-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa shalay lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo xilkaasi loo doortay Saciid C/laahi Dani. Maxamed C/laahi Fadhaye waa xildhibaan hore, horeyna wuxuu uga soo shaqeeyey wasaarado kala duwan oo Puntland, wuxuu Goobjoog u sheegay in wax badan ay horyaallaan madaxweynahan cusub. Wuxuu tilmaamay in waxyaabaha looga baahan yahay ka mid yihiin isku keenista dadka Puntland, wax ka qabashada arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha. Fadhaye ayaa sheegay in Dani uu yahay shaqsi wax badan ka bedali kara xaaladda Puntland islamarkaana yahay shaqsi uu aqoon dheer u leeyahay waxqabadkiisa. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War-Saxaafadeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay doorashada hoggaanka Puntland oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. IGAD ayaa ugu horreyn soo dhaweysay, una hambalyeysay madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Cali (Guuyo) ayaa tilmaamay in doorashadani ay aheyd mid u dhacday qaab xor iyo xalaal ah oo ay dimuquraadiyad ku dheehan tahay. Dr Guuyo ayaa boggaadiyay maamulka Puntland, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Oday Dhaqameedyada iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay doorashadaasi. Sidoo kale waxa uu ku amaanay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas doorkii uu ka qaatay habsami socodka howlaha doorashooyinka iyo horumarinta maamulkaasi. Ugu dambeyn Ergayga IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee maamulka Puntland in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dowladda Soomaaliya. The post IGAD Oo soo dhaweysay doorashada maamulka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada online)-Warar aan ka heleyno doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa sheegaya in Somaliland saameyn ay ku laheyd doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Somaliland ay taageero u muujiyeen madaxweyne ku xigeenka Puntland intii uu ku gudo jiray olalihiisa doorashada iyo xiliga ay socotay doroshadii shalay ka dhacday magaalada Garowe. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa garab istaag weyn ka helay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu isfaham siyaasadeed uu ka dhaxeeyay. Muuse Biixi, isaga oo ka duulaya in dad saameyn weyn ku leh gobolka Sool ay kusoo baxaan doorashada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu dhaqaalo ku taageeray madaxweyne ku xigeenka Puntland. “Axmed Karaash waa shakhsi is bad badal badan waana mid aanan muhiimad gaar ah siin doonin deegaanada uu kasoo jeedo xoreyn iska daaye waayo shan sano ayuu wasiiro ka ahaa xukuumaddii Gaas mana booqan hal deegaan oo kamid ah goboladda uu kasoo jeedo”sidaasi waxaa laga soo xigtay mid kamid ah xubnaha sida dhow u yaqaana Axmed Karaash. Xubnaha la tartamayey Axmed Karaash ayaa la rumaysan yahay in xukuumadda Hargeysa ay kula jirtay dagaal xoogan halka madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash marnaba aysan u arkayn in saamayn ay ku yeelan karaan isbadal ka dhaca gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
UK ayaa ku soo biirtay dalalka isku garbinaya inay saldhig militari ka sameystaan Somaliland, waxaa uga horeeyey dalalka Russia iyo Imaaraadka Carabta. Arrintan waxaa lagu soo qaaday kulankii Hargeisa todobaadkan ku dhex maray wasiirka gashaandhiga ee UK Gavin Williamson iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Todobaadkii hore, Mr Williamson, oo dalka Kenya kula hadlay ciidamo halkaasi dalkiisa u jooga ayaa sheegay in Brexit-ka kadib ay UK badali-doonto siyaasadeedii 1960-kii ee aheyd inay ka baxdo dalalka dhaca ‘Bariga Suez.’. Russia ayaa ku dhawaaqay April-tii hore inuu doonayo inuu saldhig badda ah ka sameyso magaalada Saylac, wada hadal dhex maray Moscow iyo Hargeisa waxaa lagu heshiiyey in saldhiggaasi ay fariistaan ilaa 1,500 askari, si ay gacan u siiyaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa quusa ee Ruushka, kuwaas oo isticmaala deegaanka bariga iyo geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Gaashaandhigga Oo la kulmay Wafdi ka socda Turkiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi ka socday Wasaaradda Difaaca dawladda Turkey. Wasiirka, ayaa wafdigaasi ka socday Turkiga waxa uu kala hadlay Kordhinta Tababarka la siiyo Saraakiisha iyo