Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya loogu geystay gudaha M/ Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye , gaar ahaan qeybta xigta degmada ayaa waxaa loo geystay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka milatariga Soomaaliya. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay fuliyeen weerarkaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Askartaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, kadibna ay si nabad galyo ah uga baxsadeen goobtaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada saraakiisha iyo askarta Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho. The post Dabley hubeysan Oo askar ku dishay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha la doortay ee Puntland(Saciid Deni) iyo Madaxweynaha talllada ka degaaya(Cabdiwali Gaas) Madaxweyne Deni waxaa qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyey hawldeenada madaxtooyada iyo qaar kamida masuuliyiinta xilka kasii degaaya oo kamid yahay madaxweyne Gaas. booqashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaysa xili ay xukuumadii hore diyaarinayso sidii ay xilka ugu wareejin lahayd Dawlada cusub ee talada la wareegtey. Doorashadii Puntland ayaa muujisay bisaylka iyo ilbaxnimada umadda Puntland, waxaana doorashadan amaanay dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Dawlado caalami ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo booqday qasriga madaxtooyadda appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka. Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha. The post R/wasaare Ku-xigeenka XFS Oo u dhoofay Dalka Jordan appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-090119.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Raisedon Zenenga, congratulates Mr. Said Abdullahi Deni and Mr. Ahmed Elmi Karash on their election as President and Vice-President of Puntland, respectively, in yesterday’s balloting in the Federal Member State’s Assembly. The Officer-in-Charge also congratulates Puntland’s electoral commission for organising and conducting a transparent, peaceful, free and fair electoral process. “We look forward to working closely with the administration of President Deni in Puntland,” said Mr. Zenenga. “We also commend outgoing President Abdiweli Mohamed Ali ‘Gaas’ and his administration for overseeing a peaceful transfer of power and for establishing conditions that enabled the electoral commission to conduct a successful electoral process.” The post UN congratulates the president-elect of Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in koronto la’aan ay ka jirto degmadaasi 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Maamulka degmada Balcad ayaa la sheegay in ammar uu ku bixiyey in la damiyo korontada oo dhan, kadib markii ay isku dhaceen maamulka shirkaddii adeeggaasi siin jirtay degmada. Ilo lagu kasloon yahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in shirkaddan ay lacag awgeed korontada uga jaratay hoyga guddoomiyaha degmada Balcad, isaguna uu ammar ku bixiyey in shirkadda dhan la damiyo. Koronto la’aantan ayaa saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan degmada, si gaar ahna xarumaha caafimaadka iyo ganacsiga. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WARKA-KORONTO-LA-AAN-KA-JIRTA-DEGMADA-BALCAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal kula kulmay saraakiisha ciidamada maamulkaasi. Taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo daraawiishta ayaa ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Dani la kulmay, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan sugista ammaanka. Waxa uu ka dalbaday taliyeyaasha in la adkeeye amniga guud ee Puntland, islamarkaana shaqada ammaanka ay ahaato mid aad loo xoojiyo. Dani ayaa doorahadiisa kadib wuxuu kulamo la qaatay xubno ka socday DFS, saraakiil ciidan iyo sidoo kale waxgaradka Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WARIYAHA-GAROOWE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin degmada Bu’aale oo caasimadooda ah si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada Al-shabaab. Madaxweynaha maamulkan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo ku sugan degmada Afmadow iney soo gabagabeeyeen isku diyaarintooda howlgalladan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in gobolka Jubbada Dhexe dhan ay doonayaan iney ka saaraan Al-shabaab islaamarkaana dhowr jiho ay ka weerari doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Shacabka ayuu ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaannada Jubbaland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/AXMED-MADOOBE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen. Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani. Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah. Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. Dr. Guuyo ayaa sidoo kale kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Saciid Cabdillahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa shalay loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland. Saciid Deni ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha Puntland, oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe, waxa uu kaga adkaaday Asad Cismaan Diyaano. Deni ayaa helay codadka 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland, halka Asad uu ka helay 31 cod. Waxa uu beddeli doonaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku hadhay wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay kaliya sideed cod. Ragga kale ee tartanka ka qayb galay lana filayay inay codad badan helaan balse khasaaray waxa ka mid ah Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo dhaqaale badan doorashada ku bixiyay lana filayay inuu ugu yaraan wareega dambe soo gaadhi doono balse ku hadhay wareega koowaad. Mr. jabiye ayaa waxa watay oo la sheegay inuu lacag ugu soo deeqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo. Sidoo kale Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah siyaasi u dhashay Somaliland oo ka qayb galay tartanka madaxweynenimo ee maamulka Puntland ayaa isna helay hal cod, taas oo yaab ku noqotay dad badan oo ugu yaraan saadaalinayay inuu heli doono codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland kaga jira gobalka Sool. Laakiin siyaasiyiinta Reer Sool ayaa ku keliyaystay tartanka madaxweyne-xigeenka Puntland, waxaana ku guulaystay Axmed Cilmi Karaash oo noqday madaxweyne-xigeenka Puntland. Cabdiweli Gaas maxaa helay? Cabdiweli Gaas, ayaa loolan adag kala kulmay murashixiin ka soo horjeeday oo u muuqday inay is bahaysteen, kuwaas oo uu dabada ka riixayay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Murashixiinta is bahaystay doorashada ka hor ee muquuniyay Cabdiweli Gaas waxa hoggaaminayay Siciid Deni oo shalay noqday madaxweynaha Puntland. Waxyaabaha kale ee uu Cabdiweli Gaas eersan karo waxa ka mid ah inuu ku fashilmay ballamihii uu hore u qaaday oo ay ka mid yihiin, ballantii ahayd inuu Puntland gaadhsiin doono doorasho qof iyo cod ah. Kahor inta aanu ugu dambeyntii ku dhawaaqin in uu yahay musharax, Cabdiweli ayaa dhowr jeer oo hore kala caddeyn waayay inuu isa soo sharaxi doono iyo in kale, taas oo sababtay hubanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed. Musuqmaasuqa ayaa isna ah qodob daciifiyay dawladnimadii laga filayay Cabdiweli Gaas, waxaana lagu eedeeyaa inuu hanti iyo guryo badan ka iibsaday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya mudadii uu ahaa madaxweynaha Puntland. Waa kuma Siciid Deni? Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii. Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta aanu ku biirin siyaasadda. Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheekh iyo xildhibaan dawlada Soomaaliya sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud. Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002. Geeska Qaran News
  11. Tilifishanka qaranka Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa laga daawado ayaa xalay hawada ka baxay. Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay ciladi ku timid taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin. Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada. Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale u fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay. Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan. Geeska Qaran News
  12. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta 09 Jan, 2019 waxay kulan Deg-Deg ah la [...] Source
  13. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan deg deg ah la qaatay laamaha amaanka ee deegaanada maamulka Puntland, kaasi oo looga hadlayay amaanka Puntland. Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, waxaana looga hadlay inta howlaha kala wareega xilka ay socdaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada ku wargeliyay in isbadal weyn aan hadda lagu sameyn doonin laamaha amaanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay inay amaanka adkeeyaan. Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo. Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  14. The post IGAD Congratulates Said Deni on his Election as Puntland President appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska wordandway.org ayaa shaaca ka qaaday arin halis ah oo muddo shan ah magaalada Muqdisho uu ka waday Baadari u dhashay dalka Kenya. Baadari u dhashay Dalka Kenya oo diiday magaciisa ayaa la sheegay in muddo shan sano ah uu ka waday magaalada Muqdisho faafinta diinta Karishtaanka, waxaana sidaasi shaaciyay wargeyska wordandway. Wargeyska ayaa sheegay in baadariga oo magaciisa ay u qaateen JOHN inuu ku joogo magaalada Muqdisho qandaraasyo la xiriira dhismaha, sida warbixinta wargeyska lagu sheegay. Warbixinta ayaa ugu horeyn looga sheekeeyay halista ay wajahi karaan dadka aan heysan diinta Islaamka marka ay isa shaac bixiyaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale la sheegay in ruuxa Baadiriga ah uu ku nool yahay Guri kooban oo uu dadka Soomaaliyeed ku baro Diinta Masiixiga, iyadoo aan wali laga warhelin, sida warbixinta lagu sheegay. “Si qarsoodi ah ayaan u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John. Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata inaan laga warheynta halista dadka ajaaniibta ay ka wadaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom. Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland. Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Somalia. Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen. Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani. Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah. Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham Chamber of Commerce, waxa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 1599 dalka France tan iyo markaa rugaha ganacsiyadu kaalin muuqata ayay ciyaaraan horumarka dhaqaalaha. Hasa yeeeshee, waxa ii muuqatay in guud ahaan shacabka reer Somaliland aanay si wanaagsan u fahansanayn shaqada iyo ahmiyadda RUGTA GANACSIGA EE SOMALILAND sidaa dartee, ayaan muhiim ugu arkay in marka hore aan saddarro sharrax kooban kaga bixiyo hawl-qabadka Rug Ganacsi ama Chamber of commerce; Waa hay’ad dawli ah ama ba aan dawli ahayn oo ay ku bahoobeen koox isku shaqo ah si ay wada-jir ugu baadidoonaan horumar dhaqaale dadka iyo dalka markaa ay ka jirto hay’addu. Shaqooyinka Rugta Ganacsiga waxa ka mid ah; • Sameynta Deegaan wanaagsan oo ganacsigu ku hano-qaadi karo si sharciga u siman. • Waxa ay sare u qaadaa fahanka ganacsatada ee ganacsiga si ganacsigu ula jaan-qaado suuqyada baayac-mushtar ee dunida. • Dhiiri-gelinta ganacsiga warshadaha iyo beeraha. • Daryeelka iyo barbaarinta ganacsiyada yaryar. • Waxa ay kaalin ka qaadataa xallinta khilaafaadka Ganacsi. IWL. Intaa haddaan sharrax kooban ee guud marka ah ku dhaafno hadda ba aan u imaaddo Rugta Ganacsiga Somaliland oo la aas aasay hilaaddii kontomaadkii ahmiyad mug leh na u leh guud ahaan ganacsiga iyo ganacsata reer Somaliland ba ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay hoggaanku ka xumaaday, taasina waxa ay keentay in Rugtu ay saaxiibadii hore ee ay wada shaqaynta wanaagsani uga dhaxaysay lumiso, kuwaas oo haatan aan ka soo qaadan karno; • Midowga Yurub. • Ingiriiska. • Iyo Maraykanka. Arrinta ugu weyn ee aan filayo in ay xumaysay xidhiidhkii Rugtu dunida kale la lahayd waa in ay tahay sharciyada Rugta Ganacsiga Somaliland oo burbursan calaamadda ugu horreysa uguna weyn ee burburka sharciyadda rugta farta ku fiiqaysaa waa in aan tan iyo sagaashamaadkii aan wax doorasho ah lugu soo xulin hoggaanka rugta. Sida sharcigu dhigayana waxa ay ahayd in shirweyne xubnaha ganacsatada oo dhan la iskugu yeedho shanti sanno ba hal mar, halkaana lagu soo doorto shan iyo labaatan xubnood, kuwaasina waxa ay iska sii dhex doortanayaan sideed xubnood. Hadda ba muddo dheer oo hoggaanka Rugtu qori isku dhiib iska ahaa oo aan wax doorasho la yidhaa suurto-galin ayaa sababtay in xidhiidhadii rugtu dunida la lahayd ay wada go’aan. Sida oo kale hoggaan xumada iyo habacsanaanta maamul ee Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay meesha ka saartay doorkii muhiimka ahaa ee Rugta Ganacsiga Somaliland ay ku lahaan lahayd suuqa ganacsiga. Guddoomiyihii sideeddii sanno ee ugu dambaysay talinayay ayaa toban maalmood ka hor sheegay in uu sababo u gaar ah isku casilay. Hadda ba guddoomiye Maxamed “Shugri” isna u wanaagsanaa rugtana u wanaagsanayd in uu guddoomiye sharci ah oo xubnuhu soo doorteen oo rabitaanka xubnaha ku yimidday uu xilka ku wareejiyo. Gabogabadi haddii aan Rugta lagu soo dabbaalin xayn-daabka sharciga oo aanu hoggaankeedu ku iman doorasho iyo rabitaanka xubnaha waxa gud ku dhacaysa rajada laga qabo Rugta. Dhammaad Abdinaasir Ibraahim somaliland_author@yahoo.com Qaran News
