-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay 57 askari ka dileen ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom, meydadkana gacanta ku hayaan kadib weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhano iyo Buur-hakaba. Weerarka oo ku bilawday qarax Miino oo ciidanka Itoobiya lagula eegtay aagga Buundo Madow ayaa haleelay gaari nuuca xamabaara ciidanka. Waxay sheegeen Shabaab in sidoo kale khasaare dhaawac ah gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, islamarkaana ilaa Todobo gaadiidka dagaalka ah ay la wareegeen. Ururka Al Shabaab gaar ahaan guutada jugta culus ayaa ku faanay inay madaafiic ay ku garaaceen saldhigga ciidanka Itoobiya ee Degmada Buurhakaba, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen ciidan gurmad ah. Ciidanka la weeraray oo gurmadyo kala duwan ay soo kala gaareen ayaa bilaabay hawlgal ay ku raadinayaan Shabaabkii weerarka la eegtay, waxayna doonayaan inay ka aar gutaan Shabaab. Ilaa hadda saraakiisha Itoobiya weli kama aanay hadlin weerarkan Mintidiinta Al Shabaab ay ku sheegteen inay ku dileen 57 askari. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka dowladda Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday. Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar dabagal ah ku qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya iyo milatariga Soomaaliya oo marayay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Weerarka oo ku bilowday qarax nooca Miinada ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay iska hor-imaad toos ah oo dhex-martay labada dhinac, taasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab oo baraha ay ku leedahay Internet-ka uga hadashay dagaalkaan ayaa sheegatay inay weerarkaan jidgalka ah ay ku dishay ku dhawaad 57 kamid ah ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM. Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka gobolka ee hoos-yimaada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Kolanyada la wareeray ayaa kasoo baxday xero ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba, iyaga oo kusoo wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed. The post Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis-ababa) Qaxootiga ku nool Itoobiya Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah. Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka waxaa kamid in dad qaxootiga ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtooda ay wax ka bartan Iskuulada dowladda. Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha. Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan milyan qof oo kasoo qaxay dalalka deriska halka 2 milyan qof oo kasoo barakacay gudaha dalka ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanno aanan tiradoodu badneyn inkastoo qaar kamid ah ay muujinayaan walaaca ah in qaxootiga ay la wareegi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay dadka Itoobiyaanka ah ee aanan wax shaqo heysan. Waxaana la filaya in tallaabadan ay waddada u xaarto qorshaha dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in dadka qaxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaasi. Source
-
(SLT-Nairobi)Laanta dembi baarista ee kenya ayaa maalin kahor ku howlanaa uruurinta xogta iyo faahfaahinta labo kamid ah ragi weeraray dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi. Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa kusoo waranatay in raggii weerarka geystay lagu kala magacaabo Eric Kinyanjui oo 26 sano jir ah iyo Farouk, kuwaasi oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan deegaanada Kiambu iyo Nyeri. Eric Kinyanjui, ayaa la sheegay in uu ka yimid tuulada Ngecha oo ka tirsan deegaanka Limuru halka Farouk-na la sheegay in isna in uu ku dhashay oo uu ku koray isku raranka Majengo ee magaalada Nyeri. Booliska ayaa shegay in ragii weerarka geystay ay jeebabkooda ka soo saareen dukumiintiyo u muuqday in xogtooda laga helay, waxaana ay dowladdu shegtay inay kamid ahaayeen shantii nin ee shalay lagu toogtay gudaha hoteelka DusitD2. Inkastoo warbaahinta maxaliga ee Kenya ay sheegtay in la helay maclumaadka qaar kamid ah raggii weerarka geystay ayaa haddana waxaan la ogeyn fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan raggii kale ee iyaguna ka qeyb qaatay weerarka. Ali Salim Gichunge oo loo yaqaano Farouk ayaa la sheegay in uusan u muuqan qof xiriir la leh koxaha mintidiinta, waxaana dadkii yaqiinay ay shegeen in uu ahaa qof iska caadi ah oo ku noolaa noolal dhexaad. Dariska xaafaddii uu deganaa ee Ruaka ayaa Farouk ku tilmaamay in uu ahaa qof iska caadi ah, balse waxa uu caan ku ahaa oo lagu yaqaanay gaarigiisa oo uu ka dhageysan jiray miyuusik cod dheer. Waxa uu xaafadaan oo ku taalla ismaamulka Kiambu ku noolaa tan iyo 21-kii Maarso ee sannadii tagay. Waxay dhawaan qaateen diinta Islaamka, waxaana la aaminsan yahay in ay qaateen mabda’a Al-Shabaab. Askari ka tirsan baaraayasha kiiska ragga weerarka geystay ayaa sheegay in labadooduba la aaminsan yahay inay tageen Somaaliya halkaas oo ay uga mid nqodeen ururka Al-Shabaab. Ugu yaraan 21 qof ayaa naftooda ku waayay, halka tobaneeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka. Ciidammada gaarka ah ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israaiil ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa samata bixinta dadkii ku jiray gudaha dhismaha DusitD2 oo dowladdu ay sheegtay in laga soo badbaadiyay in ka badan 700 oo qof. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-18012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarada Qorsheysan ee Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan ayaa la sheegayaa inay ka dhashaan cadaadiska ay kala kulaam reer Galbeed. Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee la eegtaan Al Shabaab ayaa la sheegaa inay leeyihiin saameyn fog oo abuuri karta inay abaabulaan weeraro qorsheysan oo ay la eeganayaan saldhigyada ciidamada, hoteelada iyo meelo ka baxsan Soomaaliya. Wargeyska Washington Post ayaa daabacay in marka laga yimaado weerarkii Al Shabaab ee dalka Kenya khasaaraha ka dhashay inay ka dhigan tahay, in AL Shabaab ay ka jawaabeen duqeymaha ay kala kulmaan Mareykanka. Mareykanka ayaa sanadkii tagay duqemo badan la eegtay Al Shabaab waxaana la sheegay inay ka fuliyeen Somalia 47 Duqeyn, taasi oo ka badan sanadkii ka horeeyay ee 2017 oo lala eegtay inka badan 30 duqeyn. “in kasta oo duqeymaha ay waxyeeli karaan awoodda Al-shabaab waqtiga dhow, laakin lama hubo sida ay uga hortagi karaan inay dib isu aruursadaan” sidaasi waxaa yiri Lauren Blanchard, oo ah falanqeeye ka howl gala the U.S. Congressional Research Service. Khubaro ayaa The Washington Post u sheegay in duqeynta ay cadaadis saareyso kooxda balse aaney meesha ka saari-doonin inay dib isu aruursadaan, saameynta fog ama weerarro qaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Sarkaal sare oo uhadlay ciidamada Midowga Yurub ayaa amaanay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Esa Pulkkinen, oo EU-da uqaabilsan dhinaca tababarada iyo qorsheynta ayaa xusay in taageeradooda cusub ay noqon doonto mid laysku halayn karo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in ciidamada midowga Afrika ay door muuqata ka qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya. Mr Pulkkinen oo midowga Yurub uqaabilsan dalalka Mali iyo Soomaaliya ayaa qiray in xaalada Somalia ay kasoo hagaageyso sidii ay ahayd sanado hore. Hadalkaan kasoo yeeray sarkaalka oo dhowaan yimid Muqdisho ayaa kusoo aaday xili dalalka ciidamada ugu deeqay AMISOM ay xuseen in aysan askartooda kala baxayn Soomaaliya inta ay jirto halista Al-Shabaab. The post Midowga Yurub oo kordhinaya taageerada AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sheikh Kenyaawi ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu bixiyay wuxuu kaga hadlay hadalkii kasoo yeeray xildhibaan Mahad Salaad ee ahaa inuu dhaqaalo ka qaatay dowladda Soomaaliya. Sheikh Kenyaawi, ayaa horeyn si cad u sheegay inuusan wax dhaqaalo ah ku qaadan muxaadarada uu ka jeedinayo garoonka kubadda cagta ee Koonis, waxaana uu sheegay in Alle dartii ay ka tahay. Wuxuu ka jawaabay inuu ku milmay siyaasadda Soomaaliya iyo warar kale oo sheegaya in xildhibaan Mahad Salaad uu dil ugu hanjabay, kaasi oo saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada laga hadal hayay. Sheikh Kenyaawi ayaa sheegay in dad been abuurka ka shaqeeya ay sameeyeen arinta lagu qalqal gelinayo amaankiisa, waxaana uu sheegay in Xildhibaan Mahad Salaad uu yahay Abtigiis, waxaana uusan kala kulmin. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta hadba xaaladda taagan ku hal qabsadaan, isagana uu soo dhexgalay arin taagneyd oo ah khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka. “Mahad Salaad waa Abtigey, iimana hanjabin mana laga yaabo dad been abuurka ka shaqeeya ayaa isku keenay sawirkiisa iyo keyga, iyaga oo bastoolad soo dhexgeliyay, meelo badan ayaa laga iga soo wacay oo dadka wey aamineen, Waa been anigaa idiin xaqiijinayo”ayuu yiri Sheikh Kenyaawi. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa shaaciyay inuu cafiyay Sheikh Kenyaawi oo ay isku weerareen baraha Bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baraawe (Sh.M.Network) – Cabdifitaax Maxamed Nuur, gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan looga hadlay amniga oo ka qabsoomay degmadaasi Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, waxaana diirada lagu saari sidii loo adkayn lahaa nabad-gelyada. Gudoomiye Nuur ayaa shaaciyay inay isku afgarteen qodobadii ay kawada xaajoodeen, isaga oo carabka u adkeeyay in amaanka degmada uu haatan yahay mid laysku halayn karo kuna shaqayno karo maamulka. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Baraawe uu tegay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii maamulkiisa uu ugu wareegi lahaa xaruntiisa rasmiga ah ee Baraawe. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/od.mp3 The post Kulan looga hadlay amniga oo ka dhacay Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Sh.M.Network) – Saciid Cabdullaahi Deni, madaxwaynaha cusub ee Puntland ayaa magacaabay Guddi, kaas oo ka shaqaynaya dabagalka iyo tirakoob lagu sameynayo hantida dowlad goboleedkaan. Cabdullaahi Maxamed Jaamac [Quraan Jecel], afhayeenka Puntland, oo warbahinta la hadlay ayaa shaaciyay in Guddiga ay horkeeni doonan Gollaha Wasiirada maamulkaan warbixin ku aadan waajibaadkooda. Mr Quraan Jecel ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxwayne Deni uu faray Guddiga inay si deg deg ah ku howlgalaan, islamarkaana ay usoo gudbiyaan guud ahaan cadadka hantida ay leedahay Puntland. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in macluumaadka laga sugayo Guddiga ay ku qotonto tirada gaadiidka, agabyada sida xafiisyada iyo hantida si aysan ugu tagrifalin madaxdii hore. Tan iyo markii la doortay 8-dii bishaan, Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa waday dadaalo xooggan iyo isla-xisaabtan dhab ah oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa. The post Madaxwaynaha Puntland oo magacaabay Guddi dagabal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xudur (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay qaadayaan weerar qorsheysan oo ay doonayaan iney kusoo daayaan caruur badan oo ay sheegeen inay afduubteen Al Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka warhayaan in ciidamada Alshabaab ay afduubteen caruur badan oo ay doonayaan inay askareeyaan ama lacag ku badashaan, islamarkarkaana ay kasoo furan doonaan. Cabdulaahi Maxamuud Ugaas abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool ayaa sheegay in caruurtaasi Al Shabaab ay ku hayaan deegaan u dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool. “Waxaa la sheegay in 70 ka badan oo ciyaal ah inay ku heystaan meel sagaal KM inoo jirta, labo maalin ka hor ayay bilaabeen inay caruurta Afduubtaan, waxay ku gorgortamayaan Kun doolar, mana aqbaleyno in la dhiibo anaga ayaa soo furan doono”ayuu yiri abaan duulaha. Wuxuu sheegay inay ciidamada hadda wadaan abaabul ay kusoo furanayaan caruurtaasi uu sheegay inay Al Shabaab qafaasheen. “Waxaan balan qaadaneynaa meel kasta oo ay la aadaan inaan la aadi doono, waan ku raad joognaa, haddana ayaana bilownay dhaqdhaqaaqyada ciidamada ku doonayaan inay caruurtaasi kusoo furtaan”ayuu yiri Korneyl Ugaas. Marka la yimaado hadalka saraakiisha ciidamada dowladda, waxaa deegaanka maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa cabasho ay muujinayeen dadka deegaanka oo ah in laga qafaalanayo Al Shabaab si lacag loogu helo caruurta. Caasimada Online Xafiiska K/Galbeed Caasimada@live.com
-
Afgooye (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xalay qabsaday suuq ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dabka oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan waxa sababay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro baaxad leh oo mid hantiyadeed. Ku dhawaad 20 goobo ganacsi oo lagu iibiyo alaabta maacuunta ayaa lagu waramayaa inuu sameeyay Dabka. Dadka degaanka oo is-xilqaamay ayaa ku guuleystay inay baq-tiijiyaan Dabka, maadaama degmada iyo gobolka uusan lahayn gaadiidka dab-damiska. The post Khasaaraha dabka qabsaday Suuqa ku yaala Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-18012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xog dheeraad ah ayaa kusoo kordheysa weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen hotelka DUsit ee magaalada Nairobi, kaasi oo dowladda Kenya ay sheegtay inay ku dhinteen 21 ruux. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid kamid ah ragii weeraray hotelka uu ahaa wiil uu dhalay askari Kenyan ah, kaasi oo aan la ogeyn sida uu kaga mid noqday kooxda Al Shabaab oo masuuliyada sheegtay. Wiilka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Saalim, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa ragii hogaaminayay weerarka ka dhacay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegeen inay ku dileen 47 ruux. Waxaa la sheegay in Cali Saalim uu wax ku bartay kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse markii dambe uu ka badbaaday barashada Diinta Masiixiga. Xaaskii uu qabay Cali Saalim ayaa xabsiga la dhigay, waxaana ku socdo baaritaano dheeri ah, iyada oo laga yaabay markii wiilka askariga uu dhalay falkaasi sameeyay. Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay inay baaritaan ku sameyn doonaan dhamaan dadka uu galo raadka la xiriira weerarkii ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
DF oo ka hadashay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Sudan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Danjiraha ee dalka Suudaan Cabdirisaaq Axmed Shoole oo xafiiskiisa ku qaabilay ehelada iyo qaraabada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan ayaa uga warbixiyey xogta rasmiga ah ee laga hayo falkan iyo dadaallada ku qotoma arrinkan ee Safaaraddu ay waddo. Danjire Shoole ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada marxuum Cabdisamad Batuun Kaahin, kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Hargaysa si ay goob joog uga noqdaan hannaanka sharci ee socda, kaalintoodana ay uga qaataan dhammeystirkeeda. Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudan. Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Safiirka soo dhaweynta wanaagsan iyo sida masuuliyadda leh uu ugu istaagay dhibkii dhacay. Dowladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo. The post DF oo ka hadashay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Sudan appeared first on Shabelle. View the full article -
Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Karaash oo Baydhabo ku kulmay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowada Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay wada shaqeeyn lahaayeen Puntland iyo dowlada dhexe. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweyne Farmaajo la qaatay xubo kale oo katirsn madaxda madaxda maamul goboleedyada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wadashaqeeynta madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Dhowaan magaalada Baydhabo waxaa ka dhacday xaflad lagu caleema saarayay madaxweyne cusub ee Koonfur Galbeed Lafta Gareen. Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Gal-Mudug iyo Jubbaland ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe aanay ka qeeybgalin xafladii caleemasaarka ee Baydhabo . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Karaash oo Baydhabo ku kulmay appeared first on Puntland Post. -
Iyaga oo ka jawaabaya sida uu Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’el , Al-shabaab waxaa ay todobaadkan 19 saac heysteen Hotel ku yaalla Nairobi iyaga oo halkaasi ku dilay 12 qof. Sida ay qortay jariidadda afka dheer ee The Washington Post, marka laga soo tago dilka iyo khasaaraha hantiyeed iyo midka nafsiga ah ee soo gaaray dadka Kenyaanka ah, Al-shabaab waxaa ay sidoo kale ka jawaabayeen duqeynta Mareykanka u geystaan. Sanadkii tagay 47 jeer ayey Mareykanku duqeeyeen fariisimaha Al-shabaab, taas oo ka badan sanadkii ka 2017 oo ahaa 31 duqeyn. 2018 waxaa ay Al-shabaab duqeymaha looga dilay in ka badan 300 oo December keliya laga dilay 62 qof. Khubaro ayaa The Washington Post u sheegay in duqeynta ay cadaadis saareyso kooxda balse aaney meesha ka saari-doonin inay dib isu aruursadaan, saameynta fog ama weerarro qaadaan. “in kasta oo duqeymaha ay waxyeeli karaan awoodda Al-shabaab waqtiga dhow, laakin lama hubo sida ay uga hortagi karaan inay dib isu aruursadaan” sidaasi waxaa yiri Lauren Blanchard, oo ah falanqeeye ka howl gala the U.S. Congressional Research Service. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hawlo ugaadhsi ah ka joojisay, islamarkaana cayrisay niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland. Raggan u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa waxay socdaal ku tageen deegaano ka tirsan gobalka Saaxil, iyadoo dalxiisayaal u muuqday, waxase la sheegay inay hawlo ugaadhsi dhinaca shimbiraha ah ka bilaabeen deegaanadaas. Wararka ayaa sheegaya in ay hay’adaha ammaanka Somaliland ka joojiyeen hawsha ugaadhsiga, ka dib markii ay dadka deegaanku soo wargeliyeen ciidamada ammaanka. Kooxdan oo uu weheliyay wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhoofay madaarka Cigaal iyagoo ay tiradoodu ahayd 18 ruux. Inkastoo ay nimankani ka dhoofeen qolka VIP ee madaarka Hargeysa, haddana waxa la dareemayay in bixitaankoodu u muuqday qarbo-qarbo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, oo arrintan waxa laga weydiiyey ayaa yidihi “Anigu cid la mustaafiyey iyo cid kale ma aqaano, mana maqal cid xoog lagu mustaafuriyey, laakiin waxa jiray nin Imaaraadka ah oo dalka joogay, oo arin yar la isku afgaran waayey, ee ciddina ma mustaafurin, xoogna laguma mustaafurin, ee isaga ayaa iskii u tagay”. Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in nimankaasi ugaadhsanayeen qaar ka mid ah duur-joogta gobalka Saaxil, xukuumaduna ka joojisay, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi “Waxay doontaba ha noqotee, haddii uu ninkaasi tagay, isaga ayaa iskii u tagay, kolay Dawladdu xoog kumay mustaafurin, mana maqal” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Machad la yiraahdo ( Overseas Development Institute ) lagana leeyahay Boqortooyada Ingrisiiska ayaa loo xil saaray kala saarista iyo kala reebidda ku dhawaad 150 qof oo dalbaday shaqadii ay dawlada Soomaaliya ku xayaysiisay warkays Ingriiska laga leeyahay ( financial times ) laguna bixiyay aduun gaaray $26 kun oo Doolar. Waxaa la aas aasay 1960 kii markay dhulal badan oo Afrikaan ahi xoriyadoodii kala soo noqdeen Ingriiska oo horay u xoogay , xaruntan waxaa haattan maareeye ka ah sarkaal horay uga tirsanaa CIA , gadaalkii kasoo shaqeeyay USAID Afqaanistaan , khubarada Machadka waxaa ku jira saraakiil dhawr ah oo horay uga tirsanaa MI6 Britain ahaana baarayaal dhaqaale, aqoon dheerna u leh dhaqaalaha adduunka sida loo kobciyo iyo dabcan sida loo dumiyo ama loo hanto. Wasiir bayle wuxuu ku dhex dhacay laba dab oo kala daran , tan iyo intuu noqday wasiirka waxaa yaraaday xoolohii la xadi jiray waxaana kordhay dakhligii dalka , wuxuu kusoo rogay canshuur shaqaalaha shisheeye ee dhooban Xalane iyo xamar , shisheeye badan oo xoolo inay dhacaan u joogay xalane ayaa ninkaan karhay , cadawgiisa koobaad waxaan filayaa inuu yahay shisheeyaha maanta Xalane dhooban iyo askarta Afrikaanka ah ee mushaar sanadoodkoodii ku hela bil joogidooda Soomaaliya. Waxaa dhanka kale dab uga shidaya Ganacsatadii Siyaasadda Soomaaliya oo uu ka yaraaday dhaqaalihii kusoo qulquli jiray jeebabkooda , waxayna ku haminayaan inay si uun shaarkiisa dhoobo ugu daadiyaan loogana tuuro kursiga kadeeday kulli shisheeye iyo sokeeye wixii dalka u haystay inuu yahay Mashruuc laga ribxo. Bangiga dhexe shaqada ka banaan ee muranka dhalisay kana aamusan yihiin dhaqaala yahanno badan oo soomaali ah inay dadka dajiyaan ama kiciyaan hadba kii dalka iyo dadka u roon, waxaa ay Dawladdu Xamar ku casuuntay 6 qof oo ay ku jiraan Gabar Masaari ah , Nin u dhashay Gaana , Gaalka laga qaylinayo iyo Nin uu dhalay Caaliminkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Aadam Sheekh C/Laahhi ( Raadiye Muqdisho ka marin jiray