Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay 8-dii bishan ay fuliyeen deegaan ka mid ah gobolka Baay. War-saxaafadeed kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Baraawe ayna ku dileen 6 ka mid ah Al-shabaab. Waxaa lagu sheegay qoraalkan in deegaankaasi ay iska soo abuubuli jireen Al-shabaab, sidaa darteedna weerarka loogu qaaday. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhowaa halkaasi. Waa duqeyntii Shanaad oo dowladda Maraykanka sanadkaan gudahiisa ka fuliso gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wasiirrada bey’ada Carabta ayaa kulan ku leh dalka Urdun halkaas oo ay uga hadlayaan arrimaha bey’adaha gaar ahaan dhibaatada gashinka. Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)،Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Shirkan ayey carabta uga hadlayaan Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka waxaa uu hordhac u yahay shirka Nairobi. Qaramada midoobey ayaa la sheegayaa in shirka bey’adada ku qaban-doonto Nairobi March 11-15 in Nairobi, Kenya, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uu dhinacyo badan kaga hadlayo siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysiga wuxuu kaga hadlay arimaha Somaliland, sida loo xalin karo Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo in doorashadiisii ay Musuq maasuq ka madax banaaneyd. Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni, ayaa ugu horeyn sheegay in Somaliland ay kusoo xad gudubtay xuduuda Puntland, isaga oo sheegay in xuduuda deegaanada Puntland la wada yaqaan. Wuxuu si cad u sheegay in xad gudubta Somaliland ee dhanka xuduuda inuu yahay mid aan la aqbali doonin isaga oo sheegay in xuduudooda tahay deegaanada dadka Soomaaliyeed oo dhan wada yaqaanaan. Arinta labaad ee Muhiimka ah ee uu ka hadlay ayaa ahaa khilaafka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda Soomaaiiyeed balse ay jiraan kala aragti duwanaan ku aadan hanaanka la doonayo in loo hormariyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantaasi jirta loo baahan yahay in madaxda ay xaliyaan, isagana uu doorweyn ka ciyaari doono kala aragti duwanaantaasi, sidii loo dhameyn lahaa. Arinta kale ee uu kaga hadlay wareysiga ayaa aheyd in doorashadiisa ay ka madax banaaneyd Musuq maasuq, waxaana uu sheegay in wax musuq ah aan isaga lagu dooran, sida uu sheegay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  4. Laba maalin ayaa laga joogaa kaddib is bedelkii ka dhacay maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo 30 sano ah halgan siyaasadeed ku soo jiray ayaa bedelay Cabdiweli Cali Gaas oo 5tii sano ee u dambeeysay majaraha u hayey Puntland. Hase ahaatee, su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Deni ka bedeli doonaa habdhaqankii Puntland ku soo dhaqmeysay 20kii sano ee ay jirtay. Deni wax badan oo caqabado ah ma horyaalaan maadama uu qabanayo maamul afar Madaxweyne uga horreeyeen, kaliya waxaa laga rabaa in uu mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah joogteeyo, ciidamada dib u hayan ku sameeyo oo uu mushaarkooda meel saaro, xal waara u helo amni darada Bosaaso oo uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo Puntland. Dhamaan qodobadaas waxbaa ka bilaaan oo isaga kaliya wax ku darid iyo dhammeystir ayaa laga rabaa. Hadaba, waa maxay qodobka ugu weyn ee ay Soomaali oo dhan isha ku hayso? Doorashadii Puntland salaasadii ka dhacday waxa ay saameyn weyn ku lahayd Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan taas waxaa tusaale u ahaa sidii xamaasadda lahayd ee loola socday. Deni waxaa la rabaa ama Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka sugeysaa in uu hagaajiyo xiriirka waligiiba xumaa ee Garoowe iyo Muqdisho. Tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) ka tagay Puntland, dhammaan madaxdii soo martay waxa ay laf dhuun gashay ku ahaayeen dowladnimada Soomaaliya iyaga uu xifaaltan kula jiray raga Villa Soomaaliya joogay. Waxaa ugu dambeeyey Cabdiweli Cali Gaas oo gaarsiiyey heerkii ugu xumaa abid. Dhaqankaas Puntland kuma ekaan oo xataa waxaa sidaas u dhaqmay maamulada kale, horaa Soomaali ugu maahmaahday ‘Ratiga dambe ratiga hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!’ Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni waxaa habboon in uu Cabdullahi Yusuf (AUN) uga daydo ku dhaqanka mabaa’diidii Puntland loo dhisay oo ahayd in marka hore iyaga ku kala badbaadaan oo ay nolol horumar leh ku noolaadaan iyo in lagu raadiyo dowlad Soomaaleed oo hana qaada, taas wey dhacday oo Puntland waxa ay noqotay budhigga Federaleenta dalka. Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, Cabdullaahi Yusuf (AUN) markii loo dhaarinayey xilka Madaxweyne ee Puntland waxa uu ku dhaartay “Ku dhaqanka dastuurka maamul gobolleedka Puntland” halka kuwii ka dambeeyey oo uu ku jiro Deni marka laga reebo Cadde Muuse (AUN) oo aan ka warqabin ay dhammaan ku dhaarteen (Dowladda Puntland) taas waxa ay caddeyn u tahay sida Cabdullaahi Yusuf u ilaalinayey mabaadi’dii loo aas aasay. Deni waa in uu kala gartaa kuna dhaqmaa waxa ay dowladda dhexe xaqa u leedahay iyo waxa uu dastuurka u gaar yeelayo Puntland oo uu meesha ka saaraa danihii gaarka ahaa ee madaxdii ka horreysay xadka ka saarayey. Arrintaas oo uu fuliyo waxa ay dhaxalsiin doontaa in uu halyey u noqdo Soomaaliya oo dhan, berrina isu soo taago isaga oo la jecelyahay xilka ugu sarreeya ee dalka. Ma aha in uu qaado tallaadii Soomaali iyo Puntland-a hoojisay ee kala irdheynta umadda. Deni waa in uu ka fogaadaa hadaladdii xanafta lahaa ee ka soo yeeri jiray kuwii ka horreeyey madaxdii ka horreeysay iyo xiriir u jarkii joogtada ahaa ee dowladda dhexe. Taas haddii uusan uga dayan Gaas iyo kuwii ka horreeyey, Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu noqon doonaa shaqsi ka qeyb qaata dib u curashada qaran Soomaaliyeed oo sumcad dunida ku leh. W/Q: Mahad Axmed Warsame Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Xog: Sababta ay Xukumada Farmaajo u joojisay Bixinta Basaboor Soomaaliga Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii ay dalbadeen. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Cibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xayiray Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Warbaahintu waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikadduna ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka carootay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ku yimdi caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer Somaliland ayaa sheegay in madaxda sare ee dowladda Somalia ay wax iska weydiiyeen socdaalka uu xoghaye Gavin ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sida wargeyska uu yiri, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalkaas iyo ogaysiin la’aanta dawladoodu ay tahay xad gudub ay dawladda Ingiriisku samaysay oo aan laga aamusi karin, waxaana ay ku talisay in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabo. Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa wargeyska sheegay inuu yiri in haddii aan jawaab deg deg ah laga bixin socdaalkaas xoghayaha difaaca Ingiriiska ay dawladda UK ku dhaqaaqi karto talaabooyin kale, waxaanu intaas raaciyay inaan la aqbali Karin in dawladda Ingiriisku ku xad gudubto wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in la isku qaaday qodobadan: In sida ugu dhaqsaha badan loogu yeer safiirka Ingiriiska u jooga Muqdisho danjire David Concar, loona muujiyo dareenka taban ee ay dawladda Soomaaliya ka qabto socdaalka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku uu ku tagay Hargeysa In Wasaaradda arrimaha dibaddu ay dhambaal u dirto Wasaaradda arrimha dibadda ee Ingiriiska, taas oo nuxurkeedu noqon doonto dacwad ka dhan ah socdaalka xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska. Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay inuusan jirin wax qorshe ama dacwad ah oo Soomaaliya ay ka qorsheysay safarka Gavin Williamson ee Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Marko (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal saacado qaatay oo ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay weerareen ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab. Weerarka koowaad ayaa ka bilowday Xaafadda Ruusiya ee degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Al Shabaab jug culus ay ku bilaabeen dagaalka. Saraakiisha ciidamada dowladda u hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al Shabaab, waxaana saraakiisha qaar ay sheegeen inay Al Shabaab ku celiyeen halkii ay kasoo weerartameen. Dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay in 10 ruux ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay degmada Marko, kaasi oo waqti badan dhacayay. Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Jilib Marka oo ay markii hore ka yimaadeen,hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Cidamada Dowladda Soomaaliya. Dagaal Kale ayaa ka duleedka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh.Hoose Caasimada@live.com
  8. Garowe (Caasimada Online) – Doorashadii Maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ayaa aheyd mid cajiib ah oo ka duwan doorashooyinkii ka dhici jiray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland. Doorashadaan ayaa waxyaabaha laga diiwaan geliyay waxaa kamid ahaa in dad u dhashay deegaanka ay dalalka dibadda kaga yimaadeen doorashada darteed, waxaana kamid ahaa dhalinyaro doorashada darteed kaga yimid dalka Mareykanka. Arimaha kale ee cajiib lahaa ee laga diiwaan geliyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ahaa in gaadiid badan iyo dad badan ay ku sugnaayeen magaalada, iyadoo maalintii doorashada ay ka mashquul badneyd magaalada Garowe maalmaha kale ee caadiga ah. Goobaha laga cunteeyo aad ayay u adkeyd in dadka qaar ay helaan fursad ay ku cunteeyaan, maadaama mashquulka dadweynaha uu aad u badnaa, waxaana arinta ay timid markii dad aad u badan ay tageen magaalada Garowe. Arimaha kale ee layaabka lahaa ee laga diiwaan galiyay doorashadii Puntland ayaa ahaa in dad u dhow goobta doorashada ka dhaceysay ay shaashada kaliya kala socdeen doorashada iyo codeynta xildhibaanada. Dadka ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya inay sugayaan shan sano kadib inay shaashada ka daawan doonaan doorashada xigta iyo inay fursad u heli doonaan inay iyaga codeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  9. Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay sii yaraatay. Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaarka ahayd. Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho la soo mariyo guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato qodobbo madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaar ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) oo hadda ku dabajira hantidii dowladda oo uu maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iibiyay ama kireeyay— gaar ahaan hantida dowladdu ku leedahay Muqdisho. Dowladda hadda jirta, oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaar ahayn. Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo kula gasho shirakdo shisheeye, may laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa in ay yeelato lagama maarmaan tahay. Federaalnimadu waxay ka caawisay dowladda hadda jirta inay ka faa’iidaysato gefefkii dowladdii hore oo isku dayday inay noqoto dowlad lagu aamino yabooha Soomaaliya loo soo ururiyo. Dowladda hadda jirta may qaadin waddadaas oo waxay aqbashay awoodyarideeda waxayse si aan gabbasho lahayn u adeegsatay awoodda ay ku bixin karto shatiyo kalluumaysi ama ay ku iibin karto ceelal saliid laga baarayo oo ku yaalla xeebaha Koonfurta Soomaaliya. Taageerayaashii maamulkii hore way qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxiixdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo. Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa inaysan la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Booqashadani waa suurtogal inay hordhac u tahay siyaasad dowladda Biritayn ay si toos ah kula shaqaynayso maamul federaaleedyada Soomaaliya oo badankood hadda ka cabsiqaba awoodda sii korodhay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Biritayn ay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo ay keentay aftidii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub, dalal badan oo Soomaaliya ku howlan waxay ku qaddariyaan Biritayn kaalinta ay ku leedahay unkidda hey’adaha dowladda federaalka. Waxaa hadda muuqata in Biritayn aysan ku qanacsanayn maamulkii ay samaysankiisii kaalinta ku lahayd. Soomaaliya waxaa ku loollamaya dowlado badan. In ka badan 95% yabooha Soomaaliya magaceda lagu soo ururiyo waxaa la siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM). Dowladdii hore iyo tan hadda laba jirsan doonta midna kuma guuleysan yaraynta ku tiirsanaanta ciidammada nabad-ilaalinta. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii 2017kii lagu qabatay London ka sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto ka hortagista halis dunida ku soo wajahan. Madaxbannaanida Soomaaliya, oo ah labada erey oo ay Dowladda Federaalku adeegsatay markii ay qaadatay go’aankii erinta ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waa halkudhegyo madhan marka la eego aqoonsiga Dowladda Federaalku haysto oo aan ku sargo’nayn awooddeeda maamul heer qaran. Booqashada Gavin Williamson waxay hoosta ka xarriiqday xujooyinka horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo maarayn kari la’ danaha isdiiddan ee dalalka Soomaaliya la shaqeeya. W.Q. Liibaan Axmad Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD, ayagoo kulan waqti Dheer qaatay halkaas kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga UPD Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoga-hayaha Guud Md. Axmed Macallin Fiqi. Ujeedka booqashada madaxda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka aheyd booqashooyin ay ku kala bixinayeen xarumaha xisbiyada qaran ee diiwaangashan, si loogu kuurgalo habsami u socodka hawlaha xisbiyada, iyo in xisbiyada la diiwaangeliyay ay yihiin kuwa shaqaynaya iyo in kale. Mas’uuliyiintii ka socday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo madaxda xisbiga UPD ayaa is-dhaafsaday aragtiyo lagu hormarin karo hawlaha xisbiyada iyo abuuridda jawi dimuqraadi ah oo suuratagalin kara in xisbiyadu si xor ah hawlahooda ugu qabsan karaan, isla markaana loo heli karo nidaam bulshada loogu wacyigelin karo nidaamka axsaabta badan iyo faa’idooyinkiisa, Xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka hawlaga xisbiga UPD iyo xaruntiisa cusub-ba, waxaana madaxda xisbigu soo dhoweeyeen hawlaha kormeerka guddigu ay wadaan iyo dadaalka guddigani ku bixinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, oo u dhacda qaab daahfuran oo xisbiyaduna ay kaalintooda ku leeyihiin.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka. Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira. Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka. Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.
