Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sanguuni (Caasimadda Online) – Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhow baahiyey sawirrada weerarkii aroornimo ee saaka lagu qaaday saldhigga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federalka ee deegaanka Baar-Sanguuni. Waxaa la arkayaa holac iyo uuro ka baxeysa xerada, Meydadka askar daadsan goobihii lagu dagaalamay, iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo hub iyo saanad ciidan ka daabulanaya saldhigga. Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 41 askari, laguna soo furtay gaari Cabdi Bile ah oo ku rakibnaa qori dhashiike ah iyo saanad ciidan oo hub iyo agab military u badnaa. Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-190119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha. Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal. Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka. The post Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soos aartay goor-dhow ku sheegtay sidii uu ku yimid weerarkii cuslaa ee maanta ay ku dileen dagaal-yahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ka dhacay meel u degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, lagu taageerayey dowladda Soomaaliya. Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarka uu yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kadibna Mareykanka uu taageero deg deg ah u fidiyey. Mareykanka waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Mareykanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ayaga oo kaashaanaya dowladda Soomaaliya ay Shabaab ka hor-istaagaan inay helaan gabbaad ay ku dhisaan awood ay ku fulin karaan weeraro ka dhan ah shacabka Soomaaliya. Waxaa qoraalka lagu sheegay in si gaar ah, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay yihiin halka ugu xooggan ay Shabaab ay ku diyaariyaan shirqooladooda, laguna beegsan doono. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  5. Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhkooda oo aan wanaagsananayn. Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska iyo arrimo kale. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Maxamed Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed, “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Roobow waxa la xidhay 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya, waxase ay warbixintu sheegtay in guul uu farmaajo gaadhaa ku xidhantahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nayrobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Somaliland Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku taageero kala duwan u fidiso Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, waxaanay soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xogyahaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, “Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ayaa horaantii January ee sanandkan wuxuu socdaal ku tagay Somaliland. Waxa jiray warar ay saxaafadu baahisay oo aan la xaqiijin oo ah in mid ka mid ah qodobada laga wada hadlay ahaa sidii uu Ingiriiska saldhig milatari ugu samaysan lahaa dekedda Berbera. In sidan la sameeyaa waxay sii adkaynaysa xaqiiqda ah in dawladda Farmaajo ee Muqdisho ay si adag uga hor iman karto..” Ayay tidhi warbixintu. Source Geeska Qaran News
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-190119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Ku dhawaad 80 kamid ah maleyshiyada Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay duqeyn iyo dagaal maanta ka dhacday inta u dhexaysa tuulooyinka Araare iyo Muuse Xaaji [...] Source
  8. Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac (ethnicity). Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha xuduudii isticmaarku ka tegay oo keliyi, inay tahay mid taariikhi ah. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa 1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood; Buuhoodle waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan iyo Laasqoray-na Ceerigaabo. Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku taxan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu ku kala feker duwan yihiin mustaqbalka degaankooda ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo kuwo Hargeyasa u xagliyaba way leeyihiin. Waxa se ay aqalabiyadoodu ganafka ku dhufteen ama werewer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan aqaliyad ay ku noqdaan Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood. Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni- is-taagga Somaliland ayaa qalaynaya. Ururka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Gallayr– oo iyagu markii hore qabay inay ka madax banaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxaay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo, hoos taga Somaliland; iyadoo aanay ka tanaasulin midnimada Jamhuuriyaddii Soomalida. Cali waxa uu is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heshaa aad iyo aad u yar tahay; kol ay ahaatana mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah; sidaa darteed lagu sii nasto Somaliland. Nuxurka munaaqashadani waxay ku soo arooraysaa maamul abtirsiin ku salaysani waa derbi dab ka holcaayo. Marka aad la deris noqoto maamul doonaya in uu kaa goosto dadkii aydin isku abtirsiinta sheeganayseen waa dabkii holcayey oo bensiin lagu sii shubay. Haddii Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqoto xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah, waxa aan qabaa in la demin karo dabkaas; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe oo ka dhex-dhaca Puntland iyo Somaliland. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli gal ah oo ay Puntald muran iyo colaad ku sii wadaa. Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Somalidu ku soo hirato. Laakiin haddii ay sii socota colaadda ka dhex aloosani waxa looga aayi doonaa waa iftiinkaas ka shidan Garoowe iyo Hargeya oo isla dama. Ilaah baan ka magansanay. Inta muran iyo colaadi ka dhex aloosan tahay labadan maamul, Somaliland aqoonsi caalami ahi ka dheer, Puntland-na dawladnimo si wacan u shaqaysaa ka dheer. Wadahadalada Xamar iyo Hargeysa ee la filayo inay dhacaan, ma ku soo celin doonaan Somaliland xayndaabka jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii? Haddii jawaabtu haa tahay, waa sida keliya ee Hargeysa Ingiriis kaga baaqanayso, Garoowe-na Talyaani, nabad waartana lagu heli karo (Idan Alle). Wa Bilahi Towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK Maxamuudaxmed@live.com 18/01/2019 Qaran News
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose. Maleeshiyada duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa maleeshiyooyin badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xaradaasi uu kadhacay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinaca, khasaare dhimashada dhaliyay. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen xerada, balse markii danbe laga saaray kadib markii ciidanka federaalka iyo jubbaland uu gurmad u yimid. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in DIYAARAD loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay beegsatay baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada al-Shabaab oo marayay meel u dhow deegaanka Sanguuni iyo Buundada Araare. Warbaahinta kooxda al-Shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in maleeshiyadu ay qabsadeen xerada Baar Sanguuni, halkaasina ay ku dileen sida ay sheegteen 41 ka tirsan ciidanka federaalka iyo kuwa Jubbaland, sidoo kalena qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.
  10. (SLT-Hargeysa)-Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa waxa uu si adag u naqdiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka sida weyn wax looga sheegto, hase yeeshee uu dalbanayo in la cafiyo. “Waxaan dalbanaa in la i cafiyo waxaan ahay qofka ugu badan ee wax laga sheegto, aniga waan idin cafiyey ee shacbaka Soomaaliyeedow idinkana i cafiya” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Hadalakan ayaa ku soo aadaya saacado kadib markii garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee magaalada muqdisho uu Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa ”Cafi walaalkaa” uu ku qabtay Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim (Kenyaawi) Hoos ka daawo Muqaalka oo dhameystiran
