Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledwayne (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Cusmaan Cariig, xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inuu khilaaf kala dhaxeeyo gudoomiyaha gobolkaasi, Yuusuf Axmed Hagar. Mr Cariig ayaa wariyaasha u sheegay in khilaafka uu yimid markii ciidamo uu tilmaamay inay ka amar-qaataan Gudoomiye Yuusuf oo yimid xafiiskiisa ay hakad geliyeen shaqadii ka socotay halkaasi. Gudoomiye Yuusuf oo ay la xiriirtay idaacada Shabelle si aan wax uga waydiinayo arrintaan ayaa nan ka jawaabin telafoonka. Is-qabqabsiga udhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan ayaa looga fadhiyaa inay soo farageliyaan madaxda ugu sareysa HirShabelle gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha si xal waara loogu helo. The post Khilaaf soo kala dhex-galay mas’uuliyiin ka tirsan G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay inay hoggaamiso Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia ee lagu Magacaabo AMISOM. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeedda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada AMISOM ee Somalia kadib Xafad kooban oo ka dhacday xeradda ciidanka AMISOM ee Muqdisho. Talyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018-ka, kana soo jeeda dalka Uganda oo ay ciidamada ee AMISOM ka joogaan Somalia. Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ahna madaxa guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu taliye ka socda ciidamada Itoobiya la wareego hoggaanka guud ee AMISOM. Dhanka kale, Tigabu wuxuu ciidanka itoobiya ka tirsanyahay muddo 34-sano ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay qaybo kala duwan ay ka mid yihiin; Qaybta dhakhaatiirta, batroolka iyo taliska guud ee ciidamada Itoobiya. “Hawl-galku waa mid aad u weyn, laakiin aad baan ugu kalsoonahay in aad kasoo bixi kartid hawsha laguu idmaday una leedahay karti iyo aqoon kugu filan,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Madeira. Ugu dambeyn, Isbedelkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Burundi ka socda ee AMISOM ka tirsan laga dalbaday iay 1,000 Askari kala baxaan Somalia, taasoo la sheegay inuu Midowga Afrika uu uga dhigayo ciqaab. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo markii ugu horreysay Majaraha u Qabtay Hoggaanka Guud ee Ciidanka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  3. Boosaaso (Caasimada Online)-Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan deegaanada ay kooxda Daacish ka maamulaan gobolka Bari, gaar ahaan buuraha degmada Qandala. Wararka ka imaanaya degmada Qandala ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay amaro cusub kusoo rogtay shacabka iyo gaadiidleyda ka howlgasha deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Kooxda Daacish ayaa ku amartay dadka deegaanka inaan lagu arki karin hub aysan iyaga ka warqabin, ciddii lagu arkaana ay talaabo adag ka qaadi doonaan. Sidoo kale waxaa loo hanjabay gaadiidleyda bagaashka geeya degmada Qandala, iyaga oo looga digay inaysan hub iyo shaqsiyaad aan la aqoon geyn karin degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga. Wararka ayaa sheegaya in arintaasi ay ka dambeysay cabsi xoogan oo kooxda soo wajahday, taasi oo la xiriirta in Al shabaab ku dhex dhuuntaan gaadiidka, islamarkaana ay weeraraan Kooxda Daacish. Kooxda ayaa la sheegay inay baaritaan ku sameeyaan dhamaan gaadiidka gala gudaha degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga, waxaana jirta cabsi xoogan oo ay ka qabaa in Al shabaab ay weeraraan degmada Qandala. Al shabaab iyo daacish ayaa marar badan dagaalo waxay ku dhexmareen deegaanada gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, ayaa war uu soo saaray ku faahfaahiyay hawl-gal ka dhan kooxda Al-shabaab oo Arbacadii ka dhacay bartamaha Somalia, kaasoo ay sheegeen inay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Al-shabaab. Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Somalia ay bar-tilmaameedsadeen deegaan lagu magacaabo Shabeelley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Sidoo kale, Taliska Mareykanka ayaa sheegay in hawl-galkan intii uu socday ay ka qayb-galeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo loo yaqaan Drones-ka. Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen 24-ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalena uu burbur gaaray Saldhiggii ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab. “Xukuumadda Mareykanka waxaa ka go’an inay sii wadidda beegsiga Kooxda Al-shabaab si ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba lao xaqiijinayo inaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaarin dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM. Ugu dambeyn, Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe waxay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Somalia. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inuu tiro Al-shabaab ah ku dilay Duqeyn uu ka geystay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Wanlaweyn (Sh.M.Network) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qarax askar ka tirsan dowlada lagula eegtay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. War qoraal ah oo ay Shabaab ku daabacday baraha ay ku leedahay Internet-ka ay ku xustay inay afar askari ku dishay weerarka. Ma jiro illaa iyo haatan mas’uul ka tirsan maamulka degmada ama gobolka oo illaa iyo haatan ka hadlay sheegashada Al-Shabaab. Inta badan Shabeellaha Hoose waxaa dhacdooyinka noocaan ah, kuwaasi oo lala beegsado Kolanyada ay la socdeen ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM. The post Al-Shabaab oo sheegatay inay qarax ku dishay 4 Askari appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirkooda sanadlaha ah waxuu uga furmayaa dalka Tanzaniya, Waxaana socoto qaban-qaabada iyo abaabulka shirka. Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex-taagan Qaar ka mid ah dalalka bariga sida; Burundi iyo Rwanda, iyadoo khilaafkan uu dib u digay shirka laba jeer. Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd inuu shirkan furmo, balse wuxuu baaqday kaddib markii ay ka qayb-galkiisa qaadacday Burundi oo ka cababaysa dalka ay dariska yihiin ee Rwanda. Sidoo kale, Burundi ayaa dhawaan ku sheegtay in dalka Rwanda uu yahay cadawgeeda, iyadoo Dowladda Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jir-dil iyo tarxiil lagula kaco muwaadiniinteeda u safra dalka Uganda ee ay ood-wadaagta yihiin. Dalka Rwanda ayaan xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin dalka dariska la ah ee Uganda. Iyadoo laga baqdin qabo in Hoggaamiyeaasha Bariga Afrika qaarkood aysan ka qayb-galayn shirkan haddii aan la xallin murannada jira. Ugu dambeyn, Dalalka Bariga ayaa waxay horay isugu raaceen in dalalkooda aan loo qaadan fiiso marka la isku gudbayo, balse muranka jira ayaa wuxuu caddeyn u yahay inaysan jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya madaxda Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika. PUNTLAND POST The post Shirka Madaxda Waddamada Bariga Afrika oo laga yaabo inuu mar kale Dib u Dhaco appeared first on Puntland Post.
  7. Galkacayo (Sh.M.Network) – Taliyaha Booliska Soomaaliya, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Hogaanka hay’addaha amniga ee halkaasi ujooga maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu Taliyuhu shir gaar ah la yeeshay. Taliye Bashiir ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha iyo fadhiyada ciidanka looliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo. Isaga oo warbaahinta la hadlay ayuu taliyuhu shaaciyay in ujeedka safarkiisu qayb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo wadashaynta Booliska DFS iyo dowlad goboleedyadda. Ugu dambeyntii, taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in kulamada uu la yeeshay saraakiisha Galmudug iyo Puntland ay uga wada hadleen nabad-gelyada iyo sidii ciidamada door muuqata uga qaadan lahaayeen. The post Taliye Bashir oo la kulmay saraakiisha amniga Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland durba culees uu ka dareemay soo xulista golaha wasiirada Puntland. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay caqabad culus ku noqdaan madaxweynaha cusub ee Puntland, iyaga oo doonaya in doorweyn ay ku lahaadaan la tashiyada iyo soo xulista golaha wasiirada Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isaga oo kala hadlayay nooca ay noqonayaan golaha wasiirada cusub ee Puntland. Qaar kamid ah odayaasha ayaa doonaya in shaqsiyaad ay iyaga taageersan yihiin lagu daro golaha wasiirada cusub ee Puntand, waana taa caqabada ugu adag ee dhextaala odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Puntland. Waxgaradka ku sugan magaalada Garowe ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay kulamo ka dhacay madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo tanaasulaad badan laga sameeyay waxyaabaha la isku hayay. Madaxweynaha Puntland ayaa heysta waqti badan oo uu kaga fakari karo liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland, waxaana jira in qaar kamid ah wasiiradii C/Welli Gaas ay doonayaan inay markale soo noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Midowga Afrika ayaa taliye cusub usoo magacaabay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Taliyaha cusub oo lagu magacaao Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire jagada hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Tigabu oo udhashay dalka Itoobiya ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka qabsoontay xarunta howlgalka ku leeyahay Muqdisho. Mas’uuliyiin uu kamid yahay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Caetano Madeira, ayaa xaflada joogay. The post Midowga Afrika oo taliye cusub u magacaabay AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-01022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Afgooye (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku gubay gaadiid xamuul ahaa oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye. Gaadiidka oo gaaraya 7 Gaari ayaa la sheegay in lagu gubay deegaanka Doonka oo u muuqda degmada Afgooye, sida wadayaasha gaadiidka qaarkood ay warbaahinta u sheegeen. Gaadiidka la gubay ayaa waday Dhuxul, waxaana uu ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka la gubay ayaa sheegay deegaanka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye lagu gubay gaadiidka, markii gaadiidkooda la gubay kadibna inay u yimaadeen ciidamada dowladda balse aysan waxba u qaban. “Baabuur todobo ah oo Inatareeya ah ayaa lagu gubay Doonka oo Afgooye u muuqda, Al Shabaab ayaa gubay,sababta nooma sheegin, laakiin hore ayay jarista dhirka u mamnuuceen, ciidanka dowladda gaadiidka oo gubanaya ayay inoo yimaadeen waxba nooma qaban, weynaga naga laabteen”ayuu yiri ruuxa kamid ah darawalada gaadiidka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab iyo maamulka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay kaga hadlayaan gaadiidka lagu gubay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Sh.Hoose Caasimada@live.com
  12. Beledweyne (Sh.M.Network) – Cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee hoostaga maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa howlgalo kawada xaafado ka tirsan magaaladaasi. Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay markii xalay weerar Bambaano lagu ekeeyay fariisin ay ciidamada ku leeyihiin xaafada howlwadaag, halkaasi oo baarintaanada si gaar ah looga soo warinayo. Illo degaanka oo ka ak-dhowaa meesha ay wax ka dhaceen oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa tilmaamaya in ugu yaraan labo askari ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, oo kooxihii ka dambeeyay ay baxsadeen. Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dhacdaan, balse, amaanka magaalada Beledweyne ayaa maalmihii udambeeyay ahaa mid sii xumaanayey, iyada oo hay’adda amnigu ku howlan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen. The post Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Beledweyne (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa warbixin kasoo saartay duqeyn ay la eegteen saldhig Al shabaab ku leeyihiin deegaan ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ay soo saareen ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Shabeeleey in lagu dilay ciidamadii ugu badnaa Al shabaab looga dilo gobolka Hiiraan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 30 askari ay kaga dhinteen Al shabaab duqeyn ka dhacday deegaanka SHabeelleey ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay dhamaantood tababar qaadanayeen. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka. Duqeymaha lala eeganayo saldhigyada Al shabaab ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa kordhay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana qoraalka Mareykanka lagu sheegay inay soo kordhin doonaan weerarada ay la eeganayaan Al shabaab. Dhamaadkii sanadkii hore maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee jooga Africa inay weeraro ka fulin doonaan deegaanada Al shabaab kaga sugan yihiin Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Ethiopia ayaa dhowr mar oo horey diiday inay qabato hoggaanka taliska ciidamada Amisom, ayada oo ku xirtay shuruud ay diideen dowladihii hore ee Soomaaliya. Ethiopia ayaa horey u dalbatay in qaar ka mid ah ciidamadeeda la geeyo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si ay u qabato hogaanka Amisom, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Dowlidihii hore ee Soomaaliya ayaa ku gacan seeray dalabkan, ayaga ka cabsanaya xasaasiyadda ka dhalan karta tallaabo noocaas ah kadib xasuuqii ay ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Muqdisho. Dowladihii hore ee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in ciidamo ku filan oo Amisom ah ay joogaan Muqdisho. Si kastaba, waxaan caddeyn in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay aqbashay dalabkaas iyo in Itoobiya ay tanaasushay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay waa ay diideen inay ka hadleen arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Habeenkii Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni madaxdii goobta ka khudbadeysay waxaa ka mid ahaa Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Laftagareen markii laga yimaado in uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo shacabkeeda waxa uu la yimi codsi ka qosliyey Deni iyo martadii xafladda ka soo qeyb gashay. “Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in bulshada reer Koonfur Galbeed aad siiso matalaad siyaasadeed oo Puntland oo ah waxa kaliya ee ay ku la’yihiin maamulkan”, ayuu yiri Laftagareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu hadalkaas uga dhawaajiyey kaddib markii uu qiray in shacabka ka soo jeeda Maamulkiisa uu sheegay in ay wax walba oo wanaag ah kala kulmeen gobolada Puntland ee ay deegaanka iyo ganacsigaba ku haystaan. Matalaad siyaasadeed ayuu sheegay kaliya in ay ka dhiman tahay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland. Hase yeeshee, waxaa weydiin mudan sida ay uga suurtoobi kareyso Puntland in ay ku aqbasho codsiga Madaxweyne Laftagareen. Qormadan waxaan ku eegi doonaa qodob cajiib ah oo bidhaaminaya sida ay u adag tahay in codsiga Laftagareen ay uga miro dasho Puntland. Shacabka Puntland waxa ay u arkaan reer koonfur galbeed in ay culeys dhaqaale ku hayaan deegaankooda oo aysan jirin wax ay ka dheefaan! Qodobka kore waa mid ay dhici karto inay la yaab ku noqoto shacabka reer Koonfur Galbeed ee Puntland ganacsiga iyo deegaan ahaanba u jooga halkaas iyo waliba bulsho weynta Soomaaliyeed. Xaqiiq waxaa se ah in reer Puntland doodaas qiil ugu helayaan marka ayaad ogaata sababta. Shacabka Puntland waxa ay aaminsan yihiin in dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool ganacsi ahaan culeys ku yihiin marka la eego dhaqanka baayac muushtar ee bulshadaas oo ah mid faa’idada ay ka raadiyaan aad uga hooseysa midka ganacsata Puntland rabaan. Tusaale, sida ay reer Puntland oo aan qaar ka mid ah arrinta matalaada aan kala dooday a ii sheegeen, ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay hoos u dhac u keeneen faa’idada ay raadiyaan kuwa deegaanka ka soo jeeda maadama ay keenaan alaab la mid ah kuwooda kaddibna ku sii iibiyaan qiime aad uga jaban. Waxaa la arkaa in ganacsade reer Puntland surwaal ku iibinayo 30 Doolar halka isla surwaalka dukaanka carwada ku dhagan oo uu haysto ganacsade reer Koonfur Galbeed ah ku iibinayo 15 Doolar! Arrintaas waxaa u sahlaha ganacsadaha KGS ka soo jeeda in ay dhici karto carwada uu dagan yahay in uu la wadaago saddex kale oo saaxiibadiis ah oo uu mid halkaas dukaan qeyb ka leeyahay sidaasna ku wada bixiyaan kirada halka midka reer Puntland kaligii dagan yahay qolka! Qodob kale oo yaab leh ayuu ii sheegay shaqsi kale oo reer Puntland ah kaas oo ah in shacabka reer Koofur Galbeed aysan dhexgalin bulshada oo aysa xataa shaaha ka iibsan. Tusaale, shaaha waxa ay ka cabbaan maqaayad ay leeyihiin isla ganacsato reer Koonfur Galbeed ah! Sidaas daraadeed, shaqsiyaadka ay dooda na dhexmartay ayaa ii sheegay in ay adag tahay in bulsho sidaas yahay dhaqankooda ganacsi iyo is dhexgalba in lagu dhiirigaliyo matalaad siyaasadeed! W/Q: Maxamed C/raxmaan Jaamac Addis-Ababa, Ethiopia Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. London (Caasimada Online) – Dawladda UK, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in UKJ horseed ka tahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha UK u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka UK Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu UK ka gaysanayso doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019. Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland” “Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  17. PRESS RELEASE Former President of Tanzania to head Commonwealth Observer Group for Nigerian elections The former president of Tanzania, Jakaya Kikwete, will lead the Commonwealth Observer Group for the general elections in Nigeria, scheduled for 16 February LONDON, United Kingdom, January 31, 2019/ — The Commonwealth Secretary-General, Patricia Scotland, constituted the observer group following an invitation from Tanzania’s Independent National Electoral Commission (INEC). Members include politicians, diplomats and experts in law, human rights, gender and election administration from across the Commonwealth. An advance group of observers was deployed to Nigeria on 29 January, while other members of the team are expected to arrive in Abuja on 8 February. “The Commonwealth has a long history of observing elections in member countries, in solidarity with electors as they choose their leaders, and in support of efforts to strengthen democracy and the rule of law in accordance with the values and principles of the Commonwealth Charter. The Commonwealth has observed the previous five elections in Nigeria, and I am pleased to be deploying so distinguished a group to again support the nation in its continuing journey of democratic development,” said Secretary-General Scotland. The Commonwealth Observer Group’s mandate is to observe and consider factors affecting the credibility of the electoral process as a whole. It will assess whether the elections have been conducted in accordance with the standards for democratic elections to which Nigeria has committed itself, with reference to national legislation and relevant regional, Commonwealth and international commitments. Where appropriate, the Group can also make recommendations for the future strengthening of the electoral framework. The Commonwealth Observer Group will consider the pre-election environment and election preparations. Members will be deployed to various regions of the country where they will observe the voting, vote-counting and results procedures. The Group will submit its final report for consideration by the Commonwealth Secretary-General, and she will in turn share it with the Government of Nigeria, INEC and political parties before conveying it to all Commonwealth governments. It will then be made public. The Group will be supported by Commonwealth Secretariat staff led by Ms Katalaina Sapolu, Senior Director of the Governance and Peace Directorate. The Commonwealth Observer Group is composed of: His Excellency Jakaya Kikwete, Chairperson Former President United Republic of Tanzania Dr Lesley Clark Gender Specialist Australia Mr Gary Dunn Former Commonwealth Deputy Secretary-General Australia Mr Omar Jallow Politician The Gambia Dr Emmanuel Akwetey Executive Director, Institute of Democratic Governance (IDEG) Ghana Mr Prosper Bani Politician Ghana Hon Emmanuel Bombande Senior Mediation Adviser, United Nations Ghana Dr Shahabuddin Yaqoob Quraishi Former Chief Election Commissioner of India India Mr Orrette Fisher Elections Consultant Jamaica Ms Jedidah Waruhiu Commissioner, Kenya National Commission on Human Rights Kenya Adv. Notemba Tjipueja Chairperson Electoral Commission Namibia Dr Eric Kwa Lawyer Papua New Guinea Mr Ernest Sagaga Head, Human Rights & Safety International Federation of Journalists Rwanda Mrs Marcella Samba-Sesay Chairperson National Election Watch (NEW) Sierra Leone Ms Crystal Orderson Regional Director, The Africa Report South Africa Ms Joy Napier Commonwealth Youth & Human Rights Representative St Kitts & Nevis Ms Elizabeth Donnelly Deputy Head & Research Fellow, Chatham House United Kingdom Ms Linda Duffield Retired Diplomat Former Chief Executive, Westminster Foundation for Democracy United Kingdom Mr Musa Mwenye Former Attorney General Zambia Distributed by APO Group on behalf of Commonwealth Secretariat. View multimedia content SOURCE Commonwealth Secretariat Multimedia content Download logo Image: Former President of Tanzania to head Commonwealth Observer Group for Nigerian elections Share Twitter | Facebook | LinkedIn | Google+ | Tumblr | Reddit | Pinterest | StumbleUpon APO Group – Africa Newsroom | Unsubscribe | Safe sender instructions | Privacy Policy Distributed by : Qaran News
  18. The U.S. military killed 24 militants in an air strike on Wednesday in the vicinity of Shebeeley in central Somalia, according to a statement released on Thursday. The post US says its military killed 25 militants in fresh Somalia airstrike appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-31012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa 31 Janaayo 2019 xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah bulshada kasoo jeeda gobolada Koonfur-galbeed ee ku [...] Source
  21. African Utility Week returns to Cape Town in May with latest updates and success stories in power, energy and water Mother City to welcome back 10 000+ energy and water professionals “The African Utility Week conference has a longstanding reputation of producing innovative, topical and high-level content, discussion and engagement” says event director Evan Schiff, adding: “the 19th edition of the event from 14-16 May in Cape Town this year will, once again, not disappoint.” The new co-location of POWERGEN Africa in 2019 will add an expanded focus on generation, including renewables, off grid, fossil fuels and nuclear, while still concentrating on transmission, distribution, metering, new technologies including storage, mini grids, micro grids, IOT and ICT systems, as well as water. Along with multiple side events and numerous networking functions the event boasts a five track strategic conference with over 300 expert speakers. An extensive Knowledge Hub programme that is CPD accredited and free to attend, offers hands-on presentations taking place in defined spaces on the exhibition floor. These discuss practical, day-to-day technical topics, best practices and product solutions that businesses, large power users and utilities can implement in their daily operations. Keynote speakers confirmed so far are: – Dr Mark Swilling, Programme Coordinator of the Sustainable Development Programme in the School of Public Leadership; the Academic Director of the Sustainability Institute; and the Co-Director of the Stellenbosch Centre for Complex Systems in Transition. – Prof Anton Eberhard, who the directs Managing Infrastructure Investment Reform Regulation In Africa (MIRA) at the Graduate School of Business at the University of Cape Town. He is also chairing a team appointed by South African President Cyril Ramaphosa to advise on turning Eskom around and restructuring the power sector. African Utility Week connects experts from the entire power, energy and water value chain, including: • BEHAVIOUR TRANSFORMATION: “We are inspired to ensure quality utilities are provided to Africa to give the individual the opportunity to independently manage their use of power and water, ensuring a sustainable future.” – Jodie Sherwin Hill, Executive Director, Jomat Investments Pty (Ltd), and African Utility Week Advisory Board member. • WATER: “We need for water sectorial practitioners to join hands and force Governments to put the sector in the position where it rightly belongs and that is at the front of all sectors. This would allow the sector to enjoy priority in terms of investments, which was required yesteryear across Africa.” – Gift Sageme, CEO at Malawi’s Central Region Water Board in Malawi and AUW Advisory Board member. • HYDROPOWER: “We are contracted by New Africa Power (Mauritius) to develop a 5 project 70MW portfolio of hydro power plants in Zambia. These projects are prepared for qualification under the KfW (German) GETFiT programme. This is a significant step for us and it is exciting to have been able to move beyond South Africa, take a step up in scale and to drive the innovation around our third generation of hydro IPPs.” – Anton-Louis Olivier, MD, REH, African Utility Week and POWERGEN Africa Advisory Board member and previous winner of an AUW Industry Award for the top Small-Scale Sustainable Energy Project (under 5MW). • MINI GRIDS: “We have a very exciting project called ViDA (Village Data Analytics) around using satellites to streamline and optimise much of the mini-grid development cycle.” – Dr Sam Duby, Africa Director, TFE Consulting and panellist at the upcoming African Utility Week and POWERGEN Africa in the Energy Revolution Africa session on “Driving demand and facilitate access to financing in rural areas”. • SMART ENERGY AND WATER: “We are presently implementing a pilot smart electric water heating project on our CSIR campus in Pretoria, assessing the potential energy savings and benefits in creating a flexible load utilising the considerable energy storage inherent with hot cylinder water heating.” – Dr Clinton Carter-Brown, Head: Energy Centre, CSIR and AUW Advisory Board member. • WATER: “Cape Town is a good example that Africa has started to face the effects of climate change by investigating alternative water resources and minimizing the loss of non-revenue water and general water use.” – Jan Kürstein, Hydrogeologist and Senior Consultant Water and Natural Resources at Rambøll in Denmark and speaker at the upcoming African Utility Week and POWERGEN Africa in Cape Town in May. • TECHNOLOGY: “At Dromex we see African Utility Week as a point of unity for the African energy sector and an invaluable connection point for innovation and technology within the industry” – Stel Stylianou, CEO of Dromex, platinum sponsors. International pavilions Apart from the official U.S. country pavilion at African Utility Week and POWERGEN Africa showcasing specialised technology and services for the utility, metering, renewable and water industries, country pavilions from Canada, China, Denmark, France, Germany, India and Poland have also already confirmed their presence at the 3-day event in May. Industry support A multi-award-winning conference and exhibition, African Utility Week and POWERGEN Africa has already secured early support from industry stalwarts including Conlog, Dromex, Landis+Gyr, Sumitomo and Utility Systems as platinum sponsors and Aberdare and Sulzer as gold sponsors. The sixth edition of the annual African Power, Energy & Water Industry Awards also returns to celebrate pioneering utilities, projects and people in the energy and water industry on the continent during 2018/2019. CEO Forum The Utility CEO Forum is an exclusive, by invitation only, gathering of regional utility CEOs within the power and energy sector providing a unique, safe space for discussion and debate the modern day challenges of their roles in running African utilities in a fast developing market with high political expectations and low returns within aging or no infrastructure. Confirmed industry expert and technology partners for this strategic gathering are Conlog, Eaton, Nyamezela, Ontec, Oracle and Steinmüller. African Utility Week and the co-located POWERGEN Africa is the flagship energy event organised by Spintelligent, a multi-award-winning Cape Town-based exhibition and conference producer across the continent in the energy, infrastructure, mining, real estate and agriculture sectors. Other well-known events by Spintelligent include Future Energy East Africa, Future Energy Nigeria, the Utility CEO Forums, Agritech Expo Zambia, Nigeria Mining Week and DRC Mining Week. Spintelligent is part of the UK-based Clarion Events Group and African Utility Week and POWERGEN Africa form part of Clarion Energy, which runs over 40 events Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira. Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah. Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi” Wow!! – take a moment to think about this….an #Ethiopian general is now in charge of the internationally mandated African military force in #Somalia – the military force which is the ultimate protector of the Federal Government of Somalia. Extraordinary https://t.co/KOzs5UAIGU — Rageh Omaar (@ragehomaar) January 31, 2019 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com