Tafsiirka Quraanka Kariimka ) dhammaan dadkaan sida aan xog ta uga helay xog hayn sare dadkan way leeyihiin aqoon ku filan inay maamulaan Bangiga dhexe maxaase muranka keenay ? Nigel Roberts waa dhaqaale yahay u dhashay Boqortooyada Ingiriiska , wuxuu ku biiray Baanka Adduunka markuu ‘’isaga tagay’’ Hay’adda nabad sugida Boqortooyada , wuxuuna kasoo shaqeeyay dhulal ay ka mid tahay Marinka Qasa oo ah saldhiga wax iska caabinta dhabta ah ee Falastiin , Itoobiya oo markaas ka mid ahayd Bahwayntii Hanti-wadaagga waa nin muddo dheer ku dhex jiray kana shaqeeyay Soomaaliya oo ay ku hardamayaan Xoogag ‘’Islaamiyiin’ ah qaar badan oo soomaali ahna ay shaki ka qabaan cidda siisa dhaqaalaha iyo dhaq dhaqaayada ay sameeyaan sida loo maareeyo . Nigel wuxuu ka mid yahay Shirkadda muranka badan reebtay Som Oil And Gas oo uu R/W Khayrre wax ku leeyahay. Isku soo duub Shaqada oo ay Mushaarkeeda uu bixin doono Bangiga Adduunka oo aan 3 dii bilood ee na dhaaftay bixin mushaaraadka shaqaalihii uu siin jiray mushaarka kadib markuu Wasiir Bayle ku dooday in lacagtaas lasoo marsiiyo Bangiga dhexe oo ay Dawlada Soomaaliya bixiso , halka Bangiga Adduunkuna uu matalay inaan la aaminayn Soomaalida , waxaa suura gal ah in lagu qasbo Soomaaliya oo maalmo dhaw cayrisay Ergay aan la jeclaysan xarumaha dawladda , Nigel oo ay adkaan doonto cayrintiisa, raadka u ku reebayo jiilasha Soo kacaya ee qaayibi doona in nin shisheeye ah maahane aan lagu aamini doonin dalka ilihiisa dhaqaale qof Soomaalia ah. Waxaan waydiisanayaa Dhaqaala yahanka Soomaaliyeed ee dunida ku baahsan inaysan kala bakhaylin aragtidooda waliba ku qoran Af Soomaali inay la wadaagaan wanaag iyo xumaan waxa ka imaan kara haddii qof shisheeye oo aqoontiisa looga maarmi karo Qof Soomaali ah waxa ka dhalan kara dhibaato iyo dheef waxa laga dhaxli karo. Waxaan qabaa shaqaalaysiinta ninkaan shisheeye ee shubhadu ku jirto waa sahlan tahay waxaase imaan doonto maalin ay adagtahy in la cayriyo , cunaha yaan la qaban oo yaan shisheeye loo loogin dadka iyo dalka. Sudan markay qaadanaysay talada Bankiga Adduunka sarifku wuxuu ahaa $1=7 Gani oo Sudani ah, durba marii la dhaqan galiyay Taladii Bankiga Adduunka wuxuu gaaray $1=18 Gani oo Sudani ah ( Aljazeera) . F Xiirane (NSS 1976-1991 ) fahiira@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Puntland oo dhisan 20 sano wali kama korin nidaamka qaabiilka ah ee ay maamul ahaan ugu dhisan yihiin, wax ku qeybsadaan. Wey ku adkaatay in sida Somaliland, haba kala sinnaadeene qaabka qaabiilka ee ay ku dhisan yihiin in ay kaga daydaan nidaamka axsaabta badan ee lagu galo doorashada qof iyo codka. Putland waxa ay ka kooban tahay Gole Baarlamaan, fulin iyo garsoor walow tan dambe aysan si wanaagsan u hana qaadin. Tusaale Golaha shacabka oo 66 xubnood ah waxaa tirada ugu badan ku leh Sool clan (17) halka 31 ay leeyihiin Majeerteen. Xukumadda ugu yaraan 4 Wasiir ayey Sool clan ka helaan, Madaxweye ku xigeen iyo jagooyin tiro badan oo kale. Sidaas oo ay tahay, waxa ay reer SSC is weydiinayaan iyo bullshada caamka ah hadafka laga leeyahay saamiga xoogga leh hadana ASAL ma doorshaha ah? Waa dhab daka reer SSC dareenka ay ka qabaan xubnaha ku matala Puntland oo ay wax walba ku waayeen sida kaaramadoodii iyo qiyyimkii ay bulshada ku dhex lahaayeen. Aniga oo jooga magaalada Laascaanood, xudunta Sool clan, waxaan halkan ku cabirayaa dareenka saxda ah ee bulshadaas iyo afar sababood ee gundhig u ah in reerkaas saami aan waxba bedelin oo aan codkooda la maqal uga helaan Puntland, ex Majeerteeniya. 1 – Cayilinta dhulkii la oran jiray Majeerteeniya Puntland sharcyan (Legally) iyo si muuqata (Practically) waxa ay ka kooban tahay laba gobol iyo bar (Bari, Nugaal iyo Mudug oo bar ah). Si ay u cayyiliso maamulkaas waxa ay magac ahaan u adeegsataa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay inta badan cag galin Karin. Waa istaraatijiyad ay ugu talo galeen in ay ku cayiliyaan maamulkooda ama dhulkii loo yaqaanay Majeertinya. 2 – Dagaallada Gaalkacyo Magaalada Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dagaalo qabali ah oo u dhexeeya beesha Sacad eek a tirsan Habargidir iyo Majeerteen. Waagii hore, Majeerteen waxa ay dagaalka magic Harti ku galin jireen Sool clan iyo Leelkase oo ay ugu sheegeen jireen in Mogadishu Clan u dhan yahay dagaalka, balse markii dambe u cadaatay in Jifida reer Jalaf ee ka sii baxda Habargidir in aan lagu wehelin dagaalka Gaalkacyo, taas waxa ay keentay in aan Sool clan dagaalkaas mar dambe lagu arag maadama ay ceebsadeen in la’isugu tago jifo hoose oo Habargidir ka baxda, magic dil ku tahay Daarood weyne, laakiin wali waxaa ku haray in yar oo ka tirsan ciidamado lagu shego Daraawiish. Waa mid ka mid qodobkan ujeedooyinka Sool clan lagu siiyo xubnaha badan ee aan waxba badali Karin ee Puntland. 