  12. Somali National Army (SNA) backed by the international partners on Saturday killed 73 al-Shabab militants and destroyed armored vehicles in southern Somalia. Jubbaland said the joint forces foiled an attack from al-Shabab at a military base at Bar-Sanguni neighborhood near Kismayo town. The news agency said international partners conducted airstrikes in the area that targeted al-Shabab militants. Independent sources said that there were heavy casualties on both the army and the militants. Residents reported hearing airstrikes targeting the militant group early Saturday. They said several strikes hit the militants and their battlewagons in an area between Araare and Muse Haji. The attack came hours after the group said on Friday that their fighters killed 57 Ethiopian troops under the framework of African Union Mission in Somalia (AMISOM) in an ambush near Burhakaba town in southern Somalia. The al-Qaida allied terrorist group continues to hold parts of the country’s south and central regions after being chased out of Mogadishu several years ago. Somali and African Union peacekeeping forces have also intensified military operations against the insurgents, flushing them in their Lower and Middle Shabelle region bases as part of efforts to stabilize the Horn of Africa nation. The post Nearly 80 militants killed in Lower Jubba region appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Warsidaha Puntlandi wuxuu halkaan idin kugusoo gudbinayaa macluumaad ku saabsan weerarkii magaalada Nairobi dhacay maalintii talaadada ee todobaadkii hore. Mahir Khalid Rizik, oo 25 jir [...] Source
  14. Ururka Al-Shabaab ayaa asbuucii lasoo dhaafay weerar ku bilowday qarax ku qaaday hotelka DusitD2 kaasoo ku yaal Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Weerarkaas ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen dad aad u badan oo tiradooda gaarayo illaa 24 qof inkastoo laga yaabo inay dhimashada intaas ka badan tahay Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbin doonaa afar qodob oo laga dhaxli doono weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadeen Caasimadda dalka Nairobi. 1) Cadaadis dhanka shacabka ah Dowladda Kenya ayaa weerarkii hotel DusitD2 kadib cadaadis xoog leh kala kulmi doonto shacabkeeda. Cadaadiskaan ayaa noqon doono inay Dowladda Kenya ka codsadaan inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya si ay uga badbaadaan halista uga imaaneyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan dalka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa horey cadaadis xoog leh kala kulmeysay shacabkeeda kadib markii ciidamo badan oo Kenyaan ah lagu dilay Gudaha Soomaaliya kadib markii ay weerareen Kooxda Al-Shabaab. Weeraradii Soomaaliya loogu geystay CIidamada Kenya ayaa weli lagu la’yahay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Joogo Soomaaliya waxayna shacabka Kenya dowladooda ka codsadeyn inay usoo gudbiso tirada lagu dilay Soomaliya iyo magacyadooda. Weerarkaan hadda ka dhacay Nairobi ayaa la aaminsan yahay inay cadaadiska kusii badin doonto Dowladda Kenya. 2) Dhaqaalaha Kenya Dowladda Kenya ayaa dhaqaalo tiro badan ka hesho dadka usoo dal xiis tago dalkeeda waxaana laga yaabaa inuu dhaqaalaha Kenya hoos u dhaco kadib weerarkii lagu qaaday hotelka DusitD2 maadaama ay banaanka usoo baxday halista lagala kulmi karo Kooxda Al-Shabaab. Weerarkaan ayaa hoos u dhigi doono dadka dalkaas usoo dalxiis tagi jiray waana ujeedada ugu weyn oo Al-Shabaab ka leeyihiin weerarada ay ku qaadayaan dalkaas. 3) Dowladaha dariska la ah Kenya Kadib weerarkii Hotel DusitD2 waxay cabsi soo wajahday Dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ee dariska la ah Dowladda Kenya sida Uganda, Ethiopia iyo Jabuuti. Dowladahaas ayaa hadda dareemayo halista ay leedahay inay Kooxda Al-Shabaab dhulalkooda ka geystaan weeraro noocaan oo kale ah waxaana lasoo sheegayaa in heegan culus la geliyey ciidamada Booliska ee Uganda iyo Ethiopia si looga hortago weeraro ay halkaas ka geystaan Kooxda Al-Shabaab. 4) Awoodda Al-Shabaab Waxaa mar kale banaanka usoo baxday awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geystato meelo ka baxsan Soomaaliya xilli ciidamo badan oo ka tirsan Midowga Africa loo keenay Soomaaliya inay cirib tiraan Al-Shabaab balse waxaa weli muuqato 10 sano kadib inay Al-Shabaab leedahay awood aad u halis badan oo ay dhibaasto ku geysan karto Gudaha iyo Debadda Soomaaliya.
  15. Duqa degmada gaalkacyo Nabadoon Yaasiin C/samad ayaa fariin u diray dad uu sheegay in horay loo siiyay dhisma yaal ganacsi oo ku yaalay Suuqa xero [...] Source
