-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay dagaal la isu adeegsaday hubka fudud uu ku dhex maray labo shirkadood oo isku haaya adeeg bixinta korontada magaalada. Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay dagaalkaasi dhex maray maleeshiyo kala taabacsan shirkaddaha Golis iyo Eneeye. Dagaalkan ayaa salka ku haaya loolanka adeeg bixinta korontada, waxayna taasi sababtay in labadda dhinac rasaas isu adeegsadaan. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay saar ka mid ah maleeshiyadii dagaalka ku dhex maray bartamaha magaalada Boosaaso. Mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay labada dhinac. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inaanu yeeli doonin in qaran-dumis lagu caleemeeyo, oo wax dalka aan dan u ahayn la ansixiyo. Waxa uu si kulul ugu fal celiyay xeerka wax ka badalka iyo ansixinta ay mariyeen baarlamaanka Somalia, kaasoo khuseeyay sharciga Bankiga Dhexe oo la filaayo in loo magacaabo dhaqaaleyahan jinsiyadiisa Soomaali aheyn oo u dhashay dalka UK. Senator Fartaag ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in golihii sharci dejinta ay meel mariyaan sharcigaasi oo uu sheegay inuu dhaawacaayo muwaadinka Soomaaliyeed ee wax bartay iyo kan aan wax baran, lidna ku ah qaranimada Soomaaliyeed in nin ajnabi ah dartiis oo loo dhiibi rabo xil loo badalo qodob dastuurka ka mid ah. Wuxuu sheegay in aqalka sare ee baarlamaanka uu ka tirsan yahay inaan lasoo marin doonin sharcigaasi, ayna ansixin doonin oo ay diidi doonaan. Wuxuu isweydiiyay in dalka iyo dibada laga waayay dhaqaale-yahano Soomaaliyeed oo wax soo bartay, hadii laga waayayna, Jabuuti iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ma laga duon doonay. Wuxuu isweydiiyay haddii la ogolaado in nin ajnabi ah oo diinteena haysan loo dhiibo bankiga diintee ayaa lagu dhaarinayaa, ma bible ayaa lagu dhaarin doonaa. “Inta qalbi dhagax la dhiibay ayaa a leeyahay muwaadiniin ayaa nahay, anagana qaran dumis ayaa tihiin, inta amin caamir lacag la siiyo” ayuu si kulul u yiri Senator Fartaag oo ugu danbeyntii wacad ku maray inaan la iska daba hari doonin ilaa masaajidka, sida uu hadalka u dhigaye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mashruuca mooshinka Cusub Ee Ajanabiga loogu dhiibayo Bangiga Dhere ee Somaliya Talaabooyinka lama filaanka ah ee ay qaadayaan Madaxda Maamulka Somaliya, Waa mid horseedi kara burbur fool Xun iyo Dagaalo Sokeeye, oo ay si fudud u Galiyaan Ummada Somaliyeed. Talaabada lagu wareejinayaa Maamulka Bangiga Dhere ee Somaliya maaha mid la dhayalsan karro, waxaana ka dambeeya oo dabada ka Riixayo Dowlado ficilo kharbudaad ah Doonaya in ay hirgalyaan Geeska Africa. Waxaynu la soconaa in Dowlado ay ka mid tahay Dowlada Qadar oo Gacan saar la leh Maamulka Muqdisho in ay lacag badan ku siiyaan Sidii ay khakhal ugu galin lahaayeen ama ugu Afgambiyi lahaayeen Maamul Goboleedada , iyo Xoogaga Mucaaridka ah ee ka soo Horjeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia, sida Dowlada Somaliland iyo Qaar kale. Waxaanay Dowlada Qadar Maamulka si toos ah u siisay dhawaan lacag Farabadan, oo loogu tala galay in Madaxda Maamul Goboleedada lagu khaarajiyo sida ka dhacday meelo dhowr ah.markii Dambana ay fashiliyeen Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Baarlamaanka Somalia, in lacagtaasi loo isticmaalay hagardaama Dalka. Arrintani waxay keentay in Maamulka Somalia lagu Amro in Maamulka Lacagta iyo Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanabi ah , maadaama ay Qarsoomi waayeen howlgaladii lagu fuliyey lacagahaasi la soo diray. Sidaa awgeed waxaa lama huraan noqotay in Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanibi ah, si lacagaha Dambe ee loogu tala galay kharbudaada Daalkaasi ay u noqoto mid QARSOODI ah oo ku kooban Madaxda Sarre ee Maamulka Somalia. Sidaa darteed waxaa Haboon in ildheer loo lahaado dibindaabyada Maamulka Muqdisho u Maleegayo Shacabkiisa. Alla Mahad leh Ali Mahamed Waranade Qaran News
-
Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan mudo kordhinta loo samynaayo golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa maalinta bari ah kulamo fool ka fool ah la yeelan doona sadexada xisbi qaran, ee Waddani,Kulmiye iyo Ucid kulankani ayaa bari ka dhici doona xarunta golaha Guurtida guurtida ayaa sadexda xisbi mid walba gaarkiisa u arki doona mid kastana dhegaysan doona fikirkiisa ku aadan xiliga ay qabsoomi doonaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku. Kulankani ayaa imanaaya xili xisbiga Waddani uu cadeeyay in ay jecelyihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, hase ahaatee gudiga doorashooyinka qaranku ayna ahayn kuwo dhex ka noqon kara doorasho danbe oo ay qabtaan, waxna ay mudooyin badan soo jeediyeen in la kala diro gudiga doorashooyinka ee hada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen doorashadii hore ee madaxweynaha dalka loogu tartamaayay. Xaga xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay ku midoobeen in sidaasi lagu galo doorashooyinka oo la daayo gudiga doorashooyinka oo ay iyagu si buuxda kalsooni u siiyeen, arintaasi oo muran badan kala dhex dhalisay xisbiyada qaranka oo keentay in madaxweynahu uu golaha guurtida ka codsado in mudo kordhin ay u sameeyaan golayaasha wakiilada iyo deegaanka Xiligii doorashadii madaxweynaha ayaa qaladaad badan oo ay galeen gudiga doorashooyinku lagu arkay dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo ay dalka ka codeeyeen caruur aan qaadhin iyo iyada oo dad aan joogin ama geeriyooday kaadhahdhkoodii lagu codeeyay iyo iyada oo xukumaddu iibsatay kaadhadhkii dadka danyarta ahaa gacanta ku hayeen arintaasi oo ayna waxba ka qaban gudiga doorashooyinku, inkasta oo ay arkayeen arimahaasi foosha xun Qaran News
-
(SLT-London) Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii Raysal Wasaaraha Ingiriisku soo hor dhigtay ee ka bixitaanka Midawga Yurub . 202-cod ayaa u codeeyay heshiiska halka ay diideen 432. Sidaana waxaa ku guul daraystay Dadaalkii Raysal Wasaare May ay muddooyiniii danbe oo dhan ka shaqaynaysay. Lama garanaayo Diidmada caawa ee Baarlamaanka waxa ka dhalan doona iyo talaabada xigi doonta iyadoo siwayn isha loogu hayo suuqyada Ganacsiga oo saamayn ay arrintani ku yeelan doonto. Sidoo kale waxa la filayaa in Doorasho Deg Deg Ah la galo maadaama oo ay guul daraysatay Raysal Wasaaruhu. Somalilandtoday/London/Office Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ka socday Gudaha Hotel Dusit oo ay galeen Al-Shabaab. Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada ay hubiyeen dhammaan dhismaha oo saddexdii galabnimo ee maanta ay ka dheceen qaraxyo iyo is rasaaseyn taas oo ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada ay soo gaba-gabeeyeen. Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka, kadibne ay gudaha u galeen Dableydii Saacadaha Hoteelka heysatay. Ciidamada Kenya ayaa wax ka badan 8 Saacadood ayay la tacaalayeen sidii ay usoo afjari lahaayeen Kooxda wax weerartay, iyada oo Dowladda Kenya wali si rasmi ah uga hadal khasaaraha ka dhashay weerarka iyo hadii ay wada togteen dableydii weerarka qaaday. Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay lambaro kala duwan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay. In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, halka ay dhaawacmeen in ka badan 30-kale, waxaana la geeyay isbitaalada, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray. Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegtay in ay ku dileen in ka badan 47-qof, tiro intaa badane ay dhaawaceen. Sawirro lagu baahiyay New York Times waxaa ka muuqda dad fadhiyay Baar oo jirkooda ay ka muuqato Rasaas, kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhyeenka ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhib ay xildhibaanad Muna Kay sheegtay in loo gaystay, isaga oo bixiyey xog arrintaas ku saabsan. Afhayeenka ayaa sheegay in aysan wax u jirin sida ay sheegtay Muna Kay, balse xildhibaanad Muna Khaliif Sheekh Abuu (Muna Key) iyo walaasheed oo weerarayr ah ku qaaday xildhibaanad Luul Cabdi Adan oo xilligaasi ku sugneyd barxadda baabuurta la dhigto ee xarunta Baarlamaanka. Muno Key Walaasheed waxay wejiga ka dhaawacday xildhibaannad Luul Cabdi oo ay kala dhacday Kabo iyo walxo lagu sheegay Mindi, waxaana dagaalka ka qeyb qaadatay Muno Kay oo markii danbe ku dooday inay iyadu kala celineysay xildhibaannada iyo walaasheed. Taliyaha ayaa sheegay in Muna Kay walaasheed la xiray, kadibna markii damiin lagu sii daayey ay isku dayday in ay baxsato oo garoonka ka dhoofto, kadibna lasoo qabto. Sawirada hoos ka muquda waxay muujinayaan dhibka la gaarsiiyey xildhibaan Luul. Sidoo kale hoos ka daawo afhayeenka booliska oo arrintan ka hadlaya. Warar qaar ayaa sheegaya in arrimo shaqsi ah iyo kuwo haween uu salka ku hayey khilaafka u dhaxeeyay labada xildhibaan ee Muno Key iyo Luul Cabdi, intii aysan Muno adeegsan walaasheed oo dagaalka ku qaadin. Muddo kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubtay xildhibaan Muno Key oo arrintii dhacday ka dhigtay mid siyaasadeed, isla markaana sabab uga dhigtay in loo heyso codkii loo qaaday xeerka Bankiga Dhexe, iyadoo dad badan u heshay qeylo dhaanteeda, halka dhibane xildhibaan Luul Cabdi Axmed aan warkeeda la maqlin. Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku haya kiiska, iyadoo baaritaan lagu hayo, waxaana laga yaabaa in Muno Key dacwad lagu soo oogo, iyadoo xilliga dagaalka dhacay ay goobjoogayaal goobta ku sugnaayeen. Daawo afhayeenka ciidamada booliska oo arirntan
-
XAQ DARO CIDII KA HADASHAA, XEELAD KALE WEEYOO, XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa. Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa . Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !! Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay. Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka. Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ? Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!! XEELAD KALE WEEYOO XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Xumaanta kii ka dhiidhiyaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqul qalinka kii diidaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xulafada cidii aan aheyni Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqa cidii ku adintaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xisaabtan cidii iila timaadaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xog cidii soo heshaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqdarada cidii ka hadashaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaga loo socda kii isweydiiya Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ku dhowaad 47 qof ay ku dishay weerarkii Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee Kenya. Warbaahinta maxaliga ayaa dhankeeda ku waramaysa in Shan ruux la xaqiijiyay inay illaa iyo haatan ku dhinteen. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen ay la wareegeen ciidamada amniga. Ma uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka wax udhaceen iyo khasaaraha guud ee dhashay. Isbitaalada magaalada ayaa dalbaday gurmad Dhiig ah, maadaama ay buux-dhaafiyeen dad badan oo waxyeelo ay soo gaartay. The post Xogtii ugu dambeysay ee laga helayo weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Security officers have been deployed to Westlands in Nairobi after gunshots heard in the area around Dusit Hotel. Police say a team from the General [...] Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-15012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay tirada dadka ay ku dileen weerar gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. War qoraal ah oo Al Shabaab oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay Hotelka ku yaala magaalada Nairobi ay ku dileen 47 ruux oo ku sugnaa gudaha Hotelka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in meydad badan ay daadsan yihiin goobta weerarka ay ku qaadeen, balse qoraalka Al Shabaab laguma cadeyn tirada dadka weeraray hotelka DusitD2. “Dhimashada ka dhalatay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi sida macluumaadka hordhaca ah aan ku haleynayo waa 47 qof, meydad badan ayaa daadsan halka weerarku ka dhacay wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay inta badan ciidamada amaanka qabsadeen dhamaan dhismayaasha Hotelka uu ka kooban yahay, balse waxaa cabsi ay ka taagan tahay qeybta sare ee Hotelka. Kenya Wali Faahfaahin kama aysan bixin waxyeelada ka dhalatay weerarka, laakiin dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay arkeen Afar ruux oo gudaha u galayay Hotelka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xaaf ayaa hoteelka waxa uu shir kula lahaa madax ka tirsan Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug. Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xaaf, haatan waxa uu yahay mid baq-qaba, isaga oo ay soo badbaadiyeen ciidamada amniga. Madaxweyne Xaaf oo cambaareeyay weerarka ayaa ku tilmaamay weerarka “wax laga xumaado iyo naf la caarinimada ahaa”. Weerarka lagu beegsaday Hoteel-ka Dusit oo Galbeedka kaga yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab. The post MD Galmudug oo ka badbaaday weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Kenya ay xoreeyeen lix ka mid a toddobada dabaq ee uu ka kooban yahay dhismaha ay galeen Shabaabka ee hotel DusitD2. Waxa uu sheegay in weerarkii koowaad uu ka dhacay meel u dhow bankiga I&M, laguna fuliyey qarax lala beegsaday saddex baabuur oo taalay banaanka. Qaraxa labaad ayuu sheegay inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo beegsaday albaabka laga galo dhismaha, taasi oo u suurta-gelisay in kooxda weerarka soo qaaday ay gudaha galaan. Howlgalka ayaa weli socda, waxaana uu Bonnet sheegay in rasaas ay is-weydaarsanayaan kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka. Boinne ayaa shacabka uga diay inay baahiyaan sawirrada laga qaaday dadka meydka ama dhaawaca ah, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’ideysan karaan Shabaabka. Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarka maanta lala beegsaday Hotel Dusit ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha Galmudug ayaa hotelka waxa uu shil kula lahaa Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug ayaa waxaa mar qur ah Afaafka hore ee Hotelka ka dhacay Qarax iyo is rasaaseen. Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ka badbaaday weeraradii lala beegsaday waxaana goobtaa ka saaray Ciidamada amaanka ee Kenya. Source
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed. Gudoomiye Aqalka Hoose oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen iyo xubno kale. Mr Mursal ayaa kaga qaybgalaya Baydhabo xaflada caleemo-saarka Madaxwayne Laftagareen, taasi oo la rajaynayo inay caasimad goboleedka Bay ay ka qabsoonto maalinta Berri oo Arbaco ah. The post Gudoomiye Mursal oo gaarey magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-15012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gudaha u galay hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dad badan ay kasoo daad gureeyeen dhismaha, hase yeeshee waxa uu qiray inuu jiro khasarae xooggan. Waxa uu intaas ku daray in hadda uu socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda weerarka soo qaaday. Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: A woman is rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. Members of security forces are seen at the scene where explosions and gunshots were heard at the Dusit hotel compound, in Nairobi, Kenya January 15, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: People run for cover after being rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. (Photo by Andrew Renneisen/Getty Images) Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com