Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,979
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarniga 21aad waxa la arki doonaa laba qof oo saaxiib noqda isniin illaa jimcaha. 150 oo ahaa raqamka celcelis qof kasta uu saaxiib la noqon jiray cimrigiisa, qarniga 21aad waa la dhaafin doonaa, waliba si saa’id ah. Sidaa waxa saadaaliyey Alvin Toffler. 1970kii ayuu kasii falooday qarnigan. Toffler iyo dhammaan dadka isa su’aala arimaha bulshada, waxa ay hoosta ka xariiqeen, mushkiladda insaanka soo foodsaari doonta Q21 in ay noqon doonto kali-nimo/wehel la’aan. Noloshu waxa ay u dhaxaysaa mar aad naftaada la shawrayso iyo mar aad la joogto asxaabtaada/ehelkaaga. Labadaa wakhti kee baa waxtar badan? Plato waxa uu u codeeyey marka qofku uu gaar u baxo ee uu naftiisa la qaadanayaa in ay tahay wakhtiga ugu wax-soo-saarka badan. Ardaygisii Aristotle, isagu labada nololood wuu ku dhex lumay. Insaanku mar haddii ay ku nool yihiin magaalo – Polis – waxa farxad badan wakhtiga qofku uu la joogo insaanka kale. Wakhtigaas uu dadka kale la joogo ayaa maskax ahaana, qofku uu noqdaa mid midha dhala. Aristotle, waxa mar kale tilmaamay wakhtigii ugu wacnaa ee Socrates in uu ahaa kaligii marka uu la qaadanayo naftiisa. Aristotle sida uu ugu dhex lumay, ma caqliga ayaa cilmiga dhaliya mise dareemayaasha ayaa keena aqoonta, waxa uu halkana u muuqdaa in uu qaatay beerka jecli xaydha jecli. Qolyaha la yidhaa Stoic iyagu bacmada ay aminsan yihiin in laga qayb qaato siyaasada uma ay bigin nolosha qofku uu gaarka u baxayo – solitude – hadana waa ay u riyaaqeen dagganaashaha laga dhaxlo kalinimada. Epicurieans, waa qolada sadexaad ee Falsada’e shawrka gabi’ahaantiis. Qofku in uu gar u baxo oo naftiisa wakhti la qaataa waa dadaal baadi loogu yahay farxad, nolol wacan iyo guul. Qof waliba qaabad ayuu u raadsadaa farxad, nolol wacan iyo guul; qarniba qeexid buu saaraa. Mudo iminka laga joogo boqol iyo 20 sano ka hor, farxad, nolol wacan iyo guul, waxa qeexida hada laga amminsan yahay ee ah LACAG/MAAL, saaray Andrew Carnegie oo isagu LACAGTA geeyey figta ugu saraysa ee guusha nolosha. Farxadda, nolol wacan iyo guushu madaama ay ku jiraan jeebkaaga, gaar in aad naftaada u saartaa ma aha rayi midho dhal leh. Sidaa waxa dareen la’aan waafaqsan dad badan oo suuqa jooga. Dadka ugu badan ee sabankan gacantooda ku khatima noloshoodu waa dad haysta LACAG. Waxa iyaguna jira dad maalqabeen ah oo ka baxsada gabi’ahaanba nolosha ay haystaan, iyaga oo raadinaaya farxad iyo nolol wanaagsan. Markaa waa daciif xadiiska odhanaya farxadu waa lacag. Gaar-u-buxu ma aha nolol cusub; ma aha dhaqan u gaar ah gaalada. Nabi Muhammed csw marar badan ayuu gaar ula bixi jiray naftiisa ka hor intii aysan kusoo degin risaaladu iyo kadiba. Diimaha samawiga ah dhammaan waa ay dhiirigaliyaan safarka qofku naftiisa ula baxayo gaarka. Tabliiqiyiinta ayaa kaw ka aha raga amminsan khuruujku in uu furfuro garaadka qofka. Descartes oo ah ninka labaad ee noleeyey falsafada – Al Kindi ayuu ahaa ninkii kawaad ee dib u siraaday falsafada – waxa uu ku dheeraaday safarka gaarka ah. Réne waxa uu ka mid ahaa tageerayaasha wawayn ee amminsan SOLITUDE. Sid aad xaga sare ku arkaysaan dadka amminsan maalku ma dhiirigaliyaan SOLITUDE. Waxa iyaguna aan amminsanayn SOLITUDE dadka haysta cilmiga kaliya in lagu hello khibrad ama aqoontu ay qofka kasoo gasho dareemayaasha. Aqoonyahankii reer Scotland ayaa kaw ka ahaa raga diidanaa SOLITUDE. Adam Smith waxa uu ku tilmaamay SOLITUDE qayb ka mida waalida. Adam waxa uu yidhi kali in aad naftaada la qadataa waxa ay kicinaysaa qabkaaga – ego. Bacdama guushu ay tahay sida ay kolba ku arkayaan akhyaarta kugu hareeraysan, macno badan kuma fadhido in aad u baxdid safar oo dabadeed aad dayacdid dadkii aad nolosha la qadanaysay. Guushuba waa sida dadka kale ku arkayaan ee asxaabta illaasho; sawirka laga haysto ku dadaal naqshadayntiisa. Wittgenstein ayaa sidaa rumaysnaa oo isagu diidi jiray su’aasha ah waa maxay cilmi; jeclaana macnaha uun ka raag. Meaning is supperior than knowledge -Truth. ‘Solitude iyo Social’ waxa ay u muuqdaan laba nololood oo isku lidi ah. Aniga waxa ay illa muuqdaan labada daraf ee nolosha. Haddii wakhtigaaga oo dhan aad la qadatid asxaabta/ehelka, markaa waxa aad dabin u galaysaa bulshada oo waxa saqiiraya shiqsiyadaada. Haddii aad gaar u baxdid noloshaada oo dhana xaqiiq, waxa aad dabin u galaysaa baahi iyo iblayz. Qofku marka uu gaar u baxayo ma buugaag buu sii qadanayaa uu hadhaw aqristo. Haa/MAY labadaba waa lagu jawabaa oo qolyaha amminsan Maya, waxa ay leeyihiin in aad qadatid buugaag; in aad xambaaratid mushkiladii nolosha, waxa ay macno tiraysaa ujeedkii safarka. Waxa aad noqon, qof wali bulshadii la jooga. Henry David Thoreau oo samayn ku lahaa Gandhi iyo MLK Jr waxa uu mudo 2 sano ah ka dhuuntay luuqada, isaga oo u baxsaday kaymo ku yaalay Massachusetts. David wakhtigaas waxa uu qoray dhigane saamayntiisa lahaa oo la yidhaa Walden. Thoreau macalinksii Emerson oo ahaa ninkii xoriyada aqoonta Maraykanka uga qaaday Yurub, waxa uu amminsanaa in aysan muhiim ahayn in buugaag lasii xambaarto safarka SOLITUDE. Emerson dhiganihiisa ‘Self-Reliance’ oo ka mid ahaa buugaagta qorqoray Obama, waxa uu dhiirigalinayaa qofku in aanu daba ordin sawirka ay dadku ka amminsan yihiin ee qofku uu lasoo baxo shiqsiyadiisa gaarka ah. Shiqsiyadaadu ma waxa ay noqonaysaa wax cusub -invention – mise waxa aad canjilaysaa qaab – hore u jiray/imitation. Emerson makala saarin. Waxa muuqata haddii qofku uu canjilayo ‘MYTH’ miyuu u bahan yahay shawris mise uma baahna? Labadaba! Maxa yeelay matalista lafteeda ayaa u baahan wakhti aad fadhiisisid irbada. Shawrku – solitude – waxa uu wacan yahay marka aad u maqan tahay bulshada. Bulshada in aad ka safartaa ma aha go’aan loo qaaday dhanka horumarka. Shawrku ma aha hawl u taala gaallada. Waa nolol ay la daris yihiin muslimiinta laftigoodu. Waa laba hadyadood – social and solitude – oo aan lakala dooran karin lase kala badsan karo haddii la i waydiin lahaa yaa muddan badsashadiisa? ‘Solitude’ ayaan odhan lahaa haka bato ‘social-ka. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan00@gmail.com Source
  2. Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib u habeyn lagu sameeyay”. Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay. Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo? Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid? Diblomaasigu waan in uu had iyo jeer qadyadda waddankiisa kor u qaado, kana shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka. Waa in uu isticmaalo hadal miisan leh, qiimo leh, kooban, oo aan si kale duwan loo turjimi karin. Wax kasta ku hadal ma aha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre ruraledcomm44@gmail.com Source
  3. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa murashaxii madaxweyne ee Xisbiga isla markaana u baahnaa taageero badan oo uu helo iyo siyaasiin miisaan leh oo garab istaaga doorashada ayaa heshiiskan la saxeexday Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii hogaaminayey markay taariikhdu ahayd 06/02/2017. Sida ay sheegeen warar soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, heshiiska labada dhinac ayaa qodobo ka mid ahi dhigayeen in ugu yaraan xubno gaadhaya 25 ka mid ah garabkii Jamaal Cali Xuseen ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo in haddii uu xisbiga ku guulaysto madaxtinimada dalka laga qayb galiyo dawlada cusub isla markaana loo magacaabo xilal muhiim ah. Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashaxii madaxweyne ee xisbiga Ucid ayaa ku biiritaankiisa xisbiga Kulmiye ay miisaan siyaasadeed u yeeshay murashaxnimadii madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigaas, taas oo keentay in xisbiga Kulmiye uu kaalinta koowaad kaga ka soo baxo gobolka Saaxil ka dib codbixintii doorashada madaxtooyada, iyada oo codadkii gobolkaasina ay kaalin muuqata ku lahaayeen guushii xisbiga Kulmiye iyo murashixiintii u tartamayey. Ka dib guushii uu madaxweyne Muuse Biixi ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii 2017, waxa uu meel iskaga tiiriyey heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii uu hogaaminayey ee ka soo go’ay xisbiga Ucid, taas oo haatan ay soo baxday saamaynta ka dhalatay. Jamaal Cali Xuseen iyo inta badan xubnihii wehelinayey ee ku biiray xisbiga Kulmiye ayaan ka soo muuqan shirkii golaha dhexe ee xisbiga ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay ee ku saabsanaa ka mid noqoshada xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi. Hogaamiyaha garabkii ka soo go’ay xisbiga Ucid Md Jamaal Cali Xuseen ayaa haatan laga dareemayaa sida uu u saluugsan yahay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisaba isaga oo marar dhawr ahna ku duray arimo kala duwan, ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay. Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen oo haatan dalka dibadiisa ku maqan ayaa la filayaa in marka uu dalka ku soo laabto uu soo bandhigo mawqifka uu ka taagan yahay xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihii uu guushiisa kaalinta weyn ku lahaa ee Muuse Biixi Cabdi. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay jawiga labaad ee mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Hargeysa, taas oo in muddo ah ay ku hawlanayd wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  5. Ra iisul wasarraha Itoobiya iyo Hinddisayaashiisa cusub maxad kala socota ; ee ka qayb -gale kastanna a bixinaayo $180,000 marka ka dibna soo bandhigaayo Ganacsigisa iyo Suuqa uu doonayo inuu ka helo Caasimada Itoobiya Addis Ababa? Waa Tabbo iyo Xeelado Siyaasadeed oo isa sudhan ee Ra,iisul wasaraha Itoobiya ee Wakhtiga kale guurka ee Itoobiya ku jirto uu ku bud-dhigaayo himiladiisa Hogaamiya-nimo ee hiigsiga iyo siddii ay ugu hirgeli lahayd uganna iibsami lahayd. Waa qaybo ka mid ah Xadhka Hindayaasha cusub ee Ra,iisul wasaraha Ethiopia doonayo inuu Caasimada Dalkiisa ku cusboneysiyo. Waxa uu Macsuumad u fidiyey Ganacsatada Itoobiya gudaheeda iyo inta kale Geeska Afrika ku sugan. Macsuumada waxa ku lifaaqan in Ganacsad,e kast oo ka soo qayb galya Kulanka Ra,iisul wasaraha inuu hibeeyo qadhan dhank $180,000 kun oo dollar. Ganacsatadda waxa ay soo badhigayan waxa ganacsigood yahay iyo Suuqaay door bidayaan inay helaan dhulka Caasimada Itoobiya gudaheeda ee Ra iisul wasaruhu doonayo maal-gelinta . Abiya waxa uu ahmiyad weyn siinaya in sidii ay Caasimada Itoobiya Addis Ababa u noqon lahayd mid uu aad u dhaqaaqo xarakada Suuqeeda Ganacsi gaar ahaan si dhakhso ah una haab-habto ama u gaadho sidda Nigeria iyo ka South Africa ee ah kuwa ugu waa weyn afrika marka la eego guud ahaanteed. Siddoo kale Itoobiya Ganacsigeeda Xort ahi waa Albaab xidhnaa jiray oo iminka ooda lagga qaaday sidda soo jirenka ah waa markii you horeysay Xukumada Itoobiya ahi ay ku dhaqaaqdo in Albabada ganacsiga xorta ah uu furan yahay ee wax kala iibsiga mid wax soo gelineed iyo kii wax dhoofinto isagga na ay doonayan intii hore ay u haysteen uu ka sii bato. Halka waxa u Abiya Ahmed dar-dar gelinaaya in si dhakhso ah Hogamintiisu Itoobiya u horseed karrto ibo-fur Dhaqaale iyo ganacsi oo lixaad leh Itoobiya ka dhex muuqato Geeska Afrika iyo Afrika gebi ahaanteed ba. Hadafkiisu Qof dhugmo iyo il-dheergaradnimou sugan tahay ayaa fahmi karra xaggii ku foogan yahay ee Geedigiisu u fool jeeedo. Waxa uu Tooshka ku haya wax kasta oo u sahli karra inuu halabsado guusha Doorashada la filaayo inay Itoobiya ka hirgasho 2020 marka ka dib na uu noqdo Ra,iisul wasare haysat kalsoonida Ummada Itoobiya guud ahaanteed kuna yimi codka Muwadininta . Sidda oo kale waxa uu yar doonaya inuu Qalbiga iyo quluubta Muwadininta Itoobiya ku sawirro sawirkiisu iyo magaciisa Abiya Ahmed kunna baa bii,iyo Taariikhdu hore uu la laha ee ku xidhmaysay Qoladdii la odhan jiray TLfP Itoobiya 27 sanadood ku Amar taag ,leynaayey Hogaanka iyo Xukunka Itoobiya. Dadka ku xeel dheerayasha ah Siyaasada iyo Hababka Dhaqaale Abuur ku waxay tibaaxa-yaan in hore rag sidda Abiya waxa hoga-tusaaley ay soo mareen Afrika waliba asaggu waxa kaliya oo uu ka hadlaya waa Itoobiya iyo isku codka Geeska Afrika ee ay jireen kuwo iyaggu ka hindiso fiicna balse ay ku danbeysay “Geedow waxaan ku mooday ma se waxad noqotay iyo waxan loo noqon donin . Tusaale waxay u soo qaadeen Nelson Mandela Nkrum iyo Jamal Abdinaasir, Jommo kennyata oo ku hamiyey inay afrika mid noqoto hasa yeeshe mid waliba Maalintu Xukun dalkiisa gacanta ku dhigay Afrika uu mideeyo daaye lagga kicin kari waayo kursigii Fikrada ah Afrika waa Hal iyo qadiyad Muwaadinimo Afrika . Inta waxa ay ku ladhayaan waxa kaliya ee uu Abiya Ahmed ogsoon yahay waxa uu aha iyo halka lama filaanka ah ee sidda fudud ku soo koray marka waa inuu muujiya wax kasta oo horseedii karra isagga inaanu noqon mid halku ka yimi dib ugu noqdee ugu yaraan uu wax kale ba iska daayo horta 2020 iyo doorashad inuu hela Wadadii bila qodxa ah ee gaadhsiin lahayd inuu ku guleysto iyo inuu u fikarro hogaamiye leh aragto fog oo ummada dhibaatad iyo nolasha adaga la soo noolay inta badan ku geli lahayd Nolal nabdoon oo neecow qabow oo Qaligood iyo qulubtooda dejisa ku tubtii ay u mari lahyeen kunna Hiran lahayeen u jaheeya . Hasa yeeshe waxa lama gafaan ah inuu wajahayo halkan adag oo Siyasadeed gaar ahaan qomiyad Oromada eek a soo jeedo aan ku niyad sameyn waxa badan isku dayey iyo waxyabah kuu ku dhaqaqay ay ka mid tahay nabadeynta Itoobiy iyo Eriteria iyo Baaqyadaiyo kulamad geesaha badan ee ku fooganna intii xilka ra,iisal warrae qabtay ee Itoobiya . Kuwa ugu fog ee ka soo hor-jeeda waxay ku doodayaan inuu ka mid ahaa dhibaatadii iyo tacdiyadii Itoobiya ka hirgalay kanna mid ah Kaadirinta ugu waa weyna ee u adeegi jiray Xukunkii Tigregu gadhwadeenka ka aha . waxa ay int ku lifaaqan waxyabah uu hadda ku dhaqaqay waa raad –gadsh iyo inuu sawirkiisa Qalbiga iyo quluubta dadka ku sawiro . Imaantin kiisu ma uu ahayn sharci ee wax uu ku yimi ummadii shacbka ah ahyd ee Naftooda iyo Maalkood u hurey si loo damiyo ayey ahyd . Waxa uu Tigreyga uga dhigna ama u ahaa Inan yar oo ay soo korsadeen xita waxyaabaha uu ku dhaqaqay ma ahayn kuwo ay ka filayeen Tigreyga laftigoodu ama-kaag ayey ku noqotay Tigregii siddaas oo kale ayaanan u aamineyn wax kast oo uu hindiso wax hirgal noqda iyo wax aan suro-gal noqon ba . Si kale haddii aan u turjun wax uu midiyo lisanya sidii Ra,iisal wassare sharciya u noqn laha halkan sidii Meles Zaawi lagga dejin kari waayo Xukunka dalak . Wali waa Nin ku dhegan Xusbigii ERDF wax kale oo damacsan yahya inuu ku soo darro Qomiyadaha kale sidda Somalida canfarta ,iyo Hererida halkan uu yidhaahdo waxa aan heysat Aqbaliyad Itoobiya ama uu ku doodab waxan isku haya Itoobiya waa mid si wacan aan uga dheregsan hayn tabihisa iyo xeeladaha uu donayo inuu ku dabro-xaqo u dirirkii Itoobiya ka biloday 2015 kumaankun ka Muwaadinta ahin u shahiideen. Sharciga uu hadda ku jooga ra,iisul wasaraha waa sharcigii Xoog Dalka ee aanu ka dagaalanay . Ta aanu dooneyn waxa weeye dal leh shuruucda jamhuuriyadeed oo Ciidanka iyo Xukumad kal madax banana yihiin sidda dallaka deriska qaarkood ka jirta . Hadadan wax jir mad madow durb soo baxay habka doorashada gudiga qabbban qaabineysa loo doortay iyo sida habka kale doorshad lagu galaayo . Waxa aan ku nasiib qaadayna waxay weeye codka Muwadininta Itoobiya iyo Xusbiga ay doortaan Oromad oo kaliyi ma saluugsan hanaanka doorashad u dhici doon iyo habka loo galeyo ee xusbiyadu u geli doon tusaale ahaan Tigrey degaankood lama garanyo sidda ay waxa uga dhacayaan ka Amxaardu waxba ka jira isagga na Soomalida ,iyo Canfartun .Xaalkood waa murugsan yahay oo dhibaato xoog leh iyo Buuq ba waa ka tagan yihiin waan hubaal in Xaladahoodu sii xoogaysan donaan marka wakhtiga la gaadho . abokorm@hotmail.co.uk Abokor I Mohamud Fikrada iyo Aragtida Xorta ah. Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa was Aragtida iyo fikrada akhrisayaasha mana aha mid ay ku matalaan Aragtida shabakadani Qaran News
  6. “Gorfeynta Gudbinta Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-aragnimo Kooban” Hordhac: Ugu horreyn, aan si buuxda uga cuddur-daarto in aanan ku takhasusin aqoonta cilmiga biyaha. Sidaa awgeed, haddii aan hayl-haylo dulucda cilmiga biyaha, waxan ka bixinayaa raali-gelin wayn oo odaynimo ku dhisan. Waayo, waxaan idinla wadaagayaa waa bawsi cilmi biyoodiyo fahan kooban oo ka yimi ergiso akhris. Dhinaca kale, waxa lama huraan ah in aad ila ogaataan in cilmiga caafimaadka iyo culuumta biyuhu ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo aqooneed. Hadaba, iyada oo sidaasi ah, waxan jeclahay in dhuuxa qormadan Ahmiyadda Kalmadda Biyo an ku soo ururiyo qoddobo kooban oo ay ka mid yihiin: Gorfeynta Macnaha Guud Ee Biyaha, Ilaha Iyo Isticmaalka Biyaha, Muhiimadda Helitaanka Biyaha, Maal-gashiga Addeegga Biyaha, Farsamada Iyo Duxda Cilmiga Biyaha, Kobcinta Nadaafadda Biyaha, Doorka Gudbinta Xanuunada, Horumarka Dalka iyo Kaalinta Biyaha, Gooniyeynta Lahaanshaha Biyaha, Shuruucda iyo Nidaamyada Biyaha, Maamulka/maareynta Addeegyada Biyaha, Horumarinta Kaabeyaasha Biyaha Dalka. Gorfeynta Macnaha Guud Ee Kalmadda Biyo: Marka hore, waxa muhiim ah in aynnu jawaab sugan u hello, waydiinta ah, Waa Maxay macnaha guud ee Kalmadda Biyo?. Sidaa darteed, aan sharax kooban ka bixiyo dahaadhka iyo duugnaanta macnaha guud ee magaca kalmadda Biyo, aniga oo diiradda saaraya degsiimada biyaha, astaamaha, muuqaalka iyo isku dhiska Biyaha. Run ahaantii, kalmadda Biyo waxay leedahay dhismaha iyo astaamahan soo socda: Waa Curiye ka kooban labo walxood oo kala ah, Hydrogen iyo Oxgens “Hal Hydrogen iyo Labo Oxgygens”. Waa Waalax Dareere ah oo bilaa midab ah “Colourless” Waa Walax gudbiye ah “Transparent”, Waa Walax bilaa ur ah “Odurless”, Waa walax Millan Samaysa, Waa Walax lagu tilmaamo aasaaska nolosha noolaha koonka ku dhaqan. Iwm. Ilaha Iyo Noocyada Isticmaalka Biyaha: Bal aan taxo qaybo ka mid ah ilaha iyo nocyada isticmaalka biyaha, tusaale: Biyaha Oogada Dhulka “Surface Water”, oo ay ka mid yihiin Biyaha Wabiyada “Rivers”, biyaha Biyo xidheenada, Biyaha Haraha/Waraha “Lakes”, Kayd Biyoodyada Dabiici/sameys ah “Reservoirs” , Biyaha Roobka “Rainy water” iyo Biyaha durdurada. Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga “Ground Water” sida ceelasha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban. Biyaha Badda, Biyaha Qabashada Laga Helo Qabashada Majaroorka. Utility grade water, Working grade water, Drinking water, 8.Iwm….. La soco qaybaha kale….. Jamal A. Muse Ag. Guud Ee W. H. Biyaha JSL. Source
  7. Dowladda Kenya oo tan iyo bartamihii bishii tagtay ee Febraayo samaynaysay galaangal diblomaasiyadeed kaddib markii ay si iskeed ah u abuurtay wax ay ku sheegtay ”muran kala dhexeeya” Somalia oo khuseeynaya dhul badeedka Somalia, kaasoo ay doonayso in si qoor qabad ah loogu dhameeyo qaab xeer jajab ah. War hoose oo ka helnay ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inay dhici karto in maalmaha yar ee xiga, gaar ahaan wixii loo gaaro 9-ka Maarso ay Kenya ku dhaqaaqdo tillaabooyin diblomaasiyadeed oo ay cadaadis ku saarayso Somalia. MAXAA KA MID AH? Ilaha aannu wararkan ka helnay ayaa noo sheegay in laftoodu ay ”la yaabban yihiin” tillaabooyinkaa diblomaasiyadeed, balse aanay wada faafin karin xogahaasi, balse qaarkood ay noqon karaan kuwo amaan oo lagu xoojinayo ololaha diblomaasiyadeed ee Kenya, sida ay inay ciidamadeeda qaar kala baxdo gobolka Gedo, si ay cadaadis amaan u saarto Somalia, waloow inta badan aadba loo dhaliilo waxtarka ciidamada KDF ee Kenya ka jooga Jubbaland guud ahaanba. Qodobbada kale waxaa ka mid noqon kara culays la saaro Soomaalida ku dhaqan Kenya sida qaxootiga halkaa ku sugan oo ay Kenya muddaba ku gorgortamaysay iyo adkaynta isu socodka laba dal, iyo tillaabooyin ay u qaadayso dhanka kala qaybinta Soomaalida, sida adeegsiga kaarar qabiil, maamulka Jubbaland oo ay ka taakayso DF Somalia iwm. Waxaa kale oo kaararka diblomaasiyadeed ee Kenya ka mid ah inay ku dhawaaqdo ”aqoonsiga” Somaliland, waloow aysan taasi siyaasad ahaan yeelanaynin culays diblomaasiyadeed oo sidaa u buuran, maadaama ay arrintaasi u rahman tahay Soomaalida iyo Midowga Afrika. Wararka aannu helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Britain ay si dadban ula safan tahay Kenya, waxaa sidoo kale jira warar eedda wax ka saaraya dalka Imaaraadka oo uu laftiisa Ingiriisku isticmaali karo, balse aanay weli si toos ah usoo istaagin masraxa, waxaana jawaab ka hor tag iyo rogaal celis ahba laga filayaa DF Somalia oo arrimahan ka war haysa. ROGAAL CELIN DIBLOMAASIYADEED Madaxwaynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu dhaqse u booqdo Addis Abeba, iyadoo ay dhici karto inuu berriba halkaa u amba boxo si uu galaangal ula sameeyo ururrada heerka gobol, qaaradeed iyo xitaa madaxda DF Itoobiya. Kenya ayaa maalin dhowayd dhankeeda waraaqo u kala dirtay ururrada QM iyo Midowga Afrika oo ay wakiilladooda kula kulantay Nairobi, iyadoo sheegtay inay u gudbisey ashtako ka dhan ah Somalia oo dhankeeda looga baahan yahay inay la timaado siyaasad bisil oo cuntami karta si ay gayigeeda u difaacatana abaabul umadeed oo wanaagsan ku khasban. Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Hadalsame Media
  8. Muqdisho (SMN) – Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee baarlamaanka, iyo Guddiha Madaxbannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastauurka, oo socdyay muddo 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti. Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland mudane C/xakiim Mohamed Ahmed, iyo habdhowraha golaha shacabka mudane Sharmarke Garaad Saleebaan iyo lataliyaasha hayadaha kala duwan. Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo latashiyada iyo wacyigalinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay. Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wadashaqaynta saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-ueegista dastuurka iyo sida ay uga go’antahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay. Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/xakiim Maxamed Axmed oo hadal ka yiri kulanka xiritaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada. Gabagadii, waxaa lagu ballamay in la bilaabo ololaha wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019 . View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu soo bandhigay mashaariic ay dunidu inagu caawisay oo la musuq-maasuqay waxaanu ka digay in uu fashilmo mashruuca berbera corridor, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa o Ka Hadlay Sababta Uu U Fashilmay Mashruucii Biyo Ballaadhinta Hargeysa Ee Xumbo Weyne, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (PP) ─ Sadex dil ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo mid ka mid ah loo geystay haweeney naafo ahayd oo sugaysay gargaar ay siinaysay hay’ad ka mid ah kuwa QM. Haweeneyda naafada ah ee la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Cadar, waxayna ka go’nayd mid ka mid ah labadeeda lugood, iyadoo dadkii ku sugnaa goobta ay sheegeen in mid ka mid ah ilaalada Hoteelka Shamow oo ku dhaw Isgoyska Zope uu si bareer ah u toogtay haweeydan oo 50-jir ahayd. “Ruuxa ilaalada ah oo watay qori kuwa daran-doorriga u dhaca ha ayaa ku dhuftay xabad Cadar oo ku jirtay safka dad dan-yar ah oo hayadda WFP ay u qaybinaysay gargaar lacageed,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii ku sugnaa goobta. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ruuxii ilaalada ahaa ee toogashaada u geystay haweeneydan naafada ah uu goobta ka baxsaday, lama oga inay ciidamada amniga dowladdu soo qabteen iyo in kale. Sidoo kale, Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa toogasho ku dilay darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdihso iyo deegaannada gobolka Shabeellada Hoose. Darawalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/qani Axmed Xaaji, waxaana loo dilay sida ay goobjoogayaal goobta ku sugnaa sheegeen lacag uu qadarkeedu dhamaan hal doollar. “Marxuumka wuxuu waday gaari ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna kusoo jeeday Muqdihso, balse askari ka tirsan kuwa ku sugan Siinka-dheer ee dulleedka Muqdisho ayaa toogasho ku dilay,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka. Ehellada marxuumka ayaa hadalkooda ku daray askarigan dilka geystay oo baxsaday uu dawaralka la dilay weydiistay lacag hal doollar ah, balse markii uu darawalku u sheegay inuusan hayn uu xabbad ku dhuftay, kaddibna uu ka baxsaday goobta. Dhanka kale, Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore degmada Hawl-wadaag ee Muqdisho ku dilay askari ka tisran cidiamada Dowladda Somalia oo ku socday bar-koonatrool ay ciidamadu ku lahaayeen degmadaas, iyadoo kooxihii dilkaas geystay ay baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilka loo geystay askariga. Ugu dambeyn, dilalka soo laalaabtay ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxay ka mid noqonayaan dilal dhawaanahan kusoo badanayay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay geysanayeen askar ka tirsan cidiamada dowladda Somalia iyo Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dilal Maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda appeared first on Puntland Post.
  12. Jabuuti (PP) ─ Shir ay ka qayb-galeen hay’adaha u xil-saaran sidii dib-u-eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-eegista iyo hirgelinta Dastauurka oo shan maalmood socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed iyo hab-dhowraha Golaha Shacabka, Sharmarke Garaad Saleebaan iyo la-taliyaasha hayadaha kala duwan. Sidoo kale, intii uu socday shirka waxaa saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda mideysan ee wacyigalinta iyo la-tashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe hawleedka midaysan ee la-tashiga iyo wacyi-gelinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019-ka. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo la-tashiyada iyo wacyi-galinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay. Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wada-shaqaynta saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-ueegista dastuurka Somalia iyo sida ay uga go’an tahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed oo ka hadlay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada. Ugu dambeyn, waxaa lagu ballamay in la billaabo ololaha wacyi-galinta iyo la-tashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019-ka, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019-ka. PUNTLAND POST The post Kulan looga Hadlay Dib-u-eegista Dastuurka Somalia oo lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-04032019.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Puntland Oo Weerar Ku Soo Qaaday Somaliland Iyo Saraakiisha Ciidammada Millatariga Qaranka Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay + Gaadiid La Kala Qabsaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Istanbul (Caasimada Online) – Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib. Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay. Foornada ku taalla guriga qunsulka ee la rumeysan yahay in lagu gubay meydka Jamaal Khaashuqji.Shaqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaari kaari 1,000 heerkul cabikra Celsius ah. Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga. Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in gubitaanka meydka Jamaal Khaashuqji ay socotay muddo saddex maalin ah. Baarayaasha Turkiga ayaa sidoo kale helay dhibco ka mid ah dhiigga Khaashuqji oo lagu arkay, darbiyada xafiiska qunsulka kadib markii la tir-tiray rinji la mariyey oo qorshuhu ahaa in dhiigga lagu qariyo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Wiil Yar Oo Uu Waraabe Cunay Oo La Dhigay Cusbitaalka Degmadda Sheekh, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Saddex qof biyo la’aan ugu dhinteen gobolka Badhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Wasiirka wasaarada maaliyada dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Kastamka canshuuraha ee gobolka Sool. Wasiirka ayaa waxa uu ukuurgalay [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa is-beddel lagu sameeyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, waxaa la beddelay hoggaankii ciidamada ee saddex qeyb ee kala ah, infentiriga, saadka iyo maaliyadda, waxaana loo dhiibay hoggaan cusub oo dhammaantood ah saraakiil dhallinyaro ah. Saddexdan hoggaan cusub, oo sababo amni dartood na laga codsaday inaan magacyadooda shaacin inta ay si buuxda hoggaanka ugala wareegayaan, ayaa ah dhallinyaro kasoo qalin jebisay akadeemiyaha ciidamada ee dalka Turkiga. Waxaa sida aan xogta ku helnay lagu doortay nidaam furan oo tartan loo galay ayada oo la eegayo aqoontooda, waxaana la sheegay in si aad loola dhacay wareysi lala yeeshay oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Daahir Indha-Qarshe ayaa wararku sheegayaan inuu aad uga hor-yimid go’anakan dhallinyaradan xilalka loogu magacaabay, waxaane jira khilaaf ka dhex ooggan isaga iyo ra’iisul wasaaraha. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in sidoo kale laga yaabo in Indha-Qarshe naftigiisa laga yaabo in la beddelo, inkasta oo aysan caddeyn goorta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Sheekhu Beledka Gabiley Oo Ku Dhawaaqay In Uu Cadaalad-darro Uga Tago Somaliland, Kana Degayo Magaalada Muqdisho, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa madaxwaynaha qaranka, hadaad tahay askari ciidan waxa waajib kugu ah inaad salaan ciidan ku salaanto madaxwaynah dalka. Waxa ihaano qaran ah in askari dirays xidhan darajada uu doono hasito in uu ku salaamo madaxwaynaha salaanta madaniga ah. Ciqaab teeduna waa in isla goobta uu madaxwaynuhu kaga qaada hal darajo oo ah xidig iyo anshax marinta curfi ciqaabeedka u yaala ciidanka. Mudane madaxwayne saraakhii-shan midba siduu doono kuu salaamay iyo qaabkay doonaan u soo kala horeeya iyagaa u baahan tababar cusub iyo dhaqan celin ciidan, adna waxaad u baahan tahay in sifiican lagu baro haybada madaxwayne nimo eed huwan tahay, hadaad aqoon u leedahay may ahayn inaad gudoonto salaan qaldan. Waxa qurux badan in Taliye Nuux taani saraakiishaa anshax marin ciidan ku qaado. Waxa mahad celin mudan Taliyaha Ciidamada dab-damiska Sareeye Guuto Axmed xasan sawaaxili oo isagu salaanta ciidan siwacan u gutay iyo qaar kamida saraakiisha ka dambay-say. Arintani maaha arin ciidan ee waa curfiga protocol madaxwayne ee kala duwanaan shaha salaan shacab iyo salaan ciidan. Halkana waxaan ku sharaxay oo kaliya salaanta ciidan, salaanta madaniga ayaa ka tiro badan oo ka ciqaab badan. Halkan ka daawo Muqaal Tusaale & taageero u ah Qoraalkan:- Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/ ee Xisbiga WADDANI Qaran News
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Miyey Raadinaysaa Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon? Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa arrintaa wax laga waydiiyay, halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kaas oo maalmahaan safar ugu maqnaa Magaalada Kismaayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisii Kismaayo iyo kulamo kala duwan oo uu Kismaayo kula yeeshay Madaxda Jubbaland iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana uu sheegay in uu yahay musharax Madaxweynaha Jubbaland. Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadkii uu la kulmay uu ka mid ahaa Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in uu kala hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, islamarkaana si amni ah ay cid walba uga wada qeyb qaadan laheyd. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in musharixiinta uu isaga ka mid yahay ay qabaan walaac ah in doorashada Madaxweynaha Jubbaland faragelin lagu sameeyo dhinaca ay doonto haka timaadee, hase yeeshee Xildhibaanka mashaacin cid gaar ah. Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa jirtay markii dhawaan uu booqasho ku tagay Kismaayo in Garoonka loo diiday inay galaan Madax iyo Shacab doonayay inay soo dhaweeyay Xildhibaanka. Hoos ka dhageyso Xiddig https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Xildhibaan-Xidig.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com