Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiiyey geerida ku timid wasiirkii Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo eheladii uu ka baxay Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,” ayuu yiri Khayre. Ex-wasiir Xoosh oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ayaa la sheegay in uu xalay xanuun kusoo booday, sidaasna uu u dhintay. “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo,” ayuu raaciyay wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa siyaasi caan ah ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada dalka soo maray. View the full article
  2. Cabdiraxmaan Xoosh oo geeriyooday Allaha u naxariistee waxaa goor-dhaweyd magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa Dubai u joogay arrimo qoys, waxaana sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa uu u geeriyooday xanuun xalay ku soo booday. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa ka soo jeeday deegaanada Puntland, wuxuuna xillal kala duwan ka soo qabtay Federaalka. Madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Ilaa iyo hadda go’aan lagama gaarin meesha lagu Aasi doono Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  3. Dubai (PP) ─ Wasiirkii Dastuurka Somaila, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday goor-dhaw isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib xanuun lama filaan ah oo kusoo booday. Marxuum Xoosh ayaa la sheegay in xanuun aan la filayn oo dhanka naqaska ah uu kusoo booday, dadaal badan kaddibna uu maanta baqonimadii uu ku geeriyooday isbitaalkii xalay la dhigay. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Goodax Barre oo la joogay Dubia ayaa qaybaha warbaahita u xaqiijiyay geeridiisa, wuxuuna sheegay inay arrimo qoys u joogeen Dubai. “Aniga iyo Wasiirka waxaan u joognay Dubai guurka gabadhiisa, basle nasiib-darro ayaa dhacday, wuuna geeriyooday,” ayuu yiri Wasiir Goodax oo intaas ku daray maydkiisa loo qaadi doono Muqdisho si loogu aaso. Dhanka kale, Wasiirka geeriyooday ayaa wuxuu ka mid ahaa wasirrada xukuumadda Somalia ugu firfircoon, isagoo dadaal weyn u galay sidii dib u eegis iyo dhameystir loogu sameyn lahaa dastuurka dalka oo uu sheegay in uu yahay midka lagu maamuli doono dalka. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu sannadihii lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhiabannada baarlamaanka Somalia, wuxuuna inta badan si aad ah u mucaaradi jiray xukuumadaha uusan ka mid ahan. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Dastuurka Dowladda Somalia oo ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dubai – UAE appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa goordhow magaalada Dubai ku geeriyooday wasiirkii dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Allaha u naxariistee wasiir Xoosh ayaa ku xanuunsanayay baryihii la soo dhaafay magaalada Dubai. Geerida wasiir xoosh ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha wasaarada dastuurka. Madaxda dalka ugu sareeyso aayaaka tacsiyeeysay geerida marxuum wasiir Cabdiraxmaan Xoosh. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Puntland Post The post Wasiir Cabdiraxmaan xoosh oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  5. Boosaaso (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nabadoon caan ahaa oo duhurnimadii maanta lagu dilay magaaladda Boosaaso. Dilka oday dhaqameedka oo lagu magacaabayey Bashiir Muuse Koonte ayaa la sheegay in ay ka dambeysay dabley hubeysan. Marxuum Bashiir ayaa xiliga la dilayey la sheegay in uu kusii jeeda Masaajidka Tabaarak ee ku yaalla xaafada Laaanta Hawada ee caasimada gobolka Barri. Wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii falkaan geystay ay durba ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamada amaanka ayaa soo gaarey halkaasi, kuwaasi oo aanan wali wax tafaasiil ah ka bixin dhacdadaasi. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falka lagu khaarijiyay nabadoon Bashiir Muuse Koonte. Alle ha u naxriistee, nabadoon Bashiir Muuse Koonte ayaa kamid ahaa hogaanka isimada ee maamul goboleedka Puntland. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-08032019.mp3 View the full article
  7. Allah ha u naxariistee waxaa goordhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya Aadan [...] Source
  8. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in magaalada Dubai ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta uu ku geeriyoodey Allaha u naxariistee wasiirkii Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil. Xoosha ayaa maalmahan ku xanuunsanayey halkaasi isaga arrimo caafimaad uu u joogay Dubai. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, wuxuuna hadda ahaa wasiirka Dastuurka. Source: goobjoog.com
  9. Abu Dubai (SMN) – Alle ha u naxriistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee Isu tagga Imaaraadka ku geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wasiirkii Dastuurka ee xukuumada Soomaaliya. Maxamed Abuukar Zubeyr, agaasimaha guud ee wasaarada Dastuurka xukuumada federaalka ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku xaqiijiyay dhimashada wasiirka. Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Ex-wasiir Xoosh uu u dhintay xanuun uu mudooyinkii dambe la tacaalayey. Mr Zubeyr ayaa tacsi u diray dhamaan ehelka iyo asxaabta Ex-wasiir Xoosh, kaasi oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay ee dalka kadib burburka haatan laga soo kabanayo. View the full article
  10. Marxuum Sudan Bashiir Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta oo Jamce ah halkaasi lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland. Suldaanka ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku geeriyooday. Ciidamada amniga Boosaaso oo gaaray halka weerarku ka dhacay ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala masjidka balse weli ma cadda in dilka suldaanka cid loo qabtay iyo in kale. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka inkastoo weerarro sidaan u eg ay fulliyaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Suldaan lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa goordhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil. Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah kusoo booday. Weli faah-faahin lagama bixin waxa uu xanuunkaas ahaa. Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online. “Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin” Waxaa sidaas yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxay waayadan ku mashquulsaneyd dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Sanad walba maanta oo kale waxaa caalamka oo dhan looga dabaaldegaa ama laga xusaa maalinta Haweenka adduunka 8-da Maarso. Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha looga dabaaldegayo maalintaan, waxaana maanta magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ka soconaya munaasabadda maalinta haweenka. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona munaasabadahan si haweenka loo dhiirogeliyo. Haweenka Soomaaliyeed ayaa kaalin weyn ka qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxayna haweenka laf dhabar u yihiin bulshada. Source: goobjoog.com
  13. Nin ku hubeysan Bistoolad ayaa waxa uu goor dhow masjid ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay nabadoon aad looga yaqaannay guud ahaan deegaannada Puntland. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayey Suldaan Bashiir Muuse Koonte waxaana soo gaaray markii hore dhaawac halis ah, ugu dambeyn wuxuu ku dhintay Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso. Goob joogayaal ayaa sidoo kale inoo sheegay in dilka kadib la maqlay qarax Bam oo nooca gacanta laga tuuro ah, balse lama sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay. Qofkii ka dambeeyey dilka Suldaanka ayaa isaga baxsaday halkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamada Puntland oo howlgallo wada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Bosaso ayaa shegaya in goor dhowayd halkaas lagu tooogtay Suldaan bashiir muuse koonte oo kamid ahaa Isimada Puntland Nin ku hubaysan [...] Source
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar. Al Shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada Bangaraafka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ajaaniibta maadaama sida ay sheegeen ay hayeen xogta weerarka la xiriirta. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayay sheegeen inay ku degeen meel u dhow deegaanka kadibna ay isku dayeen inay gudaha u galeen, balse ciidamada Al Shabaab ka hortageen, sida Al Shabaab sheegeen. Deegaanka Gamboole ayaa qiyaas ahaan 50 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana sawirada Al Shabaab ay ku sheegeen inay ahaayeen waxyeelo rayidka soo gaartay. Al Shabaab ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah ku geeriyoodeen weerarka ciidamada Mareykanka, waxaana dhankooda ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan ciidamada huwanta ee weerarka ka dambeeyay. Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka kadib saaka asmaato badan oo ciidamada huwanta lahaayeen lagu arkay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  16. Istanbul (SMN) – Wasiirka Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaaladda Istanbul kula kulmay dhigiisa Turkiga. Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wadasheyn dhow oo ay yeeshaan labada wasaaradood. Mr Cabdirashiid ayaa shaaciyay in la isla qaaday qorshe ay wasaaraddu waddo oo ah in wajiga 2aad ee kheyraadka dalka lagu soo bandhigo Turkiga. “Waan isku afgaranay, waxaana ku heshiinay in ay nagala shaqeeyaan arrintaasi,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyntii, wasiirka Bartoolka xukuumada federaalka ah ayaa daboolka ka qaaday in qodobadii ay isku raaceen la dhaqan-gelin doono. “Shirka waxaa kasoo geli doono shirkado caalami oo daneeya shidaal qodista, oo aan ku marti qaadi doono,” ayuu daba dhigay. Bishii Febraayo ee sanadkaan 2019 ayay ahayd markii dowladdu kusoo bandhigtay caasimada UK ee London wajiga 1aad ee kheyraadka dalka. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-08032019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dumarka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 8-da Maarso oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida. Munaasabado waawayn oo arrintaan lagu wayneynayo ayaa la filayaa in ay ka kala dhacaan magaalooyin ay Muqdisho kamid tahay. Dhanka kale, marwada 1aad dalka, ayaa hambalyo ku aadan maalintaan u dirtay haweenka Soomaaliyeed. Xuska maalintaan ayaa kusoo aadaya iyada oo ay jiraan tacadiyo lagula kacayo haweenka Soomaaliyeed oo u badan kufsiga. Hadaba, waxaad halkaan hoose ka dhageysan kartaan warbixin aan idin kaga diyaarinay dhibaatooyinkaaasi. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warbixin.mp3 View the full article
  19. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku wareejiso qoondada kaga soo aadeyso tirada xujeyda Soomaaliya loo qorsheeyay sanadkaan. Wasiirka diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay ku wareejiso qoondada Puntland ay gaar u leedahay. Wuxuu sheegay in sanadkaan Soomaaliya loo qorsheeyay 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah, islamarkaana ay sugayaan inay toos u helaan qoondadooda, isagoo cadeeyay inay iyaga maamulan doonaan xujeydooda. Cawil Sheikh, ayaa sheegay inaysan dooneyn in shirkado gaar ah ay maamulaan xujeyda ka tageysa Puntland oo uu sheegay in lagu dayaco Sacuudiga marka la geeyo. “Waxaan oga fadhinaa wasaaradda federaalka ee Diinta iyo Awqaafta inay nagu soo wareejiso qeybtii Puntland ka soo gaari laheyd tirada xujeyda, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay arintaan si xoog leh kaga shaqeeyaan” “Puntland ayaa maamuleyso dadkeeda, iyadaa diyaarado u keesaneysa iyadaa la imaaneysa sidii dadkaasi loo geyn lahaa Sacuudiga, anaga ma dooneyo waxaanan laheyn ee waxaan dooneynaa inaan helno waxaan xaqa u leenahay”ayuu yiri wasiirka Diinta Puntland. Sanadkii hore ayaa dhibaatooyin badan laga maray gudashada waajibaadka xajka, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka hareen inay soo xajiyaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  20. Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday tuuladda Gamboole ee gobolka Shabellaha Dhexe. Illo degaanka ah ayaa sheegaya in weerarka cirka ah lala beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leedahay kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib ay xigeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah oo degaanka qaab lug ah ku galay. Ma cadda hadii uu jiro khasaaro ka dhashay howlgalkaasi oo aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta gobolka ee hoostaga maamulka HirShabelle. View the full article
  21. Jowhar (Caasimada Online)-Qaar kamid ah golahii wasiirada ee maamulka Hirshabeelle oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dacwadda ay gudbiyeen iyo cidda ay sida tooska ah ugu socoto. Wasiirada ayaa sheegay inay dacwadooda ka dambeysay kadib markii aan la siin 15 bilood oo mushaar ah oo xaq ay u lahaayeen, taasi oo keentay inay maxkamadda u gudbiyaan dacwadda ka dhanka ah hogaanka Hirshabeelle. Axmed Muuse Xuseen oo kamid ah wasiirada maamulka Hirshabeelle ee gudbiyay dacwadda ayaa sheegay inay sugayeen muddo badan inay helaan xaqa ay lahaayeen balse aysan dhicin. Wuxuu sheegay in cabashadooda ay gudbiyeen ayna ku wajahan tahay seddexda masuul ee ugu sareyso xilka maamulka Hirshabeelle, sida uu hadalka u dhigay. “Cabashooyin ayaan qabnay, waxaan dacwada u gudbinay maxkamadda, waxaana laga codsaday inaan qareen qabsano, xaq ayaan u leenahay inaan dacwoono, 15 bilood maanan helin gunadeenii, waxaana dacwadda ka gudbinay guddoomiyaha, madaxweynaha iyo ku xigeenkaba” Seddexda masuul ee ugu sareyso Hirshabeelle ayaa inta badan kala qeybsada dhaqaalaha ka yimaada deegaanada Hirshabeelle iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, sida ay qabaan qaar kamid ah wasiirada dacwadda gudbiyay. Ma jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka maadaama ay yihiin dadka eedeynta loo jeedinayo. Caasimada Online Xafiisa Hirshabeelle Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu saacadaha soo aadan u dhoofi doono magaalada Kismaayo. Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa la filayaa in caasimada maamulka Jubbaland si wayn loogu soo dhaweeyo. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa la rajeynayaa in uu xarun goboleedka Jubadda Hoose kula kulmo madaxda maamulkaasi. Amaanka magaalada ayaa sare loo qaaday iyada oo wadooyinka qaar lagu arkayo ilaalada ra’iisul wasaaraha oo halkaasi shalay tegay. View the full article
  23. Baydhabo (SMN) – Xukuumada Soomaaliya ayaa taageero dhinaca amniga u balanqaaday maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shaaciyay in tani ay qayb ka tahay tubta amniga qaranka. Xaamuud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu shalay magaaladda Baydhabo uga qeybgalay shirka gollaha wasiirada maamulkaasi. Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan. Wasiir Xaamuud ayaa intaasi ku daray in dhammaan dawlad gobaleedyada kale laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-08032019.mp3 View the full article
  25. Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala eegtay saldhiga Al Shabaab ay ku leeyihiin Shabeelaha Dhexe oo ah kan ugu weyn ee ay ku qaadaan xukunada kala duwan, waxaana la sheegay in khasaaro uu gaaray, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Hirshabeelle. Weerarka ayaa waxaa barbar socday duqeyn diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen deegaanka, waxaana lagu waramayaa in lagu dilay ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan saraakiil Al Shabaab ah. Xaalada deegaanka Gamboole ayaa saakay ka duwan sidii shalay,waxaana la sheegay in Al-Shabaab dhankooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan maadaama xalay weerar cir iyo dhul ah ay deegaankaasi xalay ku qaadeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah. Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay u degteen deegaanka, halkaasi oo weerar iska hor imaad ahaa uu ka dhacay, waxaana beegsiga weerarta uu ahaa saldhig ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka. Al Shabaab ayaa deegaanka Gamboole ku qaada xukunada kala duwan ee deegaanada Shabeelaha Dhexe, waxaana dadka looga yeeraa deegaankaasi marka ay dhaqaalo ka doonayaan. Caasimada Online Xafiiska Sh/Dhexe Caasimada@live.com