-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda. Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal. Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda dalka uu ka dhaxeeyo Ixtiraam lagu wada shaqeyn karo, haddii uusan jirinna wuxuu sheegay in fowdo ay halkaasi ka dhalan karto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay baarlamaanka inay yihiin kuwoo doortay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ansixiyay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda dhankeeda looga baahan yahay inay ixtiraam kula dhaqanto xildhibaanadii ansixiyay shalay markii lasoo dhisay. Hoos ka daawo Khudbadda Xasan Daahir Aweys. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Sheekh-Xassan-Daahir-Aweys-oo-eedayn-u-jeediyay-Dowladda-Federaalka.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegtay in howlgal dhinaca cirka ah uu ka fuliyay tuulada Baladul Amin ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta dalka Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqaynta oo dhacday 19-kii bishaan December [Arbacadii] ay ku wehliyeen howlgalkaasi ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka oo ahaa labo ay ku dileen 11 kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab xili ay meesha ka saareen inay waxyeelo gaarsiisay duqaynta shacab. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay sheegagashadda Mareykanka. In ka badan 40 howlgal oo cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay sanadkaan gudaha Soomaaliya ayuu ku beegsaday xoogaga Al-Shabaab, inkasta oo duqaymahaasi qaarkood ay waxyeelaysay dad rayid ah. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku yeeshay Muqdisho. Sida ay xogta ku heshay idaacadda Shabelle, kulankaan waxaa lagu lafaguray go’aankii uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ka qaatay Mooshinkii Madaxwaynaha. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa tibaaxay in gabi ahaanba uu jabay Hindisaha xilka qaadista Farmaajo. Kulankii xalay waxaa kasoo qaybgalay Xilldhibaanada ku kala qaybsamay Mooshinka ee kala taageerayay Madaxwaynaha iyo Hindisaha, waxayna isla meel-dhigeen sidda loogu baahan yahay in howlaha dowlada usii socdaan. 9-kii bishaan December 2018, ayay ahayd markii uu Gudoomiye Mursal ku dhawaaqay inuu qabtay Mooshinka, taasi oo wadanka gelisay khal-khal siyaasadeed, oo haatan ay muuqato in laga gaarey xal. The post Madaxda DFS oo kulan ka yeeshay go’aankii G/Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay u tanaasuleen balanqaadyo loo sameeyay xildhibaanada. Xildhibaan Maxamed Xasan Ganeey oo kamid ahaa xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka loo joojiyay seddex arin oo isbiirsatay, kuwaasi oo ku qasbay inay mooshinka ka laabtaan. Arinta Koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay in la waayay xildhibaano kamid ahaa kuwii mooshinka saxiixay oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda. Arinta labaad wuxuu ku sheegay xildhibaanka inaysan jirin maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta qodobada la isku hayay, isaga oo sheegay in heshiiska mooshinka looga laabtay ay ku jirtay dhismaha maxkamad dastuuri ah. Arinta Seddexaad wuxuu ku sheegay inay u tureen Shacabka iyo dalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo dhacay xiligii adkaa ee mooshinka uu socday, kaasi oo sababay in shaqada baarlamaanka joogsato. Wuxuu dhinaca kale sheegay iney been abuur tahay in xildhibaanada mooshinka keenay loo sameeyay balanqaadyo xileed, waxaana uu arin lagu qoslo ku tilmaamay halka 92 xildhibaan looga keenayo xilal maadaama xukuumadda ay ka kooban tahay 68 xubnood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xarakada Al-Shabaab ayaa ic-laamisay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere ayaa tilmaamay in la faray dagaalyahanadooda inay cagta mariyaan ISIL garabkeeda wadanka ku sugan. Hadalka ayaa kusoo aadaya xili dhowaan uu iska hor-imaad