Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Garoowe)-Tartanka doorashada Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa maraya halkii ugu sarraysay iyada oo Murashaxiinta ku loollamaya mansabka Madaxweynuhu saacadihii la soo dhaafay laban laabeen kaambaynkooda siyaasadeed oo meel xasaasi ah maraya halka Madaxweynaha wakhtigan xilku ka dhammaanayo oo isla Musharax ahi sutida u hayo furin kale oo ku bannaan maadaama uu diiddan yahay in ay maamulkaasi soo cago-dhigtaan Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Ah ee Fadhigeedu yahay Muqdisho oo uu u arko in ay fara-galinayaan doorashada oo ay waliba isaga ka soo hor jeedaan. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay oo diiday inay Magaalada Garoowe soo cago dhigato diyaarad sidday xubno wasiirro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dawladda Muqdisho kuwaasi oo intooda badani ka soo jeedeen Maamul-Goboleedkan Puntland oo diyaaraddii soo qaadi lahayd lagu amray in aanay Garoowe ka soo degi Karin. Tartanka ayaa meel adag maraya iyada oo doorashadani dhawr arrimood kaga duwan tahay doorashooyinkii hore oo inta badan Musharaxiinta Madaxweynuhu ay kaliya ka soo jeedeen Beesha Majeerteen oo ah aqlabiyadda Beelaha dhistay Maamulkaasi, waxaana doorkan xaaladda waji kale u yeelay Murashax Dr. Cali Siciid Cabdi oo isagu ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool kaasi oo si lama filaan ah saaxadda illaa hadda uga soo muuqda balse wax waliba waxa ay dhinac u dhici doonaa maalinta kaambaynka iyo xuuraanka ugu dambaysay oo ah maanta. Kaltanka beelaha Puntland ee dhinaca awood qaybsiga ayaa waxa ay iyana saamayn weyn doorkan ku leedahay doorashada iyo sida ay u dhici karto iyada oo beesha Cismaan Maxamuud doonayso in ay doorkan Madaxweynaha hesho waxaana illaa hadda Murashaxiinta beeshaasi ka soo jeeda ugu cad cad Siciid Cabdilaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdullaahi. Inkasta oo ay adag tahay marka la eego hannaanka awood-qaybsi ee beelaha Puntland haddana Dr. Cali Ciise Cabdi oo Sool clan ahi waxa uu doonayaa in uu dhawr arrimood ka faa’iidaysto si uu Murashaxiinta Beelaha Majeerteen uga dhex qaado kursiga balse waa mid u muuqata mid aad u adag sida ay u xaqiiqowdaa. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu isku hallaynayaa 17 Xildhibaan oo deegaanka Sool ah oo ka mid ah xildhibaanada Wakiilada ee codaynaya. Doorashooyinkii hore Xildhibaanada Gobolka Sool kasoo jeedaa waxa ay ahaayeen kuwa codkooda lagu kala baxo balse sannadkan maadaama murashax Madaxweyne ay wataan intooda badani waxa ay doonayaan in ay meel wada maraan. Arrinka labaad ee Dr. Cali Ciise Cabdi fursad u arkaa waa Murashaxiinta beelaha Majeerteen oo aad u badan codkooduna baahi karo halka uu sidoo kale taageero weyn ka haysto dawladda Muqdisho fadhida ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Dr. Cali Ciise Cabdi Waa guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee Soomaaliya, waxaase dhibaato ka qabsanaysaa in beesha Majeerteen u araagto nin wax ku lahaa aasaaska kooxda Khaatumo oo aan laga jeclayn beelaha Majeerteen. Dhinaca kale Beesha Cismaan Maxamuud oo isu dhigaysa in ay doorkan u leeyihiin xilka Madaxtinimo ee Puntland waxa sida aan soo sheegnay ugu cadcad laba nin oo ay labadaba isku wanaagsan yihiin dawladda Federaalka ah. Waa Siciid Cabdullaahi Deni oo hore usoo noqday Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya iyo Asad Cismaan Cabdullaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay dahwr iyo soddon jir kaasi oo tan iyo sannadkii 2010-kii soo ahaa taliyaha ciidanka la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano PSF, waana Murashaxa ugu da’da yar. Musharaxan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku hadho qodob ka mid ah shuruudaha tartanka oo dhigaya in aanu qofka isa soo sharraxayaa ka yaraan 40 sano jir sida uu qabo dasturka Maamulka Puntland. Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa isna ka mid ah ragga ugu cadcad Musharaxiinta Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Lix ka mid ah Murashaxiinta tartankan u taagnaa ayaa Garoowe kaga dhawaaqay in ay u tanaasuleen xubno uu ka mid yahay Siciid Cabdullaahi Deni kuwaasi oo sheegay in ay tartanka uga hadheen sidii ay codkooda ugu biirin lahaayeen xubno is baddal doon ah oo ay ku dadaali doonaan sidii aanu talada ugu soo laabteen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Shalay gelinkii dambe ayaa lasoo gabogabeeyey Liiska kama dambaysta ah ee Murashaxiinta Madaxweyne ee Maamulkaasi oo doorashadiisa ay soo af-jari doonaan maalinta berri ah oo Bishan January tahay siddeed iyada oo ay codkooda dhiiban doonaan 66 Xildhibaanada oo Golaha Wakiilada ah, waxaana arrin xiisad weyn abuurtay noqotay Markii xubno ka mid ah bahda Garsoorka ee Maamul Goboleedka Puntland ay shalay ku baaqeen in tartanka laga reebo Murashaxa Madaxweyne ee wakhtigan sidoo kalena ah Madaxweynaha xilka haya Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo ay eedaymo u soo jeediyeen. Musharax waliba waxa uu shalay shubay oo laga qaaday lacag dhan $20,000 oo dollar oo kaash ah oo ka mid ahaa shuruudaha tartanka Madaxweyne u yaalla. Isku soo wada duuboo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo aanay wali ka hir gelin wax nidaam dimuquraadi ahi, codkana ay bixin doonaan oo kali ah xidlhibaano nidaam beelaysan lagu soo xulay ayaa berri oo Salaasa ah loo ballansan yahay in ay doorashadani ka dhacdo waxaana doorashadii ugu dambaysay ee maamulkaasi lagu xasuustaa halkii cod ee uu Cabdiweli Gaas kaga helay madaxweynihii xilka uga horreeyey ee C/raxman Faroole. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya xaaladda ka dhex taagan Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Muqdisho ee uu hogjoogaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay go’aan ku gaadhay in ay yarayso shaqaalaheedii iyo hawl-wadeenadeedii ka hawl galayay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan ayaa wargeyska Foore u sheegay in Qaramada Midoobay ayaa aad u dhimayso joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalida, arrintaasi oo saamayn weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku yeelan doonta dawladda Farmaajo iyada oo maalmo uun laga joogo markii maamulka Villa Soomaaliya uu dalkeeda ka caydhiyey wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha qaramada midoobay u joogay Soomaaliya Nicholas Haysam. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, arrintan ayaa sabab looga dhigay ka saaritaankii Haysm ee Soomaaliya iyo waliba xaaladaha amni ee Magaalada Muqdisho oo faraha ka sii baxaya kadib weerarkii hoobiyayaasha loo adeegsaday ee kowdii Bishan January lagu qaaday xafiisyada iyo hoyga Qaramada Midoobay ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay halka la sheegayo in go’aankan Qaramada Midoobay ku dhimayso shaqaalaheeda iyo masuuliyiinteeda Muqdisho uu salka ku hayo amarkii ay dawladda Farmaajo dalkeeda kaga saartay Nicholas Haysom. Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho oo qorshuhu ahaa in ay shalay oo Axad ahayd ku soo laabtaan Muqdisho, iyaga oo kasoo laabtay fasax sannadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaanay tagin Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Nairobi. Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda iyo Masuuliyiinteeda ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho balse aanu saamayn doonin kuwii ka hawl gali jiray Jamhuuriyadda Somaliland. Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad adagi ka dhex oogan tahay Qaramada Midoobay iyo dowladda beesha caalamku taageero ee Somalia, kadib markii maamulkaasi ay caydhiyeen wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hore u cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda dagaalada iyo qaraxyadu aafeeyeen ee Muqdisho. In ka badan Toddobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Bishan January waxaana weerarkaasi sheegtay Al Shabaab oo xustay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi. Source
  3. (SLT-London)-Wayne Rooney ayaa la xidhay kadib markii uu sarqaan ku dhex-noqday diyaarad uu saarnaa sidaasi waxaa sheegay afhayeenkiisa. Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa 16-kii December lagu xiray gegida diyaaradaha ee Dulles ee ku taalla magaalada Virginia kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya. Rooney, oo 33 sano jir ah ayaa afartii Janaayo lagu xukumay 116 pound oo ganaax ah sida ay cadeeynayaan dukumiintiyada maxkamadda. Afhayeenkiisa ayaa waxa warbxin ku sheegay “xilligii diyaaradda Wayne waxa uu isticmaalay kaniin hurdo oo lagu qasay khamra yar, markii uu eelaboorka yimidna waa uu qasmay sidaas ayayna booliska ku qabteen. “Waa la ganaaxay wax yar kadibna waa la soo ii daayay, haatanna xaaladda waa ay iska dhamaatay. Sanadkii 2017-kii waxaa Rooney laga mamnuucay in laba sano uu kaxeeyo gaari kadib markii la qabtay isagoo cabsan oo gaaro wado. Weeraryahankan ayaa waxaa uu bishii June ee sandkii 2018-kii ku biiray kooxda DC United oo ka dhisan dalka Mareeykanka, waxa uuna saxiixay qandaraas Saddex sano iyo badh ah. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas. Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah. Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa” Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay. Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga. Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan. Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa shaaca ka qaaday in cayrinta Nicholas Haysom ay daah-fur u noqon doonto qorshe kaas ka ballaaran oo la filayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqdo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Xidig ku sheegay “go’aanka lagu cayriyey Haysom wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta dalka ka howl-gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee” Qoraal Xidig ee facebook hoos ka aqriso. Bismilaah: Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey: Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyado caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano: Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan: Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan: Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas: Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee: Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay: Hon: Abdirashid Xidig
  6. Somali security forces have conducted a covert operation in Al-Shabab-controlled village in southern Somalia on 5th January of this new year. The National Intelligence and Security Agency [NISA] said in a statement posted on its Twitter account that its personnel destroyed a base belonging to Al-Shabab in Dugulle. NISA added that the special forces seized several militants during the night-time operation on their camp. There was no independent verification of the spy agency claims. “The security forces have carried out on 5th January of this year an operation targeting Al-Shabab bastion in Dugulle area and destroyed it,” said NISA in its statement. NISA troops have in the past months stepped up operations, against Al-Shabaab bases in the Lower Shabelle region of southern Somalia. Last week, US military said it killed militants in the latest airstrikes in the region. The post NISA says seized militants during covert operation on Al-Shabab base appeared first on Shabelle. View the full article
  7. The two al-Shabaab assassins were convicted for the murder of a traditional elder in Mogadishu. The assassins identified as Ali Hassan 25, and Abdirahman Isse Ali 22 were reportedly caught red-handed to the police after they killed elder Hilowle Heefow Hussein. Judges of Somali military court said Ali and Hassan who are members of the armed group al-Shabaab were convicted of killing Hussein in Wadajir district last year. The Deputy Chairperson of Somali military court, Mohamed Abdi Mumin who was present at the scene of an execution in Mogadishu on Monday morning said the court found sufficient evidence to support the charges leveled against the two. They were executed by firing squad. Somali military court handles terror-related cases mainly against the members of the armed group al -Shabaab. The court has previous sentenced several armed group members found guilty of murder and taking part in the attack against the government of Somalia. Last Sunday, the court sentenced ex-Somali soldier to death for murder and three other suspects to three years in jail for assembling explosive devices in Baidoa, Southwest state. Human rights group have several times urged the Somali government to cease the capital punishment and replace it with jail terms. The post Somali military court executes two Al-Shabaab militants appeared first on Shabelle. View the full article
  8. SOMALILAND HADII AANAY IYADU GUDAHEEGA IS QANCIN ADUUNYADA KALENA MA QANCIN KARAYNO !!! ==================================================================================== Somaliland mudo 28 sano oo bilo ka dhiman yihiin, oo ay jirto waxa ugu weyn ee inoo qabsoomay waxa aan odhan karaa waa nabadgalyo iyo hab maamul iyo kaladambayn oo aynu dhisanay xaga nidaamka dawladnimada walow ay shacabku wax badan qabsadeen oo horumar ah oo u baahan in lagu hambalyeeyo. Haddaba waxa muhiimadu ugu weyn ay tahay ama ay iila muuqataa waxa aynu dhiganay sidii aynu uga shaqeysiin lahayn iyo waxa inoo qabsoomay sidii aynu u sii adkayn lahayn ee waliba aduunka kale uga iibin lahayn si Somaliland u hesho aqoonsi caalimiya ama wax u dhigma in ay yihiin hawlaha ugu muhiimsan ee inoo yaalla. Iyada oo Somaliland lagu wada qanacsan yahay guud ahaan ayaa waxa iska jira in qawad hoose iyo saluugyo had iyo goor soo noqnoqda , wax inagu kali ahna maaha oo aduunka ayeynu kala simanahay, laakiin waxa inaga dhimani waa waxii ay dadku kaga bogsan lahaayeen arimahan oo aanay helin. Marka ayaan yar daraasadeeyay waxyaabaha wax ay aduunka kale kaga baxaan, waxa ka mid ah axsaabta siyaasada oo leh mabaa’dii iyo aaraa kala duwan, meelo lagu soo bandhigo aqoonta iyo rayiga oo dadku aragtidooda iyo doodahooga ka dhiibtaan kuna iibgeeyaan afkaarta gubaysa. Arimahan dhamaantood maaha qaar ku xidhan uun xukuumada kaliya ee waxa ay u yaalaan qofkasta oo reer Somaliland ah in uu kaalintiisa buuxiyo waxii uu dalkiisa tari karo ee ku biirin karona aqoon iyo awoodba uu u hagar baxo oo fadhiga laga kaco, waayo dalka inagaa ku nool wanaagiisa iyo horumar waxii u soo kordha inta aynu noolahay inagaa ku amaanan , marka aynu geeriyoonana waa la inagu xasuusan doonaa. Markaa waxa aan is leeyahay waxa ugu muhiimsani ee maanta inoo yaalaa waa in aynu inagu isqancino reer Somaliland ahaan oo doodo iyo aqoon isweydaarsiyo la sameeyo oo aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Somaliland oo dhan loo sameeyo meelihii aqoonta lagu shiili lahaa si aynu uga midho dhalino ama iyagu samaystaan. Doodaha iyo isqancintu hadii ay noqonayaan qaar arimaha bulshada sidii wax looga qaban lahaa ah iyo qaar siyaasadeed iyo qaar waliba tabashooyinka jira lagu daweynayo intaba waa aynu u baahanahay