-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland, Somalia’s northern semi-autonomous region, has elected a new president Tuesday. Mr Said Abdullahi Deni emerged winner in the third round of voting in the region’s parliament beating 20 other candidates. He is a former Planning Minister and had contested the Somali presidency in 2017 which President Mohamed Abdullahi “Farmajo” won. In the Tuesday poll, Mr Deni garnered 35 votes closely followed by former intelligence chief Mr Asad Osman Abdullahi, who got 31 votes. The two edged out ex-finance minister Farah Ali Shire who received only three votes in the second round. All other candidates including president Abdiweli Ali Gaas lost in the first round of voting. Mr Deni takes over from the Gaas administration rocked by allegations of graft, nepotism and insecurity. He will lead the region until 2023. Somalia’s five regions – Puntland, Galmudug, Hirshabelle, South West State, and Jubaland – have been holding presidential elections progressively from November to end of 2019. The South West State went to the polls in November. Hirshabelle is next after Puntland. Puntland, an oil rich state, despite becoming semi-autonomous in 1998 is yet to achieve universal suffrage. The region is also often entangled in territorial disputes with the self-declared republic of Somaliland.
-
Qoryooley ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta qarax ay caruur wax ku noqdeen uu ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen Caruurtaasi. Ugu yaraan 5 caruur ah ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Seyd-Cali Ibraahim Xasan. Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Hakan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-qoryooley.mp3 The post Shan caruur ah Oo ku Geeriyootay qarax ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi (Deni) ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay ee uu ku xannibayo Kharashaadka maamulkaasi ee ku keydsan Bankiga Dhexe iyo Xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Amarkan ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee dowlad goboleedka Puntland. Halkan hoose ka akhriso:- The post Madaxweyne Deni Oo hakiyay kharashaadka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxda Cusub ee Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. The post Madaxweynaha JFS Oo hambalyo u diray P/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday tirinta codadka wareega saddexaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan). 66 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay, waxaana xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Labada musharax ayaa codadka u kala helay sidan, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo helay 47 cod, iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo helay 19 cod. Axmed Karaash ayaa kasoo jeeda beelaha Khaatumo, waxaana uu ka mid ahaa aas-aasayaashii maamulka Khaatumo. Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota. Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda. Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii u dambeeyay dhulka ku jiiday Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay. Mudane Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod oo keliyah. Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Duulista hawada ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa la soo gabagabeeyey doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyada oo la isla gaaray ilaa wareegga 3aad. Natiijada wareegga 3aad ayaa noqotay: Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) 19 cod iyo Axmed Cilmi Karaash: 47 cod, waxaana sidaasi ku soo baxay Axmed Cilmi Karaash. Goor sii horeysay oo maanta ah waxaa madaxweyne loo doortay Saciid Deni, oo Puntland hoggaamin-doona 5-ta sano ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay doorashada Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyadoona golaha wakiilada maamulkaasi ay xilkan u doorteen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Madaxweyne ku xigeenka cusub ayaa helay 47 Cod, kaas oo wareegii u dambeeyay la tartmayay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo helay 19 Cod. Wareegii labaad ayaa waxaa sidoo kale ku haray C/laahi Cali Xirsi (Timacadde) oo helay 9 Cod, halka Musharraxiinta kalena ay ku hareen wareegii 1-aad ee doorashadaasi. Axmed Karaash ayaa 5 sano ee soo socota heyn doono xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyadoona maanta Madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Saciid Deni. The post Axmed Karaash Oo loo doortay ku xigeenka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda ee ku kaydsan,bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu socod-siiyay wasaaradda maaliyadda,bangiga dhexe ee dowladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoomada dowladda laga bilaabo Isniinta maanta ah. Mudane Siciid Deni ayaa saaka loo doortay madaxweynaha Puntland,kadib markii uu 35-cod ka helay wareegii saddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay, Asad Cismaan Diyaano oo isna helay 31-cod. Deni ayaa xilka loo dhaariyay,balse waxa u harsan in uu la wareego PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Madaxweynaha cusub oo xannibay dhammaan kharashaadka dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Maxaa ka soo baxay kulankii xalay looga arinsanayay talaabada laga qaadayo dowlada Ingiriiska? January 8, 2019 Waxaa habeenkii xalay kulan degdeg ah ku yeeshay Villa Soomaaliya Madaxweyne Faraamjo, RW Kheyre iyo koox lagu tilmaamay saaxibada Madaxweynaha. Kulanka ayaa looga arinsanayay talaabada ay dowlada Soomaaliya ka qaadayso dowlada Ingiriiska ka dib markii Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi uu safar aan lagala tashan dowlada Fedaraalka Soomaaliya uu ku tagay Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aan marnaba la qaadan karin in dowlada Ingriiska ay si cad ugu xad gudubto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya. Farmaajo ayaa yiri “hadii aan ka ogolaano in ay sidaa ay Dowlada Ingiriiksa ula dhaqanto Dowlada Soomaaliya ay u muuqanayso in aan raali ka nahay in dalka Soomaaliya la kala qeybiyo iyo isla markaana la fududeeyo aqoonsiga Soomaaliland”. RW Khyere ayaa ku taliyay in maalinta Isniinta loo yeero safiirka Ingiriiska fartiin culusna loogu dhiibo dalkiisa taas oo muujineysa in ay qalad ahayd in Wasiirka Dowlada Ingiriiska uu safar ku tago Gobol Soomaali ah. RW Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya uu ku amri doono in ay qorto qoraal canbaarayn ah oo looga soo horjeedo ficilada ay ku dhaqaaqday Dowlada Ingiriiska. Waxa uu yiri “marnaba ma aqabaleyno dhaqanka lagu wiiqayo qaranimda Soomaaliya”. Waxa uu ku daray “Ingiriisku waxa uu u arkaa Soomaaliya meel uu wali gumeysto danaha uu doonana uu ka fushado, hadii ay lama huraan noqotana xiriirka ayaan u jareynaa, iyaga ayaa noo baahan oo habeen iyo maalin nagala hadlo dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed” isaga oo aad u xamaasadeysan ayuu ku daran “…Mudane Madaxweyne, Walaahi ayaan ku dhaartay hadii aan xiriirka u jarno iyaga oo garguuranaya ayaa ay noo imanayaa” Safarka Wasiir Gavin Williamson waxa uu ahaa mid xanbaarsan ujeedooyin badan haba u badnaato in la tuso dowlada Soomaaliya in ayan ahayn awooda kaliya ee ka jirta dhulka Soomaalida. Dowlada Ingiriiska ayaa aad uga xumaatay talaabada uu Madaxweyne Faramaajo uu ku ceyriyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Heysom. Dowladda Ingiriiska ayaa isku daydey in ay ku qanciso Madaxweyne Farmaajo in uu ka noqdo go’aankiisa laakiin waa uu ku gacan seeyray. Waxaan shaki ku jirin in asbuucyada iyo bilaha soo socdo Soomaaliya ay soo wajihi doonto culays siyaasadeed kaas oo dhibaato u keeni doono geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibadda iyo gudaha ee Soomaaliya. Gaar haan hadii dowlada soo saarto qoraalka canbaareynta ee uu RW Kheyre balan qaaday in ay xukumadiisa soo saari doonto. Qaran News
-
Source
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Maxamed Ibraahin Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal maanta laga sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in u jeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijnayo amniga degmadaasi. Waxaana uu tilmaamay in lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo looga shakisan yahay falalka amni darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ok.mp3 The post Howlgal dad lagu soo qab qabtay Oo laga sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ra’iisul waasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal kooban oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ra’iisul waasaruhu hambalyo iyo duco ujeediyay madaxweynaha cusub ee saaka loo doortay Puntland,Siciid Deni. “Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday” ayuu yiri Khayre. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub“shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa, in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta Puntland lagu doortay Saciid Cabdullahi Deni, si uu hoggaamiyo dowlad goboleedkaasi 5-ta sano ee soo socota. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaaheeda la wadaageysa baarnaamijka siyaasadeed, ee uu ka hor akhriyey golaha wakiillada Puntland, si loogula xisaabtamo inta uu maamulka Puntland madax ka yahay. Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Saciid Cabdullahi Deni: 20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa. Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka. Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran. Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland. Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance). Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga: Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed. 4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka. Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha: Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi. Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada: Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership). Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga: Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha. Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada: Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka. Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com