Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The death toll from the sinking of two boats carrying migrants to Yemen from Djibouti rose to 52 on Thursday, the UN migration agency said, appealing to regional leaders to take action to stop such tragedies. Rescuers working in Djibouti’s northeastern Obock region continued to recover bodies on the Horn of Africa nation’s coast following the capsizing of the two boats earlier this week. The sinking of the vessels, which survivors say were carrying Ethiopians, is the latest tragedy to occur on the risky route used by African migrants seeking work in the Middle East. “No human being deserves such plight. It is up to actors and leaders working across the region to prevent such tragedies which take innocent lives,” Lalini Veerassamy, chief of mission for the International Organisation for Migration (IOM) in Djibouti, told AFP. The figure of 52 is up from a previous toll of 43 on Wednesday. Veerassamy also revised downwards the number of survivors to 15 from 16, citing an error in IOM’s tally. The number of migrants affected remains unclear but IOM believes one of the two boats carried 130 people. ‘Serious problem’ Speaking to AFP, 15-year-old survivor Id Mohamed said he was loaded onto a boat together with about 80 other Ethiopians. “All that I remember is that the captain said the motor had a serious problem and the boat is going to sink. After that, I don’t know what happened,” he said, adding that he was pulled from the water by the Djiboutian coast guard. “This is the worst thing I’ve been through in my entire life, even though I wasn’t in the sea long. I thank God for saving me,” he said. Located across the Bab el-Mandeb strait from Yemen and next to volatile Somalia and Ethiopia, Djibouti has in recent years become a transit point for migrants heading to seek work on the Arabian Peninsula, with the Obock region serving as a hub. This migration continues even though Yemen is facing one of the world’s worst humanitarian crises. UN officials say 80% of the population – 24 million people – are in need of aid and nearly 10 million are just one step away from famine, with many Yemenis fleeing to Djibouti. Meanwhile migrants transiting Yemen on foot face abuse and kidnapping, the UN says. Still the flow continues: in 2017, 100 000 migrants arrived in Yemen. The sea crossing itself has repeatedly proven perilous. Last year, at least 30 migrants from Somalia and Ethiopia believed to be headed for Djibouti drowned when their boat capsized off Yemen amid reports of gunfire being used against those on board. The post Death toll at 52 after migrant boats sink off Djibouti appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-London)-Xubno ka tirsan qoys Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada London, ayada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha farriimo ay ku wadaageen WhatsApp. Xubnahan ayaa la sheegay inay WhatsApp Group ku wadaageen fariimo la sheegay inay ku muujiyeen farxad iyo taageero ay u hayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Westminster ee badhtamaha magaalaadda London, sannadkii 2017-kii. Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah, ayaa waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah. Sidoo kale, maxkamadda London waxay Asma ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu Munye ku xukuntay xabsi 15 bilood ah. Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama download gareysteen muuqaallo kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen barta ay qoyskaasi ku leeyihiin WhatsApp Group, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi. Source
  3. Siciid Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulanka ay qaateen labada masuul ayaa daarnaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hanaanka xisbiyada badan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hogaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii 08 January 2019, waxaana uu bogaadiyey horumarka balaaran ay Puntland gaartay. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hanaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhaweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dadaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan kan hogaanka xisbiga Wadajir. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay caleema-saarkii madaxda Puntland, wuxuuna wali ku sugan yahay magaalada Garowe, isagoo kulamo kala duwan la qaatay dad kala duwan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ah siyaasi aad u dhaliila dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur? appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Shaqo Joojin Ku Samaysay Rag Ajaanib Ah Shaqooyin Ka Waday Buuraha Duleedka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Cusub Ee Dawladda Ingiriisku U Soo Magacowday Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Golleyaasha Wakiillada Iyo Guurtida, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (S.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith. Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka. Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka. Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay. The post RW Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo gaaray Gaalkacyo ayaa ka hadlay heshiis uu sheegay inay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay maamulka gobalka ciidamada iyo bulshada magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa kaga qeyb galay magaalada Garowe 26-kii bishan caleemo saarkii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnlad Siciiid Cabdullahi Deni waxa uuna ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay oo lagu casuumay xafladda. Mudane Xaaf ayaa Galkacyo ka sheegay iney kulmeen madaxweynaha jamuuriyadda federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uuna xusay in madaxweynaha iyo maamulgobaleed yada uu is fahan uu dhexmay waxyaabaha dhimana la dhameestiridoono waxaana hadalkiisa ka mid ahaa ”Mudanayaal iyo marwooyin , annagu waxaan ka nimid magaalada Garowe oo muddo shan maalin ah aan soo joognay, waxaa uu ahaa shir Kheyr qaba, annaga koleey maamullo ahaan oo dowladdu gariifka nagala dhaxeysay, waxaan sameeynay xabad joojin xabadii waa la joojiyay wixii kalana hoos ayaa looga hadlidoonaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Qoys Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay kadib markii sirtooda laga ogaaday WhatsApp + Sawirro Xubno ka tirsan qoys Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada London, ayada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha farriimo ay ku wadaageen WhatsApp. Xubnahan ayaa la sheegay inay WhatsApp Group ku wadaageen fariimo la sheegay inay ku muujiyeen farxad iyo taageero ay u hayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Westminster ee badhtamaha magaalaadda London, sannadkii 2017-kii. Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah, ayaa waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah. Sidoo kale, maxkamadda London waxay Asma ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu Munye ku xukuntay xabsi 15 bilood ah. Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama download gareysteen muuqaallo kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen barta ay qoyskaasi ku leeyihiin WhatsApp Group, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi. Qaran News
  9. Gabi-dhaclaynta Iskaashiga Dr Cirro, Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Ma Noqon Doonan Mucaarad bahaysta? Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay dabayaaqadii sanadkii 2017 waxa isbedbedelayay isbahaysiga hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland iyo madaxweynaha talada haya Md Muuse Biixi. Isbahaysiga ayaa ku bilawday Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi oo is ogol, mar kale Dr Cirro iyo Faysal oo is ogol iyo ugu dambeyn Dr Cirro iyo Faysal oo fiintu dhexmiranayso sida maalmihii u dambeeyay laga arkayay hadallo weerar iyo weerar celis ah oo WADDANI iyo UCID warbaahinta isu marinayeen. Iskaashigii Gabi-dhaclaynayay Intii uu socday ololihii doorashadii madaxtooyada ee bishii November 2017 waxa la dareemayay in iskaashi ka dhexeeyo hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa musharraxii KULMIYE. Waxa arrintaasi caddaysay dooddii musharraxiinta oo ay Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi weerar joogta ah oo isku dhan ah ku hayeen Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa intaasi xigtay Eng Faysal oo hore ka xalaaleeyay natiijadii doorashada iyo Dr Cirro oo ku kaliyaystay dhalliisha hannaankii doorashadu u dhacday waxaana bilaw fiican oo iskaashi lahaa Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Mar kale ayay soo kala boodeen Eng Faysal iyo Madaxweyne Biixi waxaana isbahaysi u bilawday guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Eng Faysal ayaa si weyn u dhalliilay siyaasadda madaxweyne Biixi isaga oo gaadhsiiyay in shirweyne Qaran ay qaban doonan isaga iyo Cirro taas oo culays ku ahayd Madaxweyne Biixi. Eng Faysal oo tagay shir Soomaaliya loogu qabtay dalka Biljimka ayaa sidoo kale muujiyay sida xidhiidhkoodu heerkii u hooseeyay gaadhay isaga iyo madaxweyne Biixi waxaanay saxaafadda isu mariyeen dhalliilo ka dhashay isla shirkaas uu tagay Eng Faysal. Dhawaan kulamo dhexmaray Xisbiyada ayay sidoo kale si ba’an isugu weerareen sida uu sheegay guddoomiye xigeenka 2-aad ee WADDANI Mr Saleebaan Ducaale X. Jaamac. Kulan xisbiyada, madaxweyne xigeennadii hore iyo ururada bulshadu fadhiyeen ayuu Eng Faysal ku dhalliilay hoggaaminta Biixi isaga oo gaadhsiiyay in SNM shirweynaheedii marar qabsan kari wayday waxaana arrintaasi si adag oo shakhsi weerar ah uga jawaabay Madaxweyne Biixi oo dagaal u iclaamiyay Faysal una sheegay in uu iska celin doono. Hase ahaatee si lama filaan ah ayaa mar kale xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo Eng Faysal Cali Waraabe u noqday mid togan waxaana lagu war helay KULMIYE iyo UCID oo isku dhinac ka taaggan arrimaha Doorashooyinka iyo muranka Komishanka waxaana intaasi raacay in Faysal weerar afka ah ku qaado WADDANI kuna sheego in xisbiga xafiisyo uga furan yihiin Garoowe. Eedaha noocaas ah ayaa horseeday in masuuliyiin ka kala tirsan WADDANI iyo UCID todobaadadii u dambeeyay si ba’an oo la weerarayo Dr Cirro iyo Eng Faysal ay saxaafadda isu mariyaan taas oo loo arko kala fogaanshaha xilligan ee Dr Cirro iyo Eng Faysal. Waxaanay u muuqata in niyad samaani ka dhexayso Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in iskaashigii u horeeyay ee Dr Cirro iyo Eng Faysal ahaa tallaabo khaldan oo uu qaaday Dr Cirro maaddaama aanu hore garab uga helin markii uu dhalliilsana doorashada iyo xilliyadii ololaha. Somaliland oo inta badan lagu yaqaanay in mucaaradku iskaashado waxa laga yaaba in aanay hadda kadib sidaas noqon, islamarkaana aanu isbahaysi dhexmarin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe maaddaama uu bilawgii noqday mid gabi dhaclaynaya, islamarkaana isbedbedel badan oo hadba waji keenaya ama jambi dhigaya. Qaran News
  10. London (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan qoys Soomaali ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada London, ayada oo lagu soo oogay dacwad la xiriira farriimo ay ku wadaageen WhatsApp. Xubnahan ayaa la sheegay inay WhatsApp Group ku wadaageen fariimo la sheegay inay ku muujiyeen farxad iyo taageero ay u hayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Westminster ee bartamaha magaalaadda London, sannadkii 2017-kii. Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah, ayaa waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah. Sidoo kale, maxkamadda London waxay Asma ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu Munye ku xukuntay xabsi 15 bilood ah. Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama download gareysteen muuqaallo kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen barta ay qoyskaasi ku leeyihiin WhatsApp Group, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  11. A British man who was arrested in Somalia earlier this month was stabbed in prison by suspected Islamist inmates, Somali authorities have said. Anthony Thomas Cox, who had been working for a private security company in Mogadishu, suffered minor injuries after he was set upon by fellow prisoners said to be loyal to al Shabaab and the Islamic State. Authorities said the attackers in Mogadishu Central Prison had tried to cut Mr Cox’s throat with razor blades but were foiled when guards intervened. “As one of the suspects was about to cut his [Mr Cox’s] neck, we managed to stop him. He sustained a very minor cut. He is doing well,” Abdikarim Ali Afra, the deputy governor of the prison, told the BBC’s Somali service. Mr Cox was arrested at Mogadishu airport on January 19 as he was boarding an Ethiopian airlines flight to Addis Abada when security guards found tear gas canisters in his baggage. He is to be charged with endangering the public by failing to disclose them. However, it is unclear when he will stand trial and colleagues in the security sector in Mogadishu have expressed alarm that he is being held in the city’s central prison alongside hardened terrorists. The Foreign and Commonwealth office said: “We are in contact with a British man who has been detained in Somalia and our staff are assisting his family.” A security source in Mogadishu called it “worrying” that authorities had decided to hold Mr Cox in the prison, where many of the country’s most violent terrorist suspects are held. “He is at real, serious risk,” said a European security contractor in the country who asked not to be named. Mogadishu airport lies in a heavily fortified zone of the Somali capital where most foreign embassies are located. It has frequently been targeted by Al Shabaab terrorists and came under mortar attack by the group on January 1. In January 2016 a Daallo airlines flight conducted an emergency landing at the airport after a bomb disguised as a laptop and smuggled on board by a passenger blew a hole in the fuselage. Source: Daily Telegraph
  12. Madaxweyne Biixi oo Wasiirradiisa Ka Joojiyey Gelista Kharashaadka Culus ee Dawladda iyo Tuhunno Ku Xeeran Halka uu Ku Baxo Dhaqaalaha Tirada Badan ee uu Xakameeyey Madaxweynahu Madaxweynuhu Waxa Uu Wasiirradiisa U Cayimay Xaddi Lacageed Oo Aanay Wixii Ka Badan Saxeexi Karin Iyo Saamaynta Dhaqaale Ee Ka Dhalanaysa Xakamaynta Lacagta Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan oo Dollar) aanay saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha. Mid ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la hadlay Wargeyska Waaberi sida oo kale na codsadey in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in Madaxweynahu amray in la yareeyo kharashaadka dawladda isla mar ahaantaana aanay awood u lahayn saxeexa wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan Kun oo Dollar). Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa guud ahaan laga dareemay dhimis ay ku samaysay kharashaadyo tiro badan oo ay geli jirtay Xukuumaddii hore, halka sida oo kale na ay meesha ka saartay mashaariico tiro badnaa oo lagu naas-nuujin jiray dadyoow gaar ah. Hadda ba tallaabadan uu Madaxweynahu ku xakameeyey kharashaadkii dawladda oo noqonaya Malaayiin Lacago ah ayey dad badan aad u soo dhaweeyeen balse waxa ay shaki ka muujinayaan halka uu maro dhaqaalaha tirada badan ee uu gacantiisa ku xakameeyey Madaxweynahu, waxaana dad uu la xidhiidhay Wargeysku ay ku doodayaan in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay waxba ka qabanin dhibbaatooyinka sicir-bararka, shaqo la’aanta, tahriibta iyo weli ba sida oo kale hoos u dhac ay sheegeen in ay ka dareemayaan kaabeyaasha dhaqaale ee dalka. Dhinaca kale Aqooynahan Yaasiin Calase oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ee dalka, ayaa ku doodaya in kharashaadka ay hoos u dhigtay dawladdu uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalahii dalka, waxaana uu sheegay in dhimista kharashaadka dawladdu ay sababayso laba arrimood oo ay ugu muhimsan yihiin hoos u dhac ku yimi wax iibsigii ama ganacsigii dalka iyo hoos u dhac kale oo isagu na ku yimi dakhligii cashuuraha ee u soo xaroon jiray dawladda. “Walaal waxa weeye kharashaadkan ay dawladdu yareynayso iyo dhaqaalahan ay xakameynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha guud ee dalka, markaa imika kharashaadka ay yareynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa safarrada dambe ee ganacsi, taasi na waxa ay dawladda lafteeda ku keenaysaa in ay yaraato cashuurtii ay ganacsiga ka helaysay oo alaabta suuqa taala haddii la iibsan waayo dee wax kale oo ninka ganacsadaha ahi uu keenayaa ma jirto, taasi na waxa ay yareynaysaa dakhligii dawladda, dakhligu marka uu yaraadana sanadkii dambe ama bishii dambe ma awoodeyso in ay dawladdu iska bixiso wixii ay geli lahayd, markaa dhaqaalahan la joojinayaa wuxuu keenayaa laba wax oo kala ah in dakhligii dawladdu yaraado iyo in dhaqaalahii iyo wax kala iibsigii suuqu uu joogsado, waana dhibbaato weyn runtii oo saameyn ku leh guud ahaan dhaqaalaha dalka.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Yaasiin Calase Aqoonyahan Yaasiin Calase, waxa kale oo uu intaa raaciyey in dawladdu kor u qaado kharashaadkeeda si baa uu yidhi uu dhaqaalaha dalku u galo fir-fircooni iyo in uu kor u kaco heerka wax kala iibsiga ee dalka. Madaxweyne Biixi oo bilihii la soo dhaafay si kaftan ah u sheegay in uu quful weyn sii saaray dhaqaalaha dalka isaga oo u jeeda Sacad Cali Shire oo uu wasiirkiisa maaliyadda ka dhigay ayaan haddana la arag wax mashaariic ah oo ay xukuumaddu ku qabato dhaqaalaha la xaddiday ee la rumaysan yahay in xukuumadihii hore si weyn u isticmaali jireen waxaanay su’aasha la is waydiinaya tahay halka ay qabato lacagaha madaxweynuhu xakameeyay oo aan la arag iyaga oo mashaariic loo bedelay si ay nolosha bulshada wax uga bedesho. Qaran News
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Safiirada Dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo [...] Source
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirada Dalalka Imaaraadka Carabta, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo safiirka Midowga Yurub. Kulamada uu madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirada dalalka saxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii doorashada Puntland, isbarasho guud iyo dar-dargalinta wada-shaqaynta Puntland iyo beesha caalamka,sid lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira uu safiirada dowladdaha Caalamka u soo bandhigay qorshihiisa hogaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana uu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland. Safiirada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub ayaa qayb ka ahaa wufuuddii caalamiga ahayd ee kasoo qayb-gashey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland. Ugu danbeyn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in uu kordhin doono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay ilaa 8 safiir oo ka socda caalamka appeared first on Puntland Post.
  15. Hobyo(S.M.Network):- Wafdi ballaaran oo ay hor kacaysay Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Maanta gaaray Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug. Wasiir, Fowziyo Abiikar, oo ay socdaalkeeda ku wehlinayeen, xildhibaanno ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka banaadir, ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Dad weyne fara badan. Wafdiga ayaa intaa ka dib u sii gudbay Degaanka Gawaan oo hoos taga Magaalada Hobyo, halkaas oo laga hirgeliyay dhawaan Isbitaal loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka. Waxanay maamulka Isbitalka guddoonsiiyeen Dawo Hal Tan ah oo ay ugu deeqeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Caafidaamka, Fowziya Abiikar Nuur. Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta gaaray Hobyo, ayaa waxay Indha-Indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Gawaan, waxanay halkaasi war-bixin ku aaddan baahiyahooda kaga dhageysteen shaqaalaha xarunta. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay ku dedaali doonaan wax ka qabashada cabashada Dad weynah , waxanay sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto baahiyaha ka jira Bulshada dhexdeeda. The post Wasaaradda Caafimaadka Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay Gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay dabayaaqadii sanadkii 2017 waxa isbedbedelayay isbahaysiga hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland iyo madaxweynaha talada haya Md Muuse Biixi. Isbahaysiga ayaa ku bilawday Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi oo is ogol, mar kale Dr Cirro iyo Faysal oo is ogol iyo ugu dambeyn Dr Cirro iyo Faysal oo fiintu dhexmiranayso sida maalmihii u dambeeyay laga arkayay hadallo weerar iyo weerar celis ah oo WADDANI iyo UCID warbaahinta isu marinayeen. Intii uu socday ololihii doorashadii madaxtooyada ee bishii November 2017 waxa la dareemayay in iskaashi ka dhexeeyo hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa musharraxii KULMIYE. Waxa arrintaasi caddaysay dooddii musharraxiinta oo ay Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi weerar joogta ah oo isku dhan ah ku hayeen Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa intaasi xigtay Eng Faysal oo hore ka xalaaleeyay natiijadii doorashada iyo Dr Cirro oo ku kaliyaystay dhalliisha hannaankii doorashadu u dhacday waxaana bilaw fiican oo iskaashi lahaa Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Mar kale ayay soo kala boodeen Eng Faysal iyo Madaxweyne Biixi waxaana isbahaysi u bilawday guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Eng Faysal ayaa si weyn u dhalliilay siyaasadda madaxweyne Biixi isaga oo gaadhsiiyay in shirweyne Qaran ay qaban doonan isaga iyo Cirro taas oo culays ku ahayd Madaxweyne Biixi. Eng Faysal oo tagay shir Soomaaliya loogu qabtay dalka Biljimka ayaa sidoo kale muujiyay sida xidhiidhkoodu heerkii u hooseeyay gaadhay isaga iyo madaxweyne Biixi waxaanay saxaafadda isu mariyeen dhalliilo ka dhashay isla shirkaas uu tagay Eng Faysal. Dhawaan kulamo dhexmaray Xisbiyada ayay sidoo kale si ba’an isugu weerareen sida uu sheegay guddoomiye xigeenka 2-aad ee WADDANI Mr Saleebaan Ducaale X. Jaamac. Kulan xisbiyada, madaxweyne xigeennadii hore iyo ururada bulshadu fadhiyeen ayuu Eng Faysal ku dhalliilay hoggaaminta Biixi isaga oo gaadhsiiyay in SNM shirweynaheedii marar qabsan kari wayday waxaana arrintaasi si adag oo shakhsi weerar ah uga jawaabay Madaxweyne Biixi oo dagaal u iclaamiyay Faysal una sheegay in uu iska celin doono. Hase ahaatee si lama filaan ah ayaa mar kale xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo Eng Faysal Cali Waraabe u noqday mid togan waxaana lagu war helay KULMIYE iyo UCID oo isku dhinac ka taaggan arrimaha Doorashooyinka iyo muranka Komishanka waxaana intaasi raacay in Faysal weerar afka ah ku qaado WADDANI kuna sheego in xisbiga xafiisyo uga furan yihiin Garoowe. Eedaha noocaas ah ayaa horseeday in masuuliyiin ka kala tirsan WADDANI iyo UCID todobaadadii u dambeeyay si ba’an oo la weerarayo Dr Cirro iyo Eng Faysal ay saxaafadda isu mariyaan taas oo loo arko kala fogaanshaha xilligan ee Dr Cirro iyo Eng Faysal. Waxaanay u muuqata in niyad samaani ka dhexayso Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi. Dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in iskaashigii u horeeyay ee Dr Cirro iyo Eng Faysal ahaa tallaabo khaldan oo uu qaaday Dr Cirro maaddaama aanu hore garab uga helin markii uu dhalliilsana doorashada iyo xilliyadii ololaha. Somaliland oo inta badan lagu yaqaanay in mucaaradku iskaashado waxa laga yaaba in aanay hadda kadib sidaas noqon, islamarkaana aanu isbahaysi dhexmarin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe maaddaama uu bilawgii noqday mid gabi dhaclaynaya, islamarkaana isbedbedel badan oo hadba waji keenaya ama jambi dhigaya. Source
  17. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame. Faahfaahinta goor dhow suga. Source
  18. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan oo Dollar) aanay saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha. Mid ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la hadlay Wargeyska Waaberi sida oo kale na codsadey in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in Madaxweynahu amray in la yareeyo kharashaadka dawladda isla mar ahaantaana aanay awood u lahayn saxeexa wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan Kun oo Dollar). Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa guud ahaan laga dareemay dhimis ay ku samaysay kharashaadyo tiro badan oo ay geli jirtay Xukuumaddii hore, halka sida oo kale na ay meesha ka saartay mashaariico tiro badnaa oo lagu naas-nuujin jiray dadyoow gaar ah. Hadda ba tallaabadan uu Madaxweynahu ku xakameeyey kharashaadkii dawladda oo noqonaya Malaayiin Lacago ah ayey dad badan aad u soo dhaweeyeen balse waxa ay shaki ka muujinayaan halka uu maro dhaqaalaha tirada badan ee uu gacantiisa ku xakameeyey Madaxweynahu, waxaana dad uu la xidhiidhay Wargeysku ay ku doodayaan in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay waxba ka qabanin dhibbaatooyinka sicir-bararka, shaqo la’aanta, tahriibta iyo weli ba sida oo kale hoos u dhac ay sheegeen in ay ka dareemayaan kaabeyaasha dhaqaale ee dalka. Dhinaca kale Aqooynahan Yaasiin Calase oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ee dalka, ayaa ku doodaya in kharashaadka ay hoos u dhigtay dawladdu uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalahii dalka, waxaana uu sheegay in dhimista kharashaadka dawladdu ay sababayso laba arrimood oo ay ugu muhimsan yihiin hoos u dhac ku yimi wax iibsigii ama ganacsigii dalka iyo hoos u dhac kale oo isagu na ku yimi dakhligii cashuuraha ee u soo xaroon jiray dawladda. “Walaal waxa weeye kharashaadkan ay dawladdu yareynayso iyo dhaqaalahan ay xakameynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha guud ee dalka, markaa imika kharashaadka ay yareynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa safarrada dambe ee ganacsi, taasi na waxa ay dawladda lafteeda ku keenaysaa in ay yaraato cashuurtii ay ganacsiga ka helaysay oo alaabta suuqa taala haddii la iibsan waayo dee wax kale oo ninka ganacsadaha ahi uu keenayaa ma jirto, taasi na waxa ay yareynaysaa dakhligii dawladda, dakhligu marka uu yaraadana sanadkii dambe ama bishii dambe ma awoodeyso in ay dawladdu iska bixiso wixii ay geli lahayd, markaa dhaqaalahan la joojinayaa wuxuu keenayaa laba wax oo kala ah in dakhligii dawladdu yaraado iyo in dhaqaalahii iyo wax kala iibsigii suuqu uu joogsado, waana dhibbaato weyn runtii oo saameyn ku leh guud ahaan dhaqaalaha dalka.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Yaasiin Calase Aqoonyahan Yaasiin Calase, waxa kale oo uu intaa raaciyey in dawladdu kor u qaado kharashaadkeeda si baa uu yidhi uu dhaqaalaha dalku u galo fir-fircooni iyo in uu kor u kaco heerka wax kala iibsiga ee dalka. Madaxweyne Biixi oo bilihii la soo dhaafay si kaftan ah u sheegay in uu quful weyn sii saaray dhaqaalaha dalka isaga oo u jeeda Sacad Cali Shire oo uu wasiirkiisa maaliyadda ka dhigay ayaan haddana la arag wax mashaariic ah oo ay xukuumaddu ku qabato dhaqaalaha la xaddiday ee la rumaysan yahay in xukuumadihii hore si weyn u isticmaali jireen waxaanay su’aasha la is waydiinaya tahay halka ay qabato lacagaha madaxweynuhu xakameeyay oo aan la arag iyaga oo mashaariic loo bedelay si ay nolosha bulshada wax uga bedesho. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka Ingiriiska Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu Ingiriisku ka gaysanayo doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019, Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland. Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Source
  20. Kenya has intensified security patrols at the border points with Somalia to halt intrusion by al-Shabab militants responsible for a spate of attacks targeting civilians and government installations. Mohamed Birik, North Eastern regional commissioner, said that enhanced security measures including the ongoing construction of a border wall seek to prevent Somalia-based terrorist group from staging attacks inside the Kenyan soil. “We have secured our roads and international borders so that we give al-Shabab no space to operate and have no freedom to do their evil work in Kenya,” Mr Birik said. He said the government has also boasted the security of major supply roads where civilians lost their lives following planting of improvised explosive devices by militants. Al-Shabab fighters have in the past killed civilians in Kenya before slipping back to Somalia, a phenomenon blamed on the porous and extensive border. In an effort to tame attacks in Kenya, the government started constructing a security fence which is manned by Kenya Defense Forces. Kenya hopes the building of the 700 km wall on the Kenya-Somalia border from Mandera in northeast Kenya to Kiunga in the coastal area will keep out the al-Shabab elements from infiltrating the county from Somalia. Mr Birik said security personnel have intensified the hunt for suspected al-Shabab militants and their sympathizers hiding in the expansive northeastern part of the country. He revealed that Kenya police reservists have been recruited in all villages along the border with Somalia to supplement efforts by other security agencies engaged in the fight against terrorism. According to Mr Birik, the reservists who are drawn from retired security officers have been deployed to hotspots. “They will help the police in securing their respective villages while also protecting important government installations and water points,” said Mr Birik. The post Kenya tightens security at borders with Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa 17 ruux lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amaanka saakay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi. Howlgaladan ayaa lagu baadi goobayay shaqsiyaad falal amni daro ah ka geystay degmada Afgooye saacadihii la soo dhaafay. 17-ka ruux ee howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu hayaa saldhiga booliiska degmada Afgooye,waxaana ku socda baaritaano. Howlgaladan ayaa yimid saacado kadib markii xalay gudaha degmadaasi lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka. Sidoo kale waxaa la wareeray fariisimo ciidan iyadoo dhanka kale bom gacmeed lagu tuuray suuqa weyn ee degmada Afgooye. Laamaha amaanka ayaa shegay in ay baaritaan ugu jiraan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ka danbeeya falalkaasi. Dadka la soo qabtay waxaa sidoo kale ku jira ganacsato suuqa laga soo qabtay oo halkaasi su’aalo lagu weydiinayo. Amniga degmada Afgooye ayaa dhawaanahan sii xumaanayay,waxaana ka dhacay weeraro iyo dilal kala duwan. The post Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Lagu Soo Qabtay Howlgalo Laga Sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan. Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ahaa, balse ka mid ahaa dhawr xubnood oo dhawaan uu xisbigu sheegay inuu ka saaray xisbigii. Qoraal kooban oo gudidan diiwaangalintu soo saartay ayaa lagu sheegay in KULMIYE laga sugaayo in ay ka soo jawaabtaan dacwada laga soo gudbiyay. Qoraalka oo ku taariikhaysan 26 January, laguna socodsiiyay guddoonka xisbiga KULMIYE, oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Cumar Xasan Maxamed, wuxuu u dhignaa sidan “Waxa gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL soo gaadhay dacwad ka dhan ah xisbiga Kulmiye taas oo uu dacwoode ka yahay Cabdi Cali Jaamac, dacwadaas oo aanu halkan idiinku soo lifaaqnay. Hadaba waxa laydinka sugayaa inaad dacwada ka soo jawaabtaan.” Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle oo saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir. Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli uu dhex marayey suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne. Kooxda Al-Shabaab oo dilka sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle uu ahaa gaashaanle sare, sidaas darteedna loo beegsaday. “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa dowladda oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye, ayaa durbaba goobta soo gaaray waxayna ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, balse uma suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan.. Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com