-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Buuraha Waqooyiga Sanaag Oo Noqday Hoygii Dahabka Ee Xiligan Tan iyo Markii Buuraha Waqooyiga Gobolka Sanaag Ee Ay Kamidka Buuraha Cirshiida Dhicir iyo Buurta Ceel Dibir Laga Helay Dahabka Nooca Loo Yaqaano Negedka Dhamaadkii Sanadii 2017 Ee La Soo Dhaafay Aya Waxa Isa Soo Tarayay Dadka Ka Shaqeeya Dahabka iyo Kuwa Ka Ganacsada Ee Halkaasi Hooyga Ka Dhigtay Waxana Beryihii U Danbeeyay Isa Soo Tarayay Ilaha Dakhli Ee Muwaadiniinta Ka Shaqaysta Dahabka ka Soo Gala Hadaba Sanadan 2018ka Ayaa la Kowsatay Weji Cusub Oo Ah In Ay Ku Soo Dhiiradaan Shirkado Doonaya In Ay Degaanadaasi Ka Bilaabaan Soo Saarista Dahabka Loo Yaqaano Dust Gold Arintani Ayaa Ka Duwan Tii Hore Ee Dadku Kaga Shaqaysanayeen Buurahasi Iyada Oo Shirkadan lagu Magacaabo Tacab Wadaag Maining Compeny Oo Uu Leeyahay Muwaadin Deegaanadaasi Ka Soo Jeeda Kaasi Oo Ku Rajo Weyn Hadii La Soo Saaro Dahjabkaasi Dust Golka Ay Shirkadu Digaanadaasi Ka Fulin Doonto Horumaro Baladhan Oo Taabo gala Kuwaasi Oo Ay Ugu Horeeyaan Dhinaca Waxbarashada Caafimaadka Biyaha iyob Wadadada Isku Xidha Maydh iyo Ceerigaabo Ee Rafaadka Badan In Ay Shirkadu Dusha U Ridato Oo Laami Ka Dhigto Dhanka Kale Shirkada Dahabka Ee Tacab Wadaag Maining Compeny Ayaa Haatan Si Rasmi ah Soo Saarista Dahabka Dust Goldka Uga Bilaabaysa Buuraha Degmada Maydh Ee Gobolka Sanaag Si Kastaba Ha Ahaatee Arintani Lagu Soo Saarayo Qayb kamida Khayraadka Ku Duuganb Buuraha Gobolka Sanaag Ayaa Abuuri Doonta Horumar Balaadhan iyo Ila Dakhli Oo Kor U Qaada Horumarka Gobolka Sanaag Ku Talaabsanayo Qaran News
-
Abwaan C/raxmaan Abees oo xalay badhig suugaaneed ku soo bandhigay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeisa kagana hadlayey xaalada uu dalku maraayo iyo cadaalad darada dadka reer Somaliland ku sugan yihiin ayaa goordhawayd xabsiga loo taxaabay. Waxa soo badanaaya dadka sida sharciga dalka u yaala xabsiga loogu taxaabay iyada oo aad moodo in la galay xiligii xukumadii malatariga ahayd ee Siyaad Barre ee ahayd car juuq dheh. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Laba xidigle ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baarista. Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee jaamacadda Plasma. Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud). Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi waxa ayna codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan. Muddo baaristooda kadib ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay. Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda u dhammaa dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii labaad la yimaadeen oo aheyd laba todobaad kadib cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ku cadeeyay dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka. Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan. Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah. Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga. Sarkaal xukunsanaha ah ayaa heysta fursad kale uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.
