-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Maalinta Barri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax lagaga soo horjeedo xaraashka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada golle ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”. Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yidhi “Sharciga marka la eego, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baadhista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xidhiidha ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed deg deg ah kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee berri ka furmaya magaalada London. War-saxaafadeedkan ayaa yimid laba saac un kadib, markii Caasimada Online ay ku eedeysay xisbigan inuu ka aamuso inuu caddeeyo mowqifkiisa arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan shirka London. Halkan ka aqri qoraalkii Caasimada Online. Ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga, ayaa u sheegay Caasimada Online in xubnaha xisbiga isla garteen inay qalad weyn ahayd inay muddo intan la eg ku qaadato inay shirkaas jawaab ka bixiyaan, ayada oo qoraalkan uu yimid markii ay ku baraarugeen faallada Caasimada Online. Si kastaba qoraalka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu dalbaday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas joojiso. Waxyaabaha xisbiga Himilo Qaran uu uu sababta ka dhigay ayaa ah inay walaac abuureyso deg degta dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku iibiso shatiyada xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Qoraalka Xisbiga Himilo Qaran, ayaa sidoo kale lagu sheegay in qodobka 44-aad ee xeerka lagu maamulayo shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliya uu weli yahay qabyo oo aan la ansixin. Waxa uu xisbiga sheegay in ha’aydihii maareen lahaa arrimahan, gaar ahaan xeerarka iyo sharciyada ku hareerysan maamulka shidaalka Soomaaliya aan la meel-marin, ayada oo taas ay dheer tahay in dowladda Soomaaliya aysan iminka lahayn awood ay wada-xaajood wanaagsan kula gasho shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga Himilo Qaran
-
Berri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax looga soo horjeedo xaraashka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”. Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Sharciga marka la fiiri, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. 2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). 4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. 5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) 7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya u qaabilsan dalka Finland Ambassador Erik Lundberg. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka dalalka Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan waddanka Finland, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga. Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirka ku bogaadiyey booqashada uu ku yimi dalka, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa. Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Garsoore Sarah B. Mazziye oo ka tirsan Maxkamadda Gobalka Minnesotta ee dalkaasi waxay shalay amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi, kaasi oo qorshuhu ahaa in loo soo masaafuriyo dalka Soomaaliya. Cabdiqaadir Shariif Cabdi oo dalka Maraykanka qaxooti ahaan u galay sannadihii 1990-aadkii ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxaha Burcadda ee dadka dhaca, waxaana isaga lagu soo oogay inuu dhacay gaadiid, hanti iyo in dhowr jeer la qabtay isagoo sarqaansanaa. Sannadkii 2002-dii ayaa waxa la amray in loo dhoofiyo Soomaaliya, inkastoo Hay’adda Socdaalka sheegtay inay si dhow ula soconayaan xaalladiisa, isagoo si Ku-meel-gaadh ah loo sii daayey, balse bishii Jenewery ee sannadkii hore ayaa mar kale la xidhay. Waxaa la qorsheeyey bishii March ee sannadkii hore in Cabdiqaadir Shariif Cabdi ka mid noqdo 68 Soomaali ah oo iyagu loo soo dhoofinayey Soomaaliya, balse Garsoore Sarah B. Mazziye waxay bishii November codsatay in lagu sii hayo Xabsiga. Si kastaba ha ahaatee, isla Garsoore Sarah B. Mazziye waxay shalay amartay in la sii daayo Muwaadinkaasi Soomaalida ee lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi. Dadkii