  16. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey Ayaa Kulan Is Xog-wareysi Ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka KG kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed, Gudoomiyaha Ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha Iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka Dhacay Koonfur-galbeed Maadaama Ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed, Odayaasha Ayaa Soo Jeediyay In Ay Diyaar u Yihiin Nabadeenta iyo Garab Istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub Ee Uu Yeeshay Maadaama Ay Filaayaan Inuu Wax Badan Oo Horumar ah uu Gaarsiinayo Shacabka KG soomaaliya, Odayaasha Waxay Qireen in Wixii Dhibaata ah Ee Ka Dhacay Koonfur-galbeed Shacabka Ay Ka Gudbeen Ayna Diyaar u Yihiin Xal waliba inay Ka Qeyb qaataan Intaas Ka Dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala Hadlay Arimihii Ay Soo Jeediyeen Waxaana Uu U Jeediyay In Si Deg Deg ah Ay u xalindoonaan Dhamaan Howlaha Wax Ka Qabashada U Baahan, “Waxaan Si Gaar ah U Dhinac Istaagi Doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba Iyo Dhamaan Dhinacyada U baahan Inay Nala Shaqeeyaan Si Daawa Loo Helo Waa In Marka Hore Wixii Dhibka Keenay Aan Ka Bilownaa , Gudoomiyaha Ayaa Intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka , Sidoo Kale Wuxuu Gudoomiyuhu Qiray Sida Lagama Maarmaanka Ay U tahay Dhinaca Amniga Oo Uu Sheegay In shacabka Looga baahanyahay in deeganadooda Ay Nabadeeyaan, “Runtii Waxaa Muhiim Ah Talada Ku Saabsan Amniga inaan Idinku Garab siino Waana Muhiimadda Koobaad Ee Dhismaha Dawladnimada Shacabka Iyo Maamulkan KG Ay Inay Wada Shaqeeyaan , Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka ” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa Inaad Tihiin tiirarkii Dawladnimadda Runtii Waana La idin baahanyahay Waa In la idinka warqabaa Anagoo Ah Madaxdii Fedraalkana Waan Ka Shaqeen Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan, “Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaam, The post Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay Waxgaradka K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  17. AMISOM ayaa qorsheyneysa in 160 ka tirsan booliiska Ghana ay ku soo daraan ciidamada jooga, kuwaas oo qeyb ka noqon-doona xasiloonida Soomaaliya. Sida ay AU sheegtay wafdi ka socda Booliiska Ghana ayaa booqasho todobaad ah ku joogay magaalada Muqdisho iyaga oo ujeedkoodu ahaa sidii ciidamo booliis ah oo hor leh u keeni lahaayeen caasimadda. “Ghana waxaa ay qorsheyneysaa in 160 booliis ah ku xoojiso howlagalka booliiska AMISOM, oo lagu keenayo qorshaha kala-guurka ee golaha ammaanka meel mariyey qaraar NO 2372 (2017), kaas oo ka hadlayey in la yareeyo militariga, lana xoojiyo booliiska oo la gaarsiiyo 1,040”. AMISOM ayaa lagu wadaa in amniga magaalooyinka ay ku wareejiso Soomaalida, arrintan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey. Ghana waxaa hadda ka jooga 39 Booliis ah, shaqadoodu waa tababar iyo inay gacan siiyaan booliiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Balcad ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Darawallada gaadiidka isticmaala waddadaasi ayaa sheegay in acago fara badan oo sharci darro ah looga qaado Jidgooyooyinkaasi. Sidoo kalena jirdil iyo handaad xoogan ay kala kulmaan kooxahaasi oo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda. Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo uu horkacayay abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ay Isbaarooyin dhowr ah ka qaadeen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Hoose. The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Waa cusub ayaa u baryey 8 January ee sanadkaan dowlad Goboleedka Puntland kadib markii Madaxeyne loo doortay Siciid Cabdullahi Deni. Deni ayaa booska ka badalay Cabdiweli Gaas oo horey u ahaa Madaxweynaha Puntland kaasoo xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddaba su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaaa ah midkee u roon Dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiweli Gaas iyo Deni? Dadka sida weyn u garanayo Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegayo inuu yahay nin siyaasad ahaan adag isla markaasna lagu tuhmayo inuu xiriir dhow la leeyahay Xisbiga Xasan Shiikh Maxamed. Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Deni ayaa qorsheenayo inuusan xiriir toos ah la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uusan muujin dabacsanaan siyaasadeed. Maalintii la doortay ayuu BBC u sheegay inuu sii jiri doono Iskaashigii Maamul Goboleedyada ayna tahay arrin dastuuri ah oo aan marnaba laga gudbi doonin. Taas ayaa banaanka soo dhigtay siyaasadda cusub ee uu Deni kala hortagi doono Dowladda Federaalka Soomaliya waxayna taas muujisay in Dowladda Dhexe looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Puntland. Cabdiweli Gaas ayaa la aaminsan yahay inuu siyaasad ahaan u fiicnaa Dowladda Soomaaliya maadaama uusan la safneyn siyaasiyiinta ku kacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uu ahaa Siyaasi danley ah. Dowladda Soomaaliya ayaa meel cidlaa kusoo dhacday waxayna ka shaqeysay sidii Cabdiweli Gaas meesha looga saari lahaa balse waxaa usoo baxday natiijo middii hore kasii daran. Dadka sida weyn u garanayo Deni ayaa sheegayo inuu Deni yahay nin ad adag waxaana lagu xasuustaa inay iska dhaceyn isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo loo diiday Wasiir uu doonayo in loo magacaabo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. In ka badan 80 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay duqeyn ka dhacday inta u dhexaysa tuulooyinka Araare iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada Hoose. Diyaaradaha dagaalka Maraynkanka ayaa duqeyn culus la beegsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka qeyb qaatay dagaal ay saaka degaanka Baar-sanguuni kula galeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland sida ay sheegeen saraakiil ciidan. Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa iska caabiyay weerarka Al-shabaab inkastoo uu jiray khasaare kala gaaray labada dhinac hase yeeshee dhimashada ugu badan ee Al-shabaab ayaa ka dhalatay duqeynta ay diyaaradaha dagaalka la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen malayshiyaadku. Diyaaradaha Maraykanka ee duqeynta geystay ayaa la sheegayaa in ay gurmad u ahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee saaka lagu weeraray Baar-sanguuni balse dowladda Maraynkanka ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday. PUNTLAND POST The post In ka badan 80 dagaallame oo Al-shabaab looga dilay duqeyn cirka ah appeared first on Puntland Post.
  21. Sababta shirweynaha Boorama loogu qabanayo iyo waxa waakhtigan loola beegay: waa laba arrimood mid xiisadda u dhexeysa booliska iyo shacabka ee hadhi wayday looga leexiyo oo jiho kale loo jiheeyo dadka iyo mid siyaasiyiinta hanka ka qaba hogaanka xisbiga lagaga takhalusayo. Shaacinta shirweynaha Kulmiye ee lagu qabayo Boorama waxay daaran tahay in lagu damiyo eedaha taagan ee booliska iyo xukuumadda lagu haysto ee maalmahan aad ka loogu talaxtagayey, isla markaana warkan cusubi wuuxuu jihaynayaa dadkii oo lagu mashquulinaya su’aalaha ka dhalan doonna shirkan oo ay ka mid yihiin: maxa Boorama loola doontay, maxa ka soo bixi doono, ragii hanka lahaa ee sugayey hogaanka ma ka mid bay noqon doonaan hogaanka, hogaanku yuu noqonaya. Doodaasi iyo hadal hayntaasi ayaa la wadi doona ilaa inta ka hadhsan shirweynaha oo laga yara raysan doonaa maagista xukuumada iyo booliskaba. Talabaad, sababta Hargeysa oo awalba lagu qaban jirey looga daayey waxay tahay si rag waaweyn loo tukhaantukhiyo oo KULMIYE wuu iska yaqaana marka uu raga gawracayo inuu la fogaado shirweynaha, oo Siilaanyaba waagii uu odayaashii waaweyna hawada u dirayey waa kii Burco la tagay, ee dariiqa qulquleen Cabdiraxmaan Aw cali, Ibraaham Dhego weyne, Cadami, siciid Cilmi Rooble, Abgaal iyo rag kale oo badan, khilaaf walba cid baa ka faa’iidee arrintaasi waxa fursad fiican ka helay waagaasi Muuse Biixi oo wakhtigaasi Siilaanyo ugu hanjabay inuu ragaasi raaci doonno hadii isna lagu wareejin xisbiga marka uu madaxweyne noqdo, Siilaanyo waa kii aqbalay ee sidii madaxweyne Biixi salaanka madaxtinimo ku soo fuulay. Doorkan waataas lala fogaaday waxaynu sugnaaba waa rag waawayn oo fajidii Qaaxo loo dhigay oo iska hulayli doona, waana iska caado in mar kasta oo kulmiye shirweyne qabsado inuu rag waaweyni muraaro dilaac guryaha hoosta ka soo xidhaan oo shalayba ragbaa masaajidkoodii dib ugu soo noqday oo khudbadii jicmaha akhriyaayey. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan. Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Wariyaha Puntlandi.co ee magaalada Bosaaso ayaa ku soo waramaya in ciidamada amniga ay ku daba joogaan ragii soo abaabulay qaraxii maanta ay ciidamada fashiliyeen , [...] Source