culus uu ku dhex-maray labadaan kooxood gobolka Bari. Shabaab iyo Daacish ayaa ku loolamaya awooda maamul ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taasi oo sii xoogeysatay bilooyinkii udambeeyay. The post Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa waddo baaritaano ka dhan ah kooxda Daacish oo la ogaaday inay wadaan qorshe ay isku balaarinayaan, kadib markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay galeen magaalooyin horleh. Walow Dowladda Soomaaliya aysan shaacin in kooxda Daacish ay gudaha usoo gashay magaalada Muqdisho, haddana kooxda ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye. Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ka dooday halista Kooxda Daacish, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay heshay xogo cusub oo shaacinaya in kooxda magaalooyin horleh isku balaarinayaan. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa xaqiijiyay in laga warhayo in kooxda ay isbalaarin sameyneyso, waxaana uu sheegay in golaha wasiirada ay ka arinsadeen arintaasi. Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay heleen xogaha islamarkaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda si aysan u kordhin dhibaatooyinka ay ka geysan karaan Soomaaliya. Khubarada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amaanka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socdo, maadaama ay ka dhismeyso dal kasoo kabanayo burbur iyo amni daro. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-1Golaha-Wasiirrada-somalia-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-21122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay warbixino maalmihii ugu dambeeyay kasoo kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya, waxaana ay shaaciyeen inay dagaal kula gali doonaan deegaanada gobolka Bari ee Puntland. Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu ka dhici doono buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen sababta ay ula dagaalamayaan Daacish inay tahay ka hor imaanshaha dagaalka ay iyaga ka wadaan Soomaaliya. Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay in kooxda Daacish ay Dhibaatooyin iyo Gaboodfalo ay ka waddo Soomaaliya gaar ahaan deeganaada Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Al Shabaab. Labo qodob ayaa muuqata in iclaaminta dagaalka Al Shabaab ee ka dhanka ah Daacish uu salka ku hayo, waxaana bayaanka Al Shabaab aqriyay Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere. Qodobka Koowaad ayaa ah “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.” sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab. Qodobka Labaad ayaa ah in daacish ku eedeeyeen “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.” Daacish ayaa maalmo ka hor baahisay sawiro iyo muuqaalo ay ku sheegeen in Al Shabaab saldhig ay ku lahaayeen Puntland ay weerareen ayna ka qabsadeen hub badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibana Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhiidhiyey in sawir uu horey ula galay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo saaro maanta, ayada oo loo adeegsanayo dano siyaasadeed. Qaar ka mid ah taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawir muujinaya Kheyre iyo Fiqi oo isla dhoola caddeynaya saacado kadib markii laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo. Taageerayaasha Kheyre ayaa sawirkan raaciyey qoraal ay baraha bulshada ku baahiyeen oo ay ku sheegeen in labada nin ay heshiiyeen. Si kastaba, xildhibana Fiqi ayaa arrintaas ka hor-yimid, isaga oo sheegay in sawirka uu ahaa mid toddoba bilk a hor uu Kheyre kula galay hotel saxafi, islamarkaana ay qaadeen shaqaalaha Kheyre. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi uu soo dhigay faceebook. Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO. Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas. Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in magacaabista qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ay muujineyso in ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed uu sare u qaaday maqaamka Somaliland. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in maadama Shamsudiin uu horey usoo noqday safiir uusan noqon karin qunsul sidaas darteed uu yahay safiir. Inkasta oo uusan si toos ah u dhihin, haddana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga dhadhansan karaa inuuu soo jeedinayo in Abiy Ahmed uu Somaliland ula macaamilayo sida dal oo kale. Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran: in Anigga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Xiligii wadahadal ka ee Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Jabuuti. Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hoggaaminayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ay ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsul. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Imaraatka Caraba, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ayaa qorsheyay inay ku duulaan dalka Qatar sanadkii 1996, sida uu Baahiyay TV- Al Jazeera. Isaga oo la hadlayay TV-ga Al Jazeera, Paul Barrel wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu hogaaminayay qorshaha Weerarka kadib markii kooxda ku fashilantay Afgambiga ay kasoo horjeedeen qoyskii sanadkaasi xukumayay Dalka Qatar. Barrell ayaa u sheegay Al Jazeera in Imaaraadka Carabta uu siiyay isaga taageero weyn oo la doonayay in howlgalka lagu fuliyo, isaga iyo kooxdii la socotay ayaa lagu martiqaaday hotelka Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo hub badan uu ku keydsanaa. Wuxuu sidoo kale Barrel Qiray in isaga iyp kooxdiisa la siiyay baasaboorka Imaaraatka Carabta si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqooda, isaga oo tilmaamay in dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Imaaraatka, waxaana uu ahaa ruuxa siiyay Baasaboorka, sidoo kale kooxda la socotay ayaa helay tababar dheeri ah si ay weerarka u qaadaan, sida uu sheegay Barrell. Barrell ayaa horey Sacuudiga kaga caawiyay inay dib ula wareegaan maamulka Masjidka Grand Mosque oo ku yaala magaalada Mecca sanadkii 1979, markii 500 oo ruux oo uu hogaaminayay Juhayman Al Otaybi la wareegeen. Marka la eego howlgalka Sanadkii 1996, hub culus oo laga keenay dalka Masar oo qeyb ka aheyd howlgalka, iyo askar lagu tababaray Imaaraadka Carabta oo howlgalka qeyb ka ahaa waxaa xarunta xiriirka u aheyd dalka Baxreyn. Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sheegay in weerarka xiligaasi la qorsheeyay uu ahaa mid la doonayay in lagu qaado dalka Qatar, waxaana uu sawiro ka qaaday xarumo meletari, qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo la doonayay in la weeraro. Qorshaha ayaa waxaa ku jiray diyaarad siday 3,000 oo Caloosheed u shaqeystayaal reer Chad ah oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Doha, madaxweynaha Chad ee Xiligaasi Idriss Deby ayaa qaatay adduun lacageed gaareya 20 Milyan oo doolar si uu u ansixiyo Howlgalka. Howlgalka waxaa ku baxayay dhaqaalo gaaraya 200 Milyan oo doolar, sida uu sheegay 70 Jirka lagu magacaabo Barrell oo ah ruuxa howlgalka hogaaminayay, waxaana xiligaasi la xiriiray madaxweynihii Faransiiska oo ka codsaday inuu joojiyo howlgalka. Wuxuu intaasi ku daray in haddii qorshahaasi uu dhici lahaa in natiijadiisa ay noqon laheyd “Xasuuq”. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
-