  12. Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Ku qurba jooga West Burco Clan Waxan jeclaystay mar hadaan qurba joog aniga qudhaydu aan mudo dheer ahaa hadana aan waddan kii ku suganay in waxay ila tay fikir ahaan shirkii shalay ama casumadii ka dhacday Madaxtoyada somaliland aan idin la wadaago siday igu muqato. Waxa jirta in Gudi guud uu reer ku leyey oo la yidha Gudida Garaxjis kuna hadasha afka beesha arinka beeshuna iyaga ka Go’o. ! Waxa dhacday in markii la maqlay in Madaxweynuhu Garaxjis kula shirayo Madaxtoyada odayaal iyo aqoon yahan badani Burco ka hadleen iyaga oo leh talada reer ka Gudida Garaxjis bay ka Go’daa , Manshalaa aniga qudhaydu waxan aad u so dhaweyey arinta markii an tv ga ka dawaday iyo habeen kii xigey markii aan Gudida Garaxjis iyagana TV ga ka dawaday aniga oo u arka yey raga taga inay gudidii reer ku doortay ay barbar ordayaan oo taladii ku haystaan. Hadaba casumadii iyo waxay ku Saabsanayd hadii aan eegno gebiga casumadu waxay ku sabsanayd inu Muse Bixi oo markii hore intanu bari u anbabixin loga dhigayey ama u haystay in aan lana so dhawyneyn uu caqabado kala kulmi doono haduu Berbera bari u dhaafo sidii dhaqan ka rer ku ahaa cid waliba way ka dheregsan tay sidii hagrasho la’aanta ahayd ee loo soo dhaweyey tii waxay ku dhalisay inu inta karaan kisa ah uu casumad u sameeyo si uu u yidhaa Thanks sidas ayay na u dhacday waxaynu ognay in aan gudida garaxjis haduu xata casumi laha anay casumada ka qayb galeen marka intii madax dhaqameed iyo shicib uu heli kara yey inu isugu yeedho intii iman kareysay way timid si fiican bay u dhacday . 1 – Cuqaaasha shirka ka qayb gashay arin ay Garaxjis ku matalayeen oo masiirka reer ka ah kamay hadal iyaga oo arinta u dhafayey cidii loo igmaday oo ah Gudida West Burco Clan . 2 – hadii laga tegi waayo Suldaan Mohamed Hersi qani ayaa khudbadisii ku daray oo yidhi Hadii Madaxweyne ay sidaa kugu wayntay So dhaweyntii Gobolada Bariga ee West Burco Clan hadana aad leeday tabashoyinkii Gudida Garaxjis Miiskay ii saran yihiin waxa aan jeclaan lahayn in hordhaca aanu ka argano waliba horta Inaad Muj Ahmed Adib aad faraha ka qaado markii uu khudbadisii dhameyeyna wuu baxay iyada oo Muse bixi yidhi suldan Mohamed Hersi qani codsigisi waan aqbalay Ahmed Adibna hada laga bilobo waa fasax. Ujedadaydu waxa weeye . oo wax lala yaabo ah ma arkaysid reer Salaadinteda ama Cuqaaasheeda facebook ku cayda Kuwa West Burco Clan lakiin kuwa caaya waxa u badan qurba jooga oo aan imika idhaa tolow halkan ay ka eegen waa xagee hore waan u arkay 24 sacdood ee u danbeyey na waan arkayey Suldaan Mohamed Abdiqadir iyo Suldaan Mohamed Hersi qani oo facebook lagu cayayo. Qaar baa leh Ahmed Adib marka horeba denbi muu galin waa run aniga qudhayduna sida aad u aragto ayaan u arkaa lakiin ma inu iska xidhnaado ayad ka jeclayd qofka xaq ama xaqdaro kii la rabo halagu xidhee inu soo baxo ayay dantu ku jirtaa kalmada iyo casumada ayaana sabab u noqotay inu suldaan Mohamed Hersi qani la faideysto ilahay na wuu la qabtay . Waxa gaf ah inaad cuqaaasha mesha tagtay aad ka dhigto dad lacag loo qaybiyey ama mansab yo lagu maamusay ama qado u doontay . Arinta iyo talada garaxjis waxa loo igmaday Gudida West Burco Clan hadii cidi masiirkii reer ka ama taladii reer ka ay boobaan yidhahdan anaga ka masula sidas ayanu rabnaa iyo sida ha la yeelo waa meel ka dhac . Dawlada iyo dalka waa la wada leyey warqad fasaxa cid dan u leh dawladu cid ay ka qadanaysa ma jirto muhiim ku waa arinta kaga xidhan dawlada office kad uga bahntay ka so dhamayso adigu . Maaha in laga dhigo cidi dawlada aragta inay tahay cid diinta ka baxday waxa qalad ah marka ama suldaan ama shariif uu masiirki Gudida West Burco Clan loo igmaday uu ka hadlo . Cayda joojiya cuqasha iyo suldanada aad la daba socotaan, Qof waliba waa xor hadad argtidayda ila qabto iyo hadad mid ka duwan qabto, Mahdsanidin Dulucda sheekadaydu waxa weeye inan cay uun anad kula dul kufin cuqaaasha oo aanad ku go’aan qadan Muse Bixi ayay la kulmen ee bal horta war ka iyo waxa la is yidhi iyo ujedada hubi oo xaqiiqda markad hesho ku Go’an qaado. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Hargeisa/Somaliland Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Qaran News