Soomaalida ee shalay ku sugnaa Hoollka Maxkamadayntiisa waxay mar qudha farxad la qeyliyeen markii lagu dhawaaqay in aan la masaafurin doonin, lana sii daayey Cabdiqaadir sheikh Cabdi Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka siyaasadeed, waxa uu aaminsan yahay iyo waxa uu u taagan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, ayaan weli caddeyn laguna wareersan yahay. Xisbigan oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xisbiyada leh miisaanka siyaasadeeed, ayaa waxaa maqalkiisa u dambeysay maalintii Muqdisho lagu diiwaan-geliyey ee uu uu noqday xisbi rasmi ah, oo ahayd 17-kii December. Marka xisbi siyaasadeed uu abuurmo inuu aaminsan yahay aragti siyaasadeed oo ka duwan tan dalka lagu hoggaaminayo, sidaas darteedna uu doonayo inuu talada dalka la wareego. Hase yeeshee xisbiga Himilo Qaran weli ma muujin sabab dadka ugu beddelan karaan kooxda talada dalka haysa ee Nabad iyo Nolol iyo xisbiyada kale. Tan iyo markii xisbigan uu abuurmay, waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo waa weyn, sida cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom, halal amni darro, iyo arrintan hadda taagan ee shirka shidaalka Soomaaliya ee London lagu qabanayo 7-da Febraayo. Dhammaan xisbiya dalka ka jira ee waa weyn sida UPD, Ileys, Wadajir iyo wixii soo raaca, waxay soo wada saareen qoraallo ay ku caddeynayaan mowqifyadooda siyaasadeed, ayaga oo diiday sida ay dowladda wax u maareeneyso. Hase yeeshee, Himilo Qaran weli wax fal-celin ah lagama hayo. Qasab ma ahan in xisbiga Himilo Qaran uu dowladda mucaarado, hase yeeshee waxaa muhiim ah inuu shacabka u caddeeyo mowqifkiisa ah inuu raacsan yahay siyaasadda dowladda ama inuu diidan yahay. Dad badan ayaa is-weydiinaya waxa ugu wacan aamusnaanta Himilo Qaran. Dadka qaar ayaa qaba inay tahay farsamo xumo iyo ayada oo xisbigan weli uusan aas-aas dhismo oo wanaagsan lahayn, ee uu magaca kaliya ka jiro, islamrkaana aanu qaabasneyn hoggaanka xisbiga wixii kasoo hara hogaamiyahooda Shariif Sheekh Axmed. Dad kale ayaa ayagana aaminsan in Shariif oo ay aad isugu dhowaayeen Farmaajo, markii uu madaxweynaha u ahaa, uu cayaarayo siyaasad ku dhisan qunyar socodnimo, isaga oo iska ilaalinaya inuu si toos ah dowladda u dhaliilo. Wax kasta, oo ay ahaataba waa muhiim in shacabku ogaadaan waxa uu aaminsan yahay una taagan yahay xisbiga Himilo Qaran, iyo in aamusnaanta macnaheedu yahay taageero, haddii aysan sidaas dhicinna, ma jirto sabab ay u doortaan ama uga door bidaan xisbiyada kale ee dalka ka jira, oo uu ku jiro midka hoggaanka haya ee Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa. Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani. Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen dadka saylada ka shaqeeya dawlada hoose ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegay in aaney jirin wax deyn ah oo xukuumadii hore Madaxweyne Siilanyo ku wareejisay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Shabakadda Somalilandtoday ayaa hore u baahisay in kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiir Sacad Cali Shire uu Madaxweyne ku khasbay wasiir in uu beeniyo dayntaa, waxaanu maanta beeniyay dayntii uu hore warbaahinta ugu sheegay, Halkan hoose ka DAAWO wasiir Sacad shalay iyo maanta Source
-
27 ardey oo ka mid ah kuwa aragga la’ ayaa ka walwalsan sida ay ugu fariisan-doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah kadib markii ay wasaaradda waxbarashada ka jawaabi weysay cabashooda. Axmed Xasan Dige oo ardeydaas ka mid ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Cabsi ayaan qabnaa oo ah in dadka aragga la’a sanadkan aaney gelin imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda maadaama sanadkii hore laga reebay, cabashadeennu waa in arrintaas wax laga qabto, oo wasaaraddu dedejiso qaab aan imtixaanka ku geli karno”. Ibraahim Maxamed Cali, oo oo ka mid ah ardeydaas, oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa yiri ” Waxaan diideynaa in dadaal dheer kadib uu mustaqbalkeena dayacmo, dowladduu waa inay diyaarisaa qaabkii aan imtixaanka u geli laheyn”. Horay waxaa arrintan u dalbaday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri”Allah agtiisa in laga wada simman yahay, midka araga la’ iyo midka kale aragga heysta, waa imtixaan midka aragga leh waa la imtixaamay midka laga qaadayna waa la imtixaamay, ilaah arag uma waayin lakiin anaga ayaa la rabaa inaan ku cibro qaadano, maanta wax ayaad baranaysaan, imisa ayaa aragooda qaba hadana jaahil ah wax ay ku qabaana anay jirin wax nacfi adduun iyo mid kaleba , sidaa darteed waxaan idiin ku bogaadinayaa inaad hami ka yeelataan waxbarahada oo aas aaska wax walbo looga gudbi karo aanta”. Dhanka kale Sanater Zamzam Daahir Maxamuud oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegtay in arday looga baahan yahay inay galaan taariikhda dadkii aragga la’ aa ee waxbarashada heerka ka gaaray inay ku daydaan ayadoona sheegtay in arday cabashadooda ay gudbinayaan “waa inaan la niyad jabin, waad ogtihiin taariikhda dadkii araga la ‘ aa ee hormarka gaaray ma ahan inaad dadka ka duwan tihin, dhamaan dadku waa isku xuquuq mid araga leh iyo kaan aheenba, waxaan idiin sheegaayaa inaan wasaaradda aan codsigiina la tagidoono gudoomiyahane aan la soo xariiridoono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (SMN) – Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa maanta xornimadiisa dib u siisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Xasan,kaas oo loo heystay dacwado la xiriira in uu dhalinyaro uga qorayay Al Shabaab gudaha dalkaasi. Muwaadinkan Soomaliyeed oo dhowr jeer oo hore la soo taagay maxkamaddan ayaa waxa la qorsheynayay in loo soo musaafiriyo Soomaaliya, balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn mar kale maanta dhageysatay dacwaddiisa, waxaana ay amartay in xabsiga laga sii daayo. C/qaadir Shariif Xasan ayaa la soo xiray bishii January ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana uu ku qornaa in uu ka mid noqdo 69 muhaajiriin Soomaali ah oo dowladda Mareykanka ay dib ugu soo celisay Soomaaliya bishii March ee 2018-kii ,laakiin qareenka u doodayay ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo dacwadda loo heystay muwaadinkan Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore ee 2018 boqolaal Soomaali ah oo sharci la’aan ku joogay dalkaasi u soo musaafurisay Soomaaliya The post Mareykanka Oo xoriyaddiisa dib u siiyay muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa maalin kaddib lagu wadaa in magaalada London ee Britain uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Balse waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London. Maxaa ka mid ah been abuurka ku gadaaman shirka London? Tan iyo intii uu shirkan London qabashadiisa soo ifbaxay ayaa waxaa jiray warar la isla dhexmarayay. Wararkaas waxaa ka mid ah warqado la soo dhigayay baraha bulshada kuwaasi oo qaarkood ay been abuur ahaayeen. Waxaa ka mid ah warqad baraha bulshada si weyn loogu baahiyay taasi oo sheegaysay in wasiirka Betroolka iyo Macdanta iyo ku xigeenkiisa ay iscasileen. Warqadan ayaa waxaa tan iyo shalay ay dhex socotay baraha bulshada waxaana soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga. Balse warqadan waxay ahayd mid been abuur ah sida ay markii dambe dowladda xaqiijisay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Maxamuud Cabadi qaadir Hilaal ayaa BBC u sheegay in warqadaas ay tahay mid been abuur ah. Mr Maxamuud ayaa sheegay in wasiirka betroolka iyo isagaba laga been abuurtay oo aysan xilka iska casilin. Waxa uu intaa ku daray in wasiirka Betroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed uu iminka joogo London si uu shirkaasi uga qaybgalo. Ma xaraash baa shidaalka Soomaaliya? Shirkan lagu wado in khamiista uu ka dhaco London islamarkana looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo ku saabsan waxyaabaha dhab ahaantii uu ku saabsan yahay. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shirka London ku tilmaameen mid lagu”xaraashayo” kheyraadka Soomaaliya. Balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna sheegtay in shirka London uu yahay mid lagu soo bandhigayo macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay. Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Dhanka kale shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya. Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaarada Betroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km . Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Somaaliya. Xigasho: BBC SOMALI
-
Washington (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo wareysi gaar ah siinayay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya horumada ay ku tilaabsaneyso Soomaaliya iyo caqabadaha guud ahaan ka jira qaaradda Africa. Mr Guterres aya wax laga weydiiyay xaaladda Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabi doono wakiilka QM u fadhin doona Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya ayaa maalintii koowaad ee sanadka 2019 soo saartay warsaxaafadeed ay dalka uga eryiday wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicolas Heysom oo dowlada dhexe ay ku eedeysay in uu ku xad gudbay madax banaanida Soomaaliya. Sidoo kale xoghayaha guud ee QM oo maalmaha soo aadan magaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shir ay soo qaban qaabiyay ururka Midowga Africa oo looga hadlayo aRrimo badan oo la xariira qaaradda Africa ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka QM iyo dowladda Soomaliya, kadib eryidii Nicolas Heysom. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xili dhawaan M/ Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socday QM oo kulamo la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. The post QM Oo wakiil cusub u soo magacaabeyso Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan waqooyiga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay u jeedka baaritaanadan uu ahaa mid lagu xaqiiniyay amniga. Sidoo kalena looga hortagayay dhalinyaro xilliyada habeekii ah dhac ka geysta magaalada Gaalacyo ee gobolka Mudug. Saraakiisha ayaa ka gaabsaday, haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi. The post Howlgallo xoogan Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan dowladdu ay ka go’an tahay in la dhiso golaha adeegga Garsoorka, sida lagu qeexay tubta toosan qeybteeda Garsoorka. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo gabagaboobmi doonaan muranada la xariira awoodaha la’isku heysto iyo khilaafaadka jira. Hadalkan ayuu wasiirka Cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka jeediyay, xilli maanta uu ka qeyb galayay shir sanadeedka Garsoorka oo muddo labo maalin ah ka soconaya magaalada Muqdisho, kaas oo uu beri soo xiri doono madaxweynaha Soomaaliya. The post Xukuumadda Khayre oo shaacisay xilliga la dhisayo golaha adeegga Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Shirkani oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda dalalka ururka Midowga Africa ayaa lagu wadaa in beri uu ka furmo dalka Masar. Shirka oo socon doono muddo 2 cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Jamuuriyada Dimoqoraadiga ah ee Congo. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah madasha madaxda wadamada Midowga Africa oo Axada soo socota ka furmi doono magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka jiraan falalka amni daro, waxaana ka howlgala in ka badan 22 kun oo askari oo kasocda Ururka Midowga Africa. The post Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Masar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta 300 oo askari tababar ugu soo xiray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Taliye Ameeriko oo la hadlayay ciidamadan ayaa kula dar daarmay in ay ilaaliyaan nabad galyada deegaanka, si looga maarmo ciidamada milatariga ee jooga magaaladaasi. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu farxo, guulna u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale wararka ka imaanay Baardheere ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladdu howlgallo ay ka sameeyeen magaaladaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in lagu soo qab qabtay baaritaanadan dad kor u dhaafaya 50 Qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismaadaamin ahaa ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee G/ Gedo. The post Ameeriko Oo Ciidan tababar ugu soo xiray Garbahaarey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shir weynaha Garsoorka dalka oo aan la qaban dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Shirka waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada. Sidoo kale waxaa furitaanka shirkan ka qeyb galay ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee BFS, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin ka bixiyay caqabadaha heysta Garsoorka dalka. Xeer ilaaliyaha ayaa ka codsaday labada aqal ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa. Sidoo kale ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad oo daah-furay shirka ayaa tilmaamay in Garsoorku uu ka madax banaan yahay hay’adaha dowladda, loona baahan yahay in si hufan uu u guto waajibaadkiisa. Ugu dambeyn Baashi Axmed Yuusuf guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ka warbixiyay hanaanka uu ku shaqeeyo Garsoorka iyo waxyaabihii u qabsoomay. Maxkamadaha dalka ayaa sanadii hore ee 2018 ka gar naqay 12734 dacwadood, kuwaas oo isugu jiray madani, ciqaab iyo maamul. The post Shir sanadeedka Garsoorka dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/War-Duhur-060219-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, xilli labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka. Shirkadda qaabilsan daabicista Baasaboorka Soomaaliga oo gacanta ay ku hayaan rag Masaari ah ayaa la sheegayaa in afartii Cisho ee la soo dhaafay ay bilaabeen daabicitaanka Baasaboorka oo Bulsho badan oo Soomaaliyed ay u xanibnaayeen. Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga. Lama oga sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa soo dhaweeyay xalinta mushkiladan. Dad badan oo arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa Baasaboorka. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha u magacaabay garsooraha heerka caalami ee Sooomaliya ahna guddomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. 17-August 2017:-Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii hore gudiga garsoorayaasha kubbada cagta marxuun Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda. Marxuum Diraac ayaa shaqadda garsoorka dalka waxa uu ku soo biiray sannadkii 1986-kii, isagoo soo dhex dhexaadiyay ciyaaraha Kubbadda Cagta,Laliska iyo kubbadda cagta Gacanta. “Waxaa uu ku dadaalayay hormarinta Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Africa, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha kubbadda Cagta adduunka, qoyskiisa iyo dadka isaga jeclaa waa uga tacsiyeeyneynaa, waa arrin murugo leh dhacdadaasi’’waxaa sidaas sanadii 2017 sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka Gianni Infatntino.Garsoore Xassan Wiish ayaa ka hor inta aan loo magacaabin xilkan waxa uu Goobjoog u sheegay in Soomaaliya ay rajo ka qabto isticmaalka adeega muuqaal caawiyaha garsoorayaasha ee loo yaqaan VAR. “Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish. Si kastaba bahda ciyaaraha ayaa guul iyo horomar u rajeeyay guddomiye Xasan Wiish iyagoo sheegay in ay ka sugayaan in wax badan ku soo kordhiyo xafiiska loo magacaabay. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Mombassa (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa waxaa ay xabsi daa’in ku xukuntay Aabbe iyo wiilkiisa oo ay Maxkamadda ku heshay in ay taageereen Fasuul Cabdalla oo ka tirsanaa Al-Qaacidda. Fasuul waxaa lagu dilay Soomaaliya, waxaase loo heystaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Saafaradda Mareykanka ee sanadkii 1998dii iyo weerarkii Hotel Paradise ee 2002dii ka dhacay Mombasa. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareysay 219 qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale. Maxkamadda Magaalada Mombasa ayaa Mahfudh Ashur Hemed iyo wiilkiisa Ibraahim Mahfudh Ashur ku heshay in ay taageereen Fasuul, sidoo kalena gurigooda uu degay intii uu qorshaha weerradaas dejinayay. Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in xukunka ugu sarreeya lagu xukumo labada Nin. Qareennada difaacayay Odayga iyo wiilkiisa ayaa sheegay in Odayga uu mas’uul ka yahay labo gabdhood oo yar yar kuwaas oo ay hooyadood dhimatay sidaas darteedna uu xukunka noqdo mid dhaqancelin ah ee uusan aargoosi noqon. Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa ayaa 11kii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u tagayay maxkamadaha intii ay dacwaddooda socotay,qareennadooda ayaa codsaday in xukunka hadda ku dhacay uusan noqon mid xabsi ah hayeeshee loo oggolaado in ay koriyaan carruurta yar yar ee hooyadood ka dhimatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com