Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan laga malay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa laga maqlay wadada Warshadaha ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarkii hore ee warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala agagaarka warshadii hore ee taraqa iyo Sigaarka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu gurigiisa la tagay ruuxii lahaa, kadibna uu qarxay. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga uu ku dhex qarxay gudaha guriga, iyadoo uu gubanayo gaariga. Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, iyadoo ciidamo badan la geeyay si loo xaqiijiyo xaaladda goobta ay wax ka dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici, ayaa booqasho ku tegay waddanka Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac ayaa sheegay in gobolada Bariga loo qorsheeyay 24% mashruuca SDf, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Iyadoo 3 maalin uun ay ka soo wareegtay guurkeeda ayaa saygeedii iyo qaar ka mid ah qoyskeeda la xidhay, waxayna sheegtay in loo caga-jugleeyay oo meel ay gasho ay wayday, sidaasi darteedna ay ku biirtay ururka ONLF. Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa ONLF ku biirtay iyadoo 16 jir ah oo aroos ah ka dib markii ninkeeda la dhigay xabsiga Jeel Ogaadeen waxayna ka mid ahayd askartii iyaga oo tababarka ku soo dhamaystay Eritrea laga soo dajiyay magaalada Jigjiga. Nicmo ayaa muddo dheer ka dib ninkeeda indhaha saartay waxayna BBC-da uga sheekeysay qisadeeda iyo waayihii ay soo martay. ”Waxay saygeyga ku maageen ma aqaano, jeel Ogadeen ayaa la geeyay, 9 sano ayuu halkaas ku xirnaa, hadda Jigjiga ayaan iskugu nimid isaga oo jeelka ka soo baxay iyo anigoo ciidan ah” ayey tiri Nicmo Sheekh. Sidoo kale waxay BBC-da u sheegtay in aabeheedna la xiray oo iyada iyo ciyaalkii la dhashayba ay ku soo koreen aabo la’aan, balse hadda ehelkeedii iyo aabaheedba waa la soo daayay. ”Ma aha in uu dhamaaday halgankii iyo dhibkii aan waxan u soo marnay, balse siyaasadda ayaa dhan qabow isku badashay, xagga qabow ayaan kaga miro dhalin doonnaa, haddi ay xitaa ka fursan weydo oo kulayl nala gasho, inaan geeriyoono mooye kama hari doonno oo kama tanaasuleyno halganka” ayey tiri. Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa hadda magaaada Jigjiga kula nool saygeeda waxayna sheegtay inay hadda u diyaar garoobayaan inay ilmo helaan haduu Alle siiyo, maadama markii hore la kala waday oo wax ilmo ah aysan isku dhalin. Nimco weli ma aaminsana in hadafkeedi ay gaartay, waxayna sheegtay in xabadda uun ay joogsatay, ayna weli ku han weyn tahay inay aragto “calanka Ogaadeenya” oo kaligii taagan. BBC Soomaali Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed Xasan(Bulqaas),oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aanu madaxweyne Muuse Biixi tagi karin bariga gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in Maamulka Puntland gacanta ku hayso, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna. “Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. “Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.” Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka dhaqaalaha badaha appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay dabada u soo jeedisay Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa muddooyinkan aad uga gaabsaday dhibaata joogta ah oo lagu hayo dadka degan deegaanka Garasbaaley, oo laga dhibaateenayo degmada Dayniile ee ku dheggan. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa bishan gudaheeda weerar khasaare xooggan dhaliyay ku qaaday deegaanka Garasbaaleey oo dhaca duleedka Muqdisho. Wax war ah ama tallaabo ah kama soo saarin maamulka gobalka Banaadir arrintaas, waxaana lagu warramayaa in sababta ay tahay cabsi uu ka qabo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow. Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Garasbaaleey ayaa dhowr jeer oo hore ula kulmay duqa Muqdisho, isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu hayo deegaanka, balse ugu dambeyntii waxba kama suurt-gelin arrintaas. Deegaanka Garasbaaleey ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay ka muuqatay horumarro aad u waa weeyn oo ay u guntadeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda deegaanka. Weerarada uga imaanayay degmada Dayniile ayaa labadii bilood lasoo dhaafay joogta ahaa. Maamulka Dayniile ayaa doonaya in Garasbaaleey looga arrimiyo Dayniile, halka bulshada ay doonayaan inay noqdaan degmo madax banaan. Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in Yariisow uu maamulka gobolka Banaadir ku yahay oo kaliya magac u yaal, oo uusan gobolka isaga maamulin. “Gobolka waxaa maamulka Kheyre iyo xubnaha ku dhow, Yariisow waa iska magaacaban yahay” ayey yiraahdeen. Dad ku dhow Yariisow ayaa iyagana laga soo xigtay in haddii uu qaado tallaabo aysan raali ka ahayn Kheyre iyo kooxdiisa uu u baqayo xilkiisa. Degmada Dayniile ayaa waxaa degan beesha ra’iisul wasaaraha, halka Garasbaaley ay ku badan yihiin beesha Yariisow. Odayaasha beesha Yariisow ayaa hadda ka fakaraya inay qaadaan tallaabo ay ku dalbanayaan in maamulka gobolka loo dhiibo qof ayaga matal, maadaama Yariisow uusan sidaas u muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare. Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd. Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo Taariikhda Shiikh Cabdiweli oo uu dhalay Shiikh Cali Cilmi Yare oo ahaa wadaad Diinta Islaamka si weyn ugu faafiyey Gobolka Mudug kaasoo Diinta Islaamka Caalim ku ahaa. Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey. Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada. Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen. Goobjoogaha ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarool oo ku taalla xaafadda kaawo Godey ee degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga. Ciidamada ammaanka ayaa ninka ay qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumahooda baarista, si sharciga loo horgeeyo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka iyo falalka kale ee ammaanka ka baxsan. Halkan ka daawo Muuqalaka Qaraxa
  11. Iyadoo Xukuumada Federaaæku ay Malaayiin Dollar ay ku bixiyeen iney Madaxweyne uga dhigaan Koonfur Galbeed Musharax Cabducasiis Xasan oo looyaqaan Lafta-gareen, isla markaasna ay Itoobiya [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u guddoomiyo. Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri “Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”. Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”. Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”. Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”.
  13. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika. Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika. Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Wafdi ka socda Midowga Afrika Oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Shir Jaraa’id : XIldhibaanda Dawlada Federaalka Somaaliyeed oo sheegay in si sharci daro ah Xukumada iyo Gudoonka Barlamaanka oo is kaashanayaa ay u baajiyeen kulankii [...] Source
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hay’adaha amniga dalka, ayna ka go’antahay in la helo amni la’isku hallayn karo. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shirkan waxaa ka qeyb galay, talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay matalayaasha dalalka aan saaxiibada nahay, kuwa ciidamada nabad ilaalinta ugu deeqayna ay goob joog ka haayeen. Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Ra’iisulwasaaraha ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka dhanka amniga iyo qorshayaasha cad cad ee ay la timid si amniga dalka loo sugo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-R/W Kheyre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u guddoomiyo. Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri“Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”. Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”. Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”. Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 7 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Afaraad ee Golahaasi ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xubnaha Aqalka Sare ayaa dhageystay akhrinta labaad ee Sharciga sameynta Gudidga Madaxa Banaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa. Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddigan waxa uu ka soo gudbay Golaha Shacabka ee BFS 21/11/2017-kii, wuxuuna soo gaaray Aqalka Sare 28/11/2017-kii, si waafaqsan qodobka 44 aad ee xeerhoosaadka Golahaasi. Wasiirka Cadaalada Soomaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedkan fadhiga guud ee Golaha 24/04/2018-kIi Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi xaashi C/laahi ayaa 29/04/2018-ka, si rasmi ah ugu gudbiyay Hindise Sharciyeedkan guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare. Xildhibaan Sam Sam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga Garsoorka, arrimaha Diinta , Awqaafa, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ayaa ka sheekeysay marxaladaha uu soo maray sharcigan. Ugu dambeyn Cabdi Xaashi C/laahi guddomiyaha Aqalka Sare ayaa amar ku siiyay xubnaha Golahaasi in ay muddo 3 cisho ah ay Isha ku soo maraiyaan Sharcigaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda oo soo diyaariyay Hindise Sharciyeedkan in ay Sabtida ay hor yimaadaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada. The post Sawirro:-Golaha Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan qarax Miino ah oo lagu aasay gudaha degmadaasi. War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmaad Hodan. NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaasi oo gacan ka helaya shacabka Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post NISA Oo fashiliyay qarax lagu aasay degmada Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
  20. At least eight people were killed and scores others wounded when a car laden with explosives exploded in a busy market in Mogadishu. Medical sources said more fifteen injured people were also taken to various hospitals in the city. The explosion occurred in Kaba Godey khat market approximately 12:30 PM local time. Local media report that a suspect who parked the car was arrested by the police. No one has claimed the responsibly of the attack. The attack comes hours after more than more 20 people including a controversial cleric and his followers were killed in the central Somali city of Galkacyo. Armed group Ashabaab claimed the responsibility of the attack saying the cleric insulted the holy prophet P.B.U.H Four fighters were neutralized in the attack at religious centre on Monday morning. The post Eight killed in Mogadishu market bombing appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Mahadaay ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu Qof Rayid ahaa ku dilay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cadiraxmaan Cadow Maxamuud, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelladiisa. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay in uu dhawaan ka yimid deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Lamana oga illaa iyo hadda u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxuumkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Askarigi dambeeyay dilkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dhibaatooyin xoogan u geysta dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Askari ka tirsan Ciidanka DFS Oo dil ka geystay Mahadaay appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa Kaawa-Goodey oo katirsan degmada wajir ee Muqdisho. ku dhowaad 10-ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi tiro ku dhow 20-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen. Xiliga uu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid mashquul badan dad badan oo ka tukaameeysanayayna ay goobta ku sugnaayeen. Dhinaca kale hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaasi maanta ka dhacay Muqdisho. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin: Qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta darawalkii waday Gaari maanta ku qarxay Suuqa ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in Ciidamada amnigu ay ku joojiyeen bar-kontarol oo ku taalo xaafadda Kaawo Godey ,halkaas oo uu markii dambe uu ku qarxay. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday Gaariga gacanta lagu soo dhigay, kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad u badnaa Rayid oo ku sugnaa halkaasi. The post Darawalka waday Gaarigii ku qarxay Wadajir Oo la qabtay appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah. Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa horay u gaaray wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka,kuwaas oo ujeedkooda uu yahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka. Madaxweyne Waare ayaa inta uu joogo magaalada Baladweyne wuxuu la kullamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka,kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimaha amniga iyo in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Madaxweynaha HirShabelle Oo gaaray Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article