa nin nadiif ah oo aan aqaan, hadda ka horna ku sigtay inuu ra’iisul wasaare noqdo, waan ku naqaanaa kartida uu leeyahay Saciid Deni, waxaan kaloo aan u mahadcelinayaa Generaal Asad oo ciidamada ugu tayada wanaagsan ee Puntland hogaamiye ka ahaa xiligii aan madaxweynaha ahaa”. “Dabeyshii ina heysatay ayaa ina dhaaftay, waxaan dadka shacabka ah u rajeynayaa inay helaan barwaaqo iyo xasilooni”ayuu yiri C/raxmaan Faroole. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  21. Garowe, (Qaran news)-Siciid Cabdilaahi Dani Oo maanta loo doortay madaxweynah Shanta sanadood ee soo socda waa kuma Musharax Siciid Deni Hoos ka aqriso Taariikh Nololedka iyo Waxqabadkiisa. Dhalashada iyo Waxbarashada: Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Shaqada Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii fara kutiriska ahaa ee dib ugu soo noqday deegaankii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay, sidii ay uheli-lahaayen bulshadii ku noolayd goboladaas adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka , kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland. 2.1. Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Sannadkii 2005 Musharrax Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii canshuuraha Puntland. 2.2. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii qayb wayn ka qaatay sidii bulshada Puntland u heli laheyd nidaam Dowladnimo oo waara. Sannadkii 1997, waxa uu kamid ahaa ergadii gobolladii la isku oran jiray Bari (Bari, Gardafuu, Karkaar ), kuwaas oo ahaa ergooyinka laf-dhabarka u ahaa aasaaska Dawladda Puntland Sannadkii 2003, waxa uu qayb wayn ka qaatay, dib uheshiisiintii khilaafkii siyaasadeed ee Puntland ka dhacay. isaga oo xubin ka ahaa Guddigga dib-u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Puntland. Sannadkii 2008, waxa uu qayb wayn ka qaatay dib uhabaynta dhaqaalaha Puntland isaga oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isku-dhafka ee dhawrista ammaanka iyo dib u habeynta ilaha dhaqaalaha ee Puntland. Sannadkii 2009, waxa ka mid ahaa aqoonyahankii loo xilsaaray dib u habaynta Hanaanka maammul ee Puntland oo ahayd tallaabadii ugu mirodhalsanayd ee loo qaado nidaamka dowladnimo Puntland aasaaskii ka dib. Isla sannadkaas 2009 wuxuu noqday La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Dhinaca kobcinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga. 2.3. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay. Sannadkii 2017, Musharax Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. 2.4. Xiriirka Caalamiga Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka qeyb galay shirar badan oo heer caalami ah iyo kuwo heer Goboleed oo uu ku metelayay dowladda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka qeyb galay shirar ku saabsan Horumarinta Ganacsiga oo ka dhacay waddamo kala duwan. Qaran News