  19. UMAYNAAN BAAHNEYN MADAXWEYNE ARDAAYO IYO OOD-OOD INOO KALA SHIRIYA AMA INOOGU MAHADNAQA EE WAXA AYNU U BAAHNEYN MADAXWEYNE INA MIDEEYA !!! Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa uu casuumay oday dhaqameed beel ka mid ah beelaha reer Somaliland isaga oo ujeedada ku sababeeyay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen safarkiisii uu gobolada bariga Somaliland ku tagey. Haddaba waxa isweydiin leh Madaxweynaha Somaliland miyaanu isku arag in uu Madaxweynaha qaranka isagu yahay oo in la soo dhaweeyo oo dadkiisu maamuusaan uu mudan yahay? Madaxweynaha waxa soo dhaweeyay dadkii reer Somaliland ee gobolada bariga oo aan u kala hadhin in uu si guud ugu wada mahadnaqo miyaanay ka haboonayn in uu beel u mahad naqo ka mid ah uun beelaha dalka dagan. Mise waxa uu ugu talogalay beelaha gobolada Somaliland ee bariga dagan oo dhan in uu marba beel odayadeeda iyo cuqaasheeda martiqaado oo madaxtooyada ku casuumo, bal aynu eegno waa yaabe !!! Waxa ii muuqata in Madaxwayne Biixi uu dareen ka qabay in lagu soo dhaweyn doono deegaanada beeshan milgaha iyo maamuuskaba qaranka ku lehi dagan tahay oo aanu fileyn , taasina waxa ay ayaan daro ku tahay isaga iyo beeshaasi oo uu meel kaga dhacay, oo aan lagu aqoon dareenka uu ka qabay. Madaxtooyada umadaa leh oo ceeb uma arko in dadka reer Somaliland lagu martiqaado , laakiin in ood-ood iyo ardaa-ardaa loo galaa waxa ay wiiqaysaa uun dawladnimada iyo qaranimada sida aan shaqsiyan u arko anigu. Abaalgudka ugu wanaagsan ee aynu u baahanahay waa cadaalad iyo in baahiyaha aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland si siman wax loogu qabto, garashadayda intaa wax ka mudan iguma soo dhicin shaqsiyan. Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland ee maanta taliya taagtiisu way soo muuqatay durba , waliba isaga oo aan la mucaaridin mudadaa uu kursiga joogay oo fursad la siiyey, laakiin waxa ka sii daran talo xumo ayuu u jabayaa, halka xukuumadiisana tayo yari lagu dhaliilayey. Aragtideyda Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  20. Dowladda Maraykanka ayaa war waxa ay kasoo saartay duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab. Qoraal kasoo baxay dowladdan ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu diley 10 ruux oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab. Weerarkii Koowaad ayeey sheegeen inuu ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose kuna dileen 6 ka mid ah Al-shabaab kuna gubeen gaadiid badan. Weerarka Labaad ayeey dowladda Maraykanka sheegtay in ay ka fuliyeen deegaanka Baqdaad kuna dileen Afar ka mid ah Al-shabaab. Sidoo kale, qoraalkan kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi ay kaalin weyn ka qaateen ciidamada Soomaaliyeed ee sida gaarga ah u tababaran. Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in dhammaan weeraradaasi aanay jirin waxyeello kasoo gaartay dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in wafdiga ka socda dowladda federaalka ee isugu jira wasiirada iyo xildhibaannada ay kulamo kula qaadanayaan magaaladaasi madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi. Kulamada ayaa ah sidii maamulka Puntland ula shaqeyn lahaa dowladda dhexe, maadaama maamulkii Gaas aanu xiriir wanaagsan la lahayn dowladda federaalka ah. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale, madaxweynaha cusub ee Puntland uu la kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ka dhacayeen magaalada Garowe. Kulamada ayaa u dhaxeeyay wafdiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Garowe iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana looga hadlayay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhaxeyn kara Puntland iyo dowladda Dhexe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale kulamada ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiintii looga guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha cusub ee Puntland durba uu dareemayaa culeesaad siyaasadeed. Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Gaas, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo kala hadlayay sidii uu mar walbaa u adkeyn lahaa horumarka Puntland. Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa culeesaadka uu durba dareemayo waxaa kamid ah in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xiriir wanaagsan uu la yeesho, halka qaar kamid ah madaxdii laga guuleystay ay doonayaan in sidii C/Welli Gaas uu ula macaamilo dowladda Soomaaliya. Dadka falanqeeeya siyaasadda Gudaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka sii go’aan adkaan karo C/Welli Gaas labo arin darteed, waxaana tan koowaad lagu sheegaa xiriir weyn ee kala dhaxeeyo DAMJADIID iyo inuusan soo dhaweyn ka heysan markii hore dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimad@live.com