Saraakiil Xiggeenada Ciidanka Soomaaliya, Kordhinta Taageerada Milatari iyo arrimo kale. “Waxaan Maanta kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xubno ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Turkiga Waxaan ka wada hadalnay Kordhinta Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada iyo Ciidamada Dowladda Turkiga Tababarka Siiyaa” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Wasaaradda Difaaca Turkiga uu ka dhageystay Warbixin ku aadan Xaaladda Ciidanka Soomaaliya ka socda ee tababarka ku qaadanaya dalkaasi. “Sidoo kale waxaan ka dhageestay warbixin ku aadan xaalada ay ku suganyihiin Ciidamada Tababarka u jooga dalka Turkiga Waxay ii sheegeen in Dhalinyaro firfircoon ay yihiin oo waxbartay iyo in uu muuqdo dib-u-kabasho dhanka ciidanka ah” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed. The post Wasiirka Gaashaandhigga Oo la kulmay Wafdi ka socda Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article -
Qoryooley ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose Seyd-Cali Ibraahim Xasan ayaa baaq u diray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. Seyd-Cali Ibraahim Xasan ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay ku garab siiso saarida Miinooyin uu sheegay in ay ku aasan yihiin hareeraha degmadaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay wadaan qorshayaal looga hortagayo arrintaasi, laguna loo badbaadinayo dadka rayidka ah. Shalay ayey aheyd markii 5 caruur ah ay ku Geeriyoodayeen qarax ka dhacay degmada Qoryooley oo la sheegay in ay kyu ciyaarayeen caruurtaasi. The post Maamulka Qoryooley Oo baaq u diray dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto’ oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada Puntland, laguna doortay hoggaan cusub. Axmed Baasto ayaa shaaca ka qaaday is bedalka ku yimid maamulkaasi iyo guud ahaan dowlad goboleedyada kale uu yahay mid loo baahnaa,xilligani. Waxaana uu intaasi ku daray in uu dhamaaday waqtigii khilaafka, islamarkaana looga baahan yahay madaxda cusub in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan DFS. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-c-qani.mp3 The post Baasto “Waa mid loo baahnaa is bedalka ku yimid Puntland” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-090119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Safarii maalmo ka hor uu ku tagay magaalada Hargeysa wasiirka gaashaandhiga dowladda UK ayaa banaanka keenay loolanka adag ee loogu jiro Somaliland. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Moorgan ayaa shaaca ka qaaday in safarka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska ee Hargeysa uu banaanka keenay qorshaha dowladda UK ka leedahay Somaliland. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in UK ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasi oo dowlado badan ay daneynayaan. Loolanka Imaaraatka Carabta, Ruushka iyo UK ayaa hadda u muuqda mid laga dareemayo deegaanada Somaliland, waxaana dhamaan dowladahaasi ay doonayaan inay saldhigyo ku yeeshaan Somaliland. Imaaraatka Carabta ayaa heysta ogolaanshaha uu saldhig meletari kaga sameysanayo Berbera, waxaana saldhigaasi la sheegaa inuu yahay mid Imaaraatka uu ka damacsan yahay inuu kala dagaalamo xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Daacish. Safarkii wasiirka gaashaandhiga UK ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha UK ee ay dhawaan shaaciyeen, kaasi oo ahaa inay saldhigyo ka sameysanayaan Africa, waxaana Somaliland ay noqotay meesha ugu horeysa ee xooga ay saareen. Sidoo kale dowladda Ruushka ayaa dooneysa inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Saylac, waxaana halkaasi ka muuqda in loolan adag loogu jiro saldhig ciidan oo laga sameysto gobolka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayihii hore ee joogtada wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Hareeri ayaa isaga oo ka hadlayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe wuxuu ka keenay su’aal cajiib ah. Yaxye Cali Hareeri oo shaqo joojin uu ku sameeyay Wasiir Juxa xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa weydiiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo waxii ay ka yiraahdeen doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Yaxye, ayaa su’aashiisa ay u muuqatay mid muujinaysa inaanay jirin golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, maadaama