Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Moscow (Caasimada Online) – Ciidamada Ukraine ayaa Axaddii si lama filaan ah u gilgilay milatariga Ruushka, kadib markii ay burburiyeen ama waxyeeleeyeen tobannaan diyaarado ku nukliyeerka xambaaro ah iyo kuwo kale, weerarro qorshaysan oo qarsoodi ahna ku qaadeen saldhigyo ciidan oo si weyn uga fog xuduudda kuna yaalla gudaha Ruushka, sida ay sheegtay Kyiv. Xitaa bogagga taageersan milatariga Ruushka ayaa weerarkan — oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo laga dhex bilaabay gaadiid xamuul ah — ku tilmaamay “Pearl Harbor-kii Ruushka.” Weerarkaasi ayaa dhacay maalin uun kahor kulanka la filayay in madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine ku yeeshaan Istanbul, oo qeyb ka ah wadahadallo xabbad-joojin ah oo Mareykanku garwadeen ka yahay. Hawlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka gudaha ee Ukraine (SBU) ayaa lagu beegsaday 41 diyaaradood oo ah kuwa waaweyn ee dagaalka, waxaana loo adeegsaday diyaarado FPV ah oo lagu hago muuqaal toos ah. Saldhigyadan la weeraray ayaa ku kala yaallay afar meelood oo si weyn uga durugsan xuduudda Ukraine — kun iyo kun mayl u jira aagga dagaalka. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in diyaaradaha la burburiyay — kuwaasoo intooda badan uusan Ruushku hadda awood wax soo saar u lahayn — qiimahooda la qiyaasay ugu yaraan $7 bilyan. Diyaaradahan oo loogu talagalay in ay qaadaan gantaalaha nukliyeerka ayaa qeyb muhiim ah ka ah awoodda Ruushka ee hanjabaadda nukliyeerka, waxaana markii hore loogu talagalay in ay burburiyaan Mareykanka iyo Yurub haddii dagaal buuxa dhaco. Ukraine waxay sheegtay in diyaaradahaas hadda loo adeegsanayo weerarro gantaal oo ka dhan ah dalkaasi. Mas’uuliyiinta Kyiv waxay sheegayaan in weerarkan lagu burburiyay in ka badan saddex-meelood meel diyaaradaha istaraatiijiyadeed ee Ruushka. Warbixinnada ayaa sheegaya in diyaaradaha la beegsaday ay ka mid yihiin TU-95 “Bear” oo ah diyaarado nukliyeer qaada, TU-22 “Backfire” oo ah kuwo weerar degdeg ah fuliya, iyo A-50 “Mainstay” oo ah diyaarado talis iyo kormeer. Mid ka mid ah saldhigyada la weeraray ayaa ku yaalla gobolka Irkutsk ee Siberia, qiyaastii 2,500 mayl u jirta xuduudda Ukraine. Saldhigyada kale ee la beegsaday waxay ku kala yaallaan Murmansk oo ku yaalla Arctic-ga, Ryazan oo koonfur-bari kaga beegan Mosko, iyo Ivanovo oo waqooyi-bari kaga yaalla caasimadda Ruushka. Hawlgalka oo loo bixiyay magaca “Howlgalka Shabaq Caaro” (Operation Spider’s Web) ayaa la sheegay in la qorsheynayay muddo 18 bilood ah, wuxuuna, sida ay sheegtay Kyiv, dhabar-jab weyn ku yahay awoodda Ruushka ee weerarrada gantaalaha fog-fog ku qaada magaalooyinka Ukraine. Muuqaallo la faafiyay ayaa muujinaya diyaarado waaweyn oo holcaya oo dab qabsaday, kuwaasoo saf u yaalla mid ka mid ah saldhigyada weerarka lagu qaaday. Muuqaal kale oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarado FPV ah oo hawada u kacaya, iyagoo kasoo duulaya baabuurro xamuul ah oo yaalla meel u dhow saldhigyada Ruushka. “Iyadoo SBU ay marki hore ku gudbisay drones-kan gudaha Ruushka, ayaa markii dambe lagu qariyay saqafka qolal alwaax ah oo lagu dhisay baabuurro. Waqtiga la qorsheeyay markii la gaaray, saqafyadii ayaa si fog looga furay, waxaana diyaaradahaasi si toos ah ugu duuleen bartilmaameedyadii Ruushka,” ayuu yiri ilo wareed u warramay Kyiv Independent. Ukraine waxay sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa duullaankii drone-ka ee ugu weynaa ee uu Ruushku ku qaaday dalkaasi tan iyo bilowgii dagaalka, iyadoo la sheegay in Ruushku adeegsaday 472 diyaaradood iyo toddobo gantaal oo iskugu jiray ballistic iyo cruise. Mas’uuliyiinta Ukraine waxay sheegeen inay ka hortageen 385 bartilmaameed oo cirka ah. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si toos ah ula socday hawlgalkan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo u warramay Kyiv Independent. Zelensky ayaa ku faanay bartiisa Telegram in xarunta laga hagayay weerarka ay si aad ah ugu dhaweyd dhismaha ay degan yihiin sirdoonka Ruushka (FSB). “Falalkan ay Ukraine qaaday waa kuwo shaki la’aan ku geli doona buugaagta taariikhda,” ayuu yiri. “Hal sano, lix bilood iyo sagaal maalmood — intaas ayay nagu qaadatay in aan qorshayno hawlgalkan, ilaa aan si dhameystiran u hirgelinay. Waa weerarkeennii ugu fogaa. Dadkeennii qaybta ka ahaa diyaarinta howlgalka si nabad ah ayaa looga saaray gudaha Ruushka ka hor inta aan la bilaabin,” ayuu raaciyay. Ka hor weerarka, Andriy Yermak oo ah madaxa shaqaalaha Zelensky, ayaa bartiisa X soo dhigay astaanta (emoji) shabaq caaro ah. Kyiv kama aysan wargelin Aqalka Cad weerarka kahor, sida ay u sheegeen ilo wareedyo sugan oo ku sugan Kyiv iyo Washington, warbaahinta Axios. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Moscow iyo Kyiv inay heshiis wada gaaraan si loo soo afjaro dagaalka saddexda sano socday, balse weerarkan ayaa laga yaabaa inuu sii adkeeyo wadadii nabadda. Ukraine waxay sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal nabadeed, balse ay sugaysay qoraal rasmi ah oo ka yimaada dhanka Ruushka, kaasoo qeexaya mowqifkiisa, kahor inta aysan oggolaan kulanka la qorsheeyay Isniinta maanta ah. “Si kulan u noqdo mid miro dhal ah, ajandihiisa waa inuu si cad u qeexan yahay, wadahadalladana waa in si dhab ah loogu diyaargaroobaa,” ayuu Zelensky ku qoray bartiisa X Jimcihii. “Nasiib darro, Ruushka wuxuu u muuqdaa mid ku dadaalaya in kulanka xiga uusan natiijo wax ku ool ah keeni doonin,” ayuu raaciyay. Zelensky wuxuu si cad u sheegay mowqifka Kyiv, isagoo dalbaday xabbad-joojin buuxda oo aan shuruud lahayn, sii daynta maxaabiista, iyo in carruurta la afduubay dib loo soo celiyo. Ruushka ilaa hadda wuxuu diidanaa xabbad-joojin buuxda, wuxuuna jeediyay shuruudo ay Ukraine si toos ah u diidday. Dhanka kale, weerarro kale oo ka dhacay xuduudda u dhow Ukraine ayaa sababay burburka laba buundo, waxaana weerarradaasi lagu eedeeyay falal curyaamin ah, iyadoo ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen, sida ay sheegeen baarayaal Ruush ah.
  2. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Kaamil Idiris, ayaa kala diray xukuumaddii ku-meel-gaarka ahayd ee dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee SUNA. Go’aankan ayaa yimid xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo adag, islamarkaana ay socdaan dagaallo xooggan oo u dhexeeya militariga iyo fallaagada RSF. Kaamil Idiris ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay Sabtidii la soo dhaafay, isagoo noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeya ee Suudaan tan iyo markii talada dalka la wareegay ciidamada militariga sannadkii 2021-kii. Afgambigaasi wuxuu meesha ka saaray dowladdii rayidka ahayd ee xilligaas jirtay ee hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Cabdalle Xamduug, taas oo horseedday dibadbaxyo baahsan iyo culeysyo caalami ah oo la saaray hoggaanka militariga. Go’aanka uu Idiris ku kala diray xukuumaddii KMG ahayd ayaa loo arkaa mid lagu doonayo in lagu dhiso xukuumad cusub oo ka tarjunta isbeddelka lagu sheegay heshiiskii siyaasadeed oo la gaaray bilihii u dambeeyay, Heshiiskaas oo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee lagu doonayo in lagu dhiso dowlad rayid ah oo buuxda, loogana baxo kala-guurka siyaasadeed ee jahawareerka dhaliyay. Source: goobjoog.com
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeymo uu howlgalka AFRICOM ee ciidanka Mareykanku ka fuliyay gobolka Bari 31-kii bishii may. War saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay ayaa u dhignaa sidan ” Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda ISIS-Somalia. Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka”. Source: goobjoog.com
  4. MOGADISHU, Somalia — Mahad Mohamed Salad’s reinstatement as Director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) signals a strategic shift by the federal government to revive intelligence reform and reinvigorate the fight against al-Shabaab as the country enters a pivotal security transition. Approved during an extraordinary cabinet session chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre, Salad’s return brings back a seasoned and reform-oriented leader at a time of escalating militant threats and growing demands for institutional accountability. Reform-minded leadership returns Salad served as NISA chief from August 2022 to April 2023, a period widely seen as a period of stabilization and recovery for Somalia’s intelligence sector. Under his leadership, NISA implemented structural reforms that improved internal oversight while advancing critical legislation — including the passage of the National Intelligence and Security Law — that clarified the agency’s mandate and introduced legal checks. Many within government and diplomatic circles view Salad’s return as a move to restore professionalism and continuity within the agency. It also reflects the confidence of President Hassan Sheikh Mohamud, who has steadily reappointed trusted figures across Somalia’s security apparatus since his re-election in 2022. One of Salad’s most notable achievements during his previous tenure was stabilizing Mogadishu, which had been rocked by near-daily al-Shabaab attacks. His leadership markedly improved the security situation in the capital, with coordinated intelligence operations disrupting militant networks and reducing attacks to near zero in certain districts. According to security sources and independent observers, NISA under Salad significantly enhanced human intelligence gathering, expanded surveillance operations, and improved coordination with city military and police units. These efforts led to preemptive raids, the dismantling of sleeper cells, and an improved early warning system that prevented large-scale bombings in downtown Mogadishu for months. “His tenure saw the most noticeable drop in attacks in the capital in recent years,” said a Western security official stationed in Mogadishu. “The difference was not just tactical but structural — a better-organized agency that acted on intelligence rather than reacting to crisis.” Renewed push against al-Shabaab Salad’s return coincides with the second phase of Somalia’s counterinsurgency campaign, which aims to expel al-Shabaab from remaining strongholds in Hirshabelle, Galmudug, and Southwest states. His prior success in Mogadishu has raised expectations that Salad can replicate similar gains in other urban centers — or at least bring intelligence coordination back to a level necessary for maintaining military momentum and public safety. The decision to replace outgoing NISA chief Abdullahi Mohamed Ali “Sanbaloolshe” was not without controversy. Backed by a politically influential clan, Sanbaloolshe had resisted efforts to remove him and reportedly viewed Salad’s appointment as a political slight. However, the federal government defended the reshuffle as part of an ongoing institutional realignment to improve operational effectiveness. This move is also consistent with President Mohamud’s broader pattern: since returning to power, he has replaced and, in some cases, reinstated former military and intelligence leaders to build a trusted and cohesive security team. Salad is now the third such figure to be reappointed. Unexpected political endorsements In a surprising twist, former NISA director Fahad Yasin — previously one of Salad’s most outspoken critics — publicly congratulated him on social media, calling his reappointment a “welcome return.” The message, including respectful praise for Sanbaloolshe, hints at a possible thaw among Somalia’s rival power factions. Fahad had once labeled Salad’s appointment a “national threat,” underscoring the dramatic reversal. Analysts see this as a sign of political recalibration or at least temporary coexistence among key figures in Somalia’s fractious intelligence and political spheres. Over the years, NISA has been criticized for politicization, internal divisions, and lapses in accountability. With Somalia preparing to take full responsibility for its security, the need for a credible, functional, and apolitical intelligence agency has never been more urgent. Supporters of Salad point to his legal background, structured management style, and track record in Mogadishu as proof of his ability to professionalize the agency. His return is expected to usher reforms to restore public trust and international confidence in Somalia’s intelligence sector. “Mahad brought order and coordination during a crisis,” said a former government advisor. “Now, with a new security phase underway, his leadership is needed more than ever.” Mahad Salad’s return as NISA director is not merely a personnel change—it is a strategic decision aimed at restoring security in the capital, revitalizing stalled reforms, and preparing Somalia for a post-ATMIS future. With a record of stabilizing Mogadishu and enhancing intelligence effectiveness, Salad’s leadership is critical to safeguarding Somalia’s fragile security gains and building an intelligence agency that serves the nation, not politics.
  5. WASHINGTON, DC – The Trump administration is preparing to scale back the U.S. military and financial presence in Somalia, marking a significant shift in its broader Africa policy, The Washington Post reported on Sunday. The plan is part of a broader strategic reorientation aimed at reducing U.S. engagement on the continent in favor of other priorities, including border security and nuclear modernization. The Pentagon’s latest budget proposal reflects this shift, with reduced emphasis on U.S. Africa Command (Africom). Defense officials say the new approach emphasizes “empowerment over dependency,” aiming to support African partners through intelligence-sharing and technology rather than direct military involvement. In Somalia, this shift is already taking effect. The U.S. has ended its financial support for the elite Danab Brigade—Somalia’s most capable counterterrorism force—after years of backing estimated at $1.5 billion annually. The Somali government seeks alternative funding to sustain the unit’s operations and pay its soldiers. The administration is also scaling back contributions to the African Union peacekeeping mission in Somalia (ATMIS) at a time when al-Shabab militants are intensifying attacks across the country. The group, which is affiliated with al-Qaeda, has reportedly regained control of multiple towns and now operates in roughly a third of Somalia. In recent months, al-Shabab has launched renewed offensives, including mortar attacks on the international airport in Mogadishu and operations in the Hirshabelle region, about 200 miles north of the capital. Analysts say the militants may exploit security gaps caused by reduced foreign support. Al-Shabab has a history of targeting U.S. interests. In 2020, the group attacked a U.S. airbase in Kenya, killing three Americans. U.S. intelligence has also linked the group to a plot involving a possible 9/11-style attack. The shift in U.S. policy continues a long and complicated relationship with Somalia. Somalia was a key U.S. ally under President Mohamed Siad Barre during the Cold War. However, relations were severed in 1991 following the collapse of his regime—a brief U.S. intervention in 1992 to address famine ended after the deadly 1993 Battle of Mogadishu. Following the September 11 attacks, the U.S. re-engaged in Somalia to counter the growing threat of al-Shabab. In 2020, President Trump ordered the withdrawal of approximately 700 U.S. troops from Somalia. While the Biden administration later redeployed several hundred personnel, the Trump administration now appears poised to reduce the U.S. footprint again. Somalia occupies a critical strategic location along the Gulf of Aden and the Indian Ocean, near vital global shipping lanes through the Red Sea. Its instability continues to pose challenges to regional and international security efforts.
  6. The joint statement released by the Somali Salvation Forum (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) on May 31, 2025, levels serious allegations against President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, including corruption, authoritarianism, and failure in national security. While political critique is essential in a democratic society, a closer analysis reveals that the opposition’s accusations are selective, politically motivated, and lacking in balance. Below is an analytical breakdown of the main points raised and why a more nuanced view is necessary. 1. Counter-terrorism efforts: A complex but ongoing fight The opposition accuses the government of failing to combat terrorism. However, this claim oversimplifies a highly complex and evolving security landscape. Somalia’s struggle against Al-Shabaab and ISIS-linked militants is not a challenge that can be resolved through military force alone. It requires consistent coordination between federal and regional forces, community mobilization, and international intelligence sharing. Under President Hassan Sheikh’s leadership, the government has implemented a multipronged strategy that includes: Reclaiming territory from insurgents, particularly in central and southern regions. Empowering local communities through Ma’awisley militias and clan-based resistance movements. Enhancing regional cooperation, particularly with neighboring Ethiopia and Kenya. Securing international support, including from the African Union Transition Mission (ATMIS) and the United States. While setbacks exist—as they do in any asymmetric conflict—the notion that the government has “failed” is not only misleading but ignores measurable gains made on the ground. 2. Corruption allegations: Real concerns, but not new Corruption remains a persistent challenge in Somalia, but it is disingenuous for the opposition—many of whom held power during some of the country’s most opaque administrations—to position themselves as reformers without accountability for past failures. The current administration has: Implemented biometric payroll systems to reduce ghost workers in the civil service. Digitized tax collection and connected it to the central bank to reduce leakages. Established partnerships with international anti-corruption agencies. Pushed for legal reforms, such as strengthening the Auditor General’s powers. While these reforms are not yet transformative, they mark a break from the systemic impunity that characterized previous governments. Thus, the opposition’s framing of corruption as a uniquely current phenomenon lacks historical honesty. 3. Political exclusion: A question of process or power? The opposition claims they are being excluded from political processes. In reality, the government has convened multiple national consultative forums, including federal member states and opposition-aligned leaders, to discuss electoral reforms, constitutional amendments, and national reconciliation. The real contention appears to be control over the process, not exclusion from it. Many of the current opposition figures seek a return to power and are using this narrative to delegitimize inclusive—but not always favorable—government-led processes. Moreover, Somalia’s fragmented political structure makes full consensus nearly impossible. The government’s role is to facilitate—not surrender to—every political demand. 4. Land privatization and economic mismanagement: A double standard The opposition’s claim of illegal land privatization and economic decline also warrants scrutiny. The Somali economy, like many post-conflict economies, faces major structural weaknesses: insecurity, climate shocks, limited infrastructure, and a large informal sector. Despite these constraints, the government has: Increased domestic revenue collection year over year. Negotiated debt relief milestones under the HIPC initiative. Began regulating land tenure and property rights, previously dominated by informal agreements and elite capture. Ironically, many controversial land deals and privatizations occurred under previous administrations, some led by the very signatories of the current opposition statement. Their sudden concern for transparency raises questions of political convenience rather than genuine reformist intent. 5. The role of the opposition: Critique or destabilization? Democracy thrives on dissent, but opposition must also be constructive and solutions oriented. The Somali Salvation Forum’s statement, while detailed in its criticisms, fails to offer a coherent alternative vision. It lacks policy proposals, timelines, or frameworks for national cooperation. Furthermore, holding a political summit while security forces are engaged in frontline battles against insurgents risks sending dangerous signals of disunity—something extremist groups could exploit. Conclusion: A moment for responsible leadership Somalia stands at a critical juncture. The need for reform, reconciliation, and institutional resilience is real. However, weaponizing political critique for electoral positioning, without acknowledging past failures or proposing viable solutions, weakens the democratic process. President Hassan Sheikh Mohamud’s government is not without fault, but it has shown a willingness to engage, reform, and respond to national challenges. The opposition must now decide whether it wishes to be part of the solution, or remain trapped in a cycle of blame without accountability. About the author: Abdi Hilowle (Coowle) is a political analyst specializing in political science. He has contributed to various publications and policy platforms on state building, democratic transition, and post conflict issues. He is also a lecturer at university. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku midoobeen ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay gogoshii uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Madasha ayaa shuruudo ku xirtay ka qeybgalka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Madasha. Mucaaradka ayaa sheegay in si looga miradhaliyo gogoshan, xalna looga gaaro hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha murugsan ee xag amni, siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalku ku jiro, ay madashu ku baaqeyso qodobbada kala ah: In gogoshu noqoto mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah. In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan madada dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxa ay u taagan tahay samata-bixinta dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxayna diyaar u tahay wada hadal dhab ah oo horseeda midnimo Qaran, dalkana looga saaro hubanti la aanta siyaasadeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha.
  8. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farxaan, ayaa Axaddii sheegay in go’aanka Israa’iil ay ku hor istaagtay booqasho diblomaasiyiin Carbeed ku tagi lahaayeen Daanta Galbeed ee la haysto uu muujinayo “diidmo cad oo ku aaddan waddada diblomaasiyadda ee nabadda.” Wasiirro ka kala socday Sacuudiga, Masar, Urdun iyo Baxrayn, iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa qorsheeyay inay booqdaan dhulka Falastiiniyiinta. Laakiin Israa’iil ayaa Jimcihii sheegtay in aysan booqashadaas la shaqeyn doonin, taasoo si toos ah u carqaladeysay socdaalka maadaama Israa’iil ay maamusho xuduudaha iyo hawada Daanta Galbeed. Amiir Faisal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ammaan isagoo ay garab taagnaayeen dhiggiisa Masar, Urdun iyo Baxrayn, ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uu “ka tarjumayo xagjirnimo, isla markaana uu xaqiijinayo in aysan diyaar u ahayn wax dadaal dhab ah oo lagu gaaro xal diblomaasiyadeed. Waa muuqata in kaliya ay xiisaynayaan xalka rabshadaha ku saleysan.” Wuxuu intaas ku daray in dalalka Carbeed ay weli u taagan yihiin garab istaagga xal ku saleysan laba dal. “Haddii hal wax laga bartay dagaalka Gaza, waa in xal milatari uu yahay mid aan mira dhalin, kana fog inuu keeno amni labada dhinac midna. Waxaa loo baahan yahay xal siyaasadeed oo dhameystiran,” ayuu yiri. Wafdiga la filayay inuu booqdo Daanta Galbeed ayaa la qorsheeyay inuu la kulmo Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, oo maamulkiisa uu xadidan yahay awoodiisa gudaha qaybo ka mid ah Daanta Galbeed. Haddii booqashadu ay qabsoomi lahayd, Amiir Faisal wuxuu noqon lahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Sacuudi ah ee ugu horreeyay ee si rasmi ah u taga Daanta Galbeed. “Gaza, waa dagaal baabi’in ah. Halka Daanta Galbeed laga wado talaabooyin xiriir ah oo si cad loogu wiiqayo Maamulka Falastiiniyiinta, taasoo si toos halis ugu ah dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah,” ayuu yiri Amiir Faisal. Sacuudi Carabiya ayaa la rumeysan yahay in ay ka hor dagaalka Gaza ku dhoweyd in ay aqoonsato Israa’iil, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqashadiisii dhaweyd ee Riyadh ku sheegay in “rajadiisa iyo riyadiisa ugu weyn ay tahay in la helo heshiis labada dal ah.” Si kastaba ha ahaatee, Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga, ayaa marar badan ku celiyay in Sacuudi Carabiya aysan aqoonsan doonin Israa’iil illaa laga helo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan. Bishan Juun, Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u shir-guddoomin doona shir caalami ah oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay, kaas oo loogu talagalay in dib loogu soo nooleeyo xalka laba dal ee lagu dhammeynayo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Amiir Faisal ayaa sheegay in wasiirradu ay muuqaal-wicitaan kula hadleen Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, ayna ka wadahadleen dadaallada socda ee lagu doonayo in dowlad Falastiini ah ay aqoonsadaan dalal badan, laguna kiciyo ra’yul-caamka caalamka iyo go’aamiyeyaasha caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza. “Mar kale waxaan adkeynayaa: cid kasta oo sheegta in xalka laba dal uu yahay midka keliya ee suuragalka ah, waa inay sidoo kale qaataan mowqifyo dhab ah oo taageeraya xalkaas — gaar ahaan aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah,” ayuu yiri.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa caawa isugu tegay oo ku kulansan guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheskh Axmed, iyagoo ka wadahadlaya go’aankooda gogosha uu maanta iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku iclaamiyey in 15-ka bishan Juune ay Muqdisho ka furmeyso gogoshii uu u fidiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha ururrada bulshada rayidka ah. Ilo xog ogaal ah oo kulanka jooga ayaa Caasimada Online u sheegay in mucaaradku diidan yihiin qaabka Villa Somalia ay dooneyso inay u qabato gogoshaas, iyagoo dalbanaya qaabka ay rabaan in loo dhigo gogosha. Waxaa lagu wadaa Mucaaradku ay saacadaha soo socda warbaahinta la hadlaan, isla markaana ay shaaciyaan go’aankooda ku aaddan ka qeyb galka gogosha uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Villa Somalia oo u muuqata mid dooneysa inay hoos u dhigto culeyska bayaanka mucaaradka oo si weyn loogu weeraray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku dhowaaqday shirweyne wadatashi, kaas oo uu muddo ka cago jiidayay madaxweynaha. “Waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalina mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dowladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia. Sidoo kale Madaxtooyada ayaa shaacisay in arrimaha farsamada ee gogoshaas iyo wixii faahfaahin dheeri ah lagala xiriirayo guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.
  10. Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke wuxuu si sax ah u dhaliilay awoodda madaxtooyo-ka-noolka ah ee Puntland. Garoowe (Faallo PP) — Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhowaan sheegay in Garoowe ay noqon waysay magaalo, sida Muqdisho iyo Hargeysa, lagu hayo dan dad ka dhexeysa. “Siyaasaddu waxay ku salaysan tahay isbahaysi” ayuu yiri Sharmaarke. Wuxuu ku eedeeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego, inuu diiday in badda Puntland lagu daro dhulka xeebihiisa shidaalka laga baarayo. Go’aankaas wuxuu Puntland ka dhigay maamul aan kaalin ku lahayn doodda baarista shidaalka Soomaaliya. Sharmaaarke wuxuu taabtay meesha siyaasadda Puntland ka hallaysan tahay. Haddii Madaxweynaha xilka haya ee Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya is maandhaafaan, dadka Puntland waxaa laga hor istaagaa xuquuqo badan oo ay ku leedahay dowladda federaalka sida waddooyinka la dhisayo, deeqaha horumarinta sida mashruucii waxbarashada ay USAID ku deeqday oo dhammaaday 2024kii. Garoowe ma laha eedda sababta inay noqon la’dahay magaalo saldhig siyaasadeed u ah dadka 1998kii Puntland wada dhistay. Eedda waxaa leh siyaasiyiinta oo Puntland ku soo koobay muddo xileed iyo khasnad ku jirta jeebka madaxweynaha hadba xilka haya. Aamusnaanta saamileyda siyaasadda ee Puntland marka maamulka xilka haya ku xadgubayo danaha dadka Puntland waa dib u dhac weyn oo la haray siyaasadda Puntland. Mabda’a “u dhaafa shantiisa sano” waa sababta Puntland siyaaddeedu ugu soo urutay diidmo sida ka hor imaanshaha qaadista cunaqabatantii hubka iyo deyn cafinta, hase ahaatee labada hinse Soomaaliya way ku guulaysatay meelmarintooda. Doorashadii 2022kii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xildhibaannada iyo senetarrada Puntland xoog/xeelad ku soo xushay si uu madaxweyne uga noqdo Soomaaliya. Markii dambe xildhibbannadaas iyo senatarradaas waxaa lagu eedeeyey inay u qareemi waayeen danaha dadka Puntland. Ma inay danaha dadka Puntland u qareemaan baa loo soo xushay mise inuu Deni tartan ku galo? Puntland ma laha isbahaysi siyaasadeed. Jubaland ma noqon karto isbahaysi si joogto ah ay Puntland iskugu hallayn karto. Madaxwyne Deni waxay Jubaland ku kala irdhoobeen doorashadii 2022kii. Jubaland ma aha maamul hal beel keliya ay dhisatay. Waa maamul siyaasaddiisu cakiran tahay inta badan, una tanaasula dowladda federaalka. Waa dhab in Puntland siyaasadda lagaga dheereeyey. Maamulka goosasho-doonka ee Somaliland xildhibaannadiisa iyo senatarradiisa codadka la diyaarka ah ayaa qariyay kaalinta Puntland ka ahayd horseedka dowlad dhisidda Soomaaliya oo hab federaal ah ku salaysan. Maamulka Somaliland wuu ka mid yahay dowladda federaalka kamana mid aha. Waa tanaasul siyaasadeed ay Puntland samaysay, oo ay hadda u aragto in laga habboonaa markii ku meelgaarka laga saaray dalka, 2012kii. Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa dhowaan ku dooday in ka bixistii ku meelgarka lagu degdegay. Marka la eego miraha dowlad dhisidda ee habka federaalka qiimeynta Wasiir Juxaa waa mid aan dhab ku salaysnayn. Farriinta dad badan kala soo dhex bexeen hadalka Cumar Cabdirashiid waa in beelaha Puntland wada dhistay 1998kii aysan helin waqti ay siyaasad ahaan isku bartaan. © Puntland Post, 2025 The post Waa Siyaasiga, Ma aha Garoowe, Xuddunta “Fashilka Siyaasadda Puntland” appeared first on Puntland Post.
  11. Since its founding in January 2021, the Somaliland Institute of Agriculture Research (SIAR) has steadily grown into a key player in the country’s agricultural transformation. With a mission to improve food security, boost productivity, and promote sustainable farming, SIAR continues to lead the charge in modernising agriculture across the region. In its first-quarter report for 2025, SIAR outlines promising advancements, bold initiatives, and the ongoing challenges shaping its work from January through March Advancing Crop Research and Climate Resilience One of SIAR’s standout accomplishments this quarter is the introduction and testing of drought-resistant, high-yielding crop varieties. Thanks to partnerships with global research centers like ICRISAT and CIMMYT, Somaliland has received: • 25 chickpea and 28 groundnut varieties suited for semi-arid climates • 150 wheat varieties currently awaiting import permits Once these varieties are brought into the country, they will undergo rigorous trials from July to October 2025 to identify which perform best under local conditions. Looking ahead to 2026, SIAR plans to expand its trials to include dryland rice and tomato varieties, with support from the International Rice Research Institute (IRRI) and the World Vegetable Center. Promoting Sustainable Farming Techniques SIAR is also introducing ZAI pits, a sustainable planting method that improves water retention and boosts soil fertility. These permanent planting pits are already showing early signs of increasing crop productivity in drought-prone areas. In partnership with the Ministry of Agriculture and Development (MOAD), SIAR is rolling out a seed multiplication program to make improved varieties of sorghum, pigeonpea, and pearl millet more widely available. Ministry staff are receiving training in modern planting techniques to help scale this initiative across the country. Improving Soil Health and Fertility A new Soil Amendment Programme aims to tackle one of Somaliland’s core agricultural challenges: poor soil fertility. Since most farmers rarely use manure or chemical fertilisers, SIAR will test different soil treatments—including manure, compost, biochar, and DAP/MAP fertilisers—to determine which yields the best results. To support this and future research, SIAR is in the process of establishing a Soil Science Laboratory. While the lab has received initial equipment, full setup is pending the arrival of a qualified technician. Exploring the Role of Moringa in Crop Growth In a unique study, SIAR will assess whether Moringa oleifera—a tree known for its nutritional and medicinal properties—has any negative impact on neighboring vegetable crops. The study, carried out in partnership with the University of Toronto and the Ministry of Environment, will involve six common vegetables: tomato, hot pepper, sweet pepper, onion, cabbage, and lettuce. Fodder for the Future Livestock farming is vital to Somaliland’s rural economy, but droughts and poor-quality fodder remain persistent problems. To address this, SIAR has launched a fodder evaluation programme focused on introducing and testing drought-tolerant forage species. The goal is to identify species that not only survive Somaliland’s harsh conditions but also provide high nutritional value for animals. Building Stronger Global Partnerships SIAR’s collaborative efforts go far beyond borders. In addition to working with ICRISAT, IRRI, and CIMMYT, the Institute is: • Preparing for the import of mineral-enriched maize varieties for 2026 • Partnering with the World Vegetable Center to introduce tomatoes for multiple uses (cooking, salad, and processing) • Strengthening engagement with farmers and MOAD extension agents to ensure smooth technology transfer and adoption of new practices Reviving Research Facilities The Aburin Research and Extension Centre, revitalized in 2016, remains a cornerstone of SIAR’s research. In early 2025, Aburin successfully completed trials on sorghum, cowpea, pigeonpea, and pearl millet, identifying several promising varieties tailored for Somaliland’s arid climate. Challenges on the Road to Progress While SIAR has made strong strides, several challenges persist: • Limited funding continues to delay research activities and equipment procurement. • Staffing shortages, especially for technical roles like lab technicians, hinder progress. • Permit delays for importing new crop varieties slow down planting and trials. • Low farmer awareness and limited adoption of fertiliser and modern techniques pose barriers to scaling innovations. • Infrastructural limitations at research centers constrain the size and scope of trials. Despite these hurdles, SIAR remains committed to finding solutions and is actively seeking international collaboration and funding to support its mission. Gaining Global Recognition In April 2025, SIAR participated in the CGIAR Science Week in Nairobi, Kenya—an international platform that brought together top researchers, policy-makers, and institutions to address global agricultural challenges. SIAR’s participation helped strengthen its international visibility and foster new partnerships. Conclusion The first quarter of 2025 marks a period of meaningful progress for SIAR. With an unwavering focus on innovation, sustainability, and collaboration, the Institute is laying a solid foundation for a more food-secure and climate-resilient Somaliland. As SIAR continues its journey, its efforts offer hope not just for farmers but for the future of agriculture across the Horn of Africa. By Abdirahman Ibrahim Abdilahi Qaran News
  12. Xafiiska dhismaha cusub ee loo raray Wakiilka Somaliland ee magaaladda Nairobi ee waddanka Kenya furitaankiisa waan bogaadinayaa, waana sharaf iyo wanaag u soo kordhay shacabka Somaliland. Xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyey mid weliba meeqaamka xafiiska wax bay ku soo kordhinaysay. Waxaa heer diblomaasiyadeed bilaabay Madaxweyne Cigaal Ilaahay haw naxariistee oo 1995-kii la kulmay Madaxweynihii Kenya xilligaasi ee Daniel Arap Moi. Waxaa inay Somaliland xafiis ku yeelato Kenya la bilaabay 2006-dii oo waftigii Madaxweyne Rayaale oo booqasho rasmiya ku tegay Kenya bishii June ee sanadkaasi 2006 dii. Anigu xiligaasi waxaan ku noolaa magaaladda Nairobi ee Kenya oo aan ka shaqeyn jiray, ahaana madaxa Baanka Maraykanka ah ee Citibank. Kolay aniga iyo dad kale waxaanu ka mid ahayn dadkii udub-dhexaadka ahaa ee ka shaqeeyay safarkaa Madaxweynaha iyo balamihii uu ku lahaa waddankaasi, maadaama aanay Somaliland xilligaasi aanay ku lahayn xafiis rasmiya. Madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu booqasho rasmiya ku yimid wadanka oo uu kula kulmay Madaxweynihii Kenya Kibaki. Xafiiskayga ayaan waraaqdii balanta Madaxweynaha Kenya ugaga soo diray fax oo ahayd aaladdii berigaa la adeegsan jiray oo aan u soo diray Madaxtooyada Somaliland aniga iyo Wasiir Cawil Cali Ducaale oo wada fadhina oo waftiga ka soo horeeyey. Waxaan ka mid ahaa dadkii gooni ula baxay Madaxweyne Rayaale ee u soo jeediyey in xafiis laga sameeyo Kenya, waxaana ila socday Saleebaan Jirde oo United Nations-ka xilligaasi u shaqayn jiray. Weliba waxaanu u keenay ninkii aanu u aragnay Community ahaan inuu mateli karo oo ahaa Ilaahay haw naxariistee Ambassador Maxamed Nuur Indho-buur. Madaxweynuhu wuu naga aqbalay halkaasayna markii ugu horeeysay Somaliland xafiis rasmiya oo wakiil ku yeelatay waddanka Kiiniya. Safarkaasi Madaxweyne Rayaale shan waddan oo kalena oo Afrika wuu ku soo maray, waxaana diyaaradiisii ku qaaday Korneyl Faarax. Dadkii asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ee Kenya ku noolaa waxba kamay hakran sida imikaba ka muuqata safarkan Madaxweyne Cirro. Madaxweynayaashii ka danbeeyey Rayaale iyaguna xafiiskii Kenya way sii balaadhiyeen oo shaqaale kalena waa ku soo dareen. Imikana waakaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro xarun cusub xadhiga uga jaray. Waa Ilaahay mahaddii wax badan baa u soo qabsoomay Somaliland, wax badana waa u dhiman yihiin, kolay laakiin ha la ogaado weli maaha Somaliland waddan la aqoonsan yahay, cidna laguma eedayn karo ee waa masuuliyad ummadda iyo madaxda oo dhan dusha ka saaran, uma baahna xag-xagasho iyo weliba in aynu is hambalyeeyno shaqo adag baa kuli ina wadda sugaysa, gaar ahaan kuwa xilalka loo dhiibay. Waa sax in dhexdeena la is mucaarido, laakiin waa kolka safarku soo dhamaado ee la is qiimeeyo. Kolay qolooyinka xilka hayaana in la saxo ha ogolaadaan, kuwa mucaaridkuna kolkuu safarku soo dhamaado qiimeyn ha ku sameeyaan,” Dr. Jamaal Cali Xuseen. Qaran News
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasoo la filayo in ay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025. Gogoshan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu xaqiijiyo wadatashi dhab ah oo ku dhisan danta guud, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Amniga, Ciribtirka Argagixisada, Dhammeystirka Dastuurka, Doorashooyinka, Midnimada Qaranka, iyo Dhab-u-heshiinta. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada inay ka qeybqaataan gogoshan, isagoo xusay in gogoshu tahay fursad weyn oo lagu xallin karo arrimaha horyaalla dowladda iyo dalka. Waxaa sidoo kale la magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeyn doona qabanqaabada shirkan, oo ay hoggaaminayaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xafiiska Madaxweynaha, iyo Xukuumadda Federaalka. Source: goobjoog.com
  14. Dowladda Puntland oo sheegtay in mileeshiyaadka ISIS aysan tabari ku harin ayaa ku amartay inta weli baxsadka ah ee firxadkooda ka nool in ay si deg deg ah isugu dhiibaan ciidamada dowladda. Gaashaanle Faarax Axmed Faarax (Faarax Laba-dhalo) oo ah Taliyaha Ururka 14aad ee Dhiirrane oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ku amray firxadka weli ka nool argagixisada ISIS ee baxsadka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan isugu dhiibaan ciidanka dowladda. “Miraale waxaan ku qabsanay dagaal adag oo cir iyo dhul aan ka weerarnay argagixisada, waxaana meel walba daadsan meydadkoodii, waxaan faraya inta firxadka ah ee weli ka nool argagixisada in ay inta iftiinka ah isu dhiibaan ciidamada dowladda Puntland” ayuu yiri Gaashaanle Faarax Qoryood oo ku magac dheer (Faarax Laba-dhalo). Taliye Faarax Qoryood oo kamid ah saraakiishii u horreeyay ee Sabtidii shalay u daatay Taliska Miraale ayaa sidoo kale wacad ku maray in aysan gacanta ciidamada ka baxsan doonin inta yar ee weli ka nool firxadka Daacish, haddii aysan si deg deg ah isu dhiibin inta iftiinka ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Waxaan faraynaa firxadka yar ee weli ka nool kooxda ISIS in ay si deg deg ah isugu dhiibaan ciidanka dowladda appeared first on Puntland Post.
  15. Mahad Maxamed Salaad Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo, Mahad Maxamed Salaad oo markii labaad xilkan loo magacaabay. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse. “Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA” ayuu intaasi raaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale u mahadceliyey Agaasimihii shaqada laga eryay ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, kaasi oo horay xilkan uga la wareegay Mahad Salaad. PUNTLAND POST The post Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA appeared first on Puntland Post.
  16. Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad dib u dhis siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo dowlad kasta oo timaadda ay la kulanto sanadkeeda ugu dambeeya mucaaradad xooggan oo leh ujeeddooyin iyo istiraatiijiyado kala duwan. Waxaanu isbarbardhig ku sameynayaa mucaaradnimadii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo tan dowladda haatan jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 1. Qaabka Mucaaradnimada Mucaaradka Farmaajo (2017–2022): Mucaaradnimada ka dhanka ahayd Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd mid si xooggan uga dhisan gudaha Muqdisho, waxaana horkacayey siyaasiyiin hore xilal u soo qabtay, oo uu ku jiro Xasan Sheekh laftiisa. Mucaaradku wuxuu xooga saaray arrimaha doorashooyinka, kohor taga muddo kororsiga, iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Banaanbaxyada mucaaradka, shirarka ay qabteen iyo warbaahinta ay isticmaaleen waxay muujiyeen cadaadis xooggan oo loo arkay inuu saameeyay dowladii jirtay. Mucaaradka Xasan Sheekh (2022–2025): Mucaaradnimada haatan jirta waxay u badan tahay dhaleeceyn joogto ah oo ku wajahan maamulka Xasan Sheekh, gaar ahaan arrimaha wax ka bedelka Dastuurka, iyo doorashooyinka Qof iyo Cod ee ay ka shaqaynayso inay dalka ka qabato xili ay jiraan Maqnaashaha labada Maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubaland oo dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka. Mucaaradkan wuxuu ku badan yahay baraha bulshada, warbaahinta madaxa bannaan, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka tirsan Baarlamaanka. Si kastaba, mucaaradkani weli ma gaarin heer abaabul xooggan oo la mid ah kii Farmaajo ka hor yimid dhamaadkii mudo xileedkiisa. 2. Doorka Warbaahinta iyo Baraha Bulshada Xilligii Farmaajo: Warbaahinta madax bannaan iyo baraha bulshada waxay si weyn u taageereen mucaaradka, iyadoo la adeegsaday muuqaallo, qoraallo iyo barnaamijyo lagu dhaliilayo dowladda. Waxaa jiray dareen muujinaya in dowladda Farmaajo ay isku dayday caburin warbaahineed, taas oo sii kordhisay cadaawadda mucaaradka. Xilligan Xasan Sheekh: Inkasta oo dowladda Xasan Sheekh ay u muuqato mid furfuran, haddana baraha bulshada waxaa si joogto ah loogu weeraraa dowladda. Muuqaallo ka dhanka ah siyaasadda arrimaha dibadda iyo dagaalka Al-Shabaab ayaa aad u faafa, waxaana muuqda in dowladda aanay si buuxda u maarayn karin jawaab celinta warbaahinta bulshada. 3. Xiriirka Dowlad Goboleedyada Farmaajo waxaa lagu dhaleeceeyay inuu isku dayay inuu hoos geeyo madaxda maamul goboleedyada dowladda dhexe, taasoo keentay khilaafyo siyaasadeed oo baahsan (sida kiiska Jubbaland iyo Puntland). Tani waxay dhidib u ahayd mucaaradnimada baahsan ee ka soo horjeeday xukunkiisa. Dhanka, Dowladda Xasan Sheekh waxay billowday xiriir is-afgarad ah oo lala yeeshay dowlad goboleedyada, inkasta oo ay jiraan caqabado, sida khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland oo ay ka midaysnaayeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh. Si kastaba, mucaaradnimada heer dowlad goboleed ayaa loo arkay bilaawgii hore ah mid ka yar tii hore. 4. Amniga iyo Dagaalka Al-Shabaab Dowladii Farmaajo: Mucaaradku wuxuu ku eedeeyay Farmaajo in dowladdiisu aysan wax badan ka qaban amniga gudaha, inkasta oo la sameeyay isbedel ciidan iyo isku dayo lagu xoojiyay dhismaha ciidamada qaranka. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dagaalka Al-Shabaab ka dhigay halbeeg siyaasadeed oo muhiim ah, balse mucaaradku wuxuu sheegaa in natiijooyinka aysan la jaanqaadin hadallada iyo ballanqaadyadii dowladda. Maadaama bilaawgii hore ee dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh ay guulo ka gaartay dagaalka laguna xoreeeyay qaybo badan oo. Kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle, waloow ay dowladu ay soo baneeysay magaalooyin hore looga xoreeyay kooxda AS qaybo badan oo kamid ah shabeellaha Dhexe, iyo mararka qaar fashilka weerarada ayaa keenay dhaleeceyn. 5. Saameynta Dibadda iyo Heshiisyada Caalamiga ah Farmaajo: Wuxuu ku dadaalay xiriir xooggan oo uu la yeesho dowlado qaar sida Qatar iyo Turkiga, balse waxaa lagu dhaleeceeyay in arrimaha dibadda uusan si fiican u miisaamin. Dhanka Xasan Sheekh: Mucaaradku wuxuu si weyn u dhaleeceeyaa heshiisyada badan ee dowlada Xasan Sheekh ay la gasho wadamo kala duwan oo dhamaantood kala dano ah, qaarkoodna ay yihiin kuwa cadaawad isku qaba dhexdooda. Sida heshiisyada kala gaarka ah ee lala galay Masar iyo Itoobiya oo isku haya webiga Nile. Tani waxay kor u qaaday mucaaradnimada gudaha iyo dibadda, taasoo ah farqi weyn oo u dhexeeya labada dowladood. Ugu dambayn: in kasta oo mucaaradnimadu ay tahay qayb ka mid ah hab-dhaqanka dimuqraadiyadda, haddana qaabkeeda, saameynteeda, iyo ujeeddooyinka laga leeyahay way kala duwanaayeen xilligii Farmaajo iyo kan Xasan Sheekha maanta. Mucaaradkii Farmaajo wuxuu ahaa mid si abaabulan u dhisan oo hoggaan leh, halka mucaaradka Xasan Sheekh uu weli yahay mid kala daadsan oo aan lahayn hoggaan cad. Waxaa la oran karaa in duruufaha siyaasadeed, dhaqaalaha, iyo deegaanka amni ee dalka ay si gaar ah u saameeyaan qaabka mucaaradnimadu u dhisan tahay. W/D Mohamed Farah Sabrie Source: goobjoog.com
  17. Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ambaqaadaya gogoshii uu horey ugu dhawaaqay uu todobaadyadii la soo dhaafay ku hawlanaa wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururuda siyaasadda, iyo bulshada rayidka. Intaasi kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasi oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025, siday sheegtay Villa Somalia “Madaxweynuhu wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaarayo shirkaas islamarkaana diiradda lagu saarayo arrimaha hortabinta u leh dawlad dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeystirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.” “Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalin mug lehna ka gaystaan shirkaas muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha. Arrimaha farsamada ee gogoshaas iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol Wada-tashi ugu baaqay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo Hoggaamiyaasha Bulshada appeared first on Puntland Post.
  18. Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeyn xooggan ku miray habqankii mileeshiyaadka Daacish ee shalay ka cararay togga Miraale kaddib markii ciidamada Puntland hawlgal cir iyo dhul ah kula wareegeen toggaasi. Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa soo sheegaya in ay xalay maqleen jug culus oo ka dhacday jiho Koonfurta ka xigta togga Miraale, halkaasi oo ay u baxsadeen firxadkii Daacish ee shalay laga saaray Taliskii iyo ceelashii togga Miraale. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta, waxaana uu sheegay in saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanku ay fuliyeen duqeyntaasi, oo ay ku beegsadeen firxadkii argagixisada ee laga eryay Miraale, xilli ay cararayeen meel koonfurta ka xigta togga Miraale. “Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miiraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaa la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miiraale” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Dowladda Marekanka oo xalay duqeyn xooggan ku mirtay firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka cararay Miraale appeared first on Puntland Post.
  19. The Commander of United States Africa Command (AFRICOM) General Michael Langley urged the African countries including Somalia to take over the security responsibility. The statement from Langley comes at a time when the U.S. is reducing the funds that it allocates in order to restore stability in the region. He said: “It is not possible to do what we used to do before. I request that you must take steps and share the responsibility. He told that the extremist groups like Al-Shabab are trying to exploit the poverty due to the reduction of funds. He said that Al-shabab are setting up administrations in areas that are not under the control of the Somali Federal Gov’t. He stated that the U.S. will continue the intelligence support and the military exercises. He revealed that the support will be based on the mutual interests and a leadership that can respond to the domestic constraints. On the other hand, China will increase its influence in the continent and has stepped up the aid it provides to Africa including trainings given to soldiers and large investments in security. Somaliland standards Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa caawa kala qayb-galay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Kenya Munaasibad ballaadhan oo ay ugu dabaal-degayaan Xuska maalinta Qaranimadda ee 18 May, taas oo ka qabsoontay Magaalada Nayroobi. Qaran News
  21. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/05/VID-20250531-WA0038-1.mp4 Qaran News
  22. Dowladda Puntland oo faahfaahin rasmi ah ka bixisay qabashadii maanta ee Taliska Miraale ayaa shaacisay in ay dagaallamayaal ka tirsan firxadkii argagixisada Daacish ku dishay hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay ka fulisay Miraale. Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee dowlada Puntland ayay ku sheegeen in ay Taliska Miraale ku qabteen hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kacay iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah, hawlgalkaasi oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan firxadkii Daacish. “Ciidamada Difaaca Puntland oo maanta toggii iyo Ceelkii Miiraale ku qaaday dagaal dhul iyo cirba leh oo ay fulinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa saaxiibbada caalamka ee duqaynta toosan ayaa si rasmi ah ula wareegey Taliskaasi” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF. “Sharwadayaal gaaraya 15-qof ayay ciidamadu ku dileen inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baallade ka hor inta aanay firxan, waxaana ay ciidanku cagta-cagta u saareen firxadkooda kala firdhaday.Taliska Miiraale ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey oo khawaariijta Daacish gacantooda ku harsanaa fadhiisimaha ay ku lahaayeen Calmiskaad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Qabashada Taliskii Miraale ayaa ka dhigan in uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, siday sheegtay dowladda Puntland”Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday.” Halkaan hoose ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Sawirro: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Miraale appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wicitaankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka. Madaxweynaha Erdoğan ayaa sheegay in Turkiga uu si buuxda u taageerayo aragtida horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimuqraadiyadda, isla markaana taageerada uu siinayo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay sii xoogeysan doonto. Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashiga labada dal ee dhinacyada tamarta iyo kalluumaysiga uu sii socon doono. Madaxweynaha Erdoğan ayaa sidoo kale u diray hambalyo ku saabsan Ciidul Adxa ee soo socota Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com