Soomaaliya burburkii kaddib waxaa loo dhisay dhawr dowladeed oo hana qaadi waayey oo laga xusi karo tii Cali Mahdi oo KMG ahayd iyo waliba Cabdiqaasim Salaad Xassan oo 2000 kun lagu soo dhisay Jabuuti. Ogow, kuwii ka horreeyey laga soo bilaabo Lixdankii ilaa iyo Kacaanka dalka waxa uu ahaa dowlad dhexe (Centralized Unitary) balse 2004 shirkii Kenya ayaa lagu go’aamiyey in loo guuro nidaamka Federal-ka ah ee aan magic ahaan ahysanno balse aynaan ku dhaqmin. Hase ahaatee, nidaamkii Federal-ka ahaa dowladdii u dambeeyey wey dhaqaajin waayeen oo waxa ay noqdeen caqabad ku hor gudban dowladnimada iyo madax bannaanida dalka, qormadan kuma foogana sax ahaanshaha nidaamka Federal-ka in dalku qaato iyo in kale balse waxaan ku eegi doonaa sida ugu fudud ee loogu dhaqmi karo. Caadiyan dalkan waxaa fursad u helay in uu hoggaamiyo isaga oo ay ka jiraan nidaam Federal ah dhawr madaxweyne oo uu ugu dambeeyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sax, qaar Puntland oo qura ayey la kulmeen sida Cabdullahi Yusuf iyo Sheekh Shariif halka Xassan Sheekh Maxamuud oo inta badan dhisan iyo Farmaajo ay la kulmeen shan maamul gobolleed. Faaladan kooban waxaan ku eegi doonaa dhibtii ay hoggaamiyeyaashii hore maamulada kala kulmeen, halka sararta ka qurun saneyd iyo waxa ay soo kordhin karaan mamaulka hadda jooga. Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf (AUN) Walow uusan fursad u helin in uu hoggaamiyo Maamullo badan hadana waxa uu ku soo aaday Puntland oo uu isagu dhisay. Xilligaas Puntland hiil iyo hooba wey ku garab istaagtay maamulkiisii. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Waxba kama duwaneyn Madaxweynihii ka horreeyey Cabdullaahi Yusuf, hase ahaatee, waxa uu kaga duwanaa Puntland uma kool koolin sidii odaygii ka horreeyey oo laf dhuun gashay ayey ku noqdeen. Waxa ay ku qasbi jireen in uu soo magacaabo Raisul Wasaaraha ay rabaan, saameeyaan golaha Wasiirada ilaa laga sameeyey wax loo yaqaan Road-Map oo uu toos talada wax ugu lahaa Faroole oo hoggaaminayey Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Puntland iyo isla Faroole fursad ma aysan siin oo durba waxa ay ku qaadeen dagaal iyaga oo ku lug yeeshay dhismihii Jubbaland oo si aan sharci ahayn iyo qori caaraddii uu ku sameystay Axmed Madoobe. Taageero aan kala har lahayd ayuu Faroole oo afuufaya wax loo bixiyey “Darodism” ku bixiyey Jubbaland. Waxaa bedelay Gaas oo loo han weynaa maadama uu Raisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya balse isagaba ayaaba ka daran Faroole. Kaba daran, Puntland waxa ay heshay garab oo maamulkii ay dhiseen ayaa ku taageeray dibin daabyada dowladnimada Soomaliya. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yaa ugu habboon ee labada maamul ee Daarood ogoleysiin kara sida dastuurku qabo in ay hoos yimaadaan oo la shaqeeyaan dowladda dhexe? Dalka hadda waxaa ka dhisan dowlad uu hoggaamiyo Madaxweyne Daarood ah. Sida muuqata waxa ay dagaal kula jiraan mamaulada oo ay doonayaan in ay hoos keenaan ama wada shaqeyn buuxda dowladda dhexe la yeeshaan oo aysan sida dowlado madax bannaan u dhaqmin. Hirshabeelle wey ku guuleysteen, Koonfur Galbeed sidoo kale ayey hantiyeen, Galmudug sidaas ayey ku dhawdahay, kaliya waxaa harsan labadii awalba dhibta badnaa. Ma jiri doono Madaxweyne aan Farmaajo ahayn oo yeelan doonaa fursadaha hadda la haysto, sababto waa in; 1 – Uu Daarood yahay oo meesha ay ka bixi doonto durbaankii qabiilka ee ay labadaas maamul tumi jireen, 2 – In Farmaajo haysto kalsoonida shacabka. Waxaa lama huraan ah in dowladda dhexe lagu garab istaago in ay ugu yaraan dowladda hoos keenaan labadaas maamul. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in la qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al Shabaab, kaasi oo ku sugnaa Muqdisho. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu shaaciyay in sarkaalka lasoo qabtay uu kamid ahaa xubnaha Amniyaadka Al Shabaab ee gawaarida ku dhajiya waxyaabaha qarxa, balse qoraalka NISA laguma sheegin halka laga soo qabtay. Sidoo kale NISA Ninkaan ay soo qabatay ma aysan soo bandhigin lamana hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda. Hay’adda Nabad Sugidda ayaa shaacisay in ruuxa la qabtay uu masuul ka ahaa xarun qarsoon oo dadka gawaarida wata loogu dhajiyo waxyaabaha qarxa. Qoraalka NISA waxaa lagu sheegay in ruuxa lasoo qabtay uu dadka Muqdisho ku nool uu handadaad ku sameyn jiray islamarkaana uu lacag baad ah ka qaadi jiray.
-
Doorashada Madaxweynaha Koofur-galbeed waxa ay ahmiyad iyo Mudnaan gaar u leedahay Dadka iyo Dawladda Somaaliya: Sedexda Gobal ee uu ka kooban-yahay Maamulka Koofur-galbeed waxa uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay Siyaasada iyo Nolosha Dhammaan Gobalada Somaaliya: waa Gobalka ugu dadka badan uguna horumarka yar, ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan uguna Gaajada iyo Faqriga badan, ugu Nabad jacel uguna Amni daran, ugu dhaw Caasimada Muqdisho kuna tiirsantahay Nolosheedu. Waa Gobalka ugu baahi badan Dawlad-nimo iyo Dawlad dhexe iyo mid Gobal, Dawladuna ugu baahi badantahay taageerada iyo Gacanta Gobalkaas.Waa Gobal isku xira Gobalada Koofur iyo Waqooyi, udub dhexaadna u ah Xasiloonidooda iyo Deganaashahooda. Dadka leh maxay Dawladda dhexe u fara gelinaysaa Gobalkaan waxa aysan ka warhayn; Khilaafkii dhex maray Maamulkii hore ee Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh 2015, markii Maamulka Koofur galbeed uu CALAN surtay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Benaadir ee Jazeera, kadibna ay qasab-noqotay in Ciidan loo diro oo Dagaal lagu xalliyo, Calankiina Xoog lagu siibo! Doorashadii Shalay ka dhacday Baydhabo waxa ay Astaan u tahay soo noqoshada Awoodda Dawladnimo ujeedkeedu yahay in la hoos keeno Gobalada Dalka oo dhan Dawlada dhexe, waxa ayna fure u taha Cahdi cusub oo u bilawday Siyaadadda Somaaliya, xirayna Albaabo horay u furnaa jiray sida; 1. In doorashadii shalay aysan Sharciyeyn kana qeyb galin IGAD iyo Beesha Caalamka, kaliya ay Goobjoog ka ahaayeen ayna Aqoonsadeen kuna Dhawaaqeen Golayaasha Federaalka gaar ahaan Waziirka Arrimaha Gudaha. 2. In laga sheegtay Faragelinta Dawladda dhexe kaliya lkn aan laga sheegan faragelintii shisheeye. 3. In la sheegay Musharax iyo Dhaqaale Dawladda dhexe lkn aan la sheegin Musharax iyo Dhaqaale Shisheeye. 4. In ay fashilantay faragelintii Madaxda Gobalada iyo qaar ka mid ah Madaxda Xizbiyada Xamar, ayna guulaysatay faragelintii Dawladda dhexe. 5. In ay dhammaatay Ololihii Doorashada Gobalada ee lagu geli jiray; waxaan idanka difaacayaa Dawladda dhexe, waxaana idinku xirayaa Beesha Caalamka. Shalay kadib Halku dhega Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Gobalada waxa uu noqon-doonaa: (Dawladda dhexe ayaan la shaqayn-doonaa, idinkuna xirayaa) si uu cod uga helo Shacabka iyo Xildhibaanada. 6. In uu dhamaaday Siyaasigii Xanaaqsanaa ee u Qayla-dhaamin jiray shisheeye ama u carari-jiray! Kadib markii ay u cadeeyeen Ciidamadii ay soo dirsadeen in ay ka amar qaadan-doonaan Dawladda dhexe kaliya. 7. In uu naga dhamaaday Siyaasi ku kiciya dadka; waa wareey Gobalkayga iyo Qabiilkayga ayaa loo socdaa ee ha laga kaco fadhiga! 8. In ay naga dhamaatay Gobalkaan taladiisa aniga ayey ii gaar-tahay, Dawladda dhexe na haddii aan la igala tashan xiriirka ayaan u jarayaa. Ugu danbayn waxaa is bedelay aragtidii iyo qaab dhismeedkii Maamul gobaleedyada wixii ka danbeeyey shalay, waxaana rajaynaynaa in la helo wado looga gudbo hab-dhaqankii hore ee Madaxda Maamul Gobaleedyada. W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bari lagu wadaa in uu u socdaalo magaalada Wajaale ee ku taala xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, wararku waxa ay sheegayaan in ay xuduudka ku kulmi doonaan madaxweyna ismaamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Socdaalkani Muuse Biixi oo dadka siyaasada ka faaloodaa ay ilaa maanta aad uga hadlayeen ayaa sheegaaya in aanay haboonayn in madaxweynahu uu xagaasi ugu tago maamul goboleed waxana ay aad xukumadda Muuse Biixi ugu dhaliilo mid ku fashilantay siyaasadii arimihii dibada Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. “Waxa aan Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in himilada shacabka Koonfur Galbeed ay tahay in deegaannadooda ay ku helaan amni iyo nolol wanaagsan.” Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed iyo amni ee ka jira dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Musharaxiintii xilka Madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxa uu ku ammaanay laamaha ammaanka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed sida ay ugu istaageen xaqiijinta amniga iyo in ay ka hortageen qorsheyaasha gurracan ee argagixisada Alshabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay doorashadii madaxtinimo ee Ka qabsoontay magaalada caasimad goboleedka Baay ee Baydhabo iyo khilaafka u sarreeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Garyaqaanka oo ugu horreeyn doorashada Bayshabo aynu wax ka weydiinnay ayaa sheegay in hadda ay muhiim tahay oo kaliya madaxweynaha la doortay mudane Cabdicasiis Xasan “Lafta Gareen” inuu ka shaqeeyo isu keenidda dadka madaxda u yahay ee ku nool gobolka Koonfur Galbeed. Waxaa uu hoosta Ka xariiqay in talada Xukuumadda Xamar uu ka hormariyo danta Shacabka uu madaxweynaha u yahay, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame ayaa wax ka weydiinnay khilaafka u dhaxeeya madaxda u sarreeya dowladda FS iyo hal u helidda khilaafkaasi. Waxaa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay xal u helidda khilaafkani saameeyay howlihii hay’adaha dowladda. Saameeynta khilaafkani ku yeeshay shaqadii hay’adaha dowladda waxaa kamid ah; in ay hakad galeen fadhiyadii gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen magaaladani Muqdisho iyo kuwa kale. Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka aqalka hoose ee sharci dejiyeyaasha iyo xukuumadda ayaa waxaa uu ka dhashay kala daristii guddiga maaliyadda, go’aankii dib Afhayeen Mursal uu ku sheegay in guddiga ay dib u wataan shaqadooda iyo hindisaha mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Maxamed Farmaajo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia lawmakers have abandoned a move to impeach the president over allegations he secretly signed agreements with other countries after deciding that political stability was more important than their motion, parliament’s speaker said on Thursday. A copy of the motion, seen by Reuters on Dec. 9, had listed as grounds for impeachment an allegation that President Mohamed Abdullahi secretly signed agreements with other countries including Ethiopia and Eritrea. The agreements touched on the use of Somali ports and economic and security cooperation, it said. “Considering the current situation of the country and the need to improve political stability so that parliament and the executive can jointly fulfill their duties, the lawmakers said they entirely gave up the impeachment motion they had proposed,” speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman said in a statement. Constitutionally, 92 lawmakers would have had to support the motion for it to have been submitted to the speaker. The post Somali MPs abandon move to impeach president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ee maanta ayaa looga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo shalay madaxweyne cusub lagu doortay. Kulankan oo uu guddoominayey madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu dhaliilay faro-gelin ay sheegtay Puntland in dowladda Soomaaliya ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa nasiib darro ah faro-gelinta qaawan ee dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Koonfur galbeed iyo baal maritaanka rabitaanka shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Qoraalkan ayaan marnaba lagu soo hadal qaadin doorashada madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana muuqata in Puntland aysan raali ka ahayn guusha uu gaaray, isaga oo taageero ka helaya dowladda dhexe. Guusha Lafta-gareen ayaa macnaheedu yahay madaxweyne labaad oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ka baxay, kadib madaxweynaha HirShabelle, ayada oo Shariif Xasan oo golahaas xubin ka ahaa uu beddelay madaxweyne taageersan dowladda dhexe. Hoos ka aqris qoraalka golaha wasiirada Puntland
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-20122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
bQoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee b aarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu sheegay in xildhibaannadii mooshinka keenay ay ka laabteen, sidaa darteedna uu mooshinkii buray. Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, waxaa ka mid ahaa: in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka, in aaney jirin maxkamad dastuuri ah iyo maxkamadda sare in aaney booskaas buuxin karin. Akhriso, Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Qaar kamid ah xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay sax tahay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen. Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Xildhiban-Cabdi-Xakiin-Macalin-Axmed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashadii shalay ka dhacday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed(Lafta Gareen). Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiistii maanta ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka. “Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa qoraalka lagu yiri. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo shalay bogaadiyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta ka maqnaa shirka Golaha xukuumadda Puntland ee khamiislaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso KFG appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