  13. It will be difficult for Kenya to pull out its troops from Somalia. This can only happen if the war-torn country attains peace, Foreign Affairs Permanent Secretary Macharia Kamau has said. Speaking during a four-day workshop in Nairobi, yesterday, Mr Macharia said the contribution of the Kenya Defence Forces (KDF) in the horn of Africa was unavoidable.“It is easy to get into peace building in Somalia. But it is hard to get out. This is because of our peace enforcement capabilities,” said Macharia. KDF has been in Somalia since 2011. Critics have been calling for withdrawal of the soldiers from the troubled country. President Uhuru Kenyatta has, however, stood steadfast against pressure to recall the troops.He said it would only happen when peace was realised in Somalia. During his keynote speech, Macharia repeatedly expressed confidence that Kenya’s peace-building contribution in Somalia would yield fruit.
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-090119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhaleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay. Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku iudan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in aan gorgortan laga geli doonin dhulka Somaliland qabsatay appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Sicid C/laahi Deni ayaa Waraysigiisii ugu horeeyey oo lala yeesho wuxuu uga hadlay arimo dhowra. Madaxweyne Dani wuxuu hoosta ka [...] Source
  17. PRESS STATEMENT 02/2019 Mogadishu – The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, [...] Source
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu sii jiri doono, oo aanay waxba iska beddeli doonin. Deni oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan. Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin, sida la filayey. Golahan ayaa waxaa ka baxay saddex madexweyne oo kala ah Waare, Shariif Xasan iyo Gaas, waxaana hadda ku haray Deni iyo Xaaf. Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  19. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe, ayaa ka hadlay doorashadii shalay looga guuleystay, isaga oo farriinna u diray shacabka Puntland. Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland loo doortay, isaga oo sheegay in si xor iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada, islamarkaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah. “Puntland waa mid mana kala lahan qabiil iyo reer iyo gobol” ayuu yiri Gaas. Gaas ayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu baaqay inay shaqooyinkooda sii waataan, isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha dowlad goboleedka Puntland. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono, waxaana shacabka iyo ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan. Waa shirkii jaraa’id ugu horeeyay ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24 saac kadib markii looga adkaaya doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday magalada Garoowe. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-Madaxweyne-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Caasimada Garowe waxay manta ahayd mid Feysto iyo shaahaysi ka socdo, waxaa la hadal hayaa isbadalka siyaasadeed ee ku soo kordhay Puntland. Madaxweyne Sciid Cbdullaahi [...] Source
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] oo uu wehliyo wasiiru-dowladaha wasaarada iyo xubno kale, ayaa maanta booqday Isbitaalka ciidaamda xooga dalka ee ku yaala magaalada Muqdisho. Isbitaalka oo loo yaqaano “Martini” kaasi oo saameyn uu ku yeeshay dagaaladii dalka ka dhacay, ayaa waxa uu Hoy uyahay halyeeyadii ku naafoobay dagaalkii 1977-dii ee Soomaaliya iyo Ethiopia. “Waxaan ka dhageysanay baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan,” ayuu Wasiirku u sheegay warbaahinta, isaga oo intaasi raaciyay inay dowladdu kasoo jawaabi doonto waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Booqashada wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo dhowaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharci xuquuq-siinaya ciidamadda qaranka usoo halgamay iyo kuwa haatan difaaca dalka ku howlan. The post Wasiirka Difaaca XFS oo booqday Isbitaalka Martini appeared first on Shabelle. View the full article