-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bujumbuura (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa xalay casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan Mudane Pierre Nkurunziza. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la qaadanayaan dhiggooda dalka Burundi. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalada lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika, si la isaga kaashado dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira,la isuna weydaarsado khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. The post Madaxweynaha JFS oo casho sharaf loogu sameeyay Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay sida ay ka dawlad ahaan u arkaan khilaafkaas diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya oo sababay inay Kenya u yeedhato safiirkeedii joogay Muqdisho, dalkeedana ka saarto safiirka Soomaaliya, wuxuu Wasiir Faratoon yidhi “Arintaasi waa arin labadaas dal u taala, kolay xaaladu siday noqon doonto iyo waxay ku dambayn doonto ma ogin, waxaynu ka faa’idaysanaa ma yaalaan meesha hadeerto.” Wuxuu Wasiirku sheegay inay ka dawlad ahaan isha ku hayaan xiisadda diblomasiyadeed, “Xaaladana waanu eegaynaa oo labada dal bay u taalaa, waxaanu hadda ka nidhaahno khilaafkoodu nooma yaalaan, wixii shalay laga hadlaayey iyo waxa maanta laga hadlaayaa way kala duwan yihiin, arimahooduna way soo degeen.” Dawladda Somaliland ayaa Kenya ku leh xafiis diblomaasiyadeed, waxaanay dawladda Kenya dhawr goor sheegtay inay iyaduna xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weli hirgelin. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda oo sidoo kale u waramay wargeyska Dawladda ee Dawan, ayaa isagoo ka hadlaya xafiiska Kenya ee Hargeysa wuxuu yidhi “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.” Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeedhatay safiirkeedii Lucas Tumbo. Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaanay bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Nairobi)-Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxeexdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay. Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalada Nairobi muu sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Soomaaliya ee xilligaasi, waxaana wada saxeexanay heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yidhi Mosees Wetangula. Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Soomaaliya qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xidhiidho Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay. Source
-
(SLT-Garoowe)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa Albaabada iskugu dhuftay xarun uu Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland. Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) ayaa la sheegay inuu yahay qofka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan oo la furay 31-dii bishii hore ee January sanadkan 2019, maalmo kaddib Caleema saarkii Madaxweyne Siciid Deni. Xubno ku dhow ninka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan ayaa soo sheegaya in sababta ay la xidhiidho in Puntland ay saameyn ku yeelato khilaafka u dhexeeya Xisbigaasi iyo Xukuumadda Soomaaliya. “Xukuumadda Puntland waxey amar ku bixisay in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin deegaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yidhi qof la hadlay Warbaahinta gudaha ee Puntland oo ku dhow Guddoomiye Gu’jir. Hoggaaminaya Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ayaa xadhiga ka jiray Xafiiska cusub ee Garowe, taasoo aheyd markii u horeysay oo Xisbiga meel ka baxsan Muqdisho xafiis ka furto Ma jirto wax war ah oo arintan ay ka soo saareen Xisbiga Wadajir iyo maamulka Puntland, iyadoo Shacabka Garowe ay hadal hayaan arintan, waxaana xafiiska la xidhay uu ahaa xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada maamul Puntland. Source
-
(SLT-London)-Xildhibaano gaadhaya 7 ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen xisbiga Shaqaalaha ee dalka UK (Labour Party) iyagoo ku eedeeyey hogaamiyaha xisbigaasi Jeremy Corbyn inuu naceyb weyn u muujiyey dadka Yahuuda ah, waa sida ay hadalka u dhigeenee. Hogaamiyaha xisbiga Labour party oo ay si weyn u taageeraan dhaq dhaqaaqa garabka bidix ee dalkaasi ayaa sidoo kale ka tirsan siyaasiyiinta u dooda xaquuqda reer Falastiin, arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan qaar kamid ah xildhibaanada xiriirka laleh Israel ee kamid ahaa xisbigiisa. Kooxdan ayaa sidoo kale kamid ah kuwii looga guuleystay loolankii horey uga dhex socday xisbiga Labour party. Xildhibaanadan ayaa sheegay inay sameysteen kudlad u gaar ah oo ay kasii mid ahaan doonaan Baarlamaanka iyagoo madax banaan, balse qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Labourka ayaa ugu baaqay in ay xilka iska casilaan oo kuraastooda markale u tartamaan iyagoo madax banaan maadaama ay hada xilalka ay hayaan ku heleen magaca xisbiga Labour Party. Xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party ayaa doorashadii dhacday 2017 helay kuraas dheeraad ah oo gaareysa 262 kursi oo kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo gaaraya 650. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa war ka soo saartay hadal in muddo ah la isla dhex marayay oo ku saabsan in dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu iibsado kooxda Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska. Wasiirka warfaafinta ee Sacuudiga ayaa sheeg ay in dhaxal sugaha aanu qorsheyneyn inuu iibsado kooxda ka dhisan horyaalka Premier League-ga ee Manchester United, iyadoo beenisay warar la isla dhex marayay waadanba. Hase yeeshee, wasiirka ayaa intaas ku daray in kaliya uu jiray kulan lala yeeshay hay’ad sacuudiga laga leeyahay oo wax maalgalisa, kaasoo ku saabsanaa sidii kooxda dhaqaale loogu maalgashan lahaa. Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan? ”Maxamed Bin Salmaan wuu waalanyahay” CIA-da Maraykanka oo Maxamed Bin Salmaan ku eedeeysay dilkii Kaashaqji Wasiirka warfaafinta boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Turki al-Shabanah ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidan: “Wararka ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu iibsanayo kooxdaas waa kuwo ‘gabi ahaanba been abuur ah’ oo aanay walba ka jiri”. Wuxuu ka jawaabayay macluumaad la isla dhex marayay oo ku aaddanaa in dhaxal sugaha uu xiriir la sameeyay qoyska ganacsade Malcolm Glazer, oo ah milkiilaha kooxda United, si uu isagu ula wareego kooxdaas. “Manchester United mas’uuliyiinteeda ayaa la kulmay hay’adda PIF Saudi, si ay ugala hadlaan fursad maalgalin ah, mana jirin wax heshiis kala gadasho ah oo lasoo hadal qaaday”, ayuu qoraalkiisa Twitter-ka ku yiri Shabanah. Maalintii Aaxadda ahayd ee dabayaaqadii isbuuca ayuu wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee the Sun sheegay in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu damacsan yahay inuu kooxda Manchester United ku iibsado adduun lacageed oo gaaraya $4.9 bilyan oo doolar. Wargeyska ayaa sheegay in isku dayga markii ugu horreysay lasoo bandhigay bishii Oktobar, balse niyad jab ka yimid markii wariyihii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jirsay Jamaal Khaashuqji lagu dhex jilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambul. Manchester United ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay kooxaha kubadda cagta ee ugu taageerada badan caalamka. Source
-
(SLT-Nairobi)-Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan. Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaadha magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya. Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaadho Muqdisho, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya. Xildhibaanada baarlamaanka ee dalka Kenya oo ay Haweeneydan maanta hortageyso, ayaa la filayaa iney warbixin dhameystiran ka siiso xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirka 7-dii bishan ka dhacay magaalada London ee shidaalka Soomaaliya. Katoo Metito oo ah Gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Wasiirada ay doonayaan in ay wax ka weydiiyaan khilaafka dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaya una dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kalena laga dhageysnayo bal halka ay salka ku heyso xiisada taagan. Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa dhankiisa sheegay inuu daqiiqad kasta Munica Juma siinayay hadba wixii soo kordha, talaabooyinka ay qaadeenna ay ahaayeen kuwo ay la socotay. Source
-
(SLT-Washington)-Xoogaga kurdida ee loo yaqaan SDF oo taageerada ka helaya Maraykanka ayaa sheegay inay hada gacanta ku hayaan ugu yaraan 800 ka tirsan dagaalyahanadii kooxda Daacish oo ay wehliyaan qoysaskooda oo gaaraya 1200 haween iyo caruur ah. Xili dagaalka lagula jiro Daacishta Siiriya uu gebo gebo marayo ayaa waxa ay dooda ka dhalatay cida la wareegi doonta maxaabiista laga qabtay kooxdaasi oo ay ku jiraan dhalinyaro horey uga yimid qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sabtidii bartiisa twitter ku qoray in laga doonayo dalalka reer Yurub inay la wareegaan muwaadiniintooda usoo dagaalamay Daacish isla markaana ay soo taagaan maxkamad. Maraykanka ayaa doonaya in todobaadyada soo socda uu ciidamadiisa kala baxo dalka Siiriya, arrintaasi oo culeys weyn ku keeni doonta ciidamadii ay horey u taageeri jireen ee kurdida Siiriya SDF. Saraakiisha SDF oo codsaday in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan dalka Siiriya ayaa sheegay inaysan sii heyn karin maxaabiistan badan oo ay ku jiraan dagaalyahano si weyn looga cabsi qabo inay ka baxsadaan xabsiyada hada lagu hayo oo dib u bilaabaan dagaalo horleh. Balse dowladaha Yurub qaarkood ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn inay la wareegaan maxaabiistaasi oo ay u arkaan kuwo amnigooda khatar ku noqon kara hadii ay dib ugu soo noqdaan dalalkii ay markii hore ka yimaadeen, maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale ah mid wakhti dheer qaadan kara. Trump ayaa ku goodiyey inay siideyn doonaan maxaabiistan hadii aysan dalalka Yurub la wareegin, arrintaasi oo ay Midowga Yurub u arkeen hanjabaad. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Moses Wetangula ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ay horey u kala saxiixdeen Heshiis kaasi oo ku saleysan dhanka xuduuda badda. Heshiiskaasi ayuu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixdeen xilligii Dowladdii Madaxweyne Mwai Kibaki ay hogaamineysay dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Moses Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi, balse ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay. Laakiin Moses Wetangula ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyadoo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula. Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidada Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, sida uu hadalka u dhigay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moses Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay. Sidoo kale wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka. Madaxdii dalka xukumeysay xiliga uu xilka hayay wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ayaa horey u sheegay inaysan jirin heshiis badda Kenya loogu ogolaaday balse heshiiskaasi uu ahaa in laga wada xaajoodo kaliya sheegada Kenya ee dhanka Badda. Xiligaasi waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheikh Axmed, waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Cumar C/rashiid Cali, iyadoo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ka ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana hadda la sugayaa jawaabta ay madaxdaasi ka bixiyaan hadalka wasiirkii hore ee Dibadda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si xoogan ugu diyaariso ciidankeeda hanashada ammaanka dalka, marka la gaaro qorshaha kala guurka AMISOM iyo Soomaaliya. Guddig nabadda iyo amniga Midowga Africa ayaa kulamo ay yeesheen uga dooday, sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso qorshaha kala guurka ee AMISOM dalkeeda uga bexeyso sanadaha 2020-ka iyo 2021-ka. Midowga Africa ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay helaan tababaro hormarsan iyo agab milatari oo ay uga kaaftoomi karaan ciidamada AMISOM, marka uu idlaado waqtigooda Soomaaliya. Kulanka yeesheen guddiga nabadda iyo amniga ee Midowga Africa ayaa imaanaya xili la filayo in dabayaaqada bishan Febraayo kun askari laga dhimo howgalka AMISOM ee Soomaaliya. Golaha ammaanka ee QM ayaa horay u soo saaray qaraar qeexaya in sanad waliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM,si ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan gacanta ugu dhigaan ammaanka dalka. The post Midowga Africa oo ku baaqay in la diyaariyo ciidan amniga kala wareega AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxgarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadlay khilaafka diblomaasiyasadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ugu horreyn Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay, sida geesinimada leh oo ay dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay hadalkii Kenya. Siudoo kale Imaamka ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay DFS uga dambeeyaan go’aankaasi. Dhankiisa Cabdi Ra’uuf Layli Dubad oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in laga dhowr sugayo dowladdu in ay qaato tallaabo waa weyn oo lagu difaacayo Soomaaliya, dibna loogu soo celinayo sharaftii ay laheyd. Khilaafka labada dowladood ayaa yimid, kadib markii Kenya ay cabasho ka keentay shirkii shidaalka ee dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska. The post DFS Oo lagu amaanay go’aankii ay qaadatay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha xisbiga Garsoor, xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u warammay Goobjoog ayaa ka hadlay arrimaha ku aaddan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu ugu horreyn soo dhoweeyey go’aankii ay dowladda dhexe ugu jawaabtay Kenya, balse wuxuu ku sheegay iney ula muuqatay jawaab dabacsan. Wuxuu Xildhibaan Sakariye sheegay in madaxda dowladda looga baahnaa in jawaabta ay bixinayaan ahaato mid xanuunjisa Kenya, islamarkaana la tuso tabarteeda iyo sidoo kale Soomaaliya waxa ay tahay. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in gabi ahaan xiriirka loo jaro Kenya, sidoo kalena dalka laga saaro ciidankooda, lana mamnuuco qaadka ay dalka keenaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-Sakariye-Maxamuud-Xaaji-Cabdi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (SMN) – Guddoomiyaha degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shacabka degmadaasi uga digay isticmaalka bacaha laguy adeegto iyo kuwa madow ee lagu dhajiyo Baabuurta. Guddoomiyaha ayaa amray in shacabku ay u hoggaansamaan awaamiirtaasi oo lagu xoojinayo sugida amniga. Dhanka kale Ciidamo aad u hubaysan ayaa xalay goor saq dhexe ah lagu arkayay iyagoo roonda ka sameynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi. Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.H The post Shacabka Boosaaso oo lagu soo rogay awaamiir culus appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xukuumadda Muuse Biixi ee Somaliland ayaa shaqo abuur u sameeyey dhallinyaro ka badan 400 kuwaasi oo laga soo uruuriyey gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland. Dhallinyaradan ayaa loo sameyn doonaa barista xirfado kala duwan, waxaana ku jira dhallinyaro loo tababarayo ciidannimo, gaar ahaan Milatari. Qorshahan ayaa qeyb ka ah barnaamijka shaqo qaran, iyadoo dhallinyaradan ay soo dhoweeyeen shaqooyinkan la siinayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Somaliland-ayaa-markii-ugu-horreysay-laga-hirgaliyay-Barnaamijka-Shaqo-qaran.mp3 Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo sidoo kale kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog, in ciidanka AMISOM oo dhaq-dhaqaaqyo wada ay weerar kala kulmeen ciidamada Al-shabaab. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal aad u xooggan, kaasi oo Labada dhinacba khasaare soo kala gaarsiiyey. Dadka shacabka ah ee waxyeellada kasoo gaartay dagaalkan ayaa lagu sheegay Saddex qof oo dhimasho ah iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Xaaladda degmada Jalalaqsi waa ay deggan tahay, dhinacyadii dagaallamayna guullo ayeey kala sheegteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog (Talaado 19-02-2019) waxaana inoo akhrinaya wariyaheena Axmedweli Xuseen Maxamuud. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-19-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa xalay waxa uu dhiggiisa dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo ay ku kulmeen caasimadda dalkaasi waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah. Waxay madaxdan kulankooda isku soo qaadeen arrimo ay ka mid tahay ammaanka iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Labada wadan. Iyadoo weli kulamo kale ay dhiman yihiin ayaa kulankii xalay oo hordhac ahaa waxaa sidoo kale la isku soo qaaday arrimaha ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo la qorsheynayo in sanadkan gudahiisa ay qaar ka mid ah ciidankaasi dalka isaga baxaan. Burundi oo ah dalkii Labaad oo Soomaaliya keena ciidamo nabad ilaalin ah ayaa sanadkan waxa uu deegaannada Hirshabelle ka saarayaa in ka badan Kun askari, kuwaasi oo dalkooda dib loogu celinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa muujisay inay wajahayso cabsi guul-darro oo kaga soo socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, halkaasi oo uu yaallo kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ay dooneyso inay qaadato. Arritan ayaa waxaa caddeyn u noqday hadal kasoo baxay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo soo bandhigay saddex shardi oo dowladdiisa ay ku xireyso in lagu xaliyo muranka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Markii Kenya ay xiriirka diblomaasiyeed u jartay Soomaaliya ayada oo ku doodaysa in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla “dhul-badeedka Kenya”, waxaa durba soo baxday in waxa Kenya ay u socoto aysan taas ahayn, balse ay tahay inay dooneyso inay lugaha kala baxdo kiiska maxkamadda ICJ. Jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ka bixisay go’aanka Kenya ayaa caddeyn u noqday in Kenya meel cidlo ah ay ka dagaalamayo. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla “dhul-badeedka lagu muransan yahay”. Intaas kadib, ayaa Macharia Kamau saddexda shardi ee uu soo bandhigay waxa ugu yaab badnaa midkan saddexaad. Shuruudaha ayaa kala ahaa: 1 – In Soomaaliya ay ka noqoto qeybta qariiradda Badda oo Kenya ay u aragto inay leedahay, kuwaas oo xirmooyin shidaal oo ku yaalla lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London. 2 – In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. 3 – In wada xaajood ay labada wadan ka galaan “arrinta muranka badda”, oo ay ka gaaraan xal walaalnimo, iyada oo aan la marin maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taallo. Waxaa yaab leh, haddii Kenya ay markii hore Soomaaliya xiriirka ugu jartay inay iib-geysay “dhul Kenya leedahay”, haddana dalbatay in laga noqdo, xaguu u socdaa qodobka saddexaad ee maxkamadda ICJ? Maxaase iska galay kiis sanado soo socday iyo arrintan cusub? Sida Macharia hadalkiisa ka muuqata, xitaa haddii Soomaaliya ay ka laabato dhul-badeedka ay xirmooyin shidaalkiisa iib gaysay, maba aysan iib geyn’e, Kenya kuma filna. Bal u fiirso waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya sababta Kenya u dooneyso in laga noqdo kiiska maxkamadda ICJ oo wada-hadal lagu dhameeyo. “Rajadeenu waxa ay tahay in maadaama aan nahay deris wanaagsan in arrintan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamad. Saaxiibadi islama koraan maxkamad; waa ay wada fariistaan oo ay xaajoodaan. Waa taas waxa aan ka fileyno Soomaaliya.” Haddii Kenya ay hubto in dhul-badeedka ay sheeganeyso uu yahay mid ay leedahay, maxay uga cabsaneysaa maxkamadda, oo ay u dooneysaa in kiiskan lagu dhameeyo wada-xaajood, haddiise ay dalbatay in dowladda Soomaaliya ay ka laabato “dhulkii lagu iib geeyey London” maxay maxkamadda ICJ ugu xiraysaa? Waxaa cad in Kenya wajaheyso guul-darro, ayna dooneyso in inta aan go’aanka la gaarin ay kiiska maxkamadda faraha kala baxdo, kadibna wada-xaajood been ah ay Soomaaliya waqtiga uga lumiso ama ugu awood sheegato. Faalladii qeybta tifaftirka Caasimada Online caasimada@live.com
-
Shirkada Spectrum ee xaraashaysa Shidaalka Somalia oo Warbixin ka soo saartay Khilaafka dhuleed ee ka dhex oogan Somalia & kenya & Xoggo ku saabsan Dhul-badeedka Somalia & Kenya ku muransan yihiin Shirkadda Spectrum oo sameysay sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay faah-faahin uga bixisay shirkii 7-dii Febraayo ka dhacay London iyo dhulka sahminta lagu sameeyey. Qoraalka oo loo diray wasaaradda batroolka Soomaaliya, islamarkaana ay Warbaahintu heshay waxay Spectrum ku sheegtay in shirkii London uu ahaa kaliya mid sare loogu qaaday islamarkaana lagu xayeysiinayey shidaalka la tuhmayo inuu ku jiro Soomaaliya. Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xidhmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya. Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahaminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague. Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday Khariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana aanka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaadhi doonto. Qoraalka oo Rasmiya ah Halkan hoose ka akhri:- Qaran News
-
Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika, isla markaana kasoo baxa dalka Tanzania ayaa ku camirtay dalka Kenya, isagoo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo isku ceebaysay muranka diblomaasiyadeed ee ay ku weerartay Somalia!” Wargayska ayaa sheegay in Kenya ay dooratay erayo ixtiraamka ka arradan, isla markaana ay ogaysiis la’aan cayrisey ergaygii Somalia u fadhiyay dalkeeda, halka Somalia ay ku jawaabtay wax muujinaya jawaabta uu bixin lahaa dal casri ah oo dunida la jaan qaadaya, taasoo buu yiri ukun fuunto ah wejiga uga jebisey Kenyan. Kenya ayaa mar qura 2009-kii jeebka kala soo baxday dood gebi ahaanba cusub oo ay ku sheegayso inuu jiro dhul badeed ay kula muransan tahay dalka Somalia, kaddib heshiis lagu sheegay ”is afgarad” oo ay qolal mugdi ah 2009 kula saxiixatay siyaasiyiin xilligaa Somalia metelayay. Kenyan oo tixraacaysa shirkii bandhigga shidaalka Somalia ee 7-dii Febraayo London lagu qabtay ayaa arrintaas ku tilmaantay “fal laga argagoxo oo daandaansi ah” iyadoo intii ku lug leh ku tilmaantay ”cadowga Kenya”, intaana kuma hakane waxay Kenya dalkeeda ka cayrisey danjirihii Somalia. Gardaro AAN LOO MEEL DAYIN Yeelkeede, Spectrum Geo website, ayaa muujinaya in baloogyada ay Kenya sheeganayso aysan xitaa ku jirin kuwii lagu bandhigay shirkii London, laba balood unbaa u dhow, qaybta 3-xagalka ah ee ay Kenya ka waddo sheekada ku dhisan ”ku qabso ku qadi mayside!”. Wargayska ayaa haddaba qoraya, in eed sheegashada Kenya ay tahay mid lala degdegey, balse aanay jirin baahi taa keenaysa, mana keenin wax caddaynaya inay Somalia wax xaraashtay gebi ahaanba. DF Somalia ayaa dhankeeda tiri sidatan: “Somalia ma dejinin wax qorshe ah oo hadda iyo hadhoow ah oo ku aaddan sahminta meelaha ay Kenya sheeganayso, ilaa lagu xalliyo maxkamadda ICJ.” Wuxuu wargaysku sheegay in marka la eego jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia ay ka muuqato dadnimo, taxaddar, xeerin iyo xirfad. Wuu sii hadlayaa oo wuxuu qoray wargayska AE, Kenya waxay tiri, “DF Somalia waxay markale caddaysay inaysan weli gaarin qaan gaarnimo siyaasadeed oo laga doonayo dowlad si wanaagsan loo agaasimey oo casri”. Taasi waa mid u qaadan waa ah ayuu leeyahay wargaysku, waayo DF Somalia waxay jawaabteeda ku muujisay deganaanta laga doonayo dal casri ah, halka Kenya ay is ceebaysay oo ay wejiga iska gubtey.