uu meesha ka baxay hogaamiyihii golahaasi C/Welli Maxamed Cali Gaas. Mr Gaas, ayaa ahaa ruux si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, waxaana uu guddoommiye u ahaa gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada, oo ka careysnaa hab dhaqanka dowladda Soomaaliya. Waxaa hadda muuqata in madaxweynaha Galmudug oo buuq siyaasadeed badan ku furan yahay iyo madaxweyne Axmed Madobe ay kusoo hareen golaha iskaashiga, haddii aysan helin taageerada Madaxweynaha cusub ee Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tiro ma laheyn musharraxiinta Puntland. Wixii qof xil moodo ayaa qof kale xarrago moodaa. Nin guuleyso is lahaa, mid gurmad ahaan gaashaanka u watay, CV-iiga hakuu gasho mid ay ka aheyd, intaba doorshadi Puntland ayey kasoo muuqdeen. Prafossorada PHD-ga wata, waxaa lagu yiri ”Adeer mar i dage Allah dago, mar labaad i dagase anigas dagay”.Horaan ugu sirranay madax PHD sita, la mood noqons weyday. Muslimkuna god qura laba jeer laguma wada qaniinee, waa laga diga rogtay. Wadaadku, waa ahlu-diin musharaxii la lahaa , waxaa lagu yiri ” Doorasho madaxtinimo, diin waxba kama joogtee, dano kale manoo heysaa?” isagiina halkaa loogu tag. Generaal baan ahay, taatikada dagaalkana waayo badan kusoo dhexjiray, dhulka maqanna waan soo dhicinayaa, ninkii lahaa, isagana waxaa lagu yiri ” Adeer dagaal kasoo daalnaye, dunidana hadday bilow noo tahee halkaa naga joog”. Midkii beesada badnaa, soo jeed iyo jiifba dadka ku asqeysiiyay, waxaa loogu sarbeebay ” lacagtu waa qaadasho, codkana cidda aan aniga rabo unbaa calfan”. Dhalinyaradana, waxaa loogu maahmaahay ” Nin dhalinyaro ah intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaaye. Tartanka waa meeshiise, bal tu kale isu kaaye keena. Is jiijjiid dheer kadib, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa loo taagay taajka hooyada federaalka Soomaaliya ee Puntland. Ma waxaad i weydiin aqriste sababta saciid loo doortay. Haa,Xaq baad u leedahay, anigana jawaab baa igu garowday. Seddex waxyaabood oo Saciid u sahlay in taajka loo suro. 1) – Khibraddiisa siyaasadeed Sida dadka yaqaanna ay ku warrameen, Saciid ayaa siyaasadda toos ugu soo biiray sanadki 2012, isagoo ka mid ahaa baarlamaanki 9-laad. Saciid waxaa lagu xaglinayay inuu ka mid ahaa xisbigii Dam-jadiid ee xukunka qabsaday. Wuxuu soo noqday Wasiirka qorsheynta. Sidoo kale Saciid wuxuu ka mid ahaa musharraxiinti doorshada madaxtinimada 2016, isagoo helay codod dhowr iyo labaatan, taasoo ka dhigtay shaqsi saameyn leh. Saciid oo xiiseynayay inuu xil ka qabto dowladda Farmaajo ayaa ku hungoobay. Ma fadhin,Hankiisa siyaasaddana halkaas kuma hakan. Hamuun gorgor buu lahaaye, Wuxuu bilaabay olole uu ugu diyaar garaabayo doorashada madaxtinimo ee Punland. Geed dheer iyo mid gaabanba waa u fuulay. Maantana muraadkiisa waa helay. 2) – Khibradiisa deegaanka iyo dadka reer Puntland Saciid wuxuu ahaa nin 30-kii sanoo ee ugu danbeeyay ku noolaa deegaanada Puntland. Waa ganacsade macruuf ah, degsiimada Puntland aad u taqaan. Goobo ganacsi iyo kuwo waxbarasho ayuu ka yagleelay Puntland. Waxaa taas loogu daraa, Waa nin aad u kala garanaya dadka iyo deegaanka. Waxay aqoon fiican kala dhaxeysaa isamada Puntland. Sido kale xildhibaanada lasoo doortay ayaa ahaa badankood kuwa Saciid garasho fiican u lahaa. Qaar uu wax soo baray iyo kuwo uu soo gacan qabtayba way ka mid ahaayeen. Marka loo eego musharraxiinta dhigiisa ahaa, wuxuu ahaa nin kaga aqoon fiicnaa xagga dadka iyo deegaanada. 3) – Taageerada Musharraxiinta Kale Walow Saciid saadaashu daba socotay, hadana Asad baa aayad ku noqday labadi wareeg ee hore. Si kastaba ha ahaatee, waxa foodda la iskula jiraba, Farax cali shire oo wareegga 2-aad ku haray ayaa codadkiisa u wareejiyay Deni, taasoo taajka Puntland u surtay Saciid Cabdullaahi. Asadna afkaa subag loo mariyay. Dhanka kale, sheekadi aheyd doorashada Punland waa Barakaat u dhiib oo Barkaat ka qaado ama waa Hegbad/Ayuuto oo hadba cidda kaltanka iska leh ayaa loo tuuraa hakaa joogto. Buuqaas waxaa biyo ku shubay musharax Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isu soo taagay doorashada madaxtimada Puntland, iyadoo la filayey in 17-ka cod oo xildhibaanada Sool iyo Sanaag xagiis ahan doonto, maadaama isagana kasoo jeedo deeganadaas. Hayeeshee, fiijaan shaah kama cabin, oo mid keliyaa loogu riday. Ma gabadhay aheyd midaas? Ma ogi! Wax ka sheegeedu yaanu afka igu daaline, Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu xujo ku oogay xildhibaanadii laga soo doortay goboladaas. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto. Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!” “Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.” Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa qoray in United Kingdom ay ku biirayso Ruushka iyo Imaaraatka Carabta oo sida uu yiri u kala dheeraynaya inay saldhig ciidan ka samaystaan Somaliland. Wasiirka Gaashaandhigga Britan, Gavin Williamson, ayaa todobaad dhamaadkii la kulmay madaxwaynaha maamulkaa oo isu arka jamhuuriyad ka go’day Somalia, Md Muuse Biixi, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan. Somaliland, oo horay u ahayd Maxmiyad Ingiriis ayuusan jirin dal si rasmi ah u aqoonsaday mudadii ay jirtey, wuxuuna wargaysku leeyahay in booqashada Mr Williamson ay muujinayso muhiimadda Somaliland. Booqashada Mr Williamson ayaa timid todobaad uun kaddib markii uu sheegay in UK ay raadinayso inay saldhigyo ciidan dunida ku yeelato kaddib Brexit. Wuxuuna warqaadkan Kenyan-ka ihi ku doodayaa in booqashadiisa Somaliland la rumaysan yahay inuu ku raadinayay fursad uu Somaliland ugala xaajoodo inuu meeshaa istaraatijiga ah ka sameeysto saldhig millateri. Britain ayaa ku biiraya Ruushka oo horay loo sheegay bishii Abriil inuu doonayo saldhig millateri oo uu ku yeesho magaalada Saylac, Somaliland. Daily Nation, waa wargays marar badan qora warar ka dhan ah qarannimada Somalia, isagoo xilligii ay Itoobiya Somalia ku duushey dabayaaqadii 2006-dii qoray qoraal soo jeedinaya in Somalia ay liqaan oo guud ahaanba kala qaybsadaan Kenya iyo Itoobiya. HadalSame Media
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay Puntland lagu doortay Saciid Cabdullahi Deni, si uu hoggaamiyo dowlad goboleedkaasi 5-ta sano ee soo socota. Haddaba waxaan idnla wadaageynaa baarnaamijka siyaasadeed, ee uu ka hor akhriyey golaha wakiillada Puntland, si loogula xisaabtamo inta uu maamulka Puntland madax ka yahay. Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Saciid Cabdullahi Deni: 20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa. Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka. Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran. Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland. Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance). Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga: Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed. 4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka. Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha: Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi. Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada: Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership). Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga: Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha. Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada: Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka. Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu diyaariyey machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa faah-faahin ka bixisay sida Al-Shabaab ay u qorato ciidamada, islamarkaana u tababarto. Qorista Sanadihii hore, Al-Shabaab waxa ay qorashada ciidankeeda ugu tiirsaneyd Muqdisho iyo magaalooyinka waa weyn. Markii ay lumisay meelaha ay dadka aadka ugu badan yihiin 7-dii sano ee ugu dambeeyey, inta badan qorashada ciidankeeda waxa ay ku koobnaayeen baadiyaha, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Tani waxaa sabab u ah in gobolladaas ay dadku aad ugu badan yihiin oo ay kooxdu wali gacanta ku hayso baadiyaha oo ay dadka gobolladaas intooda badani ku nool yihiin. Askara Al-Shabaab inteeda badan waxa ay ka yimaadaan carruurta soo maray nidaamka waxbarasho ee Al-Shabaab taas oo xoojisay daacadnimada ay kooxda u hayaan. Arrintan Al-Shabaab waxa ay ka caawineysaa in halgankooda sii socdo ugu yaraan jiil kale. Hase ahaatee, qorista waxaa si xun uga saameeyey duqeyn loo geeystay xarun tabababar oo ay Al-Shabaab ku leedahay Hiiraan, 2015-kii; tani waxa ay ka dhigan tahay duqeymo sanadkan loo geysto in ay sii xumeyn doonaan shqaalayna Al-Shabaab ee ciidamada. Tababarka Tababarka aas aasiga ah ee dagaalayahanada cusub ee la qoray waxa uu socdaa lix bilood, waxaa ka