Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa muddo kadib maanta ka hadlay xaaladda Guud ee siyaasadda maamulka Galmudug, waxaana uu markale sheegay in dhibaato badan ay ku heyso dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu horeyn sheegay in muddo 19 bilood ah oo uu dhisan yahay maamulkiisa wali uu dareemayo culeesaad kaga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu xisay in waxyaabaha uu qabtay mudadaasi inuu xoog iyo maquunin uu ku qabtay. Xaaf, ayaa si cad sheegay in laga cunaqabateeyay dhaqaalihii ay ku sameysan lahaayeen ciidamo boolis ah, iyo dhaqaalihii ay ku dhisi lahaayeen hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya dadka ay doonto inay diyaarado ku geyso deegaanada maamulka Galmudug, iyadoo aan lagala tashan, wuxuuna tusaale usoo qaatay safarkii wasiiro xukuumadda ka tirsan ay ku tageen Cadaado. Madaxweyne ayaa si cad u sheegay in laga soo xerxeray meel walbaa, isaga oo ku tilmaamay inuu ka baqayo in ciidamada NISA loo diro Galmudug, islamarkaana loosoo xiro sida Mukhtaar Roobow. Wuxuu sidoo kale sheegay inay iska difaaci doonaan ciidan walbaa oo dowladda Soomaaliya ay u dirto deegaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo sabti ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah. “Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo_nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco. Waxa uu xusay in dadaal badan iyo soo jeed badan ka dib ay sababtay in la qanciyo cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo. “Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha. Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo. “Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen. “Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay. “Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo. Dhammaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheega in afar xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaal-ka ah ay shalay ku fashilmeen safar ay ugu socdeen magalaada Garowe. Xildhibaanada oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Puntland ayuu ujeedkoodu ahaa in ay ka qeybgalaan doorashada bisha Janaayo 8-deeda Puntland ka dhaceysa. Hase ahaatee, sida ay noo xaqiijiiyeen ilo ku dhow, afar xildhibaan oo golaha shacaka ka tirsan, safarkaas ayaa hadda baaqday, kadib markii ay ku dhacday qabtii uu soo rogay Gaas. Xildhibaanadan waxaa sameeyey sida muuqata go’aankii ay Puntland soo saartay shalay ee ahaa in cid dowladda ka socota aysan imaan karin Garoowe inta doorshada ay socoto. Walow aan qoraalka lagu xusin in xildhibaanada laga mamnuucay tegidda Puntland, hadana waxaa la dareemi karay in ay qeyb ka yihiin maadama Wasiirada iyo shaqaalaha rayidka ah la magacaabay. Ma cadda wali sida ay dowladda uga falcelin doonto go’aanka Puntland iyo tallaabada ay qaadi doonto. Dastuuriyan, Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dowladda Federal-ka u qaabilsan doorashooyinka maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe. Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka. Ku dhawaad 30 dagaalame iyo 4 hogaamiye oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow General Bogmadow ayaa Tilmaamay in hogaamiyeyaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo sarkaal oo Ajaanib ah Magacyada saraakiisha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Al-shabaabka fuliya isqarxinta. Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeyay uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post. Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa. In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel. Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka. Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah. Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo. Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey” Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan. Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi. Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir dhaw uu la yeesho dowladda Yuhuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira casimada@live.com
  6. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Galle oo wariyaasha kula hadlay Dhuusamareeb aya ka hadlay dagaalada ka dhacaya deegaano katirsan Gobolka Gal-Gaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa muujiyay sida uga xunyihiin dagaalkaasi waxaana uu ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyo. Xaaf ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in ay dagaalkaasi ay hurineeyso islamarkaasina faragalin ay ku hayaan Gal-Mudug. ”Faragalinta DF nagu heyso awgeed waxaan ka baqeynaa in sidii Mukhtaar Rooboow qoorta nala so qabto,Laakiin ha ogaato halkan ma ahan Meeshii ay Ciidan usoo diri lahayd,faragalinta hadaysan naga deyn sidii Al-shabaab ayaan ula dagaalameynaa” ayuu yiri madaxweyne Xaaf Waxaa sii xoogeeyaanaya qilaafka u dhaxeeyo Gal-Mudug iyo dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xaaf “waxaan ka baqeeynaa in sidii Rooboow qoorta nala soo qabto oo nala xiro” appeared first on Puntland Post.
  7. Somaliland needs National Economic Reform before it is too late According to economic growth rules, whenever a government experiences an economic system collapse or a prolonged economic crisis, an immediate economic reform strategy is to be introduced. At this economic state that Somaliland is within, we need a well designed National Economic Reform; which sets an economic policy, and the direction for economic growth. An economic reform which identifies strategies, decisions, programs, and projects to improve the economy; that covers the best systems for setting levels of taxation, government budgetary policy, money circulation management, labour market, local production booming, alternatives to increase country export capacity, and many other areas of government economic interventions to reach prosperity and rapid economic growth. Our country was described as the fourth-world country dying for poverty and unemployment rate, with zero economic development and lack of international cooperation In terms of its economy. As we know, the livestock plays as the key driver where over 50% of our population were living in the rural area as nomads, depending directly on livestock and livestock products for their livelihoods; and other certain percent of the urban people depends indirectly on livestock trade processes. As we know, about 60% of the livestock in Somaliland died during the last 5 years because of the recurrent droughts Somaliland faced in those years. These natural phenomena caused thousands of families of the nomad people loss their herds completely; gathering in unrecognized IDP camps around the villages and towns of Somaliland. Other thousands of nomad families are still in the rural areas with very few heads remained for them; not enough to sustain their survival. It is likely that other droughts may come in the future to a level that the remaining less than 40% of the livestock will be driven out by the droughts; and livestock is the only item Somaliland exports to the outside world, and it is the most important hard currency source of income for the country. In that sector we need future-oriented strategic design principles that Its foundations lie in the analysis of external and internal trends and data, which enables to make the right decisions that can overcome these threatening phenomena to destroy our only export item–the livestock Approximately half of the government’s annual budget is often spent in salaries, in the different security and law enforcement departments to maintain law and order in the country, and some minor acceptable administrative expenses. But the remaining half of the government’s budget is often prepared as a purely technical assemblage opening for corruption and a large-scale theft of public owned money. The institution responsible for preparing the Government National Budget together with the authorizing and approving institutions make it easy for their officers to steal the poor people’s paid taxes, through very lax, very general, non-specific and so much lump sum budget allocations. That lump-sum budget based techniques leaves a great deal of discretion to the institutions’ authorized officers for expenditure; and causes very high percentage of frauds, thefts, corruption, personal own purchases, and many other wasteful use of the government budget draining millions of dollars every year. Along with the above mentioned problems, the government’s failure to fight against inflation becomes another setback and a socioeconomic problem to the government’s budgeted revenue. This intentional inflation epidemic, which is deliberately nurtured by the government and some few rich people; affected the livelihoods of the common people particularly the poor population in the rural and urban; causing thousands of families to become penny less not affording to feed their children . The sharp decrease of the country’s livestock quantity, Saudi Arabia’s import ban imposed on the livestock from Somaliland, the misappropriation of the foreign donors provided funds, the very high percentage of fraud, theft and corruption within the government revenue and budget spending mechanism, and the problems of the hyperinflation, together affected the economic perspective of the country causing the state’s economy to collapse; diminished the income earnings of most of the community; and hardened the living conditions of the people. The unrecognized status is also preventing the country from dealing and interacting with the international community, international monetary institutions and foreign investment arrangements. According to all these realities on the ground, every healthy minded citizen who knows something about the monetary policy which concerns the management of demand and supply of money in circulation, and the fiscal policy which deals with the taxing & revenue collecting systems and the government spending actions; understands that it is time to set a broad national economic reform for Somaliland to save the lives of the common people, to make the misery index of the people go down from this below the belt level, to create employment opportunities for the young somalilanders to realize their potentials, so they do not go out of the country to be humiliated, to save the lives of hundreds of thousands in the IDP camps with nothing to live on, and to make the country’s economy grow gradually. Economic reforms are being undertaken and preceded almost throughout the developing world today. It is argued that the economic reforms are guided by standard rules dictated by the international monetary organizations like IMF and the World Bank. But with my little knowledge concerning an economic reform, I believe their PFM model is an unrealistic portrayal to most developing countries including our country. While it is important to attain and maintain fiscal discipline that their model holds; but every country has its own approach according to its circumstances, emphasizing not to prolong the process and to yield the desired results. The main objective of the economic reform we need is to improve the economy and social well-being of our people; and the goals that it seeks to accomplish are: To maintain a sound economic policy to enjoy with stable prices and money exchange rate To encourage investment and job creation to increase employment rate To introduce a better mechanism for the allocation and distribution of the national budget and national income resources, To improve and empower the national productivity in the agricultural and industrial sectors, To restructure the ways our rural population manage their livestock, introducing a better way of dairy farming which is more secure, much productive and more profitable To set the guidelines and implement the worldwide growing movement known as “Local Food” which is a policy empowering the farmers to grow and produce much local food selective expansion commodities and encouraging the consumers to buy the locally produced food items To come up with a policy designed to make use of the demographic dynamics of the country which are favourable to create much economy derived from the country’s geostrategic location And lastly to reduce the poverty level of the people and accelerate the country’s economic growth. An economic reform developed by a country comprises policies directed to achieve improvements in economic efficiency, either in individual sectors of the economy or by reforming economy-wide policies. I believe Somaliland has the chance to make this national economic reform possible; if the government is ready to begin this reform to itself by selecting and appointing the right person for the right responsibility. The interrelated economy and finance sectors need qualified professionals with 20/30 years experience, independent with their decisions, empowered with the availability of the resources needed and the government implementation of their strategic plans. It is the president who has the authority to select well experienced finance managers and economists and delegate them to the finance institutions. These can analyze and study all economic and finance standing problems; they can set and produce a multidimensional national economic reform framework; they can amend all undesirable procedures and make all adjustments and inclusions appropriate to achieve the desired economic reform we need. \Adam Ali Younis E-mail: aayonis@hotmail.com Qaran News
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-291218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Mudulood ugu jira labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo waxgarad kale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo quseeya beesha iyo dowladda federaalka. Siyaasiyiinta Mudulood ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cali Mahdi Maxamed, Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), Cali Ugaas Cbadulle, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Yuusuf Xuseen Jimcaale, Cadde Gaabow iyadoo xildhibaannada ay ka mid ahaayeen: Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Senator Muuse Suudi Yalaxow, xildhibaan Maxamuud Abukaato iyo xubno kale. Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda uu dalku ku socdo iminka ay tahay keli-talisnimo, taasoo halis gelin karta dowladnimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey inay qaateen go’aano halis ah iyo inay awood u adeegsadeen dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka kasoo horjeeda. Xubnaha Mudulood ayaa sheegay inay ka digayaan ujeedka Farmaajo iyo Kheyre oo ay sheegeen inuu yahay inay talada sii heystaan. Waxaa dhinaca odayaasha u hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka sheegay inay xaaladda dalka ka tashan doonaan, lana kulmi doonaan madaxda dowladda, wixii kasoo baxana ay dib ugu soo celin doonaan shirka iyo Beesha Mudulood si ay go’aan uga qaataan. Waxa uu kulanka ku dhammaaday iyadoo la isku afgartay in xaaladda dalku ku socdo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda Federaalka ay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto.
  10. (SLT-Hargaysa) Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo qaban qaabiyay shir wayne Saxaafadda uu u qabtay ayaa Sheegay Inay hadda Kadib Saxaafadda iyo Dawladdu dhinac u wada jeedi doonaan. Hoos ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargaysa) Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ayaa duray Safiirka Turkigu u xilsaaray wadahadaldii Somaliland Iyo Soomaliya. Waraysi uu siiyay Telefeeshinka Bulsho Tv ayuu arrintaas kaga hadlay. Hoos ka DAAWO Source
  12. Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Bilawgii hore ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh. Bilawgii sanadkii1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu halabuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta. Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud. Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray. Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya. Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay soo shaac saartay waxa ka mid ah ilaa afar heesood oo uu u dhiibay Abwaan Nuur Jiis oo madax ka ahaa Maxakamada Gobolka Hiiraan, heesahaas oo uu Abwaanku kaga cabanayey haweenay uu qabay. Heesahaas waxaa ka mid ah: Heesta Sagal oo markii hore ahayd Sahra xaaji Xalwaay. Saaxiib miyaan nahay, iyo heesta Rugta saxada wacanee Baladweyn salkeedaa Rabbi kugu sameeyee Sawjadii naftaydaay, Sahraay waan ku sugayeey Qisadan Abwaan Nuur oo bilaabmatay 1973 in muddo ahna socotay ayuu Abwaan Nuur Jiis waxa uu saluugay fariimahan uu dirayo iyo falcelinta ka imanaysa oo aanu midho dhal u arkin, waxaanay taasi sababtay in Abwaanku uu Buula-Xaawo ku xidhxidho qaar fannaaniin kooxda Horseed ka tirsan oo uu Digfeer-na ku jiro. Muddo ka dib Abwaan Nuur wuxuu u soo wareegay Muqdisho halkaasi ayay Digfeer wakhti ku sii wada qaateen, inkasta oo la sheego inaanay xilligaasi Haweenayda iyo Abwaan Nuur lamaane ahayn balse weli waxa aad u xooganaa jacaylkii uu u qabay. Digfeer oo u sheekeeyey saaxiibkiisii rumaad ee Aadan Cabdi (Aadan Goobbe) oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Horseed oo anigana sidoo kale ii sii sheekeeyey, ayuu Digfeer ku yidhi “Mushkiladaha I haysta waxaa ka mid ah, in hees kasta oo aan qaado, dadku waxay leeyihiin waxay ku saabsantahay arintii Nuur iyo marwadiisa, aniga xattaa kuwa igu saabsan dadku waxay moodayaan uun in aan Nuur ka hadlaayo”. Balse dhinaca kale, Digfeer laftiisa waxa soo foodsaaray jacayl xooggan oo markii dambena uu u gardhiganayo xaaskiisii waana ka mid ah marka uu ku heesayo “Ma Markaad Gaajootaada, Garabba Maalin Dubataa” arrintaasi oo ku saabsanayd dood uu ka qabay qaab daranka qoyskiisa. Isla Ayaamihii fanka ee Digfeer, Habeen ku jiray sannadkii1981 iyada oo Muqdisho la joogo waxa goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Hoboladii Horseed ugu yimi nin dhallinyaro ah oo ka soo safray Galgaduud, Badhtamaha Soomaaliya, ninkan wuxuu ka cabanayey gabadh ku ballan furtay oo ay jacayl wadaag ahaayen isla markaana barbaarta facooda ahi ay isku ogaayeen. Ninkii markuu sheekeeyey wuxuu xusay in gabadhaasi ay nin kale ka raacayso oo markaasi isaga ka dhaqaale roon. Abwaan Aadan Cabdi Axmed (Aadan Garaash) oo dadka badankoodu ku garan karaan gabaygii ‘Toosi Luquntaada’ ayaa u alifay heesta Burji iyo Nasiiblaay oo ay ereyadeeda ka midyihiin: • Waxaan baaq u dirayaa • Tacsi ugu bun dubayaa • Jacaylkeeni barigii • Barbaartii wax ka ogayd • Ee Gelinsoor bankiisiyo • Baadiyihiisa laga helo • Beel guba inaad tahay • Iyo beeni raad ma leh! • Na dhex marin bariidadu • Ilayn waan is baranee! Heestii ayuu Digfeer qaaday, waxaa laxanka wada saaray C/qaadir Leyloon, Aadan Goobbe iyo Yaasiin Axmed Digfeer oo dhammaan ka wada tirsanaa kooxda Horseed. Heestan mar dambe isna waxa qaaday C/qaadir Jubba. Mar kale 1982, Digfeer iyo kooxdiisii Horseed oo Hargeysa geeyey riwaayaddii ‘Wakhti Iyo Waalli Jacayl’ oo uu alifay Abwaan Bashiir Salaad, wuxuu ka warhelay inay Hargeysa timi xaaskiisii oo uu sidoo kale uu ka dhexeeyo jacayl xooggani balse khilaaf ku kala maqnaa . Digfeer wuxuu codsaday in la fasaxo isaga oo sheeganaya inuu xanuusanayo balse waxa ka diiday taliyihii kooxda inkasta oo ay fasaxeen dhammaan hoboladii kale duwanaa ee ku jiray Horseed safarkana ka mid ahaa. Digfeer oo cabiraya fasaxa loo diiday, isaga oo la hadlaaya taliyihiisii, wuxuu ku heesay ‘Anna waa lay sitaa , Adna waa kuu subax wanaagsan, Wakhtiguse mooyi si uu noqon’. Digfeer, heeso badan ayuu noloshiisa ku cabiray waxaana ka mid ahayd heesta ‘Haddii Geel La Kala Dhaco’ oo uu kaga hadlaayey mar uu gabadh uu calmaday weydiistay qoyskooda balse hayb ahaan loogu diiday. Wuxuu si farshaxannimo leh ugu doodayaa in haddii dadka dhib kasta dhexmarto in laga wada xaajoodo oo arrinta gar lagu dhammeeyo, balse isaga tiisa gef laga galay haddiiba loo diiday inuu ka gardhigto gabadha uu caashaqay ee loo diiday. Xiliyadaasi Fanka Soomaaliyeed, muddo dhawr sanno ahba gudahooda waxa la samayn jiray qiimayn ku saabsan tayadiisa, waxaana qiimayntaasi samayn jirayn uun fannaaniinta dhexooda. Sannadkii 1983 waxa la abaabulay qiimayn ku saabsan fannaanka ugu wacan heesaha calaacalka ah (Cataw) luuq ahaan iyo laxan ahaanba, labadiiba waxa lagu maamuusay Yaasiin Axmed Digfeer. Mar kale sannadkii 1983 debaal-deg aroos oo loo samaynayey Col. Axmed Cumar Jees isla markaana uu hab-maamuuskeeda lahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad oo si gaar ah ay saaxiib u ahaayeen walaalkii Maxamed Cumar Jees, waxa la isugu yeedhay intii u mudnayd shantii kooxood ee Waaberi, Onkod, Halgan , Heegan iyo Horseed. Xafladdii waxa furay Aabihii fanka Soomaalida, C/laahi Maxamed Maxamuud (Qarshe) oo qaaday heestii ‘Dhalintii Waddankaan Nahay’ ka dibna, safbaa la mariyey qof kastaana wuxuu qaadayey hees kabankana wuu dhiibayey, waxaana goobta yaallay ilaa afar kaban oo la soo xulay. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii ‘Kaalay Kaalay Kol Ii Imo’, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo, sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday. Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud (Saambo/Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed. Markii ay soo baxeen heesaha ku jiray riwaayaddii ‘Dab Jacayl Kari Waa’ sanadkii 1974 ee Abwaan Xasan Ganey ee aadka loola dhacay laxamadii uu heesahaasi saaray Axmed Nuur Jaangoo, ka dib Jaangoo wuxuu noqday nin aad loogu tixgeliyo laxan samaynta, balse waxaa xusid mudan Jaangoo laxan muu samayn jirin Digfeer oo la jooga ixtiraam aawadeed. Burburkii Soomaaliya ka dib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Digfeer waxa uu magaalada Hargeysa ku geeriyooday sanadkii 2002-dii. Alle ha u naxariisto WQ: Cumar Cali Xasan – Seerbiya Muqdisho, Soomaaliya 29.12.2018 Source
  13. Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. · Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. · Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. · Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. · Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Source
  14. Haddarrawi geesi ragiisi waayey tebay Dadku waa addoomoo Lama siin awoodaha Alle lagaga maarmee Keli lagu ahaadee Ha illaawin baqashada Gebi ahaan abwaanada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan waxay la xanuunsanayaan bulsho xumo dad xumo. Ay Waayeen dadkii iyo dalkii quruxdii sharafti milgahii ay ku faani jireen, suugaanta ka curin jireen. Waxay la kulmeen dad damiirkii dhintay’ dhaqankii suubana yar iyo waayeel wadad iyo waranle noqoday hunguri iyo laac raac ka tegay mamuuskii xishmaadii laggu ogaa dadkii Soomaaliyeed noqday garanwaa Dabcan haddii aad uu kurgaasho sidaa bulshadeena maanta ay tahay reer kasta waxaa korjooga ka ah kii ugu aqoon iyo talo liidtay alle ma yaqaan raganimo ma yaqaan ammaan iyo been ku nool magac iyo masab orod ku doon.keligii noolaade aqoon la colow. Wana waxyaabaha suurto-geliyey inaynu yeelano intaas oo odey dhaqameed ku sheeg midna-mid kale arkii Karin lana gaadhay heerkii ugu xumaa kala dambayn la’aan hab dhaqameedkii oo lumay.. Sidaas darteed waynu dareemi karnaa culayska xanuunka abwaanku ka qaaday bulshadiisa. Gud: Ali Dheeg Xisbiga Ucid Wales UK. Source
  15. kaftanka maanta ,ma mucaarid baa jira haddii maxamed goobaayo ,, . Dawladii maxamed ibraahin cigaal ,waxaa mucaaridi jirey xubno bàarlamaankii waagaas Ka tirsanaa oo ay Ka mid ahaayeen , Gen jaamac maxamed qaalib , Axmed m siilaanyo , Maxamuud saalax fagadhe Cabdiraxmaan dheere Iyo xuseen axmed caydiiid . Dawladii labaad ee cigaal ,iyana waxaa sutida u hayay mucaaridkii baarlamaanka oo xakame adag Ku hayay iyadoo aanay jirin asxaab mucaarad ihiba. Markii loo gudbay ,axsaabta doorashadii April 2003 waxaa Ku guulaystay xisbigii udub , kaasoo lahaa bàarlamaankii ugu badnaa ,sidàa darteed mucaaridadu waxay gashay habac in muddo ah ,hasa yeeshee waxay laba kac laysay doorashadii baarlamaanka markii xisbiga kulmiye helay 28 xubnood oo mitid ah , xisbiga ucidna uu bah wadaag la samastay . Laga bilaabo 2005 mucaaridadii xisbiga kulmiye waxaa hogaaminayay xubnihisa baarlamaanka , xisbiguna taageero iyo hiil ayuun buu la Barbar taagnaa, garoonka kubadu taalo ee lagu loolamayaan baarlamaanka ayuu ahaa . Maanta miisaaniyaddii waa la ansixiyay sidii loo ansixiyay miisaaniyaddii Ka horaysay ,ee loo ansixiyay xeerkii kufsiga ee loo ansixiyay xeerkii booliska , mar walbana sidan ayuun baa wax loo ansixiyaa iyadoo aan mucaaridku wax saamayna Ku lahayn . Wasaarada daakhiliga sidda uu sheegayo xeerka gobolada iyo degmooyinka ee xeer number 23 ,waxaa Ku waajiba in ay samayso Kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka , welina lama samayn ,wasiirkana goluhu arrintaa kuma gole joojin kumana cadaadin . Markaa wasiirkii daakhiliga ee dawladaha hoose ,gobolada iyo degmooyinka iyo amniga masuulka Ka ahaa ,haddii uu yidhi waxaanu tabaynaa mucaarid adag saw gartii maaha . Iyadoo aanay mucaaridku doorba Ku lahayn haayadaha wada shaqada qaran Ka ,wax walibana ay u socdaan sida xukuumadu doonayso miyaa la odhan karaa war saxaafadeedyada qubanaha ah mar mar axsaabtu soo daysaa waa mucaaradad . Ugu danbayn aynu kaftankeena kusoo xidhno ,ma mucaarid baa jirra hadii maxamed goobaayo . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dagaallada ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, oo uu sheegay inay lama filaan ku noqotay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galaan. Dagaalkan oo dhaxeeya beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ayaa dad badan ay ku dhinteen, waxaana maanta dowladda Soomaaliya ay u dirtay wafti nabadeed. Mahad Salaad ayaa sheegay in tani ay tahay taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto, islamarkaana horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah uu ka digayey in ay soo socdaan. Inkasta oo uusan sharxin, haddana hadalka Mahad Salaad ayaa waxaa loo arkaa inuu u dhigmayey mid muujinaya in ciidamada Itoobiya loo soo watay beeshiisa Habar-gidir, ayada oo arrintaas ay aad ugu jirtay baraha bulshada maalmahan. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee faceebok. DAGAALKA KAXANDHAALE WAA TAARIIKH MADOW OO QORMAYSA! Waxaan ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo colaada ka aloosan deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud. Colaad wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Dhulkana Alle ayaa u abuuray in aan ku cibaadeysano, deegaan iyo daaqsina ka dhigano ee Alle uma abuurin in aan isku dilno. Guurina maayo dhulkaan ee dadka walaalaha ee wada degan yaan la dabar goynin. Sidoo kale waxaan tacsi u diraynaa dadkii walaalaha ahaa ee dagaalkaas ku dhintay Naxariistii Jano Alle haka Waraabiyo. Inta dhaawaca ahna ilaahey ha-u-boogo dhayo. Aamiin. Sidoo kale waxaan canbaareynaynaa filanwaay iyo amakaagna nagu noqotay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud lagu soo qabto Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyo beeleedyo isku heysta deegaan iyo daaqsin! Waa taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto. Aanan isleeyahay waxay horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah aan ka digaynay in ay soo socdaan natiijadeediina aan maanta aragno! Waan ku bogaadinaynaa mas’uuliyiinta dowlada ee maanta ku baxay sidii colaadaas loo damin lahaa. Ilaahey ha idiin fududeeyo. Waxaanan idinku boorinaynaa in aadnan ku mashuulin si deynta askar Itoobiyaan ah ee dagaal beelo ka dhaxeeya lagu qabtay ee muhiimada aad saartaan sidii loo xalin lahaa asbaabaha colaada dhaliyay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Meeshana looga saari lahaa faragelinta dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  17. Hoygii rooxaanta iyo dhiiga jecel (Muqdisho) 1991-2018 Q.3aad Qalinkii Cabdi Caawiye Maqaaladani waa qurubyo ka mida 91 maqaal oo lagu magcaabo hoyga rooxaanta dhiiga jecel oo si balaadhan u iftiiminaaya dhibaatada haysata dadka Muqdisho iyo in cida Ku haysaa ay tahay hadba cidii u talinaysay 30 kaa sanno. Hurintii Maanafeesto ayaa u isbiday oo dooeatay Madaxweyne KMG ah Cali Mahdi, hase ahaatee waxaa doorashadii Cali Mahdi ka soo horjeestay Gen. Caydiid, isagoo sabab ugu dhigay dhismaha dowlad KMG in marka hore la qabto shirweyne lagana soo qeybgeliyo ururada hubeysan gaar ahaan SNM, SSDF iyo kuwo kale waxaana halkaasi ka dhashay khilaafka iyo qaran jabka maanta aan taaganahay. Qoryihii Qaranka ayaa u gacan galay shacab mudo 21 sano la af hayey, ciidamadii qalabka siday oo la kala diray dhamaan arimahaasi waxaa ka dhashay in la uur falo wixii aan Mogadishu Clan aheyn ee magaalada Muqdisho ku haray iyo dadkii kale ee awooda laheyn, godobtii xiligaasi la galay iyo wixii ka horeeyayba waa hadhacii ay inoo beereen maamulkii Siyaad Bare iyo Jabhadihii hubeysnaa oo shacabka ka filayey in ay keeni doonaan raxmad ka roon tii la riday. Kumuu ahaa Cali Mahdi? ::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::: wuxuu ku dhashay tuulada Cadowuul oo ka tirsa shabeelada dhexe ee magaala madaxda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938. Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskoolaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed. Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed. Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi. Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000. Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenaayo . waxaa jiro waxyaabo badan oo wanaagsan oo u qabtay shacabka Lasoco qaybaha dambe Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Qaran News
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo sabti ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah. “Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo_nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco. Waxa uu xusay in dadaal badan iyo soo jeed badan ka dib ay sababtay in la qanciyo cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo. “Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha. Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo. “Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen. “Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay. “Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo. The post Akhriso: Khudbadii maanta ee Gudoomiyaha Gollaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  19. A PHILANTHROPIST and former foreign minister of Somaliland had lunch in Henley as part of a friendship arrangement. Dr Edna Adan Ismail, a British-trained nurse and midwife who founded a hospital in the republic’s capital Hargeisa, was greeted at Leander Club by members of the Henley Borama Friendship Association. She was in Britain to collect an honorary doctorate from London South Bank University and was accompanied by Rhoda Ibrahim, the director of the Somali Advice and Forum of Information. Dr Ismail spoke about the hospital, which opened as a maternity unit in 2000 with only 26 trainee midwives but now delivers thousands of infants every year. It is also a university teaching hospital with 1,500 students, of whom almost three-quarters are female, learning a range of subjects including medical science, midwifery, dentistry and nutrition. Dr Ismail hopes to open a teacher training school and is currently seeking candidates who can lecture in teaching skills in English. She has known the association’s president Brig Malcolm Page for many years as she provides care for veterans of the Somaliland Scouts, the army unit in which he served. It was this connection which prompted him to launch the association in 1983. Brig Page regularly donates old-fashioned nurses’ watches to the hospital and these are given as prizes to the best performers. Dr Ismail, 81, said: “It’s a pleasure to see a good friend of many, many years who has been a great supporter of the hospital and of Somaliland both before independence and since. “His donations of watches are a strong emotional link to my own training in Britain and is a wonderful way to recognise nurses’ efforts. The friendship between Henley and Borama is long-standing and important so I am also pleased to be back in the town for the first time in several years. We cherish the connection and wish to sustain it as long as we can.” Brig Page said: “I’m delighted and so proud that she has come to see me while staying in England. I don’t like to consider her an ‘old’ friend but certainly a well-established one!” Somaliland is an autonomous region and self-declared state in Somalia which was formed in 1960 after it ceased to be a British protectorate. Source Henleynews Qaran News
  20. Eng, Cabdulqaadir Cabdi Warsame( Digaale), oo ah siyaasi iyo samafale reer Puntland a ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland kaga dhawaaqay inuu u sharaxan [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah caruurta Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii ugu dambeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in wariye Cawil Daahir uu kamid ahaa dadka jecel dib dhiska dalka Soomaaliya. “Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay” “Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo” “Argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho. Fadhiga oo ahaa kii 12aad ee qaybta ka ahaa Kal-fadhiga 4aad ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Axmed Yuusuf Cabdullaahi, oo kulanka kadib warbaahinta ayaa fahfaahiyay qodobada looga hadlay. Wuxuu sheegay in Gollaha uu baaq nabadeed udiray Beelaha ku diriraya gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha dalka. Isku dhacyada oo udhaxeeya Beelo walaalo ah ayaa ka dhacaya degaanka Kaxandhaale oo Galgaduud ah iyo tuulooyin ku teedsan degmada Maxaas oo gobolka Hiiraan hoostaga. Axmed Yuusuf Cabdullaahi, Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare, ayaa ku tartarsiiyay dowladda Soomaaliya inay kaalin firfircoon ka qaadato dedaalada lagu qaboojinayo xiisada. Hadalka Aqalka Sare ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo maanta oo Sabti ah ay dowladda udirtay degaaanda colaada laga soo wariyay wafdi balaaran oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, si loogu kala dab-qaado Beelaha. The post Aqalka Sare oo baaq kasoo saarey dagaalada Hiiran iyo Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-291218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article