oo dhamaantood waa duruufo jira oo u baahan in reer Somaliland gudahooga isa sii qanciyaan si aynu u iibgayno wax aynu ku wada qanacsan nahay oo qurux badan. Hawlahani waa qaar ay jaamacaduhu abaabuli karaan oo sameyn karaan doodaha aqoonta iyo horumarka iyo waliba dariiqa siyaasadeed ee qaranka jamhuuriyada Somaliland u marayso aqoonsi caalamiya iyo horumar in wax la iska weydiiyo oo maanka la tuujiyo oo sida aduunku u tixgaliyo aqoonta iyo waxbarashada ay dalkeenana muhiim uga noqoto oo goobaha waxbarashada iyo cilmi baadhistu noqdaan kuwa qaranka iyo bulshada laga hagayo. Waxa iyaguna sameyn kara machadada aqoonta, nabada iyo cilmi baadhisyada siyaasadaha ee Somaliland iyo aqoonyahan iskood isku abaabulay oo soo bandhigi kara arimahan iyo qaar kale oo u baahan in Somaliland la dardar galiyo arimaheega gudaha iyo kuwa dibadaba si aynu u gaadhno guulo wax ku ool ah. Somaliland waxa ay leedahay oo ilaahay swt siiyey khayraad dabiici ah , xoolo nool , beero iyo bad bedkeedu dheer yahay oo u baahan ka faaiideysi , waxa intaa u sii dheer in aynu maanta leenahay aqoonyahano badan oo hore iyo aqoonyahano dhalinyaro ah oo dalkau soo kacaya oo u baahan in laga faaiideysto. Haddaba Somaliland waa dal xoriyada hadalka uu habdhaqan nololeed u ahaa, wadatashiga iyo rayiga oo la isweydiiyo ayey ku soo caano maashay oo aynu dalal badan oo aduunka ah dheerayn markeena horeba, haseyeeshee waxa inagu soo badatay saluuga iyo isqancin la’aan iyo tabashooyin badan. Dhamaantood waxa ay u baahan yihiin in la helo oo la horumariyo waxkasta oo reer Somaliland isku qancin karaan oo ay isaga raali yihiin iyada oo u baahan in loo dhigo nidaam la jaanqaadaya ka ay dadka aduunka inagula nooli maanta isticmaalaan oo aynu dadkeena u bislayno dawladnimada. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  9. Qaramada Midoobay ayaa shaaca kaqaadey in shaqaalohooda ay ka rarayaan Muqdisho oo ay u celinayaan Nairobi halkaasna ay shaqadooda kasii wadayaan,sidii xiliyadii Kumaalgaarka ay ahayd [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kadib markii laga warhelay in gaadiid qaraxyo ah magaalada ay soo galeen. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay heleen xog ah in xalay gaari nooca raaxada ah uu soo galay magaalada kaasi oo lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, taasina ay keentay in feejignaan ay galaan ciidamada amaanka. Baaritaano adag ayaa ka socdo degmooyinka ku hareereysan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada booliska AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag waxay ka wadaan hareeraha madaxtooyada gaar ahaan degmada Boondheere ilaa taalada Daljirka Dahsoon iyo xarumo kale, halkaasi oo gaadiidka hal hal loo baarayo. Eeyaha sida gaarka ah u tababaran ee ciidamada AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaritaanka qeyb ka ah, waxaana gaadiidka laga dajinayaa dhamaan dadka saaran, iyadoo kadib baaris lagula dhaqaaqayo. Goobta sida aadka ah loo baarayo ayaa ah halkii dhamaadkii sanadkii hore ay ka dhaceen qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Mudanayaasha cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa Isniinta saaka ah dhegaysanayaa khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland. Murashixiinta oo ka kooban 21 murashax madaxweyne 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa maanta jeedinaya khudbadaha waxqabadkooda iyo ballanqaadyadooda si ay u soo jiitan xildhibaannada codaynaya. Xarunta Baarlamanka ayaa waxa haatan ka soocta dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo bilaabatay saacadihii hore ee saaka oo Isniin ah. Maalinta berri ah oo ku beegan Talaada 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dhegaysanaya khudbadaha murashixiinta appeared first on Puntland Post.
  12. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dib gacanta dad shacab ah loogu celiyay dhukumentiyo dawladeed oo inay daabacaan la siiyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo, balse ay xukuumadda Madaxweyne Biixi la soo noqotay sannadkan. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Oktoobar waxay gacanta dawladda ku soo celisay dhukumentiyo dawladu leedahay oo ay xukuumadii Siilaanyo dad shacab ah qandaraas ku siisay kuwaas oo kala ahaa Liisanka waddo marista gaadiidka, Xaashida waddo marista iyo cusboonaysiinta liisamada iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyadoo ay wasaaradu maaliyada oo go’aanka soo saartay ay wakhtigaas daabaacadda dhukumentiyadan ku wareejisay madbacada qaranka. Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in qandaraaska daabicista dhukumentiyadan dib loogu celiyay dad shacab ah oo iyagu hore u soo daabici jiray kuwaas oo imika ku mashquulsan diyaarinta iyo daabacadda dhukumentiyadan si sannadkan 2019 loogu shaqeeyo. Lama hubo in dad cusub lagu soo daray mashruucan iyo inuu ku koobanyahay shakhsiyaadkii hore. Si rasmi ah looma garanayo sababta iyo baahida keentay in dhukumentiyadan daabicistiisa dib loogu celiyay dadkaas shacabka ah, iyadoo ay dalka ka jirto madbacada qaranku. Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaa ka jawaabi waayay telefoonka gacanta oo aanu dhawr goor u dirnay. Geeska Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa xog dheeri ah ka bixisay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday xarunta xalane oo ay degen yihiin hay’adaha ugu badan ee Qaramada Midoobay. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miino baarista ee Mine Action ayaa bixisay xogta dheeriga ah ee la xiriirta weerarka hoobiyaasha ah, waxaana ay sheegtay in nooca hoobiye ee la deegsaday ay ahaayeen 81mm oo ah nooc lagu sameeyo dalka UK. Waxaa kaloo hay’adda ay sheegtay inay u eg yihiin nooca M29 oo lagu farsameeyo dalka Mareykanka, kuwaasi oo sababay burburka iyo dhaawaca shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale Hay’adda Mine Action ayaa sheegtay in hoobiyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii baaritaan dheeri ah ay sameeyeen. Waxaa qoraalka Hay’adda lagu cadeeyay in meel 4.5 KM u jirta xalane kuna beegan degmada Kaxda laga soo tuuray hoobiyaasha kadib baaritaan dheeri ah oo ay sameeyeen. Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga hoobiyaasha ku dhacay xarumaha CPO iyo UNMAS ee xalane ayaa lagu ogaaday nooca hoobiyaasha iyo halka laga soo tuuray hoobiyaashaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ka tirsanaa Al Shabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho. Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo ka mid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan. Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Janaayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka. Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ugu fulisay xuno ka tirsanaa Al Shabaab oo uu ugu dambeeyey kii dhawaan lagu toogtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil ah appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa wajahaya culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya shaqsiyaad awood ku leh dowladda dhexdeeda. Wareegtooyin uu soo saaray Eng Yariisow ayaa u muuqda kuwa aan dhaqan galin, kadib markii shaqsiyaadkii uu xilka ka qaaday ay wali kasii shaqeynayaan degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, laakiin waxaa kadib uu ka laabtay xil ka qaadistiisa, waxaana taasi cadeyn u ah in wali guddoomiyaha degmadaasi uu wali shaqeynayo. Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu magacaabay guddoomiyaha degmada C/casiis islamarkaana uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay yaraatay awoodii maamul ee uu lahaa, waxaana awooda ugu badan leh guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in Eng Yariisow uu beeniyay inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha degmada C/Casiis islamarkaana uu magacaabay Ismaaciil Oronjo oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. TOOS : Khudbad Jeedinta Musharixinta Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Puntland 07 01 2019 Slået op af SBC Somali TV i Søndag den 6. januar [...] Source
  17. Maxakamadda ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay horey u dileen nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho. Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan. Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Febraayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay. Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka. Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dad ka tirsanaa Alshabaab, waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo, kadib markii lagu heley dembi ah in uu nabadoon caan ahaa dil u geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com