3 – Saami qeybsiga Soomaaliya Waa hadafka ugu weyn iyo halka uu sharaf dhaca Sool clan ugu daran yahay. Puntland oo cayilan, weyn waxa ay keentaa in Muqdisho looga helo saami qeybsi siyaasadeed oo ballaaran. Si Majeerteen ugu gor gortamo jagooyinkaas Muqdisho waxa uu Sool clan siiyey xubno badan oo Puntland balse uga go’an Soomaaliya. Tusaale, waxa ay la dagaalameen maamulkii Khaatumo, waxa ay soo xulaan xubnaha Sool clan ku metela Soomaaliya oo reerku ma leh iqtiyaar siyaasadeed. Taas waxa ay keentay in haddii Mogadishu Clan helo Madaxweynaha Majeerteen aysan jirin Mareexaan mooyee cid kula tartanta xilka Raisul Wasaaraha. Waxaa ka sii yaab badan, haddii ay waayaan Raisul Wasaaraha waxa ay qaataan Wasiirka A-da ah ee xukumadda. Sool clan waa garan waayey haddii Majeerteen Puntland ka yahay Madaxweyne ay iyagu qaataan Wasiirka A-da! Tusaale, beesha Direed waxaa ugu badan Isaaq iyo Awdal Clan, marka ay Somaliland ahaan wax u qeybsadaan, Raisul Wasaare ku xigeenka waxaa qaata Isaaq halka Awdal Clan ay helaan Wasiirka A-da! Saddexdaas qodob ee aan kor ku soo sheegay waxa ay ASAL u yihiin siyaasadda labada Wajiilenimada ah ee ay Majeerteen kula dhaqmaan Sool clan iyo dhoohnaanta SSC. W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Jaamac Laascaanood, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Shalay, sow Heysom looma ceyrin inuu, madaxbanaadida dalka ku xadgubay?. Oo miyaanay xadgudub aheyn in nin ajnabi dartii dastuurka dalka loo bedelo si uu xil uga qabto! Sow ra’iisul wasaare Kheyre kuma goodin, karaamada dalka shacabka Soomaaliyeed ayaan ka raadineynaa, cid kale maya?, Ma karaamay u tahay shacabku, iyadoo nin Soomaali joogo, in mid ajnabi ah bangiga dhexe loo dhiibo! Sow madaxweyne Farmaajo ma balanqaadin, inuu dastuurka ilaalinayo?, Sow isagii ajanabi dartii maalin cad loo bedelay! Taasi hadday dhacday, kolka ma weysaa dhowran. Hasha maankayga gaddaye, ma Masaar bay liqday?!! Isma laheyn, nimankii madaxii UN-Ka dalka ka ceyriyay, baa maanta ajnabi kale bangigii umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyay madax uga dhigaya. Wixii shalay golaha baarlamaanka ka dhacayse, maankeyga liqi waayey. Waa marka hore e’,xaajo tuur leh baa nin la toosane. Sida fudud ee sharcigii shalay baarlamaanka ku ansixiyay la yaab bay aheyd. Waxaase yaabka isag bi’in kartaa, in xildhibaanka codeynaya lagu soo xulay xaal aad xog-ogaal u tahay. Waxaanse ka murugooday, sida mustaqbalka dalka noqon doonno, mar haddii, masiirka dalka wax ka bedeladdiisa ay iska noqotay mid habeenkii lagu haasaawo, maalintiina baarlamaanku meel mariyo. Sow ma dhici karto berri,in sharciyo badan sidas fudud loo bedelo, kaasoo diin ahaan iyo dhaqan ahaan na dhibaya? La yaab iguma ah, in dalka ajnabi ka howlgalaan, oo haddaba dekedda iyo gegeda diyaaradaha wey ka shaqeeyaan, waddamo badan oo caalamkana way ka jiraan. Waxaanse uur-kutaallo ah in dastuur dhan ummad u degsan in shaqsi ajnabi dartii loo bedelo si uu dalka xil uga qabto. Sagaaro saalo muuqatay aastaaye, haddiise aad leedahay Soomaali badan baa xilal ka haya galbeedka, haa waa runtaa, aanse ku xasuusiyo, kuwaasi, waa kuwa u hoggaasamay shuruucda dalkaas, bartay luqadiisa iyo dhaqankiisa, sharcina ku yimid dastuurna aan dartooda loo bedelin. Intaas fulinteeda halkeeda ha joogtee, Illaa iyo hadda ma hayno sharciga ajnabi xil noogu qabanayo iyo midka uu ku baxayo, waase la ansixiyay! Dhinaca kale, Ma waxaa la waayay, shaqsi Soomaali ah oo jagadaas ku habboon?, Ma waxaa laga cararayaa hab-qeybsiga beelaha ee 4.5?, Mise waxaa innagu qasbaya IMF-ta(Hey’adda lacagta adduunka)? Waa hubaal, inan la waayin shaqsi Soomaali ah oo qibrad iyo aqoonba u leh howshaas. Haddiise 4.5 caqabad tahay, Ma bedel fiican baa, in dastuur loo dooriyo si ajnabi loo doorto?, Haddiise ay tahay cadaadis ka yimid IMF-ta, sow taasi maaha ku xadgudub karaamada dalka iyo dadka? Sow ceeb iyo sharaf dhac kuma aha dalka iyo dadka Soomaalida oo dhan?, maadaama, tani caalamka tuseyso, liidnaasho iyo inan Soomaalida weli la aamini Karin aqoon sarena laheyn. Yeelkeede, Sow wasiirka arrimaha dibadda, BEEYLE, ma sheegin, in dowladdan sharuudo badan buuxisay oo xagga deyn cafinta kuwaasoo kaga yimid IMF-ta. Maxaa diiday isla waddadaas in lagu socdo iyadoon ajnabi looga baahan bangiga dhexe?! Aan soo yareeyee, Haddii madaxdi hore lagu xaman jiray, in ay si dadban dalka waxay doonaan ka yeelan jireen, sow lama dhihi karo kuwani, tiiyoo sharciyeysan bay dalka ka dhaqan gelinayaan. Ugu danbeyn, dalka waa la wada leeyahaye, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka fiirsato go’aamada halistooda leh ee dalka masiirkiisa danbe wax u dhimi kara, maxaa yeelay kuwa maanta jooga berri way tagayaan, laakin sharciga waa halkiisa. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Facebook: Abdinasir.safaana Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sida caadiga ah, inyar mooyee, bini-aadamka wuxuu taageeraa, durbaankana u tumaa, hadba dantiisa meeshay taallo, wuxuuna mucaaradaa, carabkana ku cambaareeyaa, muraadkiisa meeshuu ka waayo. Waxaase jira muxaafadnimo iyo mucaaradnimo ku dhisan dan guud, dadkuna u wada simanyihiin, taasoo ah dowladnimada. Dowladnimada waa mid ka dhaxeysa bulshada oo dhan. Ma jirto cid gaar u leh. Dadka madaxda ka ah, waxey u shaqeeyaan shacabka. Iyagana waxay booskaas ku matalaan bulshada. Qofna dantiisa gaarka ah kuma fushan karo. Waxaa lagu taageeraa howlqabadkooda ku aadan danta guud. Waxaana looga soo horjeestaa ka gaabintooda danta guud. Wixii intaas kasoo haraa waa xadgudub. Soomaaliya, kadib burburkii dowladdii dhexe, waxaa dhumay dhaqan iyo dhurba. Waxaa yar inta dowladnimadaas aragtay iyo inta si qoto-dheer ula qabsatay micnaha iyo qiimaha dowladnimada. Dowladdan hadda jirta waa ay ka saameyn badan tahay dowladihii hore. Waxay leedahay taageero