-
Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ku soo bandhigay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Askartani oo gaareysa illaa 5 ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay askartaasi ayaa sheegay in ay ka soo goosteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale mas’uuliyiintani ayaa sheegay in Ciidankaasi ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Ciidamada Ethiopia ee ku sugan halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Al Shabaab ay soo bandhigaan askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo u goostay dhankooda. The post Al Shabaab Oo askar ku soo bandhigay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ma doonayso inay doorasho ka dhacdo dalka, xitaa sanad ka dib inay dhacdo ma doonayso, waxba yayna xisbiga waddani kula galgalan. ???????????????????????????????????? Luuqada ku qoran warqadii mudo kordhinta ee Madaxweynuhu u diray golaha guurtida ayaa sidaas tilmaamaysa. Dimuqraadiyaddii Somaliland maanta in la badbaadiyo oo waliba xukuumadeena laga badbaadiyo ayey u baahan tahay. Madaxweyne dalka adaa masuuliyadiisa haya, adaa maanta lagaaga fadhiya dedaalkii, kartidii iyo tanaasulkii aad umadda isugu soo jiidi lahayd, dalkana aad doorasho kaga qaban lahayd. Madaxweyne sharafta dalka iyo taadaba ilaali, Somaliland maanta sharaf dhac ayey ku tahay inay doorasho baarlamaan oo 9 sanno mudo dhaaf ah ay qabsan kari waydo. Source
-
(SLT-Hargaysa) Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees) ayaa ciidamadda Boolisku xabsiga u taxaabeen. Ilaa hadda lama garanaayo sababta ay u xidheen Ciidamaddu Abwaankan da’da yar. Habeenkii xalay ayuu Abwaan Cabdiraxmaan Abees bandhig sugaaneed uu ku soo bandhigay Hargaysa taas oo ay Xukuumaddu dhibsatay. Source
-
Cape Town ( Sh. M. Network )-Ku dhawaad 5 Muwaadiniin Soomaali ah ayaa saacadihii la soo dhaafay dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalka Koonfur Africa. Kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi ayaa la sheegay in ay dileen illaa labo Muwaadiniin oo Soomaali ah, sidoo kalena ay dhaawaceen labo kale. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ay boobeen, kadibna ay gubeen goobo Ganacsi oo Muwaadiniintaasi ay ku lahaayeen halkaasi. Inta badan waxaa gudaha K/ Africa dhibaatooyin xoogan loogu geystaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. The post Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka K/ Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa maanta sii sagootiyay Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga. Askartani oo tiro ahaan gaaraya 300 oo Askari ayaa qeyb ka ahaa ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Wasiir Amar Dambe ayaa Ciidamadani uga digay in ay baxsadaan marka la geeyo dalkaasi Turkiga. Ciidamada la qaaday ayaa muddooyinkii la soo dhaafay tababar ku qaadanayay xarunta tababarka Turki-Som ee magaalada Muqdisho. Shalay ayey aheyd markii ay dalka ku soo laabteen saraakiil iyo saraakiil xigeen tababar ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga. The post Askar ka tirsan kuwa dowladda Oo tababar loogu qaaday Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dalbaday in la baajiyo muxaadaro Sheekh Kenyaawi doonaayay in uu qabto Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, waxa ay sheegeen in ay ka taxadarayaan Ammaanka dadka Shacabka ee goobta soo gaaraya. Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, Maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday. “Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay. Somalilandtoday.com Burco/office Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid ay soo maleegeyn waxa ay ugu yeeray argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd. “Weli ma arag qof ku geeriyooday qaraxaani balse waxaynu aragnay dad uu dhaawac kasoo gaaray, xalada markii ay degto ayaan dib warbaahinta ugu warbixin doonaa khasaaraha rasmiga ah” Sidaasi waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka dalkaasi oo warbaahinta warbixin kooban ka siinayay qaraxaasi iyaga oo ku sugan meel ku dhaw isla goobta uu qaraxa ka dhacay. Waxaa lasoo warinayaa dhaawacyo badan oo qaraxaasi ka dhashay balse ilaa iyo haatan lama hayo tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday qaraxaani, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in dhaawacyadu la geeyay isbitaalada Paris si xaaladooda caafimaad loola tacaallo. Waxaa durbadiiba baraha bulshada gaar ahaan Twitterka qabsaday sawiro argagax leh oo muujinaya baaxada qaraxaasi iyo waxyeelada uu gaarsiiyay dhsimooyinka ku hareersan. Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa dab demiska oo ku howlan sidii ay dabka ka dhashay qaraxa u damin lahaayeen.
-
Janaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bankarafta Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Hantiwadaag oo 12 Km u jirta deegaankaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in meesha la weeraray ay ku sugnaayeen Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid xoogan. Balse Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay gubeen illaa 3 Guri oo ay daganaayeen dad Shacab ah. Sidoo kalena ay jir dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan howlgalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. The post DFS Oo howlgal qorsheysan ka fulisay gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-120119.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somali military court has sentenced an army officer to the death penalty after he was found guilty of intentionally killing a civilian identified as Dayah Iman Hassan on 21st October last year near Seybiyano locality in Hodan district, Mogadishu on Saturday. The judge of the court, col. Hassan Ali Nuur Shute said the decision of the court was based on the evidence provided by the witnesses before the court and thus the accused was sentenced to death. “After seeing the medical report that proved the main cause of the deceased death and the evidence provided by five witnesses who were on aboard the vehicle of the accused, the court has sentenced Mohamed Abdullahi Mohamed to death for killing the late Dayah Iman Hassan, ” said the judge. The court also said that the convicted person can apply for an appeal if he is not satisfied with the verdict. The deceased Dayah Iman Hassan graduated from Plasma university in Mogadishu before his death. The post Somali soldier given death sentence for murdering civilian appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar u yahay inay saldhig milatarika siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto. Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey. “Haddii dal aad nooga yar oo Jabuuti ah uu saldhigyo badan marti-geliyo, maxaa u diidaya Somaliland” ayuu yiri Cigaal. Jabuuti waxaa saldhigyo milatari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Shiinaha iyo Japan. “Somaliland waxay muhiimad u tahay UK, dalal badan ayaa doonaya inay halkan saldhigyo badan ka sameystaan, UK aad ayay u xiiseeneysaa middaas” ayuu yiri Cigaal. Danaha UK ee Somaliland waxaa sidoo kale ka mid ah xoojinta xiriirka dibadeed iyo kan dhaqaalaha, sida uu sheegay Cigaal. Cigaal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Ruushka iyagana laga yaabo inay Somaliland yimaadaan oo ay saldhig ka sameystaan. “Waxaan dooneynaa inaan casuumno cid kasta oo dooneysa inay yimaadaan Somaliland” ayuu yiri Cigaal, isaga oo tilmaamaya in goor horeba Imaaraadka Carabta uu billaabay hanaan uu saldhig uga furanayo Somaliland. Sida uu sheegay Cigaal, quwadaha adduunka oo saldhigyo ka samaysta Somaliland, waxay taas ka caawin kartaa inay hesho aqoonsi, waxayna maal-gelin u tahay gobolka oo idil. Wakaalada Wararka/Somaliland Today Source
-
GOGALDHIG: Wixii ka dambeeyey doorashadii iyo dhismihii dawladdii carta, ummadda soomaaliyeed waxa ay dareemaysey rajo dawladnimo iyo sansaan dib u dhalasho, kadib markii ay meel iska dhigeen toban sano oo ku suntanayd inay yihiin dad aan waxba ku heshiin karin. Laga soo bilaabo dhismihii dawladdii Cabdiqaasim Salaad illaa iminka, dalka waxaa soo maray shan madaxwayne iyo labo iyo toban Raysal wasaare. Iyada oo dhanka kalana la doortay tobaneeye madaxda goboladaa. Waxaa jira labo fal-celis oo ay madaxdani shacabka soomaaliyeed kala kulmaaan marka ugu horaysa ee la doorto iyo dhamaadka kolka ay kursiga banaynayaan. Waa midda koobaade waxaa loo soo dhaweeyaa si xad-kabaxa oo aan innaba waaqica ku salaysnayn. Tan labaadina waxaa weeye in wax yar kabacdiba loo naco si xad-kabaxa oo aan waxba la xeerinayn. Haddaba su’aasha muhiimkaa waxaa weeye ma hoggaanka soomaaliyeed baa ah mid ka aradan hoggaaminta suuban mise xaaladaha qalafsan ee ina ku xeeran ayaa sabab u ah fal-celiska shacabkeena? Waxaan aaminsanahay in badan oo ka mida hoggaanka dalkeenu in uusan ahayn mid ku habboon inuu hoggaamiyo dal iyo dad sideenna oo kale u fashilay, ayna ku yartahay dabeecadihii laga rabay hoggaamiyaha xiliga adag. Waxaa laga yaabi lahaa haddii ay is tijaabin lahaayeen xilli aan mid kaan ahayn in shacabku fal-celis midkaan ka duwan ka keeni lahaa. Laakiin ujeeddada qormadaydani ma ahan mid ku saabsan hoggaanka. Mana ihi mid hoggaamiyayaasha eedda dusha u saaraya. Ee waxaan doonayaa in aan iftiimiyo in waxa inaga maqani ee koobaadi aysan ahayn hoggaan suuban oo keliya ee ay tahay: qaranimo, dawladnimo, sharci, kala dambayn, iyo amaan la’aan baahday. Meel aysan in taasi qumaati uga shaqaynayna way adagtahay in hoggaanku uu noqdo mid hagaagsan. In la helo nidaam isku dubaridan oo si waafiya u shaqaynayaa maahan wax ku yimaada habayn iyo maalin, ee waa geedi- socod qaata sannado badan sabirna u baahan. Sidaas daraadeed waxaa jira ummuuro waawayn oo aan looga maarmayn ka mira-dhalinta geedi socodkaas. Waxaana ka mida. QARAN-DHISID. (NATION BUILDING) Qaran waxaa la yiraahdaa dallad kulmisa ciid, calan iyo caddad dad ah oo uu ka dhaxeeyo af, dhaqan, xeer, hidde, qiyam iyo taariih. Qarannimadu waa wax ka guda wayn dawladnimada, waana suufka iyo xanjada bulsho isku haya. Maxaa yeelay waxa ay tilmaantaa waxa ka dhaxeeya bulshadaas oo ah taariikh ay wada leeyihiin iyo dhaqan iyo xeer soo jireena oo ay u nasab sheegtaan. Nasiib daro waxaa jira waddamo aysan u fududaan inay dhistaan qaran sal-adag leh. Maxaa yeelay waxaa kala gaddisan qoomiyadaha ku nool, afafka looga hadlo iyo diimaha laga haysto, meesha ay jiraan kuwa kale oo xal u helay mushkiladda kala gaddisnaanta, seeskana u dhigay qaran sal-balaaran oo ay u nasab sheegtaan. Qarannimada ayaa ah middda beerta waddaniyadda iyo jacaylka ay ummadi ciiddeeda iyo calankeeda u hayso. Meesha aysan qarannimo jirin dadku waxay u nasab sheegtaan wax ka hooseeya qaranka sida qoomiyad, qabiil ama gobol. Waxaa la yiraahdaa dawlad-dhisidda waxaa saldhig u ah siyaasiyiinta laakiin qaran-dhisidda waxaa laf-dhabar u ah bulshada rayidkaa sida: Culuma’udiinka, Abwaaniinta, suugaanleyda, Indheer-garadka, iyo Odoyaasha dhaqanka. Maxaa yeelay qarannimada amase wadaniyadda ayaa ah wax qalbiga bani-aadamka ku abuurma. Waxaana muhiim ah in qalbigaas la saameeyo. Soomaaliya qaran-dhisideeda waxay bilowday toban iyo toddoba sana ka hor dawlad-dhisiddeedii. Dhaqdhaqaaqii SYl ayuuna ahaa ciddii ugu horaysey ee aasaaska u dhiqtay qaran-dhisidda soomaalida. Iyaga ka horna maanay jirin cid u nasab sheegan jirtey magaca Soomaali. Dadku waxa ay u nasab sheegan jireen reerahooda, magaalooyin kooda ama dariiqooyin koodii diiniga ahaa. Taas ayaa waxaa lagu badalay soomali-wayn, axyaa-wadani, Maandeeq oo loo bixiyey gobannimadeena iyo Soomaaliya ha noolaato oo halkudhag looga dhigay qarannimadeena. Abwaanka iyo suugaanleyda soomaaliyeed ayay ahaayeen ciddii fikir kaan ka gadaysey ummadda soomaaliyeed, qalbigoodana waddaniyadda ku beertay. Hadraawina waa tii uu lahaa isagoo arintaas tilmaamaya “Xamar iyo Hargaysaba gudin iyo hangool iyo heellaa xoraysee, wallee hoobalkoon jirin libin sooma hoyateen”. Nasiib daro qaran-jabkeenuna waxa uu bilowday dhawr iyo toban sano ka hor intii aysan dawladnimadu inaga burburin. Sababta oo ah dalkii ayaa mar horaba u kala furfurtay jamhado jifiyo ku dhisan iyo qabaa’il is gaashaan buursi ku dhisan. Waxaa meeshii ka baxay qarannimadii iyo magacii waynaa ee ina kulminayey. Wixii ka dambeeyey burburkiina waxa aynu dib ugu noqonay meeshii aynu joognay qarni ka hor oo ahayd u nasab sheegashadii qabaa’isha iyo reeraraha. Waxaa tusaale kuugu filan sida ay maanta u adagtahay in la dhisio ciidan qarar. Maxaa yeelay waxaa maqan qaran kii lahaa ciidanka. Inta aynu sidaas nahayna waa adagtay inaynu dawlad iyo ciidan dhisid midna ku guulaysano maxaa yeelay qaran-dhisidda ayaa asal u’ah labada ba. DAWLAD-DHISID. (STATE BUILDING) Dawlad waa nidaam siyaasiya oo ay bulsho ka yagleesho buqcad mucayana si ay u xaqiijiso himilooyinkeeda aasaasigaa. Inkasta oo siyaabo kala gadisan iskuna dhaw loo qeexo dawladnimadda, haddana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh ayay yiraahdaan Max Weber oo ahaa xeel-dheere iyo bulsho- yaqaan Jarmala. Wuxuuna yiri ” dawladi, waa cidda keliya ee leh awoodda baas-abuur( monopoly on voillence) ee sharcigaa ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” taas oo micnaheedu yahay waa cidda keliya ee si sharciya wax u dili karta, u xiri karta ula wareegi karta, una cafiyi karta. Haddii awoodahaan ay cid kale fuliso amaba ay cid kale fulin tooda dawladda la wadaagto si fudud meeshaas dawladi kama jirto, qeexida Max Weber. Dawladi waxa ay ku timaadaa labo sifo midkood uun. Sifo xooga ama heshiis bulsho. Sikasta oo ay ku timaadaba ujeedada laga leeyahay waxaa weeye inay xaqiijiso himilooyinka aasaasigaa ee aanay koox, jifo ama qabiil kaligood xaqiijin karin. Sida: amaanka, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, waxbarashada, caddaaladda iyo saraynta sharciga. Haddaba su’aasha xiisaha lihi waxaa weeye dawladaha inoo dhisani ha ahaadeen maamul gobaleedyo amaba fadaraale ma leeyihiin sifadii dawladnimada? Haddii aysan lahaynse ma fulin karaan himilooyinkii aasaasiga ahaa? Awoodda baas-abuurka (monopoly on viollence) ma iyagaa leh mise cid kalaa la maamusha? Sida: hoggaamiyayaal dhaqameed, horjooge maleeshiyaad qabiil, ganacsade burbur ku naaxa ama hoggaamiye siyaasadeed hore. Haddii aynu fahano jawaabtu inay tahay inaysan kaligood awoodda lahayn, way adagtahay inaynu qof ama labo hoggaana ku eedayno wax qabad xumo iyo inuusan meeshii laga rabey reerka urarin. Dawladi si ay u fuliso himilooyinka aasaasigaa waa in ay ka koobnaataa hay’ado dawliya oo u heelan kana turjumaya micnaha ay u jirto. HAY’ADAHA DAWLIGAA. (INSTITUTIONS) Si looga guul gaaro himilooyinka aasaasigaa ee ay dawladi u jirto sida amaanka,caddaaladda, caafimaadka iyo waxbarashada, waxaa lagama maarmqana in ay dawladdu ka koobnaato hay’ado ama laamo dawliya oo is dheeli tiraya, una heelan ka guul gaarista hadafka iyo yoolka la hiigsanayo. Hay’adaha dawligaa ama institutionsku waxay hay’ad noqon karaan markii laga helo afar taan tilmaamood, sida uu qabo Samuel Hantington oo ahaa caalim ku xeel dheeraa siyaasadda iyo dhismaha dawligaa. 1– Waa in hay’aduhu yihiin kuwo daa’ima ee aysan ahayn kuwo cimri gaaban, ama ciddii dhistaba aan ka dambayn. 2– Waa in qaab dhismood koodu yahay mid cajiiba oo sal-ballaran ee uusan ahay mid fudud oo aan miisaan lahayn, tusaale ahaan waa inay ka kooban yihiin qaybo, hoggaamo, talisyo iyo laamo ay hawl iyo hadaf ka dhaxayo 3– Waa inay kala madax banaanyihiin cid walibana ay hawsheeda u wadataa qaab ay iyadu masuuliyadeeda leedahay xumaan iyo samaanba. 4– Waa inay yihiin kuwo isku hadaf fulinaya kana turjumaya himilooyinka guud ee la hiigsanayo ee aysan ahayn kuwo iska soo horjeeda oo iyagu is raad guraya. Meelaha aysan hay’adahoodu noocaan u qaabaysnayn inta badan waxaa ka dhisan dawlado daciifa oo aan xaqiijin karanin himilooyinkii loo unkay. Meelaha aanay dawladi ka jirin amase dawladnimada lagu fashilayna way adagtahay in hay’ado noocaan ahi ay ka hirgalaan. Dalkeenuna waxa uu kamid yahay meelaha aanay dawladi jirin sidaynu horayba u qeexnay. Marka mar labaad ayaynu cod dheer ku leenahay mishkiladda ina haysaayi hoggaan xumo keliya ka wayn. GUNAAANAD Qormadaan nuxurkeedu maahan in hoggaanka soomaaliyeed uu yahay mid duruufta iyo xilligu ka hiiliyeen ee aan isagu wax dhaliila lahayn. Maahan taas nuxurka uu xanbaarsanyahay qoraalkani. Ee waa iftiimin iyo bayaamin ku saabsan in mushkiladda ina haysaayi ka gudawayntahay caadifad jacayl ama nacayb oo hoggaamiye gooniya loo hayo. Laakiin taas baddalkeede dhibaatadeenu waa qaran la’aan, dawlad l’aan, sharci la’aan iyo hay’ado la’aan. Dhismaha qaran iyo dawlad-dhisiddu maahan wax ku yimaada fudayd iyo muddo kooban toona. Yurub oo la sheego inay tahay meeshii ugu haraysay ee uu ka hirgalay nidaamka dawladda casrigaa (modern state) ee maanta caalamka ka jira, waxay u soo martay dawlad dhisideedaas jid aad u dheer oo ay ku xeer naayeen daruufo qalafsan iyo qalalaase joogtaa. Waxaana isu soo badalay marxalado qalafsan oo mid waliba xilligeedii soo qaadatay. Sida; Imbaradoorado, boqortooyooyin, kacaano, kaligood-taliyayaal, dagaaalo ahliya, kuwo goboleed, kuwo qaaradeed, kuwo caalamiya iyo ugu dambayn dimuquraadiyadda oo ah nidaamka ay iminka ku dhaqamaan. Inkasta oo aynu ku jirno dhabihii dib u dhalashada, aynuna ka fiicanahay meeshii aynu joognay toban sano ka hor, haddana faanoole fari kama qodna. Waxaa la yiraahdaa dal burburay inuu ku soo noqdo meeshii uu joogay xilligii uu burburay waxay ku qaadataa konton sano, inuu gaaro dawladihii uu la socday kolkii uu burburayna, waxay ku qaadataa boqol sano. Cid walba oo aaminsan in magaca iyo qalfoofka dawladnimo ee aynu leenahay iyo qaab xulashada hogaankeena dimuquraadiyadda ku dhisan ee heer gobol ilaa fadaraal aynu dawalad siyaado leh (sovereign state) ku noqonayno, innaga oo wali ku sugan xaaladdii aynu soo sharaxnay, waa cid maalin cad un riyoonaysa. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Soomaalidu: Ma nidaam hagaagsan bay la’ dahay mise hogaan wanaagsan? appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda J. federaalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkan lagu wadaa inay baarlamaanka federaalka ah hor keento wax badalka “Xeer Maamul Bankiga dhexe”, iyada oo arrintn ay horudhac u tahay in qof ajnabi ah loo magacaaba guddoominta bangiga dhexe ee Soomaaliya. Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin. Qeybt hadda la badali rabo waa faqrada 2aad ee qeybta 4aad oo ku qorn: (1) Waa inuu noqdaa qof hufan oo: Soomaali ah. Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka. In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan (2). Looma magacaabi karo guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo aan heysan Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta. Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano. Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah…. (3). Shuruudaha kale ee maamulka waxaa ka mid ah guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa magacaabaya madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirrada, isaga oo 4 sano xasfiiska heyn-doona, marka uu qofka shaqada ka tagayo waxaa uu qoraalka u dirayaa madaxweynaha. Haddaba, xukuumadda federaalka ah ayaa dooneyso in la badalo qodobka dhigaya inuu Soomaali yahay, waxaana muuqa inuu booska qaban-doono qof ajnabi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee dalka, isaga oo soo jeediyay su’aalo u baahan in laga jawaabo. Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in ruux ajnabi ah uu qabtaa xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedadaasi ay tahay mashruuc bilowgiisa xildhibaanada baarlamaanka ay hadda og yihiin balse shacabka Soomaaliyeed aysan ogeyn dhamaadka mashruucaasi. “Beec geynta Bangiga Dhexe waa mashruuc bilowgiisa aan aragno, laakiin dhamaadkiisa cid aysan ogeyn, soo jeedin wax loogu bedelayo sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta, si nin Ajnabi ah loogu dhiibo Bangiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn seddex Su’aal ka keenay qorshahan cusub. Haddaba, waxaa isweydiin mudan: Maxaa xikmad ah oo ku jira in xilligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhexe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka? Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata? Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay jiritaanka war uu dhawaan Geeska Afrika baahiyay oo ah inay dawladda Soomaaliya Ingiriiska u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.” Wasiirka oo la weydiiyay inay dawladda Soomaaliya dacwad ka gudbisay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku ku yimid Somaliland, wuxuu yidhi “Way jirtaa Dacwadani,laakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun, Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.” Mar aanu wax ka weydiinay in Ingiriisku ergey gaar ah u soo magacaabay Somaliland, wuxuu wasiir Faratoon ku jawaabay, “Wax Safiira oo la inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro, ee Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, wax gaar ah se ma jiro, gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay wada hadal midho dhalay ka yeesheen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qoraal uu ku qoray barta ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay sidoo kale Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga, “Waxa sharaf ii ah inaan kulan booqasho ah ugu tago Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo aanu yeelanay wada hadal midho dhalay oo ah doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sidoo kale xoojinta iskaashiga. Wuu ku mahadsanyahay soo dhawayntiisa diiran.” Sidaas ayuu safiirka Turkigu ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka. Turkiga ayaa dhawaan wuxuu ergay cusub u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u muuqdaa inuu Turkigu doonayo inuu dardar geliyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda ku jira hakad. Laakiin dawladda Somaliland ayaa dhawr goor waxay walaac ka muujisay dhexdhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay madaxda Turkigu dhawr goor sheegeen inay aaminsanyihiin midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Source
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdulalahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda maaliyadda Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda Puntland,gaar ahaanna ilaalinta karashaadka dowladda ee xilligan kala-guurka ah oo ay is-beddelayaan madaxda u sarraysa Puntland. Wararku waxay sheegayaan, in wasiirka maaliyadda intii kulanku socday wax laga weydiiyay in uu dhaqan-gelay amarkii madaxweynaha cusub ku xannibay dhammaan kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Dhaqaaje su’aalo ka weydiiyay kharashaadka dowladda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Kulan ay maanta sabti ah lahaayeen xildhibaannada golaha guurtida Somaliland oo lagaga arrinsanayay muddo kordhin loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa dib loo dhigay. Shir guddoonka golaha guurtida ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in kulankaasi dib loogu dhigay maalinta bari ah, lama sheegin sababta keentay in dib loo dhigo kulankaasi. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dhawaan golaha guurtida u gudbiyay warqad uu ku farayo inay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaannada golleyaasha wakiillada iyo deegaanka dalka. Xisbiga KULMIYE iyo UCID ayaa waxa ay heshiis ka gaadheen muddo kordhinta loo samaynayo labada golle ee wakiillada iyo deegaanka. Xisbiga WADDANI ayaa la filayaa in uu maanta ka hadlo mawqifkiisa ku aadan dib u dhaca doorashooyinka. Halkan ka DAAWO jawigiisa saaka ee golaha guurtida iyo qaabka ay wax u dheceen Source
-
The deputy chairman of Somalia’s National Independent Electoral Commission (NIEC), Sayid Ali Sheikh Mohamed has been fired on Friday. According to a statement released by the commision, Mohamed was accused of plotting a bid to dismantle the National Independent Electoral Commission by using his authority. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo, PM Hassan Ali Khaire and Ministry of Interior as well the chief justice were informed of the decision to fire NIEC’s deputy boss. Mohamed was also removed from the membership of the electoral commision. This is the first such move to sack a high-ranking official at NIEC since the polls agency was formed in 2015. Somalia is expected to hold its first one person, one vote election in 2021 for nearly five decades as the Horn of Africa country is recovering from bloody civil war broke out in 1991. The post NIEC deputy chairman sacked appeared first on Shabelle. View the full article