mid ah barista daraasaad hubka fudud kuwo ku saabsan, tababar jireed. Tababarka saaakiisha waxa uu socdaa 9 bilood. Tababarka Al-Shabaab ee saraakiisa waxaa ka mid ah: Sida duurka loogu dagaalamo, la isaga ilaaliyo in la dareemo, dhul qodista iyo iwm; sida ciidamada dagaalada loo galiyo iyo la socodka hubka iyo sida dib u gurushada loo sameeyo. Sarkaal tababar sarkaalnimo la qaatay 10 kale oo Al-Shabaab ah ayaa sheegay in la baray kaartooyinka ku dhufo oo ka dhaqaaq-da ah, sahanka iyo qaraxyada,; iyada oo uu ujeedku yahay si la isaga dhiciyo cadaw xoog badan; qalabka tababarka waxaa bixiyey Al-Qaacida. Makaaniko-nimada iyo darawalnimada daraasado ku saabsan ayaa la siiyaa kuwa ay soo xulaan abaanduuleyaasha goobaha dagaalka ku jira. Shuruudaha waxaa ka mid ah in ay geesiyiin yihiin oo ay diyaar u yihiin in ay ku shaqeeyaan dagaalka iyaga oo aan xabbad rideen. Koorso kasta oo tababar waxaa la siiyaa 40-60 darawal iyo 8-12 makaanik. Koorsoyinka darawalnimada waxaa lagu bixiyaa gawaarida gaboobay ee aan la rabin. Makaanigga waa in uu leeyahay laba sano oo khibrad geerej ah kahor inta aan la siin tababar sare oo ay bixiso Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-Shabelle-080119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa maanta goor dambe u duulay Magaalada Garoowe oo lagu qabtay isla maanta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi. Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe durbadiiba waxa ay la kulmeyn Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay ee maamulkaasi Saciid Deni. Wafdigan ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Mudooyinkan Ku Xayirnaa Magaaladda Muqdisho ka dib Amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxtooyadda Magaaladda Garoowe. Wafdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta u suurta gashay in ay Garoowe u Duulaan, kadib markii doorashada maamulkaasi maanta qabsoontay oo sidaasi xayiraadii saarneyd lagaga qaaday. Maamulka Puntland ayaa kol sii horeysay soo saaray amar ah in dhamaan masuuliyiinta xukuumada federaalka Saoomaaliya aysan soo caga dhigan karin inta lagu gudo jiro doorasho, waxa ayna ku micneeyeen in ay kaga hortagayaan faragelin lagu sameeyo doorashada.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weerar cirka ah kula beegsaday xoogag ka tirsan Al-Shabaab, degaanka Baqdaad, oo xiriiriya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo Balcad. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in duqaynta oo dhacday shalay oo Isniin ahayd ay ku dileen afar [4] kamid ah xubnaha Al-Shabaab. AFRICOM ayaa meesha ka saartay in howlgalkaan ay qaadeen uu ka dhashay khasaaro soo gaarey dad shacab ah. Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab. Waa duqayntii 3aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaliya tan iyo markii uu bilowday sanadkaan 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa la kulan la yeeshay wafdiga ay dowlada Federaalka udirtay magaalada Garowe. Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya, Axmd Ciise Cawad, iyadda oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale. Mr Dani ayaa maanta oo Talaadda waxaa loo doortay Hogaamiyaha Puntland, isaga oo xafiiska joogi doona Shanta sano ee soo socota. The post Madaxwaynaha Puntland oo qaabilay wafdiga DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
The United States military says it has carried out two airstrikes in Somalia that killed four al-Shabab extremists. The U.S. Africa Command statement on Tuesday says Monday’s airstrikes were in the vicinity of Baqdaad after the military’s Somali partners “were engaged by al-Shabab militants.” It does not say whether any of the partners were killed. Another U.S. airstrike on Sunday killed six al-Shabab members near Dheerow Sanle in Lower Shabelle region. The U.S. military says no civilians were injured or killed in any of these airstrikes. The U.S. carried out at least 47 such airstrikes last year in the Horn of Africa nation. The al-Qaida-linked al-Shabab continues to control large parts of Somalia’s southern and central regions and carry out deadly bombings against high-profile targets in the capital, Mogadishu. The post US says airstrikes in Somalia kill 4 al-Shabab militants appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-08012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article