Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah. Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !! Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay. Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling. Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling . Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida : 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar 2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % . 3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba 4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay. 5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey. Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) . Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  2. Toddobada bilood ka hor markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari lagu qasbay inuu is-casilo, laguna beddelay Maxamed Mursal, waxaan moodnay in baarlamanka uu u gacan galay xukuumadda. Waxaan moodnay inaysan jiri doonin hay’ad la xisaabtanta xukuumadda, oo labada hay’adood ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta laga maamuli doono hal xafiis. Waxaan moodnay in baarlamanka uu hoggaanka u qabtay guddoomiye aan maskax ahaan madax banaaneeyn oo ah magac u yaal lagu adeegto, wixii dan ahna lagu fushado. Waxaan moodnay in Maxamed Mursal yahay nin aan marnaba qaadan karin go’aan ka dhan ah xukuumadda, islamarkaana mar walba uu ku shaqeyn doono rabitaankeeda. Annaga oo sidaas moodnay ayaa waxaa guddiga maaliyadda ee baarlamanka kala diray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka, oo isna ah qof aan maskax ahaan madax baaneyn, kadib markii guddiga ay soo saareen warbixin banaanka keentay musuq maasuqa xukuumadda. Kadib, Mursal oo safar uu ku maqnaa kasoo laabtay, ayaa ku dhiiraday inuu guddiga dib usoo celiyo, maalmo kadibna aqbalay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Farmaajo. Mar qura ayaan moodnay inaan qaldannay oo Mursal usan ahayn ninkii aan moodnay inuu yahay. Waxaa na gashay rajo ah inuu xoriyaddiisa maskaxeed dib usoo helay, ciddii doontaba ha usoo celisee. Waxaan moodnay in mar kale dalka uu helay hay’ado kala duwan oo isla shaqeeya balse isla xisaabtama, islamarkaana ilaaliya nidaamka dowladeed ee saxda ah. Dhammaan shacabkii ayaa Mursal u sacabo tumay, xildhibaannada mucaaradka ayaa u riyaaqay, wuxuu noqday geesi awooda in wixii qalad ah uu diido, oo uu ka shaqeeya danta dalka. Nasiib darro farxaddaas ma raagin, waxayna kusoo idlaatay oo kaliya laba toddobaad. Mursal wuxuu dib dhiibay xoriyaddiisa maskaxeed. Wuxuu gatay sumcaddiisa, isaga mar kale ku laabtay marxaladdii uu kasoo baxsaday. Ka laabashadii mooshinka madaxweynaha, oo aan aniga ku taageeray inuu ku saxnaa, maadaama uu ahaa mooshin sharci darro ah, waxaa xigay go’aan aan la qaadan karin oo xalay kasoo baxay. Wuxuu mar kale u hoggaansamay rabitaankii xukuumadda, wuxuuna guddigii maaliyadda ee uu horey usoo celiyey ka saaray xubnhii xukuumadda u aragtay inay la xisaabtami karaan, isaga oo ku beddelay xubno wada taageersan xukuumadda, oo sidiisa oo kale aan madax banaaneyn. Waxa uu madax banaanidiisii qofeed iyo tii baarlamanka hoos geeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wuxuuna hay’addii sharci-dejinta dalka ka dhigay qeyb ka mid ah hay’adda fulinta. Dhammaan wixii aan moodnay inaan ku qaldeneyn inaan aaminno ayuu Mursal noqday. Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu yahay. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka wadatashiga oo uu soo qaban-qaabiyay Gudiga madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka ayaa maanta ka dhacay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Shirkana wadatashiga ahaa ayaa waxa laga talagaliyay Habeenka ku dhaqan Gobolka Banaadir si ay oraahdooda ugu biiriyaan dhamaystirka Dastuurka qaybo qoraalka ah ee dalka leeyahay. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka, Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Ururada Habeenka iyo xubno kale ayaa kulanka ka qaybgalay. Ugu horeyn, Gudoomiye kuxigeenka Gudigga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka ayaa sheegtay in Habeenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah kasiinayaan qabyo tirka Dastuurka. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ayaa hoosta ka xariiqay inay ku shaqayn doonan mudada ay howshaan ku gudajiraan rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu xusay inay ubaahan yihiin Dastuur hufan. Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Marwo Batuulo Sheekh Gabaleyr ayaa balanqaaday in dumarka ay ka faa’ideysan doonan kaalinta wanaagsan ee la siiyay. Gudiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka ayaa dadaal ugu jira sida uu Bulshada inteeda kale laga tala galiyo dhamaystirka Dastuurka si dalka u-yeesho Dastuur loo dhan yahay. The post Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-261218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Saddexdan mas’uul ayaa kala hoggaamiya saddex xisbi oo la filayo inay ka mid noqdaan kuwa ugu miisaanka culus ee doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sanadda 2021. Xasan Sheekh ayaa haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble waa hoggaamiyaha Xisbiga Ilays, ayada oo Xisbiga Wadajir uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinka ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay. Seddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si buuxda oo wadajir u wada shaqeeyaan, islamarkaana yeeshaan kulamo joogta oo wax looga qabanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
  6. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay [...] Source
  7. Dagaal u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta ka qarxay deegaan ku dhow deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhimatay Afar qof oo haweeney ay ku jirto iyadoo ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmeen. Beelahan ayaa la sheegayaa iney isku hayaan arrimo dhul la xiriira iyadoo aanay jirin weli cid kala dhaxgashay maleeshiyada dagaallameysa. Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla gobolka Mudug, xaaladuna weli waa ay kacsan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, sidoo kale, Xildhibaanad Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, halka Xog-hayaha guud-na loo doortay, Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Waxaa doorashada kaddib goobta ka hadlay, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad isagoo guddoonka cusub ee Guddiga Maaliyadda kula dardaarmay inay si deg-deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla. “Guddigan waxaa kula talinayaa inay hawlaha horyaalla oo ay ka mid tahay dib u eegista miisaaniyadda cusub ee Dowladda ay sida guu dhaqso badan uga hawl-galaan, si baarlamaanka uu cod ugu qaado,” ayuu yiri Cawad. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka ay diyaar u yihiin inay guddoonka guddiga kala shaqeeyaan dar-dar-gelinta hawlaha culus iyo ay fulin lahaayeen hawlaha horyaalla. Ugu dambeyn, Guddigan oo horay loo sheegay in la kala diray, isla markaana kala diristooda uu khilaaf dhaliyay ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo xubno ka mid ahaa laga saaray halka kuwo kalena lagu soo daray. PUNTLAND POST The post Guddiga Cusub ee Maaliyadda Baarlamaanka Somalia oo Maanta Doortay Guddoon Cusub appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kaso baxaysa go’aankii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga maaliyadda baarlamanka ee lagu muransanaa. Mursal ayaa guddiga ka saaray xubnihii xukuumadda ay dhibsanayesay ee musuq-maasuqa ku helay, waxaana lagu beddelay xubno cusub oo ra’iisul wasaaraha uu soo xushay. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in Mursal uu go’aanka ku beddeshay in xilkiisa loo daayo, kadib markii xukuumadda ay ugu hanjabtay mooshin xil ka qaadis. Waxaa taas dheer in xilal loo magacaabo xubno isaga ku dhow iyo lacag. Dadka xilalka loogu ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah la-taliyihiisa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka labaad ee NISA, balse shaqadaas looga eryey lunsasho mushaarka shaqaalaha. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegay in Jaamac laga yaabo in loo magacaabo taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, ama ku xigeenkeeda. Waxaa sidoo kale jira dhowr qof oo kale oo xilal qunsuliyado ama saafarado loogu ballan-qaaday Mursal, kuwaas oo ay qaraabo yihiin. Lacagta Mursal uu qaatay ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya inay tahay laba milyan oo dollar, halka qaar kalena ay sheegeen in lacagta ay gaareyso illaaa afar milyan oo dollar. Heshiiska Mursal iyo Kheyre ayaa la sheegay in la gaaray markii uu Kheyre kasoo laabtay dalka Qatar, ee uu xarunta wasaaradda waxabarshada kula kulmay Mursal, inkasta oo aysan caddeyn in lacagta ay bixisay dowladda Qatar iy in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla. Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo sidii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). The post Guddiga Maaliyada Gollaha Shacab oo Gudoon cusub doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargaysa) Kulan Xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland ku dhex maray Hargeysa oo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka ayaa saaka la isku la meel dhiggay dejinta jadwalka wada-hadalka, waxaana la isla gartay in wada-hadaladdaas si deg-dag ah loogga soo saaro natiijo rasmi ah. Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxweyne xigeenka Somaliland halka ay meesha ka maqnaayeen guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka balse ay u matelaayeen xubno kale oo ka socdey Xisbiyadaasi. Hoos Ka DAAWO . Source
  12. (SLT-Hargaysa) Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka ayaa fariin u diray Maamulka Puntland . Hoos ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ka Tirsan KULMIYE Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Fashilyey-na Siro Badan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Bulxanow Maya ! Asalaamu Calaykum Qadiyada Shacbiga iyo Xornimada Jamhuuriyada Somaliland maaha Qadiyad cid kastaa u cumaamadan karto, maaha Qadiyad fudud oo cidii aanay khusayn lagala hadli karo, maaha Qadiyad la weydayn karo oo hoos looga dhigi karo halka ay taagan tahay iyo Qiimaha ay ugu fadhido Ummada reer Somaliland. Qadiyada Somaliland marka laga hadlayo waa Nafta iyo Nolosha iyo jiritaanka Muwaadinka Somaliland, waxa ay tahay oo ay taagan tahay ma jirtid iyo waan jiraa, waan Noolahay oo inaan Noolaado ayaan rabaa iyo ma jirtid mana noolaanaysid. Somaliland iyo Soomaalia waxay isku hayaan waa ma jiraysid iyo waan jirayaa, waa arrin doodisteeda iyo ku dagaalankeeduba ay u taallo Xukuumada Somaliland ee Shacabku u doortay, Golayaasha Sharci Dejintuna ay u igmadeen Xukuumada oo kaliya oo aan cid kale aanay dhex-carari karin. Dunida laguma arag Taariikhda Diplomaasiyada ee soo jireenka ahna laguma maqal laba dawladood oo is haya oo Colaadi ay u dhaxayso oo la yidhi Dadkoodu ama Dadweynahoodu ha wada hadlaan. Xukuumadaha oo kaliya ayaa wada hadla. Tusaale dhow haddii aynu soo qaadano Maraykan iyo Waqooyiga Kuuriya ama Eritrea iyo Itoobiya ama Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya Shacbigooda looma diro oo lama yidhaahdo ordoo soo dooda ama soo wada hadla. Xukuumadaha oo keliya ayaa wada hadla oo ama heshiiya ama aan heshiin. Qadiyada Somaliland waa mid ka sii culus oo ay Dawlada Soomaaliya geystay Xasuuq iyo Burbur baaxad weyn oo boqolaal kun oo reer Somaliland ahi u dhinteen una dhaawacmeen oo ay u burbureen Magaalooyin la soo dhisayay boqolaal Sanadood. Qadiyada Somaliland ee ku fadhida Culayska intaas leeg maaha Qadiyad la khafiifin karo oo miisaankeeda hoos loo dhigi karo oo ay dad is cumaamaday oo aan cidina aanay diran ay kolba matxafyo kaga sheekayn karaan ama kala hadli karaan dad aan ahayn kuwa mudan in lagala hadlo. Cadawga Somaliland waxa uu doonayaa inuu Qadiyada Somaliland ka dhigo mid local ah oo Soomaalinimo iyo si hoose loogu dhamayn karo oo laga dhigi karo khilaaf yar oo Soomaali dhex yaala oo la mid ah ka u dhexeeya Jubaland iyo Muqdisho ama Farmaajo iyo Maamul goboleedadiisa, waana Siyaasada ay Dawlada Soomaaliya dabada ay ka riixayso iyaga oo adeegsanaya Dawlado liddi ku ah Somaliland oo durba bilaabay inay Maal-galiyaan mashaariic ay ku tilmaamaan is dhexgalka bulshada oo dhalinyarada reer Somaliland lagu khaldayo. Qaranimada Somaliland maaha mid cid loo baryayo, mana aha mid baryo lagu helay ee waa Qadiyad ay u dhinteen boqolaal kun oo geesi, imikana ay diyaar u yihiin inay u dhintaan haddii loo baahdo. In Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan oo si siman oo talantaalli ah danahooda uga wadahadlaan waa mid labada dhinacba dan u ah. Laakiin haddii ay Soomaaliya ka warwareegto waa wax iyada u xun oo kollayba ay ku qasban tahay inay Somaliland miis la fadhiisto ha dhawaato ama ha dheeraatee. Dr Bulxan oo ah Aqoonyahan aan Sharaf iyo Qadarinba u hayo kuma raacsani inuu qaato oo uu keligii Xambaarto Qadiyada Somaliland oo ay Dadweynaha reer Somaliland u Xil saarteen Xukuumada Somaliland oo kaliya. Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2017 markii uu Dr Bulxan uu damcay inuu Muqdisho tago oo uu kaga qaybgalo doodo tan Jabuuti U eekaa, laakiin Xukuumada Somaliland ee wakhtigaasi jirtay ay ka joojisay. Ugu danbayn waxaan Xukuumada Somaliland usoo Jeedinayaa inaanay cidna ka ogolaan inay is cumaamadaan oo ay yidhaahdaan Qadiyada Somaliland ayaanu reer Soomaaliya kala hadlaynaa, hadii kale waxaa dhici doonta in Golaha Salaadiinta iyo Culimada iyo ururrada haweenku ay iyaguna tegi doonaan Muqdisho iyo Meelo kale oo ay odhan doonaan Soomaaliya ayaanu la soo hadlaynaa. Somaliland ha Guulaysto Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
  15. Somaliland Dunida Waxay Ka Taqaana Shan Waddan Oo Kaliya: Cabdiraxmaan Cadami Dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Carbeed waxay yeesheen muhiimad iyo strategy-yad aan hore loo dhaadi jirin, xattaa wakhtigii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay labada quwadood ee Bariga iyo reer Galbeedka. Maxaa hadda keenay in ay dawlado badani u soo hanqal taaggan in ay meel ka fadhiistaan xeebaha Badda Cas? 1. Dawladaha khaliijka oo isbiday cudud militari oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Badda Cas iyo gacanka Cadmeed iyo in ay ka hor tagaan damaca iyo is-balaadhinta jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo meelo Bariga Dhexe ah kaga adkaatay is-bahaysiga dawladaha Carabta. 2. Iiraan maanta waxay si dadban uga talisa caasimadaha afar dal oo Carab ah (Baqdaad, Dimishiq, Bayruud iyo Sanca). Waddamada reer Galbeedku muhiimadda marin biyoodkan waxay ku baraarugeen budhcad badeeddii ka dillaacday xeebaha Soomaaliya oo khalkhaliyay isu socodkii ganacsiga iyo saldhigga Militari ee Shiinuhu ka dhistay Jamhuuriyadda Jabuuti. 3. Ruushku qudhiisu kama maqna tartanka in uu saldhig militari ka helo aagga Badda Cas, waxa jira kuwo kale oo qorshaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan qaar ka mid ah waddamada kulaalaya Badda Cas. Haddaba waxa isha lagu haya xeebaha dhereran ee Somaliland hase ahaatee siyaasiyiinta Somaliland Dunida waxay ka yaqaanan oo ay u xidhan yihiin shan waddan oo kala ah: Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo labada dal oo Carab ah (Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka), waxay u haystaan in Somaliland aanay noolaan karin ama aanay jiri Karin la’aantood. Dalalkaasi wax kasta oo ay rabaan waa loo fududeeya iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin ama aan waxba lagaga bedelan. Hal tusaale, Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera qiimihiisu uma qalmo wax ka hooseeya aqoonsiga Somaliland iyaguna xattaa qunsuliyad kuma laha Hargeysa. Somaliland mar kasta waxay la safataa Boqortooyada Sucuudiga waxba se kama faa’iido taageeradooda. Somaliland dhinaceeda inkasta oo ay u hagar baxday wanaajinta xidhiidhka labada dal (Itoobiya iyo Somaliland), Itoobiya dhankeeda wax gacan ah kamay gaysan aqoonsiga JSL haba yaraatee. U habrashada iyo raalli gelinta dalalkaa shanta ah ee kor ku xusan waxa kaga habboon waddanka yar ee Denmark, Sweden iyo xubnaha EU-da oo 75% bixiya deeqaha Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda waxaan ku dhiirri gelinaya in ay dejiso siyaasad dibadeed oo furfuran oo ka turjumaysa danaha dalka. Somaliland waxay leedahay Bad dihin, Barri, Xoolo iyo Dhul beeraha ku wanaagsan, waxay leedahay shidaal & gaas iyo macdano kale sida lagu ogaaday sahamin laga sameeyay dalka oo dhan, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in aynu khayraadka ka wada faa’iidaysano iyo waliba in ay taageeri doonan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland. Dalalka muujiyay xiisaha ay u hayaan xidhiidhka Somaliland waxa ka mid ah Ruushka, Shiinaha, Israa’iil, Iiraan iyo qaar kale oo badan. Madaxda Qarankeenu ha ogaadan in aan dalna danihiisa ku ixtiraamin amma u daba fadhiisan dalal kale oo haddana waliba aan kuu hayn wax qadarin ah. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga cusub ee maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo uu xalay magacaabay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey. Kulankii maanta ayaa xubnaha guddiga waxay ku doorteen hoggaanka cusub ee guddiga. Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, halka Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ay noqotay guddoomiye ku xigeenka, ayada oo xoghayaha guddiga loo doortay Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Saddexdan hoggaan ee cusub ee guddiga, oo dhammaantood ay keensatay xukuumadda, ayaa beddelaya saddexdii mas’uul ee guddiga laga saaray. Xubnaha guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayahii C/llaahi Maxamed Nuur. Hoggaanka cusub ee guddiga ayaa dhammaantood wada ah xubno wada taageersan xukuumadda, taasi oo xaqiijineysa in guddiga aysan qaadin tallaabo ka dhan ah xukuumadda. Tallaabadan ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. In kabadan Soddon musharax ayaa u baratamaya doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019, ma ahan xaalad ugub ah in musharixiin badan ay ku loolamaan xil-qaran, taasi waa hiddo siyaasadeed iyo hanqal taag xildoon, balse waxaa mudan in halbeeg lagu sameeyo musharixiinta iyo heerka uu gaarsiisan yahay hankooda siyaasadeed. Ololaha musharixiinta Puntland ayaa maraya meeshii ugu dambeysay, iyadoo ay ka dhiman tahay doorashada wax ka yar labo todobaad, waxaa jira musharaxiin cad-cad oo rajo weyn leh, halka kuwa kalana ay ku galayaan doorashada ku nasiibso. Marka aad joogtid Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqonaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada, taageerada Siciid Dheere ayaa kaliya lagu mataali karaa midii uu 2016 heystay Maxamed Cabdullaahi faramaajo oo markii dambe loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhoweyntii Siciid Dheere ee Garowe Taageerada Siciid Dheere ee dadweynaha waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa soo dhaweyntii toddobaadkii hore loogu sameeyay caasimada Puntland, taas oo ahayd isu soo bixii ugu weynaa ee abid ka dhaca Garowe iyo Puntland, ma ahayn soo dhaweyn dhaqaale lagu bixiyay ee waxayn ahayd mid ku timi rabitaan sida ay sheegeen dadkii ka qeyb galay. Mar uu la hadlayey musharaxa kumanaan qof oo taagnaa fagaarada Barxada ee Garowe waxuu ballan-daaday in uu waxka qaban doono hadii la doorto dhowr arrimood oo ay kamid tahay amniga, kordhinta mushaarka ciidamada, soo celinta gobolada magan iyo midnimada Soomaaliya. Musharax Siciid Dheere oo ka hadlaya fagaaraha Garowe Sidoo kale musharaxa Siciid Dheere ayaa ka hadlay isbedelka ka socda geeska Afrika, wuxuuna sheegay in Itoobiya uu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhaqaalaha iyo amniga, wuxuuna u muuqday musharax la socda heshiisyadii ay horey u gaareen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya ee dhanka xasiloonida iyo horumarka. Musharax Siciid Dheere oo safar qaatay dhowr todobaad ugu maqnaa Muqdisho iyo dalalka deriska ayaa kulamo la qaatay madaxda federaalka, madax ka tirsan dowladaha deriska iyo diblomaasiyiin beesha caalamka ah. Gen. Siciid Dheere oo kamid ahaa asaasayaashii Puntland, halgan dheerna u soo galay ayaa ixtiraam iyo qadarin badan ku leh shacabka, taas ayaana lagu fasiri karaa in uu kaga saameyn bato musharaxiin badan oo dhaqaale culus wata. Musharax Gen. Siciid Dheer ayaa dad badani rumeysan yihiin, haddii uu ku guuleysto madaxtinimada Puntland in uu wax badan ka qaban karo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga oo walaac xoogan laga qabo hadda. Imaatinkii musharax Siciid Dheere iyo soo dhaweyntii mucjisada ahayd ee caasimada loogu sameeyay ayaa waji cusub uu yeeshay doorashada Puntland, waxaana hoos u dhac ku yimi musharaxiin markii hore loo arkayay in ay ugu cad-cad yihiin kuwa tartamaya. PUNTLAND POST The post Siciid Dheere: Musharax cad-cad, hadana la socda dabeylaha isbedelka geeska appeared first on Puntland Post.
  18. Senator Cabdiraxmaan Faroole Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud (Faroole) madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Cabdiraxmaan faroole oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in uu u yimid doorashada Puntland, wuxuuna soo dhaweeyay musharaxiinta faraha badan ee tartamaya, isagoo sheegay uu maalmaha soo socda ka hadli doono arrimaha doorashada. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan madaxtinimada Puntland, sidoo kale ka hadlay federaalka iyo abaaraha ka jira dalka. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee faroole PUNTLAND POST The post Faroole oo yimi Garowe, kana hadlay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, iyo xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda kula kulmay wasiirka wasaarada Maryan Aways, agaasimha oo xog ka siisay hannaanka ay u socdaan howlaha wasaaradda iyo shaqooyinka uga qabsoomay qorshayaashii laga doonanay in wasaaraddu ku guulsaysato sannadkaan dhammaadka ah. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed halkaas oo kulan uu kula qaatay taliyada booliiska dalka, General Bashiir Cabdi Maxamed iyo ku-xigeennadiisa oo ay ka wada hadleen dar-dar gelinta hannaanka adkaynta amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimadda. Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ee isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla. The post RW Khayre Oo kormeeray W/ Dekadaha iyo Taliska Booliska appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Qandala ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramayay in saacadihii la soo dhaafay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish oo ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku leeyihiin agagaarka degmada Qandala ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo muddo saacado ah qaatay. Xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, inkastoo dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. The post Puntland iyo Daacish Oo ku dagaalamay gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdsiho (Caasimada Online) – Inkasta oo guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda lagu daray xubnaha kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Sagal Biixi iyo Aden Xasan, lagana saaray kuwii la dhahay lama shaqeyn karno, isla markaana la faray miisaaniyadda 2019-ka la horkeeno golaha shacabka 30/12/2018 si loogu codeeyo, hadana waxaa jira caqabado keeni kara in hey’adaha dowliga ah ee dowladda federaalka ah ay wajahaan “Shutdown”. Maalinta la ballimayey ee 30-ka waxaa sanadkan 2018-ka ka dhimman 2 maalin oo shaqo oo axadda 30-ka iyo Isniin 31-ka bisha, waxaa xusid mudan in miisaaniyadda la qeybiyey oo keliya, oo aaney marin hab-raacii saxda ahaa ee looga doodi ahaa, ama akhrintii 1aad ilaa 3aad, waxaana la rabaa in si jajuub ah lagu ansixiyo. Xukuumadda federaalka ah waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay in la diidi karo miisaaniyadda 2019-ka, in lagu celin karo, oo wax ka badal ama soo-jeedin kale lagu dari karo, iyada oo rabto in sida ay tahay miisaaniyadda loo qaato, iyada oo sharci-dejiyaasha ku cabsiineysa ka cararka “Shutdown”. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?! Haddii golaha shacabka uu anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2019-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor 31-da bishan aan la ansixin miisaaniyadda 2019-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2018-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2019-ka. Tallaabka uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ku faray guddiga in 31-ka bisha ay miisaaniyadda hor keenaan golaha si loo ansixiyo, waa mid looga badbaadi karo in hey’adaha dowliga ah wajahaan “Shutdown”. Caasimada Online Xafiiska Muqdsiho caasimada@live.com