aad u fara badan iyo mucaarad. Hase ahaatee, marka aad u kuurgasho labadaba, habka ay wax ku taageeraan iyo qaabka ay wax u dhaliilaan, badankood, waxaa kuu soo baxaya, inay khalad u fahmeen micnaha dowladnimada iyo waddanimada. Muxaafadku, waxay isugu jiraan laba nooc mid seddexaadna waa la heli karaa, waxaana si fudud u ogaan kartaa mid walba nooca uu yahay. Waa kan koobaade, waxay teegeere u yihiin shaqsi, waxeyse isu heystaan inay dowladda taageeraan. Kuna garo taas, marka, shaqsi dowladda wax ku dhaliilo amaba uu mucaarado, afka ayaa la goostaa, weerar aan ganbasho laheyn ayaa lala galaa. Aflagaaddo iyo canbaareyn ayaana dusha loo saaraa. Waxaa sir iyo saaq loo maraa side loo ceebeyn lahaa. Waxaase taasi ka darran, diin darana ah, in qofkii laga sameeyo muuqaallo iyo sawirro been abuur ah, si shaqsigaas sharaftiisa loo dhaawaco. Waxaadna garan kartaa, inaysan dowlad difaaceyne, balse ay shaqsi ku beel ah ama ku dano ah ay difaacayaan. Cadeynteeda, marka shaqsi ku heyb ahaa xilka laga qaado, muxaafadki durbadiiba wuxuu isu bedelaa mucaarad indho la’. Hebel oo kale, magaciisa ma sheegi karee waa buuxaan. Waxaa hubaal ah, danta guud difaaciddeed inaysan keeneyn, in shaqsi loo ceebeeyo ama lagu been abuurto. Waa midka labaade, waa kuwo dowladda taageersan, laakin qofka kasta oo dowladda wax ka sheega ama mucaarada, waxay u arkaan, qaran dumis, dowlad diid ama caado qaate. Taasi waxay ka dhigantahay,inaysan fahmin micnaha dowladnimo iyo waddanimo. Waxayna u baahanyihiin barashada dowladnimada iyo dastuurka. Dastuurka waxaa ku qoran, in muwaadinku waxa dhaliilo karo, mucaarad noqon karo, fikirkiisana xor u yahay, mar haddii aanu hub wadan, oo ay eeddiisu afka ku egtahay. Dhinaca kale, Mucaaradka iyagu waxay isugu jiraan laba nooc. Waa kan horee, waa mucaarad indho la’aan ah, badankood markii ay dowladda ka waayeen danahooda gaarka ah, ayaa waxay noqdeen mucaarad xagjir ah. Burburka dowladda mooyee, wax kaleba dan uma arkaan. Aflagaado aan dhamaan iyo cadaawad joogta ah bay cawo iyo casir lasoo taaganyihiin. Madaxda uu nacebyahay darteed, ayuu dowladnimada u dulminayaa. Ma arko qiimaha qarannimada. Kaliya ee waxaa u muuqda, khaladaadka madaxda. Waxaa kaloo jira, mucaarad madaxda dhaliilsan, asii aan dowladnimada kasoo horjeedin. Waana kuwo tiro yar. Talo soo jeedin. Muxaafadka, waxaan leeyahay, dowladda ma ahan wax aad idinka leedihiin. Ma xuma difaaca dowladnimada, laakin, ha u caayin shaqsi hana u aflagaadeyn hana raadin ceybahiisa, maxaa yeelay taasi aduunyana waxba kuuma tarto aakhirana waa mid laguu soo joojin doonno. Waxaa kaloo habboon, inaad kala saartaan dowlaadnimada iyo madaxda meesha joogta. Madaxdu way tagayaan, laakin dowladnimada wey jireysaa. Aflagaadada iyo been abuurka aad geysatana waa mid aan kaa hareyn illaa iyo qiymaaha. U difaac dowladnimada si asluubeysan, adigoon qofna sharafkiisa meela uga dhicin. Mucaaradka, waxaan leeyahay, ma xuma inaad wax mucaaraddaan, laakin eed iyo aflagaado joogto ah is bedel kuma imaado. Dhaliil wax dhiseysa iyo talo wax tar leh baa dhaanta. kala saara qarannimada iyo cidda madaxda ah. Shaqsi waad ku dhaliili kartaan wax qabadkiisa, laakin inaad dowladnimada ku diidaan ma habboon. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Caku, dhib badanaa haddii qofka kaaga warramaya murugo uu soo maray, ay ilmo inta ka soo daadato, uu inta gacamaha wejiga saarto isaga oo ilmo iyo hingo isku daraya uu hadal googo’ ah wax kuugu sheegayo. Kolkaas baa adna inta calooshu kaa soo dhacdo, ilmo aadan ku talagelin laabtaada ku taraaxraaxdaa, taasina ay sababtaa hakad badan oo sheekada ku yimyimaada. Shacni, iyada oo biibatadeeda shaah ku karsanaysa ayaa wiil yaqaanna i dulgeeyey, si aan inta u arko, una xaalwareysto. Markii la iska kaaya barayey ayey ina fariisay meel u dhaw halka ay fariisato ee ay adeegga ay ka bixiso ee darmuusyada shaaha iyo weelashu u yaallaan. Salaan iyo shaah macaan oo ay na siisay ka dib, waxa aan ku bilaabay wareysigii aan ugu imid. Kolka ay ogaatay arrinta aan wax ka weydiinayo, isla markiiba waa isbeddeshay. Xasuus murugo iyo tiiraanyo leh ayey gashay. Kolkaas bay iyada oo marna gacmaha iyo dhabannada isa saaraysa oo hoganaysa, marna ilmaynaysa, si fiican nooga dherjisay qisadeedii oo dhan. Gabadhan, iyada oo xillihi duhur ah oo qarraxdu aad u kulayd ka soo baxday dugsiga sare ee Imaamu-Shaafici ee Xamar ku yaalla, ayaa iyada oo taagan laamiga Isgoyska Sheekh Cali-Suufi oo sugaysa bas ay u raacdo xaafadda Buuloxuubey ee ay degganayd, waxaa soo istaagay jambiga ay laamiga ka taagnayd gaari jaadka raaxa ahaa oo uu watay nin dhalo xiiran oo ku labbisnaa sirwaal jeenis ahaa iyo funaanad gacmo gaab ahayd. “Abbaayo, soo bax aan ku sii dhaweeyo halkii aad rabtay,” ayuu ku yiri. Yaxyax, xishood iyo baqdin wax loo kala garan waayey, inta galay, ayey inta si feejigan u eegtay, ka aamustay. “Abbaayo, ha xishoon, wiil walaalkaa ah baan ahee, soo gal gaariga aan ku sii dhaweeyee,” ayuu mar labaad ku yiri, isaga oo weliba inta dejiyey muraayadda daaqadda kale, u sii furay. Gabar meesha ku yara jacddaday oo gaari caasi cabbaar u taagnayd bay ahayde, inta dhiirratay ayey gaarigii gashay. “Halkeed u socotaa walaalo?” ayuu weydiiyey. Waxa ay u tilmaantay halka ay u jeedday. Inta uu sii waday, ayuu la sii sheekaystay, isla markaasina ka qaatay xiriirkeeda. Shacni waa 18 jir markaasi maraysay fasalka saddexaad ee dugsiga sare. Waa qoor geedkaas le’eg oo qofka arka uusan da’daasi ku qiyaasi karin. Midabka iyo suurada, waa Soomaali dhalad ahoo, waa tii uu mar hees ku sifeyn jiray Axmed Cali Cigaal, oo ka habaabi maysid. Si kale, magaceeda ayaabad ka garanaysaa bilicda muuqaalka inantaasi. Waa sababta ninkan Xabiib la yiraahdo uu gaariga ugu istaajiyey kolka uu quruxdeeda iyo qaabdhismeedkeeda aad ugu bogay. Xabiib, waa nin qurbejoog ah oo da’ahaan markaasi u muuqday 30 jir, laakiin 50 jir ahaa, markiisii hore jir yari u dhashay, aadna isaga sii shaqeeyey, cirrada garka iyo madaxa iyo bidaartiina, xiiritaan ku qariyey. Waa nin taksi ku wada magaalada Shiikaago ee waddanka Maraykanka, waxa uuna soo booqdaa labadii sanaba mar, magaalooyinka Xamar iyo Nayroobi, waxa uuna u yimaadaa tumasho iyo in gabdhaha Soomaaliyeed, inta been ku akhriyo uu uga baashaalo, oo uu ku illoobo xammaalkii, walwalkii iyo walaacii qurbaha. Kolkaas baa Shacni waxa ay ka mid noqotay curdanka uu Xabiib aayahooda seejiyo. Shacni iyo Xabiib, waxaa u bilawday sheeko jacayl oo yaab lahayd oo uu Xabiib u adeegsanayey afmiishaarnimadiisa, waaya-aragnimadiisa, dhaqaalihiisa iyo rejogelinta in uu guursanayo oo uu dibedda geynayo. Kolkaas baa, gabdhaha xilligan laga raac dhaldhaal adduun e, Shacni inta jacayl xawaare ku socda qaaday, ninkii ka daba dhacday. Habeen kasta ku wadidda gaari cad iyo casho hadba nooc ah ayey ka bixi weydey. Hadiyadaha dharka iyo udgiyeyaasha ayaan kala joogsi lahayn. Gabadhii muddo yar gudaheedba, Xabiibow waxa aan ahayn afkeeda waa laga waayey. Kolkii ay Shacni ku soo dhacday dabinkii lala rabay, ayaa lagu bilaabay in hadba hoteel lagu ballamiyo oo halkaas saacado badan lagu hayo. Hawada adduunka ee u bidhaamaysa iyo jacaylka lagu abuurayba, waxa ay si fudud isugu dhiibtay ninkii. Kolkaas buu, wax danayste ah buu ahaayee, gabadhii bacda inta ka fiiqay, maalin walba ku raaxaysaa kulayl iyo ciriiri uu aad uga helay, oo uusan waayadan dhaayo ka qaadin! Marar badan, waxa ay ku aragtaa qololka hoteellada ay ugu tagto dhalooyin dhaadheer oo ay biyo ku jiraan, oo dhawr jeer oo ay wadiisay waxa ku jira, uu ugu sheegay cabbitaanno gaar ahoo uu dibedda kala yimid, oo uu daltabyada isaga ilaaliyo, laakiin miskiintu ma oga, in ay Khamri tahay, ayna sabab u tahay ku dulqadhoobkiisa aan noogga lahayn ee ay u dulqaadan weydo! Caku gun! Ilaahay haddii uu wax kuugu daro gun liidata, oo maalmahaas u shidan tahay, musiibo kuuma dhimmana. Shaw dhacdhaca uu siiyo miskiintaasi Soomaaliyeed waa uu u xisaabsanaa! Sidii uu qaabkaas ugu raqlaynayey, ayaa maalintii uu baxayey, habeenkeedii inta soo kaxeeyey, kolkaas geystay guri ku yaalla xaafadda Cabdicasiis, markaasina qol la galay. Haddii uu keligi ahaan lahaa waa fiicnaan lahayde, xayn qurbojoog ah oo gurigaas Khamriga iyo Xashiishka ku cabta, gabdhahana ku gumaada, gabdhii saf kamara, ku yiri. Hadalkii ugu dambeeyey ee ku dhaho waxa uu ahaa, iyada oo markaasi cabaad bilawday, “Saaxiib, qarashkii waayadan ku gelayey ayaa lagaa soo matajinayaaye, dulqaado!” Halkaas baa habeenkii oo dhan niman marqaansan gabadhaasi ku haysteen. Intaas waa iska oydaa, laakiin yaa warkeeda maqlaya! Markii laga dhammaystay, baa saqdhexe inta gaari lagu soo qaaday, xaafadda Taleex dhexdeeda lagu soo tuuray. Xitaa shilimaad ay bajaaj ku raacdo ma siin! Halkaas baa iyada oo iska ooyaysa, waxa ku soo baxay wiil dhallinyaro ah oo lugaynayey oo kolka uu gartay xaalka gabadha, inta soo kaxeeyey, bajaaj ku daray, xaafaddeeda geysa. Ciddii oo caawa oo dhan sidii ay u raadinayeen ka noogay, ayey gurigii ugu tagtay iyada oo basteed ah oo iska ooyeysa. Arrinta kale ee haysatay ayaa ahayd, in ay la noolayd habaryarteed oo ahayd islaan cirfiid ah oo naxariistu ku yarayd, oo dhibka gurigeeda ka haystay daraaddeed, ay waadayada ninkaasi la socotay ay is lahayd, waad ka bixi doontaa. La lama diirnixin, la lama murugoon, isbitaal lama geyn, si kalana loo lama tacaalin. Shacni, waxaa halkaasi uga bilawday muraaradillaac iyo niyadjab, kol haddii rejadeedii mel xun ku soo burburtay, facsharantay oo uumiyuhu ogaadeen in la kufsaday oo gabdho iyo wiilalba in la isku tilmaamo bilaabeen. Waalidkeed haddii ay la joogto waa fiicaan lahayde, guri yasmo iyo hadal xun la dhaho ayaa nasiibku la nooleeyey. Mar bay isku daydaa in ay ninkii wacdo, laakiin waaba dansanyahoo, subixiiba waa baxay. Haddii ay ka ashtankoon lahayd, ma taqaan halkii uu rasmi u degganaa, cid taqaan iyo tolki toona! Markaas baa foorar iyo dhabannahays waxa aan ahayn ka soo hari waayaa. Iska daah iskool ay aadda e, in ay bannaanka u baxdo waa ku dhici weydey. Taas waxaa ugu darmaday, in muddo yar ka dib, uu ku soo baxay uur aan aabbe sax ah lahayn, kaas oo keenay in gurigii ay islaantii ka cayriso. Markaas baa Shacni, kolkii ay weyday cid kale oo ay maciinsato, dantu bidday in ay gasho xero ka mid ah xeryaha qaxootiga Muqdisho. Markii ay dhashay bay bilowday in ay shaqaysato, kolkaas bay abaabulatay burjiko, jalmad, damuus, fiijaanno . . . ay biibato ku shidato. Shacni, waxa ay hadda haysataa wiil kobac ah, waxa ayna nolosheeda iyo kan wiilkeeda ka dabbartaa makhaayad shaah oo ay ka furatay meel waddo ah oo aysan kiro ku socon. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus