-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay ku wajahan yihiin deegaanada buuraleyda ah, halkaasoo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Daacish. Sida wararku sheegayaan Ciidamada Puntland ayaa ku wajahan deegaanka Ceelka Miiraale iyo deegaanada kale ee Buuraleyda Golis oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish. Xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weli ka taagan Buuraha Golis iyo Calmadow, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dagaalo goos goos ku dhex marayay deegaanada qaar. Labada dhinac ayaa isku haya awoodda Buuraha Gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac. Source
-
(SLT-Qadar)-Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa ku guuleystey koobka Asian Cup kadib markii ay 3-1 ay kaga badisay ciyaartii kama dambeysta ahayd xulka Japan. Ciyaaryahanka asalkiisu yahay dalka Sudan ee Cali ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad ee tartankan oo ka dhacay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta. Waxaana goolka saddexaad u dhaliyay xulka Qadar Cafif oo ah ciyaaryahan asalkiisu ka soo jeedo dalka Soomaaliya. Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaarinayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono. Xulalka wadamada Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo xafiiltamaan dalka Qadar ayaa labadaba waxaa ka badiyay xulka Qadar tartankan iyadoo xulka Imaaradka ay isku arkeen ciyaartii Semi Finalka loogu awood sheegtay 4-0. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii siyaasadeed ee waayadii ugu dambeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in la soo afjaray. ”Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay aanu u socon, kala aragti duwanaasho la xidhiidha dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan isku soo afgaranay oo waa la xaliyay” ayuu yidhi Mustafe Cagjar. Wuxuu sheegay in arintaa ay ka faa’ideysteen shacabkad isku xidhan oo ka tirsanaa maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado iyo eedeymo aan jirin u ka faafiyay mas’uuliyiinta deegaanka. ‘’Dabcan khilaafka iyo rabashadihii ka dhacay deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga waxaa horseed u ahaa oo ka danbeeyay shabakad isku xidhan oo ka hartay maamulkii uu hore uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, oo hay’adda Amniga iyo xafiisyada ilaa heer federaal ka waday dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta cusub ee degaanka, iyaga oo ka baqaya oo diidan ayuu yiri in lagula xisaabtamo dacadiyadii ay u geysteen shacabka ku dhaqan deegaanka’’ Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in kooxdan shabakada ah ee isku xiran mar walba dhibsanayeen in la hergaliyo wax yaabaha ay dalbanayaan Shacabka ah ee Soomaalinimada, ku dhaqanka Diinta, Xoojinta halganka iyo ka hortaga Dulmiga oo ah ayuu yidhi dhamaan waxyaabaha ay doonayaan shacabka deegaanka. ‘’Waxaan ugu bishaareynayaan bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka in ugu danbeyntii isku dayadii noocaas ah oo dhan si buuxda looga adkaaday oo la soo afjaray, wixii hadda ka danbeeyana shacabku uu filiyo isbadal dhab ah oo mid Amniga, siyaasadeed iyo hormarineedba leh uu deegaanka ka hergalayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Maalmihii ugu danbeeyayba dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay dhamaanba howlihii maamulka, iyadoo dhinaca kalana magaalada Jigjiga ay ka dhaceen rabashado ay dad ku dhinteen oo sababay in magaalada lagu soo rogo Bandow lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF. Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka. Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo km. Pompeo ayaa weriyayaasha ugu sheegay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, in Mareykanka uu si rasmi ah ogeysiiskan ugu gudbin doono Ruushka lix bilood kadib, haddii aysan dib ugu soo laaban u hogaansaminta qodobada heshiiska. Source
-
(SLT-Brazil)-Sawiro naxdil leh oo la helay ayaa muujinaya biya xidheen kusoo dumay koonfurta waddanka Brazil kaasi oo ku fatahay goob macdanta laga qodo, waxaana ku dhintay ama lagu la’yahay in ka badan saddex boqol oo qof. Sawirada oo ay duubeen kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya daqiiqadi biya xidheenku kusoo dumay maqaayad kofeega laga cabo oo ku dhex taalay shirkada macdanta iyo dhismooyinka ku yaala gudaha magaalada Brumadinho ee gobolka Minas Gerais. Waxaa soconaya howlgal baaritaan ah oo lagu ogaanayo waxa dhlaliyay in biya-xireenkaasi soo dumo. Goobta macdanta laga qodo ayaa waxaa iska leh shirkad lagu magacaabo Vale SA. Shilkaan ayaana ah kii labaad oo ka dhaca goobaheeda macdanta laga qodo saddex sano gudahood. Shan qof ayaa loo soo xiray sababaha dhaliyay in biya-xireenku ku fataho goobta macdanta laga qodo. Dacwad-oogyaasha dalka Brazil ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka lasoo xiray ay yihiin saraakiisha shirkada Vale, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay ka mid tahay waxka qabashada rukhsadaha saameynta deegaanka. Shirkada Vale, oo ah tan ugu weyn caalamka ee soo saarta biraha ceeriinka ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto dacwadoogayaashaasi. Tirada dhimashada ayaa tan iyo khamiistii la xiqiijiyay inay gaarayso 110 qof halka 238 qof oo kalena la la’yahay. Sidee ayuu u dhacay burburka biya-xidheenku? Weriyayaasha ayaa soo sheegaya in hanaanka bixiya digniinaha ee u xirnaa shirkada si uu u ugu diro digniinaha khatara dadka deganaa halkaasi uusan shaqeynin. Dadka ku nool nawaaxigan ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xoogan xiligii biya-xireenku soo dumayay. Tobanaan qof oo go’doomay, intooda badana ay dhoobo qarisay ayaa lagu soo samatabixiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahan maadaama wadooyinkii ay burbureen. Sikastaba, shirkada Vale ayaa sheegeysa in sababta keentay in biya-xireenku soo dumo la baarayo. Source
-
Garowe(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maamulka Puntland ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanada ay ku dagaalamayaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish. Cabsi xoogan ayaa Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan AL Shabaab iyo Daacish, waxaana laga baqayaa haddii labada koox midkood adkaado inay kusoo duuli karaan Puntland. Ciidamada ugu badan ayaa ka baxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan labada koox, si ay dhinac seddexaad ugu noqdaan dagaalada socdo. Deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 KM u jira magaalada Boosaaso ayay ciidamada marka hore gaari doonaan, si marka xigta ay kooxaha hubeysan ugula dagaalamaan buuraha Golis ee gobolka Bari. Al Shabaab iyo Daacish ayaa isku haya awooda buuraha Golis iyo Calmadow, waxaana jirta baqdin cusub oo Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha oo labada dhinac ay isku hayaan awooda maamul ee Buuraha. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caqabad cusub la kulmi kara haddii ciidamada Puntland aysan awood u yeelan maamulka deegaanada buuraha ee Golis ee Calmadow. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Maadaama aynu nahay noole u hoggaansan cawaadifta naftiisa, ayna u dheertahay anaaniyadda iyo anaa iridu, wax lala yaabo maahan haddii aynu iskhilaafno ama ba ismaandhaafno. Khilaafku, sidiisa ceeb iyo mushkilad midna maahan, ee waxaa ceeba in aan khilaafka la maarayn karin oo uu marka dambe addin-ka-hadal iyo uur-collow uu midkood u xuubsiibto. Dhanka kalana khilaafku waxa uu qayb ka yahay nolosha aadanaha sida uu Qur’anku inoo sheegayo: ” haddii uu Alle doono dadka oo dhan waxa uu ka dhigi lahaa hal ummada, ka suuli maayaan dadku in ay is khilaafayaan, in loo naxariistay mooyee, waana sidaas sida loo uumay” Huud 118. Asbaabta khilaafka. Haddii aad aragto bulsho ama ashkhaas uu khilaaf ka dhex aloosan yahay, waa in aad ogaataa jiritaanka labo ammuurood oo khilaaf kaas bari-taaraya. Kow, mukhaalifiintu waa hawl-wadaag, hanti-wadaag ama xil-wadaag. Labo, waxaa jira bay’ad uu khilaafku ku tabargalo kuna barbaaro oo ah meesha aan had iyo khawf toona oolin, ee sida xorta ah afkaarta loo cabiri karo. Haddii labaadaan ammuurood aanay jirin khilaaf ma yimaado. Meesha aan hawli ka socon ama aan masuuliyadda loo sinayn la is kuma maandhaafo. Sidoo kale meesha afkaarta iyo aaraada ba hal qofi leeyahay cidna iskuma khilaafto, ee waxaa ka jira xeerkii Fircoon ee ahaa” idiin ma arko aragti aan tayda ahayn idinku na hoggaamin maayo hilin aan toosnayn” Qaafir 29 Amminta khilaafka Haddii aad si dhow ugu fiirsato khilaafyada gala maashaariicda cusub ee markaa la amaamudo sida: hay’ad siyaasadeed oo wadaag ah kolkaas na la dhisay ama jiritaan ganacsi oo la wada leeyahay oo dhawaan la yagleelay amaba reer cusub oo markaa udubkiisa la taagay, waxa ugu horeeya ee kuu soo baxaya ayaa ah in khilaafyadaan badankoodu ay dhacaan juska koobaad ee xilliga amaamudka. Inta badan dan-wadaagta wax isku darsataayi ama ashkhaasta masuuliyad-wadaaga noqotaayi, waa dad aan horay wax isugu jiri jirin. Kolka ugu horaysa ee ay caqabadi timaado ama uu culays ku yimaado masuuliyad-wadareedkii la qaaday, ayaa markiiba waxaa abuurma khilaaf ka dhasha is hardanka dhexmara qiyamkii,afkaartii,dabeecadihii iyo akhlaaqiyaadkii kala gadisnaa ee ay dan-wadaagtu horay u lahayd. Sidaas daraadeed ayaa dantii guud waxa ay noqotaa masrax u furan hardanka ka dhaxeeya afkaarta qalaad ee aan wali sida quman isula qabsan. Nasiib daro, hay’adahani badankoodu waxa ay burburaan sanadka koobaad ama labaad ee yagleelka, haddii aan la maarayn khilaaf kooda. Kobaca khilaafka Waxaa jira ammuuro dhawra oo inta badan cayiliya ama bulaaliya is maandhaafka. Waxaana ka mida: Kow khilaafka oo aan la aqbalin ama lala diriro. Labo, qofka mukhaalifka ah oo ay ka xoog badiso caadifadda naftiisu una diiddo inuu si xayaabo tiran u arko maslaxaddiisa. Saddex, mukhaalifka oo hal ookiyaale oo uu isagu leeyahay wax ku fiiriya, dhagahana ka furaysta dhagaysiga doodda dhanka kale. Afar, Mukhaalifiinta oo inta badan isku khalda mawqifka ay ka taagan yahiin khilaafka iyo maslaxaddooda rasmigaa. Mawqif kaagu waa meesha aad ku dhagan tahay laakiin maslaxaddaadu waa danta rasmigaa ee aad leedahay. Tusaale: xilligii khilaafkii 4.5 mawqifka Puntland waxa uu ahaa inaan dib loogu noqon 4.5, laakiin maslaxaddeeda rasmigaa waxa ay ahayd kasbasho kuraas dheeraada(aqalka sare). Kolkii ay heshay maslaxaddeedii way ka tanaasushay mawqif keedii. Shan, khilaafka oo aan ku koobnaan dadka is haya oo kaliya. Lix, jiritaanka cid doonaysa in ay cadka kaligeed cunto ama ciidayso. Dhaxalka khilaafka. Inta uu khilaafku yahay kala aragti duwanaan la xiriirta aaraada mukhaalifiinta wax ceeba ma lahan, haddaan loo yeelin. Siddii aynu horay ba u soo sheegnay, meel walba oo hawl lagu hayo, xoriyad qawl na ka jiro waa khasab in la isku maandhaafo aaraada. Laakiin haddii la maarayn waayo kala duwanaanshaha ra’yiga, kolkaas khilaafku waxa uu isu baddalaa uur-collow. Haddii la maarayn aqoon waayo uur-colloga na waxa uu u xuubsiib taa adin-ka-hadal oo ah meesha ay dan-wadaagtu ku kala bayrto dalkuna ku burburo. Qur’anku mar kale ayuu leeyahay sidan: ” ha murmina( muranka uur-collowga) waad fashilaysaane awooddiinuna way taagdarraynaysaa’e.”Anfaal 46. Sida aayadda ka muuqata, labada xanuun ee laga dhaxlo ismaandhaafka maamulka ku salaysan waa fashil oo ah failed state iyo taagdarnaan oo ah fragile state waana labada magac ee ay maanta inoogu yeeraan. Maaraynta khilaafka Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa maan rag waa mudacyo afkood, wayna adag tahay in labo mudac afkood laysku beego. Haddii ay adag tahay in laba mudac afkooda la isku beego, waxa aan adkayn in mudacyada mudaal kooda la iska ilaaliyo. Haddaba si aanay mudacyadu inoo mudin, waa in aynu qaadnaa tilaabooyin inaga ilaalin kara mudaal kooda, waxaa na ka mida: Kow, waa in aynu khilaafka aqbalnaa lana noolaanaa. Labo, waa in khilaafka loo sii diyaar garoobaa imaatin kiisa, maanka na lagu sii hayaa dhicistiisa. Maahan in la naco ama laga naxo. Sadex, waa in aan awoodda laga qaadin hay’adaha khikaafka lagu xaliyo. Afar, waa in laga fogaadaa dhaqamada khilaafka u badali kara uur-collowga ama gacan-ka-hadalka, sida: cabburinta, caga juglaynta iyo amar ku taaglaynta. Shan, waa in laga waantoobaa siyaasdda ku dhisan guul-kaliyeedka, oo aan qaadannaa midda ku dhisan guul-wadareedka. Lix,qodobka ugu muhiimsan ee khilaafka maamulka lagu xaliyo waa tanaasul. Tanaasulku, waxaa weeye inaad ka tanaasusho fikir kaaga oo aad ogtahay in uu yahay midka saxda ah, adiga oo u tanaasulaya ra’yiga kaa soo horjeeda oo aad ogtahay in aad ka saxantahay, si aysan u burburin maslaxadda guud ee idinka dhaxaysa. Arintaan, waxaa yeeli kara oo kaliya, hayinka biyo ma daadshaha ah ee og masuuliyadda saaran. Ma yeeli karo layliga buubaaga ah ee dida kolka ay qaalimada kale didaan. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Khilaafka iyo Maarayntiisa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliso marwadiisa Drs Hodan Siciid Ciise ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Mudane Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah wasiiradii ay soo wada-shaqeeyeen, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. Dr Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ka hor inta uusan dhoofin ayaa shacab weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda. Waa safarkii ugu horreeyay ee mudane Gaas uu dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii hore ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihi hore Cabdiweli Gaas oo ka dhoofay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay xal uu sheegay in laga gaaray qalalaasihii ka taagnaa magaalada Jigjiga. Mustafa Cagjar, ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday deegaanka ay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray haraadiga maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, islamarkaana ay ka guuleysteen. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin Shabakad isku xiran oo dhibaato ka waday deegaanka Soomaalida, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo. Wuxuu digniin u jeediyay dadka wali ku howlan dhibaateynta shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ka hortagayaan dad kasta oo dhibaateynaya amaanka deegaanka. Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay. Waxaana isaga iyo shaqsiyaad kale loo heystaa ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Jigjiga.mp3Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Axmed Islow ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka in ay dardar galiyaan kaalinta ay ku leeyihiin tartamada ciyaaraha. Axmed Islow ayaa tilmaamay in haatan ay hooseyso wada shaqeynta ay dowlad goboleedyadu la leeyihiin maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Banaadir howl muhiim ah uu ka wado magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dadaallo xoogan oo loogu jiro sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha dalka , gaar ahaan dhanka kubadda cagta. The post Wasaaradda Ciyaaraha Oo baaq u dirtay M/ Goboleedyada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galmudug ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xeryo Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi, waxaana uu kula dardarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxa uu ku sugnaa Gaalkacyo, isagoona kulamo ka waday gudaha magaaladaasi. The post Xaaf oo kormeeray Xeryo ku yaalla Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in la fashiliyay koox uu ku tilmaamay dhiig-Cabayaal oo isku dirayay madaxda federaalka iyo kuwa degaanka. Kooxdaasi ayuu sheegay in ay yihiin haraadigii Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana ay isaga kula colleebeen Soomaalinimo jecaylka iy diinta. Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay xisbiga degaanka gaar ahaanna guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo isaga (Cagjar). Mudane Cagjar ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jigjiga kadib markii Addis Ababa lagu soo xalliyay khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Shide. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Cagjar oo sheegay in la xalliyay Khilaafkii dowlad degaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka kacay Guryo ku yaalla gudaha Bakaaraha, isagoona ku fiday qeybo badan oo ka mid ah Suuqaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay Dabkan, waxaana uu khasaare ka soo gaaray illaa 4 goobood oo Ganacsi ah. Gawaarida Dab Damiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud ayaa markii dambe ku guuleystay daminta Dabkaasi. Waa markii labaad oo uu Dab ka kacayo Suuqa Bakaaraha 2 bil oo isku xigta, iyadoona uu khasaare ka soo gaaray gubashadaasi Ganasactada wax ku iibiya suuqaasi The post Faah faahinno ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib markii ay sii kordheen cabsida laga qabo xaaladaha bani’aadanimo ee kajira dalka ayaa wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya shir isugu yeertay hay’adaha samafalka,kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani,aadanimo ee dalka ka jira. Mas’uuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hay’adaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo. Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay. “Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka bani’aadanimo,islamarkaana loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”. Ayuu yiri Wasiir Xamza. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed. The post XFS Oo Hay’adaha gargaarka kala hadashay kordhinta howlaha samafalka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-020219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka qeyb galayay barnaamij ka dhacay magaalada Garowe ayaa ka hadlay labo sano kadib halka Soomaaliya ay u socoto iyo waxyaabihii lasoo maray. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo isaga ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo wado dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xukuumadda hadda jirta labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay wado qaldan. “Aniga iyo dowladda Soomaaliya, waxaan isku heynaa hal arin oo ah in wadada qaldan laga leexdo oo wadada Toosan lagu soo dhaco, Tusaale qofkii doonaya inuu Gaalkacyo aado ka waran hadduu Afka Aadiyo Bari, waa inaan saxnaa, Anaga “Wadajir” ahaan waxaan dooneynaa inaan hal wado ku wada dhacno oo aan wax isla saxno”. Siyaasi Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka faragelinta dowladda ay ku sameyso maamul goboleedyada ay ugu horeeyaan waxyaabaha ka leexinaya waddada saxda ah. “Labado sano kadib hadda waxaa muuqata in wadada saxda ah lagu soo dhici rabo, waad og tihiin doorashadii ka dhacday Baydhabo waxay aheyd, Tan Puntland ka dhacday waad og tihiin dhaqaalaha lagu bixiyay, Galmudug waxa ka socdo, war annaga waxaan taaganahay hal meel aan iskula socono, markaa gaariga hadduu naga halaabo waan wada toosisan karnaa”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xisbiga Wadajir ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay si Wadajir ah kaga shaqeeyaan horumarinta Soomaaliya iyaga oo aan talada dalka isku koobi doonin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in muhiim ay tahay xallinta khilaafka dhanka maamulka ah ee ka taagan degmadaasi. Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo afjaridda wax walbo oo ka taagan degmadaasi, si loo helo maamul dadkoo oo dhan ay raali ka yihiin. Waxgaradka degmada Baardheere ayuu ku amaanay doorka ay ka qaateen in aanu gacan ka hadal dhex marin, shaqsiyaadka isku haya maamulka degmadaasi. Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka degmada Baardheere aanay xilligan qaadi karin culeysyo dheeraad ah oo dhanka maamulka ku aaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Maxuud-Sayid-Aden-oo-Waxgaradka-Baardheere-kala-hadley-sidii-loo-xalin-lahaa-khilaafka-dhanka-maamulka-ee-ka-taagan-degmada-Copy.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada DFS Soomaaliya maalmahan dambe ka wadeen degmada Afgooye iyo deegaano ka mid ah gobolkaasi. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi kusoo qabteen dad lala xiriirnayo Al-shabaab. Dadka la qabtay ayuu sheegay in lagu hayo baaritaan, islamarkaana wixii dambi ku cadaada maxkamad ay horgeyn doonaan. Guddoomiye Barre ayaa dhanka kale sheegay in xubno Al-shabaab ah ay maalmihii ugu dambeeyey soo galeen gudaha degmada Afgooye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/GUDOOMIYAHA-SHABEELLAHA-HOOSE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ayaa dalbaday i lasii daayo taliyahii ciidamada degmadaasi oo ku dhowaad 20 cisho ku xiran magaalada Muqdisho. Faarax C/nuur Turbac, taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa loo haystaa bixinta ammarkii lagu diley 6 qof oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo aan wax maxkamad ah iyadoo aan lageyn la toogtay. Maxamed Sheekh Cali, waxa uu ka mid yahay saraakiisha cidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, waxa uu sheegay isaga oo la hadlay Goobjoog, in madaxda dowladda federaalka ka codsanayaan in lasii daayo taliyaha. Waxa uu sheegay in gadoodka maalmihii ugu dambeeyey ciidamada ka sameeyeen degmada Baardheere ay sabab u tahay xarigga taliyaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidamada-DF-ee-Baardheere-oo-Codsadey-in-la-sii-daayo-Taliyahii-Ciidamada-Baardheere-oo-muddo-ka-badan-ilaa-20-cisho-ku-xiran-Magaalada-Muqdisho..mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raage Oomaar oo aamini waayey Jeneraalka noqday taliyaha cusub ee Amisom Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira. Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah. Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi” Qaran News
-
Cadho ka dhalatay kabo ay sameysay shirkadda NIKE oo cagta hoose lagu qoray magaca Allah+Sawirro Muslimiinta ku nool daafaha caalamka ayaa cadho ka muujiyay kabo cusub oo ay soo saartay shirkadda Nike kuwaas oo loogu gafayo magaca Ilaahay oo si sarbeeban loogu qoray cagta hoose ee kabahaasi. Kabahan cusub oo ay shirkaddu u bixisay magaca Nike Air Max 270 ayaa ah kuwo lagu aalamiinteeyo, waxaana iminka ay muslimiintu ka dalbanayaan shirkadda in ay dib ula laabato kabahaasi loogu gafeyo Ilaahay. Sannadkii 1997-dii ayay aheyd markii sidoo kale kabo ay shirkaddaasi soo saartay loogu gefay magaca Ilaahay oo ay durba suuqa ka joojisay, kana bixisay raalligelin. Iminka dhacdadan cusub ayay shirkaddu sheegtay in ay baadheyso islamarkaana ay xushmeyneyso dhammaan diimaha kala duwan. Olole looga soo horjeedo kabahan cusub ayaa waxaa uu si xowli ah uga socdaa baraha bulshada ee internetka. Qaran News
-
Ceeb ka dhalatay qorshe Kenya laga soo min guuriyey oo la soo dhigay bogga Villa Somalia Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin. Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada. Arrintan ayaa dhalisay cadho iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada. Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.keku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”,kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn. Qaran News