Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tan iyo intii golaha Guurtiddu u kordhisay golaha Wakiiladda madaxweynuhu wax talaabo ah ama go’aan ah muu qaadin, waxaanay u muuqataa inuu arrinku ku baahay ka dib markii Guurtiddu u cayintay doorashadu inay dhacdo wakhti Komishankan muddo xileedkoodu ka dhamaaday, waxaanu xisbiga kulmiye iyo madaxweynuhu doonayeen in Guurtiddu ku salayso muddo kordhintii wakhtigii labada xisbi ee kulmiye iyo UCID isla garteen oo ahayd November, nasiib darose ma dhicin, inkastoo komishanku ka soo horeysiin karaan mudadda guurtiddu cayintay . Hadabba, xalka murankani wuxuu noqonaysaa Saddexdan arrimood in mid uun ku dhamaado: Inuu madaxweynuhu qaato go’aan ah inuu hawlgaliyo komishankan oo ay sidaas ku hawlgallaan,isla markaana hawlihii horyaallay ee ay sheegeen inay tobanka bilood ku dhamayn karaan degdeg u guda galaan, isagoo madaxweynuhuna barbar waddo xal u helidda saamiyadda xildhibaannada ee goboladda oo gobol walba laga saluugsan yahay qoondadda ay ku leeyihiin Wakiiladda. ka dibna ka hor muddo xilleedkooda oo ku beegan bisha November ay dalbadaan inay xisbiyadu soo gudbiyaan musharaxiintooda, taasinay waxay iska hor keeni kartaa musharaxiintii xisbiga WADDANI ka sharaxnaa iyo xisbigoodda, ka dib markay labadda xisbi ee kale gudbiyaan musharixiintoodii, musharaxiinta WADDANI waxay ku qabsi doonaan in xisbigoodu ka soo dabco go’aankiisii hore maadama oo kuwo isku deegaan yihiin oo ay tartan ku wada jiraan labadda xisbi ee kale ka sharaxan yihiin, ka dibna 12 cisho ee muddo xileedkoodii dhaaftay lagu heshiin doonno in loo kordhiyo maadaama oo uu dastuurku dhigayo in loo kordhin karo, sidoo kale muddo 12 cisho ah komishan cusub aanay doorasho qabin karin. Mudadda komishanku waddo diwaangalinta dadkii qaangaadhay iyo kuwii maqnaa in lagu xaliyo in komishanka gudoon cusub doortaan oo ugu yaraan laga bedelo gudoomiyihii hore iyo ku xigeenkiisii, taasina ay noqon karto xal la iskugu soo dhowaado. In la kala diro oo komishan oo laga dalbado inay is casilaan, maadaama oo aan la eryi Karin sida uu xeerkoodu tilmaamayo, isla markaana xubno cusub la soo doorto mar labaadna la kordhiyo mudadda doorashaddu dhacayso maadama oo muddo ku qaadanayso komishanka cusub inay la qabsadaan shaqada hortaalla. Barkhad Ladiif Maxamed Cumar. Source
  2. Waxa jira fannaaniin badan oo qaada hal hees oo anbabaxday, oo sidaas kula tartamaya fannaaniin malaayiin heesood ku luqeeya dadkaas waxa ka mid ah, Maxamed Cali Burco oo ku leeqaya hees aad ugu hirgashay oo tidhaahda: “Hadduu dhugato geel qabo Ma dhadhammiyo geedaha Wuu gadasho dhuubtaaye Anna cudurkan igu dhacay, Waa mid igu dhammaadoo Ku dha***** aroos aan Dhinaaca isi saarnnee, Malaa dhaayahaygaay Calaf lagama dhuuntee Dhakhtar baysu keen qoray Adnna weli ma dhaaddanid”. Weliba heestan fannaanku waxa uu ku soo helay qaab jaabojaabo ah oo jajab iyo guraangur ah, oo eray ba meel laga keenay. Sidaas ayuu kaalmaha hore kaga soo baxay barnaamijkii ‘Heesaha Hirgalay 1976-kii’. Sidaas oo ay tahayna heestan Ina Cali Burco waxa uu kula dhigayaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee tubeec leh ee Samatar leh ee hebel iyo heblaayo leh. Marka intaas laga yimaaddo waxa aynu halkan ku soo qaadanaynnaa hees la nooc ah tiisan. Waa xilli kala guur ah waa intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa 1992-kii, dalku wuu burburay waana lagu kala calaf qaaday, waxa lagu dhawaaqay Soomaalilaand bal se waxa lafteeda ka oogan dagaallo sokeeye oo aad loogu le’day. Dadkii way kala qaxeen adduunyada baallaheeda ayaa loo kala haajiray, waxa kala fogaadey dad wada dhashay, walaalo isla dhashay iyo dad isu ahaa ma-huraan oo is xidhiidhin jiray. Dagaalladii waxa ay sababeen in ay kala irdhoobaan bulsho sidaas isugu dhafani. Dadkan is waayey ee dunida ku kala baahay waxa ka mid ahaa dad is jecel ama is qabay ama isu doonnan, oo aan kala maarmi karayn sina ba. Wakhtigaas ma ay jirin isgaadhsiintan maqalka iyo muuqaalka ah midina. Dadkuna waxa ay ku wada xidhiidhi jireen Waraaqo iyo Cajalado la isu duubo oo muddo dheer ka dib la kala heli jiray. Heestani waxa ay ku dhex dhalatay dal noocaas ah iyo xaalad kala war helistu ay adagtahay oo la odhan karo waa wakhtigii ugu habboonaa ee ay soo bixi lahayd. Waxa aynu odhan karnnaa heestani waxa ay ka qayb qaadatay dib u dhiska maskaxeed ee dadka sidaa isugu boholyoobayey oo ay dad badani xilligaas ku nafiseen kuna daaweeyeen boogahooda ama ay cajalad ugu duubeen qof markaas kaga maqnaa qurbaha ama meel fog. Waxa qaadaysa Fannaanadda Ruun Xaddi Sabban. Waxa ka mid ah erayadeeda: “Qof dhoofoo aan iman Dhibaatuu leeyahee Wakhtigu wuu dheeryahoo Dhulkuna wuu kala fogyee, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco, Jacayl bay dhalan rogoo Hurddana dhaafoo ka tegay Habeen waan dheelmadaa Dharaartii waan socdaa, Dhab baan kuu jecelahoo Dhammaan waaxyahayga iyo Dhiiggaad ku abuurantoo Guriyo aqal baan dhisaa, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco,” Sidaas ayayna ku noqotay hees taabbo-qaad ah oo la jaan-qaaddi karta wakhtigeedii, kana turjumi karta dareenkii waayahaa jiray, kana mid noqotay heesaha Soomaaliyeed ee bulshadu isku dhaydo. Heesta iyo fannanadda qaadaysa waxa caansan in badan heesta sababtuna waa ilaa iyo heerka ay gaadhay dhegaha qof kasta oo Soomaaliyeed oo cidi ka maqan tahay ama isagu cid ka maqan. Heestu markii ay ugu quruxda badnnayd ee la duubay waa markan oo aan odhan karo waxa ay heshay Jiib iyo Jaan. Markan waxa fannaanadda la qiiroonaya dad badan oo aan ka garanayo Weriye weyn oo ka tirsanaan jiray TV-ga Qaranka Soomaalilaand ‘Abiib Iimaan Xasan’. Barnaamijkani waa habeen ciid ah 2013-kii TV-ga Qaranka SLNTV. Waxa soo saaray Abiib Imaan xagga Farsamayntuna waa Ahmed Mohamed Abdi(Ugaaska) Khadar Qorshe iyo Sharmaarke. Nasiib xumo waxa aanan garanayn Abwaankii Ereyadaas sameeyey. Taana waxa inoo sheegi doona. Ugaaska. Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-30012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada London 7 Febraayo 2019, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya. War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigaas oo ku taariikhaysnaa beri 31 Janaayo 2019 ayaa lagu sheegay in xisbiga UPD uu ka welwelsan yahay khatarta ka dhalan karta haddii uu hirgalo qorshaha ay rabto Wasaaradda Batroolka oo lagu sheegay xaraashka Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Xisga UPD ayaa sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan shirkado shidaal oo ku tartami doona shatiga shidaal qodida Soomaaliya. Dhanka kale Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa 25-kii bishan Janaayo war ay soo saartay ku beenisay in la xaraashayo Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa warkaas ku sheegtay in shirka London ay ka qeyb-gali doonaan Wasaaradda, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada, ganacsato iyo shirkado shidaal oo caalami ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xisbiga UPD. PUNTLAND POST The post Xisbiga Xasan Sheekh oo ka digay in la xaraasho shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban, kaasi oo lagu caddeeyey mowqifka xisbiga ee shirka shidaallka Soomaaliya, oo 7-da Febraayo ka furmaya London. War-saxaafadeedka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso. WARMURTIYEED Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah. 8. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar ah. Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka : in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon kheyraadkooda; in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo xaqsoor ku salaysan; in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan duruufeheenna adag; in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena: In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo waxa la xiriira. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah. Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019, uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo shirkaas. DHAMMAAD
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo UNka, in si dhow labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan. Dhinacyada ayaa isla gartay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad. Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxda Soomaalida ayaa u mahadcedliyey qaramada midoobey iyaga oo sheegay in ay wax badan ka taageerto. Labada dhinac waxaa la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Tuka-raq)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaal uu ku dhex-maray Ciidammo ka wada tirsan maamul gobolleedka Puntland. Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geed Qaboobe oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidammada maamulka Puntland ee dagaalku dhex-maray, kaasi oo ku yaalla Aagga deegaanka Tuke-raq, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labada dhinac. Saraakiil ka tirsan Ciidammada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsan ciidammada Puntland. Illaa iyo hadda lama Oga sababta keentay in dagaal uu dhex-maro Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Aagga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Source
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka filayaan madaxda dowladda Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin shirka ka dhacaya magaalada Garowe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka filayaan ka hor shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Garowe inay ka la timaado is badal ku saabsan waxyaabaha laga tabanayo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay wax badan ka tabanayeen dowladda Soomaaliya, balse hadda loo baahan yahay maadaama isku soo dhawaansho uu jiro inay isbadal ku sameyso dhamaan waxyaabaha laga tabanayay. “Dowladda waxaa laga doonayaa inay la timaado int shirka ka horeeysa isbadal muuqanayo oo ka badalan dhaqankii shalay yaalay iyo waxii la tabanayay, iyadaa Waalid ah, iyadaa masuuliyadda saaran tahay, waxa wax laga tabanayay dowladdey aheyd, waan sugeynaa marka waxay wax ka badalaan”ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in isimada Puntland iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ay in badan ka shaqeeyeen sidi la iskugu soo dhawaan lahaa, waxaana uu xusay in kulamadii la yeeshay ay wax badan badaleen. 20 Bisha Maarso ayaa la filayaa in shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhacdo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu iclaamiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. (SLT-Wajeer)-Maxkamad ku taalla Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa min 15 sano oo xabsi ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysan in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma oo 22 jir ah ayaa dhammaantood ka soo jeeda Dalka Tansaaniya, waxaana lagu helay agabka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan qaraxyada, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda, Amos Makoros. Raggan oo ay laamaha ammaanku qabteen Sanad ka hor, xilli ay qorsheynayeen in ay ka tallaabaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa dib loo dhigay xukunkooda October 19, 2018, markii la waayay xog dhammeystiran oo ku aaddan dambiga lala xiriirinayo. Maxkamadda Magaalada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya ayaa qabatay in ka badan 50 Kiis oo la xidhiidha Dacwadaha ka dhanka ah raggan la tuhmayo in ay gacan-saar dhow la leeyihiin Kooxaha argagixisada. Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka warbixiyay kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhex-maray wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo madaxda ugu sareysa dalka. Wafdiga ayaa waxaa hogaamineysay marwo Rosemary Di Carlo, oo ah u qaabilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysay. Khayre ayaa cod dheer ku sheegay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeynayso dowlada la dagaalanka musuq-maasuqa, kob-cinta dhaqaalaha iyo sidii bulshada Soomaaliyeed uheli lahayd amni, caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay inay isla garteen wafdiga in Soomaaliya loo madax banaaneeyo howlaha quseeya dalka, wuxuuna shaaciyay in xal laga gaarey wixii mad-madow ahaa ee jiray. Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday ergaygii qaramada Midoobay uqaabilsanaa dalka Nicholas Haysom, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudubay madax banaanimada wadanka, waxaana la qorsheynayaa in lasoo magacaabo wakiil cusub. The post RW Khayre oo ka warbixiyay kulanka madaxda DFS iyo QM appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxa la kulmay dhammaanba xisbiyadda mucaaridka ah ee ka jira dalkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa danjire cusub usoo magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya safiirkoodii hore ee David Concar. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Benjamin James Fender ayaa xilka wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa bisha Febraayo ee sanadkaan 2019. War qoraal oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Britain laguma xusin sababta keentay in Concar xilka laga qaado. Balse, sida ku cad war-saxaafadeedka David Concar, ayaa waxaa loo dhiibayaa jago cusub, inkasta oo aanan la shaacin. Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mr Concar loosoo magacaabay danjiraha UK ee Somalia, isaga oo xafiiska joogay labo sano. Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiya Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ku leeyahay safaarad. The post Ingiriiska oo safiir cusub usoo magacaabay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-30012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay marwo Rosemary A. DiCarlo, oo ah u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynaha JFS ayaa uga mahad-celiyey UN-ka taageerada ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya. Farmaajo ayaa wafdiga u sheegay in dowlada ay tixgelinayso hawsha ay Qaramada Midoobay waddanka ka hayso. “Soomaaliyana way ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta ay la leedahay UN iyo guud ahaan Beesha Caalamka, taasi oo ku dhisan is-tixgelin iyo is-ixtiraam,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya. Dhinaca kale, wafdiga ayaa shir gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiirada, kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wadashaynta QM iyo dowlada dhexe. The post MD Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda QM appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo booqasho ku tagay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxa uu amaan kula duldhacay Madaxweynihii [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Dhakhaatiirta Cisbitaalka Kala-baydh Oo Sheegay In Uu Tacadi Ku Hayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Waxaa xeebaha Jabuuti laga helay maydadka ilaa 35 kamid ah dad ku dhintay dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo ku safrayay xeebaha dalkaas. Doonidan ayaa shalay ku degtay xeebta Obokh ee dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka muhaajiriinta ee IOM, waxaana iyagoo badqaba la badbaadiyay 16 qof. Dalka Jabuuti ayaa waxaa wali ka socda howl-gal lagu samata-bixinayo dadka la la’yahay ee saarnaa doontaas. Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaaraya 130 qof oo Afrikaans ah, kuwaas oo u socday dalka Yemen. Dalka Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed. Sanadkii hore ayay hay’adda IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo muhaajiriin ah. PUNTLAND POST The post Dooni dad badani ku dhinteen oo ku degtay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  18. Maamulka degmada Bosaaso ayaa maanta sameeyay howlgalkan lagu bur burinayay goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaala hareeraha waddada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Bosaaso . [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo. Kulankan ayaa yimid ku dhowaad laba bilood kadib markii Soomaaliya ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan. Labada dhinaca ayaa ku heshiiyey in QM ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya. QM iyo Soomaaliya ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo. Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Rosemary A. DiCarlo, madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), waxa ay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, kala talisaa arrimaha nabadda iyo amniga caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Akram Hassan Afif, waa ciyaaryahan Soomaiyeed oo November 1996 ku dhashay magaalada Doha ee dalak Qatar. Haatan wuxuu amaah ugu ciyaara kooxda Al Sadd, laakiin waxaa iska leh kooxda reer Spain ee Villarreal. Afif waxaa uu kasoo jeedaa Qoys Sports, waxaa la dhashay Ali Afif, oo ah ciyaaryahan kubadda cagta ciyaara oo katirsan kooxda QSLside Lekhwiya. Aabihiis, Hassan Afif, wuxuu ahaa ciyaaryahan hore oo caan ka ahaa geeska Africa, isagoo u ciyaaray kooxaha Simba Tansaaniya iyo Horseed Soomaaliya ka hor inta uusan u guurin dalka Qatar. Akram Afif wuxuu ku hadlaa luuqada Isbaanishka maadaama uu u ciyaaray kooxaha Sevilla iyo Sporting Gijon. Waxaa loogu yeeray xulka qaranka kubada cagta Qatar bishii September 2015, iyadoo tababare Daniel Carreño uu siiyay fursadiisii ugu horeysay. Wuxuu dhaliyay goolkii 1aad ee xulkaan 3dii September 2015 intii lagu jiray kulamadii isreebreebka Koobka Aduunka 2018. Waxa uu sidoo kale haatan kala qeyb galayaa xulkiisa Ciyaaraha Asian Cup, hakasoo oo uu wadaro ka dhigayo. Afif ayaa Saddex caawin ka sameeyay kulankii Semfinalka Asian Cup oo ay xulkiisa 4-0 kaga badiyeen UAE. Akram yaa xulkiisa ka caawiyay inay markii ugu horeysay gaaraan Finalka Asian Cup oo ay ku wajahayaan xulka Japan. Wiilkaan waa 22 jir, mustaqbal fiican kuleh kubadda cagta, wuxuu ka garab ciyaaraa heerka kooxda Xavi oo looga haray Qibrad khadka dhaxe ee garoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Ethiopian Air Force says it killed 35 al-shabab militants this past week, according to a report by state media – Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) today. Report from the Ethiopian Defense Force sent to EBC says the Air Force conducted Air strike in al-Shabab military positions 75 kilometers west of Baidoa, Somalia. Ethiopian military helicopters carried out a 45 minutes strike on January 24 in the areas mentioned above. Abdu Usman, operation head of the militant group, and Abdu Salman, grenade operation head, are reportedly killed in the strike. The Ethiopian Defense Force also claimed that Four Vehicles and several weapons are destroyed in the strike. Ethiopia ordered a retaliatory military offensive early last week after Ethiopian peacekeeping convoy was ambushed killing scores of Ethiopian soldiers. The convoy was attacked when it was travelling from Buurhakaba to Baidoa. During the time, al-shabab claimed that it killed over fifty Ethiopian soldiers. The post Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Boqoradda Ingiriiska ayaa Mr. Ben Fender Obe u soo magacawday safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaa uu badalayaa Mr. David Concar. Mr. Ben Fender Obe ayaa soo shaqo geli-doona February 2019, Concar ayaa sidoo kale loo badalay shaqo kale. Benjamin James Fedner waxaa uu ka soo shaqeeyey meelo badan waxaa ka mid ahaa: 2016-2019: waxaa uu joogay The Foreign and Commonwealth Office (FCO) isaga oo madax ka ahaa qeybta siyaasadda amniga. 2015-2016: Tahran, Ku-xigeenka howl-galka Safaaradda 2005: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), madaxa qeybta Iran. 2014-2015: Freetown, Waxaa uu ku-xigeen u ahaa koox UK ay u dirtay ka jawaabista Ebola 2012-2014: Kabul, Qunsul 2008-2011: Paris, Xogheyaha 1aad 2007-2008: Waxaa la soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska 2003-2007: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Madaxa, waaxda Iran. 1999-2003: Ku-xigeen, kadibna xogheyaha 1aad(siyaasadda). 1997-1999: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Tababarka Luqadda Shiinaha. 1996-1997: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), waxaa uu ka tirsanaa kooxda arrimaha Falastiin. Carabta/Israel. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dawlada UK oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibeda iyo barwaaqo sooranka UK. Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar. Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota. Magacaabistan ayaa imaneysa, xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xidhiidhka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xadhigii Roobow iyo caydhintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku caydhisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho Qaran News
  24. Xildhibaan Foosiya ayaa Mawqifkay ka taagan tahay Qadiyada Hadalka Madaxweynaha Yugaanda ee sida weyn looga qayliyey ku soo bandhigtay Barteeda Face-book-ga oo u dhigan sidatan:- Qaran News