-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Berbera, a historic port city on Somaliland’s Gulf of Aden coastline, is emerging as a significant hub in the regional seafood industry. Home to some of the finest tuna stocks in the world, the city is positioning itself as a key supplier to both regional and global markets. At the forefront of this development is Somtuna Fishing Company, a subsidiary of the Dahabshil Group. Founded by entrepreneurs with deep knowledge of both Somali and international markets, the company has established itself as a leader in canned tuna production, fish processing, and seafood exports. Its operations adhere to international food safety standards, ensuring high-quality products at every stage of the value chain. Somtuna’s state-of-the-art processing facility in Berbera is equipped with modern technology to maintain premium quality and efficiency. The factory has also provided employment for hundreds of young people, boosting the local economy and supporting supply chains that include fishermen, logistics providers, and transport networks. Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia A recent sighting of Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia underscores Somaliland’s growing role as a seafood supplier to its landlocked neighbor. The increasing availability of Berbera’s canned tuna in Ethiopia is a sign of deepening trade ties between the two economies, as Ethiopian consumers turn to Somaliland for high-quality seafood products. Berbera’s Role in Ethiopia’s Expanding Seafood Market Ethiopia, with a population of over 120 million, is witnessing a growing demand for seafood, driven by a shift towards protein-rich diets. For Somaliland’s fishing industry, this represents a lucrative opportunity. Somtuna is well-positioned to meet Ethiopia’s seafood needs, supplying hotels, restaurants, and households with a steady flow of high-quality fish. Berbera’s proximity to Ethiopia, coupled with efficient logistics and trade agreements, has made it a natural hub for seafood exports. As global fish consumption continues to rise, Somaliland’s fishing industry is poised for further expansion. Investment in sustainable fishing practices, modern techniques, and international trade partnerships will be crucial in strengthening Berbera’s position as a major player in the seafood market. With companies like Somtuna leading the way, Somaliland is not only catering to Ethiopia’s rising demand for fish but also carving out a place for itself on the global stage. Horn diplomat Qaran News
-
Ankara, Turkey – Somalia has firmly denied claims that external pressure from the United States influenced the recent dismissal of its Defence Minister, Abdulkadir Mohamed Nur. The Middle East Eye published a report on Tuesday suggesting Nur’s removal followed lobbying by the US military. According to the report, President Hassan Sheikh Mohamud reassigned Nur from the Defence Ministry to the Ministry of Ports on Sunday. The move allegedly stemmed from Washington’s concerns about Nur’s efforts to deepen Somalia’s cooperation with Turkey in military, energy, and aerospace fields, which might slow down US military support for Somalia’s ongoing battle against al-Shabab. Somalia-Turkey defense deal The controversy highlighted a significant naval, trade, and defense deal between Somalia and Turkey signed in February last year during Nur’s tenure. This agreement gave Turkey responsibility for protecting Somali waters, establishing a Somali navy, and assisting in exploring energy resources—an apparent reaction to Ethiopia’s naval agreement with Somaliland. The report also cited unnamed Somali officials who claimed that US military officers had repeatedly urged President Mohamud to dismiss Nur, alleging inadequate coordination with American forces and demanding access to the agreement with Turkey. In addition, recent US actions, including security alerts by the embassy in Mogadishu leading to flight cancellations, targeted airstrikes against ISIS leadership in Somalia, and cuts to funding for Somalia’s elite Danab Special Forces, were mentioned in the context of these tensions. While Ahmed Abdullahi Sheikh, a former Danab commander, reportedly supported Nur’s dismissal, Turkish officials have downplayed its impact on bilateral ties, emphasizing that their relations with Somalia remain institutionally robust. Somalia’s firm denial Responding forcefully to the allegations, Somalia’s ambassador to Turkey, Fathudin Ali Mohamed told Middle East Eye, described the claims as “baseless and offensive,” asserting Somalia’s sovereign right to make independent government decisions. In an emailed statement, Ambassador Mohamed said, “The insinuation that the United States dictated the dismissal of former Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur due to his ties with Turkey is not only baseless but also a grave affront to Somalia’s autonomy.” He further highlighted that viewing Somalia-Turkey relations through the lens of a single individual’s role was overly simplistic, undermining the deeper strategic partnership between the two nations. “We categorically reject the narrative that Somalia’s cabinet decisions are subject to foreign pressure. Such claims undermine credibility and distort the reality of our governance,” he stated, emphasizing that leadership changes in Somalia are guided solely by national interests and development priorities. The US government has yet to comment on these developments.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul ah oo ay saarnaayeen ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku burburtay galabnimadii maanta meel qiyaastii 13km u jirta magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo iyo saraakiil Soomaaliyeed. Diyaaradda oo ah nooca De Havilland Canada DHC-5, laguna aqoonsaday lambarka 5Y-RPA, ayaa kasoo duushay degmada Dhoobley kuna wajahneyd Muqdisho xilligii ay dhacday. Dhammaan shaqaalaha diyaaradda la socday ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin Kenyan ah. Ciidamada Gaashaan ayaa loo diray goobta si loo baadi goobo wax un haraadi ah oo diyaaradaas iyo rakaabkii la socday laga ceymin karo, aagga deegaanka Jazeera ayaa la qiyaasay in diyaaradaasi ay ku dhacday. Markii laga soo tago ciidamada dowladda oo safar dhulka ah Muqdisho uga baxay si goobta ay diyaaradaasi ku dhacday ay u raadiyaan, waxaa dhanka hawada ee aaggaas wareegayo diyaarado UN-ku leeyahay, welina lama helin goobta ay diyaaradaasi ku dhacday. Goobaha looga shakisan yahay in diyaaradaasi ay ku dhacday ayaa laga waayey wax burbur ama dab ka kacay ah, maadaama ay u badan tahay in diyaaradu gubato, markii ay dhulka ku soo dhacdo. Saraakiisha qaar waxay sheegeen in loo maleynayo in gudaha badda ay ku dhacday, intii baaritaanku socday waxaa la galay habeen, welina ma quusan Ciidamada ammaanka, kooxaha badbaadada iyo quburrada UN-ka ee goobta gaaray. Masuuliyiinta ayaa sheegay in la sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda kooxaha gaaray goobta shilku ka dhacay. Ilo-wareedyo ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa iyadoo baaritaannadu ay socdaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi siiyey SNTV ayaa su’aal geliyey sababta siyaasiyiinta xil-doonka ah ay dowladda ugu garab istaagi la’yihiin dagaalka, isagoo si qeyn ugu mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh. Cosoble ayaa sidoo kale farriin u diray madaxda dowlad goboleedyada, isagoo kula taliyey inay Tuutaha xirtaan oo dagaalka aadaan, sida Xasan Sheekh iyo Saciid Deni. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur maa dagaalka aado, maxaa dhacay, Kheyre maa dagalka aado, Sheekh Shariif waaka maalin kasta shir jaraa’id lasoo taagane maa dagaalka hoggaamiyo dhulkiisii afarta tuulo Khawaarijta ka xoreysto, war maxaa dhacay?” Ayuu yiri Madaxweyne hore Cosoble. Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay cidda ay xukumayaan ragaas xildoonka ah, hadii Shabaab dalkaan qabsado, isagoo ku taliyey in qofkii xil raba marka dagaalka loo diro. “Hadii dagaalka aadan gelin, oo aadan taageerin, oo hadana aadan ka aamusin ee Khawaarijta aad dhiirigelineyso waa dhibaato, wax walba oo siyaasigu sheego. Shabaab-ku waa macneysanaayaan, ama kulanka baarlamaanka halaga sheego ama shir jaraa’id, inta soo jartaan intii warkiisa ka anfacda ayey leeyihiin waa taas waxaan idiin sheegeynay,” ayuu yiri Cosoble. Sidoo kale, Madaxweyne hore Cosoble wuxuu taageeray halganka ciribtirka Khawaarijta ee Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu Tuutaha u xirtay. “Sida Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ay Tuutaha u xirteen ee dagaalka u aadeen ayaan ka rabnaa in Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareen dagaalka u aadaan, war dadkiinii hadii cadow heysto yaad xukumeysaan?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Cosoble. Sidoo kale, Cosoble wuxuu farriin u diray Baarlamaanka, wuxuu sheegay in dowladda lagu soo duulay meel ay dood kasii wataana aysan xaaladu joojin, isagoo ugu baaqay inay furimaha tagaan oo ciidanka iyo bulshada ku hoggaamiyaan dagaalka Khawaarijta. Hoos ka daawo
-
Wararka laga helayo deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad xamuul oo ka timid gobolka Gedo ay ku dhacday halkaas. Maamulka deegaanka Jasiira iyo goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey shilka, balse wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan. Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in diyaaradda, oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya, ay saarnaayeen qiyaastii afar ruux, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha soo gaaray. Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo u dirtay goobta uu shilku ka dhacay. Source: goobjoog.com
-
Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo taagan. Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyay in dalkiisu si buuxda ula garab taagan yahay taageero kasta, si cadowga Khawaarijta ah ay uga guuleysato dowladda Soomaaliya. Amiirka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku bogaadiyey dagaalka uu ku ciribtirayo Khawaarijta ee tuutaha uu u xirtay furimaha dagaalkana uu u joogo, isagoo cadesyey inay lama taabtaan agtooda ka tahay amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed. Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka wareystay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Muqdisho loogu geystay, maalintii uu u socday furimaha dagaalka. Amiirka ayaa xaqiijiyay mowqifka adag ee dowladda Qatar ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo u rajeeyay caafimaad iyo badbaado dadkii ku dhaawacmay weerarkii Madaxweynaha lagu soo qaaday. Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qatar uga mahadceliyey garab istaagga walaaltinimo ee wanaagsan, isagoo aad ugu mahadceliyey Amiirka Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee mideeya labada dal iyo shacabka ee walaalaha ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo hoggaaminta dagaalka iyo abaabulka ciidanka uu u joogo.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaal maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada booliska iyo kuwa kale oo ka tirsan PSF, waxaana ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in iyagu ay qaadeen howlgalka, isla markaana ay kusoo qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay xafiiska hanti-dhowrka maamulka Puntland, waxayna ku eedeeyeen in falkaasi ay ka dambeeyeen ciidamada PSF-ta. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen gaariga baska iyo gaari kale oo ay saarnaayeen ciidamada kale ay gacanta ku dhigeen, haatana ay wadaan baaris dheeraad ah. Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay askartii la socotay gawaaridaas ee dagaalka la galay ciidamada Booliska Puntland, sida lagu sheegay qoraalka. “Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka PSF oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Garoowe iyo eedeynta culus ee loo jeediyay. Warsaxaafadeeda ayaa u qornaa sidatan:- Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF. Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan. Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga. Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono. Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.
-
Mogadishu, Somalia – In a land where the echoes of gunfire mingle with the whispers of clandestine deals, a silent battle for Somalia’s soul is being waged. Not on the battlefields, but in the opulent villas and clandestine meetings of the nation’s elite. Are they the architects of Somalia’s salvation, or the puppeteers of its perpetual crisis? Somalia’s history, a tapestry woven with threads of resilience and ruin, has always been shaped by its elite. Defined by power, wealth, and influence, these individuals, from clan elders to tech tycoons, hold the keys to the nation’s destiny. But as Somalia teeters on the precipice of either unprecedented progress or a descent into deeper chaos, the question looms: can this elite class rise above self-interest and steer the nation towards genuine stability? A Chronicle of control: Somalia’s evolving elite From the dawn of independence to the digital age, Somalia’s elite has morphed and adapted, reflecting the nation’s tumultuous journey. Pre-Independence: Clan elders, religious scholars, and a nascent class of colonial-educated bureaucrats laid the groundwork for a nascent nation. Post-Independence: Political leaders and intellectuals sought to build a modern state, but the seeds of future conflict were already sown. The Barre Era: The military regime centralized power, creating a new elite of military officers and state-aligned businessmen, while silencing dissent. The Collapse: The abyss of civil war fractured the elite, giving rise to warlords and opportunistic businessmen who thrived in a stateless economy. The Federal Era: Today, a complex web of politicians, business magnates, academics, and diaspora professionals grapple with the challenge of rebuilding a shattered nation. The architects of progress? Or the engineers of entrenched division? Somalia’s elite wields immense power. They shape policies, control vast economic resources, and influence public opinion. Yet, their actions often raise more questions than answers. Economic Titans or Parasitic Profiteers? While some business elites have fueled economic growth, others are accused of exploiting the nation’s vulnerabilities, enriching themselves at the expense of the masses. Political Saviors or Clan-Bound Puppets? Politicians strive to build a functional government, but clan-based allegiances and entrenched rivalries often undermine their efforts. Intellectual Visionaries or Detached Academics? Academics and think tanks offer valuable insights, but their influence remains limited, often overshadowed by the raw power of political and economic elites. Religious Mediators or Political Pawns? Religious leaders play a crucial role in peacebuilding, but their influence is sometimes compromised by political affiliations. Diaspora Heroes or Distant Observers? Diaspora professionals bring vital expertise and investment, but their engagement is often hampered by mistrust and a lack of understanding of the complex realities on the ground. The shadow of distrust: A widening gap between elite and citizen A critical issue is the growing chasm between Somalia’s elite and its people. A lack of transparency, coupled with perceived self-serving actions, has eroded public trust. The Information Black Hole: Access to information is tightly controlled, creating an environment of speculation and suspicion. The Clan Curse: Deep-rooted clan divisions continue to undermine national unity, with elites often prioritizing clan interests over the common good. The Security Paradox: Persistent instability, fueled by extremist groups and internal conflicts, creates a climate of fear and uncertainty. The Brain Drain: Educated Somalis continue to flee the country, depriving it of critical expertise and talent. The Inequality Abyss: Economic growth has benefited a select few, leaving the majority of Somalis trapped in poverty. A crossroads of destiny: Will Somalia’s elite choose nation over self? Somalia stands at a pivotal moment. Its elite must decide: will they perpetuate the cycle of division and self-interest, or will they forge a new path towards unity and prosperity? The Imperative of Unity: Overcoming clan divisions and fostering inclusive governance is paramount. The Foundation of Strong Institutions: Building a functional judiciary, security sector, and civil service is essential. The Promise of Equitable Growth: Ensuring that economic development benefits all Somalis is crucial. The Power of Reconciliation: Addressing historical grievances through dialogue and conflict resolution is vital. The Vital Role of the Diaspora: Leveraging their expertise and investment is key to national development. The Cornerstone of Integrity: Leading with ethical principles and accountability is non-negotiable. The unseen hand: Elite influence and the future of Somalia As the words of C. Wright Mills resonate, elites recognize and reinforce each other’s positions. In Somalia, this reality demands a critical examination of the power dynamics at play. Will they continue to operate within the shadows of self-interest, or will they step into the light of national responsibility? The choices they make today will determine whether Somalia becomes a beacon of hope or a cautionary tale. About the Author Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond. As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments. You can reach him through email: ipi2024@hotmail.com
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQNjeJuFz3E94WNykbd2a1YlfTZ2RIsQnN_Yr39mY4iV7j8XzSLrVZdZxlEZvLsJ-hyXIg2sfkqeFosKzNdh3Ywx.mp4 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejisay wasiirka cusub, ayaa ka hadashay arrin xasaasi ah oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho. Fardowsa ayaa shaaca ka qaaday in sababta hoos u dhigtay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho ay ahayd howl gaar ah oo ay qabatay wasaaraddeeda, iyadoo tilmaantay in gaadiidka lagu qasbay inay xirtaan taariko rasmi ah oo summad u gaar ah leh. Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqday in baraha koontaroolada ee ciidamada la geeyay lagu qalabeeyay agab casri ah oo lagu hubiyo gaadiidka kala gudbaya magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo in ay yihiin kuwo diiwaangashan oo soo maray nidaamka wasaaradda. Waxay sidoo kale xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xoogga saartay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan mideynta sumadaha kala duwan ee gaadiidka dhex mara caasimadda iyo gobollada dalka. “Qaraxyada waxaan ku yareynay inaan gaadiidka diiwaangelinay oo taariko ku xirnay. Muqdisho maanta waa adag tahay inuu maro gaari aan summad lahayn, halka markii hore ay jireen kuwo badan oo si xor ah u socon jiray,” ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal khudbadeedii xil wareejinta. Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo xilka si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux. Munaasabaddaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac. Magaalada Muqdisho ayaa haatan laga dareemayaa deganaansho amni oo ballaaran, iyadoo si weyn hoos ugu dhacay weerarradii qaraxyada ahaa ee ay si joogto ah Al-Shabaab uga fulin jireen gudaha caasimadda. Hadda waxay kooxdaasi ku soo koobantay qaraxyada miinooyinka ah ee mararka qaar lagu aaso hareeraha waddooyinka. Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid lala beegsaday kolonyada madaxweynaha toddobaadkii hore, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelgaabta, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Isbeddelka ku yimid amniga caasimadda waxaa lagu micneeyay qorshayaal amni oo cusub oo ay hirgelisay dowladda federaalka, taasoo ciidamo badan geysay gudaha iyo duleedka Muqdisho, si ay u laba jibbaaraan howlgallada lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale, dowladda federaalka waxay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo garab ka helaysa shacabka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku sugan degmada Cadale, ayaa sii wada kulammo uu ku dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweyne Xasan ayaa maanta mar kale qaabilay qayb kale oo ka mid ah bulshada gobolka, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, hoggaanka Macawiisleyda, iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada ay howlgalladu ka socdaan, isagoo kala hadlay doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Sidoo kale, intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu garab istaago halganka socda. Waxaa sidoo kale lagu balamay in dadaallada la sii wado, isla markaana dib loogu laabto furimaha dagaalka si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah argagixisada. Xalay, Madaxweynaha wuxuu sidan oo kale u qaabilay odayaal kale, waxgarad, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, guddoomiyihii hore ee gobolkaas, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Shalay, waxaa Madaxweynaha Cadale uga daba tegay odayaasha dhaqanka Mudullood oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana Cadale ka socda abaabul dagaal oo xooggan, kaas oo la qorsheynayo in toddobaadkan natiijo laga gaaro. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor kooxda Al-Shabaab laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay culeys weyn saartay. Degmada Aadan-Yabaal, oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa maanta gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in toddobaadkan la dardar-geliyo howlgalka. Dagaallada u dhexeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ee ka socda Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro isdaba joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxdaas. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan culus, waxayna u guureysaa furimaha dagaalka, sida lagu sheegay shir degdeg ah oo maanta ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada. Hoos ka daawo sawirrada:
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka. Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka hagayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo qoraal soo saaray, ayaa si guud uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, culeysyada ka taagan duleedka Muqdisho iyo gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus. Cabdinuur ayaa marka hore bogaadiyay qorshaha madaxweynaha ee dagaalka, isaga oo xusay in madaxweynuhu habeenkii labaad ku hoyanayo furinta hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada. Waxaa kale oo uu si adag uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan Al-Shabaab oo lasoo baxay xeelad cusub, kadib markii lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho. Wuxuuna tilmaamay in arrintaasi muujinayso in dhinaca dacaayadda ay hormood ka yihiin, marka loo eego tabinta warbaahinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin,” ayuu yiri agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda looga baahan yahay inay dib u qiimeyso warbaahinta dowladda, si ay u qaadato doorka kaga aaddan dagaalka socda. “Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Cabdinuur. Qoraalka oo dhameystiran hoos ka akhri: Khawaarijtu ma haystaan cudud gaashaandhig oo ay uga hortagaan dagaal fool ka fool ah Ciidamada Beelaha Macawiisleyda ee AK47 ku hubeysan, iskaba daa ciidan qaran oo tababar iyo agab ku filan haysta e. Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadale oo 220km u jirta Xamar, waxay muujinaysaa inay jirto cudud ciidan oo dhul fog lagu xasilin karo. Hase yeeshee, in Shabaab ay caawa dadka ku cabsi geliyaan Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waa astaan muujinaysa in istiraatiijiyadda warbaahineed ee Khawaarijtu ay ka tayo sarreyso midda ay dowladda miisaaniyad malaayiin ah ku bixiso. Waa hubanti in dagaal aan dacaayad iyo qorshe warbaahineed oo tayo leh lagu garab wadin uusan guuleysan karin! Waxaa muuqata in sida khubarada warbaahinta dowladda ay wax noogu soo gudbiyaan uu ka macno badan yahay sida Cali Yare Cali oo qol mugdi ah dhex fadhiya uu wax noogu soo gudbiyo, mararka qaarna isagaaba noo soo alifa xoogaa aan ku nafisno oo run u yara eg, sida muuqaal duqeyn ah oo Ukraine laga fuliyay. Hadda waa “jeeb-ku-jire” oo kaligiis duul ah. Sow yaab maaha! Haddii aan dagaalka dacaayadda laga hormarin kan qoriga, waxaa maalin dhaw la arki doonaa dad Shabaab ka cararay oo ka qaxaya dhul nabdoon iyo xaafado u dhow caasimadda. Xukuumaddu dib ha isu qiimeyso, madaxweynuhuna saacadda Rolex-ka ah ee uu ku xarragoonayo isagoo aag dagaal jooga, gurigiisa Madaxtooyada ha uga tago, si ay ciidanku u dareemaan inuu la duruuf iyo la dareen yahay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii qaaday tallaabo milatari oo lagu wajahayo culeyska ay kooxda Al-Shabaab ka abuurtay deegaanno u dhow caasimadda Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la geeyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si ay uga hortagaan xubnaha Al-Shabaab ee la sheegay inay halkaasi soo galeen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ka sameysteen bar-koontaroolo cusub waddada dhinaceeda, iyaga oo sidoo kale baaraya gaadiidka isticmaalaya waddada. Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar kusoo dhuunta deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dhawaan ayaa sidoo kale la arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo taagan waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah. Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen. Xaaladdan cusub ayaa cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana arrintaasi dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka socota baraha bulshada, iyadoo dadku ay is-weydiinayaan sida ay kooxdaasi ugu suuragashay inay si sahlan ku gaaraan halkaasi. Horay sidan oo kale ayay kooxda Al-Shabaab usoo gaareen degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimadda, halkaas oo ay muddo kooban haysteen ka hor inta aysan isaga bixin. Dhinaca kale, gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa laga dareemayaa culeysyo cusub oo kooxda ay ku hayso shacabka iyo deegaannada, kaddib markii ay dib ula wareegeen tuulooyin horay looga saaray, waxaana hadda socda howlgallo culus oo lagu doonayo in lagu xoreeyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Cadale, halkaas oo uu ka hoggaaminayo howlgallada ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka deegaanka. Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad u baahan badbaado degdeg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is-daba-joog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay meelaha qaar hoos u dhacday, waxaana muuqda baahi weyn oo loo qabo abaabul xooggan iyo dadaal mideysan oo heer qaran ah.
-
The Islamic State in Somalia is an affiliate of the transnational jihadist group Islamic State, known in short as ISIS. Based in the semi-autonomous northern Somalia territory of Puntland, the terrorist group was the target of the first foreign combat operation of the Trump administration in February 2025. Previously, the group has been linked to planned terror attacks on the Vatican and on the Israeli embassy in Stockholm. Stig Jarle Hansen, a researcher and author of several books on jihadism in Africa, examines its origins, rise and recent battlefield defeats in the mountains of Puntland. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Booliska Puntland Talisk Ciidanka Booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in maanta hawlgal qorsheysan ku qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee dowladda, kaasi oo siday sheegeen ay dhaceen ciidanka PSF. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.” “Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.” “Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo Baaritaan rasmi ah, islamarkaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga” Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.” “Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Taliska Booliska Puntland oo warbixin rasmi ah ka soo saaray dagaalkii khasaaraha sababay ee ka dhacay kantaroolka bari ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Border guards in Bangladesh have arrested a Somali national accused of illegally crossing into the country from India, in what officials described as part of an increasing number of unauthorized border crossings in the region. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee maamulka, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga. “Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska Puntland. Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan. Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga sida booliska ay sheegeen. “Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta”ayaa lagu yirir warka kasoo baxay Booliska Puntland. Source: goobjoog.com
-
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in israsaaseyn ka dhacday kontoroolka bari ee magaalada Garoowe ay sababtay dhimashada laba askari iyo dhaawaca afar kale, oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe. Iska horimaadkan ayaa dhexmaray ciidanka booliiska Puntland iyo ciidan kale oo la sheegay inay ka yimaadeen gobolka Bari. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa sababay gacan ka hadalka. Ilo-wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegaya in ciidanka booliiska ay isku dayeen inay ka reebaan gaari ay leedahay xukuumadda Puntland oo ay wateen ciidanka ka yimid Bari, taas oo dhalisay iska horimaadka. Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan dhacdadan. Waxaa la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ka imaan doonta mas’uuliyiinta ammaanka. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay wado dagaallo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari, halkaas oo ay dhowaan la wareegeen deegaano ay horey u maamulayeen kooxdaas. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) —Somalia earned their first point of the 2026 FIFA World Cup qualifiers on Friday with a disciplined defensive performance in a goalless draw against Guinea at the Stade Alassane Ouattara in Abidjan. It was a result that few predicted, and even fewer believed it would be possible once the match unfolded. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland. Dagaalkan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa si gaar ah uga dhacay kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe, wuxuuna dhexmaray ciidamada Booliska Puntland iyo ciidamo kale oo ka tirsan PSF, kuwaas oo ka yimid dhanka gobolka Bari. Iska horimaadka oo socday muddo kooban ayaa sababay dhimashada illaa laba askari, halka ay dhaawacmeen afar kale, oo uu ku jiro taliyaha garoonka diyaaradaha Garoowe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu ka dhashay markii ciidamada Booliska ay isku dayeen inay ka reebaan baabuur dowladeed oo ay wateen ciidamada kasoo jeeda Bari, balse ay arrintaasi diideen, taasina ay keentay in is rasaaseyn ay bilaabato, taas oo sababtay khasaare labada dhinac ah. Dhinaca kale, weli wax war ah kama soo bixin madaxda Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo PSF, oo ku saabsan dagaalka dhacay. Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda deggan, waxaana dhaq-dhaqaaqii magaalada dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd, iyadoo ay goobta ku sugan yihiin ciidamada Booliska Puntland. Labadan ciidan ee ka wada tirsan Puntland ayaa horey isugu dhacay marar badan, waxaana la xasuustaa dagaalkii culusaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Puntland ay haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish, iyadoo ciidamadeeda ay isugu geeyeen aagga buuraha Calmiskaad, si dhulka buuraleyda ah looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. Maamulka Puntland ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in si degdeg ah lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo lagu wado in howlgalka la soo gabagabeeyo ka hor ciidda bisha Ramadaan, si guud ahaan looga xoreeyo kooxdaasi deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan. Tan iyo markii uu bilowday howlgalka, ciidamada Puntland ayaa ku dhaqaaqay dardar hor leh, waxaana la sheegay in muddo kooban lagu guuleystay in la maro saddex weji oo muhiim ah, iyadoo haatan la marayo wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka, sida